
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Wafti Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhac Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Laascaanood Warkii: Apr 02, 2005 Laascaanood(Radiossc.com):-Waxaa saaka abooro 10:30 subax nimo soo gaadhay magaalada Lascaanood ee xarunta gaobolka Sool wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwene ku xigeenka Puntland mudane Xasan Daahir Afqudhac oo ay ka mid yihiin xubo badan oo ka tirsan labada gole ee Dawlada. Soo dhawaynta madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa oo ahayd mid maalmahanba laga shaqaynayey ayaa saaka aroortii madaxada maamulka gobolka kana degmada iyo dadweyne aad u tiri badani kaga hortageen waftiga Tuulada Ganbadhe oo iyadu sodon km bari kaga beegan magaalada Laascaanood,waxaa kale oo ka qayb qaatey soo dhawynta waftiga qaybaha bulshada ee kala duwan oo wata gaadhi farabadan. Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminiga Axmed Cabdi Xaabsade,Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Hurumarinta Reer Miyaga Cali Cabdi Awaare, Wasiirka Madaxtooyada Max;ed Yuusuf Doonyaale,Wasiirka Hawlada Guud iyo Gaadiidka(C/laahi Cali Xirsi Timada-Cade)W/k/x Xanaanada Xoolaha Yaasiin Cali (Tamaad) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta,Booslika iyo Ilaalada Badaha Puntland. Madaxweyne ku Xigeenka Puntlanad Xasan Dahir Afqudhac ayaa hadal kooban oo uu u jeediyey dadweynaha reer Laascaanood u sheegay in maalinamada bari ay dadka kala hadi doono meel fagaare ah si ay bulshada ugu sharaxaan Socdaalkooda. Madaxweyne ku Xigeenka iyo waftigiisa ayaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaa inta ay joogaan Maamulka Gobolka, kan Degmada, Isimada iyo qaybaha kala duwan ee Bulashada. Fai'sa Cabdi Dhalac Radiossc.com Laascaanood Puntland Soomaaliya Qormadii: Fa'isa Cabdi Dhalac
-
Xamar-warlord media’s: shock anger @ the ARABS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Wasiirada Gaashaandhiga ee Wadanka Faransiiska Mechal Alliot-Marie ayaa kawada Hadley arrimaha ay ka mid tahay Xaalada Wadanka Soomaaliya. Wasiirada Gaashaandhiga ee Wadanka Faransiiska Haweenayda lagu magacaabo Mechal Alliot-Marie oo booqatey Wadanka Yamen ayaa waxay kulankii ay la yeelatey Madaxweynaha dalka Yamen kaga hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa Hawlaha Iskaashiga ee Yamen iyo Faransiiska ee ku wajahan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada. Wasiirada Gaashandhiga ee Faransiiska waxay sheegtey suurtagalnimada in Ciidamada Badda ee Faransiiska ay ilaalo ka sameeyaan Xeebaha ay wadaagaan Yamen iyo Soomaaliya si loo yareeyo wax ay Haweenaydaas ku tilmaantey Qatarta Argagixisada. Intii ay joogtey Dalka Yamen Wasiirada Gaashaandhigga ee Faransiiska Meeshal Alliot-Marie waxay kaloo kulan la qaadatey ninka Xilkeeda oo kale ka haya Dalka Yamen Cabdalla Cayloon iyo Masuuliyiin kale, waxayna sidoo kale booqasho ku tagtey Xeryaha Ciidamada ee Wadanka Yamen, iyadoo xiligaasi ka dib soo afmeertey booqashadii ay ku joogtey Wadanka Yamen. Dhanka kale Wasiirada arrimaha dibadda Yaman iyo Indunosiya ayaa ka wada hadalay arrimaha dalka soomaaliya,gaar ahaan qaabkii gargaar lagu siin lahaa Dowladda Madaxweyne c/llaahi Yuusuf Axmed. Yaman waxay ka mid tahay dalalka shaaciyay inay Ciidamo u soo diri doonan Soomaaliya,sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yeman waxay soomaaliya u soo dirayaan ilaa iyo 1000 Askari. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
Xamar-warlord media’s: shock anger @ the ARABS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Toilet, kitchen is the local IKEA sale on? Now Ambasador Qudac of Somaliland is giving us some of his inside information regarding the stance of the Arab's. The Arab League comunique on Somalia, promises made by Camir Musa, Mubarak, North African leaders, Qadafi's open arm's welcome, Sudan & Yemen's pledge of millitary support is all nothing tangible. What is real Mr Qudac our man from Somaliland, the 14 year recognition promise, the 3 year invasion of Las Ano and the Parliment elections of March 31? ..................................................................... Madaxweynaha Yamen oo Faransiiska kala Hadley Arrimaha Soomaaliya. Sanca-02.April.2005 Madaxweynaha Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Wasiirada Gaashaandhiga ee Wadanka Faransiiska Mechal Alliot-Marie ayaa kawada Hadley amuuro ay ka mid tahay Xaalada Wadanka Soomaaliya. Wasiirada Gaashaandhiga ee Wadanka Faransiiska Haweenayda lagu magacaabo Mechal Alliot-Marie oo booqatey Wadanka Yamen ayaa waxay kulankii ay la yeelatey Madaxweynaha Wadanka Yamen kaga hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa Hawlaha Iskaashiga ee Yamen iyo Faransiiska ee ku wajahan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada. Wasiirada Gaashandhiga ee Faransiiska waxay sheegtey suurtagalnimada in Ciidamada Badda ee Faransiiska ay ilaalo ka sameeyaan Xeebaha ay wadaagaan Yamen iyo Soomaaliya si loo yareeyo wax ay Haweenaydaas ku tilmaantey Qatarta Argagixisada. Intii ay joogtey Dalka Yamen Wasiirada Gaashaandhigga ee Faransiiska Meeshal Alliot-Marie waxay kaloo kulan la qaadatey ninka Xilkeeda oo kale ka haya Dalka Yamen Cabdalla Cayloon iyo Masuuliyiin kale, waxayna sidoo kale booqasho ku tagtey Xeryaha Ciidamada ee Wadanka Yamen, iyadoo xiligaasi ka dib soo afmeertey booqashadii ay ku joogtey Wadanka Yamen. Ayaan Cabdi Xuseen SBC Monitoring. -
somali australians send books to the new university in garoowe
General Duke replied to Sky's topic in Politics
^^^I wish us folks in the UK and Europe were as organised. Good news indeed.. -
over 160 MP's come out in support of the PM Geedi and cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Qudac come on mate. You must be able to do better than that, the Sharif estimate has been the weakness of Suudi Yalaxow and co, the numbers do not add up.. -
over 160 MP's come out in support of the PM Geedi and cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
160 Xildhibaan oo ka Tirsan labada Gole ee Dawladda oo soo Saaray baaq aay ku cambaareeynayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka . Somaliweyn (Nairobi ,April 1,2005) Waxaa shalay magaalada Nairobi ku dhammaaday shir labo maalmood socday oo aay ka qaybgaleen 160 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo Golaha wasiirada ,shirkaas oo shalay dhammaadkiisii aay xildhibanadu soo saareen baaq aay ku saabsan shilkii dhawaan ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliyeed Gudihiisa waxaayna cambaareeyn usoo jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamaankaoo aay ku eedeeyeen in uu masuul ka ahaa dhibaatadii ka dhacday Baarlamaanak dhexdiisa . Mudane xasaan Abshir Faarax oo shalay u waramayey BBC-da laanta afka Soomaaliga wuxuu yiri: â€Shalay shirki dhacay waxaan ka soo saarnay baaq aan ugu sheegayno ummadda soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba in shirkii fadeexadda ahaa oo lagu ceeboobay ,baarlamaanka Soomaaliyeedna aay gacantu kala gaartay in uu masuul ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ,sidii la rabayna uu u wadiwaayey â€Mudane Xassan Abshir wuxuu sheegay in xildhibaanadu ku eedeeyeen Guddoomiyaha in uu Mooshinkii Dawladdu aay baarlamaanka soo hordhigtay oo ku saabsanaa masiirka ummadda Soomaaliyeed oo ahayd in la diido ama la yeelo Waxyaabaha umaddu aay la fajacday waa guddoomiyaha oo keenay mashruuc kale oo dhawr iyo toban qof aay wataan â€.Mudane Xassan Abshir wuxuu sheegay in kalfadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka aanay ka dhicin wax doorasho ahi ee uu dagaal ka dhacay ,waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka la rabay in uu shirka xiro markuu arkay in dhibaato ka taagan tahay sida xeerku dhigayo wuxuuna ku dhawaaqay war ah la diriro oo dagaalama arintaas oo noqotay mid aanu un adkayasnwaynay ayuu yiri Mudane Xassan.. -
Boosaaso: Dhismaha Garoonka Badarqaasim oo Madaxweynaha Puntland dhagax dhigay - Saturday, April 02, 2005 at 12:57 Boosaaso (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Mud: Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa maanta dhagax dhigay Gagida diyaaradaha ee Bandraqaasim ee magaalada Boosaaso halkaasi oo maanta lagu bilaabay dayactir ballaaran. Munaasabadda dhagax dhigga oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa halkaasi hadal kajeediyay madaxwaynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi, wuxuu sheegay in Garoonka Diyaaraha ee Boosaaso in badanba dayactirkiisa la sugayay ayna muhiim u tahay Puntland oo dhan maadaama ay tahay magaalada ganacsiga Puntland. Madaxwaynuhu wuxuu xusay in Dayactirka garoomada diyaaraduhu ay sii socon doonaan dayactirna lagu samayn doono garoomada kale ee Puntland ee dayactirka u baahan. Wasiir kuxigeenka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland Yaasiin Cartan Maxamed oo asaguna halkaasi kahadlay ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu in muddo ahba ahaa mid dayacan isla markaana marka uu roobku ku do'o aysan diyaaraduhu haba yaraatee ku dagan karin. Wuxuu kaloo xaqiijiyay in Garoonka diyaaraha ee Boosaaso laga dhigi doono mid dhammaantiis wada ah Laami oo ay Diyaaraduhu xilli walba ku dagi karaan kana duuli karaan, waxaa kaloo lagu samaynayaa ballaarin . Ganacsatada waawayn ee gobolka Bari ayaa sheegtay inay qayb ka qaadanasyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo lasheegay in kharash aad ubadan uu ku baxay dhismihiisa Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo ku yaalla meel xoogaa ka durugsan magaalada Boosaaso kagana beegan dhinaca qorax udhaca ayaa ahaa garoon diyaaradeed oo ah dhul bannaan oo aan haba yaraatee garoon diyaaradeed ee gobol aan u ekayn . Ganacsatada iyo shacabka Boosaasona waxay soo dhaweeyeen in dayactir lagu sameeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Ganacsatada Puntland iyo Maamulka oo sheegay in si wadajir ah u dhisi doonaan Airporka Bosaaso oo loo qoondeeyey $6.000.000 (lix milyan oo dollar) Bosaso :- Kulan ay xalay isugu yimaadeen ganacsatada Puntland iyo maamulka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo bilaabi lahaa wadashaqeynta ganacsatada iyo Dowlada Puntland ayadoo kulankaasi uu kasoo qeyb galay Madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cadde Musse). Kulankan oo si weyn loo soo diyaariyey ayaa waxaa daadihinayey madaxda rugta ganacsiga Puntland ee magaalada Bosaaso. Munaasabadan oo lagu qabtay Hotel Panoramo ee magaalada Bosaaso ayaa waxaa kasoo qeyb galay ururada Ganacsatada Puntland iyo Wasiirada ka kala socda Wasaaradaha, Kaluumeysiga, Ganacsiga, Maaliyada iyo madax kale oo badan. Qodobada looga hadlayey kulankan ayaa ahaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiis horey u dhexmaray ganacsatada Puntland iyo Maamlka. Heshiiskan oo laga soo bilaabay kulan khaas ah oo ay ganacsatada iyo Madaxweynaha Puntland ku yeesheen magaalada Bosaaso horaantii sanadkan ayaa waxaa hada la sheegay in si dhab ah loo bilaabi doono wada shaqeynta Dowlada iyo Ganacsatada. Ururada Ganacsatada Puntland oo dhawaan la hirgeliyey ayaa xalay dowlada Puntland kala hadlay wadashaqeyntooda ugu horeyso oo uu kamid noqon doono dhismaha Aiporka Bosaaso oo loo qoondeeyey in uu ku kici doono 6 lix milyan oo dollarka Maraykanka ah. Lacagtan ayaa la sheegay in ay u qoodeesay dowlada Puntland ayadoo la sheegay in ganacsataduna ay kala qeyb qaadan doonaan hirgelinta mashruucan balaaran. Airporka Bosaaso ayaa la sheegay in la bilaabi doono dhismihiisa dhawaan wuxuuna socon doonaa muddo sanad ku dhow (10 bilood). Madaxweynaha Puntland ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ganacsatada ay noqon doonaan kuwo si siman ulla shaqeeya dowlada isla markaana aan lagu faro gelin doonin kharashka ay ugu deeqaan dhismaha. Ganacsatada Puntland ayaa loo furi doonaan Account u gaar ah oo ay ayagu ku maamulaan qeybta lacagta oo ay ugu deeqaan Dhismaha Airporka. Kulankan oo ahaa mid si wanaagsan ku dhamaaday ayaa waxaa ka muuqday yidiilo sare oo muujineysa sida ay isugu soo dhawaadeen ganacsatada Puntland iyo dowlada. Waa markii ugu horeysay oo ay si wada jir ah wax u wada qabtaan maamulka iyo ganacsatada, ayadoo ay sheegeen in ay sidoo kale ka qeyb qaadan doonaan dhismayaasha xarumaha bulshada ee deegaanada Puntland. Xassan Ciise HorseedNet.com Bosaso, PL Somaliya
-
Madaxweynaha Puntland oo saaka dhagax dhigay Airporka Bosaso International Bosaso :- Munaasabad saaka ka dhacday Airporka Bander Qasim ee Bosaaso ayaa waxaa markii ugu horeysay lagu dhagax dhigay dhismaha Airpor Caalami ah oo halkaasi laga dhisayo. Dhagax uu saaka dhigay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in si rasmi ah loo bilaabay dhismaha caalamiga ah ee Airporka Bosaaso. Munaasabada dhagax dhiga ayey kasoo qeyb galeen dadweyne aad u badan oo kumanaan ah kuwaasi oo si weyn u xiiseenayey in ay la socdaan dhacdadan muhiimka u ah magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Waxaa sidoo kale goobta dhagax dhiga ka muuqday ganacsatada waaweyn ee Puntland iyo Wasiirada maamulka Puntland oo aan dhamaantood u kala harin munaasabadan. Dhagax dhigan ayaa ka danbeeyey kadib markii ay xalay kulan ku yeesheen magaalada Bosaaso Xukuumada Puntland iyo ganacsatada oo ku heshiiyey in ay wada dhisaan Airporka cusub. Dhismaha Airporka Bosaaso ayaa lagu sheegay inuu u kala bixi doono qeybo kala gedisan oo isugu jira dhismahah xafiisyada iyo hoolasha, iyo dhismaha RUNWAY ama wadada ay dayuuradaha kusoo degaan iyo waliba qalabeynta Airporka. Dhismahan ayaa loo qoondeeyey lacag gaareysa 6 Milyan oo Dollar ah mid uu maamulka iyo ururada ganacsatada wada qeyb sanayaan. Kulankii xalay ka dhacay Hotel Panorama oo ay isugu yimaadeen Dowlada iyo Ganacsatada ayey uga wada munaaqashoodeen sida ay u kala qeybsanayaan dhismaha. Dhagax dhiga maanta ayaa ah mid si weyn looga hadal hayo Bosaaso iyo guud ahaan Puntland ayadoo ay tahay mashruucii ugu horeeyey oo noociisa oo uu filiyo maamulka Puntland tan iyo intii la dhisay 1998dii. Airporka Bosaaso ayaa horey loo qorsheeyey mashruuc dhismo ah oo ay ugu deeqeen Dowlada Emaaraadka balse mashruucaasi ayaa fashilay kadib markii uu khilaaf soo dhexgalay Dowlada Puntland iyo hay'adihii mashruuca waday oo loo diiday in ay u madax banaanaadaan maareynta kharashka ku baxaya dhismahaasi. Airporka Bosaaso oo ah kan ugu weyn Puntland ayaan laheyn wax dhismo caalami ah ayadoo ay dadka intiisa badan ay ku faraxsan yihiin horumarkan la gaaray. Dhismaha Airporka ayaa socon doona muddo 10 bilood ah. Madaxweynaha Puntland ayaa intaa kadib socdaal ku tagay xarumaha ciidamada ee magaalada Bosaaso oo uu kormeerayo inta uu ku sugan yahay magaalada. Xassan Ciise HorseedNet.com Bosaso, PL Somaliya
-
over 160 MP's come out in support of the PM Geedi and cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
160 Xildhibaan oo sheegay in ay kasoo horjeedaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo kala jabka Baarlamaanka oo si weyn loo hadal hayo Nairobi :- Warsaxaafadeed ay shalay kasoo saareen magaalada Nairobi 160 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, xildhibaanadan ayaa ku sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka mid aan dhex dhexaad ahayn. Qoraalkan oo ah kii ugu horeeyey oo ay soo saaraan Xildhibaano tiradaan leh ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka uu san wax go'aan ah ka gaarin Mooshinkii lasoo hordhigay 17kii bishii Maarso, kaasi oo ay gacan ka hadal ka dhaceen. Xildhibaanadan oo uu afhayeen u ahaa Xildhibaan Xassan Abshir Faarax oo ah wasiirka Kaluumeysiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ganac ka hadalkii dhexmaray xildhibaanda 17kii bishii lasoo dhaafay uu eedeeda lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan. Xildhibaanadan ayaa sheegay in Guddoomiyaha uu muujiyey xir fad la'aan isla markaana uu abuuray xiisad dhalisay in ay gacanta usula tagaan xildhibaanada asgaoo aan markaa waxna ka qaban xalinta dagaalkii ka dhacay Baarlamaanka uu guddoominayey. Xildhibaanadan ayaa si toos ah uga hadlay qorshaha uu Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Golahaasi ay ku qorsheenayaan in Baarlamaanka loo raro magaalada Muqdisho. Qorshahan oo lagu tuhunsan yahay in ay taageerayaan hogaamiye kooxeedka Muqdisho ayey ku sheegeen 160kaan xildhibaan in uu yahay mid aysan aqbali doonin. Xildhibaanadan ayaa sheegay in aysan waxna kala socon hawlaha ay xildhibaano gaaraya 11 ay hada ka wadaan magaalada Muqdisho. Qoraalkan ayaa kusoo aaday maalin kadib markii Xaflad ka dhacday Magaalada Muqdisho, xaruntii hore ee Xisbiga la sheegay in xaruntaasi loogu deeqay Baarlamaanka Federaalka ayadoo ay xildhibaanada Muqdisho sheegeen in ay goobtaasi u soo guuri doonaan. Hadaba qoraalka ay soo saareen 160kan xildhibaan ayaa ah Mid muujinayey in codka Xildhibaanada Intiisa badan ay hada kasoo horjeesadeen qorshaha Baarlamaanka loogu rarayo magaalada Muqdisho iyo waliba in ay muuqato kalsooni daro oo ay ku qabaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn uga dhex muuqday khilaafka ku dhex jira hogaamiyaasha Dowlada lagu dhisay dalka Kenya. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya -
Xamar-warlord media’s: shock anger @ the ARABS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^^ Xoogsade seems to be right once again, with those usaul sly remarks. As for the genes comment oh my, it seems one has promoted himself to the next level of ********* . Yet neaither of the two commented on the topic, since when has Yemen become a frontline state and Libya an enemy of Somalia??? -
Xadraawi Somaliland-na waxa la gudboon inay dagaalka ka qayb gasho
General Duke replied to SOO MAAL's topic in Politics
I respect his opinion, and remember everyone is entitled to thier opinion. While his answer lacked much clarification.. -
I need more info. Its a good Idea to hold election.
-
Xamar-warlord media’s: shock anger @ the ARABS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^^ Indeed the warlords dont want any troops because they would be at a disadvantage. Funny these brothers are. I read an article on ONKOD.com [based in the UK] a few weeks ago after Abdullahi went to Cairo, it read something like aL-Qadafi snubs Yusuf and his government.. A 360 degree about turn.. Dawladda Cabdullahi Yusuf oo idaacad loogu deeqay. Posted on Friday, April 01 @ 16:56:40 CEST by editor Wararka ka imaanaya caasimadda dalka Libiya ee Tripoli ayaa waxay sheegayaa in wafdigii uu hogaaminaayey Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ay kala kulmeen wadankaas soo dhaweyn heer sare ah iyo Deeq is kugu jirta Lacag iyo Qalabba. waxaa la sheegayaa in Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi lagudoon siiyey Idaacad Gaareysa dhamaan wadanka soomaaliya iyo meela kamid ah Bariga Afrika , oo ay Dowladda Geedi uga faa,iideysanayso sidii ay ugu gudbin laheyd Dadweynaha Barnaamijyada ay dowladda doonayso in shanta sano ee soosocda ay dalka ka qabato. Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKG Xuseen caydiid ayaa waxa uu lakulmay wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Libiya. waxayna kawada hadleen Sidii xabsiyada dalka Libiya looga sii deyn lahaa dadka soomaalida ee ku xir,xiran . waxaa kaloo ay ka wada hadleen arinta kale ee Libiya dhibaatada weyn ku heysa oo ah Dadka u Tahriibaayo yurub ee iskaga Gooshaayo, Bada u dhaxeyso Libiya iyo yurub. Arintani waxay sababtay in sanooyinkii lasoo dhaafay ay ku dhinteen soomaali badan iyo Afrikaanba. waxayna isku Afgarteen labada wasiir ee Arimo gudeed in ay Libiya dadka soomalida ee Diyaarka u ah in ay dalkooda ku noqdaan ay dib ugu celiso ayna ka bixiso Tikitka ay dadkaas ku noqon lahaayeen ayna siiso xoogaa gacan qabsi ah oo ay marka ugu horeyso ee ay dalka ku noqdaan ay meelo ku dagaan, wararka waxa ay sheegayaan in dhamaan kulanadii ay yeesheen labada dhinac si weyn la iskugu afgartay. Booqashada ay wafdiga DFKG ah ayku tageen dalka Libiya ayaa waxay noqdeen wafdigii ugu badnaa oo dawladda ka socda oo intaas la Eg oo booqasho ku taga wadan Dibada ah wuxuuna qaatay safarkooda waqti dheer. Abdirahman Zaylaci. onkod News, Qahira. -
over 160 MP's come out in support of the PM Geedi and cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Juma and his simple logic. Indeed my loyalty to my family is paramount, unlike you my family is made up of more than one sub-clan or one man. Unlike you my uncles are a source of strength, while you see half of your family as the enemy from "Pukeland" . Your logic is that Hobyo is the exclusively land of your sub-clan, while Banadir is not the exclusively land of Mohamed Dheere's clan.. You are against the promise of law and order that the government led by Geedi represents, yet you support the likes of Yusuf Inda Cade. You are for Qaynyare, Musa Sudi and Osman Ato now that they want to fight. But when they did not you refered to them as mere "Women" in need of bras. Unlike me you are against peace, you are for warlordism and anarchy and clanish dominance. You hate Puntland but love the JVA,one is a legitimate organ for change and progress, the other occupies peoples land .. Kinda of summs up everything about you.. But I still have hope, for you are still young and can change. -
Xamar-warlord media’s: shock anger @ the ARABS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Yemen Proposes Maritime blockade and military aggression against political opponents of Abdullahi Yusuf. Monday, March 28, 2005 According to the Somali media: ever since the election of Abdullahi Yusuf, there have been endless traffics between Abdullahi Yusuf and his supporters on one hand and the Yemen President and his officials on the other hand. The Yemen government has become the most ardent supporter of Abdullahi Yusuf in the Arab world. Yemen has been channelling military hardware, financial kickbacks, and political support to Abdullahi Yusuf. It also lobbed addictively and fiercely for the support and the promotion of Abdullahi Yusuf’s supremacy over other Somalia’s factional leaders. On the other hand, Abdullahi Yusuf’s immediate advisors and blood relatives such as his son (mohamed and political advisor Ashari) have been on and off making trips to Sanai which created more suspicions in regard to the sudden change of heart of Yemen policies favouritism towards Abdullahi Yusuf and alienation of his opponents. His envoy and a long time friend and financial backer, Engineer Munye bas been the linchpin of this sudden rapprochement between Yemen and Abdullahi Yusuf. Engineer Munye is the most political king maker and personal trustee of Abdullahi Yusuf. Munye is also a holder of dual nationalities of both Yemen and Somalia and he is unofficial envoy and acting ambassador of Abdullahi Yusuf to Yemen. Munye’s connection in the Yemen’s political elites and political decision making bodies have made him the most influential and the driving seat that behind the thrown of Abdullahi Yusuf and intoxication of Yemen towards Abdullahi Yusuf. Engineer Munye is wealthiest man of Somali-Yemen extraction since he acquired the Somalia’s maritime and national shipping assets with the help of Yemen and its protection. In the recent months he has been making some uncharacteristically political threats and intimidations against a particular Somali groups. According to Somalis military eminent officials, the Yemen President has been promising recently that, he will apply a maritime blockade against any region, territory or group of Somali politicians who try to defy the orders and the wishes of Abdullahi Yusuf, without due care and considerations or calculating its consequences and ramifications. It seems the Yemen president is telling the Somali people to kowtow and submit their will to the dictatorial demands of Abdullahi Yusuf. Many Somalia’s political pundits have been asking questions of why on earth, the Yemen president or his government is hell bent to support Abdullahi Yusuf against the rest or the entire Somali clan people. The answer may lie with the Abdullahi Yusuf’s skilful racial exploitation, and using various channels in order to marshal any support that he can gain on his interests and political supremacist. Abdullahi Yusuf and his supporters have claimed that, they are Yemenis and belong to a Yemen tribe and originally came from. This tribe name is “Jabberti Ismail†Therefore, Abdullahi Yusuf and his followers have been politically challenging some Somali tribes who are none Arabs in the last 34 years. Additionally, Abdullahi Yusuf and his trusted Mr. Munye have been pleading that they are jointly standing for the interest of Yemen and Yemenis minorities who live in Somali and Diaspora but lack political and military clout since the collapse of the Somali Republic. For this reason/s they are in need of financial, diplomatic backing and active military supports in order to validate Abdullahi Yusuf’s pseudo presidency, which needs a solid protection and undying constant support. Having discovered these dubious and unfounded conspiratorial accusations and illegal co-operation between the Warlord Abdullahi Yusuf and the Yemen President, up-to now, the Somali people had no qualm with the Yemen people and their officials, but we have great concerns in regard to the ill-advised policy of Yemen and its politicians. If Yemen government goes ahead its well-publicized policies, it will not bring any good than harms for the future of Sino Yemen-Somali relations. It will also damage the brotherly and the long-standing fraternity between the two nations and their people. Yemen should be advised to stick its status quo of neutrality in regard to the current conflicts between rival Somali tribes and it should not be easily fooled by the greedy and the dictatorial ambitions of Abdullah You and his minions. Yemen should decide whether it wants to tie its future and national relations with an ailing and dictatorial minded individual who has no any grass root popular support nationally and internationally. It would be a wise for the Yemen administration to rescind its embryonic and ill advised and misguided policies towards the Somali nation. If and when Yemen decides to ally with the dictator Abdullahi and undertake its well-judged military aggression and maritime blockade, then, Somalis have no option but to resist any external aggression or oppressions. But before that scenario happens Somali people are anxious to keep the status quo of Sino brotherhood and centuries old relations. Once again, we hope and extremely anxious that the wise and seasoned politicians of Yemen will not be lightly fooled into unknown territories of the messy Somali politics. Yemen neutrality and honest endeavour of finding a neutral reconciliation and impartial support for all those Somalis who are misguided and off- the track politically will be best served for both sisterly and brotherly nations of Yemen and Somalia -
Xamar-warlord media’s: shock anger @ the ARABS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
ciidamada Yemen ee loo soo dirayo Soomaaliya oo soo shaac baxday Sanca Dowladda Yemen oo ka mid ah dowladaha gacansaarka la leh madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan tirada ciidamada ay u soo direyso Soomaaliya, si ay dowlada federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uga taageeraan inay dib ugu soo laabato dalkeeda, hubkana uga dhigto maleeshiyooyinka hubeysan. Wararka qaar ayaa sheegaya inay dowladda Yemen u diyaarisay hal cutub oo ka tirsan ciidamadeeda, iyagoo qeyb ka noqonaya ciidamada Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ku soo jeeda, si ay uga barbar shaqeeyaan, waxaana arrintani ay dowladda Yemen horeba uga sheegtay shir madaxeedkii Jaamacadaha Carabta ee ka dhacay Dalka Al-jeeriya magaalo madaxdiisa Al-jeris. Dowlada yemen ayaa noqotay dalkii ugu horeeyey ee Carbeed ee ciidamo u soo diraya Soomaaliya marka laga reebo Suudaan iyo Jabuuti oo iyagu ka mid ah dalalka IGAD waxaana la sheegayaa tirada ciidamada Yemen ee loo soo dirayo Soomaaliya inay gaarayaan illaa (1000) askari. Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa ka mid ah madaxda sida weyn u taageersan dawlada federaalka oo saaxiibbtinimo gaar ay ka dhexeyso madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed. Lama garanayo sababta ay dowladda Yemen ay u goosatay inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya iyadoo la ogyahay in uu baarlamaanka Soomaaliya gaashaanka ku dhuftay in ciidamada Dalalka Deriska kala ah badda iyo berrigaba loo soo dirin Dalka Soomaaliya. Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com -
Xamar-warlord media’s: shock anger @ the ARABS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hogaamiyaha Liibiya oo Cabdilahi Yusuf u sheegay inuu kaalin weyn ka qaadan doono taabagelinta dowladiisa ‘Korneyl Qadaafi kaalin intee la eg buu ka soo qaatay kicinta Colaadaha Sokeeye ee Somaliya. Waagacusub.net 01.04.05 Tripoli Hogaamiyaha Dalka Liibiya oo mudo afar cesha ah kadib Madaxweyne cabdilahi Yusuf kula kulmay dalkiisa Liibiya ayaa markii ugu horeeysay dhigiisa Somaliya u balanqaaday dhaqaalo farabadan oo uu ku sheegay inuu ku bixinayo taabagelinta dowladda dibad jooga ah ee Somaliya. Hogaamiyaha Liibiya waxaa kale oo uu Madaxweyne Yusuf u sheegay inuu iska baxo balse ay la sii joogaan wafdiga uu horkacayo Ra’isulwasaare Geedi ilaa maalinta Isniinta ah si ay ula kulmaan madaxda dalkaas Liibiya. Mucaamir Al Qadaafi ayaa ah Hogaamiye carbeed ee sida weyn uga qeeybqaatay hurinta Colaadahii Somaliya ka dilaacay wuxuuna sida la wada ogyahay saaxiib weyn la ahaa qaar ka tirsan hogaamiyaashii soo maray Somaliya kuwaas oo uu siin jiray dhaqaale iyo saanad Melleteri si ay dagaaladda dhankooda u xoojiyaan waxaana hadda muuqato inuusan wali daacad ka noqon dowlad dhexe ee ay Somaliya yeelato marka la eego heshiiska uu xilligaan la gelayo Mudane Cabdilahi Yusuf oo ka mid ah horjoogayaashii Colaada Somaliya walina aan haba yaraatee ka soo dabcin cadiifadiisii qabiil iyo hadafkiisii kaligii talisnimadda. Dad badan ayaa dhaleeceeynayo Hogaamiyaha Liibiya maadama uusan waligiis raacin wax ku dhisan rabitaanka Shacabka Somaliyed,waxaana hada muuqato inuu saaxiib gaara ka dhiganayo Mudane Cabdilahi Yusuf si ay uga wada shaqeeyaan la dagaalanka dimoqoraadiyada. Mucaamir Al Qadaafi waa nin dalka Liibiya ku qabsaday awood Melleteri walina ku maamulo qaab boqortooyo ah waxayna dadka Reer Liibiya sheegaan inay dowlada ka jirtaa Liibiya tahay mid ay ka arrimiyaan Juffada Korneyl Qadaafi. Cabdi Cali Bulxan,Liibiya. -
Xamar-warlord media’s: shock@ the ARABS After informing their listeners that the Yusuf/Geedi government was hated by the Arabs due to its Ethiopian links, and that because of this it [government] was destined to fail. After the fake, visa ban of Egypt on President Yusuf created in part by the BBC/somali section and the supposed deep rooted relationship between Abdiqasin and Qadafi. It seems the denial of the Mogadishu media has now turned to betterness and anger which has resulted in a backlash against many Arab countries. Now Yemen is a front line state that should not send troops, and is going to blockade Mogadishu. Egypt was never even handed. Yesterday’s darling Muamar al-Qadafi is a now painted as a dictator who opposes progress and democracy and is in fact the man who destroyed Somalia.
-
over 160 MP's come out in support of the PM Geedi and cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ A grown man should not lose his cool, my dear cousin stay calm and dont act like a fool. Your side is down and out for the count, the government of Ali Mohamed Geedi, will inhsa Allah be the first to resurect the proud nation of Somalia and safe our people from the fiends who now openely feast on our soil. The government has massive external and internal support, within the cabinet and parliment. It will overcome all obsticles put in front of it by the clique of small insignificant men, hasbeens of an ending era. -
over 160 MP's come out in support of the PM Geedi and cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^^ Shabbele must be the only website able to count, much like the way Sharifka counts huh? 160 Xildhibaan oo ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanku inuu sabab u ahaa gacan ka hadalkii dhex maray xubnaha baarlamaanka Posted to the Web Apr 01, 19:50 Nairobi:-kulan ay maanta isugu yimaadeen xarunta dalka Kenya ee Nairobi xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG ah ee Soomaaliya caddadkoodu ahaa 162 xubnood ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen kulankoodaas ka dib waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka inuu mas'uul ka ahaa dhacdadii foosha xumayd ee 17kii bishii tagtay dhex martay baarlamaanka mar ay ka doodayeen mooshin xukuumaddu keentay oo ahaa in Soomaaliya ciidammo la keeno Afikaan iyo Carab isugu jira isagoo guddoomiyuhu sida ay sheegeen ka dhinac furay mooshin kale taasoo ay sharci darro ku tilmaameen,irdahana u furtay in dagaal ka dhex dhoco baarlamaanka dhexdiisa isagoo weliba ku tirtirsiiyey xildhibaanadii mooshinka ka soo horjeeda kan xukuumadda inay dagaallamaan kuna dhawaaqay oraah colaad muujin ah oo ahayd "WAAR RAGGA ISKA CELIYA". Warsaxaafadeedkooda ayay ku sheegeen inay yaab ku noqotay iyaga iyo ummadda Soomaaliyeed,saxaafadda madaxa bannaan ee goobtaas ku sugnayd iyo dhammaan beesha caalamkaba in 8:00 fiidnimo ee habeenimadii maalinteeda dhibtu dhacday in afhayeenku soo saaray qoraal ku taariikhaysnaa 17-03-2005 summadiisuna ahayd TFP/1/241/05 ,kaasoo uu ku sheegayay in baarlamaanku codeeyey isagoo ku muujiyey inta diidey ,ogolaatay ama ka aamustay ,BBC-dana u sheegay inuusan tirinin codbixinta ee uu ka qiyaasqaatay tiradii xildhibaanad ee hadashay. Warkoodaan ay saxaafadda ugu talagaleen ayaa waxay ku sheegeen in aanay waxba ka jirin qoraalkii uu guddoomiyuhu soo saaray ee uu ku sheegayey in baarlamaanku codeeyey,go'aanna gaarey,taasoo lagu diiday barnaamijkii xukuumadda ee keenitaanka ciidammada shisheeye,waxayna ku eedeeyeen guddoomiyuhu inuu labo kooxood u kala qaybiyey baarlamaanka oo dhinac ka mid ah la saftay,isla markaana labo jeer sabab u noqday inay dagaallamaan xildhibaanadu oo ceeb iyo fadeexad iyo dhiig ka dhex daato xildhibaanada ,wuxuuna jebiyey bay ku yiraahdeen qoraalkooda qodobka 24aad farqadiisa 4aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka oo qeexaya in haddii buuqa xildhibaanadu isu bedelo hanjabaad ama gacan ka hadal inuu kulanka xiro. xubnahaan maanta kulanka isugu yimid ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka inuu raali gelin qoraal ah ka bixiyo qaladaadkaas ,xilkiisana u guto si daacadnimo ah,iyagoo u soo jeediyey guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeenna inay si degdeg ah u dhammaystiraan dhismaha gudiyada maamulka ,waxayna guddoomiyaha ugu baaqeen inuu door wanaagsan ka ciyaaro isfahamka iyo wadashaqaynta xildhibaanada iyo sidii ay mas'uuliyiinta qaranku gacmaha isu qabsan lahaayeen ,waxayna qoraalkooda ugu soo jeediyeen beelaha ku dagaallamaya gobollada qaarkood inay joojiyaan colaadaha. Xildhibaanadaan ayaa waxay taageereen go'aankii 18kii /03/ 2005ta ka soo baxay kulankii Wasiirada dalalka ku bahoobey urur gobolleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Nairobi kuna saabsanaa in ciidammo nabad ilaalin ah la geeyo dalka Soomaaliya,waxayna soo dhoweeyeen go'aankii 21kii /03/2005ta ee golaha Wasiirada Soomaalidu ku go'aansadeen dib u guurista dawladda iyo in si ku meel gaar ah loogu sii hakado magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta xaaladda ammaan ee magaala madaxda dalka(Muqdisho) laga hagaajinayo,iyagoo canbaareeyey duulaankii gardarada ahaa ee lagu soo qaaday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Xubnahaani waxay beesha caalamka uga mahad celiyeen taageeradooda hagar la'aaneed ee ay had iyo jeer la garab taagan yihiin hawlaha dib u heshiisiinta iyo dawlad gaarsiinta ummadda Soomaaliyeed ,iyagoo ka codsaday inay sii wadaan taageeradaas,sidoo kalana ay urur goboleedka IGAD kala shaqeeyaan hawlaha nabadda ee ku aadan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrikaba. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya -
over 160 MP's come out in support of the PM Geedi and cabinet
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xildhibaano Maanta Nairobi ka soo saaray Qoraal lid ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shir jaraa’iid ay ku qabteen magaalada Nairobi waxay ku sheegen inay taageersan yihiin go’aankii Golaha Wasiirada ee ahaa in Dowladda ku hakato magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar. Xildhibaanadaas ayaa waxay sheegen in kulan u socday muddo 2 Maalmood ah kadib isku afgarteen in la taageero Go’aankii Golaha wasiirada ahaa in Dowladda u guurto Baydhabo iyo Jowhar,sidoo kale Xildhibaanadaas ayaa waxay soo dhaweeyen in dalka soomaaliya la keeno ciidamo ka socda dalalka soomaaliya deriska la ah. “Waxaan nahay 160 Xildhibaan, waxaan halakan ka sheegaynaa in shirkii Fadeexada ka dhashay oo 17 bishii hore Baarlamaanka ka dhex dhacay waxaa mas’uul ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadanâ€ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Xasan Abshir Faarax oo shirkaas Saxaafadeed ka hadlayay. Xasan Abshir oo hadalkiisa u muuqday mid lagu weerarayo Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa uu aad u difaacay siyaasadaha Madaxweynaha iyo mida Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya. Dhawaaqa maanta ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa waxaa uu mar kale boorka ka jafayaa khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo arrintan keeni karto in mas’uuliyinta federaalka sii kala fogaadan. Xildhibaanada maanta qoraalka soo saaray ayaa waxay gaashanka ku dhufteen wararka sheegayay in Baarlamaanka soomaalida u soo guuri doona magaalada Muqdisho,iyadoo maantana muqdisho laga sheegay in Baarlamaanka soomaalida tiro ka mid ah Axada dalka soo gaari doonan. Xildhibaanadaas waxay kaloo sheegen inay mar walba u taagan yihiin badbaadinta shacabka Soomaaliyed,iyadoo ay saas tahay ayaa waxay soo bandhigeen khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo weliba tirada kale ee Xildhibaanada ee Guddoomiyaha taageersan. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
Nairobi:Xubno isugu jirey labada gole ee DFKMG ah ee Soomaaliya oo maanta ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanku inuu kala qaybiyey xildhibaanada kuna tuntay qodobo ka mid ah axdiga - Friday, April 01, 2005 at 19:04 Nairobi(Allpuntland)-Waxaa maanta kulan isugu yimid magaalada Nairobi xildhibaano ka tirsan baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo gaarayay 162 xubnood oo isugu jira labada gole ee dawladda FKMG ah ,waxayna soo saareen qoraal ay saxaafadda ugu talagaleen oo ay ugu horrayn warbixin tilmaamaysa dhacdadii foosha xumayd ee 17kii Marso ka dhacday kulankii baarlamaanka ee Grand Regency Hotel. Kulankaas oo guddoomiyaha baarlamaanka ay ku eedeeyeen inuu sheegay in go'aan laga soo saaray codayn ka dib qorshihii xukuumaddu wadatey ee ahayd keenitaanka ciidammo shisheeye o ka socda dalalka Afika iyo Jaamacadda Carabta ,iyagoo tilmaamay inuu guddoomiyuhu ka dhinac furay Mooshin kale oo ay ku tilmaameen inay sharci darro ahayd. Xildhibaanada iyo Wasiiradii kulankii maanta fadhiyey ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanka inuu sabab u ahaa gacan ka hadalkii goobtaas ka dhacay isagoo afkiisa kaga dhawaaqay erayo colaad hurin ah oo sida ay sheegeen uu ku boorriyey xildhibaanadii mooshinka keenay kelmad ahayd WAAR RAGGA ISKA CELIYA dabadeedna ay halkaas dhibaatadaasi ka dhacday. Waxayna qoraalkooda ku sheegeen inay fajaciso ku noqotay ummadda Soomaaliyeed,Warbaahinta madaxa bannaan ee goobtaas ku sugnayd iyo beesha caalamkaba in 8:00 fiidnimo ee maalintaas dhibtu dhacday in guddoomiyuhu soo saaray qoraal taariikhdiisu ahayd 17-03-2005 summadiisuna ahayd TFP/1/241/05 oo uu ku sheegayo in baarlamaanku u codeeyey oo diidey qorshihii xukuumadda isagoo muujiyey inta diidey ,ogolaatay ama ka aamustay ,BBC-dana u sheegay inuusan tirinin codbixinta ee uu qiyaas sameeyey. Xubnahaan kulanka maanta isugu yimid ayaa waxay ku sheegeen in sida ay hadalka u dhigeen aanay waxba ka jirin qoraalkii uu guddoomiyuhu soo saaray taariikhdaas kore ee uu ku sheegay in baarlamaanku codeeyey,go'aanna gaarey. Xildhibaanadu waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha inuu kala qaybiyey baarlamaanka oo qayb la saftay,isla markaana labo jeer guubaabiyey inay dagaallamaan xildhibaanadu oo dhiig dhexdooda ka daato,isagoo jebiyey qodobka 24aad farqadiisa 4aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka oo qeexaya in haddii buuqa xildhibaanadu isu bedelo hanjabaad ama gacan ka hadal inuu shirka xiro. Waxayna ugu baaqeen guddoomiyaha baarlamaanku inuu raali gelin qoraal ah ka bixiyo waa sida ay yiraahdeene qaladaadkaas isla markaan xilkiisa u guto si daacadnimo ah,sidoo kalana waxay u soo jeediyeen guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen inay si degdeg ah u dhammaystiraan dhismaha guddiyada maamulka . Sidoo kalana waxay si gaar ah guddoomiyaha ugu baaqeen inuu door wanaagsan ka ciyaaro isfahamka iyo wadashaqaynta xildhibaanada iyo sidii ay mas'uuliyiinta qaranku gacmaha isu qabsan lahaayeen ,waxayna qoraalkooda ku xuseen in loo baahan yahay in la joojiyo dagaallo beeleedyada ka socda gobollada qaarkood. Dhinaca kalana waxay taageereen go'aankii 18kii Maarso 2005ta ka soo baxay kulankii Wasiirada dalalka IGAD ee ka dhacay Nairobi oo ku saabsanaa in ciidammo nabadda taageera la keeno Soomaaliya,iyagoo sidoo kalana si buuxda u taageeray go'aankii 21kii Maarso 2005ta ee golaha Wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliya kuna saabsanaa dib u guurista dawladda iyo in si ku meel gaar ah loogu sii hakado magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta xaaladda ammaan ee magaala madaxda dalka(Muqdisho)hagaagayso. Xubnahaan ayaa qoraalkooda waxay ku canbaareeyeen duulaankii sida ay hadalka u dhigeen gardarada ahaa ee lagu qaaday magaalada Baydhabo iyagoo beesha caalamka iyo urur goboleedka IGADna uga mahadceliyey taageerada hagar la'aanta ah ee ay la garab taagan yihiin hawlaha dib u heshiisiinta iyo dawlad gaarsiinta ummadda Soomaaliyeed. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland,Nairobi,Kenya
-
Col.Cabdullaahi Yusuf oo la kulmay Col.Qaddaafi
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cabdulaahi Yuusuf iyo Raysul wasaare Geedi oo la kulmay Hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al Qadaafi. March 31, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Axmed Muuse Cabdulle(idaawaqaca) Kenya_Nairobi Madaxwaynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf iyo Raysul wasaare Geedi ayaa Xarunta madaxtooyada Liibiya kula kulmay Hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al Qadaafi. Madaxwayne Cabdulaahi Yuuuf iyo wafdgii uu horkacayey ayaa maanta la kulmay Hogaamiyaha Jamaahiiriyada Liibiya Mucamar al Qadaafi kulankaa oo ay labada Hogaamiye ku qaadaa dhigeen xiriirka soo jireenka ah ee Labada wadan. Kulankaas ayaa waxaa ku wehliyay madaxwaynaha Soomaaliya Rasulwasaare Cali Maxamed Geedi ku xigeenada wasiirka koowaad Eng Xueen Maxamed Faarax Caydiid,Saalim Caliyoow Ibroow,Wasiirka Arimaha Dibada Prof Cabdulaahi Sh Imaaciil, Xuseen Ceelaabe Faahiye Afayeenka Xukuumada C/rixmaan Nuur Maxamed Diinaari. Kulankaas ayaa madaxwaynaha liibiya looga codsaday in uu Soomaaliya ka taageero dhinacyada dhaqaalaha Caafimaadka waxbarahada iyo Xoolaha waxaa kaloo madaxwayna Liibiya laga Codsaday in wadamada Carabta iyo Afrika ku dhiirigaliyo taageerida Xukuumada Soomaalida. Kulanka ayaa ku dhamaaday jawi afgard iyo farxad badan sida uu Qadka Taleefoonka iigu xaqiijiyay Afayeenka Xukuumada Federalaaka ah ee Soomaaliyeed C/rixmaan Nuur Maxamed Diinaari. Madaxwaynaha Liibiya ayaa wafdiga Xukuumada Soomaaliyeed ugu Sameeyay Casho Sharaf qasriga Madaxtooyada ee Liibiya isaga oo balan qaaday in Soomaaliya uu ka taageeri doono dhinacyada dhaqaalaha iyo Siyaasada. Dhinaca kale. waxaa isla maanta kulan yeehay Rasulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid iyo dhigiisa liibiya waa wasiirka arimaha gudaha Naasir Mabruuk Cabdalle oo ay wehliyaan safiirka Cabdulaahi Xasan waxaa kaloo kulankaa Joogay safiirka Soomaaliye ee liibiya Maxamed Huseen Ilko dahab. Labada ma uul waxa ay kawada hadleen arimo badan oo quseeya Labada dal ee Walaalaha ah ee Liibiya iyo Soomaaliya guud ahaana waa la isku afgartay qodobadii ay kawada hadleen waxaana ka mid ah qodobadaaas. 1- in ay Dowlada Liibiya qayb libaax ka ciyaarto siyaasada Soomaaliya walibana ay ciidamada Carbeed ee ka qayb qaadanaya xasilinta Soomaliya ka mid noqoto. 2- In labada Dal Soomaaliya iyo Liibiya iska kaashadaan sidii loo joojin lahaa Dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyed kuna dhimanaya Badaha Liibiya iyaga oo ku sii jeeda Wadamada Yurub, 3- In Dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay ku laabtaan Dalkooda Soomaaliya ay Xukuumada Liibiya ka bixiso tahsiilaadka dhinaca Duulimaadka. 4- Wasiirka Arimaha Gudaha ee Soomaaliye Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid waxa uu mahad balaaran uga celiyay Xukuumada Liibiya sii daynta ay sii daayeen Maxaabiistii Soomaaliyeed waxa uuna ku sii adkeyey in ayan Xirin Dadka Soomaaliyeed ee Muhaajiriinta ah. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Liibya Naasir Mabruuk Cabdalle ayaa si farxad badan ku soo dhaweyay dhamaan codsigii ka yimid dhinaca Soomaaliya isaga oo xusay in Soomaaliya tahay mid ka mida wadamada Carbeed ayna ku dadaalayaan sidii ay cagaheeda iskugu tagi lahayd, -
Col.Cabdullaahi Yusuf oo la kulmay Col.Qaddaafi Burtinle-Online Khamiis, March 31 2005 Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii uu hogaaminayey ee maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Liibiya ayaa habeenimadii Arbacada la kulmay hogaamiyaha dalkaas Mucaamar Al-Qaddaafi. Col.Cabdullaahi Yusuf iyo Col.Qaddaafi ayaa la sheegay in ay kawada hadleen arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo doorka ay dowladda Liibiya ka qaadan karto nabadeynta iyo dib u dhiska Soomaaliya. Col.Cabdullaahi Yusuf ayaa Qaddaafi uga mahad naqay taageerada walaalnimo ee uu had iyo goor la garab taagan yahay ummadda Soomaaliyeed. Dhanka kale Col.Qaddaafi ayaa Cabdullaahi Yusuf uga mahad naqay dadaalka uu ugu jiro nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna kula dardaarmay in uu halkiisa kasii wado isku dayga uu ku doonayo inuu Soomaaliya nabad iyo kala dambeyn kusoo dabaalo. Wafdiga Cabdullaahi Yusuf ayaa maalmo badan ku sugnaa Liibiya iyadoo uu hogaamiyaha dalkaas Mucamar Al-Qaddaafi ka maqnaa dalkiisa, isagoo ku haray dalka Aljeeriya oo lagu qabtay shirkii madaxda Jaamacada Carabta, kulamana uu halkaa kula lahaa hogaamiyeyaal Carbeed. Cabdullaahi Yusuf iyo wafdigiisa ayaa intii ay sugayeen imaatinka hogaamiyaha Liibiya waqtigooda ku lumiyay dalxiis ay ku tageen gobolo kamid ah dalka Liibiya. Wafdiga Cabdullaahi ee booqanaya Liibiya ayaa waxaa kamid ah Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ku xigeenadiisa Xuseen Maxamed Caydiid iyo Saalim Caliyow Ibrow, iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Hogaamiyaha Liibiya ayaa la aaminsan yahay inuu qeyb weyn ka qaatay hurinta dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya, isagoo hubeyn jiray qaar kamid ah dagaal-oogayaasha Soomaalida. Burtinle-Online editor@burtinle.com