
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Shirkadda Africa Oil oo sheegtay in horumar laga gaaray shidaal soo saarka Puntland. Thu, 18 Aug 2011 13:42:57 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Australia, Aug 18 - War-saxaafadeed ay soo saartay shirkada Africa Oil oo Qandaraas shidaal soo saar ah kula Jirtay dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay hormumar ka sameeyeen heshiisyadii dhinacyada shidaal soo saarka, waxaana Africa oil tilmaantay in sida heshiisku dhigayo shidaal lagasoo saarayo Puntland mustaqbalka dhow. Shirkadda Red Emperor Resources (RMP) oo shariik la ah Africa Oil ayaa iyaduna sheegtay in ay heshiish aad muhiim u ah la saxiixdeen shirkadda Sakson Drilling and Oil Services, iyadoo shirkaddaasi bixindoonto illaa 1,500 ( kun iyo shan boqol) oo ah qalabka horse-power loo yaqaan, oo ah qalabka Riigagga shidaal soo saarista . Hawlaha la xiriira shidaal qodista oo ah qaybta saddexaad ee Qanadaraska ayaa waxaa loo baahanayaa in la helo shaqaale iyo qalab ku haboon si loo bilaabo hawlaha qodista ceelka koowaad oo sida lagu raja weynyahay qabsoomidoona qaybta dambe ee sannadkaan aan ku jirno. Meelaha ugu muhiimsan ee shidaalka lagasoo saarayo ayaa la filayaa in uu ku jiro shidaal dhan 900 Million oo birmiil. Ceelka koowaad ee rajada laga qabo ayaa ah shabeel-1 oo la filayo in rajada shidaalka ku jira uu noqdo 300 Million oo birmiil. Shirkada Red Emperor ayaa la sheegaya in ay u furantahay in ay ka qaybqaadato shidaal soo saarka ceelka Labaad oo isagana hawshiisa la bilaabidoono xilli dhow. Dawlada Puntland iyo dadka deegaanka ee Dharoor ayaa xaqiijiyey in ay gacansiinayaan oo taageerayaan hawlaha mashruucan shidaalka lagu soo saarayo, si hawluhu u hirgalaan si nabadi ku jirto oo degdeg ah. Agaasimaha fulineed ee shirkadda shidaalka ee Red Emperor Greg Bandy ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin hawlahan. "waxaan ku faraxsanahay in shirkadda aan hawsha wada fulineyno ay heshiish la saxiixato shirkad dhinaca Riigagga ah oo ay qandaraaskaasi gasho iyo kuwa la xiriira, marka aad ayaan ugu raja wanaagsanahay shidal qodista ee ceelasha koowaad ee Puntland mudmo 20 sano ah" ayuu yiri agaasimaha fulineed ee shirkada shidaalka ee Red Emperor Greg Bandy. Waxaa isi soo taraya raja-wanaag laga muujinayo in shidaal soo saarista Puntland noqoto mid si deg-deg ah u hirgasha, tallaabadaasi oo noqondoonto mid taariikhi ah oo ay ku intifaacidoonaan dadka reer Puntland. Dawlada Puntland ayaan iyadu wax war ah kasoo saarin hawlaha shidaal soo saarka ee Puntland, iyadoo dad badan u dhega-taagayaan waxa ku geedaaman ama dahsoon shidaal soo saarka Puntland. Xukuumadii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa heshiisyada shidaal soo saarka ee Puntland ee Dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal gashay, iyadoo la aaminsanyahay in xukuumadda talada dalka haysa ee Madaxweyne C/raxmaan Sheikh Maxamed ay dib u habayn ku samaysay heshiisyadaasi. Haddii riyada shidaal soo saarka dawladda iyo dadka Puntland ee ay in badan kusoo taamayeen rumowdo waxaa ay Puntland noqoneysaa meeshii ugu horreysa oo dhul Soomaaliyeed ah oo shidaal lagasoo saaro. Dawlada federaalka ah ee Somalia ayaa horay ugasoo horjeensatay shidaal soo saarka Puntland, iyadoo Somaliland-na ay ku dooday dhulka shidaalka laga soo saarayo ee Puntland qaarkood ay qayb ka yihiin Somaliland taas oo walaac ku abuurtay shirkadaha. Cabdirashiid Muuse Radio Daljir.
-
The renaissance of Mogadishu and the end of nightmares
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^It will be even better after the war..insha Allah -
Muqdisho(AllPuntland)-Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaar garoow xooggan oo ku aadan soo dhoweynta Ra'iisul Wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo la filayo in beri uu ka soo dego Muqdisho. Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu xardhay Sawirada Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Dowladda KMG iyo calamada Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa la diyaariyay kooxo qaabilsan soo dhoweynta wafdiga oo xeran doona dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya, iyagoo muujin doona ciyaaro dhaqameedka lagu yaqaan Soomaalida. Garoonka Muqdisho ayaa waxaa lagu xardhay Calamadda Soomaaliya iyo sawirada labada Mas'uul iyadoo amaanka inta u dhaxeysa Garoonka iyo Villa Somalia la dhigay ciidamo gaar ah oo loo soo xulay iney ilaaliyaan wadadaasi inta uu wafdiga ku sugan yahay Muqdisho. Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sh. Axmed oo maanta Turkiga kaga qeybgalay shirka Islaamka in uu ku soo hor mari doono Muqdisho oo laga yaabo in caawa xiliga danbe uu yimaado si uu beri garoonka ugu soo dhoweeyo Wafdiga Ra'iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan. Hadii ay suuragasho imaanshaha wafdiga Ra'iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa noqoneysa wafdigii ugu sareeyay ee Muqdisho yimaada tan iyo markii ay burburtay dowladdii hore. Waana wafdigii Sadaxaad ee Muqdisho soo booqday mudo Sadax cisho gudahood iyadoo maanta Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee Dowladda Britain yimid Muqdisho, sidoo kale shalay ayey aheyd markii uu soo booqday Muqdisho Madaxweynaha Jabuuti oo kormeer ku soo maray xerooyinka ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo Isbitaalka Banaadir. Ali Muhiaddin AllPuntland Team. Muxiyaddiin@hotmail.com
-
The renaissance of Mogadishu and the end of nightmares
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^He worked for Farmaajo's admin in the Ministry of Information, now works for the PM. Yes he is in Mogadishu. -
Qaban qaabadii u dambeeyay ee lagu soo dhoweeyay wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Rajab Tayib Erdogan ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinka lagu xardhay Calanka Dowladda Turkiga iyo kan Soomaaliya oo is garab saaran. Sida ay sheegayaan wararka qaban qaabada ayaa xoogeeda waxay ka socotaa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana la sheegay in la sameeyay Gudi qaabilsan qaban qaabada soo dhoweynta Ra'iisul Wasaaraha Turkiga. Wadada Maka Al-Mukarama ilaa garoonka Diyaaradaha ayaa ka mid ah goobaha la suray Calanka Dowladda Turkiga, gaar ahaan Baalayaasha jidadka, waxayna Calamada ahaayeen kuwo si saf ugu xardhanaayeen min Madaxtooyada ilaa Isgoyska KM4. Sidoo kale waxaa la diyaaray gawaari gaar ah oo lagu dhajiyay calanka Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Rajab Tayib Erdogan. Maalinta berri ayaa la filayaa in Ra'iisul Wasaaraha Turkiga soo gaaro Magaalada Muqdisho, si uu ugu kuur galo xaalada abaaraha iyo macluusha ka jirta Caasimada oo todobaayadii la soo dhaafay ku soo qul qulayaan boqolaal qoys oo abaaraha ka soo hayaamayay. Diyaarad ay leedahay Dowladda Turkiga ayaa ka soo degatay goor dhow Garoonka Diyaaradaha, taasoo siday shixnad kala duwan oo gar gaar ah, sidoo kale Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa iyana la sheegay inay yimaadeen Muqdisho, si ay u sii diyaariyaan imaanshaha Ra'iisul Wasaaraha. Turkiga ayaa ka mid noqday Dowladaha u soo gurmaday Umada Soomaaliyed, waxaana uu balan qaaday inuu Isbitaal ka hirgelin doono Magaalada Muqdisho. Saraakiisha ka socota Turkiga oo isugu jira dhaqaatiir caafimaad ayaa maanta howlo baaris lacag la'aan u sameeyay qoysas fara badan oo caruur iyo haween ahaa, kuwaasoo xaaladahooda caafimaad ay liiteen. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com
-
The renaissance of Mogadishu and the end of nightmares
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
A Mogadishu where foreign dignititries can meet a governemnt is a turning point. -
Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee Dowladda Britain Andrew Mitchell ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, si uu u qiimeeyo dhibaatada macluusha ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo kulan uu la qaatay Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas. Andrew Mitchell ayaa noqonaya Sarkaalkii u horeeyay ee ka socda Dowladda Britain oo muddo 18-sano kadib booqasho ku yimaada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen ayay uga hadleen Xaalada macluusha ee ka jirta Soomaaliya Xoghayaha Horumarinta Caalamiga Andrew Mitchell ayaa sheegay in isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha ay ugu horeyn ka wada hadleen saameynta ba'an ee macluusha ka jirta Soomaaliya, isagoo sheegay in ilaa 400-kun caruur ay macluul daran ay heyso. "Waxaan soo aragnay dhibaatada macluusha ba'an ee ka jirta Soomaaliya, waxaan arkeynaa inay jirto daacuun caloolaha, gaar ahaan 400-kun caruur ayaa xilligan macluul daran ay ku heysataa Soomaaliya"ayuu yiri Andrew Mitchell Andrew Mitchell ayaa sheegay in doorka gurmadka Beesha Caalamka uu yahay sidii loo baajin lahaa caruurta le'aneysa, waxaana uu sheegay in Britain ay safka hore kaga jirto bulshada Caalamka ee ka hortageysa dhibaatada macluusha, sidii ay uga qeybq aadan lahaayeen. Waxaa uu sheegay inuu helay fursad ay isku arkaan isaga iyo Ra'iisul wasaaraha, waxaa uu tilmaamay in sideed ka tirsan Golaha Wasiirada oo dhowaan ka soo laabtay Qurbaha inuu la kulmo, waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Dowladda KMG ay xalisay khilaafaadkeeda, isla markaana diyaar u tahay inay la dagaalanto musuq maasuqa. Andrew Mitchell ayaa sheegay in Dowladda KMG looga baahan yahay inay muddo sanad ku qabato doorashooyinka, waxaa uu xusay in loo baahan yahay in laga faa'ideysto ka bixitaanka Al-Shabaab ee Magaalada Muqdisho, isla markaana Dowladda ay gudbiso gar gaarka sama falka. "Beesha Caalamka si wax badan ugu qabato, waa inay wax muuqato ka aragto Dowladda KMG, lana dagaalanto musuq maasuqa, si degenaansho ugu keento"ayuu yiri Andrew Mitchell. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo booqdo Xoghayaha Horumarinta Caalamiga Andrew Mitchell, isagoo sheegay in dhibaatada macluusha Soomaaliya ay tahay mid meel halis ah mareysa. Dr. C/wali ayaa sheegay in 3.5-milyan ruux ay xaalado bani'aadanimo iyo macluul ku heyso Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Beesha Caalamka inay gar gaar la soo gaaraan. Wafdigan ka socda Dowladda Britain ayaa dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay saaka ka soo duuleen, iyagoo kormeero ku tagay Xarumaha Dowladda KMG. By C/casiis Golf Chief Editor
-
With the defeat of Al Shabaab & the world returning to Mogadishu, is this a new turning point for our beloved capital and nation? Insha Allah this is the beginning of the end of our national nightmare and the start of a new nation. A whole generation has perished, its time to stop the bleeding. Insha Allah it will be.
-
Bosaso Oo Yeelatay Maamul Cusub (Sawiro) 23 hours ago | 9 comments Duqa Magaalada Bosaso ee la doortey maanta Munaasabad lagu dooranayey Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka cusub ee degmada Bosaso ayaa si rasmi ah uga dhacday maanta Madaxtooyada Bosaso ee magaalo-xeebeeda Puntland. Mas’uuliyiintii ka soo qaybgashay doorashada ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose Cabdilaahi Axmed Jaamac’Ilkojiir’,Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Jaamac,Wasiirka aminiga & DDR Khaliif Ciise Mudan,Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Injineer Siciid Maxamed Raage,Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Saraakiil,Isimo,haween iyo marti sharaf kale. Doorashada oo ahayd hab gacan-taag ah ayaa madasha waxaa ku sugnaa Xildhibaano gaarayey 26-mudane,kuwaasi oo sida goobta laga sheegay aysna soo gelin doorashada Saddex Xildhibaan taas oo ka dhigtay in Kooramku ahaa mid buuxay. Musharaxiinta cusub ayaa mid mid loogu dhaariyey Kitaabka ALLE ka dibna si toos ah ayaa loo gudagalay doorashada. Labada musharax ee isu soo taagay Jagada Guddoomiyaha golaha deegaanka Bosaso ayaa kala ahaa Xasan Cabdalle Xasan iyo Cabdiqaadir Daahir Yusuf,sidoo kalena Jagada Guddoomiye Kuxigeenka ayaa waxaa isu soo taagay Siciid Garoon iyo Cabdinuur Galayr oo isagu ka tanaasulay Jagada Kuxigeenka Guddoomiyaha golaha degmada Bosaso intii aysabn doorashadu bilaaban. Duqa Magaalada Bosaso ee la doortey maanta Intii aysan bilaabmin doorashada ayaa musharax kasta la siiyey 5-daqiiqo si uu ugu soo gudbiyo Taariikh-nololeedkiisa iyo mustaqbalkii Waxqabadeed. Musharax Cabdiqaadir Daahir Yusuf oo u tartamaayey Jagada Guddoomiyaha degmada Bosaso ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay Jagadaasi kaas oo sheegay in uu uguna daray codkiisa Mudane Xasan Cabdalle Xasan. Doorashada oo u dhacday hab gacantaag ah ayaa Xildhibaano gaaraya 26-mudane ugu doorteen si buuxda in Guddoomiye u noqdo golaha degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan,iyadoona Guddoomiye Kuxigeen loo doortay Siciiid Cabdirixmaan Garoon. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose Cabdilaahi Axmed Jaamac’Ilkojiir ayaa sheegay in 26-mudane u doorteen Guddoomiyaha golaha degmada Bosaso Xasan Cabdiille Xasan,wuxuuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in Guddoomiye Kuxigeena loo doortay Siciid Cabdirixmaan Garoon. Labada masuul ayuu kula dardaarmay Ilkojiir in ay hortaalo hawl adag oo la doonayo in si daacad ah loo qabto,wuxuuna ka codsay Xildhibaanada golaha degmada in ay la shaqeeyaan. Guddoomiyaha cusub ee degmada Bosaso Xasan Cabdille Xasan oo lagu soo dhaweeyey madasha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay Jagada cusub ee loo doortay,wuxuuna sheegay in haddii ALLE idmo wax weyn uu ka qaban doono horumarka degmada oo ay kamid yihiin: 1. Amniga. 2. Dardar gelinta dib u heshisiinta beelaha degmada Bosaso. 3. Dhaqaalaha. 4. Caafimaadka. Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ahaa duqii hore ee degmada Bosaso kuna sugnaa madashii doorashadu ka dhacday ayaa sheegay in uu soo dhaweynaayo sida doorashu u dhacday,wuxuuna sheegay in si deg deg ah uu Jagada ugu wareejin doono maamulka Cusub. Sidoo kale ayuu sheegay in mudadii uu Jagada duqa degmada uu hayey uu la soo kulmay arrimo farabadan oo ay ugu weyneyd amniga degmada balse ay wanaagsan tahay Iminka. Wasiirka aminiga & DDR Khaliif Ciise Mudan oo khudbadiisu ahayd mid diirada saareysay hawsha adag ee hortaala maamulka cusub ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga shaqeeyo bilicda iyo horumarka degmada. Khaliif Ciise Mudan ayaa soo hadal qaaday Xildhibaano gaareyey Saddex oo la sheegay in aysan ku sugneyn goobtii doorashada kuwaasi oo ka biyo diiday xubno lagu soo kordhiyey golaha degmada ayuu sheegay in la doono Xubnahaasi lagalana taliyo wixii ay tabanayaan si mowqif mideysan loo gaaro. Si kastaba ha ahaatee maamulka cusub ee degmada Bosaso uu madaxa u yahay Xasan Cabdalle Xasan oo horey u soo noqday Xukuumadii Jeneraal Cadde Musse Wasiir Kuxigeenka Maaliyada ayey shacabka ku dhaqan degmadu ka sugayaan sidii uu isbdel dhab ah ugu sameyn lahaa dhinacyada aasaasiga u ah bulshada Bosaso. Cismaan Turaabi Horseed Media Bosaso,Puntland
-
Erdogan is a winner and wish him well on his trip to Somalia..
-
A Muslim nation with the second largest army in NATO and designed its own Drones..
-
Land of the House of Osman who ruled much of the modern world.
-
Turkey A modern nation
-