
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
MMA, you seem to have some valid points regarding those who prtend to be wadaads or associated wit them all. I have been against many so called wadaads for example Inda Cade and so on. Yet one must not be blind to whats happening in Mogaishu. A group of warlords who have been against everything, the governments before and this one. Against removing roadblocks, against unifying the forces of the city. They who have used the clans to divide, blunder and to enrich themselves have gone too far. We are Muslims and today we know what state Muslims are in. If we allow these men to start a war against what they term "Whabisam" then there will be 100 times more grief. Who runs the education centres, the relief work, the money transfer businesses. What segments of our society does the best and are more trusted with the least clanistic view point. Without a shadow of a dount it is the people we refer to as Wadaads.
-
Ciidamada maxkamadaha Islaamiga ah oo ku guulaystay in ay hawlgab ka dhigaan garoonka Dayniile Muqdisho, Feb. 18, 2006 (WDN) - Ciidamada maxaakiimta islaamiga ah ee gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay oo dhan dagaal kula jiray ciidamo taabacsan isbahaysi la baxay la dagaalanka argagixisada ayaa maanta dib u riixay ciidamadii ka soo horjeeday. Waxa ciidanka maxkamadaha maanta ay ku guulaysteen in ay hawl gab ka dhigaan garoonkii dayaaradaha dayniile ee magaalada Muqdisho. Mar maanta aan booqday furinta hore ee dagaalka ayaan kusoo arkay goobo fara badan oo maalintii shalay ahayd gacanta ugu jirtay maleeshiyada isbahaysiga oo ay la wareegeen ciidaamada maxaakiimtu. Jabka ku dhacay ciidanka isbahaysiga ayaa lagu sheegay tashwiish dhexdooda soo galay iyo ciidanka maxaakiimta oo fadhiistay wadooyinkii gurmadka ciidamadu ay ka heli lahaayeen. Warar la isku halayn karo oo aanu helnay ayaa iyana sheegaya in Maxamed Qanyare oo ah hogaamiyihii ugu horeeyey ee weerarka la galay maxaakiimta ay kaga baxeen dagaalka isbahaysigii uu watay ka dib markii maleeshiyooyinkii kale ee la safnaa ay isaga carareen goobihii dagaalka. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aan maanta wareysi la soo yeeshay ayaa sheegay in ciidanka maxaakiimtu ay gacanta ku dhigeen maxaabiis fara badan oo ciidankooda la dagaalamayey. Taas oo guul u noqotay ciidamada maxkamadaha. Waxa Shariifku intaas ku daray in haatan maleeshiyadii kale uu niyad jab ku dhacay. Waxa kale oo sheekh Shariif caddeeyay in ciidanka maxaakiimtu ay horey usii socdaan, isla markaana guulo isdaba joog ah ay soo hoynayaan. Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay isbahaysigii shalay Muqdisho looga dhawaaqay mid aan shaqayn karin maadaama bulshadu ay si weyn uga soo horjeedo. Waxyaabihii la yaabka lahaa ee maanta aan ku soo arkay furinta dagaalku waxay ahayd dumar gawaari wata oo xaafadaha magaalada ka yimid. Kuwaasi oo raashiin iyo rasaasba u qeybinayey ciidamada maxaakimta, mooraalkana u dhisayay. Midka mid ah haweenkii maanta aan ku soo arkay aagga dagaalka ayaa ii sheegtay in wax walba ay u hureyso difaaca diinteeda, hogaamiyaasha iminka dagaalka wadana ay yihiin xammaaliyaal Bush uu kireystay. "Waxay tiri adeerayaashay Qanyare iyo Muuse dagaalka aad diinta kala soo horjeedaan ka laabta inta birtayada ay tahay mid la celin karo " . Waxa ay haweenaydaasi ugu baaqday hogaamiyaasha shalay isbahaysiga samaystay in ay Alle u towbad keenaan isla markaana waxyaabihii ay ku hadleen kasoo laabtaan inta goori goor tahay. Shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa iminka u muuqda kuwa dareenkoodu uu kascan yahay oo kasoo horjeeda isbahaysiga magaalada looga dhawaaqay. Waxa ay shacabku xireen dhammaan wadooyinkii isbahaysigu uu gurmadka marsiisan lahaa. Si kastaba ha ahaatee reer Muqdisho ayaa si weyn u diiday isbahaysiga Muqdisho looga dhawaaqay ayagoo ku baaqay in laga hortago isla markaana hogaamiyaasha aasaasay laga codsado in ay ka tanasulanaan qorshaha ay ku dhawaaqeen. Maxamed Cumar Aadan WardheerNews, Muqdisho
-
Guddoomiyaha maxkamadaha oo ku dhawaaqay xiritaanka Dayniile. Muqdisho:-Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan xiran yahay wixii maanta ka bilowda Garoonka diyaaradaha Dayniile oo aaney cidina ka duuli karin ,kana soo degi karin . Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay shaqsiyaadka ganacsigooda uu ku xiran yahay garoonkaasi , isagoo ku baaqay inay ka weeciyaan , maadaama ay la yimaadeen rag uu Qanyare ka mid yahay wax ka baxsan Shareecada Islaamka waa sida uu hadalka u dhigaye. Wadaadkani oo khadka telefonka war ku siiyay Saxaafadda Muqdisho qaarkood ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan Maleeshiyaatka taabacsan Isbaheysigii Shalay lagaga dhawaaqay Muqdisho oo uu ku sheegay dhismihiisa inay ka dambeeyaan dalal cadow ku ah Islaamka . Gudoomiyaha midowga Maxaakimta islaamiga ee Muqdisho ayaa ku hanjabay inay ku baacsan doonaan wado kasta oo ay ku arkaan Hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho oo uu ku tilmaamay kuwa diidan qaranimada iyo nabadda Soomaaliya. Arintan ayaa waxa ay soo baxday ka dib markii dagaalkii xalay ka dhacay agagagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka qeybqaateen sadax Beebe oo uu leeyahay Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo sababay geerida Maleeshiyo badan oo taabacsanaa Muuse Suudi Yalaxow sida la xaqiijiyay. Dagaalka Maxaakimta Islaamiga Muqdisho ay kula jiraan Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ay ku dhawaaqeen Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya Wadaad lagu magacaabo Aadan Xaashi Ceyrow oo 28 jir ah, indhahana u xiran kaasoo Mareykanka ay kol hore ku sheegeen inuu ka qeybqaatay dagaalkii ka dhacay Toora boora sanadkii 2002-dii, waana nin ad -adag oo aan ogoleyn inay saxaafadda u soo dhowaado ama ay sawir ka qaadaan iskaba daaye cod uu dhiibo. Cali Cabdi Cali (Suxeyfa) alisuheifa@hotmail.com alisuheifa@yahoo.com Waayaha,Muqdisho,Soomaaliya
-
Guddoomiyaha maxkamadaha oo ku dhawaaqay xiritaanka Dayniile. Muqdisho:-Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan xiran yahay wixii maanta ka bilowda Garoonka diyaaradaha Dayniile oo aaney cidina ka duuli karin ,kana soo degi karin . Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay shaqsiyaadka ganacsigooda uu ku xiran yahay garoonkaasi , isagoo ku baaqay inay ka weeciyaan , maadaama ay la yimaadeen rag uu Qanyare ka mid yahay wax ka baxsan Shareecada Islaamka waa sida uu hadalka u dhigaye. Wadaadkani oo khadka telefonka war ku siiyay Saxaafadda Muqdisho qaarkood ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan Maleeshiyaatka taabacsan Isbaheysigii Shalay lagaga dhawaaqay Muqdisho oo uu ku sheegay dhismihiisa inay ka dambeeyaan dalal cadow ku ah Islaamka . Gudoomiyaha midowga Maxaakimta islaamiga ee Muqdisho ayaa ku hanjabay inay ku baacsan doonaan wado kasta oo ay ku arkaan Hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho oo uu ku tilmaamay kuwa diidan qaranimada iyo nabadda Soomaaliya. Arintan ayaa waxa ay soo baxday ka dib markii dagaalkii xalay ka dhacay agagagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka qeybqaateen sadax Beebe oo uu leeyahay Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo sababay geerida Maleeshiyo badan oo taabacsanaa Muuse Suudi Yalaxow sida la xaqiijiyay. Dagaalka Maxaakimta Islaamiga Muqdisho ay kula jiraan Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ay ku dhawaaqeen Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya Wadaad lagu magacaabo Aadan Xaashi Ceyrow oo 28 jir ah, indhahana u xiran kaasoo Mareykanka ay kol hore ku sheegeen inuu ka qeybqaatay dagaalkii ka dhacay Toora boora sanadkii 2002-dii, waana nin ad -adag oo aan ogoleyn inay saxaafadda u soo dhowaado ama ay sawir ka qaadaan iskaba daaye cod uu dhiibo. Cali Cabdi Cali (Suxeyfa) alisuheifa@hotmail.com alisuheifa@yahoo.com Waayaha,Muqdisho,Soomaaliya
-
Dayniile airstrip closed: Courts achieved what TFG could not..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maxkamadaha Islaamka ah oo sheegay inay xireen garoonka diyaaradaha ee Dayniile Posted to the Web Feb 19, 14:06 Muqdisho (PP) – Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta daboolka ka qaaday inay xireen garoonka diyaaradaha ee Degmada Dayniile oo uu madaxda ka yahay Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax. Guddoomiyaha ayaa sheegay in diyaaradihii ka soo dagi jiray ay maanta ka soo dageen garoomo kale sida garoonka diyaaradaha ee KM 50, waxaana uu sheegay inaysan jirin maanta wax ku soo dagay garoonkaas. Sheekh Shariif ayaa sheegay in garoonkaas sababaha ay u xireen uu yahay isagoo laga soo dajiyo jaadka isla markaana laga dhoofiyo daroogada, sidoo kalena laga dhoofiyo culummada Soomaaliyeed ee loo garto inay yihiin kuwo ku dheggen diintooda islaamka, waxaana uu ku sheegay wax aan la qaadan karin in garoonkaas uu furnaado iyadoo laga fuliyo howlo ka dhacan Diinta Islaamka. “Waxaan caddeynaynaa inaan xirnay maanta wixii ka dambeeya garoonka diyaaradaha ee Dayniile, sidaa daraadeedna aysan jiri doonin diyaarado hadda kaddib ka soo dagaya, balse haddii laga daayo howlaha lagu fuliyo ay ka soo degi karaan diyaaradaha ka soo daji jiray†ayuu Sheekha oo hadalkiisaan ku soo beegay maalin kaddib markii ay dagaallo hubeysan oo geystay khasaarooyin kala duwan ay dhex mareen Midowga Maxkamadaha Islaamka ah iyo Malleeshiyo ka amarqaadata Wasiirka Ammaanka Qaranka Maxamed Qanyare oo xaruntiisu tahay Dayniile. Mar ay Puntlandpost la xiriirtay garoonka KM 50 ayaa waxaa la caddeeyay in garoonkaas ay ka soo dageen in ka badan 6-diyaaradood oo ka dagi jiray Garoonka Dayniile, isla markaana waxaa la sheegay in duuliyeyaasha diyaaradahaas ay sheegeen in Dayniile ay ka jirto qalalaase amaan-darro tan iyo inta ammaanka uu ku soo laabanaya ay ka soo daji doonaan KM 50-. Garoonka Dayniile ayaa ka mid ahaa garoomo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay yihiin garoomo loo adeegsado si sharci-darro ah sidaa daraadeedna aysan sii furnaan karin, waxaana dowladda Soomaaliya ay ka codsatay dowladda Kenya inay diyaaradaha dalkeeda ka imaanaya ka joojiso garoonkaas, balse wax guul ah arrintaas lagama gaarin, waxaana sii socday in diyaaraduhu ay si joogto ah u isticmaalaan. Ma jiraan wax warar ah oo ku saabsan arrintaas oo ka soo baxay dhanka isbahaysigii shalay looga dhawaaqay Muqdisho. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia -
The Islamic courts of Mogadishu have "closed" the air strip of Dayniile until further notice. No planes landed in the airstrip out of fear of getting embroiled in the battle between the Alliance against Terror and the Courts... Also remember that PM Geedi a while back announced that the TFG closed this air strip. Power seems to be in the hand of the courts... Garoonka Deyniile oo ay maanta ka weecdeen diyaaradihii Qaadka Muqdisho- 19.February.2006 Diyaayaradihii qaadka keenay magaalada Muqdisho oo inta badan isticmaali jirey garoonka diyaaradaha Dayniile ee ku yaal duleedka magaalada Muqdisho, isla markaana uu maamulo Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax ayaa maanta waxay ka weecdeen garoonkaas. In ka badan 5 dayuuradood oo qaad ka keenay magaalada Nairobi oo caadiyan ugu dagi jirey garoonka Dayniile ayaa maanta waxay ku degeen garoonka No 50 ee ku yaal gobolka Shabeelaha hoose oo uu gacanta ku hayo Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle(Xaaf). Qaar ka mid ah Ganacsatada qaadka ee magaalada Muqdisho oo la haldey SBC ayaa sheegay in sababta ay ugu dageen diyaaradihii qaadka garoonka No 50 ay tahay arimo la xiriira xaga amniga, bacdamaa wadada tagta garoonka Dayniile ay aheyd halkii ay shaley ka dhaceen dagaaladii xooga lahaa ee dhexmarey Maleeshiyada Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho iyo kuwa kale oo taabacsan Max’ed Qanyare iyo waliba Isbahaysi cusub oo shaley Muqdisho lagu dhsiey oo lagu magacaabo La dagaalanka Argagixisada. Ninka madaxda ka ah midowga Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa war uu saxaada siiyey wuxuu ku sheegay inay ka dambeeyeen xirnaanshaha garoonka Dayniile waxaana uu sheegay inay taasi u sameeyeen si ay uga hortagaan hawlaga garoonkaasi oo ku tilmaamey waa sida hadalka uu u dhigay’e in laga dhoofiyo Islaam ah oo loo gacan galin jirey Shisheeye, inkastoo warkaasi aan loo hayn cid madaxbanaan oo xaqiijisa. C/laahi Soomaali SBC Gaalkacyo. Also in SBC News
-
Hamas PM frontrunner Haniya a pragmatic radical By Sakher Abu El Oun With his neatly trimmed greying beard and often smartly dressed in shirt and blazer, the 43-year-old Haniya embodies Hamas’s internal struggle between the old path of resistance and its debut in mainstream politics ISMAIL Haniya, likely to be nominated prime minister of a future Hamas-led government, is a radical pragmatist who sees no contradiction between running a militia and joining government. A married father of 11 who lives in a refugee camp, Haniya has long been a voice of realism within the sprawling Islamist fundamentalist movement, Israel’s sworn enemy and blacklisted as a terrorist group by the West. With his neatly trimmed greying beard and often smartly dressed in shirt and blazer, the 43-year-old Haniya embodies Hamas’s internal struggle between the old path of resistance and its debut in mainstream politics. Jailed by Israel several times in the past, he was instrumental in securing a de facto Palestinian truce in anti-Israeli attacks for most of 2005, holding talks with Palestinian leader Mahmud Abbas and the other armed groups. In the Gaza Strip stronghold of Hamas, he has the prestige of being the former head of office of Sheikh Ahmed Yassin, the quadriplegic spiritual father of Hamas who was assassinated by Israel in 2004. Ahead of the inauguration of the new parliament, he has vowed to build relations with the moderate Palestinian Authority president and make ending security chaos in the Palestinian territories a top priority. “We are determined to build relations with Abu Mazen based on dialogue and cooperation and he has assured us that our government will enjoy the same prerogatives of the outgoing cabinet,†he told AFP in a recent interview. Born in 1963 to parents who were made refugees when the State of Israel was created in 1948, Haniya continues to live in the Shatti camp, in a modest home inside one of Gaza City’s most impoverished districts. Educated at a UN-run school for refugees, he later obtained a degree in education from the Islamic University and became a university administrator. He was active in the student branch of the Muslim Brotherhood, an Islamist group from which Hamas was born, before becoming a member of the Islamic University student union in 1983 and 1984. Haniya then led the union for the following two years, a period in which conflicts surged between Fatah-linked students and students who supported the Islamist Muslim Brotherhood. He was sent to jail several times by Israel during the first intifada, or Palestinian uprising, which erupted in 1987. In December 1992, Haniya and dozens of Hamas and Islamic Jihad leaders were ejected from Israel and they sought refuge in southern Lebanon. Hamas’s armed faction has killed hundreds of Israelis in raids and suicide bombings since its 1988 founding, while its political branch carries out considerable and much-welcomed social work in impoverished Palestinian areas. Since the assassinations of Yassin and other Hamas leaders Abdelaziz Rantissi and Ismail Abu Shanab, Haniya has been widely viewed as Hamas’s most significant political commander in Gaza. Haniya himself escaped an assassination attempt in September 2003 when an Israeli warplane assaulted a house in Gaza while he and Yassin were inside. An eloquent advocate of the Palestinian people’s right to resistance, only after its goals have been achieved does Haniya believe weapons will no longer be necessary. “What matters to us, are the interests and the rights of our people. They (Israel) should recognise the rights of the Palestinian people,†he told AFP. Yet statements such as his belief that the future Palestinian state should include “all of Palestine†- including Israel - and be governed by laws “inspired by sharia†Islamic law are likely to inspire fear in the West. Nevertheless his modest, rather good-looking image contrasts with the reputation the outgoing ruling Fatah party acquired for corruption. afp
-
Why has no one spoken out about this destructive clan war raging?
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
Thanks for that. I am still trying to understand how these ****** are able to fight when there is a drought? What courage to kill your brother.. -
This is really sad news and wil effect all Somali's. They [warlords]have declared a war on our core values. They will lose this because the people will be united behind the religious groups.
-
Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa Hoggaamiye Kooxeedyada oo dagaal fooda is-daray Sabti, February 18, 2006(HOL): Dagaal aad u xoog badan oo socday muddo saacado ah ayay maanta isaga hor yimaadeen maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa taageera nin lagu magacaabo Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal) oo gacan saar la leh Hoggaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho. Dagaalkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad iyo Warshadda Caanaha ayaa la soo weriyay in uu sababay dhimashada ilaa 20 ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur, halka ay ku dhaawacmeen dhowr iyo 30 ruux. Cabdi Waal oo ka waramayay dagaalkaas ayaa sheegay in ay Midowga Maxkamadaha ku soo duuleen, halka uu Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Sh. Shariif Sh. Axmed uu ka sheegay in ay jidka ku soo jiraan dagaallo abaabulan oo aad u culus, kuwaasoo uu sheegay in ay dhexmari doonaan qabqablayaasha Muqdisho iyo sida uu u yiri inta Muslimiinta ah ee difaaceysa diinta Islaamka. Dagaalkii maanta oo loo isticmaalay hubka fudud iyo midka culus ayaa markii dambe si iskiis ah u qaboobay, iyadoo uu Cabdi Waal sheegay in uusan dagaalkan istaagi doonin oo uu sii socon doono, iyadoo la sheegayo in ay dagaalkaasi ku wehliyeen qaar ka mid ah maleeshiyooyinka hoggaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
News Update: Dagaal13 saacadood socdey oo Muqdisho ka dhacay Muqdisho- 18.February.2006 Dagaalkii saaka hiirtii waaberi ka qarxay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Maxkamadaha Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho iyo maleeshiyo daacad u ah wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax oo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Cabdi Waal ayaa lagu soo waramayaa in uu sababey dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan. Dagaalkan oo ka bilowdey agagaarka Kuliyadii Jaalle Siyaad iyo waliba wadada aada garoonka diyuuradaha ee Dayniile ayaa waxaa loo adeegsadey gaadiidka dagaalka iyo waliba noocda hubka oo uu ka mid ahaa hoobiyaha. Iska horimaadkan ayaa waxaa ku dhintey inta la ogyahay 10 qof waxaana ku dhaawacmey 35 kale oo badankoodu ahaa dad rayid ah oo aan wax lug ah ku laheyn dagaalka balse ay ku dhaceen rasaas wiifto ah iyo madaafiic habow ah. Wariyaha SBC ee magaalada Muqdisho C/laahi Yaasin Jaamac (Soomaali) ayaa soo sheegaya in dagaalkii maanta dhacay uu sababey qax iyo barakac aad u fara badan oo ku dhacay dadkii raydika ahaa ee ka og dhawaa goobaha dirirtu ka dhacdey waxaana la arki karey dad badan oo cagahooda maalaya kuwaasi oo guryahoodii ka qaatey wixii ay qaadi kareen kuwaasi oo isaga cararey rasaastii ay isdhaafsanayeen kooxaha dagaalkaasi ku lugta lahaa. Wariyaheena oo booqdey goobaha dagaalku ka dhacay ayaa wuxuu sheegay in dagaalkii maanta ay si weyn uga dhexmuuqdeen maleeshiyooyin fara badan oo ku hubaysnaa noocyda kala duwna ee gaadiidka dagaalka iyo waliba hubka darandooriga u dhaca. Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho saraakiisha caafimaadka ee ka hawlgala waxay sheegeen in ugu yaraan 20 qof oo dhaawac ah la keenay Isbitaalkaasi, waxayna sheegeen in 2 ka mid ah ay dhinteen kuwa kalena dhaawacoodu halis yahay, sidoo kale Isbitaalka Al-Xayaat ayaa isna la dhigey dad dhaawac ah oo ku waxyeeloobey dagaalkaasi. C/laahi Soomaali SBC Muqdisho.
-
More news..
-
Midowga maxkamadaha oo ku adkaaday dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho Mogadishu 18 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Ciidamada Midowga maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho ayaa la wareegay gacan ku heynta goobihii maanta dagaalka uu ka dhacay ee magaalada Muqdisho, ka dib dagaal qaraar oo ay isaga hor yimaadeen maleeshiyooyin daacad ah u ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee maanta lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Dagaalkaan oo sii xoogeeystay maanta maqribnimadii ayaa wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo aynu ka soo xiganay saraakiisha sar sare ee maxkamadaha Islaamiga waxa ay sheegayaan in ay ka adkaadeen dhinaca Maleeshiyooyinka daacadda u ah isbaheysiga cusub ee la dagaalanka argagixisada oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho. Saraakiishaan oo ka gaabsaday in la shaaciyo Magacyadooda ayaa Waxa ay intaasi ku dareen in ay gacanta ku dhigeen maleeshiyooyin daacad u ah Wasiirka Ganacsiga dowladda FS Muuse Suudi Yalaxow iyo Ganacsade Bashiir Raage, oo ay ku qabteen maxaabiis ahaan, kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku lug lahaayeen dagaalka. Mas'uul u hadlay maxkamadaha islaamiga waxa uu sheegay in uu faro Cijo leh kaga baxsaday Baabuurtii dagaalka ee ay wateen maleeshiyooyinka hogaamiye kooxeedyada. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyooyinkii la jabiyay ay iminka ku sugan yihiin Aaagga Cakaaro ee nawaaxiga Isbitaal Banadir oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Cismaan Caato wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeeynta. Dagaalkii maanta dhex maray labada dhinaca ayaa waxa uu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac. Waxii ku soo kordha kala soco www.Shabellenews.com Shabelle Media Network, Mogadishu Daawo bogga sawirada abaaraha
-
Today a new front opened up in the exhausting and hope draining civil war. Instead of talks or reconciliation we have a new alliance made up of the warlords who are now fighting "Terrorism" in Somalia. 1. Who asked them to fight this war. Theirs is an axis of evil.2.When will the people of Somalia learn? War is not the way... Allah we seek your divine guidance, save my people from themselves.. Isbaheysiga La Dagaalanka Argagaxiisada ayaa Maanta loogu dhawaaqay Magaalada Muqdisho Wasiirada Cumar Finish, Muuse Suudi, Qanyare iyo Bootaan Ciise C/rashiid Ilqeynte Bashiir Raage iyo Axmed Shukri (Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Ilqeynte iyo xubno kale ayaa ka mid ah Isbaheysigan) Isbaheysi lagu sheegay inuu yahay mid la dagaalamaya Argagaxiisada ayaa Maanta loogu dhawaaqay Magaalada Muqdisho,iyadoo Isbaheysigan ay ka buuxaan qaar ka mid ah Wasiirada hubeysan ee Magaalada Muqdisho iyo Ganacsato caan ah oo ay ka mid yihiin Milkiilaha Hotelka saxafi C/rashiid Ilqeynte iyo Bashiir Raage. Ku dhawaaqista Isbaheysigan ayaa waxaa uu yimid shirar wadatashi ah oo u socday raggan,iyadoo ku dhawaaqista Isbaheysigan lagu sheegay inuu bartimaameed u yahay Wadadaada Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho. Xubnaha Isbaheysigan la dagaalamaya Argagaxiisada ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Ganacsiga, Muuse Suudi Yalaxow, Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare, Dhaqan celinta Maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalim, arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Maxamed Maxamud (Finish), Ganacsate Bashiir Raage,Ganacsadaha kale C/rashiid Shire Ilqeynte iyo xubno kale. Bayaan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen inay la dagaalimi doonaan kooxaha wejiyada soo xirta ee xambaarsan fikiro laga keenay Dibadda,waxayna sheegeen in kooxahan ay ka dambeeyaan dilalka loo geysto Saraakiisha iyo shaqsiyaadka Aqoonta leh ee Somaaliyed. Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare ayaa Sheegay in wixii ka dambeeyo maanta aan loo dul qaadan doonin kuwa sheeganaya Maxkamadaha Islaamiga. Iyadoo maanta lagu dhawaaqay Isbaheysigan ayaa haddana waxaa isbaheysigan ku jira nin Maanta dagaal kula jira Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho kaas oo lagu eedeyay inuu dilay bishii July ee sanadkii hore Taliyihii Maxkamada Islaamiga Ifka Xalane, kaas oo lagu Magacabo Cabdi Nuure Siyaad Cali (Cabdi Waal),inuu ninkan uu ahaa Maskaxdii dishay Taliyihii Maxkamadda Ifka Xalane waxaa shaaciyay Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho. Ganacsade Bashiir Raage ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degaanka Galgalato oo u dhaxeeyay Maleeshiyadiisa iyo kuwa Xaaji Abuukar Cumar( Caddan) uu ahaa mid ay ka dambeeyan wadado xiriir la leh Dibadda. Hadaba marka loo eego shaqsiyaadka Isbaheysigan ku jira qaar ka mid ayaa la filayaa inay khatar ugu timaado ku jiritaanka Isbaheysigan sida Milkiilaha Hotel Saxafi C/rashiid Shire Ilqeynte, waxaana dhici karta in Hotelkiisu Bartimaamed u noqdo kooxaha Islaamiga. Muuse Suudi oo ahaa hogaamiye kooxeed ka madax banana weerarada lagu haayo Wadaadada ayaa hadda waxaa uu noqday ragga fikir ahaan ka soo horjeeda wadaadada, horey waxaa loo ogaa in Wadaado badan laga dhoofiyay Magaalada Muqdisho,iyadoo howlgalkaas ay fuliyeen Maxamed Qanyare iyo Bashiir Raage. Laakiin arrinta ugu yaabka badan ayaa waxay tahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Finish oo Isbaheysigan ka dhex muuqda, taasina waxaa ay Qatar ku tahay sumacddiisa iyo xiriirka uu la yeelan karo dalalka Carabta. Walow xubnahan ay u badan yihiin dowladda Federaalka haddana lama oga in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka war qabaan dhismaha Isbaheysiga, sidoo kale lama oga kaalinta uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku leeyahay dhismaha Isbaheysiga, in kastoo Guddoomiyaha Baarlamaanka xiriir Wanaagsan kala dhaxeeyo Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare oo ah Maskaxda ka dambeysa dhismaha Isbaheysigan. Ilaa iyo hadda Jawaab kama soo bixin Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho, sidoo kale ku dhawaaqista Isbaheysigan ayaa la filaynin in laga soo dhaweeyo magaalada Muqdisho,iyadoo dadka Nacayb mareykanka iyo Reer galbeedka ay soo badanayaan wixii ka dambeeyay Markii Wargeys ka soo baxa Danmark uu wax ka sheegay Rasuulkeena Suuban. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
-
BAIDOA Parliment meeting : Good news so far..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ With all due respect hero, I find your comments irrelevant. Me and Mr moderator are able within our capacity to converse with one another. A-add to the topic, or B. Speak for yourself, as I doubt Maskin asked you to intervene on his behalf. -
BAIDOA Parliment meeting : Good news so far..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ I would not mind in your capacity as moderator to edit the clan terms that you highlighted many thanks. As for your response it seems though again you are in a contradiction. You are not against anyone but againts every wanna be politician including Abdiqasin? Though I never come a cross you ever criicising his past years of sucking up to the old regime and then his USC clan and now his own sub-clans occupation of much of the fertile south. Though I have seen your many rants against Abdullahi Yusuf and those who support him. My point is simple and I am glad you admited you are a novice when it comes to Somali politics, which I hopewill mean you will refrain from making supposedly ironic comments. Since the task for a novice should be to fisrt understand what everyone else is discussing. Now get to work dear lad and we shall all be better of for it. -
The question isn't whether there were demonstrations or not (obviously, there were and people have every right to do so). The question is: Will Cadde/Afqurac do something to alleviate the peoples' grievances? Good question, though I doubt they will address the real problem of corruption and incompetence . Its been a month since Cade was going to declare his new cabinet.
-
^^^ Indeed there where demonstration as reports indicate and why not, people have aright to support and also not to. As for the topic, SL army if it had any reason or might it would not be stuck in the middle of no where. Their army I was once told was formidable and could even reach Garowe. It seems now that corruption has had a dramatic effect on the army as well as nation that calls itself Somaliland.
-
Bossaso: Police arrest two religious leaders[wadaads]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
2-dii Wadaad ee maanta lagu xirey Boosaaso oo la siidaayey Boosaaso- 16.February.2006 Laba nin oo ka mid ahaa culimada magaalada Boosaaso oo mid ka mid ah uu ahaa mu'adin Masaajid oo saaka lagu xirey magaalada Boosaaso ayaa goor dhaweyd la siidaayey. Labadan wadaad oo lagu kala magacaabo Qaasim Xasan Diini iyo Macalin Kaamil ayaa ka mid ahaa wadaada Masaajidka Mubaarak ee magaalada Boosaaso, waxaana wararku sheegayaan in ay xireen ciidamada Booliiska inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan arimaha loo xirey. Qaar ka mid ah masuuliyiinta Laamaha amaanka ee Gobolka Bari iyo kuwa Puntland ayaa ka gaabsadey inay ka hadlaan xariga Nimankaasi. Xarunta Gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa saaka dhacay kulan albaabadu u xirnaayeen oo saxaafada loo diidey kaasi oo looga hadlayey xariga wadaadan, inkastoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay kulankaasi oo saxaafada la siiyey. Kulankan ayaa waxaa yeeshey qaar ka mid ah Culima’udiinka magaalada Boosaaso iyo maamulka iyo Taliska ciidamada Booliiska ee Gobolka Bari. Lama oga ilaa iminka sababaha rasmiga ah ee loo xirey labadan nin inkastoo la sheegay in su'aalo ay waydiiyeen ciidamada Booliiska. Max'ed Cali Iimaan SBC Boosaaso. -
BAIDOA Parliment meeting : Good news so far..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Taliyaha Ciidanka Booliska oo ku soo fooleh Baydhabo E-MAIL THIS PRINT THIS Maxamed Y. Culusow, myulusow48@hotmail.com Taliyaha Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cali Max’ed Xasan Looyaan iyo Saraakiil kale oo Booliiska ka tirsan ayaa ka soo amababaxay Kismaayo, waxayna haatan ku sugan yihiin Baardheere iyagoo gaari doona maalmaha soo socda magaalada Baydhabo si ay halkaasi uga qayb qaataan hanaanka nabadsugida ee loo samaynayo shirka Baarlamaanka oo lagu ballansan yahay 26/02/06. Ciidamada Booliiska ayaa ka mid ah burburkii ku yimid hay’adihii dowliga ahaa ee ka jiray dalka waxaana dib loo abaabulay xilligii dowladii Carta lagu soo dhisay haddana halkoodii ayay ku noqdeen balse haatan Taliyahan ayaa waxyaabo badan ka qabtay inkastoo ay ragaadiyeen khilaafka dowladda oo haatan u muuqanaya inuu soo dhamaanayo. Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliiska ayaa tababar u aadeen magaalada Kampala ee xarunta wadanka Ugandha iyadoo sidoo kale laga furay Akadeemiyo ciidan booliis degaanka Carmo oo Puntland ka tirsan si loogu tababaro ciidamadda booliska oo aasas u ah amaanka iyo nabadsuguda guud ahaan dalka Soomaaliya -
Laba wadaad oo lagu xiray magaalada Bosaso Bosaso:-Ciidamada boliska magaalada Bosaso ayaa waxa ay saaka xabsiga dhigeen laba wadaad oo ka tirsanaa culuma'udinka masajidul Mubarak ee ku yaal laanta hawada ee magaalada Bosaso ,labadan wadaad ayaa waxaa lagu kala magacaaba Macalin Kaamil oo isagu ah mu'adinkii Masaajidka iyo Qaasim Xirsi Diini oo isaguna ka mid ah imaamyada masaajidka ilaa iminka ma jiraan warar ah oo ka soo baxay ciidamada boliska oo tilmaamaya sababta ka damaysay labadan wadaad, hadaba wixii warar dheerad oo soo kordha isha ku hay horseednet.com Horseednet.Com
-
^^^ I must say I enjoy your contribution here more than most. So keep them coming dear comrad..
-
Safaaradda Yemen ee dalka Soomaaliya oo Jawhar laga furay Jawhar - 16.February.2006 Axmed Xamiid Cumar oo ah safiirka dawladda Yemen ee Soomaaliya maanta warqadaha aqoonsiga ku wareejiyey madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Safiirka ayaa kahor inta aanu documents-ka guddoonsiin madaxweynaha waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cusubyo ka tirsan ciidanka qaranka, kuwaas oo ka dhawaajiyey miyuusigga calanka waddanka Yemen, waxana si rasmi ah maanta loo furay safaaradda Yemen ee waddanka Soomaaliya. Madaxweynaha Yemen, Cabdalla Saalax, ayaa bilowgii January u magacaabay Axmed Xamiid Cumar, danjiraha Soomaaliya ee dalka Yemen. Safaaradda Yemen ayaa ah safaaraddii shanaad ee laga furo magaalada Jawhar tan iyo intii ay magaalada Jawhar ay soo degtey dawladda federaalka Soomaaliya. Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar
-
While not losing sight of the original post, I know Qudac would enjoy this news article. Puntland's top leaders arrived in LA, today. As for Somaliland its claim to this part of the world SSC, is finished even those die hard seperetist are building their dreams in the triangle that is Burco-Berbera-Hargaysa. Laascaanood: Madaxwaynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Laascaanood. - Thursday, February 16, 2006 at 10:03 Laascaanood(AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu kamid yahay madaxwayne kuxigeenkiisa Xasan Daahir Maxamuud (Afqurac) iyo wasiiro ka tirsan Puntland ayaa maanta dadwayne boqolaal ah oo ay hor kacayaan maamulka gobolka Sool iyo degmadu ay kusoo dhaweeyeen halka laga galo magaalada Laascaanood. Wafdigan ayaa waxay ujeedada safarkoodu tahay ka qayb qaadashada Tacsida Garaad C/qani Garaad Jaamac oo dhawaan ku geeriyooday dalka Jabouti, laguna aasay magaalada Laascaanood. Ehelladii Marxuum Garaad C/qani ayay wafdigu ugu tageen halkii ay kusugnaayeen , waxayna uga tacsiyadeeyeen Geerida naxdinta leh ee kutimid Garaadka. Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa maalmihii ugu danbeeyay kusugnaa magaalada Gaalkacyo , halkaasi oo ay kawadeen hawlaha dawladda oo ay kamid tahay ayagoo soo afjaray doorashadii golaha deegaanka Gaalkacyo Socdaalka wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jirto cabasho la xiriirta xagga mushaaraadka ah oo ay sheeganayaan ciidanka daraawiishta ee kusugan jiidda hore ee Aricaddeeye. Madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa inta ay joogaan magaalada Laascaanood , waxay magaalada Laascaanood ka qaban doonaan hawlo la sheegay inay ku jiraan golaha deegaanka Laascaanood oo aan wai lagu dhawaaqin. Waa markii ugu horaysay ee wafdi intaasi le'eg oo ka socda Puntland ay hal mar wada tagaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Axmed Suufi AllPuntland, Laascaanood
-
BAIDOA Parliment meeting : Good news so far..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dear boy dont take my word for it, here is anarticle on the Sharif today and the one yesterday.. Shariifkii Shalay & Shariifka Maanta! (Kee Baydhaba u roon, keese Qaranka u darran?) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ugu horeysay ka degay magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay, wuxuuna halkaas tegay isagoo ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka muddo sanad iyo bar ka badan. Shariifka ma aha nin ku cusub Baydhaba iyo dadkeeda, wuxuuna ganacsade ka ahaa magaalada muddo badan isagoo hantina ku leh, laakiin markii uu xilka guddoonka Baarlamaanka oo ah kan ugu sareeya ee beelaha Digil & Mirifle kusoo gaaray 4.5 aad ayuu isu bedelay Shariifka. Xilka uu Soomaali u qaaday wuxuu ka dhigay mas’uul ka duwan kuwa kale, wuxuuna isla markiiba la bah noqday wasiiro iyo xildhibaanno intooda badan ka soo jeeda Muqdisho oo loolan la galay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha fadhina u noqotay caasimadda. Reer Baydhaba ama Digil & Mirifle waxay markaas Shariifka u arkeen nin dadkiisii iloobay oo kaliya ay madax martay dano siyaasadeed, waxaana soo noqnoqotay su’aasha ah; Muxuu Shariifku ugu ololeyn waayo inay dowladdu degto Baydhaba oo uu degaan ahaan ka soo jeedo, inta uu Muqdisho u doodayo?. Wuxuu markaas Shariif Xasan isku difaaci jiray inuu mas’uul Qaran yahay isla markaana ilaalinayo Axdiga oo caasimadda ka dhigaya meesha ay qasabka tahay inay dowladdu ku shaqeyso. Laakiin dooda noocaas ah waxay ahayd mid aan la liqi karin. Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu Muqdisho yimid iyadoo aanay dowladda Federaalka u soo guurin gudaha dalka, wuxuuna toos uga hor yimid mashruucii dowladda ee madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ku doonayeen inay ku sii shaqeeyaan Jowhar iyo Baydhaba. Colaad ayay reer Baydhaba ka dhaxleen is jiidjiidkii siyaasadeed ee arrintan ka dhashay, waxayna siyaasiyiintoodii hubeysnaa kala raaceen dhinacyadii Muqdisho iyo Jowhar, mushkiladaas waxay noqotay mid ay niyad jab weyn ka muujiyeen dadka reer Baydhaba. Muddo sanad ka badan markii xaalku sidaas ku socday Shariifku mar kale ayuu is wareejiyay wuxuuna heshiis la saxiixday madaxweynaha iyagoo keligood ah, heshiiskaas inay labada dhinac saxiixaan waxaa qasbay iyadoo labada dhinacba daaleen midkoodna guul gaari waayay, khilaafkii u dhaxeeyayna uu keenay inay dowladda Federaalka dhexdeedii is jilaafeyso. Shariifku wuxuu maanta u muuqdaa nin wado toosan ku taagan mar haddii uu magaaladiisii u magacaabay inay marti geliso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaana dadaal ugu jiro inuu mideeyo xubnaha Digil & Mirifle si ay dowladda Federaalka saldhig ugu noqdaan. Shariifku wixii uu shalay sameeyay haba ka ahaato biseyl la’aan siyaasadeed ama faham darro ka heysatay xaaladda kooxaha siyaasadda ee beelaha ku taagan, laakiin mar haddii uu maanta dadkiisii afkooda kula hadlay, isla markaana u sheegay inay dowladda soo dhoweeyeen la shaqeeyaan, degaankoodana nabadeeyaan, waxay arrintani ka dhigan tahay guul weyn oo kaliya Reer Bay & Balkool maahee Soomaali u soo hoyatay. Haddii ay Soomaalida kale gacan siiso kulanka Baarlamaanka oo sida Shariifku horeba uga digay aanay wax qashqashaad ah halkaas ku kordhin, dadka degaankaasina xil iska saaraan soo dhoweynta Baarlamaanka waxay u muuqataa inay dowladdu heli doono Gobollo ballaaran oo maamulkeeda ku fidiso kuna shaqeyso inta ay u soo jeesaneyso Muqdisho, maxaa yeelay Bay iyo Bakool aad iyo aad ayay ugu haboon yihiin inay dowladi ku shaqeyso. Shariifkii shalay ee Muqdisho u doodayay wuxuu dowladii ku keenay khilaaf iyo waxqabad la’aan ay meel la tegi weysay, Muqdishadii uu madaxa saartayna guul kama keenin, Baydhabadii uu ka soo jeeday haddana uu diidayna dagaal ayuu u horseeday. Laakiin Shariifka maanta ee Baydhaba arrinteeda madaxa saartay wuxuu u dhow yahay inuu reer Baydhaba iyo guud ahaan Bay & Bakool mideeyo sida arrintu ku socoto, Soomaalida dowladii u dhalatayna badbaado u keeno, waana kaas Shariifka umadda Soomaaliyeed iyo Digil & Mirifle wax u tari kara ama xaaladda jirta wax ka bedeli kara. W/Q: Sharif Moalim