General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. GAROOWE : Shirkii oo jawi nabadgalyo ku dhammaaday iyo wafuudii oo garoonka diyaaradaha si toos ah u aaday December 24, 2011 1:39 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print Garoowe:-Waxaa goor-dhawayd soo dhammaaday shirkii heerka sare ahaa ee wadatashiga Dastuurka Soomaliya waxana ka soo baxay qodobo la isku wadaraacay oo dhinacyadii shirka ka soo qayb-galay ay saxiixeen, waxaana qodobadan ugu muhiimsanaa: In Baarlamaanka laga dhigo 225 Xubnood In Baarlamaanka lagu soo doorto nidaamka 4.5 In nidaamka 4.5 uu shaqeeyo 4-a sano ee hore In Dastuurka ay ansixiyaan ergooyin ka kooban 1000. In Ergooyinka soo doortaan maamulada o latashanaya waxgarad iyo meelaha aan maal ka jirin in qabaa’ilada soo doortaan Shirkan, oo socday muddo 4 maalmood ah ayaa waxa uu ku soo dhammaaday maanta (Sabti) si nabadgalyo ah oo aad u wanaagsan, waxaana dhammaan wafuudii ay iminka si toos ah u aadeen garoonka diyaaradaha ee Garoowe halkaas oo ay ka duulayaan. Waxaa xusid mudan, in aan wali gacanta loo galin warbaahinta nuqul ka mid ah heshiska la saxiixay, waxaana loo akhriyay si dulmar ah oo kooban, iyada oo si gaar ah looga hadlay labada qodob ee kala ah tirada Baarlamaanka iyo habka lagu soo dooranayo ee nidaamka 4.5 Puntlandpost.com
  2. ^^^Stop the divisive talk. This is not a Puntland victory or a Mogadishu defeat. This is good for our beloved capital and all Somali's...
  3. Its a breakthrough for Somalia. Yes its not a panacea, but it will go along way to address the lack of national governance. A smaller parliament of two houses, and the end to the transition a proper Somali National Government with Mogadishu as its capital and the states having more power and development. Its a great day, insha Allah khayr. Long live SOMALIA
  4. http://www.radiodaljir.com/zview.php?id=1585 President Sharif's speech, he commends the Puntland people, troops and admin for their hard work in the past few days...
  5. Madaxwayne Faroole iyo Madaxwayne Shariif Oo ka hadley Shirka (Faahfaahin buuxda) Posted by Pi on December 24th, 2011 Garowe (Puntlandi) shirkii wadatashiga Soomaaliya ee 4-ta cisho ka socday magaaladan Garowe ayaa galabta soo gabogaboobey, xafladii saxiixa heshiiska iyo xafladii gabogabada waxaa goob joog ka ahaa Madaxwaynaha TFG Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka TFG Soomaaliya Shariif Xasan, Raysalwasaaraha TFG Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxwaynaha dowladda Dr. C/raxmaan Faroole, Madaxwayne Caalim, wakiilka Ahlusuna Maxamed Maxamuud Yuusuf awlibaax, Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey ee Soomaaliya Christian Manhal, Wakiilka Igad Jamaal iyo marti sharaf kaleeto ka tirsan qaybaha Soomaaliya shirka uga qaybgalay iyo dadweyne faro badan iyo Saxaafada gudaha iyo tan caalamka oo shirka joogtey min bilow ilaa dhamaad. Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole oo shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey heshiiska shirku uu kusoo dhamaadey wuxuuna mahad balaaran u jeeidyey dhinacyadii ka qaybgalay. ” Maantey waa maalin farxad iyo guul u ah Shacabka Puntland iyo madaxdooda maadaama uu shirkii mabaadii’da Garowe ee shirak dastuurka Soomaaliya uu ku dhamaadey guul, waxaan halkan ka cadaynayaa waan heshiinay, maalinkii shirku noo bilowday waxan iri waan wada hadlaynaa waan isqabqabsanaynaa lakin ku kala tagi mayno hade sidii baa dhacadoo waa doodnay waliba si adag oo adag is qabqabsi iyo yeel imaayo kadib waxan gabogabadii ku heshiinay qodobada aanu saxiixnay cid na dhex gashay majirto anaga isu tanaasulnay| ayuu yiri Madaxwayne Faroole. Dr. Farooel waxa uu sheegay in dowladda Puntland ay shirka u tanaazushay kadib markii dhinacyadii Koonfur ka socday ay ka fuqi waayeen nidaamka hab-beeleedka ku dhisan ee 4.5 kaasi oo markii hore Puntland iiday, madaxwayne Faroole wuxuu sheegay inay Puntland u tanaasushay Soomaali. ” Waanu tanaasulnay anagoo eegayna xaalada lagu jiro iyo walaalahayaga shirka nagula jirey oo ka fuqi waayay habkan 4.5ka la yiraahdo oo muddo lagu soo dhaqmayay si walaalaheen ay xarumahoodii ugula noqdaan war aan looga hor imaan waxaan isla qaadanay in muddo 4 sano ah qodobkaas uu noqdo kmg oo lagu soo xulo Baarlamaanka, laakiin baarlamaanka waxaan ku heshiinay 225 xubnood waqtigooduna yahay 4 sano, Puntland qaybta ay ku leedahay cid usoo magacaabaysa meleh taas hala ogaado waxaan kaloo u tanaasulnay in muddaas laga xoreeyo dalka dadka argogixisada ah markii waqtigaas dhamaado waxa lagalayaa marxalad cusub oo ah qof walba iyo codkiisa iyo qofka iyo xisbiga uu doonayo” ayuu yiri Madaxwayne Faroole. Madaxwaynaha dowladda Puntland oo khudbadiisa kaftan ku darsaday ayaa yiri ” Nin reer galbeed ah ayaa tagay meel bad leh hade waa ogtihiinoo galbeedka bad kuma taal marka ninkii markii uu arkey biyaha fadhiya ayuu far inta darsaday dhadhanshay mise wuxu dhanaanaa markaas buu yiri nin bad arkay waxna arag wuxuu ka sheegana ma yaqaan hada masuuliyiinta Fedraalka iyo Koonfurba ka socota nin arkay xaalada ay ku jiraan oo waraysta waxna arag wuxuu ka sheegana ma ayqaan” madaxwayne Faroole waxa uu u mahadceliyey ciidamada qaranka Puntland oo amaanka shirka gacan bir ah ku qabtey isagoo sheegay in abaal badan loogu hayo waxa kale oo uu u mahadceliyey shacabka Puntland. Madaxwaynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa isna ka hadlay shirka isla markaasna si weyn usoo dhaweeyey isagoo mahad balaaran usoo jeediye yMadaxwaynaha Puntland iyo shacabka Puntland isagoo tilmaamay in tanaasul badan ay Puntland samaysay. Shiikh Shariif waxa uu sheegay in heshiiska la gaarey uu yahay mid rasmi ah oo lagu dhaqmayo iyadoo uu sheegay in dariiqa hada la qaadey uu iftiinshay wax badan laguna soconayo waxii hada ka danbeeya, isago amaan balaaran usoo jeediyey ciidamada dowladda Puntland oo uu ku amaanay hawlkarnimo, daacadnimo iyo hufnaan sidoo kale shacabka Puntland ayuu ku amaanay sida ay ula sheegeen ciidamada amniga. Shirka waxaa sidoo kale ka hadlay Wakiilada UNPOS iyo Igad oo iyaguna soo dhaweeyey kuna tilmaamay shirkan in laga gaarey heshiis taariikhi ah kaasi oo ay ku tilmaameen mid tanaasul iyo walaaltinimo la isugu sameeyey intii la wada hadlayay, kuxigeenka argayga UNPOSS ee Soomaaliya Manhal waxa uu sheegay inay heshiiska aad ula dhaceen ugu danbeyna ay Soomaali heshiisay iyadoo cid dhexdhexaadisay oo isku soo jiiday aysan jirin oo ay iyagu goosteen inaan loo kala dabqaadin. Shirku guul ayuu kusoo dhamaadey aad baana loogu wada riyaaqey, madaxdii qaranka iyo madaxdii caalamka ka socotey hada ayay ka dhoofayaan garoonka caalamiga ah ee Garowe International Airpot, waxayna kala qabteen Muqdisho iyo Nairobi. Cabdi Yuusuf Geeljir Puntlandi
  6. Shirkii Garowe Waa Lagu Heshiiyey Madaxdiina Heshiiska Way Saxiixeen Posted by Pi on December 24th, 2011 Garowe (Puntlandi) Magaalada Garowe ee Xarunta dowladda Puntland oo afartii maalmood ee u danbaysay ee uu ka socday Shirka Wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ay yeelanayso in lagu dhamaystiro, Shirka ayaa laga gaarey heshiis dhaxalgal ah waxaana heshiiska saxiixay Madaxwaynaha Federaalka Shariif Shiikh Axmed, Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Gudoomiyaha Baarlamaanka TFG Shariif Xasan Shiikh Aadan, Madaxwaynaha Puntland Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole, Madaxwaynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Wakiilka Ahlusuna Waljamaaca. Waxaa Madaxdu ay ku heshiiyeen in KMG ka laga baxo sanadka soo socda bisha Augsto marka lagaaro isla markaasna la yareeyo Baarlamaanka oo uu noqdo 225 kuwaas o lagu soo xuli doono nidaamka 4.5 ee hada jira, mudda Baarlamaanku waa 4 sano sida lagu heshiiyey waxaana markii 4-taas sano dhamaado meesha ka baxaya nidaamka qabiilaysiga ee 4.5 waxaana markaas lagalayaa hal qof iyo hal cod iyo nidaamkii xisbiyada in wax lagu soo doorto waxaa sidoo kale heshiiska ku taal inaan nimaamka 4.5-ka aan marna waqti loogu dari doonin marka uu waqtiga ka dhamaado 4 sano oo ka bilaaban doonta bisha Augst sanadka 2o11-ka markaas oo laga bixi doono Xiliga KMG ah oo la galayo dowlad rasmi ah, Baarlamaan rasmi ah iyo madax rasmi ah. Markii ay madaxdu heshiiska saxiixeen waxaa Kooxda Fanaaniinta qaranka Waabari Puntland ay qaadeen heesta astaanta qaranka Soomaaliya ee Soomaaliyeey Toosoo Toosoo Isku Tiirsada oo hadba kiina taageeran taageera waligiinee. Heesta waxaa ka dabo qaadaya Madaxda Dalka Soomaaliya iyo Dhamaan qaybaha bulshada ee shirka joogta ee Soomaali ah waa loo wada istaagey heesta waxaa la lulayaa calanka Soomaaliya, Haweenku way ilmaynayaa madaxda qaarkeed indhahooda waxaa laga dareemayaa qiiro Soomaalinimo. Madaxda ayaa hadalka bilaabi rabta Wakaalada.com ayaad toos shirka idiinka soo tabinaysa hadaladii madaxda ayaana heesta calanka qaadisteedu marka ay dhamaato ku xigi doona sida qorshaha ay ku sheegeen Wasiiru dowlaha dastuurka Puntland Dr. Jimcaale iyo C/casiis Farabadane oo UNPOSS ka tirsan. Qodobada oo dhamaystiran khudbadaha Madaxda ayaad naga sugaysaan hadii alle idmo. Abdi Yuusuf Geeljir
  7. It's sad that some are sticking with 4.5. Let history record Puntland was on the right side of it and fought hard for a fair deal. A better outcome small parliament 225 with a four year mandate and a new non transition government is on it's way.
  8. 4.5 is outdated and hated by everyone. So let's get deputies from every district and regions of the 18 regions of Somalia. Mogadishu alone has 16 districts. And MPs would represent districts and not clans: Let's see how this plays out.
  9. Samayna dastuur, dhismaha baarlamaan tayo leh & nidaamka dawliga ah ee federaalka oo looga dooday fadhigii shirka wadatashiga Somalida ee maanta. Fri, 23 Dec 2011 00:10:03 -0500 am -05:00 -18000 Garowe, Dec 22 - Shirka wadatashiga Somaliya ayaa galay maalintii 2-aad oo loo gudbay gorfaynta dastuurka mustaqbalka ee ay Somaliya yeelan doonto. Wasiirka dastuurka ee dawlada federaalka ah C/raxmaan Xoosh Jibriil, iyo wasiir al dawlaha dimuqraadiyadda iyo arrimaha federaalka ee Puntland Dr. Cabdi Xasan Jimcaale ayaa ka mid ahaa mas'uuliyiinta ka hadashay shirka, tafaasiilna ka bixiyey ajandaha shirka, iyo labada qodob ee dooddu ay ku koobnayd ee ahaa dastuurka, iyo dib u habaynta baarlamaanka. Md. Xoosh ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo baarlamaan tayo leh, oo u adeega bulshada ka hor bisha July 2012. Waxaa uu xusay in ay tahay in laga doodo in loo bahan yahay baarlamaan laba (2) Aqal ka kooban iyo in kale, wadadeese loo mari doonaa dhismihiisa. Khudbad: C/raxmaan Xoosh Jibriil. Tirada mudayaasha baarlamaanka ayaa sidoo kale uu sheegay in la darso, sida lagu soo dooran doona xildhibaanada, iyo halkee laga soo dooran doonaa mudanayaasha baarlamaanka. Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, wasiir al dawlaha dimuqraadiyadda & arrimaha federaalka ee Puntland oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in dastuurku uu tiir-dhexaad u yahay jiritaanka ummadeed. "Haddii aanay ummadi lahayn dastuur, waxaa ay horseedaysaa fawdo" ayuu yiri Dr. Jimcaale. "Waa in uu dastuurku noqdaa mid raali gelin kara ummadda Somaliyeed" ayaa uu ku daray. Waxaa uu ka digay in dastuurku uu noqdo mid cid keli ahi la durduriso, isaga oo intaas ku daray in haddii taasi dhaco uu ka iman doono khilaaf aad dani ugu jirin ummadda; waxaa uu sheegay in ay tahay in ummadda laga tala-geliyaa dastuurka, isaga oo xusay dawrka maamul goboleedyada iyo ururada siyaasada ee ka jira gobollada Somaliya. Waxaa uu intaas ku daray in dastuurku uu ahaado mid waafaqsan Axdiga dawladda. Dastuurka ayaa uu Dr. Jimcaale ku sifeeyey kaalin shidaal oo uu gaadiidku shidaal ka qaato, una dhiganta waadi bulshadu ka cabto. Waxaa intaas ku daray in dastuurku uu ytahay haykal ogaalanaya dadku in ay midoobaan, isla markaana nin kastaa gurigiisa uu nadiifsado. Waxaa uu xusay in marka intaas la isla meel dhigo, deetana la bilaabo ka wada-hadalka wadaaga khayraadka, iyo awoodda hay'adaha dawliga ah. Khudbad: Dr. Cabdi Xasan Jimcaale. Dr. Jimcaale ayaa ku celceliyey in Puntland ay u taagan tahay midnimada Somaliya, meeshana ka saaray wararka kutiri-ku-teenta ah ee sheegaya in Puntland ay ka goosanayso Somaliya inteeda kale. Shirka ayaa la soo gabagabayn doonaa Jimcaha, 23-ka bisha December, 2011. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir. Shirkii wadatashiga dastuurka oo maalintii labaad ka socda Garowe, lana guda galay nuxurkiisii doodeed. Garowe, Dec 22 – Maalintii 2-aad ayaa caasimada Puntland ee Garowe waxaa ka socda wejigii labaad ee shirka wadatashiga Soomaaliya kaas oo kulankiisaan looga doodayo arrimaha dastuurka oo ay hoosyimaadaan qodobo badan oo uu ka mid yahay dib-u-eegidda baarlamaanka. Egrooyinka shirka ka qaybgalaya ayaa ka kala socda dawladda federaalka, Puntland, Galmudug, Ahlu-sunna, QM; sidoo kalena ay jiraan goob-joogayaal caalami ah. Shirka oo shalay ku sinnaa furitaan kaliya ayaa maanta si rasmi ah loo guda-galay ajannadayaashii shirkaasi horyaallay ee la xiriiray arrimaha dastuurka, iyadoo xoogga falaqayneed mawduucaasi ergooyinku si kulul uga aragti dhiibteen. Guddiyo turxaan-bixineed ayaa maanta ay iska xuleen ergooyinka kala duwan ee shirkaasi ka qaybgalaya iyadoo maamul kasta ama urur kasta si gaar ah u faristay si ay uga baaraan-deggaan doorkooda falanqayneed ee arrimaha laga doodayo, si kadibna la isula soo laabto nuxurro hal-beegaysan oo la soo miidaandayey. Ajandaha ugu weyn ee laga doodayo ee dastuur ayaa waxaa hoosyimaada dhawr qodob oo ay ka mid yihiin: i) Yaraynta tirada mudanayaasha baarlamaanka federaalka, ii) Rogrogidda qorshaha wax qaybsi ee 4.5-ka, iii) Sal-u-dhigidda hannaanka federaaliisimka, iyo arrimo kale oo isla dastuurkaasi la xiriira. Qodobada maanta laga doodayo oo ah dhumucda shir waynaha wadatashiga dastuurka ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in islameelayntooda berri oo Jimce ah in lagu dhawaaqo. Shirka wadatashiga ee galay maalintiisii 2-aad ayaa ah mid qayb ka ah fulinta qorshaha tubta nabadda oo ah mid muddo lagu hawlanaa meel marintiisa. Diiwaanka Wararka Radio Daljir.
  10. AMISOM is not guarding the conference the pictures of the President visits shows Somali troops at every level, Puntland has a fierce army. However some in the Somali media are upset for some reason. Who knows.