
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Some here deny there are is any occupation, or a problem regarding looted property in Mogadishu and the Lower Shabbele...Well for the secon time Shiekh Sharif has spoken out/.... Shiekh Sharif start with your buddy Inda Cade, and we will take you seriously. Till then w appreciate your nice words.... Shiikh Shariif Shiikh Axmed†Waa in laga baxaa guryaha iyo Beeraha xooga lagu heysto, cadaaladuna waa shaqeyneysaa†Gudoomiyaha gudiga Fulinta Maxaakiimta islaamiga ah ee Soomaaliya Shiikh shariif Shiikh Axmed oo manta ka hadlayey isu soo bax ka dhacay garoonka Kubada Cagta ee Koonis ayaa waxa uu sheegay qorshaha Maxaakiimta ee ku xiga Amniga in ay tahay sidii dadka heysta Guryaha iyo beeraha looga qaadi lahaa, waxa uuna ku cel celiyey in Maxaakiimtu ay yihiin kuwa ku dadaali doona Cadaalada iyo Maslaxada Umada Soomaaliyeed. “ Hadii aad ku sii jirtaan guryaha, beerahana heysataan, waxaad noqoneysaan qabiil is dilay umadana barakaciyey, welina xoog ku joogo, ayuu yiri shiikh shariif oo si gaar ah ula hadlayey dadka ku nool Caasimada, oo uu sheegay in Soomaali inteeda kale ay soo fiirinayaan. Hadalkan uu jeediyey Shariifka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dad fara badan oo gudaha iyo dibadaha ku nool guryahoodii iyo beerihoodii xoog lagala wareegay, waxaana u badan Dhulalka sida sharci darada ah magaalada Muqdisho, halka beerahana ay u badan yihiin gobalada Shabeelaha Hoose, iyo Jubooyinka. Gudoomiyaha gudiga fulinta Maxaakiimta islaamka, Shiikh shariif Shiikh Axmed waxa uu sheegay in loo baahan yahay Maamul loo sameeyo Muqdisho, taasina waxa ay ka horeeyo buu yiri dadaal iyo Daraasad, iyada oo dib loo fiirinayo Fashilka Maamuladii hore, waxaana muhiim ah buu yiri in la ogaado in umadu u baahan tahay Cid ka fekerta danahooda aqoona leh. Shiikh shariif Shiikh Axmed mar ii ka hadlayey imaatinka ciidamada Itoobiye ee soomaaliya iyo qafiifinta cunaqabateynta hubka, waxa uuna arimahaasi uu ku tilmaamay in ay macnaheedu tahay mashquulinta Maxaakiimta ee dhinaca adeega bulshada, isaga oo dhinaca kalna ugu baaqay Umada Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka iyo diinta.
-
Waxbarashada Gobolka mudug iyo qabyaaladda maxaa kala haysta ?
General Duke replied to Xoogsade's topic in Politics
Xoogsade, a good evening to you to brother... -
Waxbarashada Gobolka mudug iyo qabyaaladda maxaa kala haysta ?
General Duke replied to Xoogsade's topic in Politics
^^I have said that the article had some good points, but Xoogsade ruined it. As for the comments of my cousin, I did not know I had one of SOL. Thank you Mr Xoogsade.. -
^^^Maybe lies and propoganda but thats the latest news..
-
Waxbarashada Gobolka mudug iyo qabyaaladda maxaa kala haysta ?
General Duke replied to Xoogsade's topic in Politics
^^^Desperate times call for desperate measures. Reer Mudug have problems like anyone else. They also have as many learned scholars as anyone else. What can they learn from clan courts I have no Idea... Puntland has an adminstartion that is chosen by its people. Unlike Banadir, Lower Shabele and other southern towns. Xoogsad it is high time you stop blaming and work to bring in all the people of Mogadishu into one umbrella. Yesterdays armed clans are todays armed clan courts.. The article is fine, your sniffling comments can never cover up the tragedy many innocent Somali's in the south live under.. -
Sudan iyo Uganda oo sheegay inay Ciidan u soo dirayaan dalka Soomaaliya Baydhabo:-Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Xarunta ah ee baydhabo ayaa sheegaya in dhowaan ay ku soo fool leeyihiin ciidamo ka imaan doona dalka Ugandha oo qayb ka qaadanya sida la sheegay hanaanka nabad soo celinta dalka Soomaaliya. Arintaan oo qayb ka ah ciidan ay horay u balan qaadeen wadamada safka hore ayaa waxaa soo dedejiyey ka dib markii Ciidanka midowga maxaakiimta islaamiga ahi ay la wareegeen magaalada Muqdisho iyo deegaamo ku teedsan, horayna ay ugu sii siqeen ilaa inta ay ka gaareen degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay. Illo ku dhaw dhaw masuuliyiinta sar sare ee dawlada Fadaralka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay safar deg deg ah oo R/wasaare Cali Max’ed Geedi uu ku tegay dalka Uganda xaruntiisa Campla uu ku soo saxiixay in ciidankaas yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa inay soo gaaraan labadan maalmood ee fooda inagu soo haya iyaga oo diyaarado lagu soo daabuli doono. Dhinca kalena waxaa iyana ka dhawaajisay inay ciidamo keeni doonto dalka Soomaaliya dawlada Suudaan oo iyadu safka hore kaga jirtay arimaha Soomaaliya, shirkii ugu danbeeyey ee maxaakiimta iyo FS dalkeeda lagu qabtay. Arinta Soomaaliya ayaa gashay xaalad adag, oo la filayo inay dhacaan dagalo xoogan oo ay isaga horyimaadaan FS oo ay taageeraya dawladaha Soomaaliya deriska la ah iyo Midowga maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed oo dhawaan daaqada kala booday hogaamiyeyaashii mudada dheer xooga kaga talinayey magaalada Muqdisho. Abdirazak Yassin Caanogeel Waayaha,Baydhabo,Soomaaliya
-
IGAD OO CIIDAMADEEDA KU SOO FASAXDAY SOOMAALIYA (Saraakiil iyo Ciidamo ka socda Uganda oo gaaray magaalada Baydhabo Axad, July 23, 2006(HOL): Warar aynu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in ay shalay magaalada Baydhabo gaareen saraakiil ka tirsan Dowladda Uganda oo ay wehliyaan ciidamo ilaalinaya saraakiishaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 30 askari, kuwaasi oo la sheegay in ay hordhac u yihiin ciidamo dhowr boqol gaaraya oo la filayo in ay todobaadkan soo gaaraan Magaalada Baydhabo. Wararku waxay sheegayaan in saraakiishan ay kulan la qaateen madaxda Dowladda Federaalka, isla markaana ay qeyb ka yihiin ciidamadii ka socday dalka Uganda ee loogu talagalay in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya, walow ay jiraan warar kale oo sheegaya in uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka codsaday dhigiisa dalka Uganda in uu u soo diro Ciidamo gurmad ah oo ilaaliya xarunta Dowladda Federaalka. Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa u sheegay wargeyska Sanca Press ee ka soo baxa magaalada Muqdisho in ay dowladda Kenya u soo diri doonto ciidamo kuwaasi la mid ah oo caawiya dowladda Federaalka, iyagoo la sheegay in ay isa soo raaci doonaan kuwa ka socda dalka Uganda oo la sheegay in ay haatan ku sugan yihiin dalka Kenya. Ma jirto cid ka tirsan Dowladda Federaalka oo arrintan si cad u sheegtay, iyagoo dhowr jeer beeniyay in ay xitaa ciidamo Itoobiyaan ah soo gaareen Magaalada Baydhabo. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
YO-YO, I do support the TFG, though this latest action I disagree with..
-
Realistic Assessment Of The New Regime In Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Olol, you do protest too much son.. Mr secesionist, you support the courts for what reason? You want to divide Somalia yet you support a group in the south, funny thing that.. -
Qoryoley Front: Somali Islamists and Govt Clash
General Duke replied to miles-militis's topic in Politics
Faah faahin ku saabsan dagaalkii shalay galab ee Qoryooley I guess [liberator] Indacade troubles have started in lower Shabbele.. Qoryooley:-Dagaalka degmada Qoryooley ayaa sida na loo xaqiijiyey waxaa uu dhex maray laba beelood oo halkaas wada dega ka dib markii uu soo dhex galay muran ku saabsan kala taageerida Dawalada Fadaraalka Soomaaliya iyo Midwga maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed. Dagaalka oo bilowday abbaarihii 12ka duhurnimo ayaa la sheegay inuu qabooday galabnimadii ka dib markii laga awood rooday beeshii taageersanyd midwoga maxaakiimta oo laga gubay laba baabuur oo nooca qoryuhu ku rakiban yihiin ah. Markii uu soo baxay wararka ku saabsan dagaalkan ayaa markii ugu horaysay waxaa wakaallada wararka ee Reuters ay qortay in dagaalku dhexeeyey maxaakiimta iyo FS, waxaase warar dawlada ku dhaw dhaw noo xaqiijiyeen in dawladu ay gacan siisay beeshii iyada raacsayn taasi , oo sababtay degmada qoryoolay gacantooda ku danbayso. Masuul ka tirsan midowga maxaakiimta oo la halayey wakaallada wararka ee Reuters oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa qirtay in lagaga awood roonaaday goobtaas, lagana gubay laba baabuur, wixii intaas ka danbeeyeyna maxaakiimtu wax war ah kama soo saarin arintaas. Kala shakiga iyo dagaalada labada af ee Soomaaliya hadda yeelatay ayaa yimid ka dib markii 3 maal mood ka hor si lama filaan ah ay midowga maxaakiintu kula wareegeen degmada Buur-hakaba kagana dhawaaqeen maxkamad horay loogu sameeyey magaalada Muqdisho maalmo ka hor, oo lagu magacaabo Al-ayaam. Arintaan ayaa u muuqata mid hawada ku laashay rajadii laga qabay inay labada dhinac isa soo horfariistaan, oo wada xaajood ku gaaraan farqiga u dhexeeya, waxaana shaki weyn laga qabaa inuu yimaado dagaalkii ugu adkaa ee abid ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya. Abdirazak Yassin Caanogeel Waayaha,Qoryoolay,Soomaaliya -
Here is the motivating factor for the Tigray in Adis, the Tigray in Asmara.. Dowlada Ereteriya oo Ciidamo u soo diraysa Soomaaliya E-MAIL THIS PRINT THIS Abdulgadir M Osman Email: somec3@yahoo.com Eritrea Flag Waxaa muuqata saan saan ah in colaadii u dhexeysay Ereteriya iyo Itoobiya ay u soo weecatay dhinaca Soomaaliya ka dib markii ciidamo xabashi ah oo aad u hubeysan ay soo galeen magaalada baydhabo. Waxaa la sheegay in ciidamadaasi ay doonayaan in ay difaacaan Dowlad Federaalka hase yeeshee Dowlada Ereteriya ayaa iyadu ku dhawaaqday in Soomaliya ay direyso ciidamo kana dejin doonto qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Dowlada Itoobiya ay ku xadgudubtay xeerarkii u yiilay wadamada IGAD. ''' Waxaa la isla ogaa in ciidamo wadajira oo ka socda IGAD loo soo diro Soomaaliya, waxaase arrintaasi ku xadgudbay Dowlada Itoobiya, marka wax anaga noo diidaya ma jiraan in aan Soomaaliya u dirno ciidamo''' ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaarada arimaha Dibada ee Dowlada Ereteriya. dhinaca kale dowlada Jabuuti ayaa wal wal iyo walaac ka muujisay faragelinta lagu hayo arrimaha Soomaliya, waxayna ka digtay in arrintaasi ay keeni karto cawaaqib xumo saameyn ku yeelata wadamada Geeska Afrika.
-
Qoryoley Front: Somali Islamists and Govt Clash
General Duke replied to miles-militis's topic in Politics
^^^This seems to back up your post earlier... QORYOOLEY: Laba ka mid ah gawaarida dagaalka ee Yuusuf Indho-cadde oo laga dhacay Degmada Qoryooley Posted to the Web Jul 23, 08:12 Qoryooley (PP) - Laba gawaarida dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidammada Yuusuf Indho-cadde oo ah xubin ka tirsan Maxkamadaha Muqdisho haystana Gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dhacay degmada Qoryoole ee gobolka Shabeellada Hoose. Warar lagu kalsoon yahay oo ay Puntlandpost ka heshay ilo wareedyo ku sugan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in labadaan gaari xalay lagu dhacay goob ay yaalleen oo ka tirsan Degmada Qoryooley kaddib dagaal aad u xooggan oo dhex maray kooxaha ilaalada ka ahaa gawaaridaas iyo ciidammo duulaan ahaa oo aan la garanayn halka ay ka yimaadeen. Isha aan ka helnay warkaan ayaa waxay codsadeen inaan la sheegin magacyadooda, waxayna qireen in dagaalka uu ahaa mid socday qaddar daqiiqado ah isla markaana lagu dhacay labada gaari oo ah gawaari ay saarnaayeen laba qori oo lagu kala magacaabo 37 iyo Qori kale oo lagu magacaabo Shilke, lamana garanyo halka rasmi ahaan lala abaaray labadaas qori. Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ee uu madaxda ka yahay Indho-cadde ayaa iyagu sheegay inaysan wax tafaasiil ah ka bixinayn qoryahaas la dhacay, waxayna sheegeen inaysan saxaafadda Shabeellada hoose faarin karin wararkaas, sida weriye ku sugan Marka uu u caddeeyay Puntlandpost. Arrintaan ayaa waxay dhabarjab xoog badan ku tahay maamulka ka jira Shabeellada Hoose, waxaana tani ay keeni kartaa in kacdoonno ka dhan ah maamulkaas ay ka dhacaan gudaha Gobolkaas isla markaana ay dhibaatooyin fara badan kala kulmaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolkaas. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com -
Qoryoley Front: Somali Islamists and Govt Clash
General Duke replied to miles-militis's topic in Politics
^^Can you confirm, this news. -
Realistic Assessment Of The New Regime In Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
ME, I am against Ethiopian presence in Somalia. I also have doubts that the news coming from certain sources based in Mogadishu. As for the courts are they new? The answer is only the name, they were memebrs of the Balcad goup including the warlords. They had elements in Abdiqasin's governemnt and Xasan Dahir supported it and is against this one? What I said the hyping up of Ethiopia is a tactic by the courts and their media outtlest, to try and destabalise the TFG. Your comments hint at a lack of understanding of the Somali psyche. I also do not buy into this selective nationalisam. The courts of Mogadishu are no more nationalist than the people of Bay, Puntland and so on. I belive militarily the TFG does not need much support apart from heavy armour and aircover.. -
MMA, I thank you for the report. I have come across people who have denied that there is Ethiopian presence in Baidoa. Now if what you say is true there will be some sort of clash within the next few days.. Otherwise their presence in such a sensative place makes no sense. We wait..
-
Realistic Assessment Of The New Regime In Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Brother, they have clan, but not religion, we are all Muslims and you must know the ruling on two muslims fighting? Their success against the warlords means nothing, this is a tottaly different enemy, one that is not reckless and which has the support of many people. I am not motivated by fear nor do I buy into the hype of Xasan Dahir, we have been here before. They will go far you say, the warlords were invincible to some, these courts are like them not invincable.. As for this issue, I am right in seeing the Ethiopians as a new tactic by these courts, and one that in no way represents the interest of the people.... -
Realistic Assessment Of The New Regime In Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Saxib, another fake dawn helps no one. We lost 46 years, now it is time to build our national instutions and this is the TFG, we are no different to all the other nations on Earth apart fro our ********* in not looking after our interest. Now I am anti Ethiopian, anti clan courts, anti clan discrimination and pro unity and pro government. Saxib I had a flag when it was not popular, I was against the warlords when it was not popular, now I am for the governemnt and it is not popular... One must not just follow the mob, because the their love is fickle.. -
People of Bay Bakool: Xasan Dahir = Caydeed...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maxkamada Islaamiga Albayaan Awood ma u leedahay in ay yeelato Ciidamo Intan la ego o ay ku weerarto Magaalada Baydhabo Waa Maxkamad Islaami ah, kuna soo biirtay Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ka dhisan 17-kii bishan ,dabcan dhismaheeda waxaa ku lug leh shaqsiyaad ka tirsanaa markii hore Golaha Maxkamadaha Soomaaliya,waxaa loo dhisay ujeedooyin kala duwan,laakiin danta guud waxay ahayd inay horkacaan Mas’uuliyiinta Maxkamadan weerar lagu qaado Baay maadama ay ka soo jeedan Magaalada Baydhabo. Gudoomiyaha Maxkamaddaasi Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa waxa uu sheegay in maxkamadani ay xasilin doonto gobolada Shabeellaha hoose, Baay iyo Bakool waa sida uu hadalka u dhigay,iyadoo la ogsoon yahay in Shabeellaha hoose ay haystan Maleeshiyo ku heyb ah Guddoomiyaha Golaha Shuurada Islaamka Sheekh Xasan Dahir Aweys. Xarunta Maxkamadan oo aan shalay tagay kuna taala marka la dhaafo Isgoyska KPP ee Magaalada Muqdisho ama dhabarka dambe ee Xaafadda African Village waxaan ku arkay ragg Wadaado ah oo gacanta ku haystan Kitaabka Qur’aanka gacan kalena ku haysteen Qoriga AK47, markii aan galay gudaha Maxkamada waxaa halkaasi fadhiyay Gudoomiyaha Maxkamaddaasi Maxamed Ibraahim Bilaal. Haddaba su’aasha taagan waxay tahay Maxkamadan ma leedahay Ciidamo fara badan ama ma yihiin ciidamadii shalay qabsaday Buurhakaba kuwa ka soo jeeda Baay oo Maxkamadan hoos taga, su’aasha Jawaabteedu waxay tahay dabcan Maxkamadan ma laha Ciidamo hub intaan la eg haysta, laakiin Ciidamadan waa kuwa ka tirsan beelaha dega Xamar, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in qalqal lagu geliyo joogitaanka xubnaha Dowladda Magaalada Baydhabo. Sheekh Muqtaar Roobow iyo Bilal waa Labo nin oo ka soo jeeda Beesha Mirifle, waa labo nin oo dhalinyaro ah, isla markaana Firfircooni u leh Siyaasadda cusub ee Soomaaliya, waxay doonayaan inay noqdaan labadooda hoggaamiyeyaasha Baay, taasi ayaa keentay inay horkacaan Maleeshiyada Maxkamadaha,ujeedadoodana waxay tahay korsi doon. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuurdiin007@hotmail.com news@ufurow.com Muqdisho , Soomaliya -
Dadweynaha ku dhaqan Baay iyo Bakool oo ku source Dadweynaha ku dhaqan Baay iyo Bakool oo ku baaqay in laga hortago weerarada Maleeshiyaadka Maxkamadaha ee ku soo wajahan degaanadooda Aragtiyo laga soo Ururiyay dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka Baay iyo Bakool ayaa waxay sheegayan in inta badan dadkaasi ka soo horjeedan in goboladaas soo galaan maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga ee ka socda Magaalada muqdisho. Cabdalla Deerow ***** oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka ayaa aragtidiisa ku sheegay inay tahay qorshaha Maxkamadaha Dhul ballaarsigii Jen Caydiid ku qabsaday 1995-tii magaalada Baydhabo, booskii Caydiidna ku jiro Sheekh Xasan Dahir Aweys. Mr Deerow waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dagaalamo, kana hortago kuwa duulaanka ku soo ah waa sida uu hadalka u dhigay Gobolada Baay iyo Bakool. Xasan Maxamed Xusen waa nin Macalin ka ah Dugsi lagu barto luuqadaha oo ku yaalo magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in isaguna diyaar u yahay inuu qaato qoriga si dadkiisa iyo degaankiisa uga badbaadiyo Maleeshiyaadka ka soo duulaya Muqdisho. “Magaalada xilligan waxaa ka socda dhismo,waxaa jooga kumanaan soomaaliyed, waxaa kaliya la diidan yahay waxay tahay iyadoo dhismaysa magaaladaâ€ayuu yiri Xasan Maxamed. Xaawa Cabdi Aadan oo iyadana ka mid ah haweenka Gobolka Baay ayaa sheegtay in dadka dega Baay iyo Bakool haatan ka soo kabanayaan dhibaatadii ay gaarsiiyeen Maleeshiyadii Jen Caydiid sidaas darted ayay sheegtay in Xasan Dahir uu la mid yahay Caydiid. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuurdiin007@hotmail.com news@ufurow.com Muqdisho , Soomaliya
-
^^^ I still do not buy the propoganda coming from Mogadishu. They miscalculated regarding the weakness of the TFG. ME, trust me things are not as you make out, the warlords used this line, the courts are now using the same arguments in order to get support. I doubt there is an invasion by Ethiopia, that makes no sense even to them. I am not wrong in taking couple of teaspoons of salt when it comes to this news.
-
Realistic Assessment Of The New Regime In Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The fact that it is from a secesionist aside, were the arguments wrong? You know I dont have time for the looneys who belive in dividing Somalia, or the warmonger.. -
^^^They showed pictures of Ethiopian tanks in Somalia, so what are you waiting for son? Go fight the AMharo.
-
Realistic Assessment Of The New Regime In Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^ME, this is an interestig article, what bit of it did you not like? The bit about Ind Cade and the clan occupaion or the fact the argument is made by a secesionist? As for Ethiopians ME, if they are in Somalia why dont these jokers go and fight them instead of crying all day about it. Olol. Of all the people in SOL, you should not be calling anyone a clan cheerleader. You who has called Inda-Cade a liberator and who denies there is an occupation in the Shebbele..See you support the subjugation of others and the looting of the farms, pathetic...