
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Golaha wasiirada oo isku raacay in lagu gacan sayro heshiiskii Shariif Xasan iyo Maxaakiimta. Baydhabo, Kulan maanta magaalada Baydhabo ay ku yeesheen golaha wasiirada dawlada FS ayaa waxa ay kasoo saareen qodobo gaashaanka loogu daruurayo heshiiskii xalay magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen maxkamadaha iyo Shariif Xasan oo ay weheliyaan koox xildhibaano ah. Kulanka golaha wasiirada magaalada baydhabo ay ku yeesheen oo ahaa mid albaabada ay u xiranyihiin ayaa waxaa ugu danbeyntii xubnaha golahaasi ay isku raaceen in heshiskaasi uu yahay mid aan la qaadan karin ayagoo ku tilmaamay mid aan lagala tashan xukuumada kmg ah. Xubnaha golaha wasiirada ayaa waxa ay ku eedeeyeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan inuu la wareegay howshii xukuumada kmg ah ay lahayd oo ah dib u heshiisiinta waxa ayna sheegeen in gudoomiyaha uusan kala tashan nabada magaalada Muqdisho uu ka raadiyey. Afhayeenka xukuumada FS C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa waxa uu sheegay in heshiiska Muqdisho ka dhacay gebi ahaan uu yahay mid aan la qaadan karin . Go'aanka xukuumada ayaa soo baxay ka dib markii xalay magaalada Muqdisho ay ku saxiixdeen xildhibaanada dawlada iyo maxkamadaha islaamka heshiis hor dhac ah oo 7 qodob ka kooban. Jibriil Nuur Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya
-
Clan courts concerned about US-KENYA troop movement..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mareykanka Oo Soo Jeediyey In Wada-xaajoodka Soomaaliya Loo Weeciyo Switzerland & Sarkaal Maraykan ah Oo Qiray In ay Ciidamo ka Joogaan W/Bari Kenya. Posted to the Web Nov 11, 08:39 Djibouti-Sarkaal sare ee horkacaya ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee ka tirsan ciidamada isbiirsaday ee fadhiya xeebaha wadanka Djibouti, ayaa shaaciyey inuusan ku qancin doorka dhex-dhexaadinta ee Sudan, ay ka dhex wado Dowlada KMG iyo Maxkamadaha Islaamiga. Sarkaalka oo magaciisa qariyey, ayaa mabda’ ahaan ku tala bixiyey in wadahadalka nabada Soomalida loo wareejiyey wado dhexdhexaad ah sida magaalada Geneva ee wadanka Switzerland. Isagoo shalay ka hadlayey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxa uu sheegay in uusan taladiisa ula jeedin in uu diidan yahay kaalinta Sudan ay ku leedahay nabadeynta Soomaaliya ,balse waxa uu tilmaamay in Khartoum aanay aheyn goob ku wanaagsan in looga xaajoodo mushkilada Soomaaliya, isagoona farta ku fiiqay in Switzerland ay tahay goobta ugu wanaasan ee lagu dhexdhexaadin karo dhinacyada Soomaaliya ku loolamaya. Waxa uu qiray Sarkaalka, in Mareykanka uu la’yahay xog dhab ah Soomaaliya iyo dadka Soomaalidaba, islamarkaanka Mareykanka uu u baahan yahay inuu faham dhameystiran oo ka turjumaya xaalada Soomaaliya. Waxaana uu intaasi raaciyey in xogta Mareykanka uu ka hayo Soomaaliya aanay ku filneyn oo uu doonayo inuu ogaado xaalada dhabta ah ee haatan ka aloosan. Sidoo kale sarkaalkani American-ka ah ayaa carabka ku dhuftay in Mareykanka ay ciidamo ka joogaan geeska Afrika, gaar ahaan gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, halkaasina ay ka wadaan howlo lagu gargaarayo dadka deegaanka. Dacda kale waxa uu sheegay inaysan jirin wax qorshe ah oo Mareykanka uu ugu duulayo Soomaaliya xiligan, balse uu taageerayo hanaanka wadahadalka nabada ee gobolka. Isagoo ka hadlayey ciidamada isbaheystay ee Mareykanka uu horkacayo ee jooga geeska Afrika, waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay tiro ahaan gaarayaan 1,500 oo askari oo loogu tala galay inay gobolka ka ilaaliyaan dhaq-dhaqaaqa argagixisada iyo inay fuliyaan mashaariicda samafalka. 1,500- ee askari ayaa ku kala sugan dalalka:- Eritrea, Soomaaliya, Sudan, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Mauritius, Comoros, Seychelles & Yemen. C/risaaq C/laahi Maxamed Puntlandonline.com Muqdisho Indhojaceel2003@hotmail.com -
Madaxweynayasha Somaliya iyo Yemen oo kawada xaajoday arrimaha Somaliya Last Updated::2006-11-11 18:59:25 San'a:-Sida ay ku warrantay wakaalada wararka dalka Yemen ee SABA madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed iyo madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Sanca waxa aykaga wada xaajodeen xaaladaha ka taagan dalka Somaliya . iyo sidii Somaliya loogu soo dabaali lahaa xasiloonidi iyo nabad gelyadii isla markana loo dar dar loo gelin lahaa dadaalda dibu heshiishinta qaran ee ay u socda dhinacyada kala gedisan ee Somalida . Madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa uga warramay madaxweyne Salax arrimaha ka soo cusboonaday dalka Somaliya iyada oo jiraan dadaalo ku aadan iso soo dhawaynta aragtiyada ay kala qabaan DFKMS iyo Maxaakimta Islaamig ah . Waxaa sidoo kale uu madaxweynaha Somaliya uu uga warramay madaxweyne Saalax waxyaalahi uga soo qabsomay boqashadisi dalka China iyada oo hogaamiyashi afrkinka ahayd ee ka qayb qaatay kulannkas ay kulamo la yeesheen hogaanka dalka China . Waxaa wakaalada wararka Yemen ee SABA ay sheegtay in madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax uu markale carrabka ku adkeeyay taagerida dalka Yemen dhamaan dadaalada ku aadan xasilooni, ku soo dabaalida dalka Somaliya,isaga oo tilmaamay in xasilooni ka hana qaada dalka Somaliyia ay arrinta dan u ah dalka Yemen iyo dhamaan dalalka mandiqada. Waxana madaxweyne Saalax ugu baaqay beesha caalamka in ay qaado masuuliyda ka saaran dalka Somalya taas oo horseed u noqanaysa dib u taagida hay'adihi asaasiga aha ee dawlada iyo dib u dhiska waxyaalahi ay bur buriyeen dagaaladi sokeeye ee Somaliya. Faysal wakaalad Horseednet.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa Waddanka Yamen Cali Cabdallah Saalax isagoo la falanqeeyey Xaaladda Gobolka iyo gaar ahaan tan Soomaaliya oo Madaxwaynaha Yamen looga bartay inuu si gaara u xiiseeyo. Waddanka yamen ayaa orey gacan uga geystay isu keenidda Dhinacyada is haya ee Soomaaliya iyadoo kal hore uu heshiis rasmiya dhexdhigay Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Cali Cabdallah Saalax oo isaga lagu tilmaamo Xariggii u dhexeeyey Jaamacadda Carabta iyo Dowladda Soomaaliya ayaa in badan ku dadaala inuu Saaxiib la noqdo Siyaasadaha kala horjeeda ee Soomaaliya. Sida uu ku warramay Kanaalka Afka Carabiga ku baxa ee Aljazeera waxaa Madaxwayne C/laahi Yuusuf u sheegay dhiggiisa Yamen inuu oggolyahay Wadahadal lala galo Midowga Maxkamadaha Islaamigaa laakiin ayuu yiri Madaxwaynuhu waa inay joojiyaan Dagaalka iyo Colaadda Xabbadu la socoto ee ay hurinayaan. Wararku waxay intaas ku darayaan inuu Madaxwaynaha Dalka yamen bilaabay Dhexdhexaadin horleh oo uu u kala dabqaadayo Maxkamadaha oo xiriir fiican la leh iyo Madaxwayne C/llaahi yuusuf arrinkaas oo Dadka siyaasadda Indho-indheeyaa ka muujiyeen Rajo Maadaama horey loogu bartay inuu natiijo fiican yeesho Gogosha ay Magaalada Sanca Qabato. Bishaar C/risaaq Cabdi
-
Can the two criminals/warlords stop Kacdoonka shacabka Puntland
General Duke replied to Jabhad's topic in Politics
Return looted properties, put Yusuf IndaCade in court for crimes against the Muslims of the south notably Dhoobley, Marka, Barava and so on. Take your millitias out of the areas they occupy and then talk to thers about Shariah rule. Posting news articles from Ceeldheer and opposition website Garoweonline wont make a difference. -
The luckiest ex-warlord in Somali politics
General Duke replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
A welcome development, he needs to rest and may Allah SWT, help and all of us. -
^^^Worse are those who would, lie using the sacred faith and die for the interest of a clan and the agenda set in Asmara by a Christian.
-
Red Sea, I was being ironic, and asked a question? No need to be so jumpy.. "If they get bloody nose, it will be from a brave little clan, who fight for what they believe, not from a spineless charlatans" That was a great rebuke to the secesionist, spineless as ever who talk big but want to outsource their war on Somali governance to the clan courts...
-
TFG opens new millitary training camp. Geedi, Hiiraale, Xabsade,
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^No one is.. -
^^^ I second that..
-
Clan courts concerned about US-KENYA troop movement..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada xuduuda Soomaaliya iyo kenya u dhexeysa. Hobyonet. Muqdisho. Khamiis,Nov 09,2006 ciidamo mareykan ah ayaa la sheegay in ay dhowr jeer yimaadeen xuduuda ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya , iyagoo ka fuliyay howlgalo ciidan dhaqdhaqaaqa ciidamadan ayaa waxaa cabasho ka muujiyay Gudoomiyaha degmada dhoobley Axmada Sacad kaasoo sheegay in aysan garankarin howlgaladii ay sameeyeen ciidamadaasi Mareykanka ah balse waxuu cadeeyay in ay yimaadeen . Mas'uulku waxuu kaloo sheegay in imaanshaha ciidamadu aysan jirin xiligan cid ay wax ugu dhibeen balse ay suurta gal tahay mid dhan ka ah Maxkamadaha oo ku soo dhawaaday xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. ayna imaatinkoodu la xiriirsan yahay Arrintaas. Wararka ayaa sheegaya in amaanka xuduuda ay adkeeyeen dowlada Kenya , kuwaasoo sheegay in ay ka soo gudbaan qaxooti fara badan oo ka soo qaxaya gudaha dalka soomaaliya iyo inay dhici karto in argagixiso ay ka soo gudubto xuduuda labada dal ay wadaagaan. Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay baaritaan la xiriirsan howlo argigixiso ay u tageen halkaasi ayna cidna wax ugu dhibin joogitaankooda. C/weli Yuusuf Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya Maslaha1@hotmail.com -
Clan courts have 1000 foreign fighters excluding Eritreans..
General Duke posted a topic in Politics
Maxaakiimta oo la xaqiijiyey inay ku hayaan goobaha ay ka dagaalamaan Ciidamo Ajaaniba oo gaaraya 1000 maleeshiyo Posted to the Web Nov 11, 00:15 Muqdisho: (pp) - Warar xaqiiqa oo ka soo baxaya saxaafadaha kala duwan ee caalamka ayaa qeexaya in Soomaaliya ay kusii qul-qulayaan Ciidamo ajaaniba , kuwaas oo si joogto ah ugu qulqulaya goobaha ay ka taliyaan Maxaakiimta, ciidamadaas ayaa la sheegayaa inay ka kala yimaadeen wadamo fara badan oo ay kamid yihiin wadamo dhowra oo taageera maxaakiimta. Warbixintan ayaa sheegaysa in 1,000 ciidamo oo mutadawiciin ah ay soo gaareen magaalada Muqdisho, waqtiyadii la soo dhaafay , ayna qaarkood hada ay ku sii qulqulayaan Soomaaliya.Ciidamadan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo taageeraya maxaakiimta Muqdisho , waana ciidamo aad u taba-baran oo mutadawiciin ah , waxayna qatar ku yihiin sida la isku qarxiyo ama loo sameeyo ismiidaaminta , sida dadka loo qaarijiyo iyo sida loo afduubo.Warbixintan ayaa la sheegayaa in mardhow la soo bandhigi doono. Warbixintan ayaa qaarkeed laga soo xigtay saraakiil ka agdhow Qaramada midoobay , waxaana lagu sheegay warbixintan qaarkeed in Wadamada: Syria, Iran, Libya, Sudan, Egypt, Eritrea, Djibouti ay si toosa hub ,cunto,daawo, takhaatiir iyo dirayska ciidamada ay ku taakuleeyaan Maleeshiyada Maxaakiimta. Dhanka kale dowladaha Yemen iyo Ugaandha ayaa warbixinta lagu sheegay inay taageero hub ay siiyaan DFKS.Waxaana dowlada Ugaandha ay si taageero ah 100 askari oo ka saacida dhinaca taba-barka DFKS ay ka joogaan xarrunta dowlada ee Baydhabo,. halka dowlada Itoobiya ay sheeganayso in ay ka joogaan Xarrunta Dowlada Ciidamo taba-bara kuwa dowlada. Puntlandpost.com -
^^^Oh you are angry at behalf of the clan courts? The days of your uncle printing passports are over. Your refugee behind doesn't even have an airport to fly out of. You need to ask the "clan" courts for permission. lol. Is this why General Duke pollutes the airwaves with propaganda? Is he after a diplomat passport as well? Pathetic fowqal pathetic. Thus one can understand your comments above, that were un -Islamic, Kinda like Yusuf IndaCade and their many pretences. Sister you can keep attacking the Duke, I dont mind, just dont waste your time on me when you could go for the whole government.
-
Agreement between Sharif Xasan Clan courts?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qodabo ka soo baxey Muqdisho 10 Nov 10, 2006, 20:12 Xalay fiidnimadii ayaa lagu soo gabagabeyay xarunta Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee Muqdisho kulan Guddiyadii Xildhibaanada Muqdisho iyo Maxkamadaha u xil saarnaa wada-hadalada Dowladda iyo Maxkamaddaha, kaasi oo laga soo saaray Todobo qodob oo muhiim ah, laguna heshiiyay in lasii dardargeliyo heshiisyada labada dhinac. Qodobadan labada dhinac ayaa waxa saxiixey Guddoomiye ku-xigeenka golaha Shuurada Ibraahim Xasan Caddow iyo Xildhibaan Cumar Xaashi, waxaana qodobadaasi ka mid ah. 1-In la dhameeyo colaada ka taagan dalka Soomaaliya lagana hortago wixii colaad keeni kara. Who is attacking towns and villages 2-In la dhowro qodobada lagu heshiiyay eee shirkii Khartoum. Who broke it 3-In arimaha Soomaalida laga daayo faragelinta shisheeyaha, lana dardar geliyo dib u heshiisiinta loona daayo Soomaalida. Who has foreign fighters burning the flag 4-In Qaramada Midoobay qaadin cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya maadaaama dalka intiisa badan amaankiisa sugan yahay. This was the main aim of the whole Sharif trip 5-In la xoojiyo wada hadalada Khartoum lana sii wado gogosha nabadeed ee Khartoum oo Jaamacada Carabta soo qabanqaabisay. 6-In la ilaaliyo jiritaanka Shacabka Soomaaliyed iyo midnimadoodaiyo qodob kale oo ay ugu mahad celinayeen dowladda Kenya. [they have attacked it before] Cali Muxayadiin Cali, Garowe Online -
TFG opens new millitary training camp. Geedi, Hiiraale, Xabsade,
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^I thought it was not so safe? You are defeating your old arguments.. -
^^^I am still waiting for a single post from you not addressed to or mentioning the Duke.. lol. only kidding sis.. ......
-
Agreement between Sharif Xasan Clan courts?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^Bambo the speaker role is just that, he is there to set appointments and not agenda. The whole 275 parliment has spoken so he needs to respect that. The agreement is not viable and will not work, why do the clan courts want to waste so much time? Also all Somali areas need to be respected, what Mogadishu clan courts want everybody wants, a right to choose their own admins within the Federal system. -
Clan courts concerned about US-KENYA troop movement..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maxakimta islaamka oo sheegay in dowlada Mareykanka ay gacan ka geysan karto dib u hishiisiinta Soomaaliya haddii ay u is taagto. November -10 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia. Gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maaxakimta islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku tilmaamay hadalada is daba joogga ah ee ka soo yeeraya dowlada Mareykanka ee ka dhanka ah Soomaaliya mid tusaale u ah in aysan aqoon u laheyn aromaha siyaasada gudaha Soomaaliya. Mr Shariif ayaa tibaaxay in mareykanka uu Soomaaliya ka aaminsan yahay fikrado qaldan , isaga oo tibaaxay in Soomaaliya aysan joogin xubno ka tirsan Alqaacidda . Gudoomiyaha oo u waramayay idaacada Horn Afrik ayaa tilmaamay in isbadalka nabadeed ee ka jira Muqdisho uu yahay mid ku yimid rabitaanka shacabka oo si weyn ugu oomanaa helitaanka nabad la isku haleyn karo "Dowlada Mareykanka waa awood dunida ka jirta oo gacan ka geysan karta arimaha dib u hishiisiinta Soomaaliya isla markaana dalalka fara gilinta ku haya arimaha Soomaaliya ka hor istaagi karta , arinkaasi waxa uu imaan karaa marka Mareykanku uu isku dayo.' sidaa waxa yiri gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maxaakimta islaamka . Godoomiyaha gudiga fulinta ee maxaakimta wax auu sheegay in Ithobiya aysan ciidamo u soo dirin laheyn Soomaaliya haddii ogalaansho laga haysan Mareykanka , waxa uuna sheegay in haddii Mareykanka uu ku cadaadiyo Zanawe ra`isul wasaaraha Ithobiya in fara galinta uu ka joojiyo Soomaliya in taasi ay imaaneyso . Dhinaca kale gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maxaakimta islaamka ayaa tibaaxay in ay yar tahay aqoonta dowlada Mareykanka u leedahay arimaha siyaasada gudaha ee Soomaaliya taasina ay tahay caqabad jirta. -
Agreement between Sharif Xasan Clan courts?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Safarkii Guddoomiye Shariif ee Muqdisho oo noqday mid dhinacna loo wadi waayey Posted to the Web Nov 10, 11:58 Muqdisho: (PP) - Waxaa shantii bishan Nofember ka soo degay magaalada Muqdisho Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu hadafkisii ugu weynaa uu ahaa in Maxaakiimta uu la gaaro heshiis isaga u gaara oo aysan la qabin inta badan xubnaha baarlamaanka iyo dowladaba . Tegidii Muqdisho ee Guddoomiyaha, waxay ka abuurtay Magaalada Baydhabo mudaaharaadyo looga soo horjeeday oo saacado badan ka socday magaalada Baydhabo. Tegitaanka Shariifka ee magaalada Muqdisho ayaa si fiican loogu fasiray inay ahayd Caro uu ka soo carooday madaxda Sar-sare ee dowlada Federaalka Soomaaliyeed , kaddib markii ay ka wareejiyeen inuu hogaamiyo wafdigii dowlada uga qayb-gali lahaa shirkii khartuum ee lagu guuldaraystay. Sikastaba , dad badan oo u dhuundaloola Shariifka ayaa sheegaya khilaafkasta oo u dhaxeeya isaga iyo madaxda sar-sare ee dowlada , hadana kama marmayn inuu jawi wanaagsan dhex-dhigo dowlada iyo Maxaakiimta, hadana safarkiisa Muqdisho waxay guddoomiyaha ku noqotay mid dhinacna loo wadiwaayey. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waqtigii uu ka degay magaalada Muqdisho ayaa Maxaakiimta Muqdisho waxay u soo dhaweeyeen si aad u wanaagsan, waxaana goobtaas ku soo dhaweeyey horjoogayaal aad u fara badan oo kamida maxaakiimta. Guddoomiyaha ayaa niyadiisa ugu sheekeeyey inuu kala laaban doono magaalada Muqdisho guul aad u wanaagsan , maadaama maxaakiimtu ay tusiyeen jawi aad u heer sareeya.... , Waxaana guddoomiyaha maskaxdiisa ka guuxayey waxa uu la hortagi doono maxaakiimta goorta ay isa soo horfariistaan , maadaama uusan soo diyaarsan waxa uu la hortagi doono maxaakiimra dhankooda. Guddoomiye Shariif Xasan shirkii ugu horeeyey uu hadalkiisa ku bilaabay ayaa ahaa sidan: "Waxaan u nimi Muqdisho Nabad ,Waxaana laga doonayaa Maxkamadaha inay aqoonsadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah dowladda keliya ee laga aqoonsan yahay caalamka kana jirta gudaha Soomaaliya, waxayna taasi sahlaysaa in dowladda iyo maxkamaduhu ay noqdaan kuwo dhibaatooyinka u dhexeeya ay dhammaadaan" ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa ka dabahadlay Guddoomiyaha baarlamaanka, Xasan Daahir Aweys oo isagana yiri" Howsha uu halkaan u yimid Shariif Xasan waa mid wanaagsan oo meesha ka saaraysa khilaafka u dhexeeya Maxkamadaha iyo Dowladda, waana mid aad u wanaagsan oo ay cid walba soo dhaweynayso arrinta Shariifka uu wado , Waxaan hadalkaas lagu micnayn karaa siyaasiyan in khilaafka jira la xaliyo ee ay arrintu ahayn dowlad laga soo horjeedo. Guddoomiyaha Shuurada Maxkamadaha ayaa dhanka kale wuxuu sheegay in looga baahan yahay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha Dowladda inay yimaadan Muqdisho ayna ka qaybgalaan kulanka ay dib ugu heshiinayaan Dowladda iyo Maxkamadaha.Taas oo iyadana ah Fure kale oo daah-furaysa in Maxkamaduhu ay jecelyiin in Madaxweyne Yuusuf iyo Prof Cali Maxamed Geedi ay u soo haluulaan dhanka Muqdisho , halkaasna wax lagu qaybsado.Arrintuse ay ahayn dowlad la aqoonsanayo. Hadaladaas ka soo yeeray dhanka Maxaakiimta wuxuu u arkay Shariifka Baarlamaanku mid uu ku fashilmay hindisihiisii uu la yimid Muqdisho, maadaama ay maxaakiimtu aan afkooda laga maqal wax baan ka soo horjeednaa... "Arrinta ay ka hadleen Xasan Daahir Aweys iyo Shariifka Maxaakiimtu ma ahayn mid xaqiiq ah, say hadalka u yiraahdeena kama turjumayso , waxaase lagu tilmaamay hadaladooda mid lagu jahawareerinayo Shariifka Baarlamaanka si loo hanjebiyo.waxaana kulanadii danbe ee u dhaxeeyey Shariifka iyo Maxaakiimtu ay ahaayeen kuwo u ekaa in lagu guuldaraystay". sidaa waxaa yiri masuul sare oo u dhuun daloola arrimaha u dhaxeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo maxaakiimta. Hadalada ay jeediyeen Xasan Daahir aweys iyo Shariifka Maxkamadaha waxay meesha ka saarayaan hadalada ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ah inay dowlada aqoonsadaan , Maxaakiimtana waxay dhanka kale ka sheegayaan in Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaruhu ay yimaadaam Muqdisho, si loo dhameeyo waxay ku sheegeen Khilaaf. Waxaana durba soo baxaysa inuu Guddoomiyaha Baarlamaanku aysan u cadaan wixii uu muqdisho u yimi , rajo beelna uu ka qaaday hadalada aan sida tooska ah u cadayn ee ka soo yeeraya horjoogayaasha Maxaakiimta.Wuxuuna guddoomiyuhu uu ka doonayéy Maxaakiimta inay yiraahdaan waa ka soo horjeednay dowlada , maadaama aad timi waan ayidnay , taasna kama dhicin goobihii kulanka.Maxaa u dhiman Guddoomiyaha Baarlamaamka ? Warar hoose oo aan ka helayno xubnaha ka agdhow labada dhinac ee Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo dhanka maxaakiimta ayaa sheegaya in dhanka maxaakiimta ay durba ka soo booday dhinacooda kulana taliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu Muqdisho iska joogo , kalana shaqeeyo howlaha maxaakiimta ay ka wadaan goobaha ay ka taliyaan. Dhanka Guddoomiyaha ayaa iyadana la sheegayaa inuu ku qafiifay oo uu mar walba ku soo cel-celinayo inay Maxaakiimtu ay aqoonsadaan DFKS, hadalkaas oo ay dad badan oo Soomaaliyeed aysan garanayn qiimaha uu u leeyahay Shariifka hadii Maxaakiimtu ay yiraahdaan waan aqoonsanay dowlada. Si kastaba , waxaa la dhowrayaa hal Asbuuc oo danbe ama ka yar in Maxaakiimtu ay yeelaan hadalka uu ka doonayo shariifku oo ah "waanu taageersanahay dowlada ...". Xagee lagu furayaa hadalkan aan nuxurka badan lahayn ee ah waan taageersanahay dowlada hadii aan maxkamadaha aan nahay .... Maxaase xiga... dhamaan waxyaalahaas oo dhan waxay soo baxayaan waqti dhow..! Puntlandpost.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan -
Agreement between Sharif Xasan Clan courts?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The request for lifting of the arms embargo has been passed by the parliment and executive of the TFG and also by AU, IGAD.. Also the points agreed upon are exactly what the clan courts wanted, what about moving out of the areas captured since the beginning of talks, Kismayu, Bur-Hakabo, Galinsoor? Also what aboutthe foreign foghters of the clan courts and the arms coming from Eritrea? Sharif Xasan can not deliver this to Baidoa, thus will be stuck in Mogadishu as before. -
Xildhibaanada Muqdisho kusugan Iyo Maxaakiimta oo Caawa hishiis 7- Qodob ka kooban kala saxiixday Kulan caawa uga socday Warshidi hore ee Caanaha Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Baarlamaanka Fedderaalka ah ee soomaaliya ayaa goor dhaw lagu soo gunaanaday halkaasi iyada oo qodobana la kala saxiixday. Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xeran yihiin ayaa waxaa gabgabadiisii saxaafada la hadlay Prof Ibraahim Xasan Cadow oo ah Madaxa Waaxda Arimaha Dibada ee Maxaakiimta isla markaana ah gudoomiyaha Wafdigii Maxaakiimta ee Shirkii Khartuum waxa uuna saxaafada u aqriyey Qodabada la wada gaaray. Qodbada la isla gaaray ayaa waxaa ka mid ah in la sii wado Wada hadalka u dhaxeeya Dowladda iyo Maxaakiimta in la joojiyo wax walba oo keeni karo colaad In Beesha Caalamka ay u sheegayaan in aan la qaadi Karin cunaqateynta Hubka ee Saaran Soomaaliya In la joojiyo fara galinta Shisheeye isla markaana arimaha soomaaliya iyada dhexdeeda ay xalisato Iyo qodobo kale oo waxaana Qoraalkaasi si wada ajir ah ugu saxiixnaa gudiyada labada dhinac ee Dowladda iyo Maxaakiimta. Go’aanadan ay wada gaareen Maxaakiimta iyo Baarlamaanka ayaan la ogeyn sida ay uga jawaabaan Madaxda Sare ee Dowladda ee Fadhigoodu yahay Magaalada Baydhaba, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay guluf xoog leh ugu jiraan in dalka la keeno Ciidamo shisheeye oo Dowladda gacan siiya. Gudoomiyaha golaha Baarlamaanka ayaa maalmihii tagay ku sugnaa Magaalada Muqdisho isaga oo u yimid sidii loo sii amba qaadi lahaa wada hadalkii baaqday ee Khartuum isla markaana loo baajin lahaa dagaal dhex mara Maxaakiimta iyo Dowladda. Shirkii Khartuum ee Dowlada iyo Maxaakiimta ayaa u baaqday sababo la xiriira shuruudo ay labada dhinac la yimaadeen, taas oo keentay in shirka uu qabsoomi waayo isla markaana dib loo dhigay.
-
A Somali Col. for a division of flesh eating Tigray?
-
Who are the Raya? Also the Col. Shirdon is a Somali?
-
Galkacyo: 10-11-06 {Allmudug.com} Mudaharaad rabshado iyo dhagaxtuur wata oo ka saaka ka dhacay magalada galkacyo Dad Aad u farabadan ayaa isugu soo baxay banana bax ka dhacay magaalada galkacyo halkaas oo ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ka mid ahaayeen dooni mayno maxaakiimta dooni mayno Calooshiis u shaqeeste Dooni Mayno Doolar Qaate. Mudaraadkaan oo ay soo qaba qaabiyeen shacabka ku nool magalaada galkacyo ayaa sitay boorar iyo makarafoono ay hadaladooda ku soo jeedinayeen wallow uu markii danbe sii balaartay banaan baxaas oo uu noqday mid saameeyey rabshado badan kadib markii ay dadka dhigayey banaan baxaas ay albaabada u laabeen Meelo badan oo furnaa iyo iyaga oo ja jabiyey kuraasyadii horyaalay meheradaha ku dhexyaala Magalaada Galkacyo. Mudaharaadkaan ayaa ku wajahanaa Ganacsatadii lagu soo xiray xabsiga magalaada galkacyo ee been abuurka ka sameeyey masuuliyiin farabadan oo aan ku luglahayn liiskii ay soo qoreen Dadka lagu tilmaamay in ay iyagu qaateen Daalarka ahna Calooshood u shaqeestayaal. Banaan baxaan oo socday saacado ayaa ay soo mareen xaafadaha magalada galkacyo iyo bartahamaha magalada iyadoo ay hadaladooda ay ku dhawaaqayeen ay ka mid ahaayeen Dooni mayno Doolar Qaate iyo kuwa kale. Isku soo wada duuboo Banaan baxana rabshadaha wata iyo Dhagaxtuurka ayaa ah mid lagu doonayo in lagu muujiyo in ay shacabka Gobolka mudug ay Gabi ahaanba ka soo horjeedaan Midowga Maxaakiimta Muqdisho iyo Waxa ay ku tilmaameen Dadka iyagu Doolarka Qaata ee Calooshood u shaqeestayaashaa. Farxaan Yasin Mire {isqootax} isqootax@hotmail.com webmaster@allmudug.com