General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. The courts fight against Qad and its trade is one of the benefits since their rise to power. This fight I agree with 100%.... This is a great step forward and I applaud their bravery..
  2. U.S. voices grave concern over situation in Somalia The United States said on Wednesday that it was "extremely concerned" by the tense situation in Somalia. "We are extremely concerned by the escalation of tensions inside Somalia, including a build-up of forces aligned with the Council of Islamic Courts around the interim capital of Baidoa, and recent militia clashes in northeastern Somalia," State department spokesman Gonzalo Gallegos said. The Islamic militia should "immediately cease any further military expansion" and honor a June agreement for peaceful negotiations with the interim government, Gallegos said. The Islamic Court has gained control of the capital, Mogadishu, and most of southern Somalia since June. Somalia has been riven by factional fighting and has not had a functioning national government since Muhammad Siad Barre's regime was toppled in 1991. Source: Xinhua
  3. Washington: Maraykanka oo maxkamadaha ugu baaqay inay dhaqso u joojiyaan Colaad hurinta ay wadaan. Khamiis, November 16, 2006 Washington(AllPuntland)-Dawladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in aad uga wal walayso xaaladda kacsan ee dalka Soomaaliya kasoo cusboonaatay. " Aad ayaan uga fakaraynaa xaaladda ka taagan gudaha dalka Soomaaliya , gaar ahaan diyaar garoowga ciidan ee ay samaynayanaan maxkamadaha magaalada Muqdisho" sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay waaxda arimaha dibadda dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Gonzalo Gallegos. Dawladda Maraykanku waxay sidoo kale maxkamadaha ku eedaysay inay dul fadhiyaan magaalada Baydhabo ee fariisinka u ah dawladda Federaalka , ayagoo doonaya inay guluf colaadeed ku qaadaan. Dawladda Maraykanku waxay soo jeedisay in sida ugu dhaqsaha badan ay maxkamaduhu ku joojiyaan colaad hurinta iyo is ballaarinta millatari. Waxaa loogu baaqay maxkamadaha inay qaddariyaan heshiiskii dhex maray dawladda Federaalka iyo maxkamadaha ee lagu gaaray Khartoum. Warkan kasoo yeeray Dawladda Maraykanka ayaa kusoo beegmay xilli wararku sheegayaan in maxkamadaha Muqdisho ay ciidamo dhoobeen meel aan ka fogayn fariisinka dawladda Soomaaliya iyo xudduudda Puntland iyo koonfurta Soomaaliya, si ay halkaasi weerar ugu qaadaan. Dhinaca kale warbixin ay soo saartay qaramada midoobay dhawaan ayaa lagu sheegay in maxkamadaha Islaamiga ay caawiyaan kooxo xag jir ah iyo sidoo kale dawlado dhowr ah . CCC Farayaamo AllPuntland
  4. ''Waa in Maleeshiyaadka Islaamiyiinta si deg deg ah ay ku joojiyaan isbalaarintooda Milatari,iyagoo u hogaansamaya heshiiskii June ay la saxiixdeen dowladda KMG'' Mareykanka. Washington, Afhayeenka Waaxda arrimaha Dibadda Mareykanka Gozalo Gallegos ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanka ay dhab ka tahay rabitaankooda ku wajahan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya. Gozalo Gallegos waxaa uu muujiyay in dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay taageerida qorshe kasta oo nabadda Soomaaliya lagu gaari karo,waxaana uu sheegay in Mareykanka uu kasoo horjedo xal Milatari in lagu xasiliyo Soomaaliya. Afhayeenka Waaxda Arimaha Dibadda Mareykanka waxa markii ugu horeysay uu sheegay in dowladda Mareykanka aysan khatar sidaa u weyn u arkin xilligan Soomaaliya,balse waxaa uu sheegay in mustaqablka laga yaabo Soomaaliya in ay noqoto hooyga Qolyaha loo baxshay Argagixisada. Gonzalo Gallegos oo saxafiyiinta kaga jawaabayay su'aalo fara badan oo ay weydiiyeen isla markaana ku wajahnaa howlgallo Laga yaabo Ciidamada Mareykanka in ay ka fuliyaan Soomaaliya kuwaasi oo ay ku beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah ayaa sheegay in cidii danbi gashay ay ka tahay Wanted meel kasta isagoo intaa ku daray xitaa Soomaali in ay soo qabanayaan. Gallegos waxaa uu ka digay siqitaanka Milatari ee Maxaakimta Islaamka ay wadaan isagoo ku tilmaamay talaabooyinkaasi kuwo wax u dhimaya heshiiskii June ay Khurtuum ku kala saxiixdeen Maxaakimta iyo Dowladda FS. ''Waa in Maleeshiyaadka Islaamiyiinta si deg deg ah ay ku joojiyaan isbalaarintooda Milatari,iyagoo u hogaansamaya heshiiskii June ay la saxiixdeen dowladda KMG'' ayuu yiri Gallegos. Waxa intaasi uu sii raaciyay in xukuumadda Washington ay si xoogan uga walaacsan tahay talaabooyinka Milatari ee Maxaakimta Islaamka ay ka wadaan hareeraha fariisinka dowladda ee Baydhabo,waxaana uu intaasi sii raaciyay in ay ku xun yihiin dagaaladii dhawaan ka dhacay gobollada dhexe. Jibriil Nuur Waayaha.net
  5. Camir, all of us are up for Shariah Law and thats what the clans want. The admin should implement or die. But the clans even the one in Qandala want to change the system. The clan courts want to destroy the state.. As for the Qandala family here is their rebuke to the allegation.. puntlandpost
  6. Mudaharaad dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka socda magaalada Muqdisho Last Updated::2006-11-16 16:52:59 Muqdisho:- Mudaharaad balaaran ayaa maanta ka bilowday bartamaha magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo Qaad ay shalay magaalada ku gubeen Maxaakiimta Islaamiga. Banaanbaxan ayaa ka bilowday Baar UBAX ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayeen boqolaal dad ah oo dhagaxaan tuuraya halka kuwo kalena ay taayaro ku gubeen jidadka waaweyn. Illaa iyo hada mudaharaadkan ayaa socdo ayaa ay dadkan u badan yihiin kuwii ka ganacsan jiray Qaadka iyo shacab kale. Mudaharaadkan ayaa waxaa ka hortagay qaar kamid ah Ciidamada Maxaakiimta Muqdisho, ayadoo la xaqiijiyey in uu ugu yaraan hal qof ku dhintay iska horimaadyadii halkaasi ka dhacay, ayadoo tiro kale oo gaareysa 5 ruux ay ku dhaawacmeen. Mudaharaadkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo looga soo horjeedo Maxaakiimta oo ka dhaca magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah Shacabka dhagxaanta tuurayey ayaa ku dhawaaqayey erayo ay kamid ahaayeen dooni meyno caburin dooni meyno digtatoornimo, ayagoo markaasi ka careysan in loo diido in ay gataan Qaadka ama cunaan. Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho ayaa horey u mamnuucay Qaadka balse shalay ayey ahayd markii ugu horeysay oo ay gubeen qaad tiro badan oo la filayey in loo gudbiyo suuqyada magaalada. Maxamed Cabdi HorseedNet | Muqdisho info@horseednet.com
  7. BANNAANBAXYO AY DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO Bannaanbax rabshado sitay oo uu hal nin ku dhintay laba haweena ay ku dhaawacmeen ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxaysa isgoysyada Baar-Ubax iyo Black Sea ee wadada 30. Bannaanbaxaan ayaa ka dambeeyay kaddib markii xayiraad aan la ogeyn ama cid amar ku bixisay aysan jirin lagu soo rogay qaadka labadii maalmood ee ugu dambeysay iyadoo weliba maalintii shalay ahayd ay Maxkamaduhu ku gubeen koontaroolkii hore ee afgooye xadi qaad ah oo lagu qiyaasay ku dhowaad 50-kun oo dollar iyadoo maantana lagu gubay qaad kale dugsiga tababarka Xalane qaad ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho. Ma jiraan ilaa iyo haatan wax amar rasmi ah oo ka soo baxay labada Gole ee Maxaakiimta Islaamiga iyadoo ay ku andacoonayaan dadka ka ganacsada qaadka in ay habbooneyd in la wadahadlo ay isla soo saaraan go’aan rasmi ah oo xiriira arrimaha qaadka. Mar aanu wax ka weydiinay arrimahan isa soo taraya ee qaadka ayuu yiri “Ma jiraan cid na tiri joojiya qaadka oo digniin na siisay, waxaana jirta in annagoo Ex kontoroolka Afgooye ma rayna ayaa nalagu amran in aan gawaarida joojino kaddib horteena lagu gubay” “Waxay ku habbooneyd in nalagu wargeliyo in tallaabadan si aan dhaqaalaheena ugu joojino wixii naga maqana nala siiyo muddo aan ku soo xaraysano” ayuu sii raaciyay. webmaster@goobjoog.net
  8. Jaylani IndaCade is a warlord and the Idamaale artcicle states that there is divison between him and the real Shiekh Abu Qutabe. MUQDISHO: Banadow soconaya sideed saacadoo oo lagu soo rogay maanta Magaalada Muqdisho Posted to the Web Nov 16, 18:29 Muqdisho (PP) - Madaxa Ammaanka Gudaha Gobolka Banaadir u qaabilsan Maxkamadaha Midoobay Sheekh C/llaahi Macallin Naxar (Abu-Quteyba) ayaa soo saaray galabta Amar bandow ah oo lagu soo rogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Bandowgaan oo ah kii ugu horreeyay oo ay Maxkamaduhu ku soo rogaan Magaalada Muqdisho ayaa billaabanaya 9:00 habeennimo xilliga Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku ekaan doonaa 5:00 oo ah xilliga Saaladda Subax ee Aroortii. "Waxaan doonaynaa inaan sugno ammaanka magaalada Muqdisho, kaddib laba casho oo isku soo baxyo rabshado wata ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Abu-Quteyba oo intaas ku daray: "Waxaan sugaynaa ammaanka, waxaana amar ku bixinnay inay saldhigyada gobolka banaadir habeenkii shaqeeyaan". Wuxuu sheegay in qofkii lagu qabto bandowga habeenkii ay soo rogeen ay mudan doonto ciqaab uusan sheegin wax ay noqon karto, waxaase uu carrabka ku adkeeyay inay noqon karto ganaax iyo ciqaab jireed xanuun badan. "Ciidamada ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ee sugaya ammaanka waxaan ku soo daraynaa kuwo kale oo xoojin ah, waxaana ka hortagaynaa wax walba oo isku day ah oo lagu wiiqi karo ammaanka caasimadda" ayuu mar kale yiri Abu-Quteyba. Madaxa Ammaanka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in cid walba laga doonayo inay gurigeeda ku ekaato xilliga bandowga uu billaabanayo, ayna iska ilaaliyaan in gacanta lagu dhigo. "Dadka wata warqadaha Aqoonsiga ee iyagu xilliga habeenkii qaybtiisa dambe ah shaqeeya waanu sii daynaynaa, balse cid aan caddeyn wadan ma sii dayn doono waxayna mudan doontaa ciqaab" ayuu mar kale kaga dhawaajiyay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho. Markaan ayaa noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay Maxkamadaha Midoobay ku soo rogaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Bandow tan iyo sidii ay gacanta ugu dhigeen. Maxamed Xuseen Jantiile Dubai - Imaaraadka Carabta Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  9. ***********NO CLAN NAMES PLEASE********** [ November 16, 2006, 07:28 PM: Message edited by: Admin ]
  10. Muqdisho: Khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah madaxda maxkamadaha iyo magaalada Muqdisho oo caawa bandaw lagu soo rogay. Khamiis, November 16, 2006 Muqdisho (AllPuntland)- Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxa ay maxkamadaha magaalada Muqdisho ku soo rogeen bandaw aad u xoog badan, iyada oo inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho aysan ka socon wax dhaq dhaqaaq ah. Bandawgani ayaa waxa uu ka danbeeyay ka gadaal markii maanta magaalada Muqdisho uu ka dhacay banaan bax aad u xoog badan oo lahaa ujeedooyin kala duwan. Dad ka mid ah dadkii dibad baxayay ayaa waxa ay ku saleeyeen banaan baxaasi oo u jeedadiisu ahayd in looga soo hor jeesto mamnuucidda qaadka fal dil ah oo dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Niman ay isku hayb yihiin ku xigeenka gudoomiyaha golaha fulinta ee maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay rabshado ka sameeyeen wadooyinka magaalada, iyada oo ciidamada maxkamadaha ay u deegsadeen rasaasta cayriin . Ku xigeenka golaha fulinta ee maxkamadaha magaalada Muqdisho Abuu Cutayba ayaa mar uu maanta ka hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in maxkamadaha looga baahan yahay in ay soo qabtaan ninkii falkaasi gaystay oo ay isku hayb ka soo jeedaan gudoomiyaha golaha shuurada ee maxkamadah Sh. Xassan Daahir Aways. Abuu Cutayba ayaa waxa uu intaasi ku daray in arrintaasi ay keeni doonto kala jabka iyo bur bur ka maxkamadaha, isaga oo ku tilmaamay in beeshaasi ay tahay beel caadaysatay dilalka macni darada ah. Isku soo wada duuboo xaaladda magaalada Muqdisho ayaa haatan waxa ay tahay mid aad u qasan iyada oo madaxda maxkamadaha magaalada Muqdisho uu ka dhex taagan yahay qalalaase siyaasadeed oo aad u wayn. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  11. ^^^Shame on you for celebrating the murder of a fellow Muslim. Hence to be expected from the supporter of the clan courts. The man who died was not even the officer but a poor civilian by stander.. ........................................................ GAROOWE : Nin goordhawayd lagu dilay bartamaha magaalada Posted to the Web Nov 15, 07:39 Garoowe:-Dableey hubaysan oo ka kooban 2 Nin ayaa goordhawayd bartamaha magaalada ku dishay Nin dhalinyaro ah oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland islamarkaasna dhaawacay Nin kale xili ay ilaalo ka hayeen Nin Sargaal ah oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland. Dablaydan ayaa la sheegay in ay doonayeen in ay dilaan Sargaalka ilaalada laga hayay balse uu xiligaasi uu ku jiray gudaha kaalin shidaal oo ay shidaal ka qaadanayeen , taa soo u masaabaxday in aan waxba aysan gaarin Sargaalkaasi. Dablaydan oo ah kuwo la garanayo ayaan wali la qaban inkastoo Saraakiisha Boolisku ay sheegeen in ay si dhakhso ah u soo qabanayaan ayna garanayaan. C/laahi Cali Ciise
  12. That whole region was and is called Waqooyi Bari, and short for Bari, not Bari the gobol. I don't use those temporaral, foreign-based "land"-ending names. Yes, since I don't use those "land"-ending names, that was another reason I asked why there never was an equivalent official name in Soomaali. There is no "p" letter in Soomaali nor "land" word, therefore I still stick with Waqooyi Galbeed and Waqooyi Bari, the respective known names for those neighbouring regions. The sheer arogance and ignorance of your remarks. It was the people, issims,leaders of Puntland who chose that name. who are you to refer to it by any other name? Puntland is, Bari,Sool,Sanag,Cayn,North Mudug, Nugaal and Karkar.. I will not get into the argument of the states name and so on with you, since you are not from the state. But if you want to be taken seriously by the people of Puntland dont try to be a smart Alec again.
  13. ^^^Saxib no emotions I got a silly question from you and gave it an apropriate ansewr. Also who is talking about Bari? Puntland is what people here who are not from the state are trying to discuss, some like you try to make snide jokery remarks, while others call it, "their insanity" and Mafia. Also quit with the silly pretences about being impartial to the affairs of the state, only a few days ago you asked what Puntland was in Somali, thus highlighting your sheer ignorance and detachment and lord and behold today you say you are not an Alian to it. MMA, I have learned you dont even undertsand this State which is called Puntland.. PS. Next time dont try to be fancy and ask a direct question..
  14. the mafia admin elected by the mafia ppl..Puntland has had its admin for 8 years, you hate Yusuf and now Cde why? because they ae from the mafia clan right?
  15. ^^^Yes I belive its a great idea the measures the state is putting forward to protect its hard earned security.. Though you try to mock everything Puntland I find your comments sly and not becoming of a grown individual..
  16. ^^^Saxib,Ubahane you saying it gives me confidance that Insha Allah Puntland armed forces will be ending the clan courts dream. Our insanity is better than your fake reality..
  17. Gen. Cadde Muuse oo maanta booqday jiidda hore ee nawaaxiga Bandiirdley ee gobolka Mudug. November -15-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia. Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa maanta booqay jiidda hore ee nawaaxiga Bandiirdley ee gobolka Mudug. Booqashadan oo aheyd mid aan si rasmi ah loo shaacin oo si kadis ah uu ku tagay Cadde Muuse ayaan laga helin faahfaahin rasmi ah oo arrimahaas ku saabsan. Qaar ka mid ah saraakiishii la socday Cadde Muuse ayaa u sheegay HornAfrik inay la xiriirtay in Cadde Muuse aanu booqan tan iyo markii deegaanka Bandiiradley ay isaga hor yimaadeen ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa Puntland. Gen Cadde Muuse ayaa maalmihii ugu dambeysay oo uu ku suganaa Gaalkacyo uu halkaas ka waday isabadalo uu kaga hortagayo taageerayaasha maxkamadaha Islaamka ee ka kacay gudaha maamul goboleedka Puntland. Cadde Muuse ayaa sameeyey isbadalo uu ku sameeyey dhinaca saraakiisha ciidamada isagoo badalay taliyihii hore ee booliska Puntland Yuusuf Axmed Kheyr isagoo u magacaabay Nin la yiraahdo Saciid Karaamo.
  18. Juje & XoX, the post was to highlight that the diaspora community are supporting the defence of the Puntland state. The Clan Court media have been going over the top with their fake petitions from the Puntland diaspora and anouncements that certain clans here and there are supporting the Mogadishu group.. Here is another alternative, so why the questions?
  19. ^^^The diaspora plays a leading role in the internal politics of the nation, those who control the purse strings have some power..
  20. ^^The diaspora is one of the economic engines of Somalia. They have a great deal of say...