General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Duuliye, no worries you will support the libertion of the lower shabbele from thug indacade and his clan right?
  2. ^^^^That has always been your input, nothing new, but I have always said this is the last straw fro the USC or Clan Courts, its the time when all the regions, Lower Shabbele, Jubaa's in the south will reclaim their lands. The end of the big lie. So we shall wait and see, noh
  3. ^^^LOL. Most things I post are there to give the point of view that supports my arguments. Most news is and will not be entirely true, thus I try to get as much info as possible from various different sources, Mogadishu, Puntland, Bay and Bakool and even Somaliland. Oh this site is a Puntland one.
  4. ^^^^Friend, note that none of the so-called nationalist, Somali's in here. The pretenders will never engage in this issue.. They claim to have the lord on their side, justice on their side. But they refuse to see the damage these fake wadaads, warlords have done to the people. IndaCade, Abdiqasin, Xasan Dahir are the occupiers of the lower shabbele, no one else wants their occupation..
  5. ^^^The aim of any war is for one side to win. Insults aside what have you lads got to offer?
  6. ^^^The news is news, mate. Who knows even if it is true?
  7. ^^Is that what you was trying to do, saxib I was concerned for you, thats all..
  8. ^^^Ok, though I swear all you are doing is getting angry, without even any major event taking place. What has got you soo amped up tonight?
  9. Masar oo rajo ka muujisay qabsoomida wada hadalada DFS iyo Maxkamadaha Mogadishu 26, Nov.06 ( Sh.M.Network) –Dowladda masar ayaa muujisay sida ay uga rajo qabto in Xukuumadda soomaaliya iyo golaha maxaakimta islaamku ay sida u dhaqsiyaha badan dib ugu billaabaan wadahadalladii ka dhexeeyay, Iyadoo tilmaamtay in waddadaasi ay tahay midda kaliya ee xal guud lagu gaari karo isla markaana suurta galin karta in kooxaha soomaalidu ay aragti mid ah ka qaataan Mustaqbalka soomaaliya. Madaxda dowladda iyo maxkamadaha islaamka Hadalkan ayuu waziirka arrimaha dibadda masar Axmed Abul-Gheyt ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay maqalada Qaahira ee xarunta dalka Masar Ka dib markii ay soo baxeen Hadallo ku aaddan suurto galnimada qabsoomidda wareega afaraad ee wadahadallada soomaalida ee lagu wado in leysugu yimaaddo bartamaha bisha December ee foodda inagu soo heysa . Abul-Gheyt ayaa sheegay in dowladda masar ay kaalmo siineyso dowladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya isagoo tilmaamay inuu Marti qaad u fidiyay dhiggiisa dowladda soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa si wazaaradda arrimaha dibadda Masar ay uga gacan qabato wazaaradda arrimaha dibadda soomaaliya sidii ay dib ugu soo qaabeyn laheyd dhismaha Wazaaraddeeda . Abul-gheyt ayaa ka dhawaajiyay in Masar ay ku guda jirto diyaarinta Kaalmo dag dag ah oo loo dirayo dadka soomaalida ah ee ay fatahaaduhu sameeyeen . Waziirka ayaa Carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan u tahay in Kooxaha soomaalidu ay Tixgaliyaan dowladda sharciga ah ee ku meel gaarka ah isagoo ugu baaqay dhamaan dhinacyada siyaasadda soomaaliya in ay dhowraan qodobadii leyskula soo afgartay Wareegyadii koobaad iyo labaad ee wadahadalkii Khartuum . Abul-Gheyt ayaa kaga digay in ay kooxaha soomaalidu awood adeegsadaan si ay aragtiyadooda iyo danahooda gaarka ah ugu soo rogaan Shacabka soomaaliyeed Iyadoo arrintaasi ay xad gudub ku noqoneyso dhinaca kale Waziirka Arrimaha dibadda dalka Masar ayaa ka Codsaday dhinacyada Caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee lugta ku leh arrimaha soomaaliya in ay Fursad siiyaan kooxaha ku loollamaya siyaasadda soomaaliya si ay ugu suurto gasho in ay si dag dag badan dib ugu billaabaan Wadahadallada qabyada ah Dhanka kale Waziirku waxa uu beeniyay arrinta ay dhawaanahanba faafinayeen warbaahinta caalamka iyagoo soo xiganaya warbixin ay diyaariyeen khubaro reer galbeed ah oo ay qaramada midoobay u xil saartay Taasoo dalal ay masar ku jirto ku eedeysay iney Hub iyo saanad sharci darro ah ku daabulaan Dalka soomaaliya. Waxa uu sheegay waziirku in raga warbixintaasi diyaariyay ay jaahil ka yihiin siyaasadda dalka masar ee dhexdhexaadka ah. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
  10. Dowladda Masar, oo ku baaqday in lala shaqeeyo Hay'adaha Federalka ee Sharciga ee dalka Somalia. Mogadishu , Axad, Nov 26. 2006 Radio Simba Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Axmed Abuu Qayd, ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladiisu danaynayso sidii loo sii ambaqaadi lahaa Wada-xaajoodyadda Tooska ee u dhexeeya DFKMGS iyo GMIS, si xal wadajira looga gaaro Mustaqbalka dalka Somalia. Axmed Abu Qeyd oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalladda Qaahira, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Dowladiisa gacan ka geysanayso sidii la isugu soo dhaweyn lahaa labada dhinac, wuxuuna tilmaaamay in dhawaan la bilaabi doono Wada-xaajoodkaasi. Mar wax laga weydiiyey Aragtida Dowladiisa ee ku aadan Jiritaaanka DFKMGS ee aan tabarta badan lahayn, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Masar aqoonsan tahay, isla markaana ay taageero buuxdo siinayso Hay'adaha Federalka KMGS, wuxuuna xusay inay lama huraan tahay in la ixtiraamo Hay'adahaasi Sharciga ah iyo Dastuiurka KMGS ee Somalia. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Masar, Axmed Abuu Qeyd, waxa uu gaashaanka ku dhuftay Warbixintii ay Khubaradda QM dhaawaan ku sheegeen inay Dowladda Masar kaa mid tahay Dowladaha ku xadgudbay Xayiraaddii QM ee hubka ee saaran dalka Somalia, isla markaana ay Shixnaddo Milliteri u daabuleen Kooxaha isku haya dalka Somalia. Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo ,wuxuu tilmaamay inay Khubaradda Warbixinta diyaaariyey ay galti ka yihiin Siyaasadda Masar ee ku aadan Arrimaha dalka Somalia, wuxuuna xusay inay Dowladdiisu kaalin muuqata ka qaataan Hawlaha dib-u-heshiisiinta ee Kooxaha Soomaalida, si xal looga gaaro Arrimaha Ammaanka iyo Siyaasadda. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Axmed Abuu Qayd, waxa kaloo uu Shirkiisa Jaraa'id ku sheegay inay Gargaar Aadminimo oo degdeg ah u soo diri doonaan Dalka Somalia, si loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Fatahaadda Webiyadda. Simba Media Center , Mogadishu
  11. ^^^^You gave an ansewr to your own question, wonderful stuff.
  12. Ethiopian 70 tikniko ah wata oo soo gaaray magaalada Gaalkacayo Gaalkacayo, Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaas ay soo gaareen Ciidan Ethiopian ah oo ku hubaysan 70 gawaarida dagaalka ah ee nooca loo yaqaan tiknikada. iidamadaan ayaa la sheegayaa inay weheliyaan ilaa 2 General oo loogu talagalay inay ciidamadda ethiopianka ka hogaamiyaan dhinaca gobolada dhexe ee Soomaaliya oo laga cabsi qabo inay dhowaan fooda isku daraan taageerayaasha dawlada FS oo Ethiopianku weheliyo iyo midowga maxaakiimta magaalada Muqdisho. Ciidankan soo gaaray magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa halkaas uga sii horeeyey ciidan tiradooda lagu sheegay 300 askari oo deganaa duleedka magaalada kuwaas oo sida la sheegay tabar siinayey ciidan reer Puntland. Dhinaca kale wararka ka minaaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in iyana ay coonka u fadhiyaan ciidan Ethiopian, oo dhowaan xuduuda soo dhaafay kuwaas oo ay weheliyaan malayshiyo beeleeyo taageersan hogaamiye kooxeedyadii laga eryey magaalooyinka koonfurta Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya ayaa waxaa dul taagaan hogol Colaadeed oo laga cabsi gabo in dagaalkeedu ku faafo gobolka oo dhan. Xarunta wararka Waayaha.net
  13. Dagaal sababay 4 dhaawac Ethiopian ah oo ka dhacay meel dhabarka kaga beegan Buur hakaba Baydhabo,Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal kharaari uu ka dhacay meel dhabarka kaga beegan degmada Buukahaba oo ka xigta dhinaca degamda Qoryooley, dagaalkaas oo sida illo xog ogaalihi noo sheegeen dhex maray ciidamada dawlada oo ay taageerayaan kuwa Ethiopia iyo ciidamo taageersan midowga maxakiimta oo lagu sheegay inay Oromo yihiin. Dagaalkaan oo aan hadda xog buuxda laga hayn ayaa la sheegayaa 4 ka mid ah ciidamada Ethiopia oo dhaawac ah, saaka laga dhoofiyey garoonka Diyaarahada ee magaalada Baydhabo iyada oo loo duuliyey dhinaca magaalada Addis abab ee dalka Ethiopia. Weli ma cadda meesha dagaalku ka dhacay magaceeda khasaaraha uu gaystay inta uu leegayahay iyadda oo sababta lagu sheegay in aan xog ahi banaanka u bixin, waxaasi illo wareedkaasi noo sheegeen in war laga soo xigtay ciidanka Ethiopianku ay sheegeen in dad badana ku dhinteen , oo tiradooda la sheegin maxaabiis badana ay ka kaxaysteen. Weli ma cadda cidda dagaalku qabsaday laakiin Ethiopian-ku waxay sheegeen inay ahaayeen xero lagu tabaro ciidamo mucaarada ah oo Oromo ah. dhinaca kale warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in meel wax badan u jirin magaalada Jowhar iyana lagu arkay Ciidamo Ethiopian ah. Wixii ka soo kordha isha ku hay shabakada wararka Waayaha.net.
  14. Ciidamadii Dowlada ee Tababarka ugu dhamaaday Xerada Daynuunaay oo la dejiyey ayraboorka Baydhabo,Ciidamo ka badan 3 kun oo tababar dhawaan dowladda FS ay ugu soo gabagabeysay Xerada Daynuunaay ayaa maanta lagasoo qaaday dhanka Xeradaasi iyadoo la dejiyey ayraboorka magaalada Baydhabo. Masuuliyiin u hadashay xukuumadda FS ayaa sheegay in ciidamadaasi haatan la geeyay magaalada Baydhabo halkaasi oo hub iyo tuute Ciidan loogu qeybinayo si ay qeyb uga qaataan howlaha Dowladda FS ay ku dooneyso in ay ku xakameyso amaanka Bay. Ciidamadaasi ayaa lagu waday in la geeyo halka isaga soo horjeedaan ciidanka dawlada iyo kuwa maxaakiimta, hayeeshe saraakiisha Milatariga Ethiopia ayaa la sheegay inay codsadeen inay iyagu howsha la wareegaan si iyagu hawl galada ula wareegaan. Ciidamadaasi ka tirsan dowladda FS ayaa la geynayaan deegaanada Iidaale iyo Diinsoor halkaasi oo ay ka qaban doonaan howlo gaar ah oo dowladda FS ay ku dooneyso in ay ku adkeyso amaanka guud ee gobolka Bay. Maalmihii ugu danbeeyay ayaa deeganada ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Maxaakimta waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaq xoogan oo labada dhinac ay wadaan,iyadoo cabsi xoogan laga qabo in dagaalo kharaar halkaasi labada dhinac ay ku dhex maraan. Jibriil Nuur Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya
  15. Ciidamo xoogle oo lagu kordhiyay kuwii horay ufadhiyay jiida hore. Allmudug.com 26-11-06:- Waxaa maanta gaaray jiida hore ee bandiiradley ciidamo gaaraya ila 1500 ciidankan oo indhawaale tababar uga socday Magaalada Galkacyo, ciidamadan oo ahaa ciidamo ay dhawaan dawlada Puntland xaraysay si ay tababar usiiso ayaa maanta ka ambabaxay Galkayco isagoo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan. Isuduwaha wasaarada warfaafinta ee Gobolka Mudug Daahir C/qaadir Axmed ( Dahir Aflow) oo shabakada allmudug wax ka waydiisay arintaas ayaa sheegay in Puntland ay iminka ku kalsoon tahay awoodeeda ciidan cid ay uga haybaysanayaan Sugida amaankoodana aysan jirin isagoo intaas ku daray in Ciidamada maanta baxay ay yihiin kuwa ku biiraya Ciidamada jiida hore eek u hawlan Difaaca Dalka. Dhanka kale xaalada Deegaanka Bandiiradley ayaa dagan iyadoo ay halkaas isaga huleeleen Ciidamadii Maxkamadaha oo iminka uwareegay Dhinaca caabudwaaq taasoo ka dhigaysa maxkamadaha Muqdisho ciidamo iska geediya ee aan lahayn wax hadaf siyaasadeed ah maadaama hadba meeshii maskaxdooda ku soo dhacda ay uyaacayaan. Cabdinuur Maxamed Seeraar
  16. BAYDHABO: Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo Ansixiyayna Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah Posted to the Web Nov 25, 13:19 Baydhabo (PP) - Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo oo maanta xaruntooda kulan ku yeeshay ayaa waxay ku ansixiyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federaalka Somalia. Guddigaan oo doodoodu soctay muddo dheer ayay maanta soo afjareen xildhibaannada baarlamaanka, waxaana qoraallo lagu qeexayo guddigaan loo qaybiyay xidhibaannada todobaadkii hore iydoo maanta ay ballantu ahayd inay ansixyaan ama diidaan, wayna ansixiyeen. Xildhibaannada ka so qaybgalay maanta kulanka lagu qabtay Xarunta ADC-da Baydhabo ayaa waxay gaarayeen 149-xidhibaan oo ay ka mid yihiin Wasiirradii hubeysnaa ee Xamar laga eryay, waxaana doodo dhaadheer kaddib ay isla ogolaadeen in la anisixiyo guddigaan. Ka hor intii aanay ansixin Xildhibaannadu guddigaan ayaa waxay ka dhageysteen warbixin Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo u amabaxay dalka Dibadidisa, waxaana uu ka codsaday xildhibaannada inay maanta ansixiyaan guddiga Shaqaalaha Rayidka ah. Guddiga Shaqaalaha Rayid ah ayaa waxa ku xiran Miisaaniyad sanadeedka Dowladda, waxaana tani ay sahlaysaa inay Dowladdu dajiso Miisaaniyad sanadeedkeeda caadiga ahaa si ay howlaheeda uga billowda xarunteeda Baydhabo. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  17. ^^^They still are fighting my brother, hence the insurgency of Iraq... Those who side with the clan courts are, enemies of the state..
  18. ^^^Oh my, nothing personal my sister. I welcome any critic specially sisters. However the article is a terrible one, its very emotive and seems to have been rushed. I wish the author takes more time and draws an accurate picture of whats wrong with the TFG, its faults and so on. The last comment was just a response to what you wrotte...
  19. ^^^Oh so she attacks the TFG from a nationalistic point of view. Nothing to do with the fact that she is from the Clan Courts support base..Oh thats can not be right? The Clan Court supporters usually atack Tigray "Amaharo" Ethiopia as a whole. But she went even further and attacked the whole, "Black" African's blaming them for the failures of the Clan Courts..
  20. ^^^The title is just an opener to the whole article. Baseless diatrab from a Clan Court supporter, who has become angry all of a sudden. I wonder why?