General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Wasiirka warfaafinta DFKS oo ka warbixiyey Dagaalkii shalay Jama "Jangali"oo ku eedeeyey in hogaanka Maxkamadaha Muqdisho,aysan diyaar u ahayn inwada hadal lugu dhammeeyo xiisadda Somalia...... Wasiirka Warfaafinta DFKS, mudane Ali ahmed Jama (Jaangali),oo warbixin siiyey wariyaasha gudaha iyo debada, isagoo faahfaahin ka bixiyey dagaalkii shalay. Wasiirku waxaa uu eeda dusha uga tuuray maxkamahad uu ku tilmaamay inay fulinayeen go'aankoodii ahaa, inay todobaad uqabteen DFKG iyo ciidan tababarka Ethiopia.waxaana aan shaki kujirin mowqifkoodu yahay inaysan nabad rabin ee ay dagaal lagu hoobto diyaar u yihiin, maadaama ay dhagaha ka fureysteen baaqyadii uduunweynaha uga codsanyeen inay marnaba weerarin xarumaha DFKS. Wasiirku waxaa uu hoosta ka xariiqay inaysan DFGS, marnaba dagaal bilaabi doonin ee ay isdifaayeen oo kaliya, waxaana uu nasiibdaro ku tilmaamay dhiiga shacabka somaliyeed ee dano gaar awgood dhulka lagu daadinayo.Mudane Jaangali waxaa farta ku fiiqay dagaalkaan inuu ahaa mid qorshan iyo khalkhalgalinta wafdiga EEC oo baydho ku soo foolahaa.Wasiirku waxaa kutilmaayay ciidanka Xoogga dalka Somaliyeed kuwa xaqiijiyey xirfadooda milatry iyo dhiiranaan waddanimo oo sareysa taas oo mudan in laxuso, iyagoo maanta dagaalkaas ku jabey ciidankii maxkamadaha Muqdisho. Wasiirku waxaa uu Golaha Maxkamada Muqdisho ku dhaleeceyey inay gacana dagaal ku wadaan afkana ka sheegtaan inay nabad diyaar u yihiin, balse caadeysteen dhulbalaarsi. Faysal Haaraa Olol Newas Toronto-Canada
  2. ^^^Camir, great points, but they have already lost in their attack Baidoa.
  3. ^^^Xalane what is your take from a millitary point of view.
  4. here is another Mogadishu portal report.. Inta uu la eg yaha y qasaaraha ka soo gaaray dag aalada labada dhinac Dec 21 .2006 Radio Free Somalia (RFS) Dagaalo aad u qaraar oo faraha lagaga gubtay oo aysan cid u gurmanaysaa aysan jirin ayaa ka huraya degaanka Buur Hakaba iyo inta u dhexeysa labada Gobol Bay iyo Sh. hoose. Dagaalada oo gaystay qasaaro isugu jira Naf iyo maalba , haba u badnaadeen xoolo nool iyo dad reer guura ah. Dagaaladaan oo u Maxaakimiinta Islaamiga iyo Dowlada Kmg , dagaaladaa oo socda ku dhowaad mudo 3 cisho ah ,iyadoo aana muuqan qaab ay dagaalada ku hakan karaan. Hogaamiyeyaasha dagaalada laba dhinac oo sheegaya iney guulo ka soo hoyiyeen dagaalada huraya , inkastoo wararka laga helayo goobaha dagaalka ay sheegayaan in Ciidamada Maxkamadaha ay ka soo durkeen goobihii ay horey ugu sugnaayeen. Qasaaraha la og yahay ee ka soo gaaray labada dhinac ayaa kala sheegaya in ay dhanka Maxkamadaha ay kaga geeriyoodeen dagaaladan tiro gaareysa 125 iyo dhaawac aan la qiyaasi karin maadaama loo kala qaaday cusbitaalo iyo goobo kala duwan, dhanka DKMG ayaanan weli sheegin tiro cayiman ee la ,og yahay inkastuu uu iyana qasaase soo gaaray. Xeeladaha dagaalka ayaa ahaa kuwo la isu adeegsaday xeelado militery iyo aqoon isticmaalka qariidada, ciidamada Dowlada oo leh tababar ciidan , iyo iyagoo ay hogaaminayaan saraakiil leh qirad dagaal . halka ay dhanka Maxkamadaha ka hogaaminayaan Macali Xaashi, Shiikh Adan Cayrow iyo Shiikh Shucayb Maalik oo ah taliyaha Ciidamada dhanka Shiikh Xasan Turki. Dagaalada oo ay hore u iclaamiyeen Maxkamadaha Islaamiga , oo ay mudo 7 casho ah ay ku dhowaaqeen iney dagaal ku qaadayaan Dowlada Kmg ah , ayaa dad badan waxay moodayeen inuusan dagaal dhacayn oo ay baajinayaan dagaaladaa ay iclaamiyeen Maxkamadaha Islaamiga. Dagaaladaa oo dib u sii cusboonaanaya ayaa waxa ay labada dhinac sheegayaan in aysan joojinayn dagaalada oo ay sii wadayaaan dagaalka ilaa ay guusha inoo soo hoyanayso. Dhanka Maxkamadaha iyo Dowlada oo gurmad deg deg ah kaga imaanayo Magaalada Baydhaba iyo Muqdisho. Radiofreesomalia.com
  5. ^^Brown, the majority of reports as well as the reaction from the courts highlights that it has been a bad day for them. As for the TFG it does not need to rush anything. Take incremenatal steps, Lower Shabbele first. This is my opnion and I am not a millitary man.
  6. "Hadaan la sheegi Karin Salaadda iyo Xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka oo laxirayo cidii ka hadasha iftiinka Islaamka ha noo sheegeen Maxkamadaha dalka waan uga dhoofeynaa" :eek:
  7. ^^^No, I dont think there will be an attack on Mogadishu now. The fighting will probably lead up to Bali-doogle, but not any further..
  8. Abdi_2005, those who attacked should not be hiding behind words. The TFG is defending itself, which it has a right to do. Brown, the fighting is outside Bur-Hkabo now, in the road towards Mogadishu. Fanisha, no optimisam, from my side, I am just reporting on the news.
  9. Dagaalka oo hadda dib uga qarxay Diinsoor iyo afka hore ee maxaakiimta ee dhinaca Buur-hakaba oo ku sugan Garasyaal. (Baydhabo)-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo iyo aagaga dagaaladu ka socdaan ayaa sheegaya in dagaaladu aysan istaagin marnaba sidii ay u bilowdeen oo ilaa xalay ay soconayeen, waxaana uu sii laba kacleeyey saaka arootii ka dib markii uu si xoog leh uga bilowday labada dhinac ee sida xooga leh laysaga soo horjeeday ee agagaarka Buur-hakaba iyo Diinsoor. Diinsoor Dhinaca Diisoor ayaa lagu soo waramayaa in madaafiic xoogani hadda ka bilaabtay ka dib markii dagaal lagu hoobtay shalay uu ka dhacay, kaas oo sida dawladu sheegatay ay kaga awood roonaatay dhanka maxaakiimta oo ay kaga soo qabsatay gaadiid dagaal oo gaaraya 17 gaari iyo weliba maxaabiis aan tiradeeda la xaqiijin. Ilo ku dhaw dhaw maxaakiimta ayaa noo xaqiijiyey in maxaakiimta dhaawacooda loo qaaday magaalada Muqdisho iyo Afgooye, waxaa kale ilahaasi noo xaqiijiyeen dagaalkaas lagaga awood roonaaday maxaakiimta, waxaana dagaalada laga dareemay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo. Buur Hakaba Wararka ka imaanaya degmada Buur hakaba ayaa sheegaya in afka hore ee ciidanka midowga maxaakiimtu hadda ku sugan yihiin halka lagu magaacabo Garasyaal oo 10 km dhinaca muqdisho kaga beegan degmada Buur hakaba. Mid ka mid ah ragga wada gaadiidka Tiknikadda oo jooga indha hore ee maxaakiimta ayaa xaqiijiyey in dagaalku ahaa mid aad u adag lagana soo riixay aagagii shalay ilaa xalay ay ka dagaalamayeen ee deegaankii Mooda Moode iyo agaaga ku teedsan deegaanka Buur hakaba, waxaase la sheegayaa hadda in degmada Buur hakaba aysan labada dhinac midna gacanta ugu jirin. Dawlada Ku meel gaarka ah Dhinaca dawlada ku meel gaarka ah ayaa iyagu ka gaabsaday inay war bixin dheerada ka bixiyaan sida wax u jiraan dhinacooda,waxaase xalay la keenay magaalada Baydhabo dhaawac gaaraya 13 ruux oo sida la sheegay dhaawacoodu sahlan yahay, waxaa iyana la sheegay in dhinteen laba ka mid ah ciidanka dawlada. Waxaase loo malaynayaa in dhaawaca iyo dhimashaduba inta ka badan yihiin marka loo eega baaxadda dagaalka iyo dheeraanta waqtiga uu socday. Dagaalkan oo ilaa shalay soconayey ayaa faah faahintiisu aad u gaaban tahay oo labada dhinacba aysan wax faah faahina ka soo saarin, iyadoo meelaha dagaaladu ka socdaan aad uga durugsan yihiin magaalooyinka waaweyn ee isla markiiba xogta la heli karo. Wixii ka soo kordha ha moogaan waayaha.net
  10. ^^^The news is accurate, there is fighting in the area of Diinsoor and Bur-Hakabo. Abdi_2005, its not how you thought huh, rushe into Baidoa, has turned into a fight for survival.
  11. Bay iyo Bakool: Dawladda oo sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta degmooyinka Buur hakaba iyo Diinsoor. Khamiis, December 21, 2006 Bay iyo Bakool (AllPuntland)- Dagaallo aad u kharaar ayaa waxa ay ka soconayaan agagaarka deegaanada Diinsoor iyo Buurhakaba. Dagaaladaasi oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa laga soo sheegayaa in uu gaystay khasaare aad u ballaaran. Afaheen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Deeq C/qaadir ayaa waxa uu sheegay in dagaal maanta ka dhacay degmada Diinsoor ay kula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi. Waxay sidoo kale xukuumadda dawladda Soomaaliya sheegtay in dagaal ay malayshiyooyinka maxkamadaha magaalada Muqdisho ku la galeen deegaanka Buurhakaba ay guulo ka soo hooyeen. Xildhibaan Xasan isxaaq Yacqub oo ka tirsan golaha baarlamaanka dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu cadeeyay in uu ku sugan yahay deegaanka Buurhakaba oo ay dawladdu gacanat ku hayso. Waxa ay maxkamadaha magaalada Muqdisho cadeeyeen in ay sii wadi doonaan dagaalkaasi, ayna ku khasaare soo gaarsiiyeen ciidamadii ka soo horjeeday. Mar aynu la xiriirnay qaar ka mid ah dadka deegaanka ee degmada Diinsoor ayaa waxa ay inoo xaqijiyeen in uu jiro dagaal magaalada ku dhex maray ciidamada dawladda iyo kuwa maxkamadaha magaalada Muqdisho. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  12. Dagaalo xoogleh oo ka socda Moode Moodey iyo DFKMG oo la sheegay in ay qabsatay deegaankaasi Last Updated::2006-12-21 16:19:19 Muqdisho:- Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya jiida hore ee dagaalada ka socdaan ayaa sheegaya in dagaalka uu usoo siqay dhinaca Buur Hakaba. Dagaalo xoogleh oo saaka ka bilwoday deegaanka Moode Moodey ayaa la sheegay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay madaafiicda goobta ay ciidamada Dowlada iyo kuwa taageersan ee itoobiya ay saaka ku duqeeyeen deegaanka Moode Moodey oo u dhaxeysa Daynuunaay iyo Buur Hakaba. Saaka ayaa halkaasi uu dagaal xoogleh ku dhexmaray, ayadoo ay magaalada Buur Hakaba iyo Muqdisho soo gaarayaan dhaawacyo badan oo kamid ah ciidamada Maxaakiimta. Warsaxaafadeed ay saaka ku qabteen magaalada Xubno kamid ah hogaanka sare oo uu ku jiro Xoghaynta Guud ee Maxaakiimta Shiikh Maxamud Ibraahim Suuley ayaa saxaafada u sheegay in ay dagaalka ku dileen tiro kamid ah ciidamada Itoobiya. Warar kasoo baxaya dhinaca jiida hore ayaa sheegaya in deegaanka Moode Moodey ay saaka duqeeyeen dhinaca Dowlada kadibna weerar balaaran kusoo qaadeen. Halka la hadal hayo in ciidamada Maxaakiimta ay dib ugu soo durkeen dhinaca magaalada Buur Hakaba. Iidaale Waxaa sidoo kale maalintii 3aad uu saaka dagaal xoog badan uu ka qarxay deegaanka Iidaale oo ay shalay ku dagaalameen labada dhinac. Sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah sidoo kale ciidamada Dowlada ayaa saaka waaberigii weerar kusoo qaaday goobaha ay ku sugnaayeen ciidamada Maxaakiimta. Dagaalada ayaa la sheegay in ay khasaaro badan ka dhaceen, inkastoo aan la hayn warar madax banaan. Dagaaladii shalay ayaa la xaqiijiyey in ay weerarkooda lahaayeen dhinaca Maxaakiita Islaamiga ah, halka weeraradii saaka la sheegay in ay duulaanka soo qaadeen ciidamada DFKMG oo la sheegay in ay wehliyaan ciidamo Itoobiyaan ah. Diyaaradaha Dagaalka Dhinaca kale magaalada Baydhabo ayaa saaka lagu arkayey Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee dagaalka, kuwaasi oo maanta markii ugu horeysay la arkayey ayagoo Dhaawac kasoo qaadaya Jiida hore ee dagaalka. Waxaana la sheegay in dhaawaca Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka ay soo qaadayaan diyaaradaha dagaalka, maadaama ay sii durkeyso jiida hore ee uu dagaalka ka socdo. Gaadiidka dagaalka ee forinta hore ku sugan ayaa la sheegay in ay halkaasi 24 saac ee lasoo dhaafay si isdaba joog ah uga dagaalamayeen labada dhinacba. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  13. Dagaal dib uga qaraxay gobolka Baay iyo diyaarad Heli copter ah oo dul heehaabeysa Baydhabo War deg deg ah Mogadishu 21, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dagaal ayaa saakay mar kale dib uga qarxay goobihii shalay iyo xalay ay ku dagaalameeyeen ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa dowladda Somalia oo kaashanaya ciidamada Ethiopia. Dagaalkaan oo bilowday abaarihii 9 kii subaxnimo ayaa waxa uu ka qarxay deegaanada Moode Moode iyo Daynuunaay oo shalay iyo xalay ay dirir ba'ani ay ka dhacday. Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo madaafiicda goobta iyo waliba hubka waaweyn nuucyadiisa kala duwan ayaa sida la sheegay ka xoogan kii shalay. Goobjoogayaal ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay shabelle u sheegeen in ay arkeen diyaarad qumaatiga u kaca ee dowladda Ethiopia oo dul heehaabaysa agagaarka iyo gudaha magaalada Baydhabo, taasi oo ku socday jawi hoose. Waxiii ku soo kordha kala soco wararkeena, ama daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa reresh dheh boggaan. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
  14. Somali govt claims victory 21/12/2006 08:28 - (SA) Mogadishu - Somalia's transitional government claimed on Wednesday that its Ethiopian-backed armed forces had inflicted heavy losses on Islamic fighters in an upsurge in a conflict threatening to embroil the entire region. Rival forces pounded each other with heavy shells and rockets near the seat of government in Baidoa, about 250km northwest of the capital, Mogadishu, and hundreds of terrified civilians fled the battlezone. The information ministry in Baidoa said: "The onslaught of the Islamic Courts Union and their terrorist allies has been defeated", adding that "hundreds" of Islamic fighters had been killed. The clashes began overnight on Tuesday after Islamist forces attacked government training camps in Daynunay and Manas, each within 30km of Baidoa. Hundreds of civilians flee The ministry said: "The ICU sustained hundreds of their combatants dead while other hundreds are wounded." Earlier, Islamic commander Sheikh Mohamed Ibrahim Bilal said the fighting "could result in heavy casualties". Residents said hundreds of civilians fled the battlezones in southern Somalia, where nearly a million people had already been affected by heavy flooding. Muhidin Ali Mursal, a resident of a village near Idale, said: "People have already started fleeing from the area and there are a lot of armed forces from both sides." The fighting came a day after the expiry of an Islamist ultimatum for Ethiopian forces backing the weak government to withdraw. The statement made no mention of Ethiopian troops despite witness accounts of them participating in the fighting that erupted midnight on Tuesday, two hours after the expiry of the Islamist ultimatum. It added that the two military outposts had come under sustained mortar fire on the outskirts of Baidoa. Mediated peace talks collapsed The fighting took place on the day European commissioner Louis Michel held talks with President Abdullahi Yusuf and Islamists chief Sheikh Hassan Dahir Aweys. He added: "Both parties ... have reiterated their commitment to the Khartoum dialogue process and political solution to the Somali crisis." No date for a resumption was given. Aweys said: "We had a meeting with the European Union and the meeting was significant and it ended in mutual understanding." Arab League-mediated peace talks collapsed last month after the Islamists refused to meet. Deputy defence minister Salad Ali Jelle said one group of Islamist fighters involved in the clashes was led by Sudanese national, Abu Taha al-Sudan, one of three extremists wanted by Washington. Jelle said: "Al-Sudan, the terrorist is leading the Islamic courts militias in the fighting. We have information that he is the one who attacked us in Idale", one of the government training camps. Ethiopia had sent several hundred military trainers and advisers to help the government, but denied widespread reports that it had deployed thousands of combat troops to Somalia. News24 is now available on your cellphone. Sign up and win a Samsung phone!
  15. ^^lol They are not the victors in this engagement. The firts against the TFG and Yusuf in particular. This is the first time they attacked from Bur-Hakabo, Diinsoor and Qansah-dheere and the first time they have been pushed back. As for these towns saxib the road they are defending in Bur-Hakabo leads to Balidoogle and control of lower Shabbele and even Mogadishu.. Thus it is significant.
  16. Baydhabo: " 17 gaari ayaa maxkamadaha laga qabtay maxaabiisna gacantaa looga dhigay" xildhibaan dawladda ka tirsan. Khamiis, December 21, 2006 Baydhabo(AllPuntland)- Tan iyo markii shalay dagaallada xooggan ay ka socdeen gobolka Baay tuulooyin hoostaga waxaa la waayay warar rasmi ah oo sheegaya khasaaraha dhabta ah ee dagaalladii shalay oo dhan socday ay gaysteen. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xasan Yacqub Geescadde ayaa sheegay weeraradii dhowrka waji ahaa ee ay maxkamaduhu soo qaadeen ay ahaayeen kuwo la iska caabbiyay , khasaarana ay kala kulmeen dagaalkaasi. Md: Geescadde oo waraysi siinayay Radio Gaalkacyo ayaa sheegay in maxkamadaha ay ka qabteen gaadiid gaarya 17 oo ah kuwa tiknikada ah oo dagaalladii shalay ka qayb qaadanayay. Xildhibaanku wuxuu sheegay inuusan war u ahayn khasaarihii ka dhacay Magaalada Buurhakaba, hase ahaatee 17kan gaari lagu qabsaday dagaal ka dhacay aagga Diinsoor. Wuxuu intaasi xildhibaanku ku daray in gaadiidka laga qabtay ay dawladda federaalku gacanta ku hayso, sidoo kalana ay dawladdu hayso rag maxaabiis ah oo dagaalladii shalay lagu qabtay. Xildhibaanku wuxuu sheegay dagaalkii ka dhacay Buurhakaba uu ahaa mid aad u kharaaraa, maxkamadahana bannaanka looga saaray magaaalada, ayna ku sugan yihiin buundada magaalada looga boxo. Mar wax laga waydiiyay qorshayasha dawladda u yaalla dagaalladii shalay kadib , wuxuu sheegay in dawladdu ay ku taagnaanayso waddadeedii ay kusoo taagnayd 2da sanada iyo barka ee ahayd inay colaadda iyo dagaalka ka war wareegto. Khasaaraha dagaalladii shalay dhacay ayaa wararka qaar ay ka badaniyaan inta uu xildhibaanku sheegay , halka warar kuwaasi kasoo horjeedana ay ku tilmaamayaan in khasaare wayni uusan gaarin maxkamadaha. CCC Farayaamo
  17. Shiekh talk is indeed cheap. Now they are defending MOODE-MOODE. which is where they started from. Latest news they lost Bur-Hakabo and there is fighting in Diinsoor.
  18. The TFG has its own Qadsiye.. Idamaale -projects a winner latest according to IDAMAALE.
  19. Baydhabo: Dawladda federaalka oo sheegtay in rag xag jir ah oo ajnabi ah ay ku dhinteen dagaalladii shalay. Khamiis, December 21, 2006 Baydhabo(AllPuntland)- Wasiir kuxigeenka gaashaan dhigga dawladda Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in dagaalkii shalay dhacay ay ciidanka dawladdu dileen dagaal yahanno ajnabi ah oo ku jira liiska argagixisada caalamiga ah. Salaad Cali Jeelle wuxuu sheegay in ragga ku dhintay dagaalkii shalay ee safafka hore ka dagaallamayay inay ugu muhiimsanaayeen laba nin oo u kala dhashay Ereteria iyo Afganistan. Salaad Cali Jeelle oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa wax laga waydiiyay sababta uu ku xaqiijin karo in dagaal yahaniintaasi ay dileen , mar haddii maydkooda aysan haynin, wuxuu tilmaamay wasiirku in safafka hore ee dagaalka shalay ay ku dhinteen raggan ajnabiga ah ,dawladdana ay u xaqiijiyeen wakiillo ay bulshada ku dhex leedahay, wuxuuna sheegay inay warkaasi u sheegeen dad maxkamaduhu khasab daagalka kusoo galiyeen. Wasiir kuxigeenka dgaashaan dhigga Soomaaliya wuxuu sheegay in markii ay raggaasi dhinteen in durba maxkamaduhu ay gaadiid kula carareen. Wasiirka waxaa wax laga waydiiyay sababta dagaalka keentay xilli wafdi caalami ah oo kasocda beesha caalamka ay joogaan Soomaaliya ayuu sheegay in maxkamaduhu ayba kusoo beegeen dagaalka socdaalka wafdiga . Salaad Cali Jeelle oo wax laga waydiiyay khasaaraha soo gaaray ayaa sheegay in 2 askari ay ka dhinteen , tiro kalena ay ka dhaawacmeen ciidanka dawladda. Mar uu ka waramayay khasaaraha gaaray dhinaca kasoo horjeeda wuxuu sheegay inay saddex gaari ka qabsadeen malleeshiyo aad u fara badanna ay ka dhinteen. Salaad Cali Jeelle wuxuu sheegay in dawladdu ay mar walba ku khasban tahay inay is difaacdo , laba sano iyo barna ay difaac iyo nabad raadin kusoo jirtay. CCC Farayaamo AllPuntland
  20. BAYDHABO: Dagaallo mar kale xalay ka curtay inta u dhexeysa Daynuunaay iyo Buur-hakaba oo ay ku... Posted to the Web Dec 21, 07:28 Baydhabo (PP) - Dagaallo kale oo aad u qaraar ayaa xalay ku dhex maray inta u dhexeysa Daynuunaay iyo Buur-hakaba ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maxakamdaha Midoobay oo halkaas ay dagaallo hore ku dhex mareen. Dagaalkii xalay ayaa ahaa mid ka xoog badan kii shalay dhex maray labada dhinac, waxaana wararka ka imaanaya deegaannada ay dagaallada ka socdaan ay sheegayaan in rasaasta ay xalay labada dhinac is weydaarsadeen ay ahaayeen kuwo xoog badan. Ilo wareedyo ku sugan Degmada Buur-hakaba oo ay Puntlandpost la xiriirtay ayaa u sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid xoog badan, isla markaana si aad u daran looga maqlayay degmadaas dagaalka, waxaana wararku ay sheegayaan in xalay degmadaas ay ahyad mid xaaladdeedu kacsan tahay. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Buur-hakaba ayaa u sheegay Puntlandpost in ay jiraan cabsi xoog badan oo ay ka qabaan in dagaalku uu noqdo mid ku soo fida dhankooda, balse waxay sheegeen in ay rajeynayaan in dagaallada ay noqdaan kuwo qabooba. Dhanka kale, Degmada Baydhabo oo aan xiriir la sameynay ayaa waxay dadka ku sugan noo xaqiijinayaan in Madaafiicda waaweyn ee la is weydaarsanayay xalay laga maqlayay Degmada Baydhabo, maadaama uu jawiga dagganaa, waxaana ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid aad u daran. Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale xalay waxay ahayd meel ay aad u kacsan tahay xalaadeeda, waxaana dad ku sugan ay u sheegeen Puntlandpost in rasaasta waaweyn ay aad u maqlayeen xalay intii uu dagaalka socday oo ay ku sheegeen inay ahayd 2-saacadood. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
  21. Dagaalo culus oo xalay ka qarxay deeganka Daynuunaay iyo Moode-moode Baydhabo 21, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dagaalo cul culus oo madaafiic la isku adeegsaday ayaa xalay saqdii dhexe dib uga qarxay deegaano ku dhow dhow Daynuunaay iyo Moodo Moode. Dagaalkaan ayaa waxa uu dhex maray ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo kuwa maxkamadaha islaamka Somalia, iyadoo labada dhinac madaafiic cul culus oo ay isweydaarsanayeen laga maqlayay gudaha magaalada Baydhabo xalay saqdii dhexe, kuwaasi oo hakaday waabarigii saakay. Dagaalakaan oo ahaa mid aan u culus ayaanu jirin faahfaahin rasmi ah oo ku aadan natiijada uu ku dhamaaday, laakiin dadka ku dhaqan magaalooyinka Buur-hakaba iyo Baydhabo ayaa inta badan waxa ay ka sinaayeen maqalka sawaxanka iyo daryanka madaafiicda ay isweydaarsanayeen labada dhinac. Dowladda KMG ah ee Somalia Mas'uuliyiin u hadashay waxa ay sheegeen in aysan heyn natiijo rasmi ah oo ku aadan dagaaladii xalay ka dhacay deegaano ku dhow dhow Daynuunaay, walow ay sheegtay in ay ku gacan sareyso dagaalka. Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay sheegteen in dagaalkii xalay uu dhinacooda soo gaaray qasaaraha 8 ruux oo dhaawac ah, inkastoo dhinaca dhimashada aan faahfaahin rasmi ah laga bixin sida uu shabelle u sheegay Sheekh Mustaf oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Buur-hakaba. Saakay waa ay dagan tahay agagaarka Moode Moode iyo Daynuunaay oo xalay dirir la isku adeegsaday madaafiic ay ka dhacday, inkastoo mararka qaar la maqlayo wali madaafiic goos goos iyo rasaas ay is weydaarsanayaan labada dhinac. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
  22. Simbanews, a mogadishu radio station..reports the following Dagaal xoogan oo xalay dhex maray Maxkamadaha iyo Dowlada Federaalka. Muqdisho, Khamiis, 21 Dec 06 Simba Radio Dagaal lagu sifeeyay in uu ahaa kii ugu qaraaraa ayaa xalay saqdii dhexe ciidamadada Dowlada iyo Maxkamadaha waxa uu ku dhwex maray in ta u dhaxeysa Moodamoode iyo Wariisho . Dagaalka ayaa ilo wareedyo kusugan magaalada beydhabo waxa ay xaqioijiyeen in dagaalku si rasmiya xalay uu u bilaawday abaarihii 1-dii habeenimo kaasi oo socday ila saakay waabarigii . Wararka ayaa intaa raacinaya in dagalka leysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Daryanka rasaata ka dhaceysa hubka cul culus ayaa xalay laga maqlayay magaalada beydhabo oo ah xarunta dowlada fadaraalka .waxa ay na wararku in raacinayaa in xalay magaalada beydhabo qalqak xoogan uu kajiray taasi oo lagu macneyay jawiga cimilada oo dagan iyo hugunka rasaasta oo aad u xoogbadneed. Warar kale ayaa xaqiijinaya in maxkamada difaacooda ugu weyn ay saareen dhinaca mooda moode iyo Wariisho oo xalay dagaalku sida kulul uu uga holacay . Dhaqadhqaaq ciidan kii ugu weynaa ayaa ka jira xarumaha labada sdhina iyo sal dhigyada laga hago xoogaga dagaalamaya ee maxkamadaha iyto ciidamada Dowlsada oo ay taageerayaan Xoogag itoobiyaan ah Suxanimadii hore ee saakay oo dagaalku joogsay ayaa xaalku Iminka uu dagan yahay waxaana mar waqlba lafilan karaa in Simba Media Center , Mogadishu
  23. ^^^Though from Shabbele, there was heavy clashes last night, now everything is quite in Danuunaye and they go even to say the TFG claims to be winning... Something smells fishy..
  24. Here are todays news from the biggest Radio to support the courts..Gone is the talk of victory.. todays news headlines..1 HEADLINE no 2 headline no 3