General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Saxib, the man is a competent fighter, do you deny this? As for Aydeed's biding, kinda lame coming from someone who is allergic to the mere mention of the horrific crimes commited by "Saint" Xasan Dahir and trucky IndaCade, that still continues till today.. quote of the day yes and kill him for good. though those cowardly words would never be said in front of his kinsmen. hence red sea is all talk.
  2. ^^^Not to mention, he is probably the most competent comander from Mogadishu, who with a few men fought the entire al-Shabab for days. The man of Black Hawk fame. They should have captured him when he was in Mogadishu, now its to late, he is in his home turf.. He with whom neither slander that gradually soaks into the mind, nor statements that startle like a wound in the flesh, are successful may be called intelligent indeed. Confucius, The Confucian Analects
  3. What are the courts but an Eritrean/Oromo and mercenaries backing up thugs IndaCade? Nothing thus, the TFG can not be blamed for defending itself. Thus those who attacked full of bravado must take the blame for this tragic events. Also their supporters, should no longer hide behind, Ethiopia. Col Qaybdeed is defending himself.
  4. Dagaal kharaar oo dib uga soo cusboonaaday aagagga Buur-Hakaba iyo Diinsoor oo saacad ka hor qarxay Baydhabo 22-12-06 Dagaal aad u kharaar ayaa hadda dib uga biloowday agaggii shalay ay ku hardameen xoogagga Dawladda FKS iyo kuwa Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho,ayadoo maydkii shalay weli horan yihiin aagaggaas. Wararka naga soo gaaraya xarunta dawladda FKS ee Baydhabo ayaa noo xaqiijiyey in hadda uu ka socdo dagaal aad u kharaar oo la isku adeeg sanayo hub nooc-yadiisa culus,agagaarka Buur-Hakaba,ayadoo maydkii dagaalkii hore ee shalay uu waran yahay dhammaan aagaas. Sidoo kale waxaan helay in dagaal kale ka biloowday aagga Diinsoor inkastoo uu ka khafiifsan yahay kan Buur-Hakaba,sidoo kale dhaqdhaqaaq cusub ee abaabul dagaal ayaa ka socda degeenada Bandiiradleey, Caabud-Waaq iyo Hiiraan,ayadoo kulankii deg-degga ahaa ee saaka ay galeen golaha wasiiradda ee DFKS si ballaaran uga munaaqishoodeen difaaca guud ee dalka. Weli ma hayno xaqiiqda khasaaraha dagaalada shalay iyo maanta ayadoo labada dhanba sheeganayaan guulo milatari,hase ahaatee waxaad moodaa in ciidamada Maxkamadaha Muqdisho ee aaga Buur-Hakaba ay jug culs ku dhacday,sida ay noo xaqiijiyeen dad ka madax bannaan labada dhanba. Siidoow Ali Olol News Baydhabo
  5. Nin Soomaali ah oo dilay Askari Booliis oo 35 sano lagu xukumay dalka Ingiriiska Last Updated::2006-12-22 18:10:38 London:- Yusuf Abdullahi Jamac oo 20 jir ah iyo saaxiibkii Muzzaker Imtiaz Shah oo 25 sano jir ah ayaa lagu xukumay min 35 sano oo xarig ah. Yusuf Jama Labada nin ayaa kamid ahaa koox maanta lasoo hortaagay Maxkamada magaalada Newcastle ee Crown Court. Kooxdan uu ku jiro ninkan Soomaaliga ah ee 20 jirka ah ayaa loo heystay dhac ay u geysteen xafiis duulimaadka ah oo ku yaal magaalada Bradford iyo waliba dil loo geystay Askariyad Booliis ah oo lagu magacaabo Beshenivsky. 18kii November sanadkii 2005 ayey ahayd markii ay kooxdan dhalinyarada ah ay rasaas la beegsadeen Askariya Beshenivsky iyo askari kale oo isku dayey in ay ka hortagaan kooxdan burcadaha oo dhaceysay Xafiis ku yaal magaalada Bradford. Yusuf Abdullahi Jamac iyo ninka lagu magacaabo Muzzaker ayay maxkamadu ku sheegtay in ay yihiin kuwo khatar ku ah bulshada isla markaana xabsi daa'in lagu xukumay ayadoo ugu yaraan xabsiga ku jiri doona 35 sano. Yusuf Jamac oo asagu kasoo jeeda dalka Soomaaliya, kuna noolaa magaalada Caasimada ah ee London ayaa asagu qirtay inuu dilay Askariyada balse xabadii uu tuuray ay ahayd mid si kama ah uga dhacday. Kooxdan dhalinyarada ah ayaa ahaa kuwo burcad ah oo geysta dhac iyo boob. Yusuf Walaalkiis oo Baxsaday Mustafa Jama Waxaa asagu ka baxsaday dalka ingiriiska Mustafa Abdullahi Jamac oo ay walaalo yihiin Yusuf ayaa kamid ahaa kooxdan burcada ah, ayadoo la sheegay in ninkaasi uu ka baxsaday dalka Ingiriiska kadib markii uu ku dhoofay Baasaboorka Walaashii oo uu ku dhajisan yahay Sawiro Indho shareer ah. Cumar Siciid HorseedNet.com
  6. The clan courts web-portals have played down the significance of the latest clashes.. Here is the latest from Shabbele radio, Mogadishu. aalo la isku habeensaday oo wali ka soconaya gobolka Baay Baydhabo 22, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dagaal qaraar oo la isku habeensaday ayaa wali ka soconaya deegaanka Idaale ee gobolka Baay iyadoo uu sii kululaaday dagaalkaasi, ka dib markii ciidamada Ethiopia oo difaacaya dowladda iyo kuwa maxkamadaha islaamka ay si toos ah isaga hor yimaadeen dagaalo maalintii afaraad socda. Dagaaladaan ayaa wararka naga soo gaaraya deegaanka iidaale ee gobolka Bay ay tilmaamayaan in uu dagaalku weli socdo oo la isku habeensaday dagaalkuna uu sii qaraaraanayo marba marka ka dambeysa. Dagaalkaan oo qarxay barqo nimadii maanta ayaa sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya halkaasi waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo ay adag tahay in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka oo si kulul u socda aawadiisa. Dagaalkaan oo maalintii 4aad galay ayaanu jirin cid isku howshay in ay dhex gasho, iyadoo dagaalka uu u muuqdo mid faraha ka sii baxaya oo ciidamada dowladda Ethiopia ay si toos ah ugu soo lug yeesheen, iyadoo ku dhowaad 50 gawaari isugu jirta taankiyo iyo waliba baabuurta uralka ah oo ay wataan ciidamada Ethiopia ay ku soo biireen dagaalka, kuwaasi oo xalay soo gaaray magaalada Baydhabo sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaalada Baydhabo. Sheekh ibraahim shukri oo goordhow aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay maxkamadaha ay kaga geeriyoodeen ilaa 2 askari aynna kaga dhaawacmeen tiro kale, isagoo sheegay in wali maxkamadaha islaamka ay joogaan meel 5 KM dhanka Baydhabo ka jirta deegaanka idaale. Dhinaca dowladda Somalia, xiriir aanu la sameynay ayaa waxa ay inoo suurto galin in aynu helno Mas'uuliyiinta dowladda Somalia. Wararka kale ee laga helay degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay tilmaamayaan in ciidamo fara badan oo wata taangiyo oo Ethiopian ah ay ka soo gudbeen gobolka Gedo, kuwaasi oo qaarkood soo gaaray magaalada Baydhabo una ruuqaansaday goobaha dagaalka.. Dhinaca deegaanka Daynuunaay iyo Moode Moode ayaa dagan, inkastoo mararka qaar la isku ridayo madaafiic, laakiin dagaalka ugu xoogan waxa uu ka soconayaa deegaanka idaale ee gobolka Baay. Wariyeyaal ka tirsan Shabelle ayaa u baqoolay dhanka Diinsoor, kuwaasi oo u gudbi doona dhanka idaale, kana soo qaadi doona sawiro. Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena dame Shabelle Media Network Baay E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
  7. Somali govt claims victory Mogadishu - Somalia's transitional government claimed on Wednesday that its Ethiopian-backed armed forces had inflicted heavy losses on Islamic fighters in an upsurge in a conflict threatening to embroil the entire region. Rival forces pounded each other with heavy shells and rockets near the seat of government in Baidoa, about 250km northwest of the capital, Mogadishu, and hundreds of terrified civilians fled the battlezone. The information ministry in Baidoa said: "The onslaught of the Islamic Courts Union and their terrorist allies has been defeated", adding that "hundreds" of Islamic fighters had been killed. The clashes began overnight on Tuesday after Islamist forces attacked government training camps in Daynunay and Manas, each within 30km of Baidoa. Hundreds of civilians flee The ministry said: "The ICU sustained hundreds of their combatants dead while other hundreds are wounded." Earlier, Islamic commander Sheikh Mohamed Ibrahim Bilal said the fighting "could result in heavy casualties". Residents said hundreds of civilians fled the battlezones in southern Somalia, where nearly a million people had already been affected by heavy flooding. Muhidin Ali Mursal, a resident of a village near Idale, said: "People have already started fleeing from the area and there are a lot of armed forces from both sides." The fighting came a day after the expiry of an Islamist ultimatum for Ethiopian forces backing the weak government to withdraw. The statement made no mention of Ethiopian troops despite witness accounts of them participating in the fighting that erupted midnight on Tuesday, two hours after the expiry of the Islamist ultimatum. It added that the two military outposts had come under sustained mortar fire on the outskirts of Baidoa. Mediated peace talks collapsed The fighting took place on the day European commissioner Louis Michel held talks with President Abdullahi Yusuf and Islamists chief Sheikh Hassan Dahir Aweys. Olol.News Diiriye Ali Minneapolis MN
  8. Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Sheegta iyo kuwa Dowlada Federaalka oo dagaalo aad u weyn ku dhex marayo Idaale iyo Diinsoor inta u dhaxaysa Dagaal aad loogu hoobtay ayaa wuxuu ka soconayaa inta u dhaxaysa Idaale iyo Diinsoor, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in buur ku taala deegaanka Safar Noolees oo u dhaw degmada Diinsoor ay ku hareeraysan yihiin Ciidamada Dowlada isagoo intaa raaciyey in halkaasi aysan gali Karin wax gurmad ah. Mr. Jeelle ayaa intaa ku daray in halkaasi ay kasoo qabteen Maxaabiis u badan Arday taasoo uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay in lasoo marin habaabiyey oo lagu soo siray isagoo sheegay inuu u tacsiyeynayo waalidiintii caruurtaasi laga soo qafaashay isla markaana dagaalada ku dhintay. Dagaalada ka dhacaya deegaanadaasi si aan wax uga ogaano ayaan qadka Teloofoonka kula xiriiray haweeney joogta magaalada Diinsoor waxayna ii sheegtay in cisbitaalada la keenayo dhaawacyo tiro badan, isla markaana ay aragtay sedex qofood oo meyd ah oo la duugay. Dhanka kale Ciidamada dowlada federaalka ayaa iyaguna cisbitaalka lagu daweynayaa qaar iyadoo ay jirto dhimasho balse aan la cadeyn inta ay yihiin, goobaha dagaalka ayaanan wax war ah laga hayn waxaana wali dagaalka ka soconayaa oo la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala gadisan. Dagaaladan ayaa dhici karta inuusan istaagin sababo badan oo kasoo baxaysa saansaanta dagaal taasoo dadka aqoonta u leh dagaalada ay sheegayaan inay dhici karto inuu balaarto oo ay dhici karto inuu dagaalada ka dhaco meelo kale oo hada nabdoon. Deegaanka Buurhakaba ayaa xasiloon inkastoo dadka reer guuraaga ay kuu sheegayaan inay mar mar dhacayaan xabado goos goos ah. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com
  9. New York:Qaramada Midowbay Oo Sheegtay in Maxkamadaha lugu janshey Dagaalada ka socda Bay. New York(Carmooyin)-Xukuumada Soomaaliya oo Maalintii Afraad dagaal ay soo qaadeen maxkamadaha Muqdisho kula jira ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ka gareen Guulo waa weyn sida noo sheegeen qaar ka mid ah Saraakiisha Madaxtooyada. Dhinaca kale war kasoo yeeray saraakiil ka tirsan qaramada midoobay ayaa sheegay in khasaare baaxad leh uu gaaray maxkamadaha Muqdisho , kadib markii ay soo dagaal galiyeen dad aad u dhallinyar oo aan hub fiican wadan. Saraakiisha u hadashay qaramada midoobay waxay sheegtay in dawladdu ay u durkeen safafka hore ee dagaalka , kadib markii awood lagu durjiyay maxkamadaha. Qodob wareedkan oo aan kasoo xigannay websitka www.theday.com ayaa sheegaya in sargaal ka tirsan qaramada midoobay uu uxaqiijiyay in maxkamaduhu ay dib u gurteen, waxaana la sheegay in maxkamadaha ciidamadooda ay ku yaaceen safafka hore ee dagaalka, taasna keentay in hal hal loo toogto. Saraakiishan oo aan magacooda lasoo xigan ayaa sheegay in maxkamadahu isticmaalayaan qaabab dagaal oo aad u hooseeya. Wararka kusaabsan dagaallada ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dawladdu ay horay ugu dhaqaaqeen xudduudaha gobollada Baay iyo Shabeellada hoose. Khasaaraha dagaallada maanta dhacay ayaa lagu soo waramayaa inuu aad uga badan yahay kuwa ay gaysteen dagaalladii hore. Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dagaallada maanta dhacay ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee gacanta la iskula tago , halka dagaalladii ka horeeyay la adeegsanayay madaafiicda goobta . Ninka Madax u ah maxkamadaha ayaa wuxuu Albaabada uxiray dhamaan Goobahii Iskuulada isagoo ku sheegay in ay ardaydu Joojiyaan guud ahaan Waxbarashada. Faarax C/qaadir Max'ed Carmooyin.com
  10. Muqdisho: Maxkamadaha oo sheegay in Barri dagaal aan la arag ay qaadayaan . Jimce, December 22, 2006 Muqdisho(AllPuntland)- Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalladii labadii maalmood ee ugu danbeeyay dhacayay inaysan ahayn dagaallo waawayn, hase ahaatee kuwo aan horay loo arag maalinta bari ah inay bilaabi doonaan. " Ciidamadeennu wali weerar ma qaadin , laga bilaabo bari weerarku waa bilaaban doonaa " waxaa sidaasi yiri ku xigeenka afhayeenka maxkamadaha Sheekh Ibraahim Shugri. Maxkamaduhu waxay sheegeen inay qaadayaan dagaal aan joogsan doonin , cawaaqib xumadiisana ay arkaan ciidanka dalka Itoobiya. Sheekh Xasan Daahir Uways oo maxkamadaha madax u ah wuxuu sheegay inay qabteen maxaabiis aan tiradooda la qiyaasi karaynin , saxaafaddana ay usoo bandhigi doonaan. Sheekh Maxamuud oo asaguna kamid ah maxkamadaha ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidanka Itoobiya ay isu soo dhiibayaan ciidanka maxkamadaha , ayaguna ay qorshaynayaan sidii ay dalkooda si nabad ah ugu celin lahaayeen. Maxkamadaha Muqdisho waxay sheegeen inaysan dagaalkaba ka galin ciidankooda marka la eego 10% in kabadan, maalinta bari ah iyo wixii ka danbeeyana waxay ballan qaaden dagaal xooggan. Xiisadda deegaananda dagaalladu ka dhacayeen maalmihii ina dhaafay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalladu saamayn ku yeesheen shacab fara badan. CCC Farayaamo AllPuntland
  11. Muqdisho: Maxkamadaha oo sheegay in Barri dagaal aan la arag ay qaadayaan . Jimce, December 22, 2006 Muqdisho(AllPuntland)- Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalladii labadii maalmood ee ugu danbeeyay dhacayay inaysan ahayn dagaallo waawayn, hase ahaatee kuwo aan horay loo arag maalinta bari ah inay bilaabi doonaan. " Ciidamadeennu wali weerar ma qaadin , laga bilaabo bari weerarku waa bilaaban doonaa " waxaa sidaasi yiri ku xigeenka afhayeenka maxkamadaha Sheekh Ibraahim Shugri. Maxkamaduhu waxay sheegeen inay qaadayaan dagaal aan joogsan doonin , cawaaqib xumadiisana ay arkaan ciidanka dalka Itoobiya. Sheekh Xasan Daahir Uways oo maxkamadaha madax u ah wuxuu sheegay inay qabteen maxaabiis aan tiradooda la qiyaasi karaynin , saxaafaddana ay usoo bandhigi doonaan. Sheekh Maxamuud oo asaguna kamid ah maxkamadaha ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidanka Itoobiya ay isu soo dhiibayaan ciidanka maxkamadaha , ayaguna ay qorshaynayaan sidii ay dalkooda si nabad ah ugu celin lahaayeen. Maxkamadaha Muqdisho waxay sheegeen inaysan dagaalkaba ka galin ciidankooda marka la eego 10% in kabadan, maalinta bari ah iyo wixii ka danbeeyana waxay ballan qaaden dagaal xooggan. Xiisadda deegaananda dagaalladu ka dhacayeen maalmihii ina dhaafay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalladu saamayn ku yeesheen shacab fara badan. CCC Farayaamo AllPuntland
  12. Saraakiil ka tirsan qaramada midoobay oo sheegtay in khasaare dagaal uu soo gaaray maxkamadaha kadib markii.... Jimce, December 22, 2006 Dawladda Federaalka Soomaaliya oo dagaal maalintii afaraad kula jirta maxkamadaha Muqdisho ayaa sheeganaysa guulo xooggan oo ay kasoo hoyiyeen dagaalladii ka dhacay deegaannada furinta ah ee Diinsoor iyo Iidaale. Dhinaca kale war kasoo yeeray saraakiil ka tirsan qaramada midoobay ayaa sheegay in khasaare baaxad leh uu gaaray maxkamadaha Muqdisho , kadib markii ay soo dagaal galiyeen dad aad u dhallinyar oo aan hub fiican wadan. Saraakiisha u hadashay qaramada midoobay waxay sheegtay in dawladdu ay u durkeen safafka hore ee dagaalka , kadib markii awood lagu durjiyay maxkamadaha. Qodob wareedkan oo aan kasoo xigannay websitka www.theday.com ayaa sheegaya in sargaal ka tirsan qaramada midoobay uu uxaqiijiyay in maxkamaduhu ay dib u gurteen, waxaana la sheegay in maxkamadaha ciidamadooda ay ku yaaceen safafka hore ee dagaalka, taasna keentay in hal hal loo toogto. Saraakiishan oo aan magacooda lasoo xigan ayaa sheegay in maxkamadahu isticmaalayaan qaabab dagaal oo aad u hooseeya. Wararka kusaabsan dagaallada ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dawladdu ay horay ugu dhaqaaqeen xudduudaha gobollada Baay iyo Shabeellada hoose. Khasaaraha dagaallada maanta dhacay ayaa lagu soo waramayaa inuu aad uga badan yahay kuwa ay gaysteen dagaalladii hore. Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dagaallada maanta dhacay ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee gacanta la iskula tago , halka dagaalladii ka horeeyay la adeegsanayay madaafiicda goobta . Xasan Daahir Uways oo madax u ah maxkamadahana wuxuu ka dhawaajiyay in iskuullada ku yaalla caasimadda irdaha loo laabo si ardaydu ay dagaallada uga qayb qaataan. CCC Farayaamo AllPuntland
  13. IIDAALE: Dagaal u dhexeeya Dowladda iyo Maxkamadaha oo ka socda xilligaan Deegaanka Iidaale Posted to the Web Dec 22, 12:41 Iidaale (PP) - Wararka naga soo gaaraya Deegaannada ay dagaalladu ka socdaan ee Iidaale iyo Diinsoor ayaa waxay sheegayaan in dagaallo xoog badan ay halkaas ka socdaan xilligaan. Dagaalka haatan ka socda Deegaanka Iidaale iyo Diinsoor dhexdooda ayaa waxay ka kulul yihiin kuwii hore, iyadoo wararka ka imaanaya deegaannadaas ay daboolka ka qaadayaan in madaafiicda ay tahay kuwo si weyn ay u adeegsanayaan labada dhinacba. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid aad u xoog badan, isla markaana aan la saadaalin Karin khasaaraha halkaas ka dhacay, waxaana wararku ay sheegayaan inaysan jirin cid sheegi karta khasaaraha inta uu le'eg yahay. Madaafiicda ay labada dhinac is dhaaf-dhaafsanayaan ayaa waxaa la sheegayaa in laga maqlayo goobaha ay dagaallada ku dhow yihiin iyadoo dadka goobahaas ku nool intoodii harayna ay ka cararayaan guryahooda iyo beerahooda. Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaallada u dhexeeya Maxkamadaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaad kala socon kartaa Aqriste www.puntlandpost.comhaddii EEBBE ogolaado. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadisho E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  14. Ciidamada Dowlada oo kusii siqaya magaalada Buur Hakaba iyo askar kasoo baxsaday Maxaakiimta Last Updated::2006-12-22 13:19:29 pic Baydhabo:- Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa hada 15km u jira magaalada Buur Hakaba ee gobalka Bay. Ciidamada DFKMG iyo Ciidamada Maxaakiimta ayaa shalay iyo doraad dagaalo xoogleh ku dhexmareen deegaanka Moode Moodey iyo Iidaale. Dagaalka ayaa shalay ahaa mid aad u kulul gaar ahaan dhinaca Iidaale ayadoo dhinaca Moode Moode ay gebi ahaanba la wareegeen Ciidamada Dowlada oo kusii durkay dhinaca magaalada Buur Hakaba. Suxufiyiinta ka ambabaxay magaalada Baydhabo ayey u suurto gashay in ay gaaraan illaa iyo deegaanka Moode Moodey oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada DFKMG, waxaana la sheegay in ay hada ku sugan yihiin degmada Buur Hakaba iyo nawaaxigeeda. Deegaanka Moode Moodey ayey ka muuqdeen shalay meydad badan oo kamid ah Ciidamada Maxaakiimta ee halkaasi dib looga riixay. Deegaanka Moode moodey oo ay ku sugan yihiin ciidamada DFKMG Deegaanka Iidaale ayey dagaalo xoogleh ka dhaceen ayadoo Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ee dowlada uu sheegay in halkaasi ay khasaaro badan kasoo gaareen dhinaca Maxaakiimta. Ciidamada Dowlada ayey laftigoodu khasaarooyin soo gaareen ayadoo la arkayo ciidamo rac rac u socda oo ku jiheysan dhinaca magaalada Diinsoor oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Maxaakiimta. Xalay oo dhan ayaa la maqlayey rasaasta Madaafiicda goobta ee tiirada dheer oo ka dhacayey deegaanada Iidaale, kuwaasi oo la sheegay inay illaa iyo xalay oo dhan ay duqeynayeen aagaga ay fadhiyaan ciidamada Maxaakiimta Muqdisho. Dhinaca kale waxaa deegaanka Moode Moodey soo gaaraya Askar kasoo baxsaday dhinaca Maxaakiimta, kuwaasi oo u badan dhalinyaro sheegay in dagaalka lagu soo khasbay. Qaar kamid ah dhalinyaradan ayaa sheegay in laga soo kaxeeyey qaar kamid ah masaajidada Magaalada Muqdisho isla markaana ay qaarkood sheegeen in aysan raali ka ahayn dagaalka. Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho ayaa shalay ku dhawaaqay in la joojiyo waxbarashadii ka socotay iskuulada magaalada Muqdisho, dibna loo dhigo imtixaanada iskuulada si markaasi ardayda ay qeyb uga noqdaan dadka la rabo in ay u dagaalamaan Maxaakiimta. Aweys Xasan Macallin oo kamid ah dhalinyarada isu soo dhiibay dhinaca Dowlada ayaa sheegay in laga soo qafaashay masaajidka Salaama ee magaalada Muqdisho. Halka Da'ud Cabdulaahi Axmed oo 19 jir ah sheegay inuu dagaalka usoo galay maadaama uu rabay inuu jihaado. Dagaalka ayaa hada u muuqda in dhinaca jidka u dhaxeeya Baydhabo iyo Buur Hakaba ay saaka degen tahay. Walow dhinaca Iidaale uu ka socdo dhaq dhaqaaq xoogleh. Saraakiisha Dowlada ayaa xaqiijnaya in dhinaca Diinsoor ee iidaale ay ka dagaalamayaan dagaalyahano ajaanib ah kuwaasi oo ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan dhawaan. Hussein Farah HorseedNet.com
  15. ^^^From the latest performace, how long can the courts hold Mogadishu?
  16. NY-Times report.. As Fighting Rages in Somalia, Government Claims a Victory By JEFFREY GETTLEMAN Published: December 22, 2006 ZANZIBAR, Tanzania, Dec. 21 — The transitional government of Somalia, which for several months had been rapidly losing territory to Somalia’s growing Islamist movement, claimed victory on Thursday in the first major confrontation between the sides. “We have overrun their troops,” said Abdirizak Adam Hassan, chief of staff for the transitional president, Abdullahi Yusuf Ahmed. United Nations officials confirmed heavy Islamist casualties in the fighting, which began Wednesday and continued Thursday. The Islamist fighters — many of them lightly armed teenage boys, the officials said — were mowed down by transitional government soldiers backed by the Ethiopian Army, the most powerful military in the region. “The Islamists attacked, they retreated and then they made the mistake of running into an open field,” a United Nations official said on the condition of anonymity. “After that, it was one shot, one kill.” United Nations officials estimated that dozens of Islamists had died. The Islamists denied suffering humiliating defeats. On Thursday, the Islamist clerics who rule Mogadishu, Somalia’s capital, ordered schools closed so more children could be sent to the front lines. After initially playing down the fighting, Sheik Hassan Dahir Aweys, the leader of the Islamist forces, announced Thursday over national radio that Somalia was at war and said, “All Somalis should take part in this struggle against Ethiopia.” Ethiopia still denies that many of its soldiers are in Somalia, but has acknowledged sending military advisers. Ethiopia has cause to fear a strong Islamist movement next door. Christians have led Ethiopia for centuries, but about half of its population is Muslim, as are the vast majority of Somalis, and the Muslim areas have become more restive. The fighting started early Wednesday as hundreds of Islamist fighters attacked the transitional government’s forces from two sides. Witnesses said the transitional government, with help from Ethiopia, had repelled the Islamist advance in Daynunay, a town outside the government’s base in Baidoa. But in Diinsoor, near Baidoa, the battles were closely contested, and on Thursday, witnesses said each side continued to pound away with artillery, mortars and antiaircraft guns on pickup trucks. Somalia has been in a state of anarchy since 1991, when the government collapsed in clan warfare. Backing the transitional government was an attempt by donor nations to help bring order, but more Somalis support the Islamists. The two sides have talked of sharing power. European Union diplomats shuttled between Baidoa and Mogadishu on Wednesday. “The leaders on both sides want dialogue, but we’re not necessarily dealing with homogenous groups that always obey their leaders,” a European official said Thursday.
  17. Malleyshiyada maxkamadaha oo dib loo riixay iyo rag laga qabqabtay Last Updated::2006-12-22 06:43:04 Baydhabo: Wararkii ugu dambeeyey ee gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalladii ka socdey deegaannada iidaale iyo Mooda Moode ay xalay oo dhan socdeen, waxana wararku ay intaasi ku darayaan in malleyshiyada maxkamadaha Muqdisho dib loo riixay. Warku wuxuu intaasi ku daraya in rag badan laga laayey kuwo kalena laga qabqabtay, iyadoo ragga nolosha lagu qabqabtay uu ka kamid yahay nin lagu magacaabo Aweys Xasan Macallin oo sheegay in dagaalka lagu soo khasbay lagana soo kaxaystay masjid ku yaal magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Salaama. Wararka sheegay in madaxda maxkamaduhu ay dadka rayidka ah gaar ahaan carruurta ay ku qalqaalinayaan in ay dagaalka galaan ayaa isa soo taraya, iyadoo la caddeeyey in dugsiyo fara badan albaabada loo laabay si ardaydu ay u galaan wax ay maxkamaduhu ugu yeereen 'dagaalka jihaadka ah ee jannada lagu gelayo'. Horseednet.com Print This Page
  18. ZANZIBAR, Tanzania, Dec. 21 — The transitional government of Somalia, which for several months had been rapidly losing territory to Somalia’s growing Islamist movement, claimed victory on Thursday in the first major confrontation between the sides. “We have overrun their troops,” said Abdirizak Adam Hassan, chief of staff for the transitional president, Abdullahi Yusuf Ahmed. United Nations officials confirmed heavy Islamist casualties in the fighting, which began Wednesday and continued Thursday. The Islamist fighters — many of them lightly armed teenage boys, the officials said — were mowed down by transitional government soldiers backed by the Ethiopian Army, the most powerful military in the region. “The Islamists attacked, they retreated and then they made the mistake of running into an open field,” a United Nations official said on the condition of anonymity. “After that, it was one shot, one kill.” United Nations officials estimated that dozens of Islamists had died. The Islamists denied suffering humiliating defeats. On Thursday, the Islamist clerics who rule Mogadishu, Somalia’s capital, ordered schools closed so more children could be sent to the front lines. ..................... Mohammed Ibrahim contributed reporting from Mogadishu, Somalia.
  19. Taliban, the TFG is not a publishing house, and is not even good at propoganda. The media that went to the scene of the recent fighting captured those pics. The idea that the likes of Qadsiye.com who gloated at beheading Col-Farataag, and the clan courts who paraded children and women with guns, subscribe to a higher ideal than the TFG is laughable. You are running out of ideas my dear boy.
  20. Taliban, is it Islamic to lie? Or parade women, or work for a narrow clan agenda? No thus the clan courts would have published dead fighters if they had some. They do not. It is only them who so far have been unable to get the corpses. They are on the back foot so far, my suggestion get the rest of the millitia out of Mogadishu and Kismayu and come to the front line. That should get things interesting.. Fanisha, dear, duke does not hide anyhting , nor does he need to change his knick.. I have been here for a while
  21. ^^^Saxib, maybe AP is also pro courts, this is the group that reported the corpses..Your lies might work in Mogadishu, but not every where.
  22. Website reports mortars are beinh heard in lower shabbele.. The Courts Announce Killing 200 Ethiopian Soldiers, Addis Ababa Denies All you have is claims from the courts.. Where are the pics of the dead Ethiopians? or even TFG troops? Why did they leave their dead men behind? There are sites that have even shown dead men left behind, which is disgusting... These lies of the clan courts will only make the TFG victory seem like the new miracle..
  23. Dec 22|Dagaaladii oo lays kula waabariistay iyago aan marnaba kala go,in , iyadoo ay xabaduhuna soo gaarayan degmada Yaaqberiweyne oo magaalada Muqdisho u jirta 90 km, oo ah duleedka waqo yi-Buurhaba Breaking News