General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^lol. Qadsiye, give us a break my man. Even AFP has reported many dead combatants in Moode-Moode.
  2. ^^^Camir, is looking at things from every angle. One must respect that, he did not say the TFG is or will lose, but highlighted the fact that it has many options. The millitary option is an important as well. Things dont look so bad for government today, no matter what the clan courts or the secsionits say.
  3. War Deg Deg ah: Taangiyo hor leh oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka soconaya inta u dhaxeysa deynuunaay iyo Moode Moode oo Baydhabo ka soo dhaqaaqey December 21, 2006 Markacadeey -------------------------------------------------------------------------------- Ilaa iyo 7- taangi ayaa goor dhow ka soo dhaqaaqey magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay, iyada oo Taangiyadan ay afka soo saareen dhinaca deegaanka Deynuunaay, soda ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Baydhabo. Warar ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya ilaa Taangiyada soo gaarey magaalada BAydhabo ay yihiin ilaa iyo 15-Taangi, kuwaasi oo sida la sheegay ah kuwa cusub. Horey madaafiic aad u faro badan oo isugu jira kuwa la jiido iyo kuwa gaadiidka lagu qaado ayaa dagaalka ka qeyb qaadanayay sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah, waxaana madaafiicdan laga dareemay magaalooyinka Baydhabo iyo Buu-hakaba. Dhinaca kale, deegaanka Deynuunaay oo horey ay u joogeen ciidamada dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay in ay ku sugan yihiin weli ciidamada dowlada federaalka Soomaaliyeed, iyada oo ilo muhiim ah oo Deynuunaay tagay ay xaqiijiyeen in ay halkaasi ku arkeen meyd aad u faro badan oo labada dhinac ah. In your mind you win, when the otherside is still in its former location and you have been chased out of Moode-Moode?[/b]
  4. Red Sea, are you still talking? Here is the latest from the front in terms of casualty its tragic. Faahfaahin qasaarihii ugu balaarnaa oo ay ebed dagaal kala kulmeen maleeshiyada maxkamadaha Muqdishu Posted to the MOL December 21, 2006, 9:52 pm Baydhabo:- Ka dib 3 berri oo dagaal aan kala joogsan oo ka socday deegaanada u dhaxeeya magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ayaa galabta wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanada dagaaladu ka socdaan sheegayaan in maleeshiyada maxkamadaha Muqdisho oo weerar ku ahaa saldhiga dawlada KMG ah ee Baydhabo la kulmeen qasaarihii ugu balaarnaa ee ay ebed kala kulmaan dagaal ay galaan tan iyo intay la wareegeen gacan ku haynta inta badan koonfurta Somaliya. Wararka ugu dambeeyay ee aan ka helayno jiida hore ee Daynuunaay, Iidaale iyo Moode Moode ayaa sheegaya in maleeshiyada maxkamadaha Muqdishu halkaas qasaare weyn ka so gaaray. Xog-ogaal ku sugan Baydhabo ayaa noo sheegay in dhimashada maleeshiyada maxkamadaha dhaaftay boqolaal ka dib markii Habeenkii xalay ay weerar ku soo qaadeen Moode Moode maleeshiyada Muqdisho ayay waxay ku dhaceen dabin ay ciidamada dawladu u dhigeen oo dhabar jabin xun ay ku dhacday. Moode Moode ayaa la sheegay in saaka meydkoodii daadsanaa maleeshiyada maxkamada ka dib markay ka carareen. Dhimashada maleeshiyada maxkamadaha ee dhinaca Moode Moode iyo Daynuunaay ayaa la sheegay inuu kor u dhaafay boqolaal halka dhaawacana aan la xisaabin karayn. Wariye ajnabi ah oo u shaqeeye wakaalada wararka ee AP ayaa indhihiisa hal meel ku arkay meyka 19 maleeshiyada Maxkamadaha muqdisho isagoo qaar ka mida meydkaas soo sawiray. Maxabiis laga qabtay maleeshiyada Maxkamadaha ayaa qaarkod sheegeen in maxkamaduhu soo qafaaleen oo dagaalka ku soo qasbeen. Dagaalka Moode Moode iyo Daynuunaay ayaa hadda joogsaday ka dib markii maleeshiyada Maxkamadaha gadaal loogu riixay Buurhakaba oo ay ka soo duuleen tageen. Dhinaca degmada Diinsoor ayaa iyadana waxaa ku dhacay maleeshiyada maxkamadaha qasaarooyin badan oo aan la soo koobi karin iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degmada Diinsoor ay sheegayaan in maleeshiyadii maxkamadaha ee aagaas ka dagaalaysay ay carareen ciidamada dawladuna ku raadjoogaan. Dhinaca Maxkamadaha ayaa iyagu wali ku adkaysanaya inay guulo ka soo hooyeen dagaaladaas oo sida cad qasaare weyni ka soo gaaray. Sh. Daahir Aweys oo shalay balanqaaday inuu xabad joojin ku dhawaaqi doono ayaa maanta sheegay inaysan dagaalka joojin doonin oo ay sii wadi doonaan iyadoo magaalada Muqdisho ka baxeen maleeshiyo cusub oo u socota dhinaca Buurhakaba. Dhanka dawlada KMG ah ayaa waxaa u hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga Siciid Cali Jeele oo sheegay inaysan ciidamadu dawladu marna weerar qaadi doonin ee ay isdifaacayaan. Isagoo intaas ku daray inay dawladu aad uga xun tahay dhalinyarada Somaliyeed ee inta la soo marin habaabiyay iyagoon tababar ciidan qabin la geeyay furumaha oo halkaas xabadi ku leeftay. Waxaan uga degaynaa waalidiinta Somaliyeed inay nimankaas maafiyada ah ee maxkamadaha isku sheega ilmahooda ka ilaalsadaan. Mudugonline.com
  5. ^^^From the news outlsets, there is some talk about this, though some reports are indicating that the Clan Courts have vacated Bandiradlay due to the pressure in the south. Also Hiiraan, there are troop movements, with the old governors of Beledweyne and Jowhar on the "move" even though I have heard these rumours many times these past few months. We have to wait and see.
  6. ^^^The fact is those are the types of fighters the Clan Courts are using to conquer Ethiopia.. The pics are from Somaliweyn.com which are a pro courts website..
  7. BAYDHABO:Dagaalo qaraar oo ka socday Degmada Diinsoor oo xoogaa Qaboobay , iyo Maleeshiyada Maxaakiimta oo dhaq-dhaqaaq ka wada Buur-hakaba Posted to the Web Dec 21, 21:41 Baydhabo: (pp) - Dagaal culus ayaa galabta si xun uga bilowday dhanka agagaarka deegaanka Iidaale oo ay ku hardamayaan Ciidamada DFKS iyo kuwa Maleeshiyada Maxaakiimta. Dagaalkaas ayaa Wariyaha Puntlandpost ee kusugan magaalada Baydhabo uu sheegayaa in dagaalkaasi uu ahaa mid aad la isula dhacaayey hubabka waaweyn ee madaafiicda. Dagaalkan ayaa ahaa mid aan waxba la isula reeban , waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamada Dowlada Federaalka ay gelinkii danbe ay masaafo aad u badan ay gadaal ugu riixeen Maleeshiyada Maxaakiimta dhanka degmada Diinsoor, waxaana hada uu dagaalku ka socdaa meel 2-km u jirta deegaanka Diinsoor , waxaana jirta Rasaas yar-yar oo labada dhinac isku waydaarsanayaan aga-gaarka degmada Diinsoor. Mid kamida Saraakiisha Dowlada uu Waraiyaha Puntlandpost, ayaa cadeeyey in dagaalku uu yahay mid aan joogsan doonin, wuxuuna kaloo Sarkaalkaasi sheegay inay maxaabiis aad u tiro badan ay ku qabteen dagaalkii galabta iyo kii shalay ka dhacay deegaanadaas. Dagaal kale oo saaka Aroortii ka bilowday deegaanka Moode-moode ayaa wariyuhu ku soo waramayaa inay Ciidamada Dowladu ay gacanta ku dhigeen 7 gaawaarida dagaalka ah oo laga qabsaday Maxaakiimta , waxaana oo Wariyuhu uu goobahaas ku soo arkay baabuur tiro badan oo ay saraakiisha dowladu ay sheegeen inay ka gubeen dhanka maxaakiimta. Dagaalkaas ayaa galabta iskiis isaga qaboobay , Walow guusha ay ciidamada dowladu ay gaareen ay tahay mid iska cad , oo indhaha qofka booqdaa goobaha ay dagaalada ka socdaan uu dareemi karo, hadana waxaa loo maleeyaa ayuu leeyahay Wariyuhu in dowlada Federaalku ay ka gaabsanayso sheegashada guulaha ay gaareen . Maleeshiyada Maxaakimta ayaa awoodooda oo dhan isugu keenay maalmihii ugu danbeeyey deegaanka Mooda-moode oo ay dowladu kaga xoog-roonaatay maxaakiimta , waxaana maleeshiyada maxaakiimtu ay soo faaruqiyeen dhamaan deegaanka Bandiiradleeyey oo ay horay u joogeen ciidamo ay ugu talo-galeen inay kulaalaan deegaanada Puntland. Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka maxaakiimta ayaa galay maalintii labaad , waxaana hor-joogayaasha ugu sareeya maxaakiimta ay Saaka ka baqooleen magaalada Muqdisho, iyagoo aan si toosa u sheegin meesha uu socdaalkoodu ku aadan yahay , waxaase masuuliyiin kudhow Yuusuf Indho-cade iyo Xasan Daahir Aweys ay sheegayaan inay u amba-baxeen Magaalada Barakaysan ee Maka. Waxaana warar kale oo khilaafsan kuwaasi oo durba soo ifbaxaya ay sheegayaan inay u baqooleen dhanka dalka Ereteriya oo ay ka dhaxayso wada-shaqayn aad u balaaran. Wixii dagaaladan ka soo cusboonaada kala soco Puntlandpost.com Daabacaada: Puntlandpost.com
  8. ..Horn-Afrik/Shabbele are still saying there is fighting in dANUUNIYE, when the TFG is in Moode-Moode, what gives? source somaliweyn Here are pictures of the prisoners and TFG troops in Moode-Moode.. Dagaalada ka dhacay Moodo Moodo oo qaboobay islamarkaana ay ka dhacayaan xabado goos goos ah iyo warar kale Dagaalada saaka ka dhacay Moodo Moode ayaa waxaa lagu soo qabtay sadex ka tirsan Ciidamada Midowga Maxkamadaha Aweys Xasan Macallin oo ii sheegay in uu kasoo baxsaday Midowga Maxkamadaha isagoo sheegay in lasoo qasbay lagana soo waday Masjidka Salaama ee magaalada Muqdisho balse waxaa ka duwanaa Da'ud Cabdulaahi Axmed oo 19 jir ah ayaa ku adkaystay inuu u socday kana go'nayd inuu dagaalamo una dagaalamo Islaanimada uuna ku jihaadayo ciidamada Ethiopian-ka, Ilaahbaa wax dila waxna nooleeya qofna waxba igama qaadi karo ayuu carabkiisa ku adkeeyey. Sidoo kale waxaa isna dagaaladaasi lagu soo qabtay Aadan Cabdulaahi Maxamed, sidoo kale Md. Jeelle ayaa sheegay in ay dileen Sodomeeyo qofood oo uu ku sheegay inay ku jireen ciidamo Ajnabi ah. TFG troops in Moode-Moode TFG troops in Moode-Moode
  9. ^^^Nayruus dont make another claim you can not cash. Even the BBC/somali section reported dozen Clan Courts millitia corpses seen..Horn-Afrik is still saying there is fighting in dANUUNIYE, when the TFG is in Moode-Moode, what gives? source somaliweyn Here are pictures of the prisoners and TFG troops in Moode-Moode.. Dagaalada ka dhacay Moodo Moodo oo qaboobay islamarkaana ay ka dhacayaan xabado goos goos ah iyo warar kale Dagaalada saaka ka dhacay Moodo Moode ayaa waxaa lagu soo qabtay sadex ka tirsan Ciidamada Midowga Maxkamadaha Aweys Xasan Macallin oo ii sheegay in uu kasoo baxsaday Midowga Maxkamadaha isagoo sheegay in lasoo qasbay lagana soo waday Masjidka Salaama ee magaalada Muqdisho balse waxaa ka duwanaa Da'ud Cabdulaahi Axmed oo 19 jir ah ayaa ku adkaystay inuu u socday kana go'nayd inuu dagaalamo una dagaalamo Islaanimada uuna ku jihaadayo ciidamada Ethiopian-ka, Ilaahbaa wax dila waxna nooleeya qofna waxba igama qaadi karo ayuu carabkiisa ku adkeeyey. Sidoo kale waxaa isna dagaaladaasi lagu soo qabtay Aadan Cabdulaahi Maxamed, sidoo kale Md. Jeelle ayaa sheegay in ay dileen Sodomeeyo qofood oo uu ku sheegay inay ku jireen ciidamo Ajnabi ah. TFG troops in Moode-Moode TFG troops in Moode-Moode
  10. ^^^Means little to me what you think. The facts on the ground is that the battle was won by the TFG. Their claims have not been verified while the TFG's has been seen in the open with captured prisoners and 19 dead fighters in one location. Imagine the loss if they could not even take their soldiers remains?
  11. ^^^Saxib the point has been proven, if you need anyore then we wait for the news to filter through. It has been a bad day all round the TFg has now proved it is not so weak. As for Diinsoor and Buur. It is in TFG hands if their Moode-Moode strong hold has been over run.
  12. Mr Brown, you are indeed getting dizzy. here is the bit in full.. An Associated Press photographer saw 19 bodies of Islamic fighters in Moode Moode, a town 15km from the government garrison town of Baidoa, where fighting had taken place Wednesday. Three Islamic fighters were captured. Aweys Hassan Ma'alim, 25, said he had been forced to fight by the Islamic movement. Another, Adan Abdullahi Mohammed, said he wanted to fight Ethiopians and "die for the sake of God in holy war." Meanwhile Sheikh Ibrahim Shukri Abuu-Zeynab, a spokesperson for the Islamic movement, said it had captured Idale, a town 60km southwest of Baidoa and scene of fighting on Tuesday, killing 200 Ethiopian troops. The claim could not be verified Thus the claim of the Shiekh could not be verified the top part, has been verified..
  13. ^^^Mr brown source An Associated Press photographer saw 19 bodies of Islamic fighters in Moode Moode, a town nine miles from the government garrison town of Baidoa, where fighting had taken place Wednesday. Three Islamic fighters were captured. One, 25-year-old Aweys Hassan Ma'alim, said he had been forced to fight by the Islamic movement. Another, Adan Abdullahi Mohammed, said he wanted to fight Ethiopians and "die for the sake of Allah in jihad."
  14. Brown maybe this is the smoking gun you needed? Somalia goes to war... December 21 2006 at 07:10PM By Salad Duhul Mogadishu - Bodies lay in the streets and fighters pounded each other with heavy artillery and mortars for a third day Thursday as Somalia's Islamic leader announced the country was now at war, leaving a day-old peace initiative in tatters. The Ethiopian-backed interim government fought for control of strategic areas close to its base with fighters from the rival Islamic movement. The clashes threaten to spiral into a major conflict in this volatile region, sucking in Ethiopia and its bitter rival Eritrea. Analysts believe Ethiopia may soon raise the stakes by deploying attack helicopters in support of the government. An Associated Press photographer saw 19 bodies of Islamic fighters in Moode Moode, a town 15km from the government garrison town of Baidoa, where fighting had taken place Wednesday. Three Islamic fighters were captured. Aweys Hassan Ma'alim, 25, said he had been forced to fight by the Islamic movement. Another, Adan Abdullahi Mohammed, said he wanted to fight Ethiopians and "die for the sake of God in holy war." Meanwhile Sheikh Ibrahim Shukri Abuu-Zeynab, a spokesperson for the Islamic movement, said it had captured Idale, a town 60km southwest of Baidoa and scene of fighting on Tuesday, killing 200 Ethiopian troops. The claim could not be verified.
  15. The TFG is still hiding in Baidoa, those who came to get them have been routed. The fuel embargo has done its damage I guess. Rambo Xasan Turki and Cayrow have worked their magic. Nah, Yey is still in Baidoa and his troops are not so weak after all.
  16. Mantey wadadadi gabey ee ku washeen, ma istirahdeen?
  17. Brown the Clan Courts by all accounts have lost the latest battles. Their news media have not declared any victory and the TFG troops are in Bur and Diinsoor. Any major news reel will only report what the Somali's forward to them. One needs to read between the lines, if they could not captured Baidoa today will they be able in a few months when the TFG gets more wepons and support? The game is up.
  18. Gaalkacyo: Wafdigii maamulka Puntland oo dib ugu soo noqday gobolada Puntland. Khamiis, December 21, 2006 Gaalkacyo (AllPuntland)- Wafdi ka socda maamul goboledka Puntland oo dhowaanahaan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa saaka soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wafdigani uu hor kacayo madaxwaynaha DGPL ayaa waxa uu u gudbay magaalada Garoowe ee caasimadda DGPL. Wafdiga madaxwayne Cadde ayaa maalmo waxa ay ku sugnaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyaga oo kulamo la qaatay madaxda dawladda Soomaaliya. Madaxwayne Cadde iyo wafdigiisa oo la filayay in ay magaalada Baydhabo ka soo ambabaxaan maalinnimadii shalay ayaa waxaa ku yimid dib u dhac ka gadaal markii ay kulamo la qaateen wafdigii ka socday midawga Yurub. Wasiirka war faafinta dawlad goboleedka Puntland ayaa waxa uu dhowaan inoo sheegay in wafdigaasi ay ku soo guulaysteen dhamaan wax yaabihii ay u tageen, iyo kulamadi ay la soo qaateen madaxda dawladda Soomaaliya. Mahad Jama Koronto AllPuntland Related Articles
  19. GAROOWE : Cadde iyo Wafdigiisa oo goordhawayd soo gaaray Garoowe kana warbixiyay xaalada dagaal ee Baydhabo Posted to the Web Dec 21, 10:09 Garoowe:-Cadde Muuse M/waynaha Puntland iyo wafdi u hogaaminayo oo 2-dii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa maanta soo gaaray magaalo-madaxda Puntland ee Garoowe , markii uu M/waynuhu soo gaaray xarunta Madaxtooyada Puntland ayuu wuxuu ka warbixiyay xaalada dagaal ee iminka ka socda deegaamada Iidaale iyo daynuunay wuxuuna sheegay in si wayn loogu jabiyo Ciidanka Maxaakiimta. Cadde Muuse wuxuu sheegay in Ciidanka Maxaakiimta laga dilay 75 qof lagana dhaawacay 125 baabuur dagaal oo 30 ahna waxna laga gubay waxna laga qabsaday iminkana uu dagaal culus uu socdo. Wuxuu kaloo sheegay in dagaalka maanta lagu dilay 2 Nin oo dhaqaatiir ah oo mid ka mid ah uu u dhashay dalka Pakistan midna uu Somali yahay oo uu dhashay Col . Maxamed Cumar Jees. Maxamed Cali Yuusuf (gaagaab) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa isagu sheegay in safka hore ee dagaalka ay ku jiraan in ka badan 6,000 oo askari oo ajnabi ah oo tababaran waa siduu hadalka u dhigaye , hase ahaatee ay laga adkaan doono. Waxaa xusidmudan M/waynaha iyo Wafdigiisaba aysan wax warbixin ah oo intaas dheer aysan ka hadlin iyadoo beryahaan la isla dhexmaray in safarka Cadde Muuse iyo Wafdigiisa uu la xiriiro khilaaf dhanka Macndata ah oo dhexmaray Raysalwasaare Geedi iyo Cadde Muuse. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpost.com
  20. Maxkamadaha oo Magaalada Muqdisho ka billaabay Olole dadka xoog dhiig looga shubanayo. Iyadoo uu jiro khasaare aad u baahsanoo maxakimta islaamiga sheegta ee muqdisho kasoo gaaray dagallo shalay iyo xalay ay la galeen ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ayaa haatan waxa magaalada Muqdisho oo ah xaruntooda uguweyn ay ka billaabeen olole aad u ballaran oo ay ku qabqabanayaan dadka oo xoog dhiig looga shubanayo. Arrintan ayaa xalay bilaabatay,lakin manta ayaa si weyn looga dareemay magaalada,waxaana wariye ka tirsan shabakadan uu la kulmay ilaa iyo 3 ruux oo si qasab ah lagu waday isla markaana dhiig loogasoo shubay isbitaalka garka ah ee maxakimtu ku leeyihiin agagaarka warshadii hore ee baastada. Howlgalkan dhiigga qasabka ah dadka looga shubanayo ayaa ku soo beegmay,maalin kaddib markii khasarihii ugu ba'naa uu maxaakimta Islamiga sheegta kasoo garay dagaallo ay la galeen ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan qeybo ka mid gobalka Bay. Dhanka kale isu socodka magaalada Muqdisho ayaa aad hoos ugu dhacay,sababo la xiriira dadka oo ka baqoqaaday inla qafaalo oo dhiig aanay raalli ka ahayn laga shubo. Arrintan ayaan ku cusbayn magaalada Waxana tan oo kale horay loo dareemay xilligii Uu Gen caydiid la dagaalamayay ciidankii UNISOM ee joogay dalka Soomaliya 90-aaadkii. Yaasin Digool. Shabakada Carmooyin.com
  21. ^^^They know it wont, though Baidoa is strategic town and this latest conflict proves the advantage it has to the TFG..
  22. Maxkamadaha oo arday yaryar ku soo daadguraynaya goobaha dagaalka Last Updated::2006-12-21 19:33:38 Muqdisho:- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho oo xarun u ah maxkamadaha midoobey ayaa sheegaya in maamulkaasi uu go'aan ku gaarey in gebi ahaanba la joojiyey imtixaankii teeramka ee dugsiyadii waxbarashada iyadoo ardayda oo badankoodu ay da'doodu ka yar yihiin labaatan sano lagu amray in ay dagaalka galaan, dagaalkaas oo maxkamadaha iyo dawladda federaalka ku dhex maraya gobolka Baay. Warar haatan ka hor soo baxay ayaa xaqiijiyey in dugsiyo fara badan albaabada loo xiray si ardaydu ay dagaalka u galaan, waxana ardaydaas oo aan lahayn da'ay dagaal ku galaan iyo khidbad dagaal toonna haatan la keenayo jiidaha hore ee dagaalka. Marka la eego sharciyada caalamiga ah waa mamnuuc in carruur askar laga dhigto amaba dagaal la geliyo hase yeeshee horboodayaasha maxkamaduhu waxay ardayda u shegeen in ay jannada gelayaan haddii ay dagaalka galaan. HorseedNet.com
  23. Bay iyo Bakool: Dawladda oo sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta degmooyinka Buur hakaba iyo Diinsoor. Bay iyo Bakool (Carmooyin)- Dagaallo aad u kharaar ayaa waxa ay ka soconayaan agagaarka deegaanada Diinsoor iyo Buurhakaba. Dagaaladaasi oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa laga soo sheegayaa in uu gaystay khasaare aad u ballaaran. Afaheen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Deeq C/qaadir ayaa waxa uu sheegay in dagaal maanta ka dhacay degmada Diinsoor ay kula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi. Waxay sidoo kale xukuumadda dawladda Soomaaliya sheegtay in dagaal ay malayshiyooyinka maxkamadaha magaalada Muqdisho ku la galeen deegaanka Buurhakaba ay guulo ka soo hooyeen. Xildhibaan Xasan isxaaq Yacqub oo ka tirsan golaha baarlamaanka dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu cadeeyay Shabakadda Warbaahinta Ee Carmooyin in uu ku sugan yahay deegaanka Buurhakaba oo ay dawladdu gacanat ku hayso. Waxa ay maxkamadaha magaalada Muqdisho cadeeyeen in ay sii wadi doonaan dagaalkaasi, ayna ku khasaare soo gaarsiiyeen ciidamadii ka soo horjeeday. Mar aynu la xiriirnay qaar ka mid ah dadka deegaanka ee degmada Diinsoor ayaa waxa ay inoo xaqijiyeen in uu jiro dagaal magaalada ku dhex maray ciidamada dawladda iyo kuwa maxkamadaha magaalada Muqdisho. Faarax C/qaadir Max'ed Xaafiiska Soomaaliya