General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. the clan courts technical left behind clan court supporters leave vehicle ]a damaged clan court technical left behind
  2. the clans technical left behind clan court supporters leave vehicle
  3. Ciidamada Dowlada Federaalka kmg ee Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamo Ethiopian ah ayaa gacanta ku dhigay iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin Degmooyinka Buurhakaba iyo Diinsoor oo kawada Tirsan Gobolka Bay iyadoo shacabkii halkaasi loogu tagayna ay u sacaba tumayeen Ciidamada Dowlada Fkmg. Magaalada Burhakaba oo aan tagay ayaan kusoo arkay ilaa 4gaari oo kuwa dagaalka ah iyo afar baabuur oo kuwa yar yarka ah oo la ii sheegay inay ka tageen Ciidamada Maxkamadaha waxaana lagu wareejiyey Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle walow gaadiidkaasi qaarkood laga furtay waxyaalihii lagala bixi karay. Intii aan sii soconay jidka ka baxa magaalada Baydhabo ilaa degmada Buurhakaba ayaan waxaan ku arkay ilaa shan goobood oo ay dagaalo ka dhaceen waxayna ka bilaabanaysay markaan tagnay Moodo moode waxaana halkaasi ku aragnay gumacyada iyo qolofta rasaasta kala duwan ee la isku weydaarsanayey iyo raashin meelahaasi buuxay oo ay kakala tageen labada dhinac. Waxaan kaloo halkaasi ku aragnay laba gaari la gubay waxaan kaloo aragnay meydad, isla markaana dadka deegaanka lagu wargiliyey inay duugaan waajibna tahay in la asturo meydka. Markaanu galnay Degmada Buurhakaba ayaa waxaa iridka laga galo tubnaa dadweyne tiro badan oo ku dhawaaqayey soo dhawaada, waxaan gudaha u galnay degmada Buur iyadoo aay ka muuqatay waxoogaa cidla ah iyadoo dadkuna ay kusoo noqonayeen haweeney magaceeda iigu sheegtay Xaawo Maxamed ayaa ii xaqiijisay inay ka carareen oo ka qaxeen isla markaana ay la joogi waayeen Dananka Madaafiicda iyada iyo ilmaheedana ay isaga baxeen magaalada. Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadweyne Tiro badan wuxuuna u sheegay in laga bilaabo caawa magaalada lagu soo rogay baandoow isla markaana aan la socon karin inta u dhaxaysa 7:00fiidnimo ilaa 6:00maqribnimo sidoo kale wasiirka ayaa u sheegay dadweynaha in ganacsiga uu xor yahay lagana ganacsan karo wixii aan diinta waxba u dhimayn. Sidoo kale wasiirka ayaa dadweynaha ku wargaliyey in wax alaale wixii maamul ahaa lagu wareejin doono maamulkii degmada ee horey u jiray wuxuuna u sheegay inuu la joogi doono isaga inta magaalada xasiloonida lagu soo celinayo. Dagaalada dhankan ayaa waxaa dadweynaha sheegayaan in uu kasoconayo Leego iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwo Ethiopianka ay usii gudbayeen dhanka iyo Leego iyagoo watay qoryo culus iyo quryo fudud. dhanka kale afhayeenka dowlada fkmg ee Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/raxamaan Diinaari ayaa saxaafada u sheegay inay gacanta ku dhigeen degmada Diinsoor iyadoo haba yaraatee wax dagaal ah aysan ka dhicin waxaana haatan ay gacanta ugu jirtaa ciidamada Dowlada.
  4. Buurhakaba, Diinsoor, Balidoogle iyo Dhuusamareeb oo ay saaka la wareegeen ciidamada Dawlada KMG ah Posted to the MOL December 26, 2006, 7:17 am Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya dagaalka u dhaxeeya ciidamada dawlada KMG ah iyo maleeshiyada Maxkamadaha ayaa sheegaya in ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya ay maanta la wareegeen magaalda Dhuusa mareeb iyadoo aysan wax dagaal ah ka dhicin ka dib markii maleeshiyadii maxkamaduhu kala firxadeen. Wararka ayaa intaas ku daraya in odayaasha gobolka Galgaduud ay joojiyeen in wax dagaal ah oo dhiig dambe oo Somali ah ku daato deegaanada gobolada dhexe iyadoo ciidanka dawladu si nabad galyo ah ku soo galeen magaalada. Dhinaca Gobolka Baay ayaa saaka si lama filaan ah waxaa hal mar ka baxay maleeshiyadii maxkamadaha. Magaalooyinka Buurhakaba, Doonsoor iyo garoonka Balidoogle ayaa hadda gacanta dawlada ku jira. Magaalada Buulebarde oo Jawhar oo aan sidaas uga fogyn ayay sidoo kale baneeyeen maleeshiyada Maxkamaduhu. Dawlada KMG ah ayaa u balan qaaday maleeshiyada maxkamadaha haddii ay isdhiibaan in tababar ciidan la siin doono ayna ka mid noqon doonaan xooga dalka Somaliya. Guusha degdegta ah ee ay gaartay dawlada KMG ah ayaa illaahay ka sakow waxaa qayb ka ah ciidamo ka socdo Puntland, gobolka shabeelada Dhaxe, Hiiraan iyo waliba qaar ka mida ciidamada Itoobiya. Maxkamadaha ayaa muddo sannad ku dhow diiday inay heshiis la galaan dowlada oo ay ka mid noqdaan iyagoo isku halaynayay inay cudud ciidan kaga taqalusaan dawlada. Maxkamadaha Muqdisho ayaa u muuqda in illaahay garabkoodii ka baxay sida dhaqsaha leh ee ciidankii ay ku faani jireen u wiiqmay. Mudugoline.com
  5. Dhusamareb oo lala waregay 26 Dec 26, 2006, 08:03 Ciidamo taabacsan dowladda Federalka KMG ah ee Somalia iyo kuwo Ethiopia ah ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Diinsooor ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo aan wax dagaal ah aanu ka dhicin kadib markii xalay Maliishiyada Maxkamaddaha Islaamiga isaga soo baxeen. Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Maxkamaddaha Islaamiga ee halkaasi ku sugnaa ay u soo dhaqaaqeen dhinaca degmada Ceel Buur ee isla gobolka Galgaduud, halkaasoo ay uga soo gudbi doonaan dhinaca magaalada Muqdisho. Waa magaaladii sadaxaad ee ciidamada Maxkamaddaha Islaamiga lagala wareego tan iyo markii ay bilowdeen dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada Maxkamaddaha iyo kuwa Ethiopia oo ka barbar dagaalamaya kooxo Soomaali. Cali Muxayadiin Cali,GO
  6. Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa dil foolxun loogu geystey Magaaladda Kismaayo Mas'uulkii SHirkadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airlines. Last Updated::2006-12-26 20:36:57 Rabbi Janadii haka waraabiyee waxaa meydkiisa laga heley meel u dhaw xeebta Kismaayo Mas'uulkii Shirkadda Duulimaadka ee Jabuuti Xafiiskeeda Soomaaliya Cismaan Maxamuud Cismaan (Dhegaweyne). Cismaan Dhegaweyne ayaa u tegey Magaaladda Kismaayo si uu uga furo xafiis ay leedahay shirkadda Duulimaadka ee Jabuuti, kadib waxaa kala haray diyaaraddii uu saarnaa malayshiyo ka tirsan maxaakiimta Kismaayo, waxayna sheegeen in ay arkeen ninkaan oo la sawiran hadda ka hor Madaxweyha Puntland Cadde Muuse!!. Dilkaan ayaa ahaa mid aad u foolxun loona isticmaalay gawrac laga gawracay dhuunta loogana tegey meel cidla ah. Arintan ayaa waxay aad uga yaabisey mujtamaca Soomaaliyeed taas oo ku tusinaysa Burcadnimadda iyo sida ay dhiiga shacabka ugu qubaysanayaan Malayshiyaadka ka tirsan Maxaakiimta Islaamka waxa loogu yeedho. Waxaan ilaah uga baryeynaa CIsmaan in uu ka waraabiyo janaddii Firdowsa, waxaana diley gacan ka xaqdaran. Cismaan Maxamuud Cismaan waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon aadna looga jecel yahay guud ahaan geyiga Puntland, waxaana uu ahaa koox weriyaal ah oo lagu bilaabey idaacadda SBC sanadkii 2001dii, kadib waxa uu noqdey xoghaynta Madaxweynaha DGPL, isaga oo markii danbe ka tegey shaqadaas noqdeyna ganacsade isaga oo mas'uul ka noqdey shirkadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airlines, Rabbi ha unaxariistee waxa uu ifka kaga tegey 3 caruur ah iyo hal Xaas. Horsednet.Com Print This Page
  7. ^^^Saxib, you are either ignorant or pretending to be, if there are Xabashi being welcomed in Guriceel by elders, [which is not the case] then you have no leg to stand on as you are no more nationalist than the elders of Guriceel, Dhusa-Mareb, Cadaado.
  8. Shiikh Shariif oo eed dusha ka ga tuuray Shiikh Yuusuf Indhacade iyo Shii kh Adan Cayrun, Dec26.2006 Radio Free Somalia (RFS) Waxaa isa soo taraya warar beryahanba laysla dhex marayay oo sheegaya in uu khilaaf xoogan ka dhex jiro hogaanka sare ee maxkamadaha , khilaafkaa oo salka ku haya kala qaybsanaan ay mas,uuliyiinta u kala qaybsan yihiin laba koox oo lakala baxay Shuurada iyo Shabaabka. Shiikh Shariif iyo Shiikh Ibraahin Caddow oo beryahanba ka careysnaa hab dhaqameedka ay kula dhaqmayeen , raga kale ee ay howsha ka dhexeyso , sida Aflagaadooyin loo gaystay , oo ay ka mid ahaayeen iyagoo dood ciriiri lagu geliyay shir ay u matalayeen Maxkadaha oo lagu kala qabtay dalalka Sudan, Jabuuti iyo Yemen laguna eedeeyay in aysan shir ka muujin cadka ay Maxkamadaha ku lahaayeen, tan labaad iyagoo lagu eedeeyay iney xiriiro qarsoodi la sameeyeen Wasiiro Itoobiyan ah . Iyadoo ay beryahanba soo ifbaxayeen khilaafyadaa ayaa Waxaa dhacday in Shiikh Fu'aad oo ka mid ah Mas,uuliyiinta Maxkamadaha Qaybta Shabaabka , una qaabilsan dhanka waxbarashada Maxaakimta , ayaa masjid dhexdii ka yiri Waa "GAALO" dadkii ka qaybgalay shirarkii Sudan ee koowaad iyo labaad ku wii ka socday dhanka dowlada iyo dhanka Maxkamadahaba, isagoo ula jeeday Shiikh Ibrahim Cadow oo maxaakinta wakiilkoodii ahaa. Waxaa dhacay oo kale in Shiikh Shariif lagu qabsaday warbixin qoraal ama cajalad inuu ka keeno kulankii isaga iyo Cali Cabdala waxa ay ku wada hadleen , goor ay galeen shir albaabada u xiran. Iyadoo uu khilaafkaa uu sii kordhayay ayaa waxaa kale uu khilaaf weyn soo kala dhexgalay aBu Cuteyba iyo Addan Cayrow oo isaga hor yimi , wiil ladilay oo ay isku hayb ahaayeen Abu cuteyba kan falka dilka gaystayna ay isku hayb ahaayeen Adan Cayrow , dabadeedna loo dhoofiyay dalka Kenya , sidaana uu Abu cuteyba ku carooday oo uu ku hanjabay hadaan gacan ku dhiiglaha dalka lagu soo celin arintu iney meel xun gaareyso. Waxaa kaloo hadana iska hor yimi Shiikh Yuusuf Indhacade iyo Cabdirahman Muudey oo ahaa Afhayeen Maxkamadaha , khlaafka oo ahaa dagaalo uu iclaamiyay Shikh Indhacade ayuu yiri waxba kama jiraan hadaladii Indhacade oo wax aanu dagaal galeyno may jirto oo dadka baa qalad u fahmay,Shiikh Yuusu Indhacade oo arintaa ka rooday ayaa yiri ama ku hanjabay inaad iska dhahay hadlkaa iyo inkale waad arki doonta goorta ay dhamaato 7 casho ee aan iclaamiyay. Khilaaf fara badan oo soo kala dhex galay dabadeed aya waxaa gogol loo fariistay in laxaliyo khilaafkaa , iyadoo dadka wada fariistay ay ahaayeen Gudiga Shuurada iyo Gudiga Shabaabka , waxaan shirgudoon u ahaa Shiikh Abuukar Cumar Cadaan, nasiib daro waxaa dhacday in uu Yuusuf Indhacade goobta ka istaagay yirina wax aan ku doodna meesha ma yayaalin waxaan idiin balan qaadayaa in meeshaba aan ka saaro waxaa dooda keenay oo ah " Dowlada Fadhiika ah ee Fadhida Baydhaba" waxaan kaga dhacayaa dabada oo waxaan ka dhigayaa dowlad qaxooti ah , waxaa ku celinayaa Godey iyo Garoowe, ee shirka hala inoo xiro Nasiib daro maysan dhicin sidii uu u xisaabtamay Shiikh Yuusuf Indhacade oo waxaa dhacay in isaga ciidankiisii dabada lagaga soo dhacay , uuna dalkii galay Muqdi iyo colaad hor leh oo aan la garanayn halka ay ku dhamaan doonaan Muse Kulow
  9. Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Shabee laha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb " Maxamed Dhe ere" ooQabsay garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar oo ujira magaalada 15KM
  10. Saxib the TFG is leass than 100km each side from Mogadishu..
  11. Cadaado: Degmada Cadaado oo dhowaan maamul loo samaynayo, iyo xaaladda degmada cadaado oo sidii caadiga ahayd ku soo noqotay. Talaado, December 26, 2006 Cadaado (AllPuntland)- Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta waxa ka dhacay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen wax garadka magaalada iyo mas`uuliyin ka socota xukuumadda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland. C/risaaq Sh, Cismaan (Cali Baadiye) oo ah agaasimaha nabad sugidda ee maamulka Puntland wakiilna ka ahaa wafdi ka socda Puntland ayaa waxa uu kulan dheer la qaatay odoyaasha beesha reer xaaji Saleebaan, isaga oo kala hadalay arrimo kala duwan. Mudane Cali Baadiye ayaa waxa uu ugu baaqay odoyaasha deegaanka in ay samaystaan maamul wada hawsha degamda, kaasoo hoos yimaada xukuumadda federaalka Soomaaliya. Salaadiinta iyo wax garadka magaalada ayaa waxa ay sheegen in ay diyaar u yihin in ay samaystaan maamul ayna u baahan yihin in ay gacan ka helaan xukuumadda Puntland. Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale looga wada hadlay sidii loo wada adknayn lahaa amaanka magaalada Cadaado, oo dhowaan laga saaray ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho. Dhanka kale xaaladda magaalada Cadaado ayaa waxa ay ahayd mid ku soo noqotay sidii caadiga ahayd. Socdaal aan ku tagay degmada Cadaado ayaa waxa iiga muuqatay in degmada aysan wax saamayn ah ku yeelay dagaaladii dhowaanahaan dhex marayay ciidamada Puntland iyo kuwa K/Mudug iyo malayshiyooyinka maxkamadaha magaalada Muqdsiho. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la sheekaaystay ayaa waxa ay ii sheegeen in intii ay ku sugnaayeen magaalada malayshiyooyinka maxkamadaha ay la kulmen cadaadis iyo cabsi galin wayn. Dadka ayaa waxa ay u muuqdeen in ay ku faraxsanayeen imaatinka ciidamada Puntland iyo ciidamada federaalka ee degmadaasi. Waxa ay indhahaygu qabanayeen dad badan oo magaalada dib ugu soo noqonaya, kuwaasoo la ii sheegay in ay magaalada ka baxeen marki ay maxkamaduhu qabsadeen. Dhalinyaro fara badan oo magaalada ku sugnayd ayaa waxa ay ii sheegeen in markii ay maxkamaduhu magaalada qabsadeen ay u carareen baadiyaha, iyaga oo ka cabsi qaba in maxkamaduhu ay si xog ah ciidamada ugu daraan. Isku soo wada duuboo odoyaasha iyo wax garadka degmada ayaa waxa ay haatan doonayaan in ay magaalada u sameeyeen maamul si toos ah u hoos imaanaya maamulka federaalka Soomaaliya. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  12. 200 Boqol oo katirsanaa Ciidamadii Maxakada Al-Furqaan ayaa isku dhiibay Wax garad Kasoojeeda Beesha.... iyada oo lagu wareejin doona saacadaha soo socda Ciidamo uu horkacayo Col Cabdi Xasan Cawaale. Hobyonet. Muqdisho. Talaado, Dec 26, 2006 Ciidamada Maxaakiimta ayaa Shalay Ku kala faataxaystay kadib markii looga adkaaday magaalada galinsoor dagaal ay isaga hor yimaadeen Ciidamo oo horkacayo Col Cabdi Xasan Cawaale & kuwa Puntland. Ciidamada Kasoo jeeday Beesha Duduble ayaa isaga dhaqaajiyay iyaga oo afka saaray dhulka hawdka ah ee ay kasoo jeedaan Halka Maxkmada Al-furqaan oo uu horkacayo Taliyaha Ciidamada jiida hore uu isku dhiibay Cafisna uu waydiistay Waxgaradka Beesha uu ka dhashay. Ciidamadaam isku soo dhiibay waxgaradka ayaa wata 12 Gawaarida dagaalka ah & gaariyaal Xamuul ah iyada oo la baadi goobayo Gudoomiyihii Maxkamada Al-Furqaan C/qaadir Bare oo aan la aqoon halka uu jaan & cirib dhigay. Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay Habdhaqanka ciidamada Col Cabdi Xasan Cawaale iyada oo dib loofuray goobihii ganacsi ee deegaanka Galinsoor,Bandiiradleey & Sadax higlay. Xasan Yare GalMudug State Somaliya
  13. Col Cabdi Xasan Cawaale & Col Carays oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusa mareeb xili uu soo afjarmay Dagaalkii Maxaakiimta & Ciidamada uu Horkacayo Col Qaybdiid. Hobyonet. Muqdisho. Talaado, Dec 26, 2006 Dadweyne Farabadan ayaa isugu soo baxay barxada weyn ee magaalada dhuusa mareeb xili ay si fudud ula wareegeen Ciidamada isbahaysiga Mudug & Xoogaga itoobiyaanka ah. Dadka reer dhuusa mareeb oo u badnaa dad haysta dariiqa Ahlusuna waljameeca ayaa aad u taageeray habdhaqanka ciidamada Col Cabdi Xasan cawaale isaga oo u sheegay in ay isku dad yihiin loona baahan yahay in laga shaqeeyo nabada& daganaanshaha shacabka daga Mudug & Galgaduud. Waxgarad & Culumada dhuusamareeb ayaa soo dhaweeyay arinta Col Qaybdiid iyaga oo Hoosta ka xariiqay in la ilaalsha walaalnimada & Wadanoolaanshaha shacabka Soomaaliyeed meel walba uu joogo. Midawaga Maxaakiimta ayaa isaga Huleelay deeganada Gobalada dhexe ee soomaaliya Xili ay ku nafwaayeen dad gaaraya 300 oo qofood oo ka mid ah maleeshiyaadka Maxaakiimta Soomaaliyeed. Xasan Yare GalMudug State Somaliya HobyoNet.Com
  14. Sharif Ahmed is allowed to speak after they heard the big man Mohamed Dheere has returned to Middle Shabbele. The North Mogadishu-Jowhar clans are high with anticipation. Thus to quite the situation down Xasan Dahir allows his man Sharif Ahmed to speak. The TFG troops are on their way to Jowhar.
  15. ^^Where are these people you speak of, are you on something, there is no one fighting for the clan courts even in the areas they control let alone Puntland/ Bay and bakool. Sxaib you have been proven wrong, if the Somali people wher against the TFG they would not hav egained an inch, thus all this shouting is doing you no good, no one is listening to the fake sermons and new bursts of nationalisam from those whp burned the flag.
  16. locals welcome their troops the big man deputy defence minister Jelle scars of war
  17. Degmada Buurhakaba iyo Diinsoor oo gacanta u gashay Ciidamada Dowlada..... TFG troops role in technical abandoned by clan courts destroyed vehicle brave national soldiers
  18. SF, because of clanistic ego, the clan courts being absed on clan politics would like to message the ego of their followers, thus the TFG, a mere Somali entity can not in their twisted mind destroy them.
  19. ^^^Credibility? all my predictions have coem true while yours are nothing more than the dillusions of a confused person.
  20. ^^^Another comedian, what happened to being close to Baidoa, why the run all the way to Mogadishu and surrendering of towns? The brave clan courts could not last 7 days huh. Your comments on al-jazeera sound like Baghdad bob, "they are not here", the TFG is here saxib. Jowhar is in play already.