
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Moulid Macaane Who has more supporters than MOULID MACANE?
-
Peacenow, there are opposition to everything, no population agrees 100%. Thus the idea that all of Mogadishu is against the TFG is ludicrous. The majority, I repeat in the country as well as the capital are for the TFG and the new Somalia.
-
NO, becuase these people aren’t people who are well-informed that is why. And they will shift sides easily and will support whoever pleases them. Indeed now they choose to support the TFG. Saxib the public as a majority are against your little group. Try as you may to hold the people back, the Somali wants a national government, passport to travel, services and a new life.
-
Historic speech by Abdullahi Yusuf in Afgooye!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
The link is up again. source -
^^^lol. The first pic, is from the PM meeting with the "opposition" MP's and the other pics is of the troops in the streets with the public going about their business.
-
Mystic, the TFG will not move in a few days nor should they jepordise the safety of any of their leaders. There will be a phased move, the troops first, disarmamanet, and certain operations to clean up any cells left behind by the courts..
-
More pics of the TFG troops inside Mogadishu
-
Pics from the city. TFG officer speaking to the public TFG troops, in a cross section
-
Mystic new pics from Mogadishu. PM Geedi has met up with the few MP's who used to support Sharif Xasan & Courts.. Ra'iisul wasaarha dowlada fadaraalka KMG somaliyeed prof: cali maxamed Geeddi ookulan albaabadu u xiran yihiin kula yeesha hotel Global ee magaalada Muqdisho xildhibaannadii baarlamaanka ee Muqdisho ku sugnaa ka hor intii aanay dowladu soo degin
-
^^^A day old, no confusion saxib, the TFG is in control of Mogadishu and right now is marching towards the last city out of its hands Kismayu.. As for facts of what Somali's feel. here is the view of http://www.baraawepost.com/ just look at who's pictures they have Xasan Dahir/Sharif Ahmed IndaCade of President Yusuf's?
-
^^^It was in response to the single tire burning pic from the second day. Most of the otehr pictures are recent, the TFG visiting the post and airport.
-
^^^Who is we? No one has invaded anyone, the TFG has reclaimed the country after two years of waiting and after coming under attack. You know who started this war, who brought and invited foreigners to Mogadishu? No more weak government, and no more invincible clan groups any where.
-
^^^I intend to report the news, you on the other hand are all about symantics.
-
Cadaado: President Cade Muse holds talks with elders..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cadaado : Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud. Axad, December 31, 2006 Cadaado (AllPuntland)- Madaxawayanaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Jen, Cadde) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta kormeer waxa uu ku tagay deegaanno ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgadud. Madaxwayne Cadde oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta Puntland Dr, C.raxmaan Maxamuud Bankax, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Puntland Faarax Cabdi Doolshe, Dr, Maxamed Jamac Salaad, Dr, C/raxmaan Shuuke, Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Col. C/laahi Cali Mire Carays, Ganacsato, Odoyaal, Saxaafadda iyo siyaasiyiin aad u fara badan ayaa waxa ay kulamo kala duwan la soo qaaten odoyaasha deegaanada Cadaado iyo Galinsoor. Madaxwaynaha ayaa waxa uu duleedka degmada Cadaado si gaar ah kulan ula qaatay saraakiisha ciidamada Puntland, isaga oo ka dhagaystay warbixino ku aadan xaaladda ciidamada. Madaxwaynaha ayaa waxa uu salaan ka qaatay saraakiisha iyo ciidamada Puntland ee ku sugan duleedka degamada Cadado ee gobolka Galgaduud. Wafdigii madaxwaynaha ayaa waxa ay u gudbeen degmada Cadaado, halkaasoo ay kulamo kula qaateen wax garadka degmada Cadaado, waxaana ay kala hadlen sidii maamul loogu samayn lahaa degmada Cadaado iyo sidii ay ciidamada ula shaqayn lahaayeen. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa wax uu la kulmay odoyaasha degmada Galinsoor ee ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu kala hadlay arrimaha amaanka iyo iskaashiga. Guud ahaan wax garadkii uu madaxwaynuhu la kulamay ayaa waxa ay u jeediyeen maamul goboleedka Puntland in ay taageero bani`aadan tinimo iyo mid walaal nimo u fidiiyaan, waxana ay sheegeen in ay taageersan yihiin ciidamada iyo maamulka Puntland. Isku soo wada duuboo madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kala kulmeen deegaanadii ay booqdeen soo dhoweyn heer sare ah. Mahad Jama Koronto AllPuntland Masawiro Kaloo safar kaan aan ka qaadnay la soco -
Cadaado: President Cade Muse holds talks with elders..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland oo gaadhay degmada cadaado ee gobolka galguduud Warkii 31-Dec-2006 iyo Qormadii: Axmed c/laahi Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland gen: cade muuse ayaa gaadhay maanta magaalada caadado oo ay had si rasmya uga taliyaan maamul goboleedka Puntland Oo kala wareegay midawgii maxaakiimta islaamiga ah.. Madax waynaha ayaa markii uu gaadhay degmada cadaado wax uu kulan dedega la yeeshay oday dhaqameed yada magaalada iyo wax garadka kale ee jooga halkaa oo ay kawada hadleen sidii maamul loogu samayn lahaa magaalda .. Madaxwaynuhu markii uu shirkiisii uu dhmaystay wax uu dib ugu soo laabtay magaalda Gaalkacayo oo markii hore katagay isaga oo uu waheliyo wasiirka warfaafinta mudane bankax afnugaalnews Axmed c/laahi Binow1@hotmail.com info@afnugaal.com -
Kismayu: Ulema tell courts spare Kismayu as you have Mogadishu..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Waxgaradka iyo culuma'uddiinka kale ee degmad Kismaayo ayaa ka codsaday Maxkamadaha Islaamiga Somaliyed in ay badbaadiyaan shacabka sida ay u badbaadiyeen dadka Muqdisho oo kale, inkastoo ay madaxda Maxkamdaha ay ku dhega adeygeen codsiyadaas. -
Maxakimta oo JIlib ka baxey 31 Dec 31, 2006, 03:06 Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamadii maxkamadaha Islaamiga ay isaga baxeen xalay waaberigii iyadoo isla saakayna ay halkaasi gaareen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaan oo ku hubeysan gaadiidka kala duwan ee dagaalka. Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia halkaasi si diiran loogu soo dhoweyay iyadoo ciidamadii Maxkamadaha ay isku arursanayan Kismayo, Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ee gobolada Jubbooyinka Sh. Axmed Islaam ayaa sheegey in ay la dagaalami doonaan xoogaga ku soo socad. Waxgaradka iyo culuma'uddiinka kale ee degmad Kismaayo ayaa ka codsaday Maxkamadaha Islaamiga Somaliyed in ay badbaadiyaan shacabka sida ay u badbaadiyeen dadka Muqdisho oo kale, inkastoo ay madaxda Maxkamdaha ay ku dhega adeygeen codsiyadaas. Cali Muxayadiin Cali,GO
-
Qorista Ciidamadii Hore Oo Ka Socota Muqdisho Waxaa si xowli ah magaalada Muqdisho ugu socda isdiiwaan gelin ay sameynayaan ciidamadii hore ee qalabka siday, iyadoo ciidamadaasi ay ka kooban yihiin dhowr qeybood, waxaana kusoo aruuraya halka isdiiwaan gelinta ka socoto ciidamo aad u fara badan, kuwaasoo u diyaar ah iney ku biiraan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Isdiiwaan gelintan ciidamada qalabka sida ayaa waxay ka socotaa Hotelkii hore ee Towfiiq ee magaalada Muqdisho, waxaana howshaasi isdiiwaan gelinta ah wada qaar ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliya, oo iyagu saxaafadda u sheegay iney dowladda la og tahay iney diiwaan geliyaan ciidamadii hore ee Soomaaliya. Ciidamadii hore ee xooga dalka oo in mudo ah howlgelin ayaa haatan u muuqda kuwo garab ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna diyaar u ah iney daafacaan oo la shaqeeyaan dowladda KMG ah, waxayna arintani soo dedejineysaa in dowladdu awood ballaaran u sii lahaato xasilinta dalka iyo daafaciisa. Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe
-
Earlier pics on the same day as the demo.
-
^^^The elders, leaders, and activits from every clan have met with the TFG leadership both in Afgoyee and Mogadishu to iron out the differences and chart a course for the capital. One of the main arguments of the opposition was that the TFG did not operate in Mogadishu, they claimed that the government did not want to relocate to Mogadishu. That argument is now over.
-
-
The TFG visiting the port.
-
^^^ Roughly Same time, that was organised by the supporters of the courts.. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta markii sedexaad soo gaaray magaalada Muqdisho booqashona ku tagay Garoonka Diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Jamhuuriyada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo socod dhulka ah kusoo galay mudo 24saacadoodna ku sugnaa gobolka Sh/hoose gaar ahaan magaalada Afgooye halkaasi oo uu kulamo kula qaatay Culuma'udiinka ahlu suna' wal jamaaca, Siyaasiin, Dhalinyaro, Suldaano, haweenka iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada Rayidka. Ra'iisul wasaare Geedi ayaa safarkiisa dhulka waxa ku wehliyey Ra'iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid, wasiirka Isboortiga Md. Mowliid Macaani Maxamuud iyo qaar kale oo ka tirsan labada gole. Ra'iisul Wasaaraha ayaa u kuur galay xaalada garoonka diyaaradaha iyo Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho waxaana halkaasi ka socotay howlihii caadiga ahaa iyadoo markab weyn laga dajinayey cunooyin kala gadisay halka laba doonyood lagu rarayey Geel tiro badan oo halkaasi diyaar ku ahaa. Maxamed Jaamac Furux oo badbaadiyey waqtiyadii dagaalada sokeeye isla markaana ka tirsan xildhibaanada dowlada Federaalka kmg ah ayaa ra'iisul Wasaaraha ugu warbixiyey xaalada dekada waxayna socod ku mareen qeybo ka mid ah dekada Muqdisho. Ra'iisul Wasaaraha waxaa caleemo qoyan kusoo dhaweeyey dadweyne aad utiro badan oo safnaa hareeraha wadooyinka iyadoo ku dhawaaqeyey soo dhowoow mudane Cali Maxamed Geedi, ilaa iyo inta uu kasoo gaaray guri loogu talo galay inuu deganaado. Markaasi ka dib ayuu ra'iisul wasaaruhu shir jaraa'id ku qabtay hoyga la dajiyey wuxuuna sheegay inuu Muqdisho u yimid sidii maamul loogu dhisi lahaa isla markaana amaanka loo sugi lahaa iyadoo uu la socdo Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneral Cali Madoobe iyadoo la rajaynayo in kulamo gooni gooni ah uula qaato bulshada Rayidka iyo Culumada ahlusuna Waljamaaca. Shacabka reer Muqdisho ayaa filanaya ama ka dhowraya sidii ay u heli lahaayeen kala danbayn iyo dowlada Federaalka oo hanata dhamaan qeybaha kala gadisay ee magaalada Muqdisho iyadoo lixdii bilood ee ugu danbeysay caasimada Soomaaliya ay heleen nabad iyo kala danbayn haatana uu shacabka dhowrayo sida ay haysteen si ka wanaagsan. Wafdiga Ra'iisul wasaaraha intii ay wadooyinka kusoo jireen ayaanan usuuragalin inay dhinacooda kulka dhigaan taasoo ay ugu wacan tahay qaabilaadyo bulshada iyo waliba kutalagal in la shaqeeyo iyadoo ilaa haatan ra'iisul wasaaruhu uu qaabilaadiisu uu wato iyadoo aad ka dheehan karto in daal uu jiro balse waxa uu ku adkaysanayaa inuu sii shaqeyn karo.
-
Dagaalo ka qarxay magaalada Jilib ee gobalka J/dhexe Last Updated::2006-12-31 18:34:19 Kismaayo:- Dagaal culus ayaa maanta gelinkii danbe ka qarxay degmada Jilib ee gobalka J/dhexe. Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii ay deegaankaasi soo gaareen Ciidamada DFKMG iyo kuwa Dowlada Itoobiya ee taageeraysa. Dagaalka ayaa la sheegay inuu mid culus yahay isla markaana uu laba aag ka socda dhinaca jidka Baraawe iyo dhinaca Bu'aale. Dagaalka ayaa u muuqda inuu yahay mid kama danbeysta ahaa ee si fool ka fool ah isugu hardiyaan ciidamada labada dhinac. Dowlada Federaalka ayaa sheegtay in ay la wareegayso guud ahaan dalka Soomaaliya, isla markaana aysan hal mitir aysan u ogolaan doonin Maleeshiyooyinka Maxaakiimta sida uu sheegay Ra'iisul Wasaare Geedi. Prof.Geedi ayaa sidoo kale sheegay in ay wado nabad ah u furayaan Maxaakiimta balse aysan u dulqaadan doonin ciidan dagaalo abuuri kara. Geedi ayaa maanta sheegay in magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin xubno argagaxiso ah isla markaana aysan ka hari doonin illaa inta ay kasoo qabanayaan dadkaasi. Dhinaca Maxaakiimta ayaa sheegay in ay ku dagaalami doonaan gobalada Jubooyinka illaa inta dhibic dhiig ah jirkoodu ku jiro, halka ay horey uga soo baxeen magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in aysan dooneyn in ay ku dhex dagaalamaan magaaladaasi si aysan dadkaasi wax ugu noqon. Magaalada Jilib ayaa maanta si weyn looga qaxay ayadoo ay dadku ka qaxeen dagaaladan xoogaleh ee hada socda. Magaalada Kismaayo ayey xaaladeeda kacsan tahay ayadoo ay ka muuqato maleeshiyooyinka halkaasi ku sugan cabsi weyn oo ay ka qabaan in isla magaalada uu ka qarxo kacdoon shacab. Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa horey uga codsaday in maleeshiyooyinkaasi iska baxaan oo aysan dagaal u horseedin, codsigaasi oo ay diideen Maxaakiimta. HorseedNet.com
-
Cadaado: President Cade Muse holds talks with elders..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cadaado : Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud. Axad, December 31, 2006 Cadaado (AllPuntland)-Madaxawayanaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Jen, Cadde) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta kormeer waxa uu ku tagay deegaanno ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgadud. Madaxwayne Cadde oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta Puntland Dr, C.raxmaan Maxamuud Bankax, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Puntland Faarax Cabdi Doolshe, Dr, Maxamed Jamac Salaad, Dr, C/raxmaan Shuuke, Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Col. C/laahi Cali Mire Carays, Ganacsato, Odoyaal, Saxaafadda iyo siyaasiyiin aad u fara badan ayaa waxa ay kulamo kala duwan la soo qaaten odoyaasha deegaanada Cadaado iyo Galinsoor. Madaxwaynaha ayaa waxa uu duleedka degmada Cadaado si gaar ah kulan ula qaatay saraakiisha ciidamada Puntland, isaga oo ka dhagaystay warbixino ku aadan xaaladda ciidamada. Madaxwaynaha ayaa waxa uu salaan ka qaatay saraakiisha iyo ciidamada Puntland ee ku sugan duleedka degamada Cadado ee gobolka Galgaduud. Wafdigii madaxwaynaha ayaa waxa ay u gudbeen degmada Cadaado, halkaasoo ay kulamo kula qaateen wax garadka degmada Cadaado, waxaana ay kala hadlen sidii maamul loogu samayn lahaa degmada Cadaado iyo sidii ay ciidamada ula shaqayn lahaayeen. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa wax uu la kulmay odoyaasha degmada Galinsoor ee ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu kala hadlay arrimaha amaanka iyo iskaashiga. Guud ahaan wax garadkii uu madaxwaynuhu la kulamay ayaa waxa ay u jeediyeen maamul goboleedka Puntland in ay taageero bani`aadan tinimo iyo mid walaal nimo u fidiiyaan, waxana ay sheegeen in ay taageersan yihiin ciidamada iyo maamulka Puntland. Isku soo wada duuboo madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kala kulmeen deegaanadii ay booqdeen soo dhoweyn heer sare ah. Mahad Jama Koronto AllPuntland