
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
MUQDISHO: Ciidammada Dowladda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Masjid ka soo saaray laba gaari oo ay qoryo ku rakiban yihiin Posted to the Web Jan 14, 10:47 Muqdisho (PP) - Iyadoo ciidammada Dowladda ay wadaan howlgallo hubka ay ku uririnayan ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxay ka soo saareen Masjid ku yaalla xaafadda waxaracadde ee Degmada Huriwaa laba gaari oo ay laba qori oo kuwa waaweyn ah ku rakiban yihiin. Labadan gaari ayaa la sheegay inay ku jireen masjidka barxad uu leeyahay, halkaasna ay ku daboolnaayeen, waxaana ciidammada dowladda ay u soo kaxeeyeen dhanka saldhig ay ku leeyihiin banaanka suuqa Xoolaha, halkaasoo ay geeyeen hubka ay gacanta ku dhigaan. Arrintaan hub ururinta ah oo socota ayaa waxay tan ka dhigaysaa markii ugu horreeyay oo ay masaajid ka soo saaraan hub lagu qariyay, waxaana baaritaanka uu si weyn weli uga socdaa deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Baaritaankaan lagu baarayo hubka ee aadka u badan ayaa daba jooga ansixintii ay shalay ansixiyeen xaaladda deg-degga ah golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana horay u joogsaday baaritaanka hubka, balse tani ay ka dhigaysaa inuu billowday, iyadoo ay bulshada Muqdisho raalli ka tahay in hubka laga qaado. Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka hortimid howlaha hub ururinta ee ay wadaan ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana shacabka ay u ogolaanayaan sida la sheegay inay baaritaanno ku sameeyeen guryahooda, iyadoo aysan jirin cid diiday illaa saakay oo uu qorshahaan hub ururinta ah ka billowday qaybo ka tirsan Muqdisho. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
Degmada Xarardheere oo Maamul ay Dawlada somalia ka dhistay iyo hubkii Maxkamadaha oo lagu wareejiyay Dawlada Somalia. Degmada xarardheere oo ay ka arimin jireen maxkamadihii wadanka laga eryay ayaa waxaa gaaray ciidamo ay leedahay Dawlada Somalia iyadoo halkaas ay ka dhacday xaflad balaaran oo lagu wareejiyay hub ay lahaayeen maxkamadihii isuguna jiray gawaarida dagaalka oo qoryo culus saaran yihiin iyo hubka fudud. Ciidamada Dawlada ee gaaray xarardheere ayaa sidoo kale waxay halkaas ka hirgaliyeen maamul ay yeelanayso magaalada xarardheere iyadoo Gudoomiyaha Gobolka loo magacaabay Cabdisalaan Maxamud Axmed iyadoo ku xigeen ka koobaadna loo magacaabay Cali Diini halka gudoomiye kuxigeenka sadexaadna lagadhigay Cabdullaahi Cali Abukaate waxaa sidoo kale duqa degmada Xarardheer loo magacaabay Xuseen sheikh Cali. Ciidamada Dawlada Somalia ayaa sidoo kale waxay ku wareejiyeen maamulka Gobolka Sadex gaari oo kuwa dagaalka ah oo sida lasheegay sugaya amaanka Gobolka sibay yiraahdeen loo sugo amaanka madaxda Gobolka iyo kuwa Degmada ee halkaas ku sugan. Degmada Xarardheer oo ah degmo qadiimi ah ayaa waxay saldhig u ahaanjirtay kooxo burcad badeed ah iyadoo ay halkaas ay ka saareen maxkamadihii laga awood roonaaday iyadoo maxkamadihiina ay ciidamada dawladu ka saareen hadana ay saa ku heshay maamul saxa oo ay markii ugu horeeyay yeelato degmada xarardheer tan iyo 1991 xiligaas oo ay wadanka ka ariminaysay dawladii Somalia. Seeraar Qalay2005@hotmail.com Allmudug.org
-
President Yusuf meets with more clan leaders !
General Duke replied to Taako Man's topic in Politics
Yusuf oo la kulmey qaybaha kala duwan ee bulshada 13 Jan 13, 2007, 20:57 Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdulahi Yuusuf Axmed ayaa kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada isagoo kala hadlay qaabkii magaalada Muqdisho amniga loogu soo celin lahaa iyo sidii hub ka dhigis loogu sameeyn lahaa shacabka. Madaxweynaha oo la hadley in ku dhawaad Kun qof oo ka kala socda qeybaha bulshada ayaa sheegay in marka hore lagama maarmaan tahay maamul loo dhiso caasimada Muqdisho hadii aan maamul la helina aan amaanka wax laga qaban karin, sidoo kale dhalinyarada Malishiyaadka iyo wixii hub ee yaala caasimada meel la isugu geeyo iyadoo lagu wareejinayo dowladda isla markaana la qarameyn doono Maleeshiyaadkaas. Madaxweynaha oo sharaxayey qaabka ay dowladiisa ku dooneyso xasilinta gobolka Banaadir ayaa sheegay in Muqdisho ay ku danbeeyaan qaar ka mid ah madaxdii Maxkamaddihii Islaamiga, isagoo sheegay in looga guuleysan karo ay tahay in shacabka ay isugu tagaan iyadoo gacmaha la is qabsado. Cabdulahi Yusuf ayaa sheegey in Maxkamaddaha ay Muqdisho ugu tageen Ukun loona baahan yahay in la jabiyo ukuntaas. "Waa joogaan Maxkamaddaha, waxaan habeen walba la tuur tuurayo iyaga weeye, mana aysan qarin oo markey cararayeen waxay yiraahdeen ururka-yagii waa laalnay, qaabkii dagaalkii baan badaleynaa, oo sidaas miyaynan oran," ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay in qaraxyada ka dhacaya Muqdisho habeenadan qeyb ka yahay dagaalkii oo ay badaleen Madaxweynaha ayaa qeybaha Bulshada uu la kulmay ayaa waxaa ka mid ah beesha Galmudug waxgaradkeeda iyo siyaasiyiintooda, waxaana xubnihii beeshaas ka mid ahaa Xuseen Caydiid oo ah wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Faarax Jimcaale, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Jen. Maxamed Warsame Dhooley iyo xubno kale waxayna beesha Sacad ay balan qaatay in ay la shaqeyn doonto dowlada KMG ah isla markaana hubka beesha ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu wareejin laheyd dowladda. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay waxgaradka iyo siyaasiyiiinta Beesha iyagoo kala hadlay sidii casimada nabad loogu soo dabaali lahaa waxayna beeshas ay balan qaatay ka qeyb qadashada amniga iyo sidii hubka loogu wareejin lahaa dowladda. Cali Muxayadiin Cali,GO -
London Demonstrations in support of the Government with Pictures!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
CCNot according to "SNM-MUJAHID" Muse Bixi, one of those who terrorised Borama in the civil war, no doubt.. S:laakiin, Miisaanka karaamada ay Itoobiya siisay Cabdilaahi Yuusuf iyo ta Somaliland siisay uun isu eeg? J: Waaqiciga yaalaa waxa weeye anigu(Somaliland) sidan waan ku dulmanahay Northerner, or Burcawi, you can come to Mogadishu anytime my old boy even now, its a nice place scared but beautiful. -
snm-mujrim muuse biixi dhaha, Duke, Arag, lama arko Zenawi lamana diidana Xabashi waxa la diidan yahay waa C/Yusuf , cadaawad waxaa loo qabaa dadka soomaaliyeed sida Puntland The old "Mujahid" like the ones in SOL is very passionate about A/Yusuf, he gave a great insight into the reality. The old guards from the SNM are the only army they have, moral is low, they have lost two whole regions to Somaliweyn. They are ill prepared for a showdown or even talks. He is really disapointed with the fact that there is no recognition to speak of even from little Djibouti and their best pas Ethiopia.. :rolleyes:
-
S: Ma u malaynaysaa, inay heshiis ku wada-jiraan, xukuumada Somaliland, Meles-senawi iyo Cabdilaahi Yuusuf? J:Taasi, waa qolada Jaraa’idka warkoodiiye, waxaanu leenahay xukuumadaay waxan aad ku hurudaan ee aad ku niyadsan tihiin nooga warama, anaguna aan idin-la barwaaqownee. imika, War ma haynee waa inay inoo waramaan, mana eedayn karo, mana aamini karo. Waayo, xukuumadu afkeedii way xidhatay. S: Xukuumadu waxay leedahay wax waliba waa Okeey, Somaliland-na anagaa damaanad qaadnay. Laakiin, hadana Shakigu waa jiraa, keligaana maahee dad badan baa kula qaba? J: Markaa, taa waxaan kaa leeyahay Nebi Ibraahim baa Ilaahay ku yidhi miyaanad i aaminsanayn, markaasuu ku yidhi Nebigu, waan ku aaminsanahay. Waabase, qoladan nabad-sugidda ahe waxay wadaan ba aan la garanayn. Sidee loo aamini jiifkooda, wer-wer badan baan qabaa, nimankuna Niman la aamini karo-na maaha. S: Imika, intaad naqdiga dayso, adigu maxaad talo haysaa? J: Anagu waxaanu talo haynaa, in dadku u diyaar-garoobaan dhibaatada kaga soo socota dawladda Cabdilaahi Yuusuf ee koonfur ka dhalanaysa. Isla markaana dhinaca hogaanka, talada, dhaqaalaha iyo cududda ciidanba la mideeyo, oo heegan loo noqdo, sidii looga hortegi lahaa. Source: Wargeyska Ogaal.
-
S: markaa, Ciidan Somaliland leedahay miyaanu jirin, ma waxaad leedahay ma jiro? J: Maya, wuu jiraa ciidan.laakiin, Ciidankiyo raguba waa kuwii SNM ee shan iyo tobonka sano soo daalay, ee qorigoodu Shan iyo tobanka sano jiray ee soo daalay. iyo Inanka Shan iyo toban sano ciidan ahaa ee imika Konton jirka ah bal ka waran. Dee, wax walba waa la dhisaa. Ciidankeena halkan baa laga kexeeyay Saddex sano ka hor, halkaasaa la geeyay (Jiida Bari). Mooralka ciidanka miyaad war u haysaa maanta, caruurtooda TB-da qabta ama cudurada kale ee u jiifa Cisbitaaladu, kuwa Askarta ayaa ugu badan, nin Askari ah oo aanay qoyskiisii kala taginina waa yar yahay, isagiina halkaas baa la geeyay, caruurtii iyo gabadhiina halkanaa lagaga tegay, 180 kun oo SL shilin ahna qaado baa la yidhi, wadaninimo ayuun bay hubka uga iman la’ yihiine, Dee ragga caynkaas ahi intay wax difaacayaan way iska yaraanaysaa. markaa ciidanku wuxuu u baahan yahay in waxyaabo badan loo doono, dawlada tamarteeda iyo in loo doono cid ka caawisa. waxaan leeyahay waa in meelo badan la’ eeg-eegaa, waayo, Sidani sidii ninkaa laysaga celin kari lahaa maaha. Hadaanay ahayn markuu ii yimaado waan isu-dhiibayaa.
-
S:Imika, Muusow waxaad sheegtay in werwer badan jiro, markaa bal noo sheeg waxyaabaha aad arkayso? J: Dhibaatada ugu weyni waxa weeye, in ciidankeenu aanu xadkeenii joogin, [/n]oo aanay Somaliland isu-dhamayn oo nin waliba inaga adag yahay. waxaynu ku doodnaa waxa weeye ee aynu Somaliland ku nahay xadkii isticmaarkii, xadkiina tab iyo xeelad si uun waa inaynu ku tagnaa. Hadii taas oo sidaa inagaga maqan aan is-qabsano, xaalkeenu waa wagash-wagash, Ilaahay oo inoo gurmada mooyaane. Ta kale ee lagaga bixi karaa waxa weeye, dadkoo isku duubni keena oo la eego qaddiyadda Somaliland oo kor loo wada jeesto. ............................................................... S:Cabdilaahi Yuusuf, wuxuu sheegay in aanuu Somaliland u soo socon hadda, Laakiin, wuxuu sheegay Somaliland inuu wada-hadal la gelayo marka Koonfurta arrinteedu soo dhamaato. markaa maxaad u malaynaysaa wada-xaajoodkaa? J: Taa nacasna loo sheegi maayo, ninkii ragina wuu garanayaa. sida uu soo wadaana, Cabdilaahi wuxuu doonayaa inuu noqdo Maroodigii odhan jiray iigu rid ama waan kaaga ridan maalintaa. Markaa waxa weeye, Somaliland-neey kaalaya, soo fadhiista oo sidaa iyo sidaa ha la yeelo. Yeelimayno baad tidhi, waan kaa xoog-roonahay baa ku bi’isay.markaa, si aan shirkaa isaga celino lagu wada hadli doono ee la isugu iman doono, isaga celino, dee waa inaan laba quwadood is-le’eg ahaanaa oo taa hawsheedii la sii galaa.
-
S: ma kaalmo ahaan miisaanka Itoobiya siisay Cabdilaahi Yuusuf, ayaa ka dhigan dhinacaaga in lagu dulmiyay? J: Mar hadaanan ninka la gar-naqsaday ee ay wax ku diideen ahayn. ninkii i meteleyayna aanu aniga waxba ii sheegin, markaan Somaliland ahaan u hadlo weeyaan, anigu ninkii shirka joogay ee gar-naqsaday maan ahayn, oo markaa odhan maayo waxaasay igu diideen oo ay igu dulmiday Itoobiya, ninkii noo dhexda ahaa ee madaxda u ahaa dalkan ee wax laga sugayayna waxba iimuu sheegin, oo halkaa xog baa iga maqan, markaa Itoobiya ma eedaynayo imika, ee waa inaan xogtaa helaa.ama aniggaa sheegan waayay ama waa lay dulmay, labadaa mid weeye! Laakiin, waa in aan xogtaa hellaa. S:laakiin, Miisaanka karaamada ay Itoobiya siisay Cabdilaahi Yuusuf iyo ta Somaliland siisay uun isu eeg? J: Waaqiciga yaalaa waxa weeye anigu(Somaliland) sidan waan ku dulmanahay. S:Jabuuti imika xidhiidhkeenu wuu xun yahay, oo waad og-tahay, mar hadaan Itoobiya odhan Somaliland waan aqoonsaday, Jabuuti-na aanay ku lahayn waan aqoonsanay, Ruwanda-na aanay ku lahayn waan aqoonsaday, maxaynu u kala jeclaysanaynaa? ............................................................................................ S:Waxaad tidhi, wixii Soomaaliya aynu wada lahayn oo dhan Cabdilaahi Yuusuf baa la siiyay, berigii aad Wasiirka Arrimaha Gudaha ahayd ee uu joogay Marxuum Cigaal, mar wuxuu soo jeediyay in Somaliland dhaxasho kursiga Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee Soomaaliya, laakiin Ragii xukuumaddaa ku jiray ee ku kacay baad ka mid ahayd. Markaa, taas lafteedu siyaasad bay ahayd oo isku-day bay ahayd, hantidan imika aad leedahay waa la dhacayna, tii aad berigaa Ina Cigaal ka diideen inaynu la wareegno miyaanay ahayn? J: Malaha arrintaasi xan bay kugu timid’e, meel arrintaa lagaga dooday oo laysku haystay may dhicin, qoladiinan Jaraa’idka uun baa mala- awaalkaa suuqa geliyay.
-
Haddii ay Males iyo Daahir Rayaale wax kala saxeexdeen inoo dana oo dhanka ictiraafka ah, Anigu ganacsi iyo nabad-gelyo iyo jaar-wanaag intaasi waa iska caadi, arrinta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa uu maalin walba ka leeyahay Anagaa Soomaaliya metelna, adigana aan laguu ogolayn, ina Rayaale miyaa loo ogol yahay inuu galo shirarka IGAD iyo goleyaasha, saw karaaniyaasha looma ogola Cabdilaahi Yuusuf, waa maxay bah-dilaadda ka weyni madaxweyne-na wuu sheeganayaa, mana qiranayo oo ma ogolla mana odhanaya waxaasa igu dhacay. S:Itoobiya, Somaliland ma faa’iido ayay u soo wadaa xaga qaddiyadda siyaasada markaad ka eegto? J: Horta, suuqa siyaasada nin waliba inta uu ka goosto ayuu ka hellaa. Waa sida suuqyada kale, jariidad waliba siday u shaqayso ayuun baa loo iibsadaa, waa sida suuqyada kale ee ganacsiga. Markaa, siyaasaduna waxa weeye, nin waliba wuxuu sheegto ayuun baa loo aqbalaa. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waxaasi waa carab-daar, markaa dantaada siyaasadeed, waa waxa aad afkaaga ka sheegato. Itoobiya iyo Somaliland, waxa dan ah inay yeeshaan saaxiibtinimo wanaagsan, heshiis wanaagsan iyo walaaltinimo dhinac walba ah. Laakiin, waxa wanaagsan inaan midna mid ku dulmin. Marka Itoobiya Cabdilaahi Yuusuf sidaa u dhisto, ee wixii inaga dhaxeeyay oo dhan gacanta ka saarto, ee inagana bustaha layna saaro, inaynu ku dulma-nahay baan arkaa. Dawladeenu intaa inay sheegtaa baan ka doonayaa.
-
S:Soomaalida Kuma jirto hawl-galada Soomaaliya ka socda, sidaas buu u sheegay imika markuu shirka Jaraa'id qabtay dee..? J; Hawl-galada Soomaaliya ka socda miyuu yidhi Somaliland waa laga reebay, dawladda Soomaaliyeed oo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa lagu metelo. Sow budooy sii fadhi oo adigu nabad baad haysataaye i sii fadhi maaha, intaan Koonfur xasilinaayo, berito-na fartaa laygu yeedhayaa, Aniga ciidan miyaa lay dhisay, Aniga miyaa la yidhi waad ka hadhsan tahay, ha la ictiraafo miyaa la yidhi, dawlad ina tidhi ma jirto. Itoobiya ma odhan, Ruwaanda-na ma odhan, Gaambiyadii uu lahaa waa la tegayna ma odhan, Jabuuti-na ma odhan, Masar-na ma odhan, cid tidhi Somaliland wax baa loo ogol yahay hadii aad maqashay adigu ii sheeg. MIdna waan kuu sheegayaa, waxa jirta dawladu mid bay u negidahay, sibay qalbiga uga hurudaa oo ay u degantay, oo faraxsan tahay, warwar ma hayo, Laakiin, aniga iyo in badan ba warwar baa ka haya xaaladda ka taagan Geeska Afrika, Hadaba, waxaan garan la'ahay dawladu ma war wanaagsan bay haysaayoo ay naga qarinaysaa, ha noo sheegto, anaguna aan ku niyad samaanee, haddii cid ina ictiraafaysa, hadii cid ciidan inoo dhisaysa, hadii xoogan Cabdilaahi Yuusuf ee soo socda wax laga hor-tegaayoo ay jirto, haddii aanay warkaa haynin maxay mabsuud ku tahay, dee waa inay warwartaa ilayn waa lagu soo maqan yahee. Tusaalaan ku siinayaa Cabdilaahi Yuusuf inagoo dawlada ayaa la aasaasay 1998-kii, waxaynu nidhi waxba inagama khuseeyaan, ninkii Jaamac Cali Jaamac baa ka qabsaday oo la doortay . xoog bay Itoobiya ku qabsatay Jaamac Cali Jaamac oo waa tii hadh-cad la jiidhay, inagana laba gobol baa buu inagaga darsaday, bal isagoo Soomaaliyaa oo dhan loo qabto maxaad u malaynayn, imikaabuu laba gobol inaga haystaaye, ma ina gafayaa bay idinla tahay. Bal ha ii sheegto dawladu waxa garantiin lay hayo inuu ina gafayo, haddii aanay waxba inoo hayn ugu yaraan taladeed waa inay noqotaa umad yahay waxba idiinma haynee maxaynu yeelnaa, xagee baynu u cararnaa, sidee baynu ciidan u dhisanaa, sidee baynu Cabdilaahi Yuusuf-kan soo socda uga tashanaa.
-
S: Waa kii madaxweyne Rayaale booqashada ku tegay dalka Itoobiya, waxaana uu muujiyay in dawlada Somaliland ay ku qanacsan tahay, guulaha ay dawlada Itoobiya ka gaadhay Koonfurta Soomaaliya, adigu adigoo xisbiyada siyaasada ku jira sidaad arrintaa u aragtaa? J: Horta, Anigu sidaynu BBC-da ka maqalay, ee laga soo weriyay Daahir Rayaale, Somaliland waxay u sacab tumaysaa guusha Koonfurta laga gaadhay, Aniga eraygaasi wuu igu adkaaday, Madaxweynihii Somaliland baa sidaa yidhi, sababtoo ah guusha la gaadhay waa Cabdilaahi Yuusuf oo dawlad looga dhisay Koonfurta, Cabdilaahi Yuusuf waxaynu ku ogayn ninka ugu cadawsan Somaliland, taariikhiyan ninkii SNM ugu cadawsanaa, waxaynu ka war-haynaa inuu laba gobol oo Somaliland ka tirsan uu maanta haysto. Waxaynu ognahay Cabdilaahi Yuusuf in uu u haysto in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, Wasiirkiisa Arrimaha Dibedduna uu ku hadlo, kuraasidii inaga dhaxaysay ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa lahaa, IGAD lahaa, iyo meel kasta oo ay ku jirtay kuraasidii inaga dhaxaysay-na, inuu inaga qaaday, oo dadka caawinayaa isaga keligii ay siiyeen, oo xataa aan la odhan, waar rag baa inaga maqane waar u kaadiya, markaa in madaxweynaha Somaliland uu yidhaa arrintaa Somaliland baa sacabka ugu tumaysa, Anigu arrintaa waxaan leeyahay waa khalad. Somaliland-na sacabka uma tumayso'e aad bay uga xun tahay, in maanta xataa kuraasta jimciyada Quruumaha ka dhaxaysay iyo adduunkaba ninka ku fadhiya ee aan waxba laynoo waydiin, inaynu nidhaah sacabkaynu ugu tumaynaa, waa midaan dadka qaban oo gef ku ah. S: Laakiin Muuse, Rayaale waa madaxweynihii dalka isagaa afkii dadka ku hadlaya oo ka masuula, adigu siyaasi mucaarada baad tahay, sababta uu hadalkan u yidhina waxa weeye, isagu dawladda Itoobiya iyo Somaliland xidhiidhka ka dhexeeya ayuu ka turjumayay, sida ay Idaacadu ay u baahisay marka loo eego, miyaanay sidaa kuugu muuqan, xagee buu qaloocu ka jiraa? J: Waa la doortay baad carabka ku xejisay, waxaan filayaa Xisbiyada waa la wada doortay ka hadli maayo, waa yeelkeedee isagaa maanta halkii ha fadhiyo, Laakiin waxaan anigu hubaa, afkaa uu ku hadlay iyo dareenka dadku inay kala duwan yihiin, inta badani in aanay dareenkaa ku raacsanayn baan Anigu maanta qabaa, oo ay weliba ku tahay bah-dilaad iyo calool-xumo weyn wixii ay halgan iyo dhibaato soo mareen, inay Cabdilaahi Yuusuf oo guulaystay hambalyeeyaan oo iyaga ku soo maqan. Ta aad leedahay wuxuu ka turjumayaa xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, arrinta aynu ka hadlayno iyo guushan la hambalyaynayaa, ma aha xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, amba waan soo dhawaynayaan oo waan hambalyaynayaa inuu wanaagsanaado xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, danaha aynu isku qabnaana inay koraan oo ay fiicnaadaan waan jecelahay. laakiin, su'aasha mudani waxay tahay guusha la hambalyeeyay maxay tahay? waa Imbigaati baa Xamar la geeyay, Cabdilaahi Yuusuf baa dawlad loo dhisay, Cabdilaahi Yuusuf baa dalkii loo qabtay. Inaga miyaa laynaga reebay? miyaad maqashay Itoobiya oo tidhi Somaliland waan Ictiraafay? Miyaad maqashay kursigan Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa Rag baa ka maqane u kaadiya?
-
"Waxa Umadda Reer Somaliland Ceeb Ku Ah Hambalyada Daahir Rayaale Ee Guusha Cabdilaahi Yuusuf," Waraysi, Muj. Muuse Biixi Cabdi Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 13 January, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Ogaal)- Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mida xubnaha sare ee guddida fulinta ee Xisbiga KULMIYE, ayaa si kulul ugu dhaliilay Madaxweyne Rayaale war ay faafisay Laanta Af-soomaaliga ee Idaacadda BBC-du, kaasoo sheegaya in Madaxweyne Rayaale ugu hambalyeeyay Males Zenawi, guusha ay Itoobiya ka gaadhay Koonfurta Soomaaliya, taas oo uu xusay inay dadka Somaliland ay u sacab tumayaan. Waraysi dheer oo uu xalay (habeenkii Khamiistu soo gelaysey) siiyay Ogaal, ayuu kaga hadlay Muuse Biixi arrintaas iyo qaar kale oo badan oo wax lagaga waydiiyayba, waxana uu u dhacay sidan;-
-
Mogadishu: Soccer match in support of peace TFG held.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lol, indeed things change. -
London Demonstrations in support of the Government with Pictures!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Northener, one could safely say that when there is a Somaliland gathering there is only one clan, but a Somali demo you find many different clans. The TFG has many supporters from various clans in London, I know how that place works.. -
Mogadishu: Soccer match in support of peace TFG held.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thats the old days, now lets see.. -
London Demonstrations in support of the Government with Pictures!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
^^^Nah that was might have been me, I did go to a demo though.. -
Mogadishu: Soccer match in support of peace TFG held.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thats a great Idea.. -
London Demonstrations in support of the Government with Pictures!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
^^Now he smells people. Northerner, how do you know people there where from a single clan? The people in the demo came from many various clans, in the Horn Afrik interview I heard Osman Maye, maybe his clan came out in force. -
London Demonstrations in support of the Government with Pictures!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
source -
-
London Demonstrations in support of the Government with Pictures!
General Duke replied to Fiqikhayre's topic in Politics
^^^Nice picks indeed. -
Martial law for Somalia as government asserts authority
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baarlamaanka Soomaaliya oo ogolaaday in xaalad deg deg ah lagu soo rogo dalka Soomaaliay Sabti, February 13, 2003(HOL): Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa wuxuu isku raacay oo uu ansixiyay sharci ay Xukuumadda Federaalka u soo gudbisay, kaasi oo dalka Soomaaliya lagu gelinayo xaalad deg deg ah. Kulankii maanta oo ay fadhiyeen 156 mudane sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa markii ay Xildhibaanada ka doodeen waxaa lagu ansixiyay in muddo seddex bilood ah la geliyo dalka Soomaaliya xaalad deg deg ah oo lagu soo celinayo nabaddii iyo kala dambeyntii. Qodobada ku jira Sharciga uu Golaha Baarlamaanka ansixiyay ayaa waxaa ka mid ah in ay mamnuuc yihiin Heysashada hubka iyo gaadiidka Tiknikada, sameynta Banaanbaxyada aan fasaxa loo heysan, Falalka burcadnimada ah ee nabadgelyada qalqalka gelinaya, abuurista Uruuro qarsoodi ah oo aanu ogoleyn axdi qarameedka u degsan Dowladda Federaalka iyo gabaad-siinta iyo soo dhaweynta wax loogu yeeray Argagixisada. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in 156 mudane oo kulanka fadhiday ay 154 ka mid ah u codeeyeen sharcigaas, halka ay labo kaliyana diideen, isagoo caddeeyay in uu sidaas ku ansaxay sharcigii dalka Soomaaliya lagu gelinayay xaaladda deg dega ah. Maalintii Khamiista ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayay Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya isku mari waayeen in ay u codeeyaan sharcigan, waxaana taasi ugu wacneyd iyadoo qodobada ay Xukuumadda u soo gudbisay ee sharcigan ku saabsan ay dhamaayeen ilaa 14 qodob, halka haatanna lagu soo koobay 5 qodob oo kaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia