Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,227
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    82

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Cigaal Inkastoo aanu is-qabanay, Haddana waxaan qirayaa inuu ahaa siyaasi Rug Cadaaya….Anigoo ahaa raggii ka Cadhooday Ee Maamulka Puntland Sameeyay, haddana Garoowe ayaan Wakiil Uga ahaa Somaliland”-Wasiir Axmed Cabdi Xaabsadde. Hargeysa (Ramaas) May 15,2011 - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa markii ugu horeysay qirtay in isaga oo wasiir ka ah maamul goboleedka Puntland uu wakiil qarsoon u ahaa Somaliland, isla-markaana uu is-barbar waday labada qadiyadood ee Somaliland iyo maamulka Puntland. Axmed Cabdi Xaabsadde, oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool, kana mid ahaa aasaasayaashii maamulka Puntland sanadkii 1998-kii lagaga dhawaaqay Magaalada Garoowe, sidoo kalena hogaaminayay ergooyinkii beelaha gobolka Sool uga qayb-galay shirkii lagu doortay Madaxwayne Cigaal ee Somaliland 23.5.1993, ayaa banaanka soo dhigay dhacdooyin ku dhararan taariikhdiisa siyaasadeed, sida shirkii Boocame, kii Boorama, dagaaladii sokeeye ee 1994-kii iyo sidoo kale qaabkii uu ugu goostay Garoowe iyo waxyaabihii uu markii dambe ugu soo guryo noqday Somaliland. Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Maxamed Xaabsade oo dhawr bilood ka hor Madaxweyne Sillaanyo u Magacaabay Xilkan ayaa Xog-warankiisan oo TV-ga dawladdu baahiyay waxa uu soo faqay qaabkii ay ergooyinka beelaha Sool kaga qayb galeen shirkii Boorama iyo sidii lagu soo dhisay Xukuumaddii labaad ee Somaliland, waxaa sidoo kale Md. Xaabsade Qodob qoddob u taxay duufaanadii colaadeed ee ku kacay xukuumadii Cigaal oo laftiisu wakhtigaas ahaa shirgudoonka baarlamaanka. Md. Xaabsade oo muddooyinkii u dambeeyay ahaa qunyar socod waxa uu Xog-warrankiisa ku bilaabay shir gogol xaadh u ahaa ergooyinka gobolka Sool ee ka qayb galayay shirkii boorama, kaasi oo Garaad Cabdi Qani u wakiishay hogaamintiisa, “Imaatinka aan anigu imid shirkii Boocame waxa uu ahaa mid deg-deg ah oo uu I soo diray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo markaa xanuunsanayey oo joogay Sucuudi Arabiya, waxaanu igu yidhi shirkaas baa dhacayee hadaanad ka qayb-galin waxa suurtowda shirkaas inuu noqdo mid aynaan Boorama kaga qayb-galin….”. Sidaa ayuu yidhi Mr. Xaabsade, waxaanu intaa ku daray “shirkii markii aanu ka qayb-galnay doodii waa la furay oo waxa la yidhi maxaa inoo dan ah, waxa la falan-qeeyay waar Garoow ayaynu tagnaa mise Boorama, waxa la eegay dhaqankii, wax wada lahaanshihii, waxa la eegay sida la isugu xidhan yahay ee aan look ala maarmayn, miiska waxa la soo saaray inaynaan Somaliland ka maarmayn. Rag-baa ka shaqaynayay oo doonayay in halkaas (Shirka boocame) lagu kala tago, markaa food-baa la qaaday ah, waxaana loo batay in Boorama la taggo, sidaasna waxa loo sameeyay 8 qodobn oo la yidhi haddii aad ka soo jawaabtaan fasax ayaad u tihiin waxaad samaysanaysaan, markaa guddoomiyihii iyo ku xigeeenkii halkaas ayaanu ku tagnay shirkii Boorama, guddoomiyuhuna nin hadda dhintay oo la odhan jiray Ina Cabdilaahi Shulle, guddoomiye ku xigeenkuna aniga ayuu ahaa, 8-daa qodob waxa ka mid ahaa (qodob odhanaya) hadaad heshaan cid aad dawlad la dhisataan la dhista, beelaha nabad-galyo ku wada noolaada, taladiina anaga ayaa la noo xambaariyey, markii aanu Boorama tagnayna muddo dheer ayaanu joognay, shan ilaa lix bilood ayaa la fadhiyey, waala is-hayey oo colaad ayaa dadka ka dhaxaysay, ragga aan anigu hogaaminayey qaar-kood guriga kamay soo bixi jirin, waxa aniga xil iga saarnaa maadaama SNM la shaqaynayay, Dhulbahantana aan ahay, SPN madax ka ahaa, nin dhinac ka baqanayana maan ahayn, kolkaa waxaan isku dayey inaan dadka ku qanciyo inaan wax colaad ahi dhex oolin, maalin walba shirka ka kici jiray, maalin walba shirkaan joojin jiray, malain walba shirkaanu ka bixi jiray, mudadaa waxaan tusayey in la wada doodi karo, oo la wada hadli karo oo la is diidi karo, oo la kala qaybsami karo. Hawshiina halkaas ayay noogu dhamaatay oo waala heshiiyey, waxaana lagu heshiiyey in halkaa dawlada lagu wada dhiso, waxyaabihii reer Sool ahaan na taabanayey waxa ka mid ahaa inaan Badhasaab Hargeysa looga dirin gobolka Sool ee ay qolo walba isa soo dhisto oo ay madax-banaanaato, hase yeeshee muddo ka bacdi markaanu dawladii dhisnay ee Hargeysa la isugu yimid, ee goboladii waxba soo dhisan kari waayeen, waxa la arkay in dadkii aanay u bislayn gooni isku taaga (Gobolada), markaas waxa dhacday in la yidhaahdo haloo soo dhiso (Maamulka), dadkeenu ilbax may ahayn oo maamulka Ingiriiska iyo Talyaani ayaa inoo tagay, sidii uu u soo burburayeyna markii dambe waxay keentay in la kala taggo, haddaba waxa adkaatay sidii la isugu soo celin lahaa, ilaa maantana adag, maxaa yeelay wax inoo dhaqan ah may ahayne inaga geed-kaa ayaa la isugu imam jiray marka la is-qabto oo cuqaal iyo waxgarad ayaa talin jiray oo go’aan gaadhi jiray”. Ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade. Waxa kale oo awaala-warankiisa ku soo qaatay Qalalaasihii ka hor yimi xukuumadii Cigaal “Waxa dhacay dagaalo, Madaarka Hargeysa qolaa haysatay, wadada laamayga ah qolaa haysatay, hadda, dawladii way jirtaa, baarlamaankii wuu jiraa oo odayaashii way joogaan, waala dhamayn kari waayey, aakhirkii waxay noqotay haddaanu nahay baarlamaankii anaga halanagu eego, markii Madaxwaynuhu yidhi soo dhameeya anigu u taag-waayee ee tallo keena, ayaa anaga saddex cisho lana siiyey, saddexdii cisho waxay nagu qaadatay 157 maalmood, qoladii laamayda fadhiday waanu ka qaadnay oo waanu soo xeraynay oo ciidankoodii waanu la wareegnay oo meel-baanu geynay, laakiin qoladii madaarka ayaa nagu adkaatay, halkaas ayaa (Clash) isku dhicii ka bilowday oo dagaalkii Hargeysa ee 1994-kii ka bilaabmay.” Ayuu Md. Xaabsade yidhi. Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Ibraahin Cigaal ahaa Siyaasi Ruug Cadaa ah, wallow ay isku dhaceen haddana uu qirsan yahay hogaamintiisii “Cigaal anagu waanu is-qabanay laakiin waxaan qirayaa inuu ahaa siyaasi rug cadaa ah, waanan qiri jiray, inkasta oo ahaa raggii ka cadhooday ee ka tagay ee Puntland sameeyay aan ka mid ahaa, haddana waxaan ogahay oo rag badan oo halkan joogaa ay markhaati iiga yihiin in aniga oo Garoowe jooga aan Wakiil uga ahaa Somaliland”. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ka soo goostay Maamul goboleedka Putland kadib markii Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Mr. Cadde Muuse ka Xayuubiyay Xilkii Wasiirka Arrimaha Amniga oo uu hayay ilaa Markii Cabdillaahi yuusuf Hogaaminyay Putland. “Si kastaba ha ahaatee, iyaggiina (Puntland) waanu heshii-waynay, waanu soo noqonaynay oo maanta sidaas ayaanu ku joognaa”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Ramaasnews Desk Hargeisa
  2. Madaxwaynihii Hore Oo La Filayo Inuu Ka Soo Qayb-gallo Xuska 18-ka May iyo Go’aanka Siyaasiyiinta UDUB Lagaga Joojiyey Inay Musharaxnimo ku Dhawaaqaan. Dubai (Ramaas) May 15,2011 - Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la filayaa inuu dalka ku soo laabto ka hor xuska labaatan guurada gooni isku taaga Somaliland oo ku beegan 18-ka bishan May oo ah Arbacadda todobaadkan. Md Daahir Rayaale Kaahin, oo la sheegay inuu wakhtigan ku sugan yahay Magaaladda Dubai ee dalka isku tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda soo gaadho caasimadda Hargeysa, isaga oo la sheegay inuu u soo tabaabulshaystay imaanshaha dalka, si uu uga qayb-gallo xuska 18-ka May, iyadda oo dhanka kalena la filayo inuu ka qayb-galayo shir xisbiga mucaaradka ee UDUB ka yeelanayo sidii dib u habayn loogu samayn lahaa. Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, oo tan iyo markii uu wareejiyey xilka Madaxwaynenimo 28-kii bishii July 2010-kii aan dib ugu soo noqon dalka, isaga oo inta wakhtigiisa ku qaata wadamada Faransiiska, Itoobiya iyo Magaaladda Dubai oo uu hadda ku sugan yahay. Dhanka kale, xisbiga UDUB ayaa hakad galiyey siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee hankooda ay ku jirto inay ku dhawaaqaan inay yihiin musharixiin ka dhex tartamaya shirka golaha dhexe ee xisbigaas oo lagu dooran doono musharaxa xisbiga u ordaya doorashada Madaxwaynenimo ee shanta sanadood ee dambe. Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha xisbiga UDUB Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in shakhsi kasta oo ka tirsan xisbiga UDUB aanu iskaga dhawaaqi Karin inuu yahay musharax “Arinka musharixiinta waxaanu soo saarnay go’aan caam ah markii rag badani is-barbar yaaceen, waxaanuna ku nidhi shirwaynaha xisbiga UDUB waa bisha February 2014-ka, waa wakhti dheer, xisbigii ayaa la dhisayaa, golihii dhexe ayaa la sheegayaa dhawaan marka guddoomiyuhu yimaado, dabadeedna xeerka UDUB ayaa wax laga badali doonaa, waxa laga yaabaa in guddoomiyaha xisbiga iyo musharixiinta la kala qaado.” Ayuu yidhi Md Axmed Yuusuf Yaasiin. Md Yaasiin waxa kale oo uu sheegay “Markaa waxaanu soo saarnay in aanu xidhno oo aanu nina musharax sheegan, laakiin waxaan kuu sheegayaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa nin habeen jiray maaha, waxaanan qabbaa ninka yidhaahda waxbaan doonayaa waa nin tuug ah oo doonaya inuu wax dhaco oo umadda dhacaya.”ayuu yidhi Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu intaa sii raaciyey “Ninka isa soo taagayaa waa inaanu noqon nin inta uu lacag soo amaahday islaanta fadhida suuqa ee iibisa tamaandhada uu hadhow waxeeda xaddo, waa ninkaas ninka meesha ku cararayaa.”
  3. Mogadisho was build by the Italians Nairobi was Build by the British But the Kenyans did not destroy their capital that's the only difference. Somali nacayb lolz Somali hadan naco so anigu isman nicin So Somali ma ihey aniguba,Mise Somalinimadu Ma wax jeebka dad gaar ah ugu jirta ba Somalidu do live in Nairobi xaafado dhan bay degenyihin dhisistaanka Qeybaha Nairobi lug bey ku leeyihin Marka lama odhyan karo Somali shaqo kuma laha Nairobi
  4. The Zack;719468 wrote: LOOL@that's disturbing. Haa wabaan ka naxay dee niyo waba waali if they want to leave this and move to this
  5. Qiimaha Calanka Somaliland oo Cirka Isku shareeray iyo Diyaargarawgii ugu Xooganaa ee Lagu Xuso 18 may oo Somaliland ka Bilaabmay. Dadwaynaha ayaa Muujiyay isla markaana ku Labista Calanka somaliland oo laga Tolay Shaadhadh Daawo Sawiradda Hargeisa (GNS)-Dadwaynaha ku Dhaqan Somaliland ayaa Si aad u heersaraysa ugu Diyaar garoobay Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland 18-may taasi oo Sanadkan si ka duwan kana Qabanqaabo Fiican Sanadihii hore loogu Diyaar garoobay Xuska maalintan. Dadwaynaha ayaa Muujiyay isla markaana ku Labista Calanka somaliland oo laga Tolay Shaadhadh, Calammo, Garamaan, Koofiyado iyo dharka dumarka kuwaasi oo ka muuqda guud ahaa Suuqdayada Caasimada Hargeisa iyo Goobaha Ganacsiga. Goobaha lagu tolo dharka ayaa ku jira cidhiidh iyo Buuq farabadan oo dadku ku soo xoomeen si ay uga toshaan Calanka Dalka somaliland iyaga oo badankoodu labis ka tolanaya ay xidhaan Maalintaasi qiimaha ku leh Qaranimada somaliland. Qiimaha Calanka oo kor u kacay ayaa Suuq badan u sameeyay Dadka ka ganacsada Dharka oo Si Xawliya looga iibsanayo Calanka oo ay ka sameeyeen Jeeni Qaar iyo Shaadhadh la xidho oo aad u qurux badan. Qiimaha calanka ayaa Suuqyada qaar ka maraya $15 illaa $25 dollar taasi oo ku Xidhan Qaabka loo tolay iyo Qurxinta lagu Sameeyay oo qayb ka qiimaha calanka. Xuskan ayaa ka duwan xusaskii hore ee loo Samayn jiray 18 may iyada oo ay qaban qaabadu ka xoog badantahay intii hore isla markaana Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Fariin Culus u diray Shacabka reer somaliland meel kasta oo ay joogaan inay Muujiyaan Maalinta Qarannimadooda. Dadwaynaha Reer somaliland ayaa Muujiyay Qiimaha ay ku leedahay Maalintan qiimaha badan isla markaana siyaabo badan uga qayb qaatay fariimaha iyo baraarujinta maalinta Xuska 18 may, dhalinyarada iyo Muwaadiniinta Reer somaliland ee isticmaalada Face-book-ga ayaa Iyagu Bishanba Muujiyay Calankooda isla markaana qof kastaa soo dhigtay Bogiisa hore Astaanta Qaranka Somaliland taasi oo Runtii indha Caalamka Wax badan soo jeedisay. Xuska 18 may ee Sanadka 2011 ayaa la filayaa in la qabto Xaflado aad u balaadhan oo si wayn loogu Dabaal Deggayo Maalinta Gooni isutaaga Qaramimada Somiland ee ay Xornimadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii.
  6. Qaranki;719466 wrote: Somalis in Kenya have entered into the top levels of the Kenyan govt such as this lady and Farah Macalin etc. I was even reading an article about a Somali Havard grad who was thinking about running for presient there not too long ago. To say Somalis in Kenya face the same occupation as those in Ethiopia is laughable. If they want to join Somalia that is their decision nobody elses. Why would kenyan Somalis want to join Failed Somalia that's disturbing.
  7. You want Somalia to remain like this and i agreed what else do you want xeefow ;)
  8. Xeefow;719427 wrote: Both Afar and Beja are ethnicity! I'm not talking about ethnicity!Nor was I talking about religion Regarding those Somali clans that live in Ethiopia and Kenya are under occupations and want to be part of Somalia. If Djibouti was only strictly a Somali country, then they would had still been with Somalia. Regardless of what you believe, Somalia will still remain Somalia, loooooooooooooooooooooooool Kenyan Somalis do not believe they are under occupation Affar reer jabuuti Speak better Somali then many koonfurians Djibouti is part of the so called Somaliweyn the white star Symbolize hem to in your flag remmember, yeah Somalia will still remain Somalia Just the way it is today good to go loolz
  9. Lool there are Affars who live in Ethiopia and Eritrea and even in Djibouti the same with the beja they live in Sudan and Eritrea There Are Koonfurians who shares Clan Connections with People who live in Ethiopia and Kenya i don't see your point Try again
  10. Jacaylbaro;719405 wrote: You cannot even vote in Villa Somalia ........ iska dhaaf inta kele Voting iyo waxaas ma jiraan ,,, Adeer fad ama ha fadin waa lagu fadsiin ,,,, war voting baad ka hadlaysa eeh musqusha banu tagi karin farmaajo hadanu bahuku la socon
  11. You are not making sense the world does not work like that the people of Somaliland all will be heard regardless of their Tribe wether they are from awdal sool Maroodijeex saaxil sanaag togdheer selel etc theyall will be heard like they are heard today the future of Somaliland will be dicided by Somalilanders and it has been decided , not By koonfurians but by the People of Somaliland that's not how the world works xeefow. If the Amharas would've been allowed to vote in Eritrea's referendum,, Independence would've been denied Amharas were against the Break away of Eritrea,, Of the two states that merged in 1960 one wants to be separate and one wants to continue in the situation they are in right now. The Union Failed it's time to move on the Future of my People will be dicided by Us Not by People From Koonfuristan Good luck with your country
  12. Xeefow;719400 wrote: LOL @ 'Dissovlement', who are you trying to fool? looooooooooooooool You can't break a country apart, without referendum from both sides. If majority vote for your separation then you win and get 'INDEPENDENCE'. But only less than million will vote for your separation, whereas 9 Million Somalis in North and South Somalia will vote against the separation which is a huge huge huge landslide...So afcourse 18 May is what you guys dream of Independence. Just be proud of 26 June...... Actually the Dissolvement was done two decades ago you would not know that because you was Killing eachother as for a referendum , the referendum will only be held on the part that wants to seccede Like done in Eritrea in 1993 like Done in South sudan this year , and if it comes to it will only be held in the Somaliland territories Not In the Koonfurian Territories and i don't even think it will come to that
  13. Xoogaga Atam Oo La Wareegay Saldhigya Horleh, Isgaarsiinta Dhahar Oo La Jaray Iyo Taliyaha Booliska Sanaag Ee Somaliland Oo Dhahar Soo Gaaray Written by Admins Dhahar (SPR): Wararka nagasoo gaarayo jiidaha dagaaladu ay kasocdaan ee Galbeedka Gobolka Bari ayaa sheegaya in xoogaga taabacsan Maxamed Saciid Atam, ay gebi ahaanba lawareegeen magaalooyinka Galgala, Maraje, Afurur iyo Xumur kadib markii ciidamada Puntland ay faaruqeeyeen guud ahaan degaamada galbeedka kaxiga dhanka laamiga. Wararka waxay intaasi ku darayaan in xoogaga Atam ay shirar saakay kula qaateen odayaasha dhaqanka degaamadaasi, walow aan la ogayn waxyaalaha ay kawada hadleen. Dadka shacabka ayaa lasheegay in ay bilaabeen in ay ka qaxaan degaamadaasi, kadib markii ay dib usoo cusboonaatay dagaalada u dhaxeeya maamulka Puntland iyo xoogaga mucaaradka. Maxamed Cismaan Cali, oo kamid ah odayaasha haatan kasoo barakacay degaamada galbeedka gobolka Bari, ayaa idaacada SPR u sheegay in bulshada rayidka degaamadaasi ay soo wajahday cabsi , inbadan dadkaasina aysan haysan rakaab ay kusoo baxsadaan. Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa sidoo kale dad farabadan sanadkii hore usoo barakaceen, iyadoo dadkaasi qaar aysan wali kunoqan degaamadooda. Dadka barakacayaasha ayaa lasheegay in ay la ildaran yihiin nolol xumo iyadoo goobaha ay soo dageen aysan lahayn suuliyo iyo biyo nadiif ah. Duqa degmada Dhahar, mudane Kilwe oo arintani walac ka muujiyey ayaa ugu baaq hay’adaha caalamagi iyo qurba joogta reer Maakhir in ay kaalmo lasoo gaaraan dadku ay dagaaladu aa’feeyeen. Dhanka kale, Magaalada Dhahar ayaa Gabi ahaanba laga Jaray Isgaarsiintii ka hawl geli jirtay gaar ahaan shirkadaha Golis iyo Telecom, kadib markii uu amar ku bixiyey madaxweynaha Puntland, Faroole. Sidan oo kale ayaa sanadkii horena looga jaray isgaarsiinta Dhahar, xilli la saadaalinaayey in maamulka Puntland uu weerar u qorshaysnaa. Arintani ayaa dhalisay xasaasiyad aad u wayn, iyadoo shirkadahaasi hore loogu ee’deeye in aduun lacag ay kasameeyaan degaamadaasi, weligoodna aan wax dib ugu celin. Sacaado kadib markii isgaarsiinta lajaray, waxaa magaalada Dhahar soo gaaray taliyaha ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag, Coronel Caydiid Axmed Nuur. Idaacada SPR oo ku booqatay Coronelka xerada duuleedka magaalada Dhahar ee Somaliland ayaa sheegay in halkaasi uu soo gaarsiiyey qalab isgaarsiin casri ah oo isugu jira taarar iyo teleefanada satteliteka. Corneelka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu heegan ay kujiraan, kana hortagi doonaan weerar kasta oo uu yimaada. Arimahani oo idil ayaa imanaya, xilli maalmo kahor dagaal ba’ani kadhacay degmada Galgala oo u dhaxeeyey xoogaga Atam iyo maamulka Puntland. Dagaalkani ayaa dhaliyey saan saan colaadeed haatan’na saamaysay gobolka Haylaan oo la jaar ah gobolka Bari oo dagaaladu kasocdaan
  14. 18 may is not independence day as you formulate it, it's the day we disolved the failed union and reestablished the state of Somaliland as an independent state 26 June is a very Important day as well it's the day we send the Englishmen back to Mery old England and 50 years later last year we held Free and Fair Elections last years 26 june 2010. But the Significance of 18 may is the Establishment of the republic of Somaliland and the Dissolvement of that Failed Union with Somalia.
  15. war guba guba warqadaha xun xun guba si dhakhso ah u guba
  16. Ciiddamada Qalabka sida ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Militariga, Booliska, ASluubta oo diyaar garow balaadhan ugu jira ka qaybgalka 18 MAY. Hargeysa(Waaheen) Ciiddamada Qalabka sida ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Militariga, Booliska, ASluubta ayaa diyaar gorow laaxad leh ugu jira Xuska 18 may oo ah Sannad guuradii 20aad ee ka soo wareegtay gooni isutaageeda Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu dhawaaqay 18 may 1991kii. Ciiddamada qalabka sida ee Qaranka Somaliland ayaa Maalmihii ugu dambeeyey waxay dhoolatusyo ay ugu diyaar garoobayaan Xuska 18-ka May ku soo bandhigayeen Garoonka kubada cagta ee Dareeriska ee ku yaala Xafada Pepsiga ee magalada hargeysa, waxana hogaaminayey Ciidamada qalabka-sida ee Somaliland Saddexda Taliye Ciidan ee kala ah Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha guud ee Ciidanka booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabbaal), iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax. Ciiddammada qalabkasida ee Somaliland ayaa dhoolatuskan ay ugu sii diyaar goroobayan 18-ka May ay ah mid soo jiitaday dadweynaha reer Somaliland, iyada oo boqoolaal shacabiga reer hargeysa ahi ay u soo dawasho tagaan wakhtiga ay ciidamadu dhoolatuska sameeyanayan. Ciidamadan ayaa noqon doona kuwii ugu badnaa ee maalinta 18 may soo mara jidadka waweyn ee casimada hargeysa, iyada ciidamo soo mara wadooyinka wakhtiga 18 may ugu danbeeysay Sanadkii 2001-kii, wakhtigaas oo uu Madaxweynihii xilligaas Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu Mabnoocay in la soo bandhigo Quwada Ciiddammada Qalabka sida ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, sidaa awgeed wixii ka dambeeyey Sanadaas Ciiddammada qalabka sidaa kagamay qayb-qaadan Gaardis iyo Dhoolatusyo kale, isla markaana Wadooyinka socod kumay marin, hase yeeshee waxa ay kaliya oo hawshoodu ahayd suggida Ammaanka guud dalka. Dhinaca kale qaban qaabada 18 may ayaa si qurux badan uga socota Somaliland iyadoo wararka naga soo gaadhayaa 6 Gobol ee Somaliland ay sheegayaan in si balaadhan looga diyaargaroobayo 18 May, waxa kale oo casimada Somaliland ee hargeysa ku arkaysaa Astaanta Qaranka Somaliland oo meel walba lagu iibinayo. C/raxman Osman C/laahi (Isbatore) Waaheen Media Group Hargeysa, Somaliland
  17. TEHRAN, Apr. 13 (MNA) -– The director of the Trade Promotion Organization of Iran in a meeting with the Chinese ambassador in Tehran said that Iran and China can boost mutual trade by establishing a joint bank and using national currencies for their transactions. IRNA news agency quoted the TPOI director, Hamid Safdel, as saying that the two sides could create a joint trade committee at the ministerial level, and pointed out that the countries would be better off if they signed an MOU on trade and customs cooperation. He added that the two countries’ joint economic committee would help expand bank relations and ease opening letters of credit as well as establishing commercial firms. The Chinese ambassador, Yuhong Yang, said for his part that soon an economic delegation from his country would come to Iran. He said the delegation’s first priority is to review ways of expanding economic relations and resolve current problems in their trade ties. The president of Iran-China Joint Chamber of Commerce has predicted that the annual trade between the two countries will reach $50 billion in the next 5 years. Asadollah Asgaroladi added that Iran-China trade value was $3.5 billion ten years ago and has currently reached $30 billion through the ardent endeavors of the Iran-China Joint Chamber of Commerce. MRK/MG END MNA
  18. Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Duleedka Buuhoodle Ku Weeraray Gaadiid Ay Nabad-Diidka SSC U Soo Iibiyeen Al-Shabaab, Laguna Waday Gaalkacayo Hargeysa, May 15, 2011 (Haatuf) - Ciidamada Itoobiya ayaa shalay duleedka magaalada Buuhoodle ku weeraray gaadiid ay kooxda Nabad-diidka SSC usoo iibiyeen ururka Al-shabaab, kuwaas oo lagu waday magaalada Gaalkacayo ee Somalia. Gaadiidkan oo ahaa laba gaadhi oo noocoodu ahaa Land-Crusero lama hubo ilaa hadda in laga soo iibiyey magaalooyinka Burco iyo Hargeysa midkoodna. Sida ay ilo xogogaal ahi ay wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen ciidamada ku sugan xuduudooda Buuhoodle ayaa la sheegay inay ka war heleen labada gaadhi ee Land-cruserada ah ee kooxda nabad-diidka ee fadhiisinkoodu yahay Buuhoodle ay u waday ururka Al-shabaab, taas darteedna ay ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen shalay duhurkii labada gaadhi oo lagu sii waday magaalada Gaalkacayo ee dalka Somalia, kuwaas oo ciidamada Itoobiyaanku ay labadaa gaadhi ay mid ku gubeen isaga iyo maleeshiyadii saarnayd halka gaadhiga kalena ay u soo jiiteen xeradooda dhinaca xuduuda Buuhoodle ay ku leeyihiin. Ilo wareedyadu waxa ay intaa ku darayaan oo ay sheegayaan in laba ka mid ahaa maleeshiyadii Nabad-diidka ee gaadiidkaasi Al-shabaab loo waday saarnaa Maydadkooda lagu arkay deegaanadaasi. Inkasta oo tirada ka dhimatay maleeshiyada Nabad-diidka ay wararka qaarkood sheegayaan in dhimashadu ay intaas ka badan tahay. Dhinaca kale ciidamada amaanka Somaliland ayaa maalintii Khamiistii todobaadkii hore magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku qabtay laba nin oo lagu tuhunsan yahay soo iibinta gaadiidkaasi iyo u gudbinta Buuhoodle ay ku lug lahaayeen. Wargeyska Haatuf ayaa hore u sheegay inuu jiro xidhiidh weyn oo u dhexeeya kooxda Nabad-diidka Buuhoodle ee SSC iyo ururka Alshabaab. Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ee deegaanadaasi ee sida weyn u hor kaca kooxda Nabad-diidka ee fadhigoodu yahay Buuhoodle sida Garaad Jaamac Garad Cali ayaa iyagu hore u cadeeyay taageeradooda ururka Al-shabaab. Ilo-wareedyo ku sugan Buuhoodle ayaa intaa raaciyey in ciidamada Itoobiya ay si weyn usoo xoojiyeen xuduudaha labada dal u dhexeeya ee Somaliland iyo Itoobiya, iyagoo intaa ku daray in hadhaagii kooxda Nabad-diidka SSC ay Buuhoodle ka fakanayaan cabsi ay ka qabaan ciidamada Itoobiya ay dhinaca xuduudeeda soo dhoobtay.