Kowneyn

Nomads
  • Content Count

    310
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kowneyn

  1. Maxkamada Dambiyada Dagaalka ee Caruusha oo Ogolaatay Qaadista dacwadaha la xidhiidha dambiyadii dagaalka ee Somaliland laga Galay 80-maadkii! Maxkamada Dambiyada Dagaalka ee Caruusha oo Ogolaatay Qaadista dacwadaha la xidhiidha dambiyadii dagaalka ee Somaliland laga Galay 80-maadkii Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka Caruusha ayaa ogolaatay qaadista dacwadaha la xidhiidha dambiyadii iyo xasuuqyadii laga geystay Somaliland xiliyadii 80-maadkii markii ay dalka ka talinaysay xukuumadii Maxamed Siyaad Barre. Maxkamadan oo qaadaysay dambiyadii dagaalka ee ka dhacay dalka Rwanda ayaa dhawaan ogolaatay qaadista dacwado lagu soo oogayo dadkii geystay dambiyadii xasuuqa ee ka dhacay Somaliland 80-maadkii. Maxamed Barkhad Ismaaciil oo garyaqaan u dhashay Somaliland ayaa horgeeyey maxkamada Caruusha dacwadaha la xidhiidha xasuuqyadaasi. Garyaqaankan oo ah nin si weyn looga yaqaan dalka Tanzania ayaa la filayaa n inuu dhagar qabayaal badan oo ka qayb qaatay xasuuqyadii loo geystay dadka reer Somaliland xiliyadii sideetamaadkii maxkamada horkeeno cadaymahooda. Source: Jamhuuriya Kowneyn
  2. Mid Ka Mid Ah Koox Dad Ah Oo Ay Ku Jireen Odayaasha Reer Dhoqoshey Oo Hargeysa Lagu Xidhay Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Xadhigaa Iyo Ujeedadiisa -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa – Mid ka mid ah koox odayaal iyo dhallinyaro isugu jirey oo Axadii toddobaadkan goor saqdhexe ah laga qabqabtay hudheel ay degganaayeen oo ku yaalla xaafadda Axmed Gurey, ka soo horjeedka Edna Hospital ee magaalada Hargeysa, kadibna lagu xidhay saldhig Boolis oo xaafaddaa ku yaalla ayaa ku tilmaamay habka qabqabashadaasi u dhacday fal argagixiso oo dib u xasuusiyey habkii uu u dhaqmi jirey Taliskii Siyaad Barre. Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Ming Sing ee magaalada Hargeysa ayaa si kulul ugu cambaareeyey xukuumadda falkaas oo isaga, qaar ka mid ah odayaashii iyo dhallinyaradii reer Dhoqoshey ee ka qaybgalay hawlgalkii lagu soo qabqabtay dableydii geysatey weerarkii argagixiso ee March 19 iyo muwaadiniin kale oo aan waxba galabsan lagagala baxay hudheelka goor saqdhexe ah, waxana uu sheegay in aan loo qaadan karin in boolisku ku soo qaldamay dadkaas iyo in uu ahaa hawlgal ammaanka lagu sugayey oo lagu baadi doonayey dad laga shakiyey, balse waxa uu sheegay inuu u arko tallaabo la soo qorsheeyey oo lagaga aar-goosanayo dadkii soo qabqabtay argagixisada ee reer Dhoqoshey. Cabdikariim, waxa uu sheegay in 11:00 habeennimo boolis yimi hudheelka kadibna dadkii hurdey laga soo xushay isaga iyo dhawr iyo toban qof oo kale, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen raggii Dhoqoshey ku soo qabqabtay gacan-ku-dhiiglayaashii geystey dilkii haweenaydii Kenyaanka ahayd ee u shaqaynaysey hay’adda GTZ, March 19, kuwaas oo sheegay in maamulka Hudheelku uu garanayey, booliska laftiisa iyo dad kale oo hudheelka degganaa oo qaarkood ay dowladda u shaqeeyaan ay garanayeen. Laakiin, boolisku uu iska dhegatiray, taas oo muujinaysa inay haysteen amar ah inay dadkaa soo xidhxidhaan. Waxa kale oo uu sheegay in dadka habeenkaa hudheelka laga qabqabtay ay ahaayeen dhawr iyo toban qof, kuwaas oo marka laga reebo hal nin inta kale ay isku deegaan yihiin oo ay ka soo jeedaan deegaanka Dhoqoshey. Waxa uu sheegay in taas sababteedu aanay ahayn in hudheelka ay iyaga keliya degganaayeen, balse waxa uu sheegay in dad kalena ay degganaayeen, “oo xataa Carab ayaa degganayd,” ayuu yidhi. “Dadkii soo qabqabtay gacankudhiiglayaasha ee reer Dhoqoshey, Madaxweynekuxigeenku xafladda maamuuska leh u qabtay, waxa nasiib darro noqotay in maamuuskii xadhig loogu beddelay markii Madaxweynuhu yimi,” ayuu yidhi Cabdikariim. Waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxay u muuqataa in laga xumaa falkan ay sameeyeen oo ah inay soo qabqabteen dalkii dembiga geystey. Waxay u muuqataa markii Madaxweynekuxigeenku joogey waddo loo waayey xadhigooda in loo helay iminka markii Madaxweynuhu yimi”. “Dhadhanka ay bixinayso iyo urtay leedahay waxa weeye miino la dhigay oo aan loo baahnayn in la furo ayay fureen, waa sida ay u egtahay,” ayuu yidhi. Cabdikariim waxa uu sheegay in raggaa qaarkood la siidaayey 1:00 habeenimo, intii kalena 1:00 duhurnimo ee maalintii Axadda. Waxana uu sheegay in waxa keliya ee la weydiiyey markii saldhigga la geeyey ay ahaayeen magacyadooda, magacyada hooyooyinkii iyo da’dooda, wax kale oo la weydiiyeyna aanay jirin., “Waa arrin sharci darro ah, waana tallaabo argagixiso nimo ah,” ayuu yidhi. Waxa uu sheegay in odayaasha Reer Dhoqoshey markii la siidaayey waxay u tageen Madaxweynaha oo u sheegeen inay daba joogaan arrintaa. Wuxuuna ugu jawaabey in uu ka xun yahay arrintaa, isla markaana ay ka warsugaan isaga. “Mana filayo in wax naloogu maqan yahay ay jirto,” ayuu yidhi, Cabdikariim. Waxana uu sheegay in ilaa iyo hadda xukuumaddu aanay ka jawaabin sida falkaasi u dhacay oo ay dadweynuhu is-weydiinayaan, inuu yahay mid kama ah iyo mid badheedh ah. Iyadoo aan u arko ayuu yidhi in loo badheedhay. Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland iyo xukuumaddoodu aad mooddo inay hayaan waddadii Taliskii Siyaad Barre oo cadaadis gaar ah saaray qaar ka mid ah goboladii la odhan jirey Waqooyiga (Somaliland) taasina ay keentay inay u midoobaan sidii ay Taliskaa ula dagaalami lahaayeen, sidaana u taageereen ururkii SNM. “Dulmigii ayaad mooddaa inay iyagii isu geysantaan oo ay isku xadgudbaan oo deegaamo gaar ah la cadaadiyo, deegaamadaas oo ah deegaamada Gobolka Togdheer, Gobolka Sool iyo Sanaag,” ayuu yidhi Cabdulkariim, isaga oo sheegay in deegaamadaa qaar ka mid ah ay iminkaba raacdadoodii fogaatey. Waxana uu tilmaamay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xadhigii Boqor Cismaan Aw Maxamuud. Waxa uu ugu baaqay xukuumadda inay jawaab degdeg ah ka bixiso falkaa iyo ciddii ka dambeysey. Cabdikariim oo waxa uu xaqiijiyey jiritaanka tuhun sheegaya in Reer Dhoqoshey laga daba jooga iyaga oo markii ay gacan-ku-dhiiglayaasha qabteen helay sir la xidhiidha raad-raaca nimankaas iyo meesha ay ka yimaaddeen, kuwaas oo iftiiminaya in raggaa qaarkood ay ka yimaaddeen Jabuuti, telefoonadoodana laga ogaadey inay xidhiidh la sameeyeen, isla markaana madaxda sare ee xukuumadda qaarkood ay xasaasiyad weyn ka qabtaan in raadku uu galo Jabuuti. Waxana uu sheegay in tuhun weyn oo arrintaa laga qabaa uu jiro, sidoo kalena, sababta ugu weyn ee baadhista iyo aqoonsiga raggaas loo diidayaana ay taas ka xidhiidho. Waxa uu xusay Cabdikariim laftiisu in uu yaqaano ninka hoggaaminayey ragga falka geystey oo Jaamac Kuutiye la yidhaahdo, dhawr maalmood ka hor hawlgalkana uu ku arkay isagoo ka qadeynaya hudheel magaalada Hargeysa ah. Waxana uu yidhi Cabdirkariim, “Waxaan weydiiyey xaggaad ka timi muddo dheer kuma arage, wuxuuna igu yidhi waxaan ka yimi Jabuuti”. Kowneyn
  3. nunuxda iyo naxliga beenta nabiibiyuhu warkuu keenaya ayaa nacass run moodaaye aniguna waxaan soo arkaan nacam idhaahdaaye. Boqor Buur Madow, always insisted he has prove for his allegations and will prove it in a court of law. Prove he did in a court of law, under oath and with witnesses and documents. Kowneyn DABAGAL FALALKII UU BOQORKU KU CADEEYEY XUKUMADA Faarax Cali Jaamac, — Ottawa, ON Canada. — 14 April, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- DABAGAL FALALKII UU BOQORKU KU CADEEYEY XUKUMADA Waxa hada loo baahan yahay in Golaha Wakiiladu, Golaha Guurtidu, Xisbiyada Mucaaridku, Saxaafada Xorta ahi, iyo Shacbiga Somaliland ay wadaninimo muujiyaan oo ay ka shiidaal qaataan waxyaabihii mugdiga ahaa ee uu dhowaan Boqor Buur Madow ugu soo bandhigay shacbiga iyo dalka Somaliland dabadeedna ka wada cadeeyey Maxkamada Gobolka ee Hargeysa kuwaasoo ku liid ah qadyada iyo jiritaanka Somaliland lana xidhiidha Khiyaamo Qaran (Treason) si talaabo adag oo arrintooda la xidhiidha looga qaado shaqsiyaadkii ka dambeeyey falalkaas. Waxa hubaal ah inaaney kala cadeyn mooqifka uu Riyaale iyo Xukumadiisu ay ka leeyihiin qadyada iyo jiritaanka Somaliland mararka qaarkoodna la iskuba qabsado inay ummada iyo dalka u daacad yihiin iyo in kale fikirkaasoo ay sii xoojin doonto dembiyadan culus ee hada maxkamada laga cadeeyey ee ay ka galeen ummada iyo Qaranka Somaliland. Haddii aan arrintan foosha xun ee marag ma doontada ahi ee uu Boqorku iyo Qareenka Difaacu uga hor cadeeyeen maxkamada gobolka dhexdheeda aan dabogal lagu sameyn intu raadku weli qoyan yahay si deg deg ahna wax looga qaban, waxa hubaal ah dimoqraadiyada aanu sheeganeynaa dhaawac weyni soo gaadhi doono, Dastuurka iyo Sharciga dalka u yaalaana wiiqmi doono, berina la xakameyn Kari waayo Riyaale iyo Xukumadiisa kuwaasoo markaas u madax banaanaan doona inay sameeyaan waxa ay doonaan sidaasna ummada iyo dalkaba ku majara habaabiyaan taasoo dhiiri gelin doonta cadowga Maandeeq ee gudaha iyo debeda kuwaasoo haddii aan arrintan aan hada wax laga qaban ka hortagoodu adkaan doono ama ay inagu sii xoogeysan doonaan kana waantoobi waayaan falalka mugdiga ahi ee ay had iyo jeeraale inoo soo maleegaan taasoo ay ku doonayaan inay inoo horseedaan burbur iyo aayo xumo ku yimaada shacbigan geesiga ahi ee samirka badan iyo iyagoo ismoodsiiyey inay sidaas ku burburin karaan qadyada iyo jiritaanka Somaliland. Hadaba, si looga hortago lagana gun gaadho arrimahaas mugdiga ahi ee maxkamada laga cadeeyey, waxaan soo jeedinayaa in Guddi Madax Banaan loo xilsaaro labadii boqoshoo ee Madaxweyne, Daahir Riyaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminay ee ay ku kaala bixiyeen dalka Djibouti iyo waxyaabihii u qarsoona ee ay ku heshiiyeen ama kala saxeexdeen Geelaha Djibouti iyo Xukumadiisa kuwaasoo horey laynoogu sheegeey in dhamaan arrimihii dalkaas loo aadey guul laga gaadhay ummada iyo dalkana guul wax ku ool ah loo soo hoyshay taasoo horey iyo hadaba inoo wada cad inaan runta laga sheegin shacbiga iyo dalkana si badheedh ah loo majaro habaabiyey. Dhinaca kale, waxa loo baahan yahay in Guddigaasi baadho kana soo gun gaadho waxa uu Madaxweynuhu, Wasiiradiisa qaar, iyo Madaxda Sare ee Xisbiga UDUB qaarkood ay ku qabaan xidhiidhka hoose Geelaha Djibouti iyo Xukumadiisa kaaso la wada ogyahay inu si cad uga soo horjeedo qadyada iyo jiritaanka Somaliland cadowna inagu ah, sababta ay shaqsiyaadkaasi ugu daacada yihiin cadowgaas cadeystay, sababta ay sida hagar la’aanta ahi ugu adeegaan cadowgaas, iyo sababta ay magaciisa ay had iyo jeeraale sanka inooga marmarshaan oo ay xidhiidhkiisa inoogu buun buuniyaan kaasoo horey cadowtimadiisa uu inoo qabo ku cadeeyey wareysigii saxaafada IRIN kuna dan seegay u olooleeynta dib u nooleyntii riyadii haligantay ee Somaliweyn. Guul iyo Gobanimo, Faarax Cali Jaamac, Ottawa, ON Canada.
  4. Hassan Jama: So Boqor Buur Madow is back on the government pay roll??? What a ridiculous assertion. Let me remind you that he is not a government official that can be deposed at will, he is a traditional leader and with certain immunity and deserving respect wherever our noble culture still exist. Kowneyn
  5. Qudhac: I am not naive, I think I am more informed in the intricate details and the **true nature** of that relationship you are describing. The narrative you just provided is exactly the kind of despicable defaming of traditional leaders and Mujahidiin that an increasingly desperate constituency is engaging in, its a shame and it illegitimizes our society along with its disgraceful administration. What happened to the decency of our culture or the benefit of the doubt of the law. It seems you forget that he represents a constituency that does not play these games of multiple loyalties and treacherous politics. The man's loyalty is to his people and country and he is serving them both well. More importantly, he excels in what he does and that is sure way to gain enemies EVEN FROM UNLIKELY SOURCES. Kowneyn
  6. Somali politics is emotionally draining, I think Buur Madow would agree!...its like baby sitting bunch of rowdy children This man of peace and integrity has won the confidence of somalis accross the clan spectrum and his voice of conscience should not, will not and can not be silenced. In desperate and futile attempt to defame him personally and discredit his miraculous work the despotic characters of the current administration in hargeysa resorted to disgraceful methods. I hope he will continue his good work and help resolve the conflict in the east, and when Somaliland is united he will lead an effort to bring peace to Somalia. He has the confidence of the people, the traditional leaders and any and all self-respecting politicians. Its such men or Morgan and Rayaale take your pick! Kowneyn
  7. Baashi: If u don't know then let those who do do their work! Kowneyn
  8. MAXKAMADA CARUUSHA OO KU BALAN QAADAY IN AY BILAABI DOONTO DHEGEYSIGA DANBIYADA LAGA GALAY SOMALILAND. Ismaaciil Barkhad Muxumud — ( ) — 8 April, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- MAXKAMADA CARUUSHA OO KU BALAN QAADAY IN AY BILAABI DOONTO DHEGEYSIGA DANBIYADA LAGA GALAY SOMALILAND. Waxa aan ku hawlanaa mudo iminka wakhti laga joogo, sida aan u suurto gelin lahaa in la soo bandhigo lana dhegeysto, dacwadaha xasuuqa ah ee laga galay dadka reer Somaliland xilliyadii keligii taliyihii Siyaad Bare dalka ka talin jiray. Waxa ay gaadhaan dadka lagu laayay Somaliland 500.000 oo qof shan boqol oo kun oo qof, taas oo marka lagu qiyaaso dadkii lagu laayay Ruwandha noqonaysa tira ka yar, laakiin u baahan in la raadiyo xaqooda. Maxkamaduna naga aqbashay. Waxaan ka furtay ganacsi dalka Ugandha, oo aan hore uga sheekeeyey sababaha igu kalifay in aan ka furto, Waxaan kaloo kaga sheekeeyey in aan diyaar u ahay in aan wax la qabto dalkayga iyo dadkayga awoodi halka ay I dhigto mooyee. Waxaana ku jiray dadaal aad u balaadhan oo aan rabay in UN ogaalato in maxkamada Caruusha dhegeysto sida Ruwandha danbiyada laga galay loo dhegeystay dar la midana laga galay Somaliland, taas oo aanu ku doodnay in ummaduhu xaq u leeyihiin in ay u sinaadaan cadaalada iyo sharciga hortiisa, waxaanu kaloo qabnaa in dhegeysiga iyo is cafiska ku iman karo haddii dadkii laysu dhegeysto. Danbiyadii laga galay Somaliya guud ahaan waxay dawo u noqon kartaa, haddii laysu dhegeysto Somaliya iyo Qaarada Afrikaba, arrintani waxay u furaysaa wada cusub qaab nololeedka Afrika iyo hoggaamiyayaasha haga siyaasadooda. Waxaan hadaba intaa ka dib si kooban idiinku soo gudbinayaa reer Somalilandnow, in ay maanta gaadhnay guul iyo talaabo hor leh oo aynu ku cadaynayno in aanay jirin cid inta ay danbi inaga gasho ku raaxaysan karta huteelada waaweyn ee Afrika, kana talin doonta masiirka Ummada Somaliya kuwaas oo ay magacooda ku galeen danbiyo badan. Maxay naga aqbashay maxkamadu. Maxkamadu waxay naga aqbashay in la dhegeysto dacwadahaa horaanta sanadka soo socda, waxayna ku guubaabiyeen ama amreen dawladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD iyo dawladaha qaxoontinimada bixiyaba, in haddii aanu ka codsano mid ka mida hoggaamiye kooxeedyada iyo kuwa ula jooga marti ahaanba, oo iman waayaan wakhtiga aanu u qabano ay tahay, masuuliyad saaran iyaga in ay keenaan maxkamada horteeda, taasina tahay mid xaq loogu leeyahay oo ka mida sharciyada ay saxeexeen ee UN. Dadka aanu ku joogno raacdadooda ee naloogu balan qaaday in la dhegeysto waa dad badan, waxaase u horeeya gacan ku dhiigle, Maxamed Xaashi Gaani, Moorgan iyo Col; Cabdicasiis ku xigeenkiisii oo aanu ku joogno raacdo halka uu joogo oo aanan u hayn war iminka filaynana in aad noo soo gudbisaan. Ninkaas magaciisa ma soo gudbinayo iminka illaa aanu ogaano halka uu ku nool yahay, waxa uu ku xigay markii laga saaray SNM iyo dadkii degaanadaa ku noolaa dhulkoodii, wakhtigaas oo ay i Cabdicasiis iyo ku xigeenkiisuba ku kaceen xasuuq fara badan. Waxaanu idinka codsanaynaa in aad noo soo gudbisaan meesha uu ku nool yahay. Waxaa ka mida dadkaas qaar wasiiradii xilligaa ahaa sida, Cali samatar, c/rahmaan Jaamac Bare oo aanu ka hayno balanqaad xukuumada ay martida u yihiin haddii loo baahdo in ay imanayaan. Dadka aanu magacyadooda gudbinay oo gaadhaya 46 qof oo danbiile, waxaanu idinka codsanayaa in aad soo gudbisaan faldanbiyeedo waxa aanu hayno mooye waxa naga maqan ee idinka idinku dhacay ama aad arkayseen markay dhacayeen oo aad markhaati ka noqon kartid, wax laydiinka sheekeeyey looma baahna, anaga oo aaminsan dacwadahan oo aanu mudo uruurinaynay in aanu hayno in nagu filan oo aanu maxkamad ku taagno denbilayaashaas, hadana wax aad noo kordhisaan waanu idiinku mahadnaqaynaa. Hawshan yaa hormuud ka ah. Hawshan waxaa wada aniga oo ah Barkhad iyo saaxiibkayga qaaliga ah ee Tony Powel iyo labadayada qareen ee midna yahay Maraykanka, midna yahay Polishka ee kala ah Cadnaan Al-Qaalibi oo haysta dhalasho polish ah iyo Willian Harry oo ah nin maraykan ah. Waxaa iyana mudan saaxiibkay Bill Harry oo ah walaalka qareenka maraykan ah oo nala barbar istaagay dhaqaale iyo xoolo waxa aanu uga baahano oo aan la,aantii hawshani suurtogasheen. Waxaan isna qalbiga ka xusuustaa aadna iigu dheer Prof: Anthony Carlson oo ah khabiir ku takhasusay sharciyada waxna ka dhigi jiray jaamacada Cambridge ee cariga Ingiriiska , hadddeerna nala jooga Dalka Tansania si hwlahan farsamo ahaan wax nagala qabto. Waxaan kaloo halkan ku soo gudbin lahaa in ay tahay muhiin in aanu u sheegno dadka haya xogaha dhabta ah ee xasuuqyadii iyo ciddii geestay ee laga galay shacbiga Somaliland in aanu diyaar ula nahay in aanu anagu qabno kharashka ku baxaya inta ay joogaan dalka Tansaniya ee markhaatigooda la dhegeysanayo, kharashkaas oo noqon doona mid masaariif ahaan ugu filan maxkamduna xadidi doonto, haddii kale bahiyaha yaala awgeed baa la filayaa in aanu macluumaad been ah iibsanayno. Waxaan kaloo ku boorinayaa shacbiga Somaliland in aarintani tahay muhiim kana qayb qaataan, waxaa dhici doonta xilliyo ay hawshu geli doonto weji adag laynagana dalban doono qaar eedaysanayaal ah, markaa waxaan filayaa in aynaan xaqeena cidna uga hadheen, kagana carareen waa nala qolo oo dhiibi mayno, ama ixtiraam baanu u haynaa. Qofkaasi idinla qolo ma ahayn markii uu ka qayb qaatay xasuuqiina, ixtiraamna idiinma hayn, waxaan filayaa in idina aydaan maanta si cadaalada loo horkeeno haddii loo baahdo aydan odhanayn hadalaas. Waxaan kaloo ku boorinayaa taliyaasha Cidamada qaranka ee Jiida hore, kuna dadaalaya in ay xuduudaha soo xidhaan in ay ilaaliyaan xuquuqda shacbiga Somaliland ee halkaas degan, oo haday ku tagri falaan aanu u gudbin doono shakhsiyaadkaas maxkamada lafteeda. Waxaanse ugu mahadnaqayaa qaabka ay hawsha u wadaan illaa iyo hadda iyo dad jacaylka iyo dal jacaylka ay u muujiyeen degaanadaas. Waxaan u mahadnaqayaa oo hawshan wax ka qoray ama naga siiyay macluumaad ururadan iyo shakhsiyaadkan hoos ku qoran. Waxaa hawshan door libaaxnimo ka qaatay. 1. ururka Raaqiya Oomaar iyo iyada lafteeda oo mudo ku hawlaneed hawshan. 2. Shakhsiyaad ka mida guddidii loo saaray dabagalkii xasuuqa ee Somaliland laga galay. 3. Mujaahidiintii SNM iyo Siyaasiyiintoodii oo door wayn ka qaatay raadinta xogahan. 4. Urur qarameedka KULMIYE oo aad noogu booriyey in aanu adduunyada u bandhigno danbiyadii Somaliland laga galay. 5. Xukuumada Somaliland wasiiro badan iyo masuuliyiin sarsare oo ka mida. 6. Ururka Ucid xubno ka tirsan oo qurbo jooga. 7. Haweenkii mujaahidiintii SNM iyo agoomihii Mujaahidiinta . 8. Golaha Salaadiinta Somaliland oo door wayn ka qaatay,aanuna ka xunahay ninkii aadka noola shaqeeyey oo maanta xidhan Boqor Cismaan Aw-maxaumuud Buurmadow oo ah nin u dooda xaqa dadka la dulmiyey. 9. Waxaanu kaloo u mahadnaqaynaa dhamaan shacbiga Somaliland oo dhan, oo isla kaaya barbartaagay taageero iyo guubaabo. Waxaan kaloo mahad aad u wayn u gudbinayaa saxaafada Somaliland oo hal doorkii noqotay horumarinta ummada Somaliland, waxaanu kaloo ku soo gabagabaynayaa xukuumada Somaliland in ay hawshan nagu keliyeen oo aad moodo in ay nagu kaliyaysay, ugana baahanahay taageero inta hadhay. Waxaan ku soo gebegebaynayaa waa maalin weyn iyo taariikh hor leh oo u bilaabantay reer Somaliland, illahay baa mahadaa leh ee cid kale malaha . Waxaan leeyahay daawanaayow waa dadkaagii ee la qabo wax. Ismaaciil Barkhad Muxumud. Barkhad63@hotmail.com The war criminals will wish they had kept a low profile. Kowneyn
  9. I think Ms London should heed the advice of her signature. Riyale is the selected president of Somaliland by special interest and not its popularly elected leader. Kowneyn
  10. Ayoub: Definitely more colorful Kowneyn
  11. Spadez: Well said! The Somali nation needs a paradigm shift which a well governed, free and just Somaliland can provide. Kowneyn
  12. Baashi: Would you play the "Somali card" if his views were against Somaliland? I don't need to remind you that the "reconciliation conference" is funded, mediated and hosted by non-Somalis. Kowneyn
  13. Baashi: I agree with you regarding the dubious nature of these terms, unfortunately the lip service being paid to Somaliweyn and unity is no different and probably more destructive. As for the regions u called anti-secessionist, Somalis say oodi ab ka dhaw...I respect their wishes and support their right to determine their future free from the coercion and manipulation of hargeysa and garowe/bosaso. Kowneyn
  14. Samurai: Fine, lets call the "professor" a famous adversary of Somaliland--My question still stands. There is no point in challenging the "professor" he is entrenched on the wrongside of the valley. Somaliland is no longer underyoke, its free to determine its future. Its time Somalilanders worried less about the actions and the opinion of others and engaged in soul searching and self-criticism, contemplation and reflection because their destiny besides ALLAH is in their hands. Kowneyn
  15. Samurai: I think I will let time and the future elaborate that statement. Kowneyn
  16. Somalilanders are the natural peace brokers among Somalis and if they had the right spunk they would claim this role as their heritage and its sole propreitor. As for the international community, I think they should start by creating a war crimes tribunal for Somalis. Such tribunal would render justice and also effectively disqualify many of the subversive characters still active in Somali politics both in Somaliland and Somalia. Kowneyn
  17. India, How does this famous enemy of Somaliland lie his way in? I guess the same way Osman Kaluun did! I think its high time we stop scapegoating others and take a very good look in the mirror as a people and as a society. Kowneyn
  18. Qudhac, Ayuub, and Lander: Have you asked yourselves how this "professor" got in, while thousands of Landers were outside in the cold unable to even get a glimpse of the convoy passing by? I bet the fist fight was about this very question! What about Osman Kalluun and his trip of tabliq to hargeysa where he met with highest ranking officials of Somaliland? Its time you figured out who your real enemies are, otherwise you will have no one to blame tomorrow except your selves. Kowneyn
  19. Che: You have to understand who and what kind of people are speaking in the name of Somaliland. Its the same minister who was busy accusing and defaming the very people who were risking life and limp to capture these terrorist, he even blamed the wounded German who survived the attack. The terrorist ambushed the ngo between hargeysa and berbera and made their way freely accross Somaliland until they reached Doqoshay-- a town that served as the major hub for the SNM struggle and now distuingished itself again. All I can say is this government is a disgrace and certainly not a legacy of our struggle. If u want the true and shining example of Somaliland, its people like Boqor Buur Madow, the ordinary Somalilanders like the residents of Doqoshay, who are very much Somali, and the veterans of our struggle wherever they may be today. It seems that these terrorist were sent from outside, if the correct procedures are followed and the scotland yard which has already offered its service becomes involved and gives the results international legitimacy, because of the multi-national nature of this criminal act it will spell DEATH for who ever sent them. Its absolutely irresponsible and counterproductive to make accusations until then. Kowneyn
  20. Jamaal-11: Guraad's contention is technically speaking wrong at many levels and from different angles as well. For example, the state that was called the Somali Republic has ceased to exist...Second, this state was formed by two independent states--Somaliland and Somalia...third "Somalia" currently has no administration and we could keep going. Kowneyn
  21. All I can say is: ALLAH WA KUGU MAHAD! Kowneyn My Avatar-- The Maqaam at Maydh...
  22. Lander, You are with the program bro, very few somalis, landers or otherwise, see the big picture. Kowneyn
  23. Spadez: This recent cartoon in haatuf answers some of the questions you posed:
  24. Spadez: I am not sure why u feel the need to defend the indefensible. Riyaale spent his whole life in the NSS and rose through its ranks. The NSS was not the boy scouts and it was certainly not the organization one joins to SAVE LIVES. In fact, a conscience spelled a glass ceiling in this most brutal appendage of barre's regime. Many of the most brutal crimes were committed under his watch and some who have studied his career claim to see a correlation between Riyaale's authority in an area and increase in human rights crimes. In sum, he is guilty until the very unlikely event he is proven innocent. Riyaale is not the only one with a dark past holding a position of influence in Somaliland. People like Qaybe, Ismail etc., along with Riyaale will have their day in court some day. The fact these people came to hold these position or the thousands welcoming the presidents delegation in support of the right of Somaliland to be recognized, does not absolve them of past crimes or erase their dark history. We welcome this delegation today for Somaliland's sake, as we will welcome for the sake of justice their day of reckoning when it finally arrives. Its simple as that. Bari Nomad; Your sporting of the Boqor's picture to score few political points reminds me of the disgraceful exploitation of MMA for a similar end the suffering of the people of Baidoa. Kowneyn