CARTAN

Nomads
  • Content Count

    59
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by CARTAN

  1. Asallamu Caleykum W.W. Yaa Sallaam! Well, I have been away from this forum for a while, and I can see that I missed some rather interesting arguments. Any way, I have the following scintillating poem, and would like to share it with you. For it has been authored by Maryan Abdi Mohamed after she had scrutinized over the endless Somali plight during her vacation on our beloved country, Somalia. " Somalia " ----------- Taxanaha waayuhu waxay ifka iyo uumiyahaguudsaaranba kaga tagaan markay weydaartaan raad aan si fudud u baabi'in. Tabaalada maanta ku habsatay Soomaaliyana waxay qaadidoontaa toobiyahaas mahadhooyinkii ka horreeyayba ay qaadeen. Ka-sekow dadka qaxootiga ah ee kasoo barakacay dhulkoodii hooyo, waxa jira in badan oo kale oo ku canqartay waddanka debeddiisa hase-ahaatee diirka iyo dhuuxaba ka ah Soomaali oo dhibta yuurursatay waddankii utaabatay siday inoo daartay ama si kasii daranba. Tixda hoos ku xusan oo la yidhaahdo "Soomaaliya" waxa curisay abwaanad Soomaaliyeed oo dalkeeda hooyo ku dhaxday oo keliya in ka yar laba toddobaad. Dulucda ay Maryan Cabdi Maxamed dhiibanayso iyo tawaawaca, cabashada,xusuusta murugtay iyo rajada laalanba ruuxba siduu maansada ugala soo bixikaraa waa tab isaga hurran. Contributed by; C.C.Cige..... Somalia.......Somalia.......Somalia....... I have met you briefly only once Bu I liked the way you were Even though you were already showing wrinkly signs I wish I could see you again in better shape Bu things are different now How can I meet you again ? I wonder how you are You have been through a lot since I met you last You have been raped, mugged, turned upside down Your belly has been ripped wide open And your organs have been sold at auctions For less than a shilling And yet you survived No plastic surgery could repair the damage People from the East and the West came to rescue you The wanted to reconcile your children But they were so obstinate The visitors had to abandon you But how can I help you ? I feel so hopeless My heart bleeds for you For what your children have done to you How can they be so ungrateful to their mother ? It is not your fault if you had so many husbands And your children had to be from different fathers Born from Queen Africa You were once one of the most beautiful African princesses I wonder what your siblings think of you now Some of them are in a similar position as you Why have you all been allowed to be in such a state ? Most of your children have deserted you To different corners of the world Will they ever remember your history ? Will your grandchildren be able to retell those memories ? I heard some of your children came back to visit you They say some your limbs are gradually healing But your scars will be forever rooted A reminder to your children of their greatest upheaval Nowadays, people from the East and West remember you less Some say that it is better for your wounds to heal by themselves As antibiotics do not always work Others think that cosmetic surgery might help to fade some of your scars But who knows what best to prescribe May be one day, Your children from the East or West or South or North Will find a miracle remedy for your wounds I hope it will not be too late For I fear you might be already dying slowly By Maryan Abdi Mohamed Liverpool, Merseyside, United Kingdom _________ Somalia is solely for the Somalis! ....SCS. _____________________________________________ _________________CARTAN______________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!
  2. Somalia is solely for the Somalis!
  3. Jamaalowow, ma xussuusataa:- Haddii aan Jacayl jirrin Jaar lama ahaadeeN!!..........Absolutely trueeeeeeee!! .....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!
  4. Unavailable Article...
  5. MaandeeQ, that is an excellent explication of the field, and I find myself saying "Foodsaarka qaybtaa, Lagu qoray farshaxankiyo, Ficilka iyo maaddiga, Fagaaraha jacaylkee, Farxad lagu caweeyiyo Fakaloollay goortii......Ma dhamayn karaayee aan intaa ku dhaafo. After all, thanks, you've got my appreciation walaashis
  6. Mudane Jamaal Waa ku mahadsan tahya sxb ereyadaas aad na tustey. Waa ka dhacaysaa i-dheh, oo sxb inteen jirney markii waxaas oo dhan qabbanqaado lagu hayey. War mayee iska daa haddaan gartee, waa intaan koley ku jeedney Ginni adduun iyo Geel hoggiis. Jamaalloow sxb afkii waa iga dhummee miyaan dhisi karaa ayay dad badan maanta xaajo ka taaggan tahay laakiin yaa ka mussuul ah Hawbbawga ay galleen? Balse dadka qaarbaa iyagu isuba haysta in ay tagan yihiin albaabkii ilbaxnimda, hadda waa markii ay bannaanka oga dhaqaajeen dhaadashada dhaqankii habboonaa . Dhaaxay Cayaartee miyay dhudiba eeg eegtay dheh. Jamaaloow Thanks for 1000 times sxb. Endeavor to preserve. ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  7. ....SCS. :cool: _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!
  8. Jamaal-11, Kaamila Caddeey, iyo MaandeeQ, waxaan marka horre iddin leehay....... Salaan Gacalnimeeddoo Garrabkey ka soo timmid Farxaddeedu tahay Guur..Loooool Ayaan soo gudbinayaa Iddinkuna guddoon wacan. .............. Raali ha layga haaddo, waan ogahay oo waan soo daahay, waayo waxaan baaddi-doonnay Shiikhii, Maherka innoogu xarriiqi lahaa. Shiikhii Maggaaldaba waan ka waayey oo meel baaddiye ah ayaan ka doonay, aannoo daalanaa balse u heellan farxadda arrooska Asxaabteyda, Jamaal, Kamila Caddey iyo Gacall MaandeeQ. Taas ayaa igu kelliftey in aan Socdaal u gallo dhawr maalmood oo aan farras ma haysane sii ergistey Baqan uu lahaa Duq aynu meel ka wadda haywgeli jirrey Saggaashaneeyaddii. Shiikhiina waakan hadda aan soo helay waa Diyaar, Waa soo xooggey bal ha yar nasto intuu miyirsanayo. Halkaas waxaan filayaa in aad garrateen hawshii i-hakisey dhawrkan maalmood. Jamaal-11, sxb aad ayaad ugu mahadsan tahay soo dhaweyntaada xiisaha leh ee aad ii-fiddisay. Thanks for that mar labbaad. Xaggaas iyo Jawaabta Halxiraalihii. Jamaal-11, Isla qaabkii aan Jawaaba u hayey ayaad adna oga jawaabtey, marka waxaan koley is weydiiyey in aad horay ula kullantay iyo in kale, laakiin ma hayo sidda ay xaqiiqdu tahay. 1 and 29=?Waxaad mooddaa in aan dhinacyo baddan u rogroggey laakiin an isla keenni weyney. In kastoo aannan helin Jawaabta ku habboonaan leheed 1 and 29=? haddana dhawr waxyaalood ayey arragti ahaan ila noqotay, balse taas waxaa isu qillaafey anniga iyo nafteydii. Ugu dambeyn waxaan is-irri aarmaa lagga yaabbaa in aad u baahnaan leheed, some description about 1 and 29 =? si aan u hello barta uu halxirraaluhu salka ku hayo isla markaasina uu ka soo jeeddo fircankiisu, taasi oo ay ila tahay in ay fududdeyn karto heltaanka Jawaab suggan amaba ugu yarraan u dhaw. Jamaaloow, sidda aan fillayo inta baddan Halxiraalayaasha waxaa la socda faahfaahin yar oo markaas wax ka taabaysa isla halxiraalaha si ay "Furraha" ugu sahlannaato. Ugu dambeyn Jamaalow, anniga iyo 1 and 29=? isla keeni weyney xaqiiqdu say tahay. MaandeeQ, Walaashiis, mar labbaad salaan iga hanti. Marka xigga xaggaas iyo Gabaygii "Qaaddow addigaa leh" Runtii waa ay wannaagsaneyd in la heli lahaa turjubaadda Gabaygaas oo qorraal ahaan lagu kawirro Afafka qallaad. Bal dhinacaas waxa aynu wax ka weydiin Mudane Jamaal oo dhankaas ku habboon, waayo waxaan filayaa anniga in xaggaas layga horreeyo. MaandeeQeey,waxaaban u malayn in aan daggaal kula jirrey Afkaas marka loo eeggo Goob madalleedyada ay Soomaalidu ku kulmaan, nasiib darro wax guul ah ma aan ka hellin, Lool MaandeeQ, Dabcan,Dhaqankeena in aynu ku faanno, ilaalinno, oo aynu usii gudbinno Jiillasha inaga dambeeya, dhaqankeena Wannaagsan ee isla markaasna Salka ku haya Diinteena Muqaddeska ah,waa sidda keliya ee aynu ku badbaaddin karro. Waxaa hubbaal ah in aynu lafteeni ka soo Gaarney Dhaqankan Awoow-yaasheen, haddii eyan awoow-yaasheen inna soo gaarsiin leheen, Maxaa dhaqan ah oo aan heeysan leheen? Waxaan filayaa in aynu xoogay yar uun ka duwaan leheen Duur-joogta haddii eysan inna difaaceyn Diinta iyo Dhaqankeenu. Marka haddaba halka eynu isu Ognahay in aynu si wannaagsan oo haggar la'aan ah oga soo baxno waa Dhaqankeenii oo hadda Halis ku suggan. Bal aynu isu dayno in aynu hadba meeshii aan joogni ilaalinno, Illaah baa wax ilaaliyee. Kaamila, Halxiraalihii waa layga famey, waana isla sidda Jamaal ( your future husband) u soo tebbiyey. Bal haatan addaa wax laggaa suggaa ee maxaad sammayn, Kamilay? Geerraakii intee oag soo tegtey. Ileen adna goobta waa ka maqnayd beryahaan, ma lagu arkine. Waxaan is irri Minxiisad lee soo raaddinee. I C..... Midda kale MaandeeQ iyo Kamila, Diyaar noqdo arrooskii waa Next week-ga foodda inagu soo hayo. Bal wax sii tabaabbusheyta ka hor inta aydaan garrin arromahaas xaasaasiga ah. ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  9. Dhallinta waa laydin salaamay. Intaas ka dib. Waxaan filayaa Hawlihii aynu wadney dib baad inoogu yar dhigteen, waayo Sheekaddii oo yar hakatay ayaan meeshaas ka arkaa, waxanse haddana isu qanciyey in aydun hawlo kale ku guddo jirtaan, oo aad qorshe dhammaystiran la immaan-doontaan ka hor dhammaytirka hawsha. Waa Tahay,Haddal Haammo ma buuxsho,ayaa horray loo yirree bal intaas oga baxo dhankaas. Caawa waxaan iddiin hayaa Halxiraale aan fillayo in aydun heli kartaan Jawaabteeda, balse haddana marka dhan laga fiirriyo ay addagtahay siddii loo furri lahaa,waxanse rajeynayaa in aydun jawaab habboon ka bixin doontaan, haddii aad hal-ujeedka Halxirraalaha fahamtaan. Halxirraalahan muddo hore ayaa laysoo gaarsiiyey. Marka waxaan Jeclaystay in aad iddiinku soo gudbiyo isla siddii uu igu soo gaarray: Waana Kan ee Shaqo wacan Dhammaantiin Asxaabta. Nin dhagoole ah ayaa wuxuu teggey maqaayad ku taalo waddan af English ku haddlo, maqaayaduna waxay ahayd buzy aad ah markuu xoogaa joogaybaa ninkii waiter-ka ahaa wuxuu yiri keen lacagta oo bixi waxa aad cuntey, Ninkii wuxuu u qoray note uu ku dhigay 1 8 0 ninkii waiter-ka ahaa wuu ku xanaaqay ninkii. Labaddii nin oo murmaaya ayaa waxaa yimid Manager-kii, waxaa la tusay note kii uu ninka qoray oo ahaa 1 8 0 , ka dibna wuxuu amray in ninka la sii daayo. Su'aashuse waxay tahay why, uu u sii daayey. ( Xussuusnow markii la sii daayey dhaggoolka ma uusan bixin wax lacag ah ) Waxaan filayaa in aydun Fahamteen ujeeddada iyo habdhaca Halxiraalaha. Marka wixii layska suggaaba waa Jawaabta oo koobban. Gaddaal ayaanan ka soo qorri-doonnaa Jawaabta oo sax ah. Sida dayaxa nuuraay Habeen dedan hilaacey Waqalkii daruurtaay Darmaantaan jeclaayey Heedhe waan ku dirayaa Degmadaan ku gaadhsiin Waa laguu dabaaldegi Durbaannaa laguu tumi Hadaganne hoy dadooy Ma-hungowdo daacadi .................... .................... ...... ....SCS. :cool: _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  10. Woooooooooooooooof !! waxbaa ka dhacay Jamaaloow sxb, marba haddaad Calool addayg muujisay, Nin-daran iga dheh. Jamaaloow ismaan lahayn sxbkaa ayaa arrooskiisa soo xirran-doona, Cimaammad, Macawis, Tusbax, iyo ableeytoona. Aadbaan oga maqsuuday go'aanka aad gaartey iyo qaabdhismeedka aad aad ka bixisay habka arroosku u dhici-doono,Kamlia-na waa ay inagu raacdey,waxaanad halkaas ka fameysaa in ay xubbin ka tahay Gabdhaha Reer Guud Haldhaalleey oo aan la gaarrin ansha iyo asluubtoodaba! Jamaalow,Guud Haldhalleyba haddaad maqasho gabr lagu tilmaamay yaaney ku dhaafin, waana Kamila oo kale. Laakiin bal Maandeeq ayaynu ka war-sugii iyana waxa ay jawaab ahaan keento. Jamaaloow Dabcan dhaqammadan Reer Galbeedku waxa ay totally ka soo horjeeddaan Xishoodka iyo kala-dambaynta waxa la yirraahdo, waxaanay si ta'kiidsan u buunbuunniyaan dhammaan arrimaha qallafsan oo dhan,sida in ay qofka ku qalqaalliyaan, muuqaal dhallanteed oo aan jirrin lana gaarri kerrin isla markaasina aynaan heyb u lahayn--- marka intii ay meeshaas beerdarreyn inaga soo gaarri lahayd ayaa waxaa habboon in aynu sammayno ka hortag (prevention)si aynu oga badbaadno Caaddooyinkaas arxan la'aanta u hoyga ah. Jamaalow aroosyada waxaan ka hellaa kuwa ku aaddan qaab dhaqammeedkeenii ee fardahana lagu gelibin jirray !! sidoo kalena lagu dalaallimeyn jirray aqalka laba-deryaalaha ah ee laba go' seddex qaydka, boqorkiyo dhacluhuna ay ahaayeen hurmuudka arrimaha arrooska. Dhinaca Cayaarrahana ay ka midka ahaayeen: Dhaantada, Walasaqada,jaandheerta, Seylicida Iwm. Wooooooooooof!! Kamilaa iiga darran oon la dhacay Haddalkeedii ahaa waxaan soo xirran doonnaa Kuulihii cajaa'ibka ahaa ee dhaqanka ogu horeeyey, iyo Timo dabashadaas ay tiri guud-baan soo tidcan doonaa !!............. Waxbaa ka dhacay......... Halkaas Haynoo Joogto Maanta Dhalinta. Sheekada bal inoo wadda waan soo laban doonnaaye.......... Alla danaha dhaqankeenna, Dambarsame calankeenna, Dugsi lagu bartaa. .............. .................... ......................... ............................. ....SCS. :cool: _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  11. Bacda Sallaan, Maandeeq Gabaygan looga hadlayo dhibka iyo Silica uu lee yahay Qaadk ee "QAADDOW ADDIGAA LEH" haddii aan bal kuu yar sheeggo Mu'allifkii lahaa Mirrahan iyo Miidda Murtidiisa ee ku farayaraystay gabaygaas. Marka ugu horeysa ma uusan Aliffin Abwaan Cali Cilmi Af-yare, Balse waxaa aliffey Abwaanka Caanka ah ee Abshir Faarax Nuur (Abshir Bacadle). Run ahaantii Maandeeqeey, Gabaygani waxa uu ka mid yahay Gabayada aan aadka oga riyaaqa isla markaasina aan sida Gaarka ah u xiiseeyo, sabbabtoo ah Dhug foggaanta Gabayga iyo Hannaanka laysugu dubba ridey ayaa ah mid aad kuu Cajabinnay isla markaasina ku dhisan dhacdooyin run ah oo ku aadden Silciska uu leeyahay Bahalkan Qaadka la yiraah. Aad ayaad ugu Mahadsan tahay Maandeeq{/b]Soo gudbinta Gabaygaas qiimigga wacan ee aadd ina soo xussuusisey Wallaashiis. Kamila,Miyaad baqanaysaa why don't you promise in aad furto Halxirraalaha ?(KaftaN). Kamila Halxirahan Waan keenni doonnaa balse wax shurruud ah kuma xirna, Just you may try and guess its' answer. Balse dhawaan ayaan soo qorri-doonnaa Insha'allaah. Don't be hurry. I've a lot of Somali Puzzles, siiba kuwii dhaqankeena, waanan Idiinka faa'ideyndoonnaa. Sxbkey Jamaal, sxb Baqdinta inta aad iska dhaafoto Hablaha Maa Meherka ugu dhufatid annaa kula jooggoo dhinac kasta kaa taakuleynee. Jamaaloow, Arrooskaadu waxaan jeclahay in uu ahaaddo mid aynu aad laysugu soo dunney, oo isla markaasna uu ahaaddo mid aad loogu riyaaqo ,misna ka geddisen qaab arrooseedyada ka dhaca dhinacan Westren-ka, waayo haddii aad aad ogu dhabbo gasho dhaqammadan aynu ku millanney ee Reer-Galbeedku in ay dhinacyo badan ka Gurracanyihiin, oo waxaa Hubaal ah in ay ku jirraan Waxyaabo sigaxan oo si maldahan loo soo habbeeyey balse muuqaal ahaan la arko, laakiinse aynaan Fahamsaneyn. Marka Jamaaloow, sxb addaaba Nasiibkaa ku siiyey Kamiliyo Maandeeqe Bal farxadda iyo rayraynta arrooska yaynaan la daahin sxb ee get ready. Laakiin goobteebaynu ku soo Meherrinaa Jammaaloow ??. Kalgacalku waa qani Caashaqa ka qaraweyn Qurux iyo wanaag badan Waana shey ku qaaliya Qiimaynta aadmiga Labadays-la-qaaddana Qalbigooda kama go'o ...................... ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO... [This message has been edited by CARTAN (edited 05-16-2002).]
  12. Jamaal, Daaqadaad ka soo dhacday miyaa, albaabka ma aad ka soo gelin aan filaa,sxb haygu raaggin deeeeeeeee Waan sii roorrayaayoo,meelbaan ka raageeeeeee ** Dhoof jacayl iyo dhul la'aaniyo *** Dhaqankii dalkeenii Maxaa dheelligani badday? Dhammacdiyo rasaastoo Onkod roobsidiisii Dhulkii loogu daadshoo Dhallaankiyo haweenkii ku dhammaadey goor hore Dhalliishaasi yey Hoddi? Nacaska iyo dhoorraha Dhuggufle iyo Naannaab Doqon aan aqoon Dhaxal Hawlo laguma dhaafee Dhambaa looga jiitaa Midka aan dharraar iyo Habbeen maalin dhawr jeer inta uu dhufeeys gallay Dhimmasho aan suggeynee Dhallaankii halleeyee Dhoorkana u xiirree Ka dhaqaajay Dhaqankii Arxan li'i la dhuubtee Dhibka uun Dalkiisiyo Ku farxaaya dhiiggaba Dhaandhaanimo maxaa badday? .............TO BE CONTINUED.......... ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!
  13. Kow Kow iyo koraan aaddey.. Kamila, Yaa kuu Fasaxay in aad Nuqulka Habdhiska M.Soomaaliyeed intaan Keento?lol, just kidding Halxirraalihii ku saabsannaa Saddexda Nin, Waa lagga Jawaabbay Sirtii ku qarsooneyna waa la gartay. Silent-Guy ayaa ugu dhawaa, maadaamo uu sheeggay in meesha trick yarri ku jirro. Jamaal, Laftiisu waa la beegsaday meeshii laga rabbay. Kaamilaay Halxirraale kale ayaan kuu yahaa,haddaad Diyaar u Tahay oo aad Jawaab suggan ka bixinneeso ? Let me know if you wanna know it. Gudcurkaan habeensaday Gidaarkaan yaxoobsaday Sida gorayo law-jaban Socodkanaan gabaabsiyay Gadhkaan saaray lawyada Inaan gebi-cidla'ah iyo Ku go'doomay oomane Umuu garasho dheeree Malaa cidi ma-gaadhsiin !!!! ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  14. Salaan ka bacdi, Waxaad mooddaa in aqyaarta qaar ka mid ahi ay ku tallax taggeen Gabaydii Dahabigga ahaa ee Soomaaliyeed. Runtii haddii aad rabto in aad tiriso Tix Gabay ah, waxaa shardi ah in aad taqaan Qaannuunka iyo Sharciyadeda, ma ahan amaba looma baahna in aad in aad tirraah Gabay ayaan alifayaa addoon garan kerrin system-kii iyo darriiqii la raaci lahaa. Fadlan si aad wax oga oggaato waddiiqooyinka loo marro alifaadda Gabayada, waxaa soo booqataa.... http://www.somalishop.com/site/ArticleView.asp?article_id=41 Dabcan waxyaalaha ay dadka qaar ku andacoonayaan in ay qorreen qaar ka mid ah marnaba laguma tilmaami karro Gabay toosan!! Waxa ugu horreeya ee loo baahan yahay waa in miisaanka tixdu isu dheeli tirnaataa.
  15. Aaaaaaaaaaaah !! War yaa ii qosla Miyaan qosli karraa !!, Way iyo tola'ay..... Waxa aan filayaa in aad fahmi karto hal-ujeedka Maansadan........Bal u fiirso haddaad dhuuxi karreysid ama aad dhuggan marna aad ku dhawaan halka ay u dhacayso iyo sheekadan dheer. Waxba yaan dhex mushaaxin sharraxaadda dhankeedee halmar soo bal dhawoow. HABAR JAAN!! (Milk Way ) Habeen gudcur jooga, Nin jeego u seexday Ayaa duq ag jiifay Wuxuu ku jalbeebshay Cirkaas jirka weyn leh, Najuumtu jibaaxdo Inuu bal jaleeco, Jid dheerna ka eego. Warkaas lagu jaabay, Runtiisa jiraalka Inuu jibo gaaro, Ninkii jimbicaarsi Janjeeri surkiisa. Jihooyin isdhaafsan Muuqaalo jamaal leh Kurtood jamiraaya In jeera ku eegyay. Jikaar ma lilleyne, Jegaan wax la moodo Sidii waddo jey ah Sideed u jarjeeran Inuu ka jeeqaaqay, Ayuu ku jawaabay. Duqii qosol jiibi; Dabeed ku jareexyay Jidkaas aad arkayso Jin baa habartiisa Intuu ku jiidjiiday Ku falay jirjirkeeda. In hooyo la jiiday, Intii la jujuubay Waddana lagu jeexay Jaciirta ka yaw leh Ninkii la jarceeyay; Cabbaar jirdubaaxi; Dabeed ku jawaabyay: Inuu jinka baasi Ku jawrfali hooyo, Jaxiimo-galeedku, Jacdaas nin ku dhiirta Kolley jinku waa yahay. Iyana habar jaantu Kolley in la jiido Jasaarnimadeeda Ayay ku jisaysan. .... . Composed by Deeq Diiriye. Tixgelin, Deeq ........ Jamaaloow warkan eeg, jihaadkeeda mar maanso addaa Jaaha ka qaaddee, Anna waan kula jooggi ilaa ilaa aan jeexjeexno hirkeeda. ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  16. Dhuux micnaha ku jirra Gabayga iyo qaabka uu oga hadlayo arrimaha dhabta ah ee Jacaylku. Ruuxii Caashaq soo maray ayaa garan kara Micnaha guud ee Gabaygan iyo ujeeddadiisaba......... Gabaygan waxaa tirriyey CABDALLA NUURADIIN. **** CAASHAQ **** 1. Nimuu caashaq dhiibay baan ahay oo ciillan waligiiye 2. Anigoo carruuruu i galay cudurka shaydaane 3. Culays buu i saaray iyo xanuun caadi yoon bi'ine 4. Cabsi kama qabayn maalmuhuu igu cusboonaaye 5. Ciduun baa dawayn baan is iri, ciirsi kuu baxa'e 6. Cashar ii qora yaan lahaa culumo duub wayne 7. Ceesaamo gowracay intaan ciid ka faashadaye 8. Cishriin bilood baan ku jiray weel ciriiri yahe 9. Welina caafinaad ma ledin oo waygu caynkiiye 10. Intuu ii carooduu dhammaan cunay dubkaygiiye 11. Casho iyo quraac buu ka dhigay cudadahaygiiye 12. Cadkii waa ka feensaday laftii coodi iyo jiire 13. Ciriqyadii wadnaha buu xiroon dhiigga celinayne 14. Naftana waygu caascaasiyo, ceeshkii iga gooye 15. Caanana kollay ku tahay dhadhamo wayga celiyaaye 16. Cunahaba wixii sii maraa waa candhuufada'e 17. Cagtaydii tallaabada gabtoo caajis baan ahaye 18. Sidii ruux cirroola ah yaan tukubo culus ku ruugaaye 19. Cirba-jeedis mooyee durduro waan ka caal-dhigaye 20. Waxbase yaan calaacalin rag waa kii calool adage 21. Middii cudurkan igu beertay baa ii cadaawa ahe 22. Anigaa naftaydii casilay caadil ii qoraye 23. Cudur iga fog baan doontay oon caabuq ii harine 24. Haweenna way ka cararaan nimaan caysh u fidinayne 25. Hadba kii cashada siiya bay wada caweeyaane 26. Caqli iyo garaadkoodu waa calal nadiifaade 27. Haddii uu cirfiid yahay midkii cuud le bow taline 28. Cadaabtii Ilaah iyo nabsiga kama cabsoodaane 29. Cilmi baan ogayn jeer in ay caaska geliyeene 30. Middii calanka loo saaray baa cayrisoo dhimaye 31. Inuu caashaq naageed dilaan cidina moogayne 32. Aniga halkaan caawa aal ciribla' weeyaane 33. Ka carraabay dunidoo naftani waygu ciribriiqe 34. Noloshii cirkay iga tagtay iyo caadka hoos mara'e 35. Cisraa'iil wuxuu igu wadaa ceelkii aakhiro'e 36. Teer iyo carruurnimo middaan daba cataabaayey 37. Haddii ay i caawini lahayd cudur ma jiifeene 38. Cidlada iyo jirradu waa darteed caawa aan qabo'e 39. Ninkii caashaq naageed qabow, xiro calooshaada! ................ Waa socdaa sida aan filayoo........ ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!
  17. ...Maxkamad ayaa lagu saarri lahaa Caawa haddii aad jooggi lahayd Maddasha Suugaanta iyo sarbeebkeeda suggan ee saxar aannu ku duullin, balse waad sigatoo,saadaashada waxaad ku salgoysey........ :eek: ..........Ok waa tahay...... Waxa aan ku dhihi lahaa Ka Fiirso ka Hor inta aaddan wax fali, addoo Raali........ Jaangeynta erreyada iyo isu dheelitir koodu waa tiirka koowaad oo loo baahan yahay in aad iska hubbiso haddii aad Currinayso Maanso.......... Geeraarkuna waa Halkiiseeeeeee, Yaan loo gefin Rugcadaayadii iyo Maansoolayaashii shiishkoodu dheeraa ee shaxda aad u yiqiin ee aan marna sharadkoodu shaashoodka aqoon........ ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  18. CARTAN

    Halxiraale....

    Hater:- Sxb, Hannaanka iyo qaabka Halxirraalaha loo kawiray u fiirso,markaas ayaad fahmi kartaa waxa iyo ujeeddada laga leeyay,isla markaasna waxaa kuu dhib-yaraaneysa in aad si sahlen u hesho jawaabtii laggaaga baahnaa ee ku saleyneed Halxirraalahan. Midda kale, waxaa dhici karta in aad waqtiga aad sheegtey ee aad leeddahay,Dadka ayaan ku Waabsan jirey,waxaa laga yaabbaa in uu ahaa mid akn la mid ah,balse ay dhici karto in uu ahaa kan laftiisa oo aad si kale u maqashay,waayo Soomaalidu halshey ayay siyaabo kale geddiisan u faafiyaan._________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  19. Well... there's more to love than just one side of the coin, There are more things to love than just the goods, or labor, or money markets, Love encompasses all kinds of feelings, from joy to sadness, From feelings of betrayal to feelings of profound loyalty, From feelings of alienation to feelings of absolute intimacy, From jealousy to forgiveness, deceit to sacrifice, But, surely, love must be more than just emotions, More than just what humans are capable of feeling, It is the sum of all emotions, desires and actions, It is the sum of all mental and physical representations, Love is more than mathematical equations, however, Because it remains infinite to both givers and receivers, Love transcends physics and the paranormal, For it can reach the boundaries of unbounded galaxies, Love touches the deepest depths of the soul's core, And, love cannot be stopped by human imagination, What's more? Love knows neither black or white, green or purple, It makes no distinction between Old or Young, Woman or Man,Beauty or Ugly, DNA strand or sub-atomic particles, gift or expectation, Love is a fluid entity-- That is, love flows, evaporates, condenses and liquidfies as it pleases, Most important of all, love is not concerned with perfection. Certainly, love is neither limited by words, nor by human perception, Because long after words and perception are gone, Love continues on... Love is never complete, nor does it need to be, Just like this short verse, where rhymes serve as ingredients, Flavors are the tastes of love's journey. TO BE CONTINUED..... _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  20. CARTAN

    Halxiraale....

    Geellaa markuu dararran yahay labba nin-duugtaye(ne).. Waryaa Islaamaaay.....Aqyaarta war waxaan raadceeynayey qof Halxiraalehaas iiga Jawaabo..??, yaa ii garanaaya Hee...?? ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  21. Halxiraallahan ayaan isu deyey in aan muddo baddan xalliyo,hase yeeshee waa ay adkaatay,qaabkii loo furri lahaa,marka dhalinta bal try it, in aad heshaan Jawaab ku habbon. Waana siddan Halxiraalihii: Seddex nin ayaa yimid hoteel si ay qol uga kiraystaan. Maamulihii hoteelka ayaa ku yiri waa $ 30.00, sidaa aawadeed midkiiba waxa uu bixiyey $ 10.00. Nimankii markay qolkoodii aadeen ayuu maamulihii xusuustay in kirada qolku ahayd $ 25.00. Adeegihii hoteelka ayuu ugu dhiibay $ 5.00 si uu ugu cesho. Adeegihii $ 2.00 ayuu jeebka iska gashtay, raggiina wuxuu u ceshay $ 3.00. Wuxuu u sheegay in kirada qolku ahayd $ 27.00. Nin walbana $ 1.00 ayuu la noqday. Haddaba sidaasi midkiiba waxa ka baxday $ 9.00 (9x3=27). Waxaad ku dartaa $ 2.00 uu adeegihii qaatay 27+2 = 29. Halkee ka baxay doollarkii haray? ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  22. SCORPION_SISTA,AMEENAH AND BAYDAN, I'm glad to see your benna-fade appreciation and thank you for your sincer encouragement. For you guys deserve the best! Scientist have managed to indentify a chemical responsible for infatuation. When two people meet and fall for each other, a chemical called PEA(phenylethylamine), is released in the brain. This chemical acts like an amphetamine and enlivens the body, heightening the sences and empo-wering the individual with an incredible feeling of confidence. This explains how you are able to stay up till 5:00 am talking to your new love, and hardly feel tired. PEA is also produced when people are angaged in thrill-seeking or dangerous activities; alertness is increased, but so is a tendency for love. There are countless stories of people falling in love in the world of battle or in strange, exotic locations. The baby boom, for example, is a product of this phenomenon. Soldiers rushing home from thedangers of war began a reproductive surge larger than any recent history. For a lot people in new relationship, the rush of PEA subsides when the novelty wears off. There are some people, however, who are addicted to the hogh produced by new romances; these people jump from one4 relationship to other For them, the endlessly repeating cycle of new-love hights and breakup lows is exhausting. Yet, there is hope. Doctors have made progress trating love-junkies with antidepressants. As a result many former addicts have been able to hold secure, happpy relationships. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO... *** *** [This message has been edited by CARTAN (edited 04-07-2002).]
  23. Hi,all my Nomad friends.... What's going on here today? Maalintii nin jooggiyo Maankayga Calafkiis!! Let us talk about the difference between Love and Infatuation. Infatuation is instant desire...one set of glands calling to another. Love is friendship that has caught fire. It takes root and grows, one day at a time. Infatuation is marked by feelings of insecurity. You are excited and eager but not genuinely happy. There are nagging doubts, unanswered questions, little bits and pieces about your beloved that you would just as soon not examine too closely. It might spoil the dream. Love is the quiet understanding and mature acceptance of imperfection. It is real. It gives you strength and grows beyond you, to bolster your beloved. You are warmed by their presence even when they are away. Miles do not separate you. You have so many wonderful memories in your head that you can keep reliving. But near or far, you know that they are yours and you can wait. Infatuation says, "We must get married right away, I can’t risk losing my beloved." Love says, "Be patient. Don,t panic. Plan your future with confidence." Infatuation has an element of ….. excitement. Whenever you are together you hope it will end in intimacy. Love is not based on ….. It is the maturation of friendship. You must be friends before you can be true lovers. Infatuation lacks confidence. When your beloved is away, you wonder if they're cheating. Sometimes you check. Love means trust. You are calm, secure and unthreatened. Your beloved feels your trust and it makes them even more trustworthy. Infatuation dies when your hormones stop raging and you have nothing left. That's when you find that the little things you thought were cute before begin to annoy you. Love, being based on friendship allows for communication and the working out of petty little grievances. Infatuation often leads you to do things you will regret. Love is elevating. It lifts you up. It makes you think and feel up. It makes you a better person than you were before. __________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...