CARTAN

Nomads
  • Content Count

    59
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by CARTAN

  1. Asallaamu Caleykum W.W. Blossom, adna soo kale Salaantaasi mid la mid ah. Qofkaasi yuu ahaa waa I-dhaafee.. Blossom.Allaah Ya Cizak, Geeraarkaas caqli celinta ah ee aad ku tusaaleysay qofkaas isaga ah. Waxa kale oo aan filayaa in aad hor istaagtey qaxar iyo qaylo dhaan qaabdaraan maahee aan qiimo kale lahaateen.. Caweys Wacan iyo Camal Suuban. :cool:
  2. Nimanyahow far Soomaalidaa, fiicanoo ladane! Fudayd bay u dhigantaa ninkii, fiirsadoo qora’e Fagaaraha wixii lala tagoo, faansan waayada’e Max'ed Ismaaciil ------- War sxb-yaal, are we expecting to achieve fame & fortune when using those sort of foreign languages? I don't think that would be possible in any means, because one would know or understand what the consequence of that should be. Wallaahi, I wonder what enticed most of our folks to be a cheap tool and extension of Afafka Ajnebiga. War niman yahaw Afkeena aan ku faanno, kor u qaadno, wax isku weydaarsano oo aan ilaalino sharrafta, sumcadda & qiimihiisaba, sida ay tixdaa koreba tilmaamayso, oo sxb-yaal aan ka waantowno Afafkaa qalaad, ma wanaagsanee. Allaa Weyn Ninkii aaminaa Awood leh!
  3. Asallaamu Caleykum W.W... QAYBTII 5aad iyo Gunaannedkii Heesta....... -------------------------------------- Qadar maalmo dabadeed Hudheel yaroo qarsoonoo Qaarradeenu leedahay Ibro iyo Xuseeniyo Qaar ima kaxaynoo Qaddo sow umaan tegin Samsam qadada noo keen Xabashida qalaadka ah Qolka ciddi majoogtoo Annagaa ka qaalbiba Heestooda naga qaad Noo saar qaraamiga ! Xuseen hadalka qabadsii Iyana qaayib bay tidhi Arintoo quman ahoo Qoloqolo kaftanahiyo Qurbihiyo dhibkiisiyo Qisas lagu jiraayo Dadku wada qoslaayaan Qaali sowma soo gelin Qac ishii kumaan siin Hadalkii iga kala qubay Baarliiney qadadii Qudradii macaanayd Maangihii qaboobaa Qanac bayga galayoo Qaad qaadad mooyee Waxba kama aan quudane Cishqigeedi gabadhaas Qiiru igeliyoo Salaadii qasqaasoo Ma qushuuci karayee Yaasiinow quraankiyo Qawlkii Rasuulkiyo(SCW) Maalintay quruumuhu Qaawanaan is taagaan Suurku qayliyaayee Qabriyada lasoo fadho! Qaxarkiyo dhibaatada Qofna aan qof eegeyn Qaarricada naartiyo Qiyaamihii xusuustoo Qaladkaan sameeyaan Dib u qoomameeyoo Qaaf iyo wuduur iyo Qulacuudiga akhriyey Qawiyoow illaahow Adigaa qufuur ahe Noo qafiifi Umuuraha Cadaabaha hanagu qubin Dhammaad.........! Wamaa Tawfiiqi ilaa Billaah. Tixgelin; Suleiman..... "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!" ...SCS. :cool: ____________________________________________ ____________________CARTAN__________________ MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!!
  4. Asallaamu Caleykum W.W. Mr.Nomadman...Waa mahadsan tahay...sxb Nomadman....Dabcan waa runtaa in marka si loo fiiriyo Heeska Beledweyne(Beerlula) qaybteeda tibaaxaysa nimcada ay ku haboonayd amaba ay soo koobayso ...Dhulka oo barwaaqo ah...balse inta badan mu'alifiintu waxa ay doorbidaan in ay sii naashnaashiyaan hawsha ay faraha kula jiraan si ay dadka ugu bayaamiyaan waxa jira, iyagoo isla markaasina beyd walba sii labban laabbaya amaba atleast saddarkiiba ku sii siyaadinaya ilaa shan saddar iyo ka badan. Balse maxay haddaba u indho indheyn waayeen Maahmaahdaasi qiimaah leh ee aad ina soo xussuussisey? Maadaamo ay nahdu ka dhumayso meelaha qaar, lagana yaabo in sheyga aad akhrinaysaayi kugu aabuurro caajis iyo waxyaabaha la midka ah. Midda kale waa runtaayoo, Cilmi iyo gabayadiisa uu ku sifaynayo Cishqigii ku barbaarray bogga iyo laabtiisa, marka aad si wacan u dhuuxdo, waxa aad isla markiiba garwaaqsanaysaa nuxurka ku jira gabayadiisa iyo sidda hufan ee uu uga hadlayo dhibkii soo wajahay.. Ha dheeraado gabaygu amaba yuusan dheeraane, haddalada Cilmi oo dhan ayaa waxaba ahay ahaayeen/yihiin kuwo aan la dhayalsan karin. Xagga Suleymaan iyo nasri iyo nasiib darro, bal meesha uu ku dambeeyo waynu isla eeggi doonaa inkastoo uu sheekada isaga laftiisu inoo naashnaashiyey isla markaasina mawjadaha Heesku aan filayo in ay noqdeen kuwo sii dabba dheeraaday unna muuqaal eg mid aan dhammaanshaba lahayn. :eek: ..F.G..Bal waan soo gudbin doonaa Heeskii maalmaha xigga haddii Eebbe Idmo Insha'allaah, Raali iga ahaada intaas, waqtiga oo igu yar aawadeed. ...SCS. :cool: ___________________________________________ ___________________CARTAN__________________ MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!
  5. Asallaamu Caleykum W.W. Mr.Nomadman, sxb sallaan marka hore. Marka labaad waxaan filayaa in aad la yaabtay dhererka Heeskaas aan soo qaatay. Waxaa iska jira qaar ka mid ah Abwaannada oo aan iyagu kalaba joojin haddii ay u tabaabusheystaan xagga Suugaanta, waxanad is-weydiineysaa su'aalaha aad kor ku xustay iyo qaar badan oo la kale, sababtuna ay tahay Afkeena oo Hodan ku ah xagga Suugaanta isla markaasina aan kaa kala go'ayn haddii aad istiraah meeshaas u socdaal addoo addeegsanaya Suugaantiisa. Waa sidda jid dheer oo aad dammacday in aad safar ku marto balse aan dhammaad lahayn, ninka daalaba waa addiga. Dadkuna isu meel ma wadda maraan oo koley waatii horay loo yirri...Haddalna la kala orran Og Illaahna la kala baryi Og.. Sababta aan u soo qaatay ayaa waxa ay tahay Abwaannadu waxay heli ogyihiin orraahda haddalka. Midda kale sidda ay ila tahay,tani waxa ay reebaysaa oo ay xaglaha u laabaysaa dadka aan Af-Soomaaliga naxwiihiisa aqoonta fiican u lahayn oo dhan..Naxwuhuna inta badan wuxuu sahlaa haddalka oo aad si dhibyaraan ah u haleesho. Abwaan Hadraawi, koley waa gabyaa caan ah, oo maansooyinkiisu aanay kalaba joogsan sidda aan ku arkay melo badan. Suleymaana soo kale in uu yahay ayaan filayaa. Balse Suleymaan ma ahan nin caan ah oo la yaqaan. Wuxuuse leeyahay Maansooyin tayodoodu sareyso.... F.G. Mr Nomadman raali ahaw sxb haddii aan galay baab aan loo baahneyn. ...SCS. :cool: ___________________________________________ ___________________CARTAN__________________ MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!
  6. Asallaamu Caleykum all Nomads. This is a brief response that had been given to a non-Muslim man who wanted to know more about the righteousness of Islam. Important to read it carefully!! Inspiration Question:- Does Islam recognize inspiration for other than Prophets? Answer:- Consider the following verses:- "So when I have fashioned it, and breathed into it of My Spirit, then fall ye down before him, prostrating yourselves before him." 15:29 "Then He fashioned him and breathed into him of His spirit, and made for you the faculties of hearing, and sight and hearts; little is it that you give thanks. " 32:9 It follows from these verses that (a) the proof and experience of God can be found within oneself; (b) all are capable of receiving inspiration; © the various faculties for knowledge mentioned have an inner and outer aspect and have a natural function which man has ignored. "We will show them Our signs on the horizons and within themselves, until it become manifest unto them that it is the truth. Is not your Lord sufficient , since He is Witness over all things? " 41:53 "Have they not pondered upon themselves? Allah created not the heavens and the earth, and that which is between them, save with truth and for a destined end. But truly many of mankind are disbelievers in the meeting with their Lord." 30:8 The Quran itself can only be understood when it is a revelation to the believer:- "Nay, but it (the Quran) is a clear revelation in the hearts of those who are endowed with knowledge, and none deny Our revelations save the wrongdoers (or unjust)." 29:24 The capacity for inspiration has atrophied (as 32:9 indicates) owing to attachment to sense objects and worldly interests. This capacity can be restored and to do so is the function of religion. The following verses show that inspiration does not depend on human efforts but upon their receptivity, which is a state of passivity or surrender[ (Islam). The cultivation of this state, however, may require effort. It is not the effort that produces the result, but it may be regarded as a kind of tuning. "Allah chooses for Himself whom He will, and guides to Himself him who turns to Him." 42:13 "Say: Allah's is the East and the West, He guides whom He will unto the Straight Way." 2 :142 "He brings wisdom unto whom He will, and he who is brought wisdom is brought much good; but none will remember save those endowed with understanding." 2:269 "It is not thy duty ( O Muhammad) to guide them; but Allah guides whom He will; " 2:272 "Follow what is inspired in thee, and be patient until Allah judges, for He is the best of judges." 10:110 "He sends down the angels with the Spirit at His command upon whom He will of His servants, saying: Give warning that there is no God but Me; therefore, fear (do your duty to) Me." 16:2 "Allah is the light of the heavens and the earth......Allah guides whom He will to His Light; and Allah strikes out parables for men, and Allah knows all things." 24:35 "Have they not traveled through the land? And have they not hearts wherewith to feel (understand), and ears wherewith to hear? For, indeed, it is not their eyes that are blind, but it is the hearts which are within their breasts that grow blind. " 22:46 Islam recognizes three source of knowledge:- Ilm-ul-Yaqin (102:5, through reason), Ayn-ul-Yaqin (102:7, through experience) and Haq-ul-Yaqin (69:51, various degrees of gnosis, knowledge of the heart rather than intellect, insight, inspiration, revelation.) In the case of sensory experiences all human beings have more or less the same capacities and agreement can be obtained if they are in the same physical situation or by pointing to things. But even at this level we can have illusions and hallucinations. Reason has to be used to recognize these sources of error. It is also use to extend knowledge by finding the relationship between things. The capacity for reason differs between people. Experience, both inner and outer, must also fall into harmonious self-consistent systems and must be integrated within the person with the law and processes of his own being. This is how we learn, are modified and develop. That is the real function of knowledge. Inspiration refers to the perception of the patterns of the systems. As inspiration is supra-rational, it is necessary to distinguish it from the sub-rational by the use of reason. We must be careful not to confuse inspiration with things one has made up oneself, guesswork, wishful thinking, fantasies, prejudices and illusion based on desires and downright lies. "Who is more wicked than he who devises against Allah a lie, or says: I am inspired, when he has received none at all? And who says: I can reveal the like of what Allah has revealed? But did you see when the unjust are in the floods of death, and the angels stretch forth their hands, saying: Yield up your souls; this day shall you be recompensed with the torment of disgrace, for that you did say against Allah what was not true, and were too proud to hear His signs." 6:94 ---------------------<0>------------------ P.S.This question & its' brief answer is directly taken from the publishers of Altway Islamic site. "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!" ...SCS. :cool: ___________________________________________ ___________________CARTAN__________________ MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!
  7. Salaamu Caleykum W.W. Waa Heestii taxanaha ahayd oo aan ka sii ambaqaadno halkii ay ku sii shakaalnayd. ~ QAYBTII 4AAD ~ Qaali hadalki waxay tidhi Gurri inaad qalqaashiyo Hadaad qoys samays tahay Maxaa qoob ciyaarkiyo Laabta isku qabadkiyo Quraafaadka kugu wada? Ibrona waygu qayshoo ( Ibro=Ibraahim ) Qisadaan fashilinoo Qoladaa tumaysiyo Qolka oo dhan gaadhsiin Wadaadkii qatalanyeey!! Qosolbaa lawada dhici! Anniguna qasooboo Arrin iggu qaraarraa Qunyar dhuumo caawiyo Qaarad kale ma aaddaa Ibro qoolka haygelin Armay gabadh laqabo tahay Qaynuunka jebisiyo Xaal laygu qaadaa! Dabeed maxamed iga qabay Arag inaan qadbaan ahay Qawi wuxuna kaga dhigay Inaan hadalka qoomkaas Qaaradaha ka kala yimid Qurbuhu isu keeneen Qisadayda lagu fiddin Ibro waa nin qaxaroo Waxba kuma u qaadane' Qisadii madhaafine Isna sidda qumbuladdii Hiiroshiima lagu qubay Qac kasii warkaygii! Iyo qaaruu kusii daray! Qisadaydii la ogaa!... ............. Waa Socotaa...(HEI) MaandeeQ,thanks for just more than I could say & may Allah bless your heart with his graceful mercy! I tremendiously consider you as one of those respecful Somali sisters ------------------- "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!" ....SCS. :cool: ________________________________________ _________________CARTAN_________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!
  8. Sallaan Kal iyo Laab ah kadib. NomadMan..sxb laggu soo dhawee oo nasiib ayaad yeelatay marba haddii ay kullankaagii ogu horeeyey aad la kulantay soo dhaweeyntii asxaabtii maddaxda ka ahayd goobtan.... NomadMan, anna in kastoo aad mooddo in aan soo daahay hadana waxa keliya oo aan ku orran lahaa Gacmo furrin iyo qalbi saliim ah oo Soomaalinimo ku dheehan tahay ku soo dhawoow. Golluhuna ma ahan mid si gaar ah loo leeyahay ee waxa uu ka dhexeeyaa dhammaan Nomad Fimaly, taasi oo soo gelitaanka qofku ay ku xirran tahay haddba issaga iyo doonkiis... Inkastoo aad mooddo in ey meesha ka dhax muuqdaan dhawr qofood oo intaan u yimaado maddadaalo ahaan, ayaa waxaa laga yaabbaa in uu gallo shaki yar oo aan saas u sii xoogbadneyn qofkii meesha ku cusub,ayadoo ay dhici karto in qofkii ah sidda addiga ( NomadMan) oo kale, uu markaas u qaato meel khaas u ah dad gaar ah. MaandeeQ: Raxmaddaa Illaahay Roobkaa nicmada badan Ramayskii ka soo baxay Saw raacdadiisii Rooda ishu kumay dhicin Anna maan riyoonine Raad raaca Caashaqa..... .................. ................ "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!" ...SCS. :cool: _______________________________________ _________________CARTAN________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!!
  9. Mudane Muraad: Fikrad fiican ayaad soo jeeddisay oo loo baahnaa in la hello meel laggu kaydiyo maaxda caynkaan ah,waxayna ahayd arrin xil innaga saarraa waxka qabashadeeda,waanad mahadsan tahay. Aad ayay qaali u tahay maanta ilaallinta iyo dhugsiinta errayada Lammanaha ah ee luuqadeena Hodanka ah. Run ahaantii haddii aad sebbenkan indhaha la sii raac raacdo habdhaqanka dadkeeni,waxaad mooddaa in laggaba sii xarko siibbanayo iska daa wax la soo urrurshee guud ahaan micnaha, ahmiyadda iyo qiimihii uu lahaa Afku(We pay no heed with our own Somali language) Taasina waxa ay inbadan saamayn xoog leh ku yeellandoontaa jiillasha innaga dambeeya haddii aan markaas gacan degdeg ah lagga geysan dhibta haatan taaggan ee ku taxaluqa is-faham la'aanta xagga luuqda iyo ku haddaaqa afafkan qallaad ee aynu ugu soo galnay Waddamadan Reer Galbeedka. Dabcan, ayadoo aan filayo siddii walaasheen Kaamilaba ay sheegtay in aad soo gudbisey Lammaanayaasha qaybtoodii badnayd isla markaasina aannan rabbin in aan haddalka ku sii dheerraado, bal aan isu dayo in aan soo gudbiyo wixii maanakayga ku soo dhaca... Arrin xummi abaar kadaran Af iyo addin Awood iyo laxaad Barri iyo Galbeed Bash-bash iyo barwaaqo Baddar iyo galleey Ban iyo bannaan/kayn Billic iyo bidhaan Booddiyo cayaar Caano iyo ciir Calimaax iyo Cawrala Ciil iyo cataw Cishqi iyo mucaashaq[imo] Coon iyo carran Culeys iyo cammeeys Cuddur ito caafimaad Dhib iyo dheef Dhaggar iyo dhugxumo Dhammac iyo dhimbiil Dhammac iyo rasaas Dhaandhaan iyo dhoohanne Dheel iyo dhallaan Dhayal iyo dheg xummo Daal iyo rafaad Dayew iyo warreer Dabar iyo shakaal Deeqsi iyo gocor Deyn iyo ammaah Diihaal iyo dacdarro Dooc iyo dareen Dulli iyo darxumo Eex iyo Ihaano Eersashiyo aayar socod Faxal iyo farxaan Fakar iyo wallaac Farxad iyo naruurro Garriyo gardaro Gaban iyo garroob Gabar iyo caano! Garyaqaan iyo jaahil Gelbis iyo arroos Geesi iyo Hanad Geesi iyo fuley Gibliyo cayaar Gorrof iyo dhiil Guubaabbiyo waanno Guur iyo gaabsi Haddal iyo hawraar Hebbel iyo heblaayo Hoog iyo hallaag Haddal iyo hugun Heello iyo maanso Heelan iyo Jeellan Hiddo-iyo dhaqan Hooggey iyo ba'ay Hollac iyo naar Hoodo-iyo Ayaan Hoog iyo ba' Hooyo iyo habsiin/kalgacal ! If iyo aakhiro Iftiin iyo aqoon Iil iyo Xabbaal Jaan iyo cirrib Janno iyo Caddaab Jamaal iyo joog Kaah iyo iftiin Kaddin iyo bannaan Karti iyo awood Kud iyo kaar Kaftan iyo is-yeelyeel Kurbiyo xannuun Kumbis iyo ma dhaafaan Kusin iyo hayaan Kuurgal iyo kaadsi Karrin iyo hillaac (Karrin=Karran,not for cooking) Lab iyo dhiddig Maqane iyo moog Maskax iyo maan Maammin iyo maammin la'aan Maangaab iyo gunimo Maddaw iyo caddaan Mayal iyo addayg Mingis iyo masayr Miciin iyo addeeg Nasab iyo nisbaysi Nimco iyo nusqaan Oomatiyo daryeel Omos iyo dagaal Oon iyo harraad Oohin iyo barroor Qaxar iyo dhibaato Qalallaase iyo qax Qaad iyo sigaar Qooq iyo jacayl Quuddarayn iyo quus Roob iyo raxmad Rag iyo reer Rammasiyo barwaaqo Rafaad iyo raaxo Rajiyo rayn-rayn Riyo-iyo soo jeed Roob iyo rammays Sarbeeb iyo sirgaxan Sinaandariyo seeg Samir iyo iimaan Saxansixiyo saansaan Sarbeeb iyo daah[id] Samme iyo gargaar Sawac iyo si-loon Sacsac iyo si-loon Safar iyo sirdoon Saked iyo xishood Sebben iyo waa Suurrow iyo dhaanto Sharraf iyo shifays Taakulayn iyo hoo Tab iyo Xeellad Tallo iyo tabbaabusho Tiigsi iyo taabbid Tix iyo tirraab Taxanne iyo taariikh Tabbaale iyo tiic Uurku-taalliyo aanno Uunrays iyo abbeeso Ul iyo diir Warsan iyo weersan Wacan iyo wannaag Wad iyo callaf Way iyo to'laa'ay! Welwel iyo walaac Wiil iyo caano! Xubbi iyo kalgacal Xeerro iyo fandhaal Xinnif iyo xannaaq Halkaas haynoo joogto caawa... Caweys Wacan iyo Camal Suuban "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!" ...SCS. :cool: _____________________________________ ________________CARTAN_______________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN
  10. Waaaaaw, What a great event! Dear brothers & sisters thank you for joining with this momentous & Unforgettable day " SOMALIAS' INDEPENDENCE DAY " The first of July, also thanks for the graceful firework arts as well,I appreciate you all HAPPY INDEPENDENCE DAY! Ingiriiska noollee Eeddii horraatuu Kaga tegay adduunyada Weli ololinaayow Ologaaga kaa yaal Farans addeerkaa Abaankii Talyaaniga Qawsaar Amxaariyo Kuukuuu addeega a Sidaan ahay ugaadhii Banka laga eryoodee Oolideeda loo dhacay Eebadiyo leebkiyo Qorri lagu asqeeyee Orrodkiyo badbaadada U abraarka gooyaha Ayaxaa rasaastaa Adinkiisa taalloo Afarriirkii raxantii Labadii is ooddoo Amni diiq ku helayee Weli oohin iyo diifiyo ........................... ............................. ................... Idilkiinba gaallooy Aanadii horreetiyo Odaygaa disheeniyo Umushaad qasheenoo Uurkeeda dooxdeen Ubadkii aggoonkiyo Noqday aabbe laawaha Weli waan ogsoonahay ............................... ............................. A Contribution from Siciid Suugaan :cool:
  11. Salaamu Caleykum W.W. Gacalnimada, Gobonimada, Gaarinimada,Dabeecad wannaaga, Anshax-wannaagga, Dabacsanaanta, Suubanaanta, Samirka, Filsanaanta, Quruxda IWM. Waa sumad muunaddaysan oo u gaar ah Hablaha Soomaaliyeede, bal ka dhuggo hoos ....Tolow, maxaad dareemi doontaa? Gabaygii:-Innan yahay iyo....... Abwaan Cali Cilmi Afyare...... Innan yahay adduunyada haddaan dhab u ilaalleeyey Adimadda intii aan ku marray ama la ii sheegay Afarta beeyni jaho naagahaa Eebbee ku abuuray Asaraar haddaan lagu hadlayn ama la awdaynin Annigoo aqoon u leh haddaan xaq abaareeyo Illaah igu og inaad Seynabey ugu horaysaaye Asluubtaada goortaan arkiyo ooggadiyo jaaha Afka iyo indhaha nuurrayiyo edebta loo yeelay Adimmadiyo laafyaha kolkay aayar soconayso Ashkharaar u dhimay Yuusufow eeg ninkii yiriye Arwaaxiyi laftay iga gashiyo uurka feeraha'e Iimaankii baa iga qabsaday arragtideediiyee Aalaaba waa arroos iyo innay oorri noqotaaye Araggeeda keliyaa malyuun lagu ilaawaayee Ayaan anigga iga roon ninkay ubad u qaadaaye Iyaddoo agtaydaas fadhida oo ubaxna ii laacday Argagaxa hurdada leylki baan aqalka moodaaye Siddii Geel ilmihi laga xirroo ololley oo reemmay Hadba annigu meeshay jirtaan ku ag wareegaaye Yurub iyo Aasiyiyo aqaladii Shiine Afrikaanka oo idil haddii laysu soo urrursho Axad kuu eg weligay ma arrag inna adeereeye Awal haddaad u tahay waa inaan ku ogollaadaaye Afka inaan ka sheeggiyo amaan gibin ah mooyaan'e Asluubtaada lama gaarri karo aynigey tahaye Ilwaad quruxsan leeyeey mid kale waan ka ood nahaye Waa inaad ayaan qurra qalbiga iiga olashaaye.... Waxbaa ka dhacay²!!!... ...SCS. :cool: __________________________________________ __________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!
  12. MaandeeQ,waa mahadsan tahay walaal. Haddii aan is-irraahdo wax ka bar ka jawaab su'aasha aad weydiisey walaalkeen Cabdinuur, waxaan filayaa in aad ka helli doonto Suugaan wax ku ool ah cinwaankan hoose: http://www.fortunecity.com/victorian/russell/348/maanso.htm
  13. Qaruumaha aduunka markaan u soo qaxnay, Qaxba, Qurun, Qamri, Qaad iyo quursi gaaleed Ayaan qeylo dhaan ka dhiganay! MaandeeQ, Waxaan ka xummahay in aannan hayn tixdaas murtida iyo xaqiiqdu ka buuxdo,xattaa anniga ayaa ku reyn lahaa haddii aynu helli lahayn qof intaas inooga sii wadda hawshaas layaabka leg ee qaab farxashameedkeedu sareeyo,marka la dhuuxo. Runtii waa wax wax lagu qaato, waxa anniga aad ii qiirro gelliyey tudducdan: Ma annagoo qaran guurrayoo, Qoysba qoys dhacayo, Qabta la isku haayo Sida qoonka fircoon, Allahayoow siddii roon.. Allahayoow Dalkaygii maxaa Diiftan naggu beerray Dayawgiyo maxaa noogu wacan dullinimada maanta Allahayoow na daadihi addaan daacadkuu nahayee AaMiin... Aamiin !! Yaa Allaah. MaandeeQ, Prof. Afyare,(AN) Maansooyinkiisa aad ayaan ogga helaa runtii,waxana uu ka mid yahay Abwaannada aan xiiseeyo Gabayadooda. Fadlan haddii aad wax kale hayso Nooggu deeq. Anniga waxka bar ayaan hayaa waxanan rajeynayaa in aan soo qorro HEI, insha'allaah. Waqtiga oo igu yar aawaddii waxaan idinku dhaafayaa Isma Dhaafno. Xoorkii laga dhammay xagaaggiyo xusuusbaa Geella lagu xergeeyaa, Wooooof, waxbaa ka dhacay. Kaamila,Waxaad ii tilmaamtey/tustay jidka mid ah xiddadkii waayo waayo mari jirey markii ay timaado xagga Cayaarraha caynkaan ah ee ay ka hadlayaan Tixahaas aad kor ku xustay. Markii igu horeysey Cayaaraha caynkaas ah ma aan xiiseyn jirin balse kadib markii aan aad ogga bogtey ka dib ayaa waxaa igu billaabatay in aan qiimme gaar ah siiyo, inkastoo aan layga marrin (Waxaan ka hadlayaa dhinaca xiisaha aan u qabbey marka loo eeggo) xagga cayaaraha kale ee Seylicida, Walasaqada, Jaandheerta, iyo wixii la halmaala. Hirwada waxaan filayaa inta badan maggaaclada ma lagga aqoon ee Miyiga ayey ku koobneyn,oo mar aan xaggaas iyo Miyiga aaddey ayaan anniga lafteydu soo arkay, Laakiinse waxaba igu adkaatey siddii aan u-fahmilahaa. Waxaa aad kuu soo jiidanaya, markii aad arragtid Habka iyo xeerarka Jaangoynta u gaarka ah HIRWADA,siiba marka uu Shaacirku arrintaasi dejinayo/qaadayo. Runtii aqoon xeel dheer uma lihi,maadaamo aannan u gelin wax dugsi ah( Meelaha laga Cayaarro). Hirwooy kuu hamuummoo Naftaydii hayaantoo Hoygii wacnaa iyo Hirrarkaad lahaydiyo Maan ilaawin hawshee Balse waxaan higgaadshaa Heeggada u aallaa Si aan kuu haleellee Waa in aan ku haybshaa Maalin iyo habbeenkii ........... ................ ...SCS. :cool: ___________________________________ ______________CARTAN_______________ MAALINKII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!
  14. Jamaal, you be the first sxb, oo Af-Soomaaliyee since that could be the only pattern. We don't have to augment this by using some foreign languages. Maxaa inoo diiddey Afkeenii Macaannaa ee laggu sheeggay in ay hawraartiisu sarrayso? Dabcan, qurbe joog haddii aynu nahay way jirraan meelo baddan oo aynu hilmamnay, balse midda aan loo baahneyn in aynu seegno ayaa waxa ay tahay in aynaan sinnaba garrab-marrin Afka Hooyo. Taasina waxa kelya ee aynu ku badbaaddin karraa ayaa ah ayada oo aynu addeegsano marwalba.Balse haddii aynu inaggiiba ka farxallano ka waran halka ay ku dambayn doonnaan dhallaanka innaga dambeeya ee ku sugggan waddamadan Reer Galbeedka? Waa in aynu ku faannaa Afkeena Hooyo ee Hoddanka ah, ahna laggama maar maanka meel kasta aan joognee. Sxb Jamaal, raalli iga ahaw sxb wax kale ogga ma aan jeeddin arrimaha aan kor ku soo qaadday balse waxay keliya igga ahayd uun in aynu wax isu sheegno. Waxaan idinku dhaafay tixdan hoose oo biyo-dhaceedu yahay muhimadda Afka-Hooyo Afka hooyo hodon weeye oo waa halaan hubo'e Wixi loo hilmaamaaba waa hadimo noo taale Higso oo haldoonkiisa noqo halabso miiddiisa! Hawraarta mirihiisa garo hillinka ay taallo! Authored by; Ciise ...SCS. ____________________________________________ ____________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!
  15. Mar uu marayey meel waddo ah ayuu si lama filaan ah isha oggu dhuftay xabbadii laga raacay, Hiq! markii hore waa yar naxay wuxuuse isu qalciyey in maanta ay tahay maalin aannu dhaafi karin fursaddaas qaaliga ah ee ee lama dhaafaanka u ahayd. Wax yar uun ka hor intii aysan is-wajihin Ladan,ayaa Caamir iyo saaxiibkiis Qaalid meel yar oo dalcad ah oo shaaha inta badan ey ka cabbi jirreen waqtigana ey isu dhaafin jireen ayay fadhiyeen isla markaasina waxay si fiican ogga wadda baarraandegeen hawlo badan oo ogga baahan in ey xagliyaan isla mar ahaantaasina helaan waddiiqii ey isaga furdaamin lahaayeen,arrintaas waxaa oagu horeeya Barxaddaha cishqiga ee ey dhex dabaalanayaan. Xooggay daqiiqaddo ha kadibna waatan ey Caamir wajiga is-darreen gacalladii uu inta badan ku hammiyi jirrey ee uu sidda ba'an ogu hanweynaa. Haddalo ayaaney is-dhaafsadeen. Arrintaas asaga oo saaxiibkiisa garrabka middig oga warammaya ayaa waxa uu ku billaabey in arrintu ey u dhacdaysidaan. Xawli ban ku socdoo Waxaan xaamkim u doontey Meel aan xaafadku ool Xooggiisa Jacaylka Anni waaban ku xiiqay Xannuunkuu igu reebbay baa Isii xallufsheyoo Beryahaanba xilkaygu Waa soo xaddiidnaa Anna xeel aan ku dhaafo Ma aan soo xarrakeyn Xalna ma aanan u raaddin.. ..... Haddalkii asaga oo wata ayaa sxbkiis ka soo dhex gallay si uu bal wax ogga oggaado sidda ey wax u jiraan amaba ey u dheceen. Caamir oo haddaba haddalkiisa aan oodda ka qaddin isla markaasina maldahaya arrinka ayaa ku soo laabtay booskii haddalka, oo yirri; Waxan Xaawo u sheeggay Haddal aan xalladeeyey Oo aan soo xullayoo Xardhan oo la habbeeyey Xushmadloo naxariis leh Xawligiisa Jacaylka Haddii aan ku xussuus'sho Mar xaggaaga hortii Billow xaafadda dhaaftay Addigoon xogba hayn Ama xaajo ka bood ah ( kullankoodu waa horreeyey)* Arrinkaas arrakaysan Ladan may ka xumaan Waxay soo xurguf siisay Haddal aanan fileyn Oo xoorkiisu wacnaa ( haddallada waa QRSNYHN )* Harreerbay ka xarriiqday Waxay Xaawo haddal tirri Xeellad baa la rabbaa Xannaaqna loomaba baahno Dadku waa xannibmaan Xulluulbey mar gallaan Dadbaa xaakim u baahda Markay xoog ku marraan Meel xeerkeeda jabshaan ayagoon xogba hayn Jacaylkaad ku xarriiqdo Addigoon xasilleen Ee aad meel xun ku tuurto Mar-buu xaal ku marshaa Ama kaa xayirmaa Xaallad aaddan fileen Ayaad xoog ku gashaa. ........ TO BE CONTINUED...(HEI) Jacayl baa I laacoo Leeleey I geliyoo Lugta iyo gacmaa iyo Luquntii is raacshoo Laalaabka xadhigii Dhan walbaba ka liifshoo Jarka laagta dheer buu Laashintii qaloocdee Lulmanaysay ila helay Laabtiyo jidhkaa nool Ma se luudin karayaan? .................. N..A..B..A..D..EE..EE..EE..Y..Y F.G. MaandeeQ aar heestii lee igu dhex go'day hee,though it seems I got myself into a huge predicament ... Sagxadda inta meesha lagga qaaddayo leen suggaa. MaamdeeQeey; Ganafkaa laygu jiiddoo; Gam'i waayey caawee! Garrab waxan ka suggayaa; Mid aan goonni u ahaaye Hawraarta guud iyo; Ma aan seeggin gollihiiye Hayeeshee garradkaan ka irri; Gaagax haddalkiiye ............ ....SCS. :cool: ________________________________________ _________________CARTAN_________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!
  16. Indhadeeq,thanks and Wlcm... But how about other friends? don't u like th..e..m ...lool, get them to know how eminence thy're here Anyway.Let me take into account that u were in the other sections of the forummmmm. Kamila, waxbaa ka dhacay waayo waayo ayaa xussuusteyda ku soo noqnoqota markii aan hallacsado Maahmaayadeena macaanka iyo murtida badan. It reminds me how brilliant our intellectual ancestors were, oo Mahmaahbaa ahayd " Rag waa raggii hore haddalna waa intuu yiri" Inkastoo ay u muuqato in aannan rumeysneen orraahda ah " Rag waa raggii hore " Balse orraahdan ah " Haddalna waa intuu yirri" Actually,qaybbiyan wax ahaan waa ka rumays nahay waayo,Afkiibaa Juuqda Gabay ayay xaajo joogtaa sebbenkan xaadirka ah. Afkii Hooyo waa u jeednaa in uu sii liicayo,wax laggu soo darray ma arragteen beryahaandambe siiba marka aynu indha-indhayno dhinaca arrimaha " Technology-ga" ? Qofka Somaliga ah waxaa dhib iyo carqallad ku ah siddii uu miidaan ugu helli lahaa dhinaca Errey Bixinta iyo xajmiga ay hawluhu ku socdaan... Dear Kamila, thanks for your great effort, and my Allah bless your heart. I learn a lot from that. Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye Sida hallo kareebaan saqdhexe soo horranayaaye Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye Hadii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma hor joogeene Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa'e .............................................. ............................................... .........AABBIHII JACAYLKEE ABBABSHEY GEED CAASHAQ. " CILMI BOODHARI" alloow kuu naxarriso!!! ....SCS. ________________________________________ _________________CARTAN_________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!
  17. Sallaan Kal iyo Laab ah marka hore, waanna tan Heestii oo aan halkii innooga sii socota.. ~ QAYBTII 3AAD ~ Qaayo waxa leh wiilkii Qabuulkaaga hella ee Ubax kugu qaraqa ee Aroos kuu qotomiyee Quruufka iyo geeliyo Allabari qalaayoo Culimadu quraankiyo Qayr kuu baryaanoo Qoys aad unoqotoo Qaasin iyo Qamar iyo Ubad aad uqaadoo Qasar aad uweyn iyo Qalcad kuu bineeyoo Bada qoorigeediyo Webiyada qarkoodiyo Dalxiis aad laqabatoo Qaaciga macaaniyo Kuu tuma qaraamiga **** ^^^ ^^^ **** Gabadhaanse qiimiyo Qaayo kale lahaynee Ummadana qaderineyn Quruxdeeda laga roon Intaan qawlku iga dhicin Qisadaada ii sheeg Qunyar hadalka ii dhiib. Miyaad qaylo badan tahay? Qaxar miyaad taqaanaa? Qiyaanada Haweenkiyo Qidad miyaad ciyaartaa? Mise qaari-baad tahay? Loo dhigay qur'aankoo Waalidkeed qaderrisoo Qawlkii Illaah garan.. Waa socotaa... ....SCS. ________________________________________ _________________CARTAN_________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO YAA HELLA CAMAL WANNAAGGOODA...
  18. Kaamila, Bal soo laabad wacan marka hore, kuna soo dhawoow qolka Haasaawaha iyo Hawraarta Guud ee maddasha. Sidda aad sheegtayba, waa iska hawl adduun oo qofba wayahaa meel ka tuuray, annaguna koley kula mid ayaan ahayn,arrin lagu mashquulliyo meertada adduunkaa, lagu kala maqnaa. Dabcan meesha waxaa ka dhaqdhaqaaqayey waa sxb-keen Jamaal-11, oo asagu daddaalkiisii halkaas ka soo watey inteena kale waan daad raacnay, laakiinse lagga soo laabbey. Kaamila, wax meeshan ka socdey iyo wax ku socdey kama aan war qabbin, mudaddii aan meesha ka maqnaa, anni xattaa annoo marti ku ah intaan,ayaa Asxaabteenu igu soo dhaweeyeen. Marka ayadoo ay saas tahay ayaa waxaa xussuusteyda ku soo dhacay, ayadoo aan is-weydiiyey Halka aad addu( Kaamila ahaan ) ka dhacday? waxaan is-irri armaa lagaba yaabbaa in Gabartii la arroosay...Lool , Taasina suuro gal waa noqon weysey, oo wax uunbaan ka ogaan lahaa haddii ey xaajo saas u-dhici lahayd. Marka bal soo dhawoow Kaamila...Waa laguu darsadeeeee.. ....SCS. :cool: _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!!
  19. History repeats itself ... Exactly 32 years ago, this piece of Gabay was Qaasim's feelings over the Somali plight at that time ... After that 32 yrs and sth, the Somalis ... Well, here is some passage of that Gabay: ~MAAN MAHADIN~ Mugdi baan ka gacan haadiyaa Maxamed Kaydow-e Maangado abaar ah iyo dirraan maax ka dayayaaye Geel baan maqaarka u sidaa midi ka dhiiqayne Mus cadaawe laga teediyay baan meerayaa debed-e Milicdaanu sheekaysanaa maalin abidkeed-e Hadba waxaam miliilicahayaa miigashiyo ciil-e Mawjado badeed iyo Wabaan moos is'leeyahay-e *** **** **** Dad musbaar dhegaa kaga jiraan maqal ka tuugaaye Soomaali midab doorsantaan meeday leeyahay-e Maroodi iyo mas waabeeyo leh baan minan la seexdaaye Mindidii boqnaa iga jartaa madaxa ii taalle Mawdkii adoogay dilaan meel dhow ka arkaaye Waxaan midigta saaraa ragii meel xil leh i dhigaye Noloshuba macaan ma leh haddaanad magac ka reebayne MAAN MAHADIN MAALINTAAN DHASHAY AY II MUSHXARADEEN-E" ---- Gabayaagii Ahmed Ismaaciil Diriye (Qaasim). ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  20. Salaan kadib: Jamaal-11, sxb that was really vivacious Song, Waa lay dhex qaadday markaan jooggay qaybaha dambe ee Hal-jeedkaada. Gartay sxb Halka laggaa Hayo. Anna ma u malaynayo in aan wax saas ah kaa dheerrahay, garbakaaga mar aan ka dhawahay meel uun baan jooggaa, Yaa Jacayl iyo Hillawgisa ka badbadda. sxb Waan la dhacay Heestaas Lafteeda, Waannad Mahadsan Tahay. MaandeeQ, Ina-abti, Maxaad tiri ? Waa iga qosliseyba maanta ,oo qosol aanan in muddo ah qosli ayaa igu so dhacay. Haddii aad hayaantoo Nafta hawdka egysana Hoygaagu waa nabad... dheh! Nimba waa maalintiisee ha ka baqin in heegadda sare laguu tuuro meel marran.Looool. Bal Faallada Halkaas ka sii wadda Niman Yahaw. ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  21. CollegeGirl, Yeah...actually it's. Not an effusive though. :cool:
  22. Salaan Kal iyo laab ah marka hore. Maansadan waxaa tirriyey Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyan. Waxana uu kaga hadlayaa sifooyinka uu leeyahay qofka Soomaaliga dhabta ahi. Marka, bal ka waran qofkii laga waayo Astaamahan uu Abwaanku tilmaamay ma lagu tilmaammi karaa "Soomaali"?? Maantana waxa aynu wadda garwaaqsannahay diihaalka ku dhacay dadkii iyo dalkii. Sebbenkana siddiisaba waxa soo ifbaxay waxyaalo badan oo aynaan horay u aqoon una lahayn, kuwaasi oo sii ifinnaya collaaddaha jira ee arxan la'aanta ah.S u'aal muddan in lays weydiiyo ayaa waxa ay tahay, Soomaalida Maanta joogta ma u qalmaan sifooyinka ay Maansadu Tixaabayso?? Haddal iyo dhammaantii, bal ila eegga gunta maansadan iyo micnaha ku aassan. Maggaca Maansada waxaa la yiraah: SOOMAALI WAA KUMA? Waxayna ku billaabataa siddan: 1.. Waqtiyada socdaalka ah 2.. Ayaamaha silsiladda ah 3.. Xilliyada bal suuree 4.. Soojire haddaad tahay 5.. Sadarrada dib ugu noqo 6.. SOOMAALI WAA KUMA? 7.. Sinnaantaan la magac ahay 8.. Sanku-neefle ma oggoli 9.. Inuu iga sarrayn karo 10.. Anna garasho sogordahan 11.. Sooryo ruux ugama dhigo 12.. SOOMAALI BAAN AHAY!! 13.. Ninna madax-salaax iyo 14.. Kama yeelo seetada 15.. Sasabada ma qaayibo 16.. Sirta waxaan iraahdaa 17.. Saab aan biyaha celin 18.. SOOMAALI BAAN AHAY!! 19.. Inkastoon sabool ahay 20.. Haddana waan sarriigtaa 21.. Sacabada ma hoorsado 22.. Saaxiib nimaan nahay 23.. Cadowgayga lama simo 24.. SOOMAALI BAAN AHAY!! 25.. Socdaalkaygu waa meel 26.. Sahaydaydu waa dacar 27.. Soohdintaydu waa caan 28.. Seeftaydu waa cudur 29.. Naftuna geedka iga suran 30.. SOOMAALI BAAN AHAY!! 31.. Nin i sigay ma nabad galo 32.. Nin i sugayna maba jiro 33.. Libta weli ma sii dayn 34.. Gardarrada ma saacido 35.. Nin xaqlana cid lama simo 36.. SOOMAALI BAAN AHAY!! 37.. Nabaddaan u sahanshaa 38.. Colaaddaan ka selelaa 39.. Sooma jeesto goobaha 40.. Ninka nabarka soo sida 41.. Gacantiisa kama sugo 42.. SOOMAALI BAAN AHAY!! 43.. Ninkaan taydu soli karin 44.. Uma yeelo suu rabo 45.. Sida dunida qaarkeed 46.. Ninna kabaha uma sido 47.. SOOMAALI BAAN AHAY!! 48.. Ninka iga sed roonow 49.. Siintaada magaca leh 50.. Ogow kaama sugayee 51.. Hana oran "sasabo bedow" 52.. Dareen seexda ma lihiye 53.. SOOMAALI BAAN AHAY! 54.. Saan la kala jaraan ahay 55.. Summadi ay ku wada taal 56.. Rag baa beri i saanyaday 57.. Anoo xoolo soofsada 58.. Xil midnimo anaa sida 59.. SOOMAALI BAAN AHAY!! © Cabdulqaadir Xirsi Yamyam. ....SCS. _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  23. Salaan Qiimo leh ka dib: Waxaad ku so dhawaataan Heestan oo Maggaceedu Yahay:" QAALI "Biyo-dhaca heestu waa Qiso Jacayl, waxana uu wiilku ku ammaannayaa Gabar uu Jeclaaday lana dhacay Anshaxa, Hannaanka, iyo asluubta Illaah ku manneystay. Copyright© Suleymaan ~ QAYBTII 1AAD ~ Qurbe anoo ku raagoo, Toban saniyo qaar dheer Qol riwaayad lagu dhigi, Indhahaygu ay qaban Xalaa damac iqaadaan, Qorshahaan lahaa iyo Qaraarkii bedelayoo, Qurfad heeso lagu tumi Saacado qasiira ah, Masrah sow ma aan qaban .... ************...... Meesha oo qabowoo Qqaaba xumadii Qaar badani imanoo Badhna ay qayilyaan Badhna ay qawadayaan Badhna qaylo dheeriyo Soomaali qaabkeed Qalalaase lagu jiro Mid qureysh lamoodaa Qolkii sowma soo gelin Inaan gacanta qaadoo Dhexda aan qabsado oo Qoobka kala ciyaaroo Heeso aan uqaadaa Qalbigeygu doonoo Dabeed waan is qaatoo Qolka dhinacay joogtiyo Qaybtay fadhidaybaan Kursigii u qaatoo Aan qumaati ugu kacay Qaar kuwii lajoogayna waaba igu qawaafeen Qaarna waa cadhoodeen Waa maxay qaldaankani Qaali naga damaaciyey Miyaan xeer qabtaa jirin Qashqashkiyo dhibkoodiyo Ragaas qayladoodi Qaali aragtideedii Dhoola ka qasolkeedii Anna waan qajilayoo Maxamedow afkal qaad Qasdigaan lahaa iyo Qisadii ilaawoo Qawlkiiba iga xidhan Anigoo qoslaayaa qunyar Hadalka waxan idhi Sida qamar iftiimiyo Qoraxdoo ilayskii Qaarado kufidayoo Dhulka qabowgi joogiyo Gudcurkii ka qaadaad Qolkii noosiraadaye Qaaliyey manabadbaa? Quruxdaada goortaan Qunyar aan jaleecaa Qalbigu ixanuunoo Waa nigan qadhqadhayee Laabta maysku qabanaa?.... LA SOCO QAYBTA 2AAD..... F.G. Waa Mirrihii Abwaan SULEYMAAN... ....SCS. ________________________________________ _________________CARTAN_________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO...
  24. Jamaal & MaandeeQ, thank you for your warm welcome guys, I appreciated that. I'm fine and everything is ok so far. I thought you're feeling the same way as well, insha'allah. I've missed the forum and its' folks alot. On the other hand, sister Kamila has also gone silent recently as I assumed. Bal sxb-yaal waan soo laaban doonaayoo gambaleel iyo waxbaa la garaacayaa oon maqlaaye, halkaa kasii dhiraandhirriya hawsha. ....SCS. :cool: _________________________________________ _________________CARTAN__________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!