mangalool

Nomads
  • Content Count

    38
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by mangalool

  1. :confused: asalaamu caleykum w-rw-br :confused: . DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISI MOOYEE. 1)dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. haddaynaan xumaantiyo dilkiyo daynin kala qaadka. dibaddaan kajoognaa sharciga daacada ILAAHE. danbarkeedu waa jahannabiyo dogobkii naareede. deder laysu laayiyo intaan weerar daba joogno. ee dumarku weerkii sitaan danabyadii waayey. debec yaalahaayeey intaynu Isu duulayno. uu sida dareemada uyaal maydka dabadeeda. kola doogsan maysaan hadaad dunida joogtaa. ************QABYO ***QABYO*******QABYO***********. 1)Dawladahan laga qayliyee qaaq wax kaga siiyey. nin waliba marbuu qaadan jirey qaanso iyo leebe. qarfo iyo marbuu seexan jirey qalanqal hoosteede. hayeshee quluub wada jirtaa qaniya sheekoow.e 2)Qalalaase meel lagu lumiyo qaylo iyo oohin. qorraxdii dhacdaba teennu way kala qaxaysaaye. qodob lariday qudhaanjada gashaa qoob dad waaa u halise. 3)haduu geed qalalo roobku waa u qamac kaliileede. dirxiguba qudhunka uma soo uree waaba quudsadaaye. qabaa`il iyo jeeroo la naco qaadkan lagu waashay. qasti jeeray wada yeelatoo qawlka ku heshiiso. qabyo weeyaan Soomaaliday qiiradiinaniye. 4)Nin qalbi`la Quraan kii udhigay qaafdheh ku haraadye. kutubtaa sidii lagu qarridhay qiil la`aakhiro e. qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye. ********NFD************NFD**********NFD******** 1)geediga halkaan marin lahayd waadka gadanteene. nin walaalkii googoynayaa guul ma haybsado e. malahayga gedaafiyo ceeb kama gaboowdaane. guluf iyo colaad iyo olole goor kastaba taagan. gacmihiinnu kama caajisaan guul dariyo ciile. geyigeena waa waxa kharibey geeri fool xumiye. hadaanse talada kii garan lahaa lagu gargaarayn. uu geeda waabiyo iblays gees kalaw didiyey. nin gumeysta mooyiye xornimo waa dad aan geynin. guunyadaa kol uun baad heshaa geeri ka horteede. goortuu caqligu kaa gudaan cidina gaadhayne. ....... INTAASI WAA IGA TUSAALE----DAD YOHOW MEYTAADKA DAAYA ILAAHAYBAA XISAABTOODA LEH ISAGAANA KA ABAAL MARINAAYA WAXAY GEYSTEEEN. TIXAHAA YAR YARNA WAXAA ISKLEH-ILAAHAY HA UNAXARIISTEE...CABDILAAHI SULDAAN TIMA CADE DHIDAR XABAALA QODAA DHIRIQ BUU UUGA DHACAAYE--DAAYA MEYTAATKA..PEACE DHAMAANTIIMNBA
  2. asalaamu caleykum dhaamntiinba. waxaan fahmi la,ahay waxa dadka qaarkii ay udabagalaan , aragtida qofka kale ama sida uu wax ucabiray. waxa keliya ee loo baahan yahay inuu qofku aragtidiisa kadhiibto marba waxa laga hadlayo ,ee aanau qofkale weerarin ama daba gelin. JACAYLKA, waa uujiraa, ama mar hakusoo maro ama 2haku soo maro,e. ok inagu hadaynu somalinahay , waxay nu naqaanaa CILMI BOODHARI,r,c, oo run ahaantii ah inan u geeriyoodey jacaylkii uu uqabey hodan, ilaahay ha uwada naxariistee...ammiiin aamiiin amiin. jacaylku maaha waxa dadka qaarkii uyaqaaniin..sex..ama galmo runtii waa shay ka duwan, waase qofba sida uu u fahmo. confused: hadii dadkeenu jacaylka ay rumaysan yihiin CILMIBA waa loo garaabi lahaa, oo la odhanlahaa ninku inanta wuu jecelyahay, laakiin ,maanta wixii la qarinjirey ama la maldihi jireyba shaadhka ayaa laga saaray, hadaad somali ku tidhaahdo iyo hadaad english, or arabic ku tidhaahdoba waa isku mid. ilaahay hasahlo amuuraha..aamiiin
  3. asalaamu caleykum dhaamntiinba. 1)cagta meelaad dhigidoonto. 2)cuud waxaad dhiqo doonto. 3)& calaf waxaad cuni doonto. 4)sadexdaba RABI baa ku caalima. intaasina wayga tulaale yar. 1) midna wayga talo..qofoowna ama ruuxna yaanu maxbuus unoqon wixii hore ee dhaafay,,ama wakhti hore kaaga lumay ha u noqon prisoner. 2) midna wayga baraarujin,,,hadaad nin weyntahay,qofweyn, oo waa kuu beryo kulaad weel xasho wuxuun qabo. 3) markaan waaxidkaa wax kula wadin wadada toosan waad ka weecan og,tahay wadaad martaa uu wedkaa yaal!!. 4)waayaha dunidaba nin wanaag qaba iyo nin wayda hayaa ku walaalo ah!. 6)wixii lahayona hala hubiyo waxaan lahayna halaga hadho!! note,fadlan nin meel go,doona jooga waa war badan yahaye , waxaan isleeyahay yaanad ilaawin afsomaliga,e not english ee dulqaata. WAXAAN LAHAYNA HALAGA HADHO WIXII LAHAYONA HALA HUBIYO!!!!
  4. asalaamu caleykum,wr,wb,,dhamaantiinba. RUUXBA ARAGTIDII FAALEE!!. waxaad moodaa qofba waxa uu doorbidayo sidayda inuu aragtidiisa kusaleeyey, waa sax.oo qof walba ilaahay aragti gaara ayuu siiyey. qadarkana EEBAA iska leh, go,aankana balsan. insha alaah ilaahay sida khayrku kujiro haku solansiiyo, aamiin. malaga yaabaa inay Balsan baraarujin ahaan ay inoogu sooo qortay topic,gan? ee aanay ahay talo, gelyo iyo inaynu la talino? sikastaba kayaab. hadaba aragtidayda hadaan qiyaaso, waxaa uugu fiican qofku horta inuu wax barto weeye , haduu heli karayo isaga oo reer lehna way uugu sii fiicantahay, arintan hada waxaa keenay dawlad la,aanta maanta ina wada haysata, hadaynu dawlad lahaan lahayn dhulkeenii hooyana joogi lahayn, qofwalbaaba way u fududan lahayd muraadkiisu. .....ALAA WEYN NINKII AAMINAA AWOODLEH. ILAAHAY WADADA SAXDA AH IYO SIDA KHAYRKU KUJIRO HA INA TUSO,aamiin aamiin aamiin aamiin,,,,,AQOON, LA,AANI QAA IFTIIN LAAAN!
  5. A/CALEYKUM DHAMAANTIINBA. NIN GARAN WAAYEY MIDABKIISA , DADKIISANA DHINAC KARAACAYA, MALAA ORANGE? OR BLACK?. WAA INAAN KAFIIRSADAA BAL. kafiirsadayoo waxaan noqday dambari!. dambari! dambari!.
  6. a/caleykum dhaamntiinba. ahahahahaha maantay udarayd, ma umalaynaysaan in qofkasta oo qurux badan ay hooyo dhashay? qofkasta oo foolxuna ay hooyo dhashay?,anigu waxaan quruxda marka laga sheekaynayo xusaa, NEBI YUUSUF CS-- malaa dumarku araweelay xusaane?a ahahahah :confused: . ma umalaynaysaa iyada oo hibo rabaaniya inay quruxdu hadana leedahay ciriq maha hido laraaco?. anigu koleyba markale waxaan quruxda ka cabiraa caruurtu markay yar yartahay waxaana hubqaadka iyo caruurnimadaba ku qurux badan hablaha, ahahlol laakiin hada hablihii quruxda badnaaba la waa, ragu waa iska waraabe waraabena qurux uuma baahna,,,,,lol hyena allway is hyena.
  7. a/caleykum dhamaantiinba. aynu kala faa,iidaysano fadlan ee joojiya muranka. wixii aad fahmi weydo ka gudub wixii aad fahantona qaado. ilaahay ha inaga ilaaliyo sheydaan iyo khayrkiiba, aamiin wabilaahi towfiiiq
  8. NUUNE-SALAAN SXB. waaa hees macaaan laakiin waynu kagaboowney baan moodayey? loool mise waxaynu kaga dhignaa ruug cadaagii soo rogaal celi?. mahdi heestaasi waxay kujirtaa riwaayad la odhan jirey aan ka quusto aabahay,1963gii ayey ahayd,lol malaa waabay inaga da,weyntahay, waase heersare, maxamed saleebaan tubeec waxaan ka dhegeystaa HOOYOOY LA,AANTAA-IYO CAJABAYEY-AMA GUFAACO, RAAXEEYE AMA QARAAMI,,,,,MARYAN MURSAL? IYADA WAXAAN AAD UUGA DHEGEYSTAA GARWAAQSI, IYO QABAR-SANAACI. MALAA FANKA LAGAMABA GABOOBO ?.
  9. as-c-dhamaantiinba. ilaahaybaa mahadle ---dhamaantiinba waan idin salamayaa , idiinkana mahad naqayaa qoralkiina. xususuta ilaahaybaa waajib ah........ intaad xooga leedahay u shaqayso maalintaadan xooga lahayn. intaad caafimaadka qabto u shaqayso maalintaadan caafimaadka lahayn. intaad aduunka joogto wax u shaqayso maalintaadan aduunka joogin. GOOR WALBA ILAAHAY XUSUUO. ILAAHAY WAA GARGAARE WEYNE.
  10. asalaamu caleykum dhamaantiinba. BALSAM... run ahaantii walal waa arin wanaagsan, inuu qofku ka fekero aayihiisa, runtiina guur waa nasiib, qofna tarantiisa lama godgalo, hadii ilaahay uqoray inuu wax dhalo, ama caruur yeesho, waa wax qoran, inagase dadaaal ayaa la inaga doonayaa , iyo inaynu ficil lanimaadno. hadana markaynu nidhaahno rag iyo dumar 2daba waxaa uwanaagsan inuu qofku yaraan ku guursado, weliba haweenka ayaa aad uugu fiican walaal. run ahaantii aniga ra,yigayga,,26jir way ila weyntahay, markaan naftayda ka hadlayo, hadana run ahaantii qof walbaab maanta wuxuu ku hamiyayaa qof wax yaqaana oo uu nolosha la wadaago, rag iyo dumar kuudoono ha ,ahaado,e. waxaase loo baahan yahay inaad kafiirsato run ahaantii ruuxa aad isleedahay nolosha share,gareeya caqiidiyan iyo dhaqan ahaanba, ama qof kula mida ha noqdo ama qof kaa aqoon roon haba noqdo,e. guurkii maanta wuxuu noqday ijiid aan kujiido,e waana nasiib daro, sida aynu ubadanahayna, malaa ma aynu aqoonsanin ama ma aynu qeexi karno bal waxa uu guurku yahay. waxaan ksuoo koobayaa aragtidyda. ceel dad liqa ul-dheer baa la iskaga dayaa!! wabilaahi towfiiq.
  11. OG-GIRL----- :mad: -wlc to the battle field,like a roman empire, and get your shield and spear, we will challange each ather, no excuse no complain. be ready then i will know wether you are an adult or a minor. MR MAFIA please siidhiga noo qabo-aniga iyo yarta , looooooooool waa anigii iyo hada yartiiye lasoco
  12. asalaamu caleykum. OG-GIRL, arabic or english or franch, miyaa kula noqday wax weyn, waxaan filayaa inaynaan ahayn isku cimri, waayo halka aad wax qiyaasayso ayaan arkaa, luqada waa lagula yaqaan lagaana badiyaa , laakiin waa qofwalba iyo dookhiisa,,,,heestan miyaad maqashay?. af qalaad aqoontu miyaa? maahee af qalaad aqoonntu miyaa? maahee waa inta qofba eebe geshaa. (shalaad barataye waala shubi jirey), walaashay bal socodka yara dhin , shimbir duul duul badani af-libaax bay ku dhacdaaye. waxa inaga dhexeedyaa waa ixtiraam,inkastoonad wax ceeba sheegin hadana socodka yaree......MASTER-MAFIA, tnks sxb waynu iskuleenahay , hana ila baqan , meesha hablo kalena wayjoogaane, mr-mafia------mamaqashay? wiyil raaxa joogtoo kudabaalataa webi maba oga wakhtiga dhacay? just like that weeye inantuye siidaa
  13. asalaamu caleykum. waxaan filayaa inta aynaan kadoodin arimahan in uu qofwalbaaba bal dib u eego, meesha uu kayimid ama cida uu yahay, diin ahaan dhaqan ahaan, malaa wax cusub oo aynaan ogayn bay dadka qaarkii og yihiin, waa yaab!!, ma diintiibaaba hada laleeyahay hala saxo? dhaqanka waaban garanaye.flashback inaynu samayno weeye bal oo dib uugu noqono diinteena suuban iyo dhaqankeena dahabiga ah. ninkii ka tegayaaba haka tagee anagu waanu haysanaynaa, looooool , laakiin habloow hadaanu guriga idinkala shaqayno soow ok maaha? waxaan filayaa inaad ku qaboobi doontaan insha alaah, sidii dawadiinu kujirtaba la idiin yeelye ina dejiyba bal, aduunba waa gabaabsiye
  14. as.c. dhamaantiinba. horta ma waxba isagu keen yaal? mise dadkaa naga xigtaa? haa dadkaad naga xigtaan,laakiin waxba isaguma keen yaalaan mana aanu jeclin xumaantiina. ragu waa waraabayaal waraaabena dhankii loo eryo waa u toos, marka hadaad waraabayaasha raacaysaan wlc,waanu idin soo dhoweynaynaa, hadii aad guryihiina joogaysaana waa ok. habloow hadaba hana sugina , hadaad na sugtaana dirica iyo googarada, iyo malkhabada nigiskana kudar guriina kala imaada ragani waa xayraamiin. hadaad clubka qabanaysaana waxoogaaga kala soo baxa gidaarkii yaraaye lacagta lagala bixijirey lol....nafba maanagaa idiin hayna dee weliba araweelo ayaad nadaba wadaan!!!
  15. as.c. dhamaantiinba. horta ma waxba isagu keen yaal? mise dadkaa naga xigtaa? haa dadkaad naga xigtaan,laakiin waxba isaguma keen yaalaan mana aanu jeclin xumaantiina. ragu waa waraabayaal waraaabena dhankii loo eryo waa u toos, marka hadaad waraabayaasha raacaysaan wlc,waanu idin soo dhoweynaynaa, hadii aad guryihiina joogaysaana waa ok. habloow hadaba hana sugina , hadaad na sugtaana dirica iyo googarada, iyo malkhabada nigiskana kudar guriina kala imaada ragani waa xayraamiin. hadaad clubka qabanaysaana waxoogaaga kala soo baxa gidaarkii yaraaye lacagta lagala bixijirey lol....nafba maanagaa idiin hayna dee weliba araweelo ayaad nadaba wadaan!!!
  16. as.c. dhamaantiinba. horta ma waxba isagu keen yaal? mise dadkaa naga xigtaa? haa dadkaad naga xigtaan,laakiin waxba isaguma keen yaalaan mana aanu jeclin xumaantiina. ragu waa waraabayaal waraaabena dhankii loo eryo waa u toos, marka hadaad waraabayaasha raacaysaan wlc,waanu idin soo dhoweynaynaa, hadii aad guryihiina joogaysaana waa ok. habloow hadaba hana sugina , hadaad na sugtaana dirica iyo googarada, iyo malkhabada nigiskana kudar guriina kala imaada ragani waa xayraamiin. hadaad clubka qabanaysaana waxoogaaga kala soo baxa gidaarkii yaraaye lacagta lagala bixijirey lol....nafba maanagaa idiin hayna dee weliba araweelo ayaad nadaba wadaan!!!
  17. as.c. dhamaantiinba. horta ma waxba isagu keen yaal? mise dadkaa naga xigtaa? haa dadkaad naga xigtaan,laakiin waxba isaguma keen yaalaan mana aanu jeclin xumaantiina. ragu waa waraabayaal waraaabena dhankii loo eryo waa u toos, marka hadaad waraabayaasha raacaysaan wlc,waanu idin soo dhoweynaynaa, hadii aad guryihiina joogaysaana waa ok. habloow hadaba hana sugina , hadaad na sugtaana dirica iyo googarada, iyo malkhabada nigiskana kudar guriina kala imaada ragani waa xayraamiin. hadaad clubka qabanaysaana waxoogaaga kala soo baxa gidaarkii yaraaye lacagta lagala bixijirey lol....nafba maanagaa idiin hayna dee weliba araweelo ayaad nadaba wadaan!!!
  18. asalaamu caleykum dhamaantiinba. al xamdulilaahi cala kuli xaal, wana cuudi bilaahi min xaali ahlunaar, waamid subxaana laah arimaha maanta dhacaya,waana wax ilaahay laga magangalo, laakiin waxaa waajib inagu ah in ruux walbaaba naftiisa iyo ehelkiisa ka badbaadiyo cadaabka iyo cadhada ilaahay,(swt) ,aynu u ducayno inuu ilaahay soo hadeeyo...dhegihii ilaahay waansheybaa waansane, waxaana xaqiiqa ah in dadkaasi badidoodu yihiin dad aan wax cilmiya ulahayn diintooda iyo dhaqankooda, bal diinta halkaa ii dhig, marka aynu soomaali nahay sideebaynu u aragnaa ninka somaliga ahee yidhaahda waan galoobey?,ilayn gaalku wuxuu inoola imanayaa wax aynu dhaqan ulahayne, miyaanay ahayn dhibaato cusub? diintu walaalayaal waxay ubaahan tahay in labarto si laisaga ilaaliyo marin habaabinta iyo jaahwareerka munaafiqiintu wadaan ,if iyo aakhiro, nolol iyo geeri, wax jira iyo waxaan jirinba horaa la inoogu sheegay......hala barto diinta , insha alaah. WACDI NOOMA LAABNEE NAFTAA WELEFTEY SHEYDAAN isaga iyo inta kalena aanu uducayno inuu ilaahay xaqa garansiiyo,aamiin
  19. Asalaamu caleykum dhaamntiinba. waxaan aad u xiisayn lahaa inaan ogaado faraqa bal u dhexeeya guurka maanta jira iyo balkii hore waxa ya ku kala bedelanyihiin, ama u dhaxeeya, tusaale ahaan, gabadha berigii hore waa la bixin jirey, laga xoola qaadan jirey, laga yaabaa inaanu ninkuba xoola lahayn waxaase shuruud ahayd inuu gabadha yarad kabixiyo,gabaati iyo dhabarjab, weliba dhib badan uu usoo mari jirey, gabadha aragtideeda ama iska hubinteeda, habluhu waxay ahaayeen, qaar ay adagtahay sidaad kula kulanto ama kula haasawdo, iyagoo qaban jirey hawsha xoogeeda marka la eego xaga miyiga ee dhaqankeena weliba ubadan ayahay, xaga magaalada waxay habluhu ahaanjireen maxajabado(makhabiya). waxay miyiga iyo magaaladuba kasinaayeen in gabadha laga qaato yarad, mood iyo maal waxay doonto ha ahato,e. waxaa jirta oo kale in hablaha lala bixi jirey sida hadaba jirta, ama la dhabrgaraaci jirey(in la khasbo)haday gabadhu ninka diido ,ama aanay jirin hanti uu la gola tago, waxaana ceeb ka ahayd somalida gabadha carmalka ah ama layidhaahdo waala furay, guurku wuxuu ahaa taariikh dadku ay tirsadaan oo ay yidhaahdaan sebaankii ama xiligii hebel guursadey, sababtoo ah qiimaha guurku lahaa. hablaha marka ay hore u waayaan cid guursata waxaa dhici jirtey inay ka tagaan beesha ama deegaanka ay joogaan oo ay (HEERIN) noqdaan si bal ay calafkooda uula kulmaan, hadana iyada oo ay dhibaatadaas oo dhami jireen hadana ma ay jirin inay gabadhu guumoowdo,waxaana ay ahayd dhif iyo naadir, ruux walba ilaahaybaa calafkiisa qoray oo horaa loogu dhameeyey ilayne, hadabana way jiraan rag iyo dumar aan guursan labaduba. ujeedada qoraalkaygu waa bal inaan ogaado ka magaalada ama waxay ay habluhu tabanayaan. had iyo jeer waxaad qoraalada badidooda ku aragtaa inay habluhu dhaleeceeyaan dhaqankooda kaaso ah kaynu kasoo wada gaadhney awoowayaasheen iyo halka aynu kasoo farcanay. aan kusoo koobo bal sheekadayda heestan ay gabadhu u marisay nin markaas saboola doonayeyna inuu guursado oo labaxo, iyaduse waxay taladeeda udeysey xaga waalidkeed , waxaana ay tidhi inantii. igu reerntay igu reentay oo igu raad waraabaysaye , waa waxaad reer kayaga siisaa ama aad igu rugaysaa...... bal dhuux mid waanu fahaney oo waa wixii uu ku masruufi lahaa ta kalena waa wixii yaradka ahaa,,, run ahaantii aad baan uugu mahadnaqaya cid alaale cidii iga siisa wax fekred ah meesha ay sartu ka qudhuntay ee aynu isla fahmi la`nahay,hadaynu nahay rag iyo dumar hadal iyo gun waxaan kaga baxayaa isku daalnaye maxaa inoo dan`ah? :confused:
  20. asc............wakan gabaygii...lol. Inaad guursataa maalintay kula gudboonaato, Goortiyo alleylkii hadaad guuro bahallayso, Sidii gaal ugaadhsiya waxaad gelida meertaaba, Hadaad mid aan gu`geeduba badneyn garato soofkeeda, Oo haasaawiyo kala geysataan hadalladii guurka, Ninkii kaa gu` weyn xaajo waalagu gargaaraaye, Waa inay guddida reer tolkaa golaha joogaane, Waa inuu gabbaatigu baxaa xaal gobeednimo e, Waxaad gaadhka haysaba haddii dadab laguu gooyo, Galabtaa haduu qaaddigii meher ku gawsiiyo, Adigoo gayaan quruxsan aroos ku soo gaadhey, Gelbiskii waxay culimadii socodka gaabshaanba, Guriga markaad soo gashaan bay indhaha galac ka siisaaye, Markaad gooni noqotaan yartaad giniga moodeysay, Ee ay gogosha kuu soo dhigtee joogto garabkaaga, Ee aad marada gees uuga rogtee gelin ciyaarsiiso, Wixii guunyo hore kaaga baxay waad ka gama`daaye. yaa salaam .Cabdilaahi Suldaan Tima cade ilaahay ha unaxariistee. waxaan filayaa rag iyo dumarba in la ilaawayo wixii hore , marka lamarayo 2sadar ee udambeeya gabayga, khaas ahaan raga , laakiin iminka dumarkaaba wax guursada oo kharashaka bixiya. ahahahahaha waa aduuun wareeray, iminka waxaaba la arkaa ayeeyo odaygeedii(awoow) usoo degaysa markii hore odaygaa soo degi jirey hada se waa safar waa siwada yeeel.odaygu waaba uu isa sii dhalaalinayaa sidii uu isagu yahay marwadaii, dhamaanbtiinba, lol peace
  21. asalaamu caleykum dhamaantiinba. bismilaahi raxmaani raxiim, rabaa mahadle. waa dood furan wanaagsana, run ahaantii waxaa layidhi wax is weydiini maxumee wax is weydarsi baa daran, hadaynu eegno dhaqan ahaan waxaad moodaaa in ninka oo guriga ka shaqeeya ma caruurtiisa ciyaarsiiya ama hayaa ay ceebtahay, waana ay nagu adagtahay run ahaantii , hadiise uu cudur daar jiro oo markaa ay gabadhu kaa xanuun sanayso ama aadan ciidan kale lahayn waa ok, waayo waa reerkaagii laakiin iyadoon ilaahay ku badin gabadhaaduna ay wacan tahay qadada ukari! , malaa waa xaajo ugub ah , hadaaad dib u eegto somalidu siday ubadan tahay waa reer guuraaa ama reer miyi ama beeraley, mana laha jiko ama meel wax lagu kariyo hadaba sideebay uugu suura gelaysaa inuu ninku qadada kariyo? iyada oo aanay jirin meel ukhaasa oo cuntada lagu kariyo oo asturta, noloshan cusub ee hada lagalay ama dadka badidiisu u hanqal taagayo,(westrenka ah) maaha mid aynu la jaan qaadi karno ama ka shidaal qaadan karno sababo ama duruufo jira aawadood, tusaale ahaan waad aragteen in hablaha iyo wiilasha sida aynu ubadanahay qol lawada seexiyo, sababao dhaqaale aawadeed,,,yaanan kabixin maqaalka e waa 2walbaaba siday isu fahanto, koleyba anigu waaban karinlahaa malaa? ciyaar siin lahaa caruurtayda,inkastoon weli diyaar ahayn, waxaase ka horeeya sida aanu isu fahano aniga iyo marwadaydu, hadii wanaag jiro wa ok , hadii kale waa mid subxaanalaah, . koleyba anigu dhaqanku siduu ahaan jirey ayaan jeclaan lahaa in lagu wada noolaado haweenkana aan lagu xadgudbin. raguna waa danta guud haweenkuna waa danta guriga,wada tashiguna waa furan ayahay, inlaga wada tashado arimaha reerka,maadama isku meel wax loo wado. wabilaahi towfiiq.
  22. asalaamu caleykum dhamaantiinba. LATIIFA horta salaan, thanks jawaabtaadiina waaban hayaa, inkastoon afeeftay oo aan aniguba sugayey jawaabta, hadana nin horaa yidhi==nina uumaan dhoweyne cidlaan dhaabay warankaa dheg kamaqal ha joogtee ninkii dhiidhiyaa qaba==. ama qolada qurbuhu ha isa saaraan sheekada ama anigaba haygu soo guryo noqoto oo aan noqdo nin laf toobin kuhaye,. ma is tidhi waa falaadhaa cirkaa loo tuuray nin waloowba filo?. hadal iyo gun bal aynu eegno cida ubaxda. wabilaahi towfiiiq
  23. asalaamu caleykum dhamaantiinba. bismilaahi raxmaani raxiim, ILAAHAY ya mahadle uugu horayntii tnks CALI__WEYNE, sxb waa ay wanaagsantahay baan filayaa inaynu mar mar xusno sheekooyinkeeni hooyo amaba aabe ama wadaniga ahaa waana wax xusid mudan run ahaantii,xoorkii xagaagii laga maaliyo xusuusbaa GEEL lagu xer-geeyaa. :DNUUNE sxb magacaygu waa ok baan filayaa ? mangalool , hadaad si fiican u dhuuxdid ama aanba kuu qeexee waad qaadan doontaa,lol. MAN=UBAXA GALOOLKA and GALOOL waxaan filayaa inaanu qeexid ubaahnayn , ubaxa galoolka ayaa layidhaahdaa (man)..... teeda kale sxb maxaa kugu saliday habrtayda yar ajajajajaj lol sxb adiga iyo xirtaba,,,khaas ahaan cali-weyne waan idin salaamayaa. hablahaad sheegaysona sxb waan salaamayaa inkastoon aadba wax umaqal hadana aragaan ka jeclaan lahaa,,ahaha....horaase loo yidhi ninba meesha bugtaa isagay bel-beshaa ......sxb ha deg degin sibaad u dheeraynaysaaye hablahana waad ii sheegaysaa habartii yaraydna waad qaadatay,,,,kaftan aan turxaan lahayn sxbayaal.
  24. asalaamu caleykum dhamaantiinba. waa mar labaad iyo sheeko gaaban. DHalinyarooy beribaa waxaa jire ,nin boqora boqorkaas waxaa uu ahaa nin aad iyo aad u naxariis badan, cadaalina ah, una wanaagsan xaga shaqaalihiisa, waxaana u shaqayn jirey boqorkaas nin bide ah(ciidan--midiidin-shaqaale) ninkaas waxaa la odhan jirey BARE, waxaa kale oo uu boqorku lahaa inan uu aad u jeclaa , ahaydna curadiisa, waxaana la odhan jirey BILLAN. boqorku wuxuu si siman oo aan kala sarayn lahayn uula dhaqmi jirey shaqaalihiisa iyo reerkiisa ,ama caaa,iladiisa (eheladiisa). maalin maal maha kamida yaa ninkii bidaha aha (shaqaalaha) wuxuu is tusay inuuba reerka kamid yahay, waxaana ay la ahaatay inuu boqorka gabadhiisa weydiisto.....burkaba bahal kamuu filan wuuna ilaawey inuu shaqaalihii reerka ahaa... BARE isla markiiba wuxuu arintii uban dhigay boqorkii oo weliba u bal balaadhiyey arintii, boqorkiina kamaba uu waaline wuxuu kuyidhi, baroow waa hadal wanaagsan ee bal aan Bilana arko oo afti ka qaado. maalintii maalin ku xigtey ayey BILAN oo ahayd ina boqor, waa gabadhii uu ninka shaqaalaha ahi doonaye, aabahaheed ku tidhi aabe waxaan doonayaa inaad BARE ii iibiso si aan dahab u siisto...kala maan...boqorkiibaa intuu cabaar aamusay yaabayna oo yidhi BARENA shalay bay ahayd markuu gabadha ku weydiisanayey BILANA maantay leedahay BARE hala ii iibiyo aan dahab siistee. odaygii intuu yaabay ayuu yidhi siday gabadhiisu jawaabkale uuga sugaysey waa MAAN BILAN IYO MAAN BARE.....waxaan xusuustay maah maahdii ahayd baqal fardo lamiratay dhigooday ismoodey. hadaba sheeko kasta ama hadalkastaaba wuxuu leeyahay duluc ama ujeedo ka dambaysa ,hadaba waxaan jeclaan lahaa inaynu isla eegno ujeedada ama bal dhinaca uugu badan ee sheekadani taabanayso....inkastoo layidhi hadal waa mergi hadana bal halkeebaa uugu dhow sheekadan oo dulucdeedu taabanaysaa???.. wabilaahi towfiiiq..
  25. Clown tnks sxb 100%, wax sidaa noo soo dhoweeyaba maanu arage. malaa meesha martida lagama jecla,,martidu way kala naxdaa baan maqli jiraye, laakiin sxb shaaxa ma cabo bubkana waaban ku dibiraa, alaylehe lows baan cuni lahaa,lol Ilhaan.. meesha malaa hablaa jooga , ahahahah way isugu timide isma oga. hadaan helayo islaan yar oo 16jir ah oo naasku dhagaxoobey anaaban sii deynayn, ahahaha. waa islaan naaskuna waa dhagax!!! inaanay guursanin ama gacan hore kusoo dhicin laga yaabaa . ilka weyne ala ku qabey adna ma qosolbaad wadaa..ahahahahahah waxaa layidhi nin ilka waaweyni haduu go,ayona inuu qoslayaa lamoodaa, aar bal kan ila eega :. ahahahah dal wanaaje qurboow muxuu duul isu keenay!!!!