mangalool

Nomads
  • Content Count

    38
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by mangalool

  1. asalaamu caleykum dhamaantiinba. ZAKARIYA tnks walaal sida wacan ee aad iiso dhoweysey...lol waynu iskuleenahay. Zakariya qofka bini aadamka ah waxaa lagu qiimeeyaa dhaqanka ama diinta uu hadba haysto, al xamdulilaahi rabilcaalamiin ilaahaybaa islaam inaga dhigay ayaa mahadas iska leh, zakariya horaa loo yidhi nimaan dhul marin dhaaya maleh, hadii caalamka aynu ubaxno ayuunbaynu ogaan karaynaa nimcada ilaahay inasiiyey, xag dhaqan iyo xag diimeedba, xaga kale dhibaatadu waxay inaga haysaa xaga diinta oo aanay dadkeenu aad uugu cad cadayn. LUCKY...sida ay sheegayso way jiraan in ay haboontahay in labada waalid ay is arkaan waxaase ka muhiima , inay 2da ruux is arkaan isna fahmaan. way jirtaa in gabadha layidhaahdo duco iyo habaar kala dooro,,,iyada oo iskaba yar yahay xidhiidhka caruurta iyo waalidkooda u dhaxeeya,,taasina waa mid khalada oo aan diinta raad kulahayn,waayo waxa ladoonayaa in la dhisaa waa qoys,ama reer uumana baahna in laga taliyo arimaha noocaas ah. hadaan usoo noqdo xaga dhaqanka , ruuxii ka carara dhaqankiisu kama duwana neef aan sumad lahayn,,,waayo waa waxa dadka lagu qiimeeyo. waxaanse kusoo koobayaa waa ruux iyo dadnimadiiisa mana aha khaladaadku waxa inaga oo keliya inagu dhaca ee waa wax aduunkaba soo mara . markaa kuwa mudan inay saxaaan ama hagaajiyaan wa inaga , yeynu kuhalaynaa dadkeena iyo dalkeena haday inagu cayda uugu horayno. bal caalamka eeg waxaa ay difaacayaan dadka qaar gaalnimo iyo fusuq..SPAIN. bal eeg maalinta dibida waa dhaqankooda ,way ku adagyihiin kala doonayaa in la dhaqan guuriyaa waa inaga iyo khayrkeeen. wabilaahi towfiiiq. haybad waxaad kuleedahay dhulkaaga hooyo.
  2. asalaamu caleykum dhamaantiinba. ragoow markaynu horta ARA-WEELO maqalno maxaynu la sasnaa?, ahahah waxaabad moodaa inay run ahaantii hada nooshahay, araweelo waxay ahayd naag raga dhufaanta,oo kasaarta xiniinyaha, si ay unuglaadaan , oo aanay amar diido unoqon, waana ay ku shaqaysan jirtey, dadku badiba haweenku waxay yidhaahdaan , aqal soomaaliga iyo muqmada, Ara-weelo ayaa aliftey oo lahayd samayntooda, araweelo waxaa diley wiil ay ayeeo utahay mise dhashay?..kama yaquuluuna..waa sada la werinayo, oday biiqayna waa ninka keliya ee ka badbaaday dhufaankii ay raga dhufaanaysey....isagaana usabab ahaa dilkeedii. aduun caaryaale intay dumarna wadaaan-ARA-WEELO RAGUNA --ODAY BIIQAY------- walee la heshiin maayo :confused: ma nabadbaaba jirta xawaalka araweeelo waxay dumarku ku siyaartaa bariisinka ceerigaabo--halkaasoo ruuxii maraya ee dumar ahiba uu dhagax kutuuro...sida dhaxtuurkii shaydaanka.....aar may uduceeyaan intay tuur tuurayaaan!!!!!!!!!!
  3. asalaamu caleykum,dhamaantiinba.... hadii ragu wada doono ,nin walbaaba inuu guursado hablaha ta kujirta , sida gabayaaga soo socdaa uu gabaygiisa ku sheegayo yaa guursanay inta kale?.????????..1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso 2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye 3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye 4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise 5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane 6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay 7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay 8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda 9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo 10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso 11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda 12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e 13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda 14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay 15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay 16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho 17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto 18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso 19. kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo 20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe 21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade 22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye 23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye 24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde 25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere 26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya 27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa 28. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya ....ahahaha waa cajiib caatada hada lagu faano waaba iska ilaaliya..qolyihii tuurta lahaa ..iyo yar yarkiiba daaqaduu ka saaray.........guuur waa nasiiib laakiin.... inkastoo qof walbaab wanaag kutaaamo hadana wixii loo katimay waa lakulan siin.... ajajajajilka weyne adna ma qosol uunbaad haysaa
  4. asalaamu caleykum gabaygan waxaa uu ka mid yahay gabayadii c/laahi suldaan tima cade.(r.c).. waxaana uu ka hadlayaa guurka , iyo tabaabushihiisa....... inaad guursataa maalintay kula gudboonaato,
  5. asalaamu caleykum w.w.r. mizz HurriCane...adigaaba cajiiba sidee ku ogatey taariikhda intaa le,eg..cajiib waa runtaa oo anba waan hayaa sheekooyinkaas laakiin , waa wax caalamku soo wada maray..miyaanad hayn qisadii Cumar binu khadaaab(RC) ee uu aasay gabadhiisa iyadoo nool,waxaynu odhan karnaa geel 2jir soo wada mar,waa wax aduunkuba soo maray hadana ay jiraan meelo inaga daran oo aanay dumarku xuquuqba kulahayn, markaadse wax miisaamayso dhinac walba ka eeg ,xaga wanaaga ,xaga xumaanta,miyaadanse arag inaan maanta cid la canaantoba aanay jirin oo rag iyo dumarba aan la is dhaamin,QAADKA maanta anigu waxaaba aan qabaa inaan kala yaraysan raga cuna iyo dumarka cunaaba..soow arinteenu markaas noqon mayso WARAABE WARABE canaanay?....waxaanse 100%kugu raacayaa in la raaco sunaha nebigeena subanaa (scw IYO diinteena wacan..... ninka tolow naagtiisa lafa gurayaa muxuu yahay? waxaynu odhankarnaa waa wax aan badanaaba dhicin ee dhif iyo naadir ah..anigu waxaanse qabaa inay tahay sheekooyinka dumarku ku dhaleeceeyaan raga..sababtoo ah nin dhaban curuba ahaystaa muxuu dhaawaceeda ku falayaa?..mise waa hinaase? laga yaabaa in markuu ninku hinaaso uu wax dilo..ahahahahaha waa mid subxaanalaaah.. yaha waaba sheeko cusub.. qaadku wa quud awliyo...subxaanalaah awliyaa iska ba,day...hadaan taas eegno waa arimihii baabal suufiga nimankii herer inagaga yimid ee qaadka cunidiisa banaystay..waa kuway islaantii kayaabtay tidhi wadaad qiil uu ku banaysto iyo qandi uu ku qaado 2daba leh....war yaan culimadana lagu dheeraan....laakiin ma dumar baa weli aamin san raga iyo dumarku way simanyihiin? ?....ahahah yaah waaba xeerka qoyska halagugu qaado.. ceebse maaha inaad caruurtaada iyo reerkaaga daryeesho laakiin waxaa ayaan daro ah inaad ,hooyadoood oo joogta oo caafimaad qabta aad neebka kabedesho,why? iyadaaba kaaga filane hadiise aan waxba la isla diidanayn waa ok. laakiin dhaqan ahaan hawsha gurigu way kala qaybsantahay....hooyadu waa guriga aabuhuna..waa hawsha guuud...gacmose wada jirkay wax kugooyaan...maaha maahda aabaha waxaa kamida...reerku awr la aan waa guuraa oday la,aanse maguuro...hooyadu run ahaantii waxay kaaga muhiimsantahay wax walba oo dunida jira waayo iyadaa ifka ku keentay ku af bartay ku nuujisey, ku barbaarisay..hadaan usoo noqdo dhaqanka dhan waa dhaqanka suuban...waana diinteena muqadiska ah ee taas aynu ka dhigano dhaqan . awoowayaasheena yaanaynaa cambaarayn. wabilaahi towfiiiiiiiiiq
  6. asalaamu caleykum w.w.r. mizz HurriCane...adigaaba cajiib sidee ku ogatey taariikhda intaa le,eg..cajiib waa runtaa oo anba waan hayaa sheekooyinkaas laakiin , waa wax caalamku soo wada maray..miyaanad hayn qisadii Cumar binu khadaaab(RC) ee uu aasay gabadhiisa iyadoo nool,waxaynu odhan karnaa geel 2jir soo wada mar,waa wax aduunkuba soo maray hadana ay jiraan meelo inaga daran oo aanay dumarku xuquuqba kulahayn, markaadse wax miisaamayso dhinac walba ka eeg ,xaga wanaaga ,xaga xumaanta,miyaadanse arag inaan maanta cid la canaantoba aanay jirin oo rag iyo dumarba aan la is dhaamin,QAADKA maanta anigu waxaaba aan qabaa inaanay kala yarayn raga cuna iyo dumarka cunaaba..soow arinteenu markaas noqon mayso WARAABE WARABE canaanay?....waxaanse 100%kugu raacayaa in la raaco sunaha nebigeena subanaa (scw0IYO diinteena wacan.....
  7. buumaayee....ajajaja sxb maxaynu hablo ilaalinaa aduunkiiba walaye....miyaanad maqal? waakuwaa weylihii wareegayee ma ragii waabinjiraa wakhtigu helay?... nuune..sxb.. cidina hablaha ma cambaarayn hadayse is ilaalin waayaan mid kiro hobya ah saara la wayi maayo, ama lugaha ha isku xidhaan ama.... iyagay utaalaa. horaa loo yidhi inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadistay barataa..ragu miyaanu tolow cayba lahayn? jawaabteeda hablahaa laga sugayaa taas BARKHAD-CAS.......intaad qodbanayd is qaban weydaye wakaa qabaalkii biyaha qubayee qasaaroow daye qooshley maad noqon?......ahahah hablooow iska eega ragani runtii waa waraabayaal xariiir huwane .........peace dhamaantiinba .isma oga atooor qadow bartiyo uubta looqadaye.
  8. buumaayee....ajajaja sxb maxaynu hablo ilaalinaa aduunkiiba walaye....miyaanad maqal? waakuwaa weylihii wareegayee ma ragii waabinjiraa wakhtigu helay?... nuune..sxb.. cidina hablaha ma cambaarayn hadayse is ilaalin waayaan mid kiro hobya ah saara la wayi maayo, ama lugaha ha isku xidhaan ama.... iyagay utaalaa. horaa loo yidhi inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadistay barataa..ragu miyaanu tolow cayba lahayn? jawaabteeda hablahaa laga sugayaa taas BARKHAD-CAS.......intaad qodbanayd is qaban weydaye wakaa qabaalkii biyaha qubayee qasaaroow daye qooshley maad noqon?......ahahah hablooow iska eega ragani runtii waa waraabayaal xariiir huwane .........peace dhamaantiinba .isma oga atooor qadow bartiyo uubta looqadaye.
  9. buumaayee....ajajaja sxb maxaynu hablo ilaalinaa aduunkiiba walaye....miyaanad maqal? waakuwaa weylihii wareegayee ma ragii waabinjiraa wakhtigu helay?... nuune..sxb.. cidina hablaha ma cambaarayn hadayse is ilaalin waayaan mid kiro hobya ah saara la wayi maayo, ama lugaha ha isku xidhaan ama.... iyagay utaalaa. horaa loo yidhi inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadistay barataa..ragu miyaanu tolow cayba lahayn? jawaabteeda hablahaa laga sugayaa taas BARKHAD-CAS.......intaad qodbanayd is qaban weydaye wakaa qabaalkii biyaha qubayee qasaaroow daye qooshley maad noqon?......ahahah hablooow iska eega ragani runtii waa waraabayaal xariiir huwane .........peace dhamaantiinba .isma oga atooor qadow bartiyo uubta looqadaye.
  10. buumaayee....ajajaja sxb maxaynu hablo ilaalinaa aduunkiiba walaye....miyaanad maqal? waakuwaa weylihii wareegayee ma ragii waabinjiraa wakhtigu helay?... nuune..sxb.. cidina hablaha ma cambaarayn hadayse is ilaalin waayaan mid kiro hobya ah saara la wayi maayo, ama lugaha ha isku xidhaan ama.... iyagay utaalaa. horaa loo yidhi inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadistay barataa..ragu miyaanu tolow cayba lahayn? jawaabteeda hablahaa laga sugayaa taas BARKHAD-CAS.......intaad qodbanayd is qaban weydaye wakaa qabaalkii biyaha qubayee qasaaroow daye qooshley maad noqon?......ahahah hablooow iska eega ragani runtii waa waraabayaal xariiir huwane .........peace dhamaantiinba .isma oga atooor qadow bartiyo uubta looqadaye.
  11. nin saboola ayaa beri waxaa uu maqlay shimbir leh LADNAAN LAMA XEJIN KARO,ninkaas oo ay sabool nimadu sida roobka biyo dhigtay, ayaa inta uu shimbirtii si cadho leh u eegay yidhi ALOOW maa anaga naloo dhiibo,anagaa intaanu xejino weliba ku mahad niqi lahayne,shimbirtii way iska duushay iyada oo weli leh ladnaan lama xejin karo ladnaan lama xejinkaro!!!, isna isagoo cadho aawadeed is neefaynaya sida abeesada ayuu duurkiisii(aydiisii iska xulay, wuxuu sii jibaaxo aydiiba wuxuu kusoo baxay ninkii guri weyn oo qasriya, gurigaas oo boqorkii lahaa uu mudo hore aakhira ukacay, waxaana guriga iyo magaalada utalisa haweenaydii uu qabey boqorkaasi oo iyadu markaa ah boqorada magaalada, barqadii ayuu usoo baxay suuqii ama faras-maagilihii isagoo aan garanayn,meeluu ujeedo iyo meeluu kajeedoba, iraadada ilaahay waxaa indhaha ku dhufatay markiiba boqoradii, oo ku laydh sanaysey xiligaas fooqa gurigeeda, waxay uyeedhay mid kamida adeegayasheeda khaaska ah waxaana ay kacodsatay in loogu yeedho ninkaas, nin ku wuxuu ahaa nin aad uxoog badan ama ah(doob-gaamur) aan hore uguursan, iyo isagoo ahaa nin hubqaad leh,markii ninkii boqoradii uyimid ,ee uu uuga waramay xaaladiisii ayey kutidhi diyar ma utahay inaad xilka boqortooyada qabato ?oo aad odaygaygii, ama boqorkii magaalada metesho,wuxuu si deg dega uugu yidhi haa, aadbaanan uugu farax sanahay arintaas, ilayn waa nin meel kulul kayimidoo meel qaboow waysaga baahan yahaye,sidii baa ninkii gurigii lagu geeyey waxaana loo furay qol weyn oo kamida kuwa guriga waxaana halkaas , lagaga bedeley calaladii caydha iyo busaarada, waxaana ay shuruud uuga dhigtay inuusan weligii weydiin waxa qolkaas kujira,laakiin wax kasta oo qasriga kamida uu ogaan karo, run ahaantii ismuusan odhanin calaladaadiibaa meel ladhigayaaye, qolkaa waxaa la dhigay calaladii laga furay, odaygii wuxuu qasrigii dhex mushaaxaba , markuu dhawr sanadood ka ahaa meeshii boqor ee uu ladnaaday ,wuxuu amar iyo talo bixiyaba waxaaa arintiisii kusoo urutay in loo furo qolkaas.waxay boqoradii isku dayday inay ilawsiiso qolkaas iyo arimihiisa.wuxuu yidhi hadaan qolkaa la ii furin taladay talo maaha, waxay boqoradii uyeedhay qarkamida shaqaalihii waxana la amray in odayga loo furo qolkii, ilayn ladnaan lama xejinkaro,e, waxaana qolkii laga soo saaray calaladii sabaan hore laga furay , afkala qaad iyo an fariir bay ku noqotay odaygii, waxaana lagu yidhi intaas mooyee miyaad waxkale la timid gurigan jawaabi waa maya ,halkaas ayuu ninkii qaboowga soo galay uugu noqday abaarihii iyo jiilaaladii ilaahay uuga gar gaaray wuxuuna xusuustay, shimbirtii lahayd ladnaan lama xejinkaro....dhalinyarooy dulucda sheekadani waxaa weeye inuu qofku ku mahad naqo nimcada ilaahay .dhib iyo dheefba iada oo ay waajibtahay inuu qofwalbaaba yidhaahdo(al xamdulilaahi calaa kuli xaal)waxkasta oo uu lakulmo.........malaa dadka qaarbaaban afsomaliga akhriyin.
  12. asalaamu caleykum w-br.dhamaantiinba.. Qoslaaye sxb horta ,sida taariikhda lagu xuso wax gabya oo ugabya sida maanta joogta ee hooyaalaha looyaqaano,ama uugu luuqeeya hooyalayey hooyaalayey waxaa uugu horeeyey RAAGE UGAAS r,caleek, waana sida aad usheegtay inuu gabaygu saldhig leeyahay, in kastoo deegaanada qaarkoodba laga aqoon gabayga , oo la ga isticmaalo ama lagu maansa boolyo guuroow ama saar.e.t.c,waxaase mar ahaantaana ay ku xidhantahay qofku marba marxalada uu ka gabyo iyo sida gabaygiisu uu tisqaad(caan) unoqdo, iyo wacyiga lagu jiro, tusaale ahaan gabaygu waagii hore wuxuu uuga dhignaa dadka soomaaliyeed sida hubka wax gumaada ee maanta aduunku isku muquuniyey..tusaale ahaan waakii abwaanku lahaa...(afku wuxuu laxoog yahay magliga xawda kaa jara) waxaana ay ku cabiri jireen marba xaalada jirta dhib iyo dheefba, xaga caashaqa..colaada...nabada..xamdi naqa.hawaala waranka..iyo fariiinta .ama dhambaalka ..ducada..e.t.c tusaale ahaan xaga ducada aan soo qaato tix yar oo uu tiriyey Xuseen AW-faarax oo uu utiriyey dhimashadii cabdilaahi suldaan tima cade...dhamaantood ilaahay ha unaxariistee......wuxuu yidhi ab-waanku.. ALAHA unaxariisto. oo ha u nuuro xabaasha. iilka neecaw udgoon iyo. haku siiyo naruuro. inuu naar ka xoroobo. oo NEBIGII(scw) la xiriiri oo nasiibkiisa la geeyoo janada uu ku nagaadoo nimcadeeda ku waaro oo xuural cayn ku nikaaxo ayaan niyadduuga duceeyee RAXMAANKOOW iga yeel||| amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin QOSALAAYE-----malaga yaabaa inuu SHAKA-ZULLU-uu yahay gabayaaga qarnigan hada bilawga ah?--lol
  13. asalaamu caleykum dhamaantiinba---nin yaaban sxb hasii deyn dhaqankaaaga hooyo, run ahaantii taasaa ah waxlagu faano, nuune--loool sxb malaa wa laga baxay baad adigu leedahay , oo casri baa lamarayaa hada? ma raga dayaxa sahan saday baad isku tirisay? sxb anigu waxaaban aamin sanahay halkii ninkii shaacirka ahaa uu kayidhi..nin soomaaliyeed.saca goray baa huran-- oo macnaheeda kale uuyahay lama huraaan waa cawska jiilaal....koleyba anigu xirta nin yaaban baan maanta laga bilaabo kujiraa.. w-salaamu caleykum waraxmatulaahi w.br...nabadi guudkiina ha aahto