Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Wadani;806642 wrote: wuu is badalay xaajigu ayaan u malaynayaa, oo baadilkaa iyo xaq daradaa aad ku soo qaqabatay wuu ka waantoobay. Ayaamahan isagoo tageersan Khaatumo ayaa iigu dambaysay. Aar xaajiyow wa lagu haystaaye bal mowqifkaaga cadee. Wadani, walaal Xaaji Xunjuf wali isma badalin waa sidiisii dulimiga iyo xaqdarada ayuu taageeraa, wali waxuu taageersanyahay xasuuqii ciidamda Itoobiyaanku u geesteen shacabka Buuhoodle. Lakiin, anuu shakhsi ayaan u arkaa xunjuf, markaa anuu aad ayaan uga xumahay dhibaatada ee Itobiyaanku ku hayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed kuwa Buuhoodle, kuwa Gaashaamo, Kuwa Xarshin, kuwa Awaare, Kuwa Dhagaxbuur, Kuwa Jigjiga, kuwa, Wardheer etc.
  2. Taleexi;806632 wrote: Liibaan: XX dhegihiisa, maskaxdiisa iyo farihiisu islama shaqeeyaan. Taleexi waa runtaa, shalay Xunjuf waxa uu doodayay inuu taageersanyahay Ciidamada Liyu/Itoobiyaanka ee kasoo Jeeda Gaashaamo dagaal ee kusoo qaadeen Buuhoodle, XX iyo kuwa badan oo oo taageersan Jabhada Somaliland ayaa aad ugu farxay Xasuuqii shacabka Buuhoodle ee geesteen Ciidamada Liyu.
  3. The Zack;806550 wrote: So it is all about clan. When sub clans related to Somaliland are abused the SL admin condemns it when the same admin ships Somali citizens to Ethiopia to be abused by the same police. Got it. I suggest the people of Gaashaamo join the onlf to free themselves from these xabashis. Last time when Ethiopians attacked Buuhoodle, Somaliland ministers, Clan Secessionists like Xaji Xunjuf all were celebrating. X X response to Ethiopian attack on Buhoodle. Xaaji Xunjuf;413517 wrote: Horta Buhoodlada wa in mar si fiican loo siifeyaa. A_Khadar;413522 wrote: Horaa loo yidhi habar fadhidaa lagdine la fududaa! http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/24678-Ethiopia-Battle-Trucks-Enter-Buhoodle-Cayn Xaaji Xunjuf;431610 wrote: Careful who you mock Boy the Ethiopian Troops that led the operation liberate Buhoodle today , Were all Ethnic Somalilanders [Gaashaamo] They were not Highlanders From Ethiopia. Buhoodle is going trough Big Changes , change will come Inshallah soon Well the rebels are being crushed as we speak, Somaliland took over widhwidh district and Both buhoodle and widhwidh are with out electricity right now . The rebels lost over 7 people , Somaliland Army might move towards Horurfadhi , The people of Buhoodle shall not be used as human shield By these Clan fanatics Somaliland shall prevail Geel_jire;431620 wrote: naclatallah ! Xaaji Xunjuf, ethnic somilalanders ku yeh .. dulinimaada ma waxay kuu gaysay ****dh1l1f xabashi inaan noo faanisid. man some of your stuff is hard to stomach but this is just despicable Saalax;431598 wrote: Che -Guevara, There is no lost love between I and Buhoodle. Thankful, those soldiers are mainly ethnic somalis from [Gaashaamo] gobolka soomaaliida who have strong links family links with somaliland so don't be surprised. Thankful, you don't get it, it was part of a offensive planned attacks, that somaliland will attack from the north which they did capture widhwidh and the other team from deegaanka Gaashaamo hawdka will attack from the south which they did attack buhoodle, more battles are to follow this week the terrorists like xalkotoosiiye will be crushed. Haatu;431599 wrote: Justice shall prevail. This blatant isirtir shall be accounted for. A_Khadar;431590 wrote: Laakiin Dadka reer buuhoodle way guulaysteen cidii doontaba ha soo weerartee.. Dabaal dega Xaaji Xunduf baroor baa xigi doonta.. http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/26487-Buhoodle-Citizens-Fight-Ethiopian-Soldiers
  4. " frameborder="0" allowfullscreen> Dowlada Maamul Goboleedka Khaatumo State Iyo Abwanada Qaranka Xalima Soofe Abwaanada Qaranka Xalima Soofe Ayaa u Sameeysay Maamul GoboleEdka Cusub ee Khatuumo State Of Somalia. Gabaygan Dhiiga Kicinayaa. "Codka Taleex Iiga Yimi Baa Caqligu Iigu Degay" Hadaanu Nahay Shacabka Khaatumo State, Waxaanu Faraxsanahay una Mahad Celinana Abwaanada Qaranka Xalima Soofe ee Kasoo Jeeda Magaalada Galkacyo, Puntland, Somalia
  5. Valenteenah, I agree Warlord Siilaanyo used Al-Shabaab card against the innocent people of Buuhoodle & Laas Caanood, and now Zenawi is using the same Al-Shabaab card against the innocent people of Somali Region. The killing of innocent Somali People in Gaashaamo, Dhagaxbuur, Awbere, Qabridahare, Godey, Jigjiga by Liyuu Police. And the Killing of innocent Somali People in Buuhoolde, Kalshaale, Widhwidh, Yagoori, Laas Caanood by Somaliland's SNMClan Militia both are unacceptable.
  6. The killing of innocent Somali People in Gaashaamo, Dhagaxbuur, Awbere, Qabridahare, Godey, Jigjiga by Liyuu Police. And the Killing of innocent Somali People in Buuhoolde, Kalshaale, Widhwidh, Yagoori, Laas Caanood by Somaliland's SNMClan Militia both are unacceptable.
  7. " frameborder="0" allowfullscreen> Dowlada Maamul Goboleedka Khaatumo State Iyo Abwanada Qaranka Xalima Soofe Abwaanada Qaranka Xalima Soofe Ayaa u Sameeysay Maamul GoboleEdka Cusub ee Khatuumo State Of Somalia. Gabaygan Dhiiga Kicinayaa. "Codka Taleex Iiga Yimi Baa Caqligu Iigu Degay" Hadaanu Nahay Shacabka Khaatumo State, Waxaanu Faraxsanahay una Mahad Celinana Abwaanada Qaranka Xalima Soofe ee Kasoo Jeeda Magaalada Galkacyo, Puntland, Somalia
  8. " frameborder="0" allowfullscreen> Agaasimaga Guud ee wasarada arimaha bulshada oo shir jaraa'id qabtay
  9. “Hadii Aanan Dhulkaygow” Hadii aanan dhulkaygow Dhuux cadaawe kuu Karin Hadii aanan dhulkaygow Dhiig kuugu fool dhiqin If, for you my land, I don’t Cook an enemy’s marrow If, for you my land, I don’t Rinse your face with blood Hadii aanan dhulkaygow Gobanimada soo dhicin Daraawiish Khaatumo/SSC Kama Dhalan Soomali kama dhalan If for you my land I don’t Sovereignty reclaim I wasn’t born of a Darwiish Khatumite/SSC I wasn’t born of a Somali Maalkaaga maan dhaqan Caanihiisa maan dhamin Ciidana dhab uma ladin Your wealth I did not keep Its milk I did not taste And the soil I did not truly inhabit Hadii aanan dhulkaygow Gaaja kuugu dhuubnaan Hadii aanan dhulkaygow Dharka kuugu duubnaan If for you my land I don’t Become emaciated with hunger If for you my land I don’t Become draped in your clothes Hadii aanan dhibaatada dhexda suunka ku adkayn Hadii aan dhaxantiyo milicdaba u dherernaan Daraawiish Khaatumo/SSC Kama Dhalan Soomali kama dhalan If for the difficulties I don’t Fasten my waist with the rope If the bitter colds I don’t and the scorching heat endure I wasn’t born of a Darwiish Khatumite/SSC I wasn’t born of a Somali Dhirta miraa kamaan guran Dhuunigaaga maan cunin Kuma dhaqaaqin magacaa The fruits I did not pick from your trees Your food I did not consume And your name I did not preserve Maalkaaga maan dhaqan Caanihiisa maan dhamin Ciidana dhab uma lihi Your wealth I did not keep Its milk I did not taste And the soil I did not truly inhabit
  10. " frameborder="0" allowfullscreen> Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Mudane Jaamac Xasan Khaliif
  11. http://youtu.be/BGeoyM77IwU" frameborder="0" allowfullscreen> Soo Dhoweyntii Wasiirka Maaliyada Iyo Taliyaha Ciidamada Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia
  12. " frameborder="0" allowfullscreen> Hees Cusub oo La Magac Baxday: Dhoodi Iyo Nugaal Godan ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Codki Iyo Laxanki Saciido Shiino Erayadi Abwaan Saciid Iidle Music By: Mohamed Weerow Dubisti studio Weerow ee Dalka Holland
  13. " frameborder="0" allowfullscreen> Daawo Xafladii Dabaqa 2aad oo Lagu Kordhiyay Dhismaha Masjid Jaamaca Magaalada Laas Caanood, Khaatumo State of Somalia
  14. Waxaa Maanta Dhalinyarada Dhigtada Dugsiga Sare Muuse Yuusuf ee Magaalada Laas Caanood Dhir Ku Werejiyen Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Mudane Axmed karaash. Daawo Video Iyo Sawiro Dhalinyarada nigata muuse yuusuf ayaa manta ku wereejiyay maamulka khaatumo state dhir ay ugu talagaleen beerta xoriyada ee caasimada ku meel gaadhka ah ee taleex dhaliyaradan oo wax ka dhigata dugsiga sare ee muuse yuusuf ayaa ku wereeji madaxwayna axmed cilmi cismaan oo ku sugan magaalada tukaraq madaxwaynaha ayaa u mad celiyay dhaliyaradan dhirta ku wereejisay dhinaca kale madaxwaynaha ayaa habalyo u diray maamulaha digsiga sare ee muuse yuusuf c/laahi aflahar oo mudo dhawayd dhaawac ka soo gaadhay mudaharaado ka dhacay magalda laascaanod ee gobolka sool afhayeenka maamulka khaatumo ayaa dhalinyaradu ku gidoon sisay geedkamid ah dhirtii ay maamulka ku wereejinayeen iyadoo afhayenku u mahad celiyay dhalinyarada ahna ururka svo dhigatana muuse yuusuf dhaliyarada ayaa dhinacooda ka soo jeediyay gabayo maaan iyo gubaabooyin ka soo jeediyeen fadasha ay dhirta ku gidoon siiyeen madaxwaynaha maamulka khaatumo state.
  15. " frameborder="0" allowfullscreen> Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Bulshada Maamulka Goboleedka Khaatumo State oo Ka Warbixiyey Hawlaha Wasaaradaas Ka Wado Deegaanka Khaatumo State Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Bulshada Khaatumo Oo Shir Jaraa'id Qabtay-(Video) Lasanod Online. Sunday, March 18, 2012 Xasan Cali Yuusuf Buhoodle,(lasanod Online)- Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha bulshada maamulka Khaatumo State, Xasan Cali Aw Yuusuf oo maanta shir jaraa'id.. ku qabtay gudaha magaalada Buuhoodle kana warbixiyey arimo dhowra oo khuseeya shaqada wasaarada Arrimaha Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka iyo arimo kale oo badan.. Hoos ka daawo.. Axmed Maxamed Nadiif Lasanod Online, Buhoodle
  16. Odayaal, Dumar& Caruur Reer Khaatumo Ah oo Lagu XidhXidhay Magaalada Laas Caanood " frameborder="0" allowfullscreen> Odayashan Lagu Xidhay Laas Caanood oo Kamid ahaa Odayaasha Sida Aadka Ah Uga Soo Horjeeday Joogitanka Maleeshiyada Somaliland ee Gobolada SSC/Khaatumo State. Daawo Video Kulan Ay Qabteen Odayaashu, Ka Hor Intii Aan La XidhXidhin Odayaasha Laascaanood lagu Xidhay ayaa qaarkood yihiin kuwo si aad ah uga soo horjeeday Joogitaanka Ciidamadda Maamulka Somaliland,waxa ayna Sanadkii Hore kulan ku yeesheen Gudaha laascaanood,kulankaas oo ujeedkiisu ahaa in Odayaasha Dhaqanka ee Goboladda SSC aanay Raali ka ahayn Joogitaanka Ciidmada Somaliland ee Gudaha Goboladda SSC. Odayaal Dhaqameed Reer Khaatumo Ah oo Lagu XidhXidhay Magaalada Laas Caanood Laascaanood (RBC Radio) Ciidamada bilayska ee magaalada Laascaanood ayaa saaka jeelka u taxaabay illaa toddoba oday dhaqameed oo ka mid ah odayaasha Gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in saaka waaberigii ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood ay guryahooda ka qabteen odayaasha xilli aysan fileyn kadibna loo taxaabay saldhiga magaalada Laascaanood. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arinta loo xidhxidhay odaal dhaqameed kani tahay in ay wax ka abaabuleen goosashadii gadiidka iyo hubka ka goostay maamulka Somaliland kuwaasoo maalintii shalay gaarey degmada Boocame, iyadoona si gaara loogu eeday nayo inuu ka dambeeyey xadhiga odayaashani taliyihii hogaaminbayey ciidamadii goostay oo la yiraahdo Mahad Cambaashe oo isagu deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka sool. Magacyada Odaayasha La Xidhay:- 1. Axmed Maxamuud Sanbalooshe (Sanyare) 2. Maxamed Axmed Aw Cali (Garba Dheere) 3. Guray Faarax Jaamac (Xiir) 4. Dalab Shire Aw Cilmi 5. Maxamed Kaariye 6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere 7. Sheikh Cabdicasiis Indhacase Dad ku sugan Laascaanood ayaa Raxanreeb u sheegay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in odaayashan la xidhay lagu siidaayo walow saraakiisha Somaliland aysan taasi xaqiijin. Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in odayaasha loo qaadi doonpoxabsig Mandheera eeu dhow Hargeysa halkaasoo lagu xiri doono. C/raxmaan Wadani RBC Radio, Gobolka Sool Odayaal Lagu Xidhay Magaalada Laas Caanood lasanod Online. Saturday, March 17, 2012 Laascaanood,(lasanod Online)- Odayaal tiradoodu gaadhayso todoba oday ayaa saaka loo taxaabay xabsiga magaalada Laascaanood. Xadhiga odayaashan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyey Horgale Mahad Canbaashe oo weli la muraala dilaacsan gaadiidkii Tiknikada ahayd ee shalay ka goosatay Maleeshiyadiisa. Odayaashan waxaa lagu eedeeyey inay iyagu ka shaqeeyeen goosashada ciidamadaas shalay u galay maamulka Khaatumo, arrintan oo dhabar jab weyn ku noqotay maleeshiyada maamulka Somaliland iyo Horgaladooda. Waxaa hadda socda dadaal loogu jiro sidii odayaashan xabsiga looga soo dayn lahaa. Odayaasha saaka uu xidhay Mahad Canbaashe waxay magacayadoodu yihiin sidan: 1. Axmed Maxamuud Sanbalooshi (Sanyare) 2. Maxamed Axmed Awcali (Garbadheere) 3. Guray Faarax Jaamac Xiir 4.. Maxamed Kaariye 5. Dalab Shire Aw cilmi 6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere 7. Shiikh Cabdicasiis Indhocase Kala socda Lasanod Online wixii war ee kasoo kordha xadhiga odayaasha.. Copyright © 2012 Lasanod. Maleeshiyada Jabhada Somaliland oo Maanta Xabsiyada Ku Daabulay Odayaasha Magaalada Laascaanod! Odayaal tiradoodu gaadhayso todoba oday ayaa saaka loo taxaabay xabsiga magaalada Laascaanood. Xadhiga odayaashan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyey Horgale Mahad Canbaashe oo weli la muraala dilaacsan gaadiidkii Tiknikada ahayd ee shalay ka goosatay Maleeshiyadiisa. Odayaashan waxaa lagu eedeeyey inay iyagu ka shaqeeyeen goosashada ciidamadaas shalay u galay maamulka Khaatumo, arrintan oo dhabar jab weyn ku noqotay maleeshiyada maamulka Somaliland iyo Horgaladooda. Waxaa hadda socda dadaal loogu jiro sidii odayaashan xabsiga looga soo dayn lahaa. Odayaasha saaka uu xidhay Hoosgale Mahad Canbaashe waxay magacayadoodu yihiin sidan: 1. Axmed Maxamuud Sanbalooshi (Sanyare) 2. Maxamed Axmed Awcali (Garbadheere) 3. Guray Faarax Jaamac Xiir 4.. Maxamed Kaariye 5. Dalab Shire Aw cilmi 6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere 7. Shiikh Cabdicasiis Indhocase Horufadhi News Desk Laas Caanood oo Lagu Xidh Xidhay Dumar Iyo Caruur MidnimoSSC.com Ciidamada Booliska ee Magaalada Laascaanood ayaa Maanta Xabsia Dhigay Qaar kamid ah Dumarka iyo Dhalinta ku dhaqan Laascaanood,kadib markii ay Shalay ku dhawaaqay Urur Loogu Magac Daray Ururka Horumarinta Dhalinyaradda Khaatumo. Inta La Hubo Waxa jeelka la dhigay ku dhawaad 5 Kamid ah Dadki Ururkaas ku midoobay waalidiintood iyo Qaar kamid ah Dawaarlayaasha(HARQAANLE) Laascaanod kuwaasi oo lagu soo eedeyey inay Toleen Calanka Jamhuuriyadda Somalia,Kaasi oo Ay Waten Dhalintii Ku midowday Ururkanl, Daawo Xafladii Shalay. Somaliland oo Ku Xidhay Raxan Dhalinyaro Ah Magaalada Laas Caanood Waaheen.com [ Somaliland Website ] Laascaanood (Waaheen) – Ciidamada booliska Magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa shalay xabsiga u taxaabay raxan dhalinyaro reer Laascaanood ah.Ciidamada booliska Laascaanood ayaa xidhay dhalinyaradan oo doraad halkaasi kaga dhawaaqay urur dhalinyaro oo ay sheegeen inay ku midaysan yihiin dhalinyarada reer Laascaanood ee taabacsan maamul ku sheega Khaatumo ee dhawaan lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolkaasi.Dhalinyaradan la xidhay oo tiro ahaan inta ay yihiin aanay sugnayn ayaa maalin ka hor xadhigooda waxay xaflad ku qabsadeen gudaha Laascaanood isla-markaana waxay kaga dhawaaqeen urur magaciisu yahay (Khaatumo Youth Volentry Organization), iyagga oo waliba la sheegay in markii ay ururka ku dhawaaqeen qaar ka mid ahi calanka Soomaliya la dhex mareen gudaha Magaaladdaasi. Waalidiinta dhalinyaradan boolisku xidheen oo la sheegay in qaarkood saldhiga u tageen inay waan-waan ka galaan soo dayntooda ayaa la sheegay in ciidamada boolisku u diideen inay arkaan una sheegeen in dhalinyaradani ku kaceen fal dambiyeed qas ka abuuri kara Magaaladda lana siidaynayn Dhanka kale, ciidamada booliska ayaa la sheegay inay xidh-xidheen qaar ka mid ah dawaarlayaasha Magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka shaqeystaan tolida calanka Soomaliya, kaasi oo dhalinyarada la xidhay iyo shakhsiyaadka doonaya inay rabshado halkaasi ka abuuraan ay ka toshaan calankaasi. Suxufiyiinta Ka Hawlgala Magaalada Laascaanood oo Saaka Lagu Bilaabay Qabqabasho Laascaanood(Afbakayle Online)Saaka Hiirtii Waaberi ayaa Maleeshiyaada SNM iyo horgaladoodu Bacsi ku Bilaabeen Suxufiyinta ku sugan Magaalada Lascaanood waxana gurigisa lagu weeraray Maxamuud Saleebaan Iidle oo Ah wariye kahawlgala Tvga Calamiga ah ee Somalisat uga hawlgala Magaalada Laascaanood. Sidoo kalena Suxufiyiin kale oo iyagu kahawlgala laascaanood ayaa waxa dabagal ku haya Taliye ku xigeenka Booliska ee Maamulka SNM Axmed Cabdi Geele, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa Raacdaysiga ay Booliska SNM u jogta Magalada Laascaanod ku hayaan Suxufiyiinta ku hadhsan Magaalada Laascaanood. Mudoyinkii u danbeeyey ayaa Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Laascaanood waxa Bartilmaameed ay u ahaayeen Maamulka SNM hay,adihiisa Amniga iyadoo ujeedaduna tahay in aan wax war ah laga Baahin Dhacdooyinka Mudaharaadyadu ka mid yihiin ee ka socda Magalaada Lascanood. Dhanka kalena Maamulka Khaatumo ee dhowan lagu yagleelay Magaalada Taariikhiga ah ee Laascanood ayaanwaxba kala socon Xaaladaha Cakiran ee haysta Suxufiyiinta ka hawlgala Deegaanada SSC. Wixii warar ah ee kasoo kordha Raacdaysiga Maleeshiyadka SNM iyo Horgaladoodu ku hayaan Saxaafadda Xorta ah ee Deegaaada Khaatumo oo ku guulaystay inay Shaashadaha ka mauujiyaan Dhacdooyinka Naxdinta leh ee ka soca Magaalada Laascaanood Dib ayaan idinka soo gudbin doonaa. Laascaanood/Afbakayle Online
  17. http://youtu.be/IBbdjjHkR8w" frameborder="0" allowfullscreen> Khaatumo State of Somalia Global Celebration
  18. " frameborder="0" allowfullscreen> Hees Cusub: Dhulka Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Dhoodi iyo Nugaal Godan - Codkii Fanaanada Saido Shiino
  19. Daawo Sawiradii Sida Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State Mudane Axmed Karaash Loogu Soo Dhoweeye Magaalada Tukaraq Wafti Balaadhan uu Hogaaminayo Madaxwayne Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayna kamid yihiin Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Khaatumo mudane Cumar Jaamac Saleebaan ayaa Si diiran Shalay Loogu Soo dhaweeyey Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Socdaalka Madaxwaynaha ayaa ahaa u kuur Gelid Xaalada Deeganadda Khaatumo State Of somalia,Gaar ahaan Xaalada Deegano Hoostaga Gobolka Sool,waxa uuna madaxwaynuhu u kuur Galay Xaaladda Ciidan ee Deegaanka Tukaraq isagoo Kulamo Gooni gooni ahna la qaatay Bulshada qaybeheeda kala duwan, Hadaba waxaanu idiin soo Gudbinaynaa Sawiradii Soo dhawaynta madaxwaynaha ee Tukaraq. " frameborder="0" allowfullscreen> Sareeye Guuto Ahmed Saleban Dafle
  20. C/Qaadir Kaarshe oo Ka Socda Maamulka Khaatumo State Ayaa Balan Qaaday In Maamulka Khaatumo La Shaqeen Doono Maakhir State Si Loo Helo Horumar Iyo Midnimo Soomaaliya Khaatumo State of Somalia Welcomes Maakhir State Maamul Goboleedka Khaatumo State Ayaa Si Weyn u Soo Dhoweeyay Maamulka Goboleedka Maakhir State of Somalia Madaxda Khaatumo State oo Khudbado Qiimo Badan Ka Jeediyay Xafladii Maamulka Maakhir State Source: GalgalaNews.com http://www.galgalanews.com/?p=9904 " frameborder="0" allowfullscreen> Halkan Ka Daawo Xafladdii Maamul Goboleedka Maakhir State Of Somalia Iyo Heestii Lagu Maamuusay Dib u Abaabulka Maakhir State Government. Enjoy
  21. b-boy;805986 wrote: the editor of allssc in none other than 'Libaan';) More nonsense and lies from Pirateboy. I am not the editor of any Somali site, another clueless Sol member NG said 'Liibaan' is Dr. Osman Badawi the veteran diplomat with over 40 years of experience in United Nations and BBC. Somalia Online is strange place. NGONGE;803244 wrote: ^^ Bes bes yaa Osman. :D Liibaan = Dr. Osman Badawi. STOIC;803463 wrote: PS: Haha Ngonge predictions comes close now I'm starting to believe Liban=Dr. Osman Badawi
  22. Audio:Suldaanka Beesha Somaliland "Talada Beesha Khatumo State Waan Taageersanahay Waana Ku Hambalyeyn" Suldaanka beesha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Allssc kaga hadlay arimo badan waxana uu Suldaanku waxa uu fal xool xun ku tilmaamay Xadhiga Boqor Buurmadaw isla markaasna uu sheegay in Siilaanyo uu wado la dagaalan madax dhaqameedka beesha Somaliland ah Suldaanku waxa uu soo dhaweeyey Go’aanka Beesha SSC/Khaatumo State ay ku dhisatay maamulka Khaatumo oo uu ugu hambalyey Sidoo kale waxa uu Suldaanku ka hadlay in Ciidamadda snm/Somaliland ee jooga Gobaladda SSC aysan jirin sabab ah u joogaan ayna tahay in laga saaro balse Horjooge Siilaanyo uu diidan yahay Nabadana Caqabad ku yahay isla markaasna aysan Madax dhaqameedyadu awood u lahayn[ Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ku tilmaamay niman iska hadlay Madax dhaqameedyo dhawaan Baaq nabadeed Hargaysa ka soo saaray waxana uu sheegay in aysan talo ka go’in oo aysan jirin wax ay ka wataan Horjooge Siilaanyo. Halkan Ka Dhageyso: http://allssc.com/2012/03/17/suldaan-maxamed-suldaan-cabdiqadir-qaybtii-kowaad/ http://allssc.com/2012/03/17/suldaan-maxamed-suldaan-cabdiqadir-qaybtii-2aad/
  23. " frameborder="0" allowfullscreen> Dowlad Goboleedka Khaatumo State oo Ka Hadlay Tacadiyadda Shacabka Magaaladda Laas Caanood MAAMUL GOBOLEEDKA KHAATUMO STATE OF SOMALIA. Ujeedo War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Maamul Goboleedka Khaatumo Dawlada federaalka Soomaaliya Waa astaatnta Midnimada Soomaaliya ma jiri karo maamul Goboleed awood u leh inuu Dawladda Federaalka wax u yeedhiyo. Maamul goboleedka khaatumo State of somalia waxa uu ku Dhashay baahi ay dareemeen Shacbaka Degan Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn, ma jirto cid aan wax ka waydiin karnaa talada deegaankayaga amaba soo fara gashan karata Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo. Waxaani si buuxda u taageersanahay kana mid nahay Maamulka Dawlada Federaalka Soomaaliya. waxaanu canbaaraynanaa dhamaan falalaka Tacdiyaadka iyo gabood falkaba isugu jira ee maamulka Hargeysa uu ku hayoShacabka degan Magaalada Laascaanood, waxaanuna ugu baaqaynaa Maamulka Hargeysa inay sida ugu Dhakhsaha badan uga baxaan Deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn. Dhamaan Gobolada ay ka kooban tahay Maamul Goboleedka Khaatumo ma jirto cid aan Maamulka Khaatumo ahayn oo ka hadli kartaa ama wada xaajood ka geli kartaa. Waxaanu Maamulk Faroole ugu baaqaynaa inuu faraha kala baxo Arrimaha Maamulka Khaatumo State, hadii uu faraha kala bixi waayana waxan u sheegaynaa inaan dib loogu dul qaadan doonin. Waxaanu faroole uga Digaynaa hadalafa macno darada ah ee uu garoowe la joogo , wax saameyn ah oo Maamulka Puntalnad nagu leeyahayna ma jirto oo aan ka ahayn Xidhiidha Walaaltinmo ee Shucuubta Khaatumo iyo Puntland. WA BILAAHI TAWFIIQ Waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo AXMED CILMI CISMAAN (KARAASH).
  24. Suxufiyiinta Ka Hawlgala Magaalada Laascaanood oo Saaka Lagu Bilaabay Qabqabasho Laascaanood(Afbakayle Online)Saaka Hiirtii Waaberi ayaa Maleeshiyaada SNM iyo horgaladoodu Bacsi ku Bilaabeen Suxufiyinta ku sugan Magaalada Lascaanood waxana gurigisa lagu weeraray Maxamuud Saleebaan Iidle oo Ah wariye kahawlgala Tvga Calamiga ah ee Somalisat uga hawlgala Magaalada Laascaanood. Sidoo kalena Suxufiyiin kale oo iyagu kahawlgala laascaanood ayaa waxa dabagal ku haya Taliye ku xigeenka Booliska ee Maamulka SNM Axmed Cabdi Geele, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa Raacdaysiga ay Booliska SNM u jogta Magalada Laascaanod ku hayaan Suxufiyiinta ku hadhsan Magaalada Laascaanood. Mudoyinkii u danbeeyey ayaa Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Laascaanood waxa Bartilmaameed ay u ahaayeen Maamulka SNM hay,adihiisa Amniga iyadoo ujeedaduna tahay in aan wax war ah laga Baahin Dhacdooyinka Mudaharaadyadu ka mid yihiin ee ka socda Magalaada Lascanood. Dhanka kalena Maamulka Khaatumo ee dhowan lagu yagleelay Magaalada Taariikhiga ah ee Laascanood ayaanwaxba kala socon Xaaladaha Cakiran ee haysta Suxufiyiinta ka hawlgala Deegaanada SSC. Wixii warar ah ee kasoo kordha Raacdaysiga Maleeshiyadka SNM iyo Horgaladoodu ku hayaan Saxaafadda Xorta ah ee Deegaaada Khaatumo oo ku guulaystay inay Shaashadaha ka mauujiyaan Dhacdooyinka Naxdinta leh ee ka soca Magaalada Laascaanood Dib ayaan idinka soo gudbin doonaa. Laascaanood/Afbakayle Online