Hunguri

Nomads
  • Content Count

    1,740
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Hunguri


  1. :D Gheelle, waar meeshan dadku filim ayay wadaan. Hadii Sheekh Dirir ama Mustafe ka hadli lahaa Hargaisa, saaxiibkeey Jacalbro iyo North iyo NG intuba sacabkay garaaci lahaayeen.

     

    Alshabaab, waa qaldanyihiin waa qaldanyihiin. Taasna waxaa kuu caddanaysa. Waxaad isku qabsanysaan "Koob-kaa shaaha ah waa caddays iyo waa bigays". Hadii aad siday doonayaan u samayn waydo. Jawaabtu waa toogasho, gawrac, ama hanjabaad. To cut it short.

     

    Anigu, waa ku raacsanahay Alshabaab the following:

     

    (1) Qofkii Qos Muslim ah xoolihiisa xada, gacanta halla gooyo

     

    (2) Qofkii qof Muslim ah dila, haloo dilo haduu qofkaas ulakac u dilo

     

    (3) Qofkii sinaysta hadaanu guursan, halla karbaasho, haduu guursadayna godkiisa halloo qodo

     

    (4) Qofkii sakkada bixin waaya, ama ka leexda shareecada Islaamka tallaabo hallaga qaado.

     

    Waar aan soo koobee, wax Alla iyo wixii Xuduud ah oo Quraanka iyo Sunnada iyo Culimadu sheegeen waa Ok.

     

    Laakiin, iyagu ma Nabi Alla soo diray baa, markay dadka la jihaad tamayaan. Yaa u wakkiishay oo yidhi Muslimiinta laaya. Yaa ku yidhi dadka Somalia Koonfurteeda, Somali land, Puntland, Jabouti, Somali Galbeed intaasoo dad ah oo Muslimiin ah dhulkeey joogaan, yaa ku yidhi waa Gaalo.

     

    Nimankani, saaxiib riwaayad ayay wadaan. Waxbaan kuu sheegayaa....

     

    Wakhtigii Khaliifadii Cumar Bin Khadab, waxaa dhacay sannad la odhan jiray " Caamul Majacah, sannadkii Gaajada". Dadku Gaajo awgeed, hargaha ayay dubteen. Ma ogtahay Omar Bin Khaddab Alla raalli hakka noqdee, wuu joojiyey inuu qofkii wax xada Gacanta gooyo.

     

    Aayadii dhamayd ee Alla soo roggay, waxaa ka xoog badatay baahidii dadka shacabka ahaa ee Muslimka ahaa. Sababtoo ah, waala gaajooday, waala raffaaday, waana la dhibaatooday. Kadibna dadkii qaarkood gaajjaa u geysay inay wax xadaan. Sidaas, ayaa xuduuddii loo joojiyey.

     

    Bal adigu ka sheekkee Odayaashan. Xamar iyo Kismaayo iyo Marka oo dadku haraga dubanayaan ayay iyagoon waxba siin gacmihii ka wada gureen. Waa dad aan caadi ahayn!


  2. Jacaylbro, Ngonge, Ayoub, Africa, idinka ninkaa General Duke laydinkuma imaanayo. General-ku isagaa ummadiisa yaqaana siduu ula xaajoodo :D . General Duke, ina adeer adigaanu nimankaas kugu ognahay.

     

    A&T :D , aan kula kaftamee. Waxan kaa sanqadhaya. Waxaan garan waayay inuu dareen kugu dhaliyey, iyo inuu yahay fariidnimo aad u dhalatay, waayo ma odhan karo kalmadii kalee ( doqoniinada ) smile.gif .

     

    Haduu waxaas kaa sanqadhaya dareen kugu dhaliyey, oo Puntland, Faroole iyo Ilka Jiir cadaawad gaar ah ONLF ku sameeyeen, dee ina adeeroow waynu dawaynynaa, waynu ka wada fadhiisanynaa, waa laga wada hadlayaaye waxakan iska saar.

     

    Haddayse tahay doqoniino, wacad Allah, taas Allaah uun baa dawayn kara. Nabi Muusena waa habaaray :D .

     

    A&T, warkalena waan kuu sheegayaa. Anigu UN-ta waxaan moodayay xafiis aad u wayn oo inta badan mashquul ah. Laakiin, maanta xafiiskii iyo Golihii Amnigaba qoladayadii Warsaaangeli ayaa lagaga hadlayaa :D:D:D Ilka Jiir ayaa booday, Attam ayaa Somali land eegay, Xanaano ayaa Obama u hanjabay, Hunguri baa halkaas lax ku qashay :D

     

    Waaba shax shax iyo nus!


  3. Ninkan Maadeeye waa imtixaan. Wuxuu isoo xusuusiyey nin la odhan jiray "Taliban" oo wadna caddaad caadi ah ahaa. Markaa ninkan waaloo baahanyahay :D .

     

    A&T ka warran saaxiibkaa Mugabe :D niyow ninkaas maalin dhawayto meel ay ku dacaayadynayaan ayaan eegoo qosol ayaan u dhiman gaadhay. Sheekkadu waxay ahayd:

     

    Mugabe, Ms Tatcher of UK, and former PM of Pakistan.

     

    Waxaa la yidhi, islaantii Tatcher ahayd ayaa labadadii mudane ee shafka buuxiyey waxay soo saartay miiska :D . Markaasay intay gacmaha ku qabatay waxay tidhi ( Great Britain ).

     

    Odaygii Mugabe ahaa ayaa lagu kacay oo lagu darmay. Markaasuu kuleeyl iyo kadeed intuu is hayn kari waayay, wuxuu miiska saaray wixii ka lushay. Kadibna, wuxuu yidhi ( Watch out! African Banana ).

     

    Odaygii Nawaz Sharif ahaa ayaa intuu isku naxay, maradii ka dhacday. Ka dibna Sharwaal Khamiiskii uu xidhnaa ayaa wax kharibayoo, wuxuu yidhi "Please dont devide Kashmir". Halkaas iyada ah waxba lagama sheegi karo. Waa meel aad u kharriban!

     

    !!!!!


  4. Gheele, saaxiib dont waste your time. It's not worth watching, and this is the most boring movie that I've ever watched. Waar wallaahi khuuraaba igu qabatay lool.

     

    Saaxiib, do watch 3 ****** of Ameer Khan :D


  5. I congratulate brother Dabshid and his wife on the birth of their baby boy. Very best wishes to you and your little boy.

     

    Allah waxaan uga baryaynaa Caafimaad,Cimri dheer iyo Cibaada wanaagsana. Sidoo kale kii noqda mid Diintiisa iyo Dadkiisa anfaca. ( Aamiin )


  6. Geed V Guddin

     

    Waxaa la yidhi, Geedka la hadhsado ama Geed ayaa Guddinta lagu gooyo ama Masaarta lagu garaaco hadba sidii dadku u garanayo, lahadlayoo wuxuu ku yidhi "Gudineey imaad gooyseen haddaan badhkeey kugu jirin".

     

    Reer Miyyigu markay Guddinta soo iibsadaan, waxay u samaystaan "Daab". Daabkaasna waxaa laga jaraa Geedaha ama Dhirta. Marka Guddinta Daabkaas la galiyana, waxaa lagu jaraa ama lagu garaacaa Dhirta ama Geedaha. Halkaasaa waxaa laga soo saaraa agab iyo adduun dhan oo hawlo fara badan lagu qabto.

     

    Waxaan sheekkada ku keenay. ONLF hadii Xabashigii Soomaalidii ku garaacayo oo Somali land iyo Puntland ku gooynayo ama ku jarayo. Waxaan anigu ku talin lahaa, bal dib nimankaasi ha u fakkareen oo ha furteen dood la yidhaahdo:

     

    Gudineey imaad gooyseen haddaan badhkeey kugu jirin.

     

    PS:

     

    Ninkii Soomaaliga ahaa, ee caqliga qabay. Wuxuu curiyey ama tiriyey heesta Magool qaado. Waxayna ahayd:

     

    Gacantaada hadii ay

    Candha kaa mudhxiso

    In Masaar aad ku goyso ( Masaar waa Guddin)

    Maanka maa aqbalaayee

     

    Middood Indhahayga

    Haddii wax mudaaneey

    Tankalaa u ilmeeysee

    Isla markaba u ooydee

     

    Anna sidaasaad meel igaga taalloo

    Makku illoobi karaayee

    ---- --------

     

    Markaa A&T iyo Dajjiyoow idinka laftigiinu ha cadhoonina oo intaas candhada qabta ama xun oo Puntland iyo Somali land ku jirta, ha u gooynina gacantiina :

     

    Gacantaada haddii ay

    Candha kaa mudhxisee

    In Masaar aad ku goyso

    Maanka maa aqbalaayee!

     

    Waa mayya!

     

    Salaama


  7. loool Nimankasi waa funny. Mid reer Xamar ah, oo bari noo yimi ayaa waxaa la odhan jiray (Makki). Qolyo Tabliiq ah ayuu la socday. Markuu Airport-ka kasoo dagay, ayay waxay Pakistan-tii yidhaahdeen waxaa Africa ka yimi ( Duqsi Madaw ). which, means in Urdu ( Kala Makki ). Odaygii cabbaar ayaa Madaarka lagu haystoo la buufinayay looool


  8. Siilaanyo is a hero, and he is the only veteran politician whose merit and charisma could play a major role solving the problems of Somalia in unisom.

     

    Waxaase la yaableh, Rayaale oo CID ahaa iyo Cirro oo Godkii Jilicoow hor joogi jiray ayaa maanta ninkaas u hanjabaya :D Ninkii Gabyay wuxuu yidhi!!!

     

     

    Aan ku cuno, kuguna ciil baxee hayga caban waana

     

    Aan ku raro reerkana kugu dhaqdee hayna kala reebin

     

    Aan ku dilo dadkuna yaanay arag dakharka dhiigaaga

     

     

    PS:

     

    Tixdaas gabayga ah, waxay cabbiraysaa waxyaalo fara badan oo ka jira ( Somali land & Puntland )


  9. :D A&T waar ma waxaad mooday Maakhiriga dibada jooga in la tirin karo ;) lool saaxiib ciiddaasay ka bateen, laakiin kuwa Waddanka jooga haa Dooni yar ayaa qaada. Qurbahase dadka caddaanka ah uun ayaa nagaga badan :D . 36-ku adiga kuma qabato :D Nin tuurleh siduu u seexdo waa yaqaanaa, bahashaas 10 dheer ayaad dhex gashayoo hadda farsamadeeda iyo sida laysaga leexiyo waad baratay dee lool marka iska farsameey!

  10. Kaftan cajiib ah ayaa meesha ka dhacay. Waar horta marka ugu horraysa, inanta Ibtisaam sheekkada ka saara. Inantu, ixtiraam iyo sharaf ayay mudantahay. CL, your jokes are very extreme at some points. The picture you posted, must have belonged to a respected Somali married couple. Hence, refrain from cheap shots. ( Its just an advice ).

     

    Duke V Qolada Goosashada :D

     

    Runtii anigu Internet-ka ma aamino, laakiin anigu Duke waxaan u haystaa magac ay wadaagaan dhamaan qolada reer Puntland :D . Waxaase dhici karta inuu Duke yahay qof aniga oo kale ah, oo magaca hal qof isticmaalo :D

     

    Hadaan soo gaabiyo, Duke ama reer Puntland ha wadaageen magacaas, ama Duke kaligiiba ha noqdo. Waxaa meesha ka cad, Burco iyo Hargaisa-ba inaanay u kaftamin sidii lagu yiqiinay. Waxaana halkaas ka caddaatay, ninka Duke ama qolada Duke inay afka ciida u dareen :D

     

    Red-Sea, Ayoub, Shikaawe iyo intii la socotayba smile.gif .

     

    Odayga S*S, isaga laftigiisu waaku fashilmay dhex dhexaadnimadii iyo shaqqadii nabadaynta ee loo dirsaday.

     

    Waar hadda waa fakradayda iyo waxay iila muuqato.

     

    Affeef: Kalmada "Qolada" markaan qoray. Somaliyeey anigu qabiil uma jeedo!


  11. :D adeer sidaa uma jeedo xaasha. A&T iyo aniga kaftan ayaa naga dhexeeya. Anigu, sida Japhar PM been abuur ah iyo sheeko aan jirin ma sameeyo.

     

    A&T iyo anigu shir dhexdiis ayaanu isku budhaynaa lool isaguna taas wuu ogyahay waana igu raacsanyahay smile.gif

     

    Tan General-ka smile.gif , dee A&T wuu ogyahay inaan mar walba anigu ina adeerkeey u hiilinayo loool waa qabyaaladi kululaa iyo Somali iyo cadaadood smile.gif

     

    ( katan )