Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,195
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in xukumadda Addis Ababa ay lakulmayso culaysyo ugu imaanayo dawladaha gobolka iyo caalamka, kaas oo ku qasbaya in ay ka noqoto heshiiskii is afgarad ee ay la saxiixatay maamulka muuse biixi, kaas oo abuuray xaalad hubanti la’aan siyaasadeed oo gobolka ah, caalamka ayaa garab istaagay Soomaaliya.

    Wasiirka arrimaha dibbada ahna raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa sheegay in cadaadis xogan saaranyahay, balse waxa uu carabaabay maasulkan oo u hadlay xukuumadda Abiy Axmed, in itoobiya sii wadi doonto dhaqangalinta heshiiskan taariikhiga ah oo ah fursad nadir ah oo soomartay shacab waynaha reer itoobiya.

    Madaxweynaha Itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ayaa sidoo kale xaqiijisay in ay jiraan dawlado tiro ah ku waasi oo si wayn u taageray midnimadda dhuleed ee soomaliya, kuwaas oo ay horboodayaan Midowga Yurub, Maraykanka, Ingiriiska, China, Masar, Saudi Arabia iyo ururro calami ah oo gobolka ah sida IGAD iyo MIdowga Afrika.

    Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ayaa marka laga soo tago cadaadiska dibadda waxa jira in gudaha dalkiisa ay ka jiraan xaalad adag, waxaana markaan garabkiisa ka maqan jamhadaha ugu waaweyn dalkaasi, sida kuwa Axmaarada, Uromada iyo Jamhadda TPLF oo sanadkii 2022 uu la galay dagaal xooggan, waxaana ay hoos u dhigeysaa inuu hil karo midnimada dalka.

    Marka arrintaas laga tago waxa kale oo jira in Itoobiya markaan ay ka jirto dhaqaale yari xooggan, sida ay warinayaan warbaahinta dalkaasi, saameynta ugu weyn ee dhaqaale ayaa ah dhowaan warbixintii kasoo baxday hey’adda lacagta adduunka oo ay ku sheegtay in Itoobiya ay ku guuldareysatay bixinta lacago ay hore u amaahatay,kuwaas oo inta badan dagaal ku baxay.

    Dowladda Soomaaliya ayaa markaan u muuqata in dowladda Itoobiya ay kaga adkaatay dhinaca habka diblomaasiga ah, taas oo keentay dalalka caalamka intooda badan ay taageero xooggan ay siiyaan, xilli dowladda Itoobiya ay cadaadis xooggan ay kala kulmayso badalkeeda, IGAD ayaa 18 bishaan ku kulmi doona si ay kaga arrinsadaan xaaladda gobolka ka taagan.

    Source: goobjoog.com


  2. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta waxbarashada dalka.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay dalladda Waxbarashada FPENS ay ka badbaadisay aqoon la’aan kumaankun oo ka mid ah ubadka Soomaaliyeed, isla markaana wax wayn ka badashay dhaqankoodii iyo noloshoodii.

    Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumaddu ay dhiirigalinayso dalladaha ka shaqeeya waxbarashada dalka inay iska kaashadaan si kor loogu sii qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka, kuwaas oo maamulayay tan iyo bururkii.


    Daladda Waxbarashada FPENS ayaa waxa aasaasay aqoonyahano Soomaaliyeed burburkii dowladda dhexe ka dib, taasi oo noqotay madal lagu badbaadiyey waxbarshadii carruurta, isla markaana ay ka aflaxeen in ka badan 1 milyan oo arday Soomaaliyeed ah.

    Source: goobjoog.com


  3. Sharci yaqaan reer Somaliland ah oo Madaxweyne Muuse Biixi ugu Baaqay inuu ka taxadaro Heshiiska Itoobiya ee bada

    Hargeysa(Qaran news)- Prof. Mubaarig Aar oo ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu ka noqdo heshiiska Badda ee uu la galay Itoobiya.

    Mubaarig Aar oo u warramayay Telefishanka MM Tv ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi aanu isku furin albaab aanu garanayn wax kaga soo bixi kara.

    “Badda adeegyo badan baa lagu qabtaa ma deked bay ka dhiganayaan? Ma dab bay ka dhsllinayaan ma ciidankooda uun baa degaya. Waxay u muuqataa iib ee ma aha kiro,” ayuu yidhi Mubaarig Aar.

    Aqoon-yahanku wuxuu sheegay in aan aqoonsigu aanu Somaliland waxba kala maqnayn.

    Mubaarig Aar wuxuu si adag ugu jawaabay dawladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dawladda Xasan Sheekh magaalada uu joogo aanu ka wada talin ee ay ka wada arrimiyaan labada dawladood.

    Qaran News


  4. Fowsiyo-Xaaji-aadan-Fowziyo.jpg?fit=2048

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qeyb ka tahay dowladaha u ordaya jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

    Xilkaan oo ah mid meerto ah, islamarkaana qofka ku guuleysta uu joogo illaa saddex sano ayaa waxaa kalkaan dowladda Soomaaliya ku mateli doona tartankaasi Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

    “Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen hore, Fawsiya Xaaji Aadan oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, aheyd gabadha kaliya ee ka qeyb-gashay doorashadii ugu dambeysay madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya uga qeyb-galeysa tartankaasi.

    Soomaaliya oo xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay u xoojin laheyd dadaalka diblumaasiyadeed ee saaxiibaada caalamka, ayada oo daba-yaqaadii sanadkii tegay ee 2023-ka ku guuleysatay in Waare xil sare looga magacaabo urur-goboleedka IGAD.

    Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle ayaa markaas noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Magacaabistaas ayey xilligaas dowladda ku tilmaamtay mid sare usii qaadeysa sumcadda iyo maqaamka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

    Si kastaba, Midowga Afrika ayaa waxaa la sheega in ay galaan-gal fiican ku dhex leedahay Itoobiya, oo xilligaan ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Soomaaliya, ayada oo dhawaan uu ururka ka indho qarsaday damaca Itoobiya.

    Ururka marnaba sooma hadal qaadin xad-gudubka loo gaystay Soomaaliya oo ka hortimid heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

    Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo qoraal kasoo saaray xiisadda ayaa si isku mid ah ula hadlay Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay inuu is dhow ula socdo xiisadda ka dhalatay heshiiskii kowdii bishaan lagu gaaray magaalada Addis Ababa.

    “Guddoomiyaha wuxuu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istix-gelin ka timaada labada dhinacba, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri guddoomiye Moussa Faki Mahamat.

    Xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ayaa kusii fideysa gobolka, ayada oo dowladda Soomaaliya ay taageero caalami ah u heshay mowqifkeeda damaca Itoobiya ee helitaanka qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

    The post DF SOMALIA oo u ordeysa jago sare oo Midowga Afrika iyo musharaxa ay wadato appeared first on Caasimada Online.

  5. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalim Fiqi ( Habar-gidir Sacad) Wasiirka Dawlada Federaalka Waxbarashadda, Faarax Shiikh Cabdiqaadir ( Qabiilka reer Aw Xasan) sidoo kale ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibada, Cali Balcad ( Mogadishu Clan, Mudulood) Aasaasaha xarunta Heritage Cabdiraxmaan Caynte ( Mogadishu Clan Murusade) , Cabdiweli Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Mahad Salaad.

    Dhamaan intaas oo masuul oo saxaafadda hore uga hadlay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud na tusayey in ay garab taagan yihiin, ayaa xidhiidh joogta ah la samaynayay masuuliyiin reer Somaliland ah, iyaga oo ugu hambalyeeyay heshiishyada Itoobiya ay Somaliland la gashay qaarkood na raali-gelin ka bixiyey dhawaaqyaddii ay ku sheegeen in ka soo horjeedaan heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya iyaga dhanka kalena xidhiidh kaasi la mid ah la leh Itoobiya

    Posted by Xuseen Xasan

    Qaran News



  6. Boqol maalin oo dagaal ah ayaa ku dul dhamaatay, shacabka dagan marinka ee Reer Qaza, boqol maalin oo u dhiganta 100 Sano, magaalooyin iyo dhismayaal bilicsamaa ayaaa burbur isku badalay. Ilmo ayaa Ku agoontoobay, qoysas dhana way ku baaba’en, waxa la waayay waxkasta oo nolosha aasaasi u ahaa.

    7 October sanadkii 2023, waxaa uu caalamka indhaha ku kala qaaday, weerar ay xarakadda wax iska caabinta ee xamaas ku qaaday dhulka ku hareeraysan marinka ee lagu dagaameeyay israaiiliyiinta, waxa u suurtogashay in ay gudaha ugalaan oo askar iyo shacab Yuhuuda ay soo qafaashaan.


    Kadib israil, waxa ay Ku dhawaaqday, duulan Ka ay ugu magac daray, Seefta birta ah. Qeybta horre ee duulanka waxa uu Ku bilaamay, wareeradda cirka oo Ku baahsna guud ahaan Marinka, waxaana ay sheegtay in ay aargudanayso, waxa weerarradaas lagu dilay kummanaan reer Falastiin oo shacab ah.

    Qeynta labaad, waxa ay ahayd duulanka cirka ah oo lagu daray, in ciidamadda israel ay gudaha ugalaan marinka, ayadda oo xamaas ay balan qaaday, in Hadii xukuumadda talabib talaabo qaado, in gudaha marinka ay Ku sugooso noocyo cadaab ah, weerarkii dhulka ma noqon sida ay rabeen ciidanka Israel.

    Qeybta sadaxaad oo ay israel ugu tala gashay, inay fuliso, weraro cirka ah oo aad u xeel dheer Laguna beegsanaayo, godadka xamaas ee gudaha marinka Ku baahsna, wararradaan ayaa waxay u muuqdaan kuwa badankoodo lagu hongooay oo ay ku adkaatay in ay ka gaaraan hadafkii ay ka lahaayeen godadka.


    Dhanka kale boqol maalin oo wax iska cabin ah ayay u hayd shacabka reer Gaza, Dagaalku waxa uu keenay, in 1.9 milyan oon qof ay ka barakacaan guryahoodi, sida ay tilmaantay qaramadda midoobay, oo ah 85 boqolkiiba dadka dagan marinka kuwaas oo gaaraya 2.4 milyan oo qof, kuwaas oo qoxooti ah.


    Tan iyo laga soobilaabo, 7 octobar, dagaalka waxa ku dhintay in kabadan, 23 kun oo qof badan kooduna ay yihiin dumar iyo caruur , sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in lagu qiyaasay, 60 kun oo qof, sida ay tilmaantay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, dawada cuntada iyo wax walba waa gabaabsi.

    Dhinaca Talaviv, warbixinadu waxa ay tilmaamayaan tan iyo bilabashadii duulanka in ciidamadda israil ugu dhintay dagaalka ay gaarayaan, 600 oo askari, halka xamaas ay carababtay in ay tahay waxba kama jiraan oo ay intyaas ka badantahay askarta looga dilay Israel ee weerarka ku qaaday magaalada Gaza.


    Dhanka kale Ciidamadii weerarka ku qaaday marinka, waxaa soo gaaray khasaare isugu jira dhimashadda askar iyo gubidda gaadiid dagaal, taasoo ku qasabtay in ay dib u habeyn ku sameeyaan ciidamadooda, muddo labo bilood ah kaddib howlgalkii dhulka, sidaas darteed waxay kala baxeen guutooyin ay ugu horreyso “Golaani”, oo ah marka la joogo israil mid kamida ciidamadeeda ugu muhiimsan. waxayna kale oo 8 guutooyin ka saareen dhanka koonfureed magaaladda Gaza.

    Maraykanka ayaa ku qiyaasay tirada askarta Israa’iil ee ku sugan woqooyiga ilaa 50,000 oo askari, sida uu sheegay wargeyska New York Times. Dhaqaalaha israil ayaa dhulka galay, bad, bari iyo hawadaba, guud ahaan waxaa XIrnaansho ku dhawaaday dakadaha, sabab la xiriiro weeraradda teel teelka ah e ugu imaanayo kooxda Xuutiyiiinta ee yaban.

    100 maalmood ka dib bilawga dagaalka, xoguhu waxaa ay tilmaamayan in suurtagalnimada ah in Israa’iil ay gaadho guul milatari ay u muuqato mid fog ama aan macquul ahayn, sida uu qabo wargeyska kasoo boxo gudaha israel ee Haaretz, waxaana sidoo kale la warinayaa in weerarkaan dhaqaale ahaan xitaa uu u saameeyay Israel gudaheeda.

    Source: goobjoog.com


  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta ee loo soo magacaabay Soomaaliya, kuwaas oo kala ah; Marwo Namgya Choden, Mudane Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Mudane Abdullahi Mutlaq Al Otabi.

    Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin Dowladahoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

    Danjiyeyaan cusub ee dalalkaan ayaa imaatinkooda waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda federalka ay dagaalka dhanka diblomaasiyadda ah ay uga adkaatay dowladda Itoobiya oo la kulmaysa cadaadis ka dhan ah kiiska badda ee ka dhashay heshiiskii ka dhacay magaalada Addis Ababa ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Somaliland.

    image-12-1024x718.png

    May be an image of 2 people and dais

    image-11-1024x741.png image-10-1024x682.png

    May be an image of 5 people and dais

    image-9-1024x774.png

    Source: goobjoog.com


  8. Muuse-Biixi-Abiy-Ahmed.jpeg?fit=2048%2C1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Mid kamid ah waxyaabaha nuxurka tiray heshiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi oo Itoobiyaana culeyska kusii badiyay waa inuu heshiiska cadeynayo in aanay Somaliland aheyn maamul la aqoonsan yahay, oo ay xitaa cidda heshiiska la galeysa oo ah Itoobiya aanay aqoonsaneyn.

    Inkasta oo weli dhul Soomaaliyeed uu jiro dhanka Itoobiya oo ay tahay inay Soomaalida ka doodo, haddana baddaha Soomaaliya dhamaan waa la aqoonsan yahay marka la raaco xadkii isticmaarka.

    Itoobiya dhul iyo dad Soomaaliyeed ayay weli haysata, kuwaasi oo aan illaa hadda go’aan laga gaarin laakiin baddaha Soomaaliya waxay ku jiraan gudaha Jamhuuriyaddii xorowday 1960-kii.

    Sharci-yaqaannada qaar waxay leeyihiin waxaa halis ahaan laheyd haddii Itoobiya ay dhowr sano kahor aqoonsan laheyd Somaliland kadibna olole uga sameyn laheyd dhowr waddan kadibna ay xilligaan heshiis la gali laheyd.

    Inkasta oo taas laftigeeda aanay Soomaaliya aqbali laheyn oo ay ahaan laheyd duulaan lagu soo qaaday midnimada, haddana ugu yaraan heshiisku weji kale ayuu yeelan lahaa ayey leeyihiin xeel-dheerayaashu.

    Dhowr waddan oo la sheegay inay Itoobiya garab siyaasadeed weydiisatay tan iyo markii ay soo baxday qaddiyadan ayaa dhamaan dib u gurtay, iyaga oo sheegay in aanay aqoonin sida ay u dhigaan ama u taageeraan heshiis u dhaxeeya Itoobiya iyo gobol aan la aqoonsaneyn oo kamid ah Soomaaliya.

    Addis Ababa hadda waxay raadineysa qaab kale oo ay u dhihi karto mowduucan, maadaama fal-celinta Soomaalida iyo midda beesha caalamka ay niyad jabisay.

    Mowduuca aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha mucaaradka Abiy Axmed u saamaxay inay xukuumadiisa ku eedeeyaan been abuur iyo indho-sarcaadin lagu sameeynayo shacabka Itoobiyaanka ah oo ku jira xilli adag oo ay u baahan yihiin xal siyaasadeed.

    Somaliland lama aqoonsana laakiin baddaha Soomaaliya waa la aqoonsan yahay, sidaas darteed maamul aan la aqoonsaneyn ma bixin karo dhul la aqoonsan yahay. 14 cisho kadib markii heshiiska la saxiixay illaa hadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ma uusan ka hadlin mowduucan.

    Sababaha aamusnaantiisa waxay warbaahinta Geeska Afrika ku sheegaysa inuu la yaaban yahay sida ay arrintu uga gadmi la’dahay gudaha Itoobiyaanka, dalalka ku yaalla Geeska Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, Midowga Afrika iyo xitaa dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD.

    Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku adkaatay siyaasadda arrimaha dibadda ayaa la sheegaya inay diyaarineyso qorshaheeda labaad, haddii ay Itoobiya isku deydo inay xoog ku timaado halka uu dhawaan u calaamadiyay Muuse Biixi Cabdi.

    The post Somaliland oo ictiraaf haysan ma bixin kartaa dhul la aqoonsan yahay? (Warbixin xasaasi ah) appeared first on Caasimada Online.

  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Dacco’ Coppi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xilli maalmihii ugu dambeeyay ay jirtay xiisada u dhaeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Dowladda Taliyaaniga ayaa kamid ah dowlaha sida dhow saaxiibka ula ah Soomaaliya, waxaana dunida siweyn looga dareemayaa xiisadda kasoo cusboonaatay gobolka, dowladda federalka ayaa dowlado dhowr ah kuwaas oo taageero u muujiyay dowladda, kadib xiisadda dhanka badda ee u dhaxeysa labada dhinac, kadib heshiiskii Addis Ababa.

    Urur-goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in kulan ay isugu yimadaan 18 bisha magaalada Kampala, kaas oo siweyn loogu gorfeyn doono xaaladda gobolka kusoo korortay ee xiisadda Soomalaiya iyo Itoobiya iyo dagaalka dalka Suudaan, Shirkaan ayaa waxa iclaamiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo guddoomiyaha IGAD.

    Source: goobjoog.com


  10. Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay in Suxufi Maxamed Cabdi Ilig la horgeeyay Maxkamad millatari.

    Qoraalka guddoomiye Xirsi uu ku difaacayo warbaahinta wuxuu u qornaa sidan:-

    “In suxufi rayid ah la horgeeyo maxkamad millatari gabi ahaanba waa sharcidarro, waana arrin ugub ah oo ina tusaya in la doonayo hirgelinta xukun millatari iyo in dimuqraadiyadda meesha laga saaro.

    Saxaafadda madaxabannaan kaalin mug weyn ayaa ay ugu jirtaa dawladnimada iyo taabbagelinteeda. Xuquuq ayayna leeyihiin saxafiyiintu uu Dastuurka Qaranku u dammaanad qaaday, wixii loo haystana waa in isla habka dastuurku dhigayo loo maraa oo sharciga aan marnaba la baal marin.

    Si adag ayaannu u cambaaraynaynnaa falka lagula kacay saxafi Maxamed Ilig, waxana aannu ku baaqaynnaa in si degdeg ah uu xorriyaddiisa u helo!Warbaahintu dambi ma aha.”

    Qaran News


  11. 419855703_804887515015723_78397503587800

    Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta.

    Safiirrada cusub oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa kala ah; Marwo Namgya Choden, Mudane Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Mudane Abdullahi Mutlaq Al Otabi.

    Danjireyaasha ayaa Madaxweyne Xasan la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan dowlada iyo shacab ka Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha iyo Danjireyaasha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dowladaha ay ka socdaan ee Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta

    Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wada-shaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, dowladda federaalka Soomaaliya-na ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

    419855703_804887515015723_78397503587800

    419817735_804887691682372_69290186114963

    419766800_804887565015718_28357358643237

    419849762_804887665015708_65227053499612

    419796031_804887641682377_10258605242766

    419831010_804887618349046_74972556154713

    419862151_804887655015709_60108272285628

    419855171_804887525015722_84742928355337

    The post Sawirro: Xasan oo maanta aqoonsiga ka guddoomay 4 safiir + Dalalka ay ka socdaan appeared first on Caasimada Online.

  12. Polish_20240114_140048992.jpg?resize=588

    Ciidamada Booliska Galmudug ayaa ku guulaystay in ay soo celiyaan gaari laga dhacay magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland ee xaafadaha waqooyiga.

    Ciidamada Booliska Galmudug Gaalkacyo oo ku guulaystay qabashada Gaari Nooca loo yaqaan xaabsade oo laga dhacay Gaalkacyo dhinaca puntland Gaarigaas oo si nabad ah loogu wareejiyay mulkiilihii lahaa oo lagu magacaabo Faarax Cabdullaahi Cigaal.

    “Waxaan u mahad celinayaa Maamulka iyo Ciidamada Booliska Galmudug Gaalkacyo oo ku guulaystay qabashada Gaari Nooca loo yaqaan xaabsade oo laga dhacay Gaalkacyo dhinaca puntland”.

    “Gaarigaas oo si nabad ah loogu wareejiyay mulkiilihii lahaa oo lagu magacaabo Faarax Cabdullaahi Cigaal waxaa giobjooga ahaa isuduwaha amniga Gobolka Mudug” sidaas waxa sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Faysal Shiikh Cali.

    PUNTLAND POST

    The post Booliska Galmudug oo soo celiyay gaari laga dhacay dhinaca Puntland appeared first on Puntland Post.


  13. Maxkamad.jpg?fit=1080%2C720&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyey masuuliyiin loo haysto musuq-maasuq.

    Eedaysanayaasha loo haysto musuq-maasuqa ee la horgeeyay ayaa waxay iskugu jiraan saraakiil kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, una fadhiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

    Saraakiishan ayaa waxa hore xukuno kala duwan ugu soo riday maxkamadda gobolka Banaadir, balse waxaa ka horyimid go’aankaasi xafiiska Xeer ilaalinta oo ka qaatay rafcaan.

    Xeer Ilaalinta ayaa markaas ku qancin xukunadda maxkamadda ka gaartay masuuliyiinta dowladeed ee uu horay xafiiska ugu soo eedeeyay xatooyo dadweyne, taasi oo keentay in la isla aado Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir.

    Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horey xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maasuq, kuwaasi oo muddooyinkii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada Muqdisho.

    Raggaas oo isugu jiray agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka.

    Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa xilligaasi ku dhowaaqay xukunka lagu ridday raggan, ayada oo qaarkood lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyay.

    Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriyadooda ayaa waxaa kamid ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashii hore ee wasaaradda shaqada.

    The post Masuuliyiin loo haysto musuq oo maanta la horgeeyay maxkamadda appeared first on Caasimada Online.

  14. Xasan-tuutaha.jpg?fit=1280%2C960&ssl=1

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

    Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa haatan ka socota Dhuusamareeb, halkaas oo ay diyaar ku yimiid mas’uuliyiin iyo boqolaal dadweyne ah.

    Sidoo kale ammaanka ayaa loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay aagga garoonka iyo gudaha magaaladaasi, si ay sugaan amniga madaxweynaha dalka.

    Ujeedka safarka madaxweyne Xasane Sheekh ayaa la xiriira si uu halkaas uga sii amba qaadi lahaa gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

    Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doono madaxda Galmudug iyo qaybaha kala duwna ee bulshada ku dhaqan maamulkaasi.

    Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo dhul bllaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaa Xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

    Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa horay muddo laba bilood ah ugu sugnaa Dhuusamareeb oo uu ka hoggaaminayay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Shabaab.

    Howlgalladan ayaa qaatay muddo ka badan sanad, waxaana haatan qorshuhu yahay in la bilaabo wajiga labaad oo ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    The post Xog: Madaxweyne Xasan oo ku wajahan Dhuusamareeb + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

  15. Mogadishu (HOL) - Two U.S. Navy Seals remain missing following an operation off the coast of Somalia, as reported by U.S. Central Command (CENTCOM). According to sources cited by the Associated Press, these individuals were part of a night mission targeting a suspected arms-carrying vessel, separate from the broader U.S. military operations in the region. During the mission, one Seal was swept overboard, with the other following in a rescue effort. Search and rescue operations are underway, with details withheld for operational security.

    Source: Hiiraan Online


  16. Codbixiyayaasha Taiwan ayaa Sabtidii shalay bilaabay inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka madaxtinimo iyo tan baarlamaanka, taasoo Shiinuhu uu ku tilmaamay inay tahay kala doorashada dagaal iyo nabadda, ka dib markii Beijing ay si joogto ah u cambaaraysay murashaxa madaxweyne ee ugu cad cad ee xilka kala wareegaya madaxweynaha hadda Tsai Ing-wen.

    Guddiga doorashada ayaa sheegay in goobaha cod bixinta albaabada loo furay 08:00 xilliga maxaliga ah (03:00 wakhtiga Moscow)., 19.5 milyan oo ka mid ah 23.4 milyan oo qof oo Taiwan ah ayaa codbixiyay, taasoo la micno ah in qof kasta oo ka weyn labaatan jir, uu ka qayb qaatay codbixinta.

    Madax waynaha la doortay, waxa uu ahaa qof ay ku wayntahay, madax banaanidda rer taiwan waxaa uu ahaa oo kale qof ay la wayntahay dimuqraadiyadda, si ba ana ugu soo horjeeday inay Taiwan ku laabato chaina, waxa uuna gaashaanka u daruray guud ahaan inay lamidawda jaziiradda Taiwan chaina. waxa uu yiri mar uu lahadlaayay saxaafdda.

    “Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo dadka reer Taiwan oo qoray buug cusub oo dimoqraadiyaddeena ah, waxaan tusnay caalamka sida aan ugu hanweynahay dimuqraadiyad, tani waa go’aankeena adag,” Lai ayaa u sheegay warbaahinta, isagoo intaa ku daray inuu helay wicitaano taleefoon oo hambalyo ah, oo ka yimid labadii musharax ee xilka kula tartamaayay”.

    Natiijadii ka soo baxday guddiga doorashada dhexe ee ayaa muujisay in Lai uu helay 41% codadka dadweynaha halka labadii murashax ee la tartamaayay ay kala heleen 33% iyo 26% siday u kala horreeyaan, Taiwan ayaa gali doonto marxalad kale, taas oo kasoo horjeeda dowladda China oo tirsata dalkaan inuu kamid yahay dalweynaha.

    Talaabadan ayaa waxa ay ka cadhaysiisay xukuumada Beijing oo soo saartay bayaan wax yar ka dib markii ay natiijadu soo baxday,waxana ay ku adkaysatay in “Taiwan ay ka tirsan tahay Shiinaha.”, xilli dowladda Mareykanku ay wali ka gaabsanayso in Taiwan ay u aqoonsato dal madaxbannaan, taas oo xumeyn karta cilaaqaadka China iyo Mareykanka.

    Source: goobjoog.com


  17. Guddoomiye ku xigeenkii Maxkamadda sare ee Puntland Abuukaate Axmed Shiikh Cumar Xasan ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Maxkamadda sare ee Puntland, maalmo kadib markii dib loo doortay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

    Axmed Shiikh Cumar ayaa sidoo la sheegaya in uu safar ugu baxay magaalada Buuhoodle halkaas oo uu ka taliyo maamulka SSC-khaatumo kadib iscasilaadiisa, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta ku kaliftay inuu isaga tago xilkii uu ka hayey Puntland.


    Abuukaate Axmed Shiikh ayaa bishii hore ee December cambaareyn kala kulmay talooyin sharci oo uu ka soo saaray go’aankii SSC ku sheegeen in aysan qayb ka ahayn doorashada Puntland, waxaana la saadaalin in arrintaas ay ku lug leedahay inuu ka tago shaqada.


    Golaha sare iyo hoggaamiyaha Khaatuma ayaa hore u sheegay in aysan ku lug laheyn doorashada, taas oo deegaannada SSC ay ku matalaan 17 xildhibaan, isimada dhaqanka ayaa hore u sheegay in aysan ku Matalin Puntland, taas oo keentay khilaafka jira.

    Iscasilaadda guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda saree e dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dhowaan doorasho muddo soo jiitamaysay ay ka dhacday Puntland, taas uu markii labaad ku guuleystay Madaxweyne Siciid Deni.

    Source: goobjoog.com


  18. Xasan-Sheekh-scaled.jpeg?fit=2560%2C1874

    Muqdishom (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan magaalada Addis Ababa ku gaareen maamulka Somaliland iyo Itoobiya, waxayna hadda qaadatay go’aan aad u culus.

    Xuseen Macallin oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in dagaal lala galo Itoobiya, haddii aysan ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland, kaas oo xadudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

    La-taliyaha oo wareysig gaar ah siiyay Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo looga horetgayo fulinta heshiiskaasi.

    Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda Itoobiya oo uu ugu baaqay inay ka fiirsato waxa ka dhalan karo heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

    “Waxaan raadineynaa dhammaan fursadaha diblomaasiyadeed, waxaana filayaa in Itoobiya ay soo noqon doonto maskaxdeeda, laakiin waxaan diyaar u nahay dagaal haddii Abiy Ahmed uu rabo dagaal.” ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay Wargeyska The Guardian.

    Somaliland iyo Itoobiya ayaa kowdii bishan heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

    Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

    Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

    Dowladda federaalka oo si weyn caroortay heshiiska labada dhinac ayaa soo saartay go’aanno culus, sidoo kalen waxay garab istaag buuxa ka heshay dowladdo waa weyn, sida Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Sacuudiga, Masar, intaa waxaa usii dheer ururada sida IGAD, Midowga Afrika, ururka Islaamka, ururka Carabta iyo ururka Midowga Yurub.

    The post DF Soomaaliya oo go’aan culus ka qaadatay xad-gudubka ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.

  19. Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay nolosha ku qabatay koox calooshood u shaqeysatayaal ah oo ka barbar dagaalamayay ciidanka Ruushka.

    Ragga nolosha lagu qabtay ayaa waxaa kamid noqday nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Adiila, sida ay warisay warbaainta Ukraine.

    Ninkan Soomaaliga ah iyo ragga kale ayaa la qabtay, iyaga oo ka dagaalamayay dhanka magaalada Maryinka ee gobolka Donetsk, sida warbixinta lagu sheegay.

    Maxamed Adiila ayaa si gaar ah uga tirsanaa guutada saddexaad ee millatariga Ruushka ee haatan dagaalka adag kula jira ciidammada dowladda Ukraine.

    Sidoo kale wuxuu haystay baasaboorka Soomaaliya, sida ay muujinayaan caddeymaha la helay iyo xogta ku saabsan ninkaas ee ay baahisay warbaahinta dowladda Ukraine.

    Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maxamed Adiilka uu dagaalka ku biiray dhammaadka sannadkii hore ee 2023-kii, mana haysan wax khibrad dagaal ah, balse waxaa sababta lagu sheegay in la siinayay lacag, si uu ugu dagaalamo dowladda Ruushka.

    Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo hore Ruushka loogu eedeeyay inuu si qasab ah ku askareeyay dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhibaateysnaa dalalka Ruushka, Belarus iyo Poland.

    Mid kamid ah ardayda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Belarus, isla markaana hore wareysi u bixiyay ayaa faahfaahiyay, sida dhalinyaradaasi qasabka loogu qoray.

    “Waxaa jira dhalinyaro siddeed qofood ah oo ciidanka waddanka Ruushka lagu daray oo la rabo inay u dagaalamaan oo Ukraine loo gudbinaayo” ayuu xilligaas yidhi ardaygu.

    Inta badan calooshood u shaqeystayaal kasoo jeeda Qaaradda Afrika ayaa la geeyaa furimaha dagaalka ee Ukraine, halkaas oo uu duulaan culus ku qaaday Ruushka.

    Source


  20. Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Maraykanku uu Iran u gudbiyay farriin gaar ah oo ku saabsan Xuutiyiinta Yemen ka dib markii Maraykanku uu duqayn labaad ku qaaday kooxda.

    “Waxaan u gaadhsiinay si gaar ah, waxaana ku kalsoonnahay inaan si wanaagsan u diyaarsannay,” ayuu yidhi isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Maraykanku waxa uu sheegay in weerarkii ugu dambeeyay uu ahaa tallaabo dabagal ah oo lagu bartilmaameedsaday raadaarka.

    Iran ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerarada Xuutiyiinta ee ka socda Badda Cas.

    Tehran ayaa looga shakisan yahay in ay hub siiso Xuutiyiinta, wuxuuna Maraykanku sheegay in sirdoonka Iran uu muhiim u yahay in ay bartilmaameedsadaan maraakiibta.

    Duqeymaha cirka ah ee ay si wadajir ah u fuliyeen UK iyo Mareykanka ayaa lagu beegsaday ku dhawaad 30 goobood oo Xuutiyiinta ay ku sugnaayeen saacadihii hore ee Jimcihii iyaga oo taageero ka helaya xulafada reer galbeedka oo ay ku jiraan Australia iyo Canada.

    Maalin ka dib, taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in uu fuliyay weerarkii ugu dambeeyay ee goob raadaarka Xuutiyiinta xarun u ahayd ah gudaha Yemen kaas oo loo adeegsaday gantaalada dhulka ee Tomahawk.

    Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeymahaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan awoodda kooxda ee ah in ay weeraraan maraakiibta.

    Xuutiyiintu waa koox hubaysan oo ka tirsan koox-hoosaad ka tirsan Shiicada Yemen ee laga tirada badan yahay ee Muslimiinta ah, Zaidiyada.

    Inta badan Yemeniyiinta ayaa ku nool meelaha ay Xuutiyiinta maamulaan. Sidoo kale Sanca iyo waqooyiga Yemen, Xuuthiyiinta ayaa maamula xeebta Badda Cas.

    Hadalka rasmiga ah ee dawladaha reer galbeedka ayaa ah in duqeymaha cirka ee socda ee bartilmaameedyada Xuutiyiinta ay aad uga duwan yihiin dagaalka Gaza.

    Waxay yihiin “jawaab lagama maarmaan ah oo laga siman yahay” oo ku wajahan weerarrada aan la aqbali karin ee Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ee badda cas, ayay yiraahdeen.

    Yemen iyo guud ahaan Carabtaba si kale ayaa looga arkaa.

    Waxaa loo arkaa inay Mareykanka iyo Ingiriiksa ku biirayaan dagaalka Qasa ee dhinaca Israel, tan iyo markii Xuutiyiinta ay ku dhawaaqeen ficiladooda inay garab taagan yihiin Xamaas iyo shacabka Qasa, balse aragtiyo ayaa leh reer galbeedku waxay sameynayaan dalabka Netanyahu.

    Waxaa weli suurtagal ah in duqeymahan cirka ah ay saameyn qabow ku yeeshaan Xuutiyiinta. Waxaa hubaal ah inay hoos u dhigi doonaan awooddooda ay ku weerari karaan maraakiibta muddada gaaban.

    Laakiin inta ay sii dheeraadaan duqeymahan cirka ah, waxaa sii badanaya khatarta ah in Mareykanka iyo Ingiriiska ay galaan colaad kale oo Yemen ah.

    In ka badan 8 sano ayay ku qaadatay Sucuudiga in ay isaga soo baxaan halkaas ka dib markii ay soo farageliyeen dagaalka sokeeye ee dalkaas Xuuthiyiinta ayaana hadda sii xoogaysanaya sidii hore.

    Qiyaastii 15% ganacsiga caalamiga ah ee badaha ayaa mara badda cas, ayuu yidhi Maraykanku. Tan waxaa ku jira 8% badarka caalamiga ah, 12% saliidda badda iyo 8% gaaska dabiiciga ah ee dareere ah ee aduunka.

    Maraykanka ayaa sheegay in kooxdu ay ilaa hadda isku dayeen in ay weerar ku qaadaan oo ay dhibaateeyaan maraakiibta ku sugan badda cas iyo Gacanka Cadan 28 jeer.

    Qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee maraakiibta ayaa tan iyo markii ay shaqada ka joojiyeen gobolka, halka kharashka caymiska uu kor u kacay 10 jeer tan iyo horraantii Disembar.

    London iyo Washington ayaa taageeray Israa’iil ka dib weerarradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas oo ay ku dhinteen ilaa 1,300 oo qof, ilaa 240 kalena lagu qafaashay.

    Source