Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,885
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmi doono saraakiisha ciidanka ee hoggaamineysa howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Waxaa degmada Aadan Yabaal in muddo ah ku sugnaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Korneyl Shuute oo halkaas ka waday dardar-gelinta howlgalada.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada.

    Intaas kadib, madaxweynaha ayaa u gudbi doona degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo sidoo kale kula kulmi doono saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo hoggaanka Macawiisley.

    Howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu laba-jibaarmo, iyadoo maanta Muqdisho soo gaartay diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Turkiga sameeyay ee Akinci oo ka qeyb qaadan doonta howlgaladaas.

    Haddaba maxay tahay diyaaradda Akinci?

    Diyaaradan ayaa waxay si xiriir ah u duuli kartaa illaa 25 saac, iyadoo qaadi karta gantaalo culeyskoodu gaarayo illaa 1,500 oo kiilo.

    Waxay halkii mar xambaari kartaa illaa 8 gantaal, waxayna duuli kartaa masaafo dhan 7,500 oo kilomitir (Xamar intay ka duusho ayay Cape Town, South Africa soo duqeyn kartaa, kadibna Xamar kusoo laaban kartaa).

    Diyaaradan ayaa halkii xabo qiima ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay gaari karto illaa 8 milyan oo doolar. Waxaana dowladda Soomaaliya usoo iibisay dowladda Qatar oo Turkiga uga dalabtay.

    Si kastaba, diyaaradan ayaa ah mid awood u leh inay burburiso bartilmaameed walba, waxayna door muhiim ah ka qaadan doonta dagaalka Al-Shabaab, iyadoo ka barbar dagaalami doonta geesiyaasha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.


  2. Mogadishu (Caasimada Online) – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has executed a notable cabinet reshuffle, impacting as many as five ministries within the Federal Government.

    The ministers of Defense, Abdulkadir Mohamed Nur (Jama); Commerce, Jibril Abdirashid Haji; and Ports and Maritime Transport, Mahamud Ahmed Adan (Geesood), have been reassigned to different portfolios.

    Meanwhile, the ministers of Aviation and Air Transport, Fardawso Osman Egal, and Youth and Sports, Mohamed Barre Mohamed, have been relieved of their duties.

    Abdulkadir Mohamed Nur (Jama), the longest-serving minister since the re-establishment of the Somali government following the Arta Conference, has been moved from his post.

    However, sources suggest he retains significant influence within President Hassan Sheikh’s administration, having been appointed to the Ministry of Ports and Maritime Transport.

    This reshuffle, occurring just days after the President’s visit to the United Arab Emirates (UAE), is reported to carry four key messages: fulfilling promises made to the UAE, prioritizing relations with Turkey and implementing the Ankara Communiqué, and signaling a further cabinet shake-up on the horizon.

    Fulfilling UAE commitments

    President Hassan Sheikh’s recent trip to the UAE, for which the Presidential Palace has yet to issue an official statement, reportedly focused on securing the resumption of financial aid previously provided by the Emirates to Somalia.

    According to well-informed sources, the UAE had previously suspended financial support to the Somali army following the incident at the General Gordon military camp in Mogadishu, citing concerns over financial management.

    However, they have now reportedly pledged to reinstate this support on the condition of changes within the leadership of the Ministry of Defense.

    This condition appears to have been swiftly met, although the resolution of the ongoing dispute between Jubbaland and the central government remains another crucial prerequisite for the continuation of UAE financial assistance.

    Furthermore, the change at the Ministry of Defense is not solely attributed to UAE concerns.

    A decline in cooperation between the United States and the Ministry of Defense also reportedly compelled the President to make what was described as an unwelcome decision to remove a close ally from his inner circle.

    Prioritizing relations with Turkey

    Another significant aspect of the reshuffle is the implementation of the Ankara agreement between Somalia and Ethiopia.

    Prime Minister Abiy Ahmed’s visit to Mogadishu and the subsequent joint communiqué outlined cooperation between the two nations in developing economic infrastructure, with State Minister for Foreign Affairs Ali Omar (Bal’ad) confirming that Ethiopia would be granted access to a port on the Indian Ocean.

    The Ministry of Ports has now been entrusted to a minister known to have strong ties with the Turkish government. This development coincides with ongoing technical meetings between Somalia and Ethiopia to operationalize the Ankara agreement.

    The expectation is that the new minister will foster confidence with Turkey to advance the development of key ports for Ethiopia, such as Garacad and Hobyo.

    Fifth clan and women’s representation

    Attention is also drawn to the dismissal of Aviation Minister Fardawso Osman Egal, a move that further weakens the representation of women within the government.

    This follows previous political controversy surrounding the appointment of Armed Forces General Bashir Mohamed Jama (Goobe) to the Ministry of Women’s Affairs.

    Moreover, the allocation of positions for the “Fifth Clan” appears to be a low priority for the government.

    The replacement of Youth and Sports Minister Mohamed Barre Mohamed with Mohamed Abdulkadir Ali, who shares the same clan affiliation as the First Deputy Speaker of Parliament, Sacdiyo Yasin Haji, underscores this.

    The new minister also has ties to the President’s family, further fueling accusations of nepotism and favoritism directed at the Presidential Palace.

    Completing the reshuffle

    Reliable sources indicate that another cabinet reshuffle, affecting the Ministries of Foreign Affairs, Interior, Internal Security, and Minerals and Petroleum, is anticipated in the coming weeks.

    Former Petroleum Minister Abdirisaaq Omar Mohamed is expected to be reappointed to a different ministerial role.

    This move is reportedly the result of efforts by the Speaker of Parliament, Adan Madobe, his First Deputy, Sacdiyo Yasin, and the Parliament’s Chief Whip, Nuuh, all of whom are close allies of Minister Abdirisaaq and have agreed to shield the Presidential Palace from potential pressure from the legislative body.

    Ultimately, the Presidential Palace has adopted a strategy of appeasing multiple stakeholders, aiming to achieve several objectives with a single move, including satisfying the UAE, maintaining strong relations with Turkey, and preempting potential challenges from Parliament.

    The question now remains how President Hassan Sheikh will reconcile keeping both the National Intelligence and Security Agency (NISA) Director, Abdullahi Sambalooshe, and the former Petroleum Minister, Abdirisaaq Omar Mohamed, within his inner circle.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu badqabo kadib qarax maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta, xilli uu magaalada Muqdisho ka ambabaxayay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaan geysan wax khasaare ah, waxaana lagu soo warramayaa inuu ahaa miino lagu aasay dhinaca laamiga.

    La-taliye Xuseen ayaa “been abuur la buunbuuniyay” ku tilmaamay wararka laga faafiyay qaraxan iyo dacaayadda laga sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay.

    “Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa badqabaa, wuxuuna ku guda jiraa safarro uu ugu kuurgalayo hawlgallada barakaysan oo ay gobollada dalka ka wadaan Ciidamada Xoogga Dalka, iyagoo taageero buuxda ka helaya shacabka deegaanka,” ayuu yiri Xuseen Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

    Waxa uu intaas ku sii daray: “Naflacaarinimo iyo been la buunbuuniyo qarankan laguma cabsi gelin karo.”

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka si uu garab-istaag ugu muujiyo geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka.

    Inta uu madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka, waxa uu u kuurgeli doonaa xaaladda ciidamada, isagoo warbixino ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaamiyeyaasha horkacaya dagaalka.

    Tegitaanka madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa imaanaya xilli ay maalmihii dambe kooxda Al-Shabaab muujineysay inay duullaan tahay, isla markaana ay beddeshay taatikadeedii ahayd weerarada gaadmada ah iyo “ku dhufo ka dhaqaaqda.”


  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo culus oo la xiriirta Wasaaradda Gaashaandhigga, taas oo hadda lagu sameeyay isbeddel ballaaran.

    Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa maanta Agaasime Guud oo cusub u magacaabay Wasaaradda Difaaca dalka, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS,” ayaa lagu yiri wareegtada.

    Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo xilkaas u dhiibay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo hore u ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, halka Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac loo beddelay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa muddooyinkii dambe wajahayay cadaadis xooggan oo uga imaanayay dhinaca wakiillada caalamka, gaar ahaan dowladda Mareykanka.

    Intii uu xilka hayay, wasiirku wuxuu la kulmay dhaleeceyn xooggan, iyadoo si gaar ah loo naqdinayay habka uu u wajahayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn aqbalay cadaadiskii Mareykanka ee ahaa in Wasiir Cabdulqaadir laga beddelo Wasaaradda Gaashaandhigga, arrintaas oo muddo ay dowladda Soomaaliya ka biyo diideysay.

    Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn ugu xirnaa dowladda Turkiga oo la rumeysan yahay inay muddo badan taageero u ahayd joogitaankiisa xilka. Hase yeeshee, hadda waxaa muuqata in dowladda federaalka ay dooratay inay sii xoojiso xiriirka kala dhexeeya Mareykanka.

    Isbeddallada lagu sameeyay hoggaanka sare ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan cadaadiska iyo baahida loo qabo hoggaan wax ku ool ah oo horkaca dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.


  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka Alshabaab, si uu garab-istaag ugu muujiyo mujaahidiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo halgameyaasha dadka deegaanka.

    Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka waxa uu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay dagaalladu ka socdeen.

    Tegitaanka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa  ku soo beegmayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo guud ahaan dalka iyo dibaddaba ay taageero xooggan u muujiyeen howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Source: goobjoog.com


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

    Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

    Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka kala tirsan qeybaha ammaanka, gaar ahaan ciidamada booliska iyo kuwa Nabad Sugidda (NISA), wuxuuna dagaalku si gaar ah uga dhacay xaafadda Sanca ee degmada Yaaqshiid, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.

    Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, oo laba kamid ah ay ahaayeen askar labada dhinac ka tirsan, halka qofka kalena uu ahaa shacab goobta ku sugnaa.

    Lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay isku-dhaca labada ciidan, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah, iyadoo maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanku aysan wali arrintan ka hadlin.

    Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana dib u soo noqday dhaq-dhaqaaqii ganacsiga, dadka iyo gaadiidka ee xaafadda Sanca.

    Mararka qaar ayay ciidamada dowladda dhexdooda isku dhacaan gudaha caasimadda, taas oo sababta khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaara ciidanka iyo shacabka magaalada.

    Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo xaalad ammaan oo feejignaan leh, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay soo gaareen deegaanno u dhow caasimadda sida Ceelasha Biyaha, iyadoo sidoo kale xalay dhaq-dhaqaaqyadooda lagu arkay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad.


  7. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar ku qaaday xubno Kooxda Alshabaab oo ku sugnaa aagga deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiisha Ciidanka, ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanku.

    Dagaalkan ayaa bilowday waaberigii hore ee saakay ka dib markii ciidanka xoogga weerar ku qaadeen bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku dhow deegaanka Guullane.

    Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si xooggan uga socda gobolka shabeellada dhexe, waxayna dowladdu halkaas ku daabulaysaa qeymaha kaka duwan ee ciidamada qalabka sida, sidoo kalena duqeymo xooggan ayaa ka socda aaggaas.

     

     

    Source: goobjoog.com


  8. Mogadishu (HOL) — A night of relentless Israeli airstrikes across the Gaza Strip has killed at least 330 people, including scores of women and children, in what marks the deadliest escalation since the ceasefire began on January 19. The Gaza health ministry reported the rising death toll early Tuesday as rescuers worked to pull bodies from the rubble of bombed-out buildings.

    Source: Hiiraan Online


  9. img_1_1742287055317.jpg?resize=720%2C650

    Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo amiir u ahaa shakabad dilalka qorshaysan iyo qaraxyada u qaabilsanayd argagixisada ISIL, islamarkaana bil ka hor soo galay gacanta dowladda Puntland ayaa xalay meydkiisa laga helay qolkii uu kaga xirnaa xabsi ku yaalla xerada ciidanka PMPF ee Boosaaso.

    Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in aroornimadii hore ee saaka meydka Laahoor laga helay qolkii uu kaga xirnaa xerada Ciidanka PMPF ee garoonka diyaaradaha Boosaaso, halkaasi oo lagu hayay tan iyo markii uu soo galay gacanta dowladda Puntland 3 Febraayo ee sannadkan 2025.

    Cabdiraxmaan Laahoor oo maxkamad ciidan ku heshay in uu madax u ahaa shabakad halis oo argagixisada ISIL u qaabilsanayd dilalka qorshaysan iyo qaraxyada, iyadoo shabakaddaasi ay dilalkii iyo qaraxyadii ugu badnaa ka fulisay magaalada Boosaaso ayaa bishii Juun ee sannadkii 2022 isaga iyo kooxdiisi lagu xukumay dil toogasho ah.

    Balse, Laahoor oo maxkamaddu xukuntay isaga oo maqane ah ayaa maalmo kaddib wareysi uu bixiyay ku dafiray danbigii lagu helay, halka dowladdu xubnihii kale ee shabakaddiisa ku fulisay dilkii lagu xukumay.

    PUNTLAND POST

    The post Amiirkii dilalka qorshaysan iyo qaraxyada u qaabilsanaa Daacish oo xalay ku geeriyooday xabsi ku yaalla Boosaaso appeared first on Puntland Post.


  10. Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo horay uga tirsanaa kooxda Daacish, balse dhowaan isku soo dhiibay Ciidanka Puntland uu xabsiga ku geeriyoodey.

    ninkan geeridiisa weli faahfaahin lagama hayo, balse mas’uuliyiinta gobolka bari ayaa xaqiijiyay in meydkiisa laga helay qofkii uu uga xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

    Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo kamid ahaa madaxda kooxda Daacish, gaar ahaan qeybta qoraxyada ayaa todobaadyo ka hor isku soo dhiibay Ciidanka Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda gobolka.

    Source: goobjoog.com


  11. Turkiga oo magaalada Muqdisho ka soo dejiyay diyaarado casri ah oo ka qeyb-galaya dagaalka Alshabaab

    Dowladda Turkiga ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka soo dejisay diyaarado casri ah oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo kaalin firfircoon ka qaadan doona dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in dowladda Turkigu ay qaaday tillaabo culus oo wax weyn ka badeli doonta dagaalka Alshabaab, ayagoo rajo weyn ka muujiyay in diyaaradahani ay natiijo wax ku ool ah ka keeni doonaan goobaha dagaalka.

    Diyaaradahan oo ah nooca loo yaqaanno Bayraktar Akinci ayaan dowladda Soomaaliya faahfaahin ka bixin in Turkigu ugu deeqay iyo in keliya ay dagaalka ka caawinayaan.

     

    Source: goobjoog.com


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tallaabo cusub oo dowladda Turkiga ay qaaday si ay u xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya, iyadoo taageero dhinaca cirka ah siinaysa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

    Dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dejisay diyaarado dagaal oo casri ah oo aan duuliye lahayn, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Akıncı, sida laga xaqiijiyay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

    Diyaaradahan dagaalka oo maanta Muqdisho soo gaaray ayaa la sheegay inay yihiin kuwa casri ah oo aan duuliye lahayn (drones), gaar ahaan nooca Akınci, waxaana Turkigu u qorsheeyay inay si buuxda qeyb uga noqdaan hawlgallada ciidamada Soomaaliya ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

    Ujeedada diyaaradaha cusub ayaa lagu sheegay in lagu taageero ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, iyadoo Turkiga uu yahay dalka koowaad ee Soomaaliya ka caawiya tayaynta ciidamada qalabka sida iyo hawlgalladooda amni.

    Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa intaas ku daraya in diyaaradahan cusub ee Akınci ay yihiin kuwa awood sare leh oo qaadi kara hubka culus iyo gantaallada ridada dheer leh sida SOM cruise missiles, Gökdoğan iyo Bozok, iyo sidoo kale bambooyinka nooca MK-82.

    Turkiga ayaa tallaabadan uga gol leh inuu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, isagoo sii ballaarinaya taageeradiisa hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasoo muddooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo dhaqdhaqaaqyada ka dhacayey deegaannada ku dhow caasimadda.

    Diyaaradahan ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyay noocooda oo si rasmi ah uga hawlgala Soomaaliya, iyadoo markii hore ciidamada Soomaaliya ay adeegsanayeen diyaaradaha kale ee Turkiga sida nooca Bayraktar TB2 oo muddooyinkii dambe si weyn looga adeegsanayay hawlgallada gudaha dalka.

    Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay inay si weyn ugu tiirsan tahay taageerada dowladda Turkiga oo ah saaxiib muhiim ah oo tababaro iyo qalab militari siiya ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale haatan ay sii kordhayso kaalinta Mareykanka iyo Itoobiya ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay, diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo ka geystay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ah xarunta ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

    Tallaabadan cusub ayaa kusoo aadaysa xilli kooxda Al-Shabaab ay sii kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda ku aaddan caasimadda iyo deegaanno ku dhow sida Ceelasha Biyaha iyo waddada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Balcad, taasoo kordhisay dareenka amni ee magaalada Muqdisho.


  13. Khasaaraha dhimashada duqeymaha Israa’iil ay xalay dib uga billowday marinka Qasa ayaa sii kordhaya, waxayna wararkii ugu dambeeyay xaqiijiyeen in geeridu ay hadda kor u dhaaftay 356 qof, halka dhaawacyaduna ay intaas ka sii badanyihiin.

    Dadkan intooda badan waxaa lagu diley waqooyiga marinka Qasa oo ah goobaha ugu badan ee duqeymaha lagu ekeeyay, waxaana hawada Qasa oo dhan dulmara diyaaradaha militariga Israa’iil oo duqeymo joogto ah wada.

    Weerarradan cirka ah oo kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa taniyo sanadkii 2023 ayaa yimid saacado ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay inay dib u billaabeen duullaankii Qasa, ayagoo ku andacoonaya in Xamaas ay diiday sii ballaarinta heshiiska xabbad-joojinta ah.

    Source: goobjoog.com


  14. Fahad.png

    Kenyan security agencies have deported Fahad Yasin to Qatar, the former director of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA). His removal from the country has sparked discussions about his influence and activities in the region.

    Fahad arrived in Kenya a week ago, reportedly to launch his book. His visit was unexpected, as he has faced restrictions in other countries due to his alleged ties to extremist groups. Sources claim he obtained a visa through illegal means, bribing officials with the help of a Kenyan lawyer. Despite concerns about his presence in Kenya, he continued with his plans until authorities took action against him.

    On the night of his arrest, Fahad was staying at a hotel in Nairobi. He was about to leave for a planned Iftar gathering when security officers stormed the hotel and detained him. Witnesses say he was taken away without resistance, though he appeared surprised by the sudden move.

    After his arrest, security officers quickly transported Fahad to Jomo Kenyatta International Airport. He was handcuffed as authorities escorted him to JKIA. Kenyan officials did not release a public statement on the reasons for his deportation, but sources indicate that his presence in the country was considered a security risk.

    Fahad Yasin’s deportation is significant because of his controversial background. He is known to have strong ties with Qatar and has been accused of using his influence to promote the interests of Doha in the Horn of Africa. He is also a key figure in the Ictisam religious group, which has been linked to extremist activities in the region. Over the years, he has built a reputation as a powerful behind-the-scenes operator, shaping Somali politics through alliances and financial influence.

    During his time as NISA director, Fahad was accused of silencing opponents and using intelligence agencies for political purposes. His leadership was marked by allegations of human rights abuses, disappearances, and targeted assassinations. Many in Somalia view him as a divisive figure, either as a strategic mastermind or as a dangerous manipulator.

    His deportation from Kenya adds to his growing list of setbacks. Countries in the region are increasingly wary of his activities, and his movements are now under greater scrutiny. Observers believe his expulsion from Kenya signals a broader effort to limit his influence.

    For now, it is unclear where Fahad will go next. Somalia remains a likely destination, but his political future is uncertain. His deportation raises questions about his ability to operate freely in the region, especially as governments tighten security measures against figures linked to extremism.

    Kenya’s decision to deport Fahad Yasin underscores the country’s stance on regional security. By removing him, authorities have sent a strong message about their commitment to monitoring individuals linked to controversial activities. The incident also highlights the growing tensions between different political factions in the Horn of Africa.

    As the situation develops, Fahad’s next moves will be closely watched. His influence in Somalia remains significant, but his ability to operate outside the country appears to be shrinking

    Horn Of Africa Intelligence

    Qaran News


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal saaka ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

    Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo ka kala yimid Muqdisho iyo Balcad ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo habeenkii xalay ahaa soo galay waddada dheer ee xiriirisa labada magaalo.

    Dagaalka labada dhinac ayaa yimid markii ciidamada dowladda oo ka kala yimid Muqdisho iyo Balcad ay isku dayeen inay waddada ka saaraan maleeshiyada Al-Shabaab, taasoo keentay inuu dagaal xooggan ka dhex qarxo labada dhinac.

    Inta la xaqiijiyay, waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda, halka qofka kalena uu ahaa shacab goobta ku sugnaa.

    Goobjooge ku sugan deegaanka dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay isku dayeen inay ka hortagaan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo soo gaaray agagaarka deegaanka loo yaqaan Aargada Hareeri Caadle, waxaana halkaasi labada dhinac isku weydaarsadeen rasaas xooggan iyo madaafiic.

    “Shabaab ayaa xalay soo galay meel lagu magacaabo Aargada Hareeri Caadle, ciidamada dowladdana saaka ayay soo gaareen goobtaas. Dagaalku waa xooggan yahay, madaafiic ayaa la isku garaacayaa, dadka deegaanka qaarkood waa barakaceen,” ayuu yiri goobjooge deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta.

    Waxaa kale oo uu intaa ku daray: “Ilaa hadda waxaan xaqiijinnay dhimashada saddex qof oo laba askar yihiin iyo qof shacab ah. Dagaalku wali wuu socdaa, xaaladduna waa mid aad u kacsan.”

    Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka dowladda oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda iyo xaaladda guud ee amniga deegaankaas.

    Xaaladda ayaa hadda deggen, waxaana dib ugu soo laabtay dhaq-dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka deegaanka Sanca, balse waxaa wali jira dareen cabsi ah oo laga qabo inuu dagaalku dib u qarxo.

    Dhowaan ayay ahayd markii sidan oo kale dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda uu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan xaafadda Neero, kaas oo sabab u ahaa muran ka dhashay lahaanshaha dhul ku yaalla deegaankaas.

    Dhanka kale, dagaalka maanta dhacay ayaa kusoo aadaya iyadoo haatan magaalada Muqdisho ay wajahayso xaalad amni oo culus kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada ka socda duleedka caasimadda, gaar ahaan Ceelasha Biyaha iyo waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad.


  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, Ambassador Wondimu Asamnew, ayaa kamid noqday mas’uuliyiinta Itoobiyaanka ah ee warbaahintu wareysatay, isagoo si xiiso leh uga hadlay marxaladihii uu soo maray Axmed Madoobe ka hor intii uusan noqon Madaxweynaha Jubaland.

    “Dhiig badan oo Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa inuu dhiig Itoobiyaan leeyahay,” ayuu si kaftan leh u yiri safiirkii Itoobiya u joogay Soomaaliya.

    Axmed Maxamed Islaam oo muddo 12 sano ah ahaa Madaxweynaha Jubaland ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaashii Maxkamadaha Islaamka.

    Ciidamada Itoobiya ayaa dhaawacay, waxaana lagu soo daweeyay magaalada Addis Ababa.

    Sida uu sheegay Ambassador Wondimu Asamnew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayaa ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano kahor markii ay soo galeen Soomaaliya.

    Xilligaas wuxuu kamid ahaa madaxda Al-Shabaab, waxaana raadinayey dalalka Itoobiya iyo Mareykanka.

    Mareykanka ayaa ku daray liiska dadka la raadinayo, isagoo dhaawac ka soo gaaray duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku qaaday.

    Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday ayaa sheegay in aysan ujeedkoodu ahayn dilkiisa balse ay doonayeen inay qabtaan isagoo nool, sida uu BBC-da u sheegay Kornayl Gebre Egziabher Alemseged oo hoggaaminayay howlgalka lagu qabtay Axmed Madoobe.

    Axmed Madoobe wuxuu ahaa taliye ka horyimid ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya soo galay si ay u taageeraan dowladdii Kumeel-gaarka ahayd.

    Taliskii Raas-Kambooni oo Axmed hoggaaminayey waxaa markii hore sameeyay ururkii Al-Itixaad, balse Maxkamadihii Islaamka ayaa ka dhigay garab militari.

    Axmed Madoobe ma ahayn oo keliya mas’uul sare oo ka tirsan Al-Shabaab balse wuxuu mar ahaa qofka labaad ee ugu sarreeya.

    Axmed Madoobe wuxuu sannadihii 1980-aadkii ku biiray ururka Al-Itixaad oo ahaa ururkii dhalay Al-Shabaab.

    Sannadkii 2006 ayay ahayd markii Maxkamadaha Islaamka ay qabsadeen Muqdisho, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

    Qaar kamid ah xubnaha maxkamadaha ayaa doonayay inay sameeyaan garab mintid ah, iyagoo aaminsanaa in Maxkamadaha aysan dhab ka ahayn jihaad, taas ayaana dhalisay Al-Shabaab.

    Axmed Madoobe ayaa loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka ururka Al-Shabaab.

    Kornayl Gebre Egziabher Alemseged waa sarkaalkii markii Axmed Madoobe dhaawaca ahaa la qabtay diyaarad ku geeyay Addis Ababa.

    “Axmed Madoobe waxay ciidamada Itoobiya u jabiyeen hab qalbi-jab ah,” ayuu yiri kornayl Gebre.

    Kornaylka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu dagaalka hoggaaminayay laga soo billaabo Jubooyinka ilaa Baydhabo.

    Janaraal Gebre Dilla iyo Kornayl Gebre Egziabher ayaa hoggaaminayay ciidamadii Itoobiya ee qabtay Axmed Madoobe.

    “Waxaa nalagu amray inaan qabanno oo aannaan dilin,” ayuu yiri kornayl Gebre Egziabher.

    Wuxuu intaa ku daray, “waxaan ku dadaalnay inaan qabanno isagoo nool, wuxuuna dagaallamay ilaa uu dhaawacmay.”

    Ugu dambeyn Axmed Madoobe sideed xabadood ayaa haleelay, isagoo si halis ah loogu dhaawacay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, waxaana la qabtay isagoo dhaawac halis ah qaba.

    Kornaylka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ahaa qofka keliya ee ka badbaaday siddeed qof oo la socotay.

    “Aniga ayaa helikobtar ku qaaday oo geeyay Addis Ababa,” ayuu yiri Kornayl Gebre.

    Warbaahinta Koonfur Afrika, gaar ahaan joornaalka Mail & Guardian, ayaa xilligaas qoray in Itoobiya ay soo bandhigtay Axmed Madoobe oo ahaa hoggaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab.

    Raggii xilligaas la dilay waxaa kamid ahaa Abu Talha al-Sudani oo ahaa hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Bariga Afrika, kaasoo aad ugu dhowaa Osama bin Laden, kuna xeel-dheeraa sameynta qaraxyada.

    Kornayl Gebre iyo Ambassador Wondimu ayaa xaqiijiyay in Abu Talha lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada Itoobiya.

    Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in madax badan oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ay kasoo jeedeen ururkii Al-Itixaad oo Itoobiya dhibaato ku hayay.

    Al-Itixaad ayaa Itoobiya ka fuliyay weeraro badan, sida qarax ka dhacay suuq ku yaal Diridhaba sannadihii sagaashamaadkii oo ay ku dhinteen 15 qof.

    Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya ka baxay 2009 iyagoo sheegay inay burburiyeen khatartii argagixisada, inkastoo kooxda Al-Shabaab awood cusub yeelatay.

    Axmed Madoobe oo muddo labo sano ah joogay Addis Ababa ayaa lagu daaweeyay isbitaalka ciidamada Itoobiya.

    “Dhiig Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay, dadaal weyn ayaana lagu badbaadiyay,” ayuu yiri Ambassador Wondimu isagoo dhoollacadeynaya.

    Ambassador Wondimu ayaa sheegay in Axmed Madoobe ku hadli karo luqadda Axmaariga, inkastoo ay ku adagtahay.

    Warbaahinta ayaa sheegtay in Axmed Madoobe xirnaa, balse kornaylka iyo safiirka ayaa beeniyay arrintaas.

    “Ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan ka dhignno saaxiib, ee kuma xalineyn Soomaaliya xarig,” ayuu yiri safiirka.

    Axmed Madoobe ayaa guursaday haweeney Itoobiyaan ah intuu Addis joogay, isagoo halkaas cunug loogu dhalay.

    Ujeedka Itoobiya waxay ahayd in la beddelo fikirkiisa, kana horjeesto Al-Shabaab, ayuu yiri Kornayl Gebre.

    Axmed ayaa kulamo joogto ah la yeelan jiray Meles Zenawi, wasiirkiisa arrimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo wasiirkii caafimaadka Tedros Adhanom.

    “Waxaa naga go’nayd in fakarka xagjirnimada laga saaro, Axmedna waa aqbalay,” ayuu yiri kornaylku.

    Axmed Madoobe ayaa markaas kadib saaxiib dhow la noqday Itoobiya iyo Kenya, iyadoo labada dal ay taageereen inuu Madaxweynaha Jubaland noqdo.

    Ambassador Wondimu ayaa sheegay in xiriirka Axmed Madoobe iyo Itoobiya uu ahaa mid labada dhinac dani ugu jirto.

    Xiriirkaas ayaa sii xoogaystay markii uu Itoobiya Ra’iisul wasaare ka noqday Abiy Axmed.

    Xigasho: BBC