-
Content Count
211,885 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa codsaday in sanadka dambe ee 2025 uu maamulkiisa marti-geliyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.
“Hambalyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa,” ayuu Qoor-Qoor ku yiri qoraal kooban oo uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook.
Sidoo kale waxa uu qoraalka ku yiri “Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.”
Xulka Galmudug ayaa shalay galab guul ka gaaray dhiggiisa HirShabelle ciyaar la’isla gaaray gool kullaad, taas oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka.
Si kastaba, guusha Galmudug ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee ay qaado koobka ciyaaraha maamullada dalka, oo sanadkaan ay ka maqnaayeen Puntland iyo SSC-Khaatumo, halka Koonfur Galbeed ay caro uga baxday tartanka.
The post Qoor Qoor oo soo saaray dalab culus kadib guushii xulka Galmudug appeared first on Caasimada Online. -
Wasiirka Beeraha Oo Furay Shirka Billaha Ah Ee Wasaaradda Iyo Hay’adaha Ay Wada-shaqaynta Leeyihiin
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Maxamed Habanne oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa Maanta furay Shirka billaha ah ee Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin ee dalka ka shaqeeya.Shirkan oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Beeraha JSL ee Magaalada Hargeysa isla-markaana ay soo qaban-qaabisay Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha, ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin ka hor-tagga Ayaxa ku habsaday meelo dalka ka mid ah iyo waxyaabaha ka hirgalay shaqooyinkii hore loo qabtay.
Furitaanka Shirkan waxa marka koowaad ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Beeraha Maxamuud Warsame Jaamac, kaasi oo si kooban uga hadlay qorsheyaasha Wasaaradda ee wada-shaqaynta Hay’adaha dalka jooga, si hawlaha qaranka sida ugu wanaagsan loogu qabto, iyadoo la raacayo siyaasadda uu dalka ku hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi.
Wasiirka Beeraha oo intaasi ka dib hadalka qaatay, ayaa soo dhaweeyay Madaxda shirka ku matalayey Hay’adaha kala duwan ee dalka ku sugan, waxaanu sheegay in muhiimadda koowaad ee Wasaaraddu tahay in dalku uu gaadho isku filaansho dhanka cuntada ah, sidaa darteedna ay hirgelinta qorshahaasi iskugu geynayaan awooddooda iyo aqoontooda.
-
Xukuumadda Somaliland oo soo Bandhigtay Kaalintii Ilhaan Cumar ku Lahayd Dagaalkii ka Dhacay Laascaanood
Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cali Xasan Maxamed ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay ka mid ahayd jileyaashii kaalinta ku lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool bishii December 2022kii.
Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter)ka, wuxuuna qoddobeeyay tallaabooyin badan oo gabadhaasi ay ku kala qaybisay Soomaalida. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Ma aha markii u horreysay ee Ilhaan Cumar ay cadaawad dhex dhigto Soomaalida.
Waxa ay si weyn ugu lug lahayd colaadii ka dhacday Laascaanood Bishii December 2022kii, waxay booqatay Garoowe, halkaasi oo ay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu dusisay war ku wajahnaa shir Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu la yeeshay Guddida Arrimaha Dibadda Maraykanka oo ay xubin ka ahayd xilligaas. Waxa ay ahayd mid xin iyo xumaato haysay, waxayna ku boorisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay qaadaan tallaabooyin ay kaga gaashamanayaan sida ugu dhakhsaha badan.
Bil kadib socdaalkeedii waxa bilaabmay dagaalkii Laascaanood ka qarxay. Ilhaan Cumar waa mid ka mid ah jileyaasha cadaawada iyo kala qeybinta dhex dhigay Soomaalida.
Sidaas darteed, waxa la joogaa xilligii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa gefafkeeda.”
-
QADIYADDA BADDA IYO DOODA SOCOTA. ETHIOPIA, SOMALIA IYO SOMALILAND.
Qaddiyadda bada iyo dooda socota Ethiopia, Somalia iyo Somaliland
Faaladan Akhri:- Adna Fekerkaga Kuu Darso.
Waxa socda Wadahalado badda ku saabsan oo dhex maraya Dowladaha Gobolka . Waxa doodaasi dhex taala Somalia iyo Ethiopia.
Qodobka Kowaad.
Dowladda Ethiopia waxey rabta badd iyo dhul ey dejiso ciidankeedda badda. Waxa dabadda la riixaya dowladdo waa weyn oo France ugu horeeyo.
Dowladda Ethiopia waxey badda iyo dhulkaa ku rabta iney ku hesho sifo sharciya. Waxaase jira caqabaddo hortaagan marka loo eego dhinaca Somalilaand.
Dhinaca kale Dowladda Somalia Waxey rabtaa mar hadii aaney wali aheyn dowladd adag iney xidhiidhka Dekedaha Siyaasaddeeda ku aadan Ethiopia wax ka bedesho. Sababo badan. Owgood.
Somaliland qadiyadeeddu. Waxa weeye Dowladd heysta dhulkeeddii oo maamusha Ethiopia Xidhiidh la leh. Rabtana wax walba ey Ethiopia iyo Somaliland galaan aaney xukunaddu Federaalku saameyn ku yeelan.
Hadaba caqabadda aan la dhaafi kareyn. Mid waa qawaaniinta caalamiga oo aaney wali Somaliland helin aqoonsi buuxdda.
Dowladda Somalia waraaqo kastey qeybiso ama caalamka unqorto. Ma heyso awood iyo metelaad ey ku maamusho dhulka Somaliland.
Hadaba Labaddan Su’aalood baa Taagan?
■ Hassan Sheikh Haduu badda Somaliland ogolaado iney dowladda Ethiopia Isticmaasho Shuriidiisu waxa weeye in aaney Ethiopia wax aqoonsi la yidhaahdo Somaliland ugu dhawaaqin.
■ Somaliland sidda madaxweyne Muuse Sheegey, shacabkana loo sheegey iyadoo hadana lagu kala aragti duwan yahey. Nuxurku dadka usheegey waa aqoonsi.
Hadii shacabka Somaliland yeelo, Hoostana Xasan Sheikh ka soo saxeexo.???????
■ Dadka Somaliland Mayeelaan In Ethiopia iyo Somalia ku heshiiiyaan Badda Somaliland in Ethiopia laga siiyo Saldhig Milatry Dekadda Berbera ay Ganacasi u isticmaasho.
“Iyaddon dowladda Ethiopia Somaliland wax aqoonsiya ugu dhawaaqin???!!!!!!!!
Warkii Madaxweyne Muuse Biixi icitraadkuna been noqdo?
■ Dhinac kale hadaan u dhigno. Sidda Xasan Sheikh Tv-yadda ka lahaa Hassan Sheikh oo dowladda Ethiopia ka siiya badda India saldhig Milatry, Dekedaha Konfurtana mid yidhaahda u isticmaala Ganacsi ahaan. Maadama Ciidaamo badan oo Ethiopia ahi joogaan Koonfurta Somalia.
Taasna Ethiopia aad uma daneyneyso waxey rabaan BADDA CASS oo ah meel ay kaga dhowaan Karaan BABAL MADAB
■ Isku soo wadda duubo. Waxaad mooda in Muuse iyo Xukumadda Somaliland iyo dadkeenuna hayo dhulkii iyo degaankii. Somaliland aan dowladda Somalia ka arimin karin.
■ Hassan Shiikhna heysato Sharciyadda iyo Qawaaniinta Dowladaha Africa ixtiramayaan in aan la faro galin dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Somalia.
Maadama aan ila hadda Somaliland aqoonsi buuxda ka helin beesha caalamka. Balse sidda Madaxweyne Sheegey ey Dhulka Badda kaga bedeleyso Aqoonsi 50 sano dhul laga kireeyo, Taaso Su’aalo badani ka taagan yihiin.
Hadaba isha ku hay, muwaadin. Waxa TV laga shubayo waxbadan oo ka duwan ayaa ka socdda Miiska Hoostiisa.
Waase DIGO IYO DAMBAS la kala iibsano. Kama madhna dano dhaqaale oo shakhsiyaad gaari rabaan iney jeebkooda ku dhacaan. Unabadan waxaan dhaafsaneyn. Hassan Shiekh iyo Muuse Bihi.
Faaladda Damaca Ethiopia Badda iyo
Isdiidooyinka Somaliland iyo SomaliaWaa Bilaahi Towfiiq.
Hon-Envoy Abdirizak Diinaari
-
-
Abdirahman Abdishakur Warsame: “Article 110 of the federal constitution stipulates that parliamentary discussions precede any agreement the Federal Government of Somalia signs.”
Mogadishu (PP News Desk) — A week after the bicameral legislature chaotically endorsed guidelines for debating amendments to the draft federal constitution, Abdirahman Abdishakur Warsame, a federal MP, took issue with the practice through which the Federal Government influences the bicameral legislature to have bilateral and regional agreements ratified without discussion.
“I am not sure if the parliamentarians have discussed the bill on Somalia joining the East African Community. Article 110 of the draft federal constitution stipulates that parliamentary discussions precede any agreement the Federal Government of Somalia signs and any treaty should be translated into Somali so the MPs and the Foreign Affairs Select Committee can discuss it. I urge the Minister to give MPs copies of treaties to ensure that agreements do not run counter to the national interest“ said Warsame.
A video clip of the speech by Abdirahman Abdishakur Warsame in MogadishuTwo other bilateral agreements — intelligence sharing and renewed defence pact— signed in Addis Ababa in 2022 and 2023 respectively have not been submitted to the bicameral legislature for discussion. The renewed defence pact contains a clause on “maritime security cooperation” now being used by the Ethiopian government to defend the illegal Memorandum of Understanding signed with Somaliland, a secessionist administration.
© Puntland Post, 2024
The post Abdirahman Abdishakur Urges Villa Somalia to Adhere to the Constitution appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.
“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.
Madasha Taliyaaniga iyo Afrika oo ah shirkii 28-aad ayaa waxa sanadkaan looga hadlayaa qodobo dhowr ah, sida iskaashiga, sida sugnaanta cuntada, dhaqanka, waxbarashada, tababarka xirfadaha, amniga tamarta, horumarinta dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo sidoo kale dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga tahriibinta dadka iyo argagixisada. -
DUBAI, United Arab Emirates, January 29, 2024/ — The Global Black Impact Summit (GBIS) (https://apo-opa.co/3Ol09gw) is pleased to confirm Dr. Obari Cartman, President of the Chicago Association of Black Psychologists, as a speaker during this year’s event, which will be held on February 27 in Dubai. A writer, therapist, photographer, and grassroots mental health advocate, Dr. Cartman’s participation is poised to showcase his indelible contributions to mental health programs in the U.S.
Having served as a professor of psychology at Georgia State University and the Carruthers Center for Inner City Studies at Northwestern University, Dr. Cartman’s MANifest curriculum is currently used in juvenile detention centers, schools, and community settings.
Additionally, Dr. Cartman’s work as a trauma-focused clinician and restorative justice practitioner at the Chicago-based HELP mental health clinic facilitates good mental health development and treatment, racial and cultural identity workshops, and health counseling, as well as psychological consultation, and educational support for children, youths, and adults.
In 2015, Dr. Cartman released his first book, Lady’s Man: Conversations for Young Black Men about Relationships and Manhood – addressing historical trauma in Black men, hip-hop culture in the U.S., emotional intelligence, intimacy, communication, and purpose –, which serves as a critical thinking guide to help young men successfully navigate the world we live in today.
Taking place under the theme, Black Excellence: Unleashing the Unexplored Potential for Global Unity, this year’s summit promises high-level insights into Black mental health and social development. Delegates at GBIS 2024 can expect insightful discussions, multifaceted presentations, and nuanced dialogues that promote excellence and untapped growth to unite our global community.
Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. -
Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.
“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.
“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.
The post DEG DEG: Xasan Sheekh oo shirka Afrika iyo Talyaaniga geeyey qadiyadda Somalia ee xiisadda badda appeared first on Caasimada Online. -
Taliyaha Hayadda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qayb galaya shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika kaas oo ka socda magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ay isugu imaanayaan dalalka gobolka.
Shirkaan ayaa looga hadlayaa iskaashiga dhinaca ammaanka iyo isdhaafsiga macluumaadka muhiimka u ah xasiloonida, si loo helo bariga Afrika oo nabad ah kana caagan wax kasta oo wax u dhima kara xasiloonida.
Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda wamada Kenya, Tanzania, Uganda, Somalia, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa xiriir iskaashi oo heer sare ah wuxuu kala dhaxeeyaa Hay’adaha dalalka Gobalka, iyagoo qaarkood kuwada guulaystay howllo ay iska kaashadeen, kuwaas oo lagu qabtay arrimo kale. -
Madaxweynaha Puntland ayaa hadda ka laabtay dib u dhigistii uu ku sameeyay dhisidda xukuumadda cusub sida aan ka xigannay ilo wareedyo madax-bannaan.
Madaxweyne Deni ayaa la sheegaya dhinaca kale in uu baajiyay safar uu ugu bixi lahaa dalka dibaddiisa gaar ahaanna waddanka Imaaraatiga Carbeed.
Wararka ayaa tilmaamaya in Siciid Deni uu hadda si toos ah u guda-galay hawsha dhismaha xukuumadda cusub uuna bilaabay la-tashiyo ku aaddan arrintaas.
Dhinaca kale Madaxweyne Deni oo fulinaya heshiiskii xalay ayaa saacadaha soo socda dib Jimcaale Takar ugu magacaabi doona taliyaha ciidanka Danab.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Deni oo toos u guda-galay la-tashiyo ku saabsan dhismaha xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyeeyay tartanka dowlad goboleedyada iyo maamuka gobolka Banaadir oo kusoo idlaaday garoonka Muqdisho Stadium, waxaana uu si gaar u hambalyeeyay kooxda Galmudug ee qaaday.
“Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Guushan aad gaarteen waxaa saldhig u ahaa ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Villa Soomaaliya.
Qoraalka ayaa sidoo lagu lagu bogaadiyay kooxdii kaalinta ;abaad gashay” Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle waxaad soo gaarteen ciyaartii u danbeysey ee tartanka, waana tusaale muujinaya dadaalka aad bixiseen, waxaan idiin rajaynayaa guulo danbe iyo taariikh wanaagsan” ayaa la raaciyay.
Madaxweynaha ayaa bahda ciyaaraha uga mahadceliyay kaalintooda tartanka” Guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin ammaan, maadama muddada ay socdeen ciyaarahan ay muuqaal qurxoon ka bixiyeen dalka”.
Sidoo kale laamaha ammaanka ayaa la xusay kaalintooda” Laamaha Amniga Soomaaliyeed ee ka soo dhalaalay doorkoodii ku aaddanaa in nabad iyo amni ay ku baritamaan dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay maalin walba daawanayeen waa taariikh wanaagsan oo ka tarjumaysa mustaqbalka dalka iyo xasilloonida ay inoo diidan yihiin argagixisada cadowga ah”.
Gabagabadii qoraalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in ciyaaruhu yihiin isdhexgalka Bulshada ayna kaalin muhiim ah ka qaataan,”Ciyaarahu waxa ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri gabagabadii qoralka kasoo baxay xafiiska ugu sareeya dalka..
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyeeyay xulka Galmudug iyo taageerayaashooda guushii ay maanta kasoo hooyeen ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho.
Galmudug ayaa markii ugu horreysay maanta ku guuleysatay koobka ciyaaraha maamullada dalka, ayada oo dhiggeeda HirShabeelle uga adkaatay Gool laag, kadib markii ay ismari-waayeen.
Madaxweynaha oo qoraal kasoo saaray guushaan ayaa wuxuu guusha Galmudug ku tilmaamay mid saldhig u ah ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan.
“Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xusay in ciyaaraha ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Hoos ka aqriso qoraalka madaxweynaha;
Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Guushan aad gaarteen waxaa saldhig u ahaa ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan.
Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle waxaad soo gaarteen ciyaartii u danbeysey ee tartanka, waana tusaale muujinaya dadaalka aad bixiseen, waxaan idiin rajaynayaa guulo danbe iyo taariikh wanaagsan.
Guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin ammaan, maadama muddada ay socdeen ciyaarahan ay muuqaal qurxoon ka bixiyeen dalka.
Laamaha Amniga Soomaaliyeed ee ka soo dhalaalay doorkoodii ku aaddanaa in nabad iyo amni ay ku baritamaan dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay maalin walba daawanayeen waa taariikh wanaagsan oo ka tarjumaysa mustaqbalka dalka iyo xasilloonida ay inoo diidan yihiin argagixisada cadowga ah.
Ciyaarahu waxa ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.
The post Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray guusha xulka Galmudug appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) –Kalluumeysato la socotay labo markab oo ay burcad badeed ku afduubatay xeebaha Soomaaliya ayaa lagu soo furtay howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen ciidamada badda.
Ciidamada ilaalada xeebaha Seychelles ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 3 burcad badeed ah ayna sii daayeen 6-shaqaale ah oo la socday dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka SriLanka oo lagu qabtay badda Carbeed.
Sidoo kale, Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa soo badbaadiyay 17-qof oo lagu afduubtay markab kaluumaysi.
Waxaa la dareensanyahay in ay sare u kaceen dhaq-dhaqaaqa burcad badeedda fadhigoodu yahay xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo khatar ku ah isku socodka dunida.
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabsida laga qabo inay dib u soo laba kacleeyaan kooxihii burcad badeeda ahaa ee afduubka ka geysan jiray xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen oo dowladda Iiraan ay taageerto ayaa afduub ku bilowday maraakiibta isticmaasha badda Cas.
Xeebaha Soomaaliya waxaa ka howlgala ciidamo ka socda Midowga Yurub, sidoo kale ciidamada badda Soomaaliya ayaa hadda waxaa ku socota diyaarin xoog leh, waxaana dhawaan la rijeynayaa in lasoo afjaro qulqulatooyinka dhanka badda.
Arrimahaan waxay imaanayaan xilli Itoobiya ay soo hunguriyeysay badda Soomaaliya, waxaana dhawaan lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto cudud ciidan oo ku filan difaaca badda, kuwaas oo hadda diyaarintoodu socoto.
The post Maraakiib lagu afduubtay xeebaha Somalia oo lasoo furtay iyo tirada burcad la qabtay appeared first on Caasimada Online. -
Kooxda Kubadda Cagta ee Galmudug ayaa noqotay Champions-ka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka 2024, kadib markii ay ku guuleysteen tartanka, citaar xiiso badan oo ay la qaateen dhiggooda Hirshabeelle, waxaana ugu dambeyn ciyaartu kusoo idlaatay Rigoorooyin ay Galmudug ku guuletsatay.
Ciyaartu waxaa ay aheyd mid xiiso badan oo dhinacyadu waxaa ay soo bandhigeen dadaallo kale duwan oo mid walba ay ku doonayso iney noqoto midda libinta hesha, laakiin dhinacyadu kuma guuleysan in ay gooldhaliyaan, waxaa ay labada qeyb kusoo dhammaatay goolal la’aan, ytadoo Rigoore tuuris la aaday.
Galmudug oo nasiibka u heshay tuurashada koowaad waa ay dhalisay, halka Hirshabeelle laga qabtay, taas oo rajada Galmudug sare u qaaday, tuurashada ayaa sii socotay kuna soo idlaatay 5 -3 oo koobkii Galmudug ku hanatay, waana markii koowaad oo ay ku guuleystaay xilli 2020 laga qaaday finalkaasina.
31 cisho oo tartanku uu socday ayaa waxa galabta waxaa soo xiray kooxihii daahfuray tartanka 29-kii December 2023, waxaana ay soo kala mareen waddooyin kale duwan, iyaga oo ugu dambeyn gaaray Finalka tartanka, Galmudug ayaa noqotay Champions-ka tartanka dowlad goboleedyada iyo Banaadir.
Tarankii ugu dambeeyay waxaa ku guuleysatay kooxda gobolka Banaadir, taas oo Galmudug ay kusoo reebtay Semo-finalka, Hirshabeelle ayaa markii ugu horeysay timaaday finalka tarka, tartanka ayaa sanadkaan ahaa mid xiiso gaar ah lahaa marka la eego sida dhinacyadu ay uga soo wada qeyb galeen.Garoonka Stadium Muqdisho midka ka baaxadda weyn kuwa yaalla Yurub ayaa sanadkaan ahaa mid aad indhaha caalamka ugu soojeediyay tartan taageerayaasha ayaa ahaa kuwa shidayay shumaca Muqdisho Stadium, halagu kala batee Tuulada ciyaaraha waxaa soo maray 31 cisho oo indha caalamka uu hayay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyay xukuumaddiisa, taasi oo saameysay laba wasaaradood oo keliya.
Wasiiradda wasaaradda beeraha iyo waraabka iyo wasaaradda howlaha iyo guryeynta ayuu ra’iisul wasaaraha xilka ka qaaday, halka uu u magacaabay wasiiro cusub. Taasi oo ay ka dhalatay fal-celin niyad-jab iyo lama filaan u muuqata oo bulshada Soomaaliyeed uga dareen celiyeen tallaabada uu maanta qaaday ra’iisul wasaare Xamza.
Caasimada Online oo indhaha la raacday fal-celinta ay bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen markii wareegtadan lasoo dhigay bogga Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa qaarkood ku noqotay lama filaan maadaama ay dadka baddi ka sugayeen Xamza in uu buuxiyo wasaaraddo muhiim ah oo illaa hadda bilaa wasiir ah.
Wasaaraddaha muhiimka ah ee wasiirka laheyn ayaa ah illaa saddex wasaaradood oo kala ah;
- Wasaaradda Amniga
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda
- Wasaaradda Haweenka, oo AUN ay ka geeriyootay Khadiija Maxamed Diiriye.
Hoos ka aqriso fal-celinta ka dhalatay arrintaan;
Cabdicasiis Aadan: “Ra’iisal Wasaare xilalka dalka muhiimka ah maxaad u magacaabi la’dahay wasaradaha amniga iyo dibadda?!.”
“Isku shaandhayn oo aan boosaskii wasiirada amniga, arrimaha dibadda iyo haweenka aan la buuxin,” ayuu yiri Axmed oo sidoo kale ka fal-celiyay arrintaan.
Maxamed Xalaale: “Kuwa banaan buuxi intaad kuwo xilka ka qaadaysid.”
Xamdaan Xiddig ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Waxba maaha labo wasaaradood oo caantayn ah oo la isku beddelay aaway wasaaradihii muhiimka ahaa ee banaana arrimaha dibada iyo amniga qaranka.”
“Wasiirrada qoondada meeye mise Xasan baa ku fadhiya Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka?,” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil.
Cabdirisaaq Khaliif: “Wasaarada arrimaha dibadda iyo tii amniga oo dhawrka bilood bilaa wasiirka ah, maxaa wasiir loogu magacaabi wayay waliba xilligii loogu baahida badnaa baa la joogaa mise madaxwaynaha ayaa wasiirka arrimaha dibadda shaqdiisa qabanaya.”
Cabdalla Xaaji: “Wasaaradaha amniga, dibadda iyo haweenka ma madaxweyne Xasan Sheeh ayaa soo magacaabayo, ra’iisul wasaaraha yar yarka lee miyaa.”
Xareed Bishaar Maxamed: “Labadii wasiir ee Daaroodka ma Xasan baa is leh Deni kula gorgortan?.”
“Isku shaandheyn aan wasaaradaha bannaan la buuxin doonin maxaa waaye?,” ayuu yiri Daa’uud Cabdiqaadir Aadan.
The post Falcelin niyad-jab iyo lama filaan u muuqata oo ka dhalatay tallaabadii Xamza appeared first on Caasimada Online. -
Waxaa natiijo la’aan iyo is afgaran-waa ku soo dhammaadey kulmo labadii cisho ee ugu danbeeyey Hargeysa uga socdey labada shirgudoon ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.
Guddoomiyaha Golaha wakiilada Yasiin Faratoon ayaa ku adkeystay inay sharci tahay xeerka Doorashooyinka ee Golihiisu u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana arrintani ay tahay mid dhex taala Golaha wakiillada iyo xafiiska madaxweynaha.
Sidoo kale Guddoomiye Faratoon waxaa uu si adag uga diiday Guddoomiyaha Guurtida inuu soo celiyo warqadii uu dhawaan Faratoon u qoray Madaxweyne Muuse Biixi ee jawaab celinta aheyd.
Gudoomiye Yasiin Faratoon waxuu ku dooday in Xeerka Doorashooyinka uu golihiisu si sharciga waafaqsan ugu gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana uu xeerkaas dhaqan geli doono haddii uu madaxweynuhu ku saxeexi waayo ama golihiisa ugu soo celin waayo muddo 21 Cisho ah.
9 maalmood oo kaliya ayaa ka hadhey xiligii xeerkaas dhaqan geli lahaa.
-
Hooyo iyo 7 Ciyaala oo Ay dhashay oo Marti u Ah Gidaarada Hargeysa iyo Qaylo-dhaan ay Bulshada U Dirtay
Hargeysa – Todoba Ciyaal ah iyo hooyadood oo xanuusanaysa ayaa muddo 20 habeena u hoyday gidaarada magaaladda Hargeysa, kadib markii laga soo saaray hoygii ay deganaayeen oo ay tahli kari wayday inay kirada iska bixiso, qofka aan ka hadlayaa waa Hooyo Niciima Haybe Cabdillaahi, oo la il daran xanuunka macaanka , mid ka mid ah caruurta ay dhashayna uu wadnuhu daloolo oo ay u wayday goob lagu dabiibo, laguna wargaliyay inay u qaado dalka dibediisa, iyadna waxa ay baadi goobaysaa meel ay kaga gabadaan dhaxanta iyo cadeeda.Hooyo Niciima Haybe Cabdillaahi, 4-tii habeen u danbeeyay waxa ay iyada carruurteedu jiifeen dayrka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Qoyska horteeda oo ay deganaayeen hoyna u ahaa, iyada oo ay naawilaysay inay la kulanto wasiirka wasaaradaasi Cali Xoor Xoor si ay ula wadaagto waayaheeda nololeed, balse may suurto galin oo waa ay gaadhi wayday wasiirka
Sidoo kale Hooyadan dibad wareega ah ayaa sheegtay in muddo laba iyo toban habeen ah ay hor seexdeen xarunta Dawladda Hoose ee Hargaysa, oo ay door bidaysay in ay naxariis Bini’aadanimo ka hesho Maayirka Hargaysa, balse nasiib daro isna may gaadhin oo waxa qanciyay shaqaalaha ka hooseeya Maayirka.
Hooyo Niciima Haybe Cabdillaahi waxa y si naxariis leh uga codsanaysaa bulshada muslimka ah iyo cid kasta oo nolosheeda wax ka gaysan karta inay soo caawiyaan oo ay ka taageeraan hoy ay iyada iyo caruurteedu ku hoydaan, iyo in caafimaadka wiilka yar iyo caafimaadkeeda wax lagala qabto.
Hooyadan iyo ciyaalkeeda ilaa hadda waxa hoy u ah habeenba gidaarkii ay amni bidaan haddab ciddii ILLAAHEY dartii wax ula baxaysa hakala xidhiidho telefoonkeeda gacanta, 0638189584
-
-
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ayna wax kulan ah yeelan doonin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo labaduba ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.
Hogaamiyayaasha ayaa caasimada Talyaaniga kaga qeyb geli doona shirka Iskaashiga Italy iyo Afrika oo halkaasi ka dhacaya.
Agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya Cabdulqadir Ali Dige ayaa sheegay in aanu jirin wax kulan gaar ah oo dhexmari doona labada hogaamiye.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xulka maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.
Galmudug ayaa dhiggeeda HirShabeelle kaga adkaatay Gool laag kulanka Final-ka ah. Labada xul ayaa aad isku soo adkeeyay maanta, taasi oo keentay in la aado Penalty, oo markii dambe lagu kala baxay, ayna guushu ku raacday Galmudug.
Waxaa sidaas maanta kusoo afmeermay ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho gaar ahaan Stadium Muqdisho.
Ciyaartan ayaa aheyd mid xiiso badan, ayada oo boqolaal kun oo qof ay u daawasho tageen garoonka, halka ay kumanaan kalena kala socdeen tabinta tooska ah.
Ammaanka Garoonka iyo guud ahaan hareerihiisa ayaa maanta ahaa mir si weyn loo adkeeyay, ayada oo Booliskii ugu badnaa ay sugayeen amniga ciyaartaan Final-ka aheyd ee Stadium Muqdisho.
Si kastaba, Kulankaan kama dambeysta ahaa ee ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sawaxankiisu si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardiyeen, waxaana ugu dambeyntii guusha ay sidaas ku raacday xulka Galmudug.
The post GALMUDUG oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha maamullada dalka appeared first on Caasimada Online. -
“Labadii Daraf ee Somaliland mid wuu Tagay kii kalena wuu Liiqliiqanayaa ee hala Daweeyo” Guddoomiye Xirsi
Hargeysa(Qaran news)- Waxgaradka iyo madax dhaqameedka beesha bariga Burco ayaa xaflad ballaadhan oo soo dhaweyn ah u sameeyay Guddoimiyaha WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shalay si xamaasad leh loogu soo dhaweeyay dalka.
Guddoomiye Xirsi oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay in xaaladdu marayso dalcad adag oo u baahan in la is xakameeyo.
“Xaaladda dalka waynu ognahay oo daraf tag kii kalena wuu liiqliiqanayaa ma aha xaqiiqada in la dafiro ee waa in la daweeyaa,” ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Waxa kaloo uu intaas ku daray “Waynu ognahay oo labada reer ee waaweyn ee muddina xilka doonayo, middina talada hayo waxa aynu maraynaa dalcad adag oo haddii xafiiltanku xadka ka baxo waxa dhacda in laga tago wixii la isku ahaa ee ay ahayd in la xeeriyo. Markaa waa in aynaan daawan ee xaaladdu siday tahay.”
“Waxa meesha jira oo aanu hortaagan nahay cid kal-dhaaf ah oo aan soddob sannadood talada qaban. Markaa mucaarid iyo muxaafidba waa in la is xakameeyaa,” ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Sidoo kale waxa ka hadlay Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi oo sheegay inay qalbisamaan ku soo dhaweynayaan Guddoomiye Xirsi oo uu xusay in warar been ah laga faafiyay oo la lahaa wuxuu ku xidhan yahay Ingiriiska iyo waxa soo damiintay Raysalwasaaraha Soomaaliya, wuxuuna been ku sifeeyay arrimahaasi.
-
Mogadishu (HOL) - The Galmudug State football team won their first Somalia Inter-Regional States Tournament in an extraordinary final on Monday afternoon as they beat the Hirshabelle State team 4-1 in a penalty shootout.
-
Rome (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in aanay qorshaysnayn kulamo dhexdhexaadin ah oo dhexmari doona madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa dawladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland.
Agaasimaha Xiriirka madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa u sheegay VOA in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba.
“Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa ku sheegay qoraal uu VOA usoo diray Cabdulqaadir Cali Dige.
“MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay sidoo kale boqongoynaysaa mabaadii’da xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an u hoggaansanaanta mabaadii’dan, waxayna diyaar u tahay inay la macaamisho dhammaan saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan AU (Midowga Afrika), UN (Qaramada Midoobay), iyo (urur goboleedka) IGAD, xiriir ku salayn kala faa’iidaysi salka ku haya xeerarka caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqada oo la wadaago,” ayuu intaas ku daray.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay labaduba haatan ku sugan yihiin magaalada Rome oo ay kaga qaybgalayaan shirka madaxda Afrika iyo kuwa Talyaaniga.
Dawladda Itoobiya iyaduna dhinaceeda ma sheegin kulan u qorshaysan labada dhinac.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Abiy Axmed ay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha FAO siisay abaalmarin la xiriirta mowqifkiisa ku aaddan cuntada, nafaqada iyo hal-abuurka la xiriira isku filnaanshaha dhinaca qamadiga.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi looga hadli doono kobcinta iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ee dhinacyada helitaanka cuntada, dhaqanka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Shirkaas ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimaha muhaajiriinta, isku socodka dadka iyo amniga, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.
Waxa uu madaxweynuhu hoosta ka xarriiqi doonaa muhiimadda xasilloonida gobolka, iyo mabda’a in waddan kasta ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee waddamada kale, ayay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.
Itoobiya iyo Somaliland waxay labaduba difaaceen MoU-da ay kala saxiixdeen billowgii bishan, waxayna ku tilmaameen is-afgarad “taariikhi” ah.
Somaliland ayaa dhinaceeda ugu baaqday beesha caalamka inay ixtiraamaan is-afgaradka.
La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Hussien ayaa isna toddobaadkii hore ku qoray bartiisa X inay sii labalaabayaan dadaalka ay gelinayaan faham wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay inay ka dhagaysan doonaan saaxiibada suurtogalnimada sidii hoos loogu dhigi lagaa hadallada kulkulul.
“Waxaan sii wadi doonaa dadaalka sidii loo gaaro lahaa gunaanad iyadoo ay jirto is qaddarin saaxiibtinnimo leh oo laga wada faa’iidaysto,” ayuu qoray.
The post Villa Somalia oo caddeysay in Xasan Sheekh iyo Abiy ay ku kulmayaan Roma iyo in kale appeared first on Caasimada Online.
Two vessels freed following Somali pirate hijackings
in News - Wararka
Posted
The rise in pirate activity off Somalia suggests the impact of the Gaza war continues to spread across the region.
Source: Hiiraan Online