-
Content Count
212,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dhulka Dabdemiskii hore ee booliska oo dowladdu ay ka kicineyso qoysas u badan beesha Sacad ee Habargidir.
Odayaal ka socda beesha ayaa maanta Xaaf ugu tegay gurigiisa, waxayna ka codsadeen inuu ka hadlo kiiskaan, isagoo warbaahinta la hadlay ayuu codsi iyo hanjabaad isugu daray dowladda.
Xaaf ayaa sheegay in dhul 30 sano la deganaa aysan macquul aheyn in si qorshe la’aan ah dadkii deganaa looga kiciyo, isagoo ku guudiyey in dadkaan ay dagaalami doonaan hadii la isku dayo in xoog looga kiciyo dhulkooda.
“Horta dowlad maxaa la dhahaa? Waa dhul iyo dad, marka dhulka dadka ayaa iska leh sidee looga kicinayaa, intey aadayaan? Dhulka dowladdu malaha ee dadka ayaa leh, kaliya dowladda waxaa laga rabaa in dadkaan ay dhulkooda ku maamusho,” ayuu yiri Xaaf.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda ku dhaliilay aqoon la’aan iyo tayo xumo dhanka maamulka ah, isagoo kula taliyey in dhulka la cabiro, kadibna dadka degan loo lacageeyo, hadii aan loo dhaafeyn.
“Dadkaan dhalinyarada ah ee hadda xafiisyada ka shaqeeya waxaba kama yaqaaniin dowladnimada, markii dad dhul laga kicinayo waa in sharci loo maro, xukun maxkamadeed ayaa dadka looga saari karaa dhulkooda, dowladda waxaan kula talinayaa inay hagaajiyaan xirfadaha dadka maamulka ka shaqeynaya,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug.
Xaaf ayaa sheegay in la suurad xumeynayo madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee dowladda, isagoo sheegay inuu faafay ah war sheegaya inay iibsanayaan dhulka, isagoo yiri, “War waxaasi macquul maaha, caay iyo meel ka dhac ayey ku tahay madaxda qaranka iyo dowladnimada.”
Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda ka codsaday inay tixgeliso codsigiisa, “Maadaama aan ahay odayga ugu weyn beesha Sacad, waxaan codsanayaa in dowladdu keento xal ka duwan kan ay hadda ku raadineyso dhulka ‘dabdamiska’ sababtoo ah wiilasha loo soo adeegsaday inay dhulkaas dadka ka kiciyaan waxay dhasheen iyadoo sidaan loo degan yahay dhulkaas,” ayuu yiri Xaaf.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Xaaf oo DF u diray digniin la xiriirta arrin xasaasi ah oo ka taagan Muqdisho appeared first on Caasimada Online. -
The effects of Climate Change always have a great influence on the people of Somalia, a youth Climate Activist has said.
-
Egypt has condemned the deadly terrorist bombing carried out at a popular market in the Somali capital of Mogadishu.
-
Dhallinyarada reer Kenya oo si Adag uga Hadlay Hadallada deelqaafka ah ee Faarax Macalin u Jeediyay Somaliland iyo Itoobiya
Hargeysa(Qaran news)- Dhallinyarada reer Kenya ayaa wax laga xumaado tilmaamay tallaabooyinka siyaasadda ka arradan ee Xildhibaan Faarax Macalin uu wax kaga sheego danaha iyo siyaasadda Somaliland iyo Itoobiya.Dhallinyaro reer Kenya ah oo sheegay inay metelaan dhalinyarada ka soo jeeda deegaanka Dhadhaab, ayaa bilaabay olole ay ugu magac dareen Xildhibaan “Faaraxow xishood” waxana ay ku doodeen in dalalku ay u madax bannaan yihiin siyaasadooda iyo iskaashigooda.
Waxana ay xuseen inay ka shaqeystaan dalalka uu Xildhibaanku wax ka sheegayo masaalixdooda, taasina ay keenayso in colaad loo qaado dadka reer Kenya.
Dhallinyaradaasi waxa ay Baarlamaanka Kenya ku booriyeen inay tallaabo ka qaadaan Faarax Macalin oo ay ku tilmaameen in uu ka shaqeynayo wax aan ahayn danaha iyo masaalixda dadka iyo dalka reer Kenya.
Waxayna caddeeyeen inay taageersan yihiin is dhexgalka iyo iskaashiga dalalka mandaqada oo dhan.
Dhallinyaradaasi waxa ay ugu baaqeen Faarax Macalin inuu 24 saacadood gudahood raaligelin ka bixiyo hadalladiisa deelqaafka ah ee uu u jeediyo dalalka jaarka ah, kuwaasi oo aanu ku metelin dalka Kenya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Barta TikTok ee Soomaalida aadka u isticmaasho waxaa saacadihii u dambeeyay ka taagan hadal hayn ka dhalatay nin kusoo gala cinwaan ay ku qoran tahay “Walal” oo aan wadan muuqaal iyo sawir.
Ninkaan ayaa waxa uu billo gudahood hadiyad ahaan u siiyay dad kala duwan oo Live kaga jiray TikTok qadar lacageed oo lagu qiyaasay 800,000 oo dollarka Mareykanka, waa ku dhawaad 1 Milyan oo dollar.
Ninkaan oo sida muuqata aan dooneyn in la barto magaciisa rasmiga ah iyo muuqaalkiisa ayaa waxa uu lacagta siiya xidigaha caanka ka ah barta TikTok, dadka danyarta ah iyo kuwa taageera dowladnimada Soomaaliya, kuwaasi oo la arkay isaga oo diraya hadyaddo lacag ah oo Libaaxyo ah.
Sidoo kale, kuwa kale oo badan ayaa soo fariistay barta TikTok oo sheegay in Walal uu siiyay lacago, iyaga oo aan is aqoon.
Walal waxaa lagu muransan yahay qofka uu yahay. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuu yahay nin hanti badan haysta oo doonaya inuu ka farxiyo dadka Soomaaliyeed.
Halka kuwo kale ay aaminsan yihiin inuu yahay nin siyaasi ah oo weliba kamid ah madaxdii soo martay Soomaaliya ama kuwa hadda xilka haya.
Qolo saddexaadna waxay aaminsan yihiin inuu yahay nin dano gaar ah leh oo dhawaan la baran doono. Sheekada ninkaan kuma eeka barta TikTok oo keliya, waxaa lagaga doodaya baraha kale ee sida Facebook, YouTube iyo Instagram, iyada oo ninkaan loogu mahad-celiyay.
Sheekada ninkaan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loogu qaada dhigayay mareegaha kala duwan ee Internet-ka, iyagoo dadka siyaabo kala duwan uga hadlayay arrinkaasi.
The post Maal-qabeen miyaa mise siyaasi Soomaaliga barta TikTok ku bixiyey $800,000? appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli tiiraanyoonaya qoysaska dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay suuqa Bakaaraha Talaadadii, kuwa kalana waxa ay ku jiraan xarumaha caafimaadka, iyaga oo baxnaaniye qarabadooda ay jecelyihiin ee ay soo gaareen dhaawacyada halista ah.
Cabdiraxmaan, (ma ahan magaciisa dhabta ah), waxa uu laba walaalihiis ah ku waayay weerarkaas, oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux, balse intaas oo kaliya walwalku uguma eka. Wuxuu isbitaalka kula jiraa afar kale oo walaalihiis oo ku dhaawacmay qaraxyada.
“Qoyskeena waxaa nagu dhacday qaddar Alle,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in qaar kamid ah walaalihiis ay ku sugan yihiin xaalad aad u liidata, qolka lagula tacaalo bukaanada ku jira xaaladaha daran ayuu sheegay in haatan lagu baxnaaninayo qaarkood.
“Weli xaaladdooda culus tahay,” ayuu yiri, balse wuxuu sheegay in uu ku niyadsan yahay in laba walaalihiis uu xaalkoodu soo roonaanayo.
Marka uu qaraxu haleelayay ayay ku sugnaayeen xaruntooda gacnacsi oo ku taalla halka ay qaraxyada ugu badani ka dhaceen, sida ay sheegeen ehellada dhibanayaasha.
“Halkan waxaa ka dhacay waxay ahaayeen beegsi ganacsiga,” ayuu u sheegay warbaahinta gudoomiye ku-xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo goobta ay wax ka dhaceen booqasho ku tagay.
“Shan ilaa lix goobood ayaa khasaaruhu gaareen oo u badan kuwa electarooniga. Dabcan waxay u muuqataa amase aan ognahay inay yihiin kooxdaha argagxisada ah ee ganacstada handadaya si ay baad uga qadaan. Waxay maalmihii danbe u soo dirayeen fariimo, balse dadkani waxay ahaayeen kuwii iska diiday inay baad bixiyaan. Walina baaritaan ayaa socda,” ayuu hadalkiisa raaciyay Yabooh.
Suuqa Bakaaraha ayaan ahayn mid caan ku ah weerar sidii kii Talaadadii lala beegsaday ah oo ka dhaca. Dadka ka faallooda amniga yaaa ku tilmaamay mid ugub ah oo ay saameyn ku leedahay dagaalka ay dawladda Soomaaliya kula jirto ururka Al-Shabaab.
Goobjooge kale oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in Jahwareer uu ku jiray in muddo ah itii ay qaraxyadu dhacayeen.
“Markaan arkay dad waddada dhinaceeda yaala oo qaraxii ku dhacay, naxdin xoog leh ayay igu abuurtay. Dhawr mar ayay qaraxyadu naga dul dhaceen,” ayuu yiri goobjoogaha.
“Wax qalalaase ah oo Meesha ka jiray majirin cabsi aan wajahaynayna majirin balse wax waliba si dhaqsa ah ayey isku bedeleen waliba.”
Labada walaal ee uu wayay Cabdiraxmaan ayaa ahaa dhallinyaro curdun ah oo mustaqbalka hami wayn ka lahaa.
“Walaalehey labadaba malahayn xaasas, mana jiraan carruur ay ka tageen, waxa ay ahaayeen dhallinyaro ganacsato ah oo ay noloshuba u cusubtahay,” ayuu yiri.
Xilliga ay musiibadu dhacaysay ayuu sheegay in ganacsiga suuqa uu si caadi ah u socday, dhallinyaraduna ay hal meel kuwada sugnaayeen.
Tacsida ayaan ku koobnayn Cabdiraxmaan iyo qoyskiisa oo kaliya.
Qoysas iyo saaxiibo ayaa baraha bulshada ku daabacay sawirrada dhowr dhallinyaro ah oo la sheegay in ay kamid yihiin dhakhtiir iyo arday, kuwaas oo la sheegay in ay kamid ahaayeen dadkii ku wax yeelloobay qaraxyadii ka dhacay suuqa Bakaaraha.
Isbitaallada kala duwan ee ka howlgala gudaha caasimadda ayaa iyana la geeyay dhaawacyo, mid kamida xarumaha caafimaadka ayaa u sheegay warbaahinta in qaabileen ilaa 20 ruux oo dhaawac ah.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaan, balse dawladda Soomaaliya waxay ku eedeysay ururka Al-Shabaab.
Isha: BBC
The post ‘Lix qof oo walaalaheey ah oo isku meel ku sugnaa ayuu ku dhacay qaraxii Bakaaraha’ appeared first on Caasimada Online. -
Iska hor-imaad xooggan ayaa saaka ka socda degaanka Hursale oo ka tirsan degmada Caluula ee gobolka Raas Casayr.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadkaasi dhexmarayo ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Raas casayr iyo maleeshiya-beeleed ka soo jeeda degaanka Hursale.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay iska hor-imaadka labada dhinac oo weli ka socda degaanka Hursale waxaana la soo sheegaya khasaare dhaawacyo ah.
PUNTLAND POST
The post Iska hor-imaad xooggan oo ka socda nawaaxiga degmada Caluula ee gobolka Raas Casayr appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo lagu beegsaday koox Cabtooy ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay weerareen kooxdan oo ku howlaneyd ka ganacsiga daroogada noocyadeeda kala duwan.
Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan ay ku howlaneyd falal burcadnim ah iyo amni darro, balse ay soo afjareen.
“Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal ayaa xalay hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo cabtooy ah oo faraha kula jira dambiyo culus oo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni daro” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.
Taliska ayaa ballan qaaday inay ka hortegi doonaan cid kasta oo halis ah ku bulshada deegaanka, ayna sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan gobolka Nugaal.
“Wuxuu howlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhankiisa taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Cali Marduuf oo ka hadlay howlhgalka ayaa boggaadiyay ciidamada fuliyay, wuxuuna sheegay inay guul ka gaareen.
Sidoo kale wuxuu ammaan u jeediyay shacabka la shaqeeyay ciidamada inta ay ku jireen howlgalka lagu qaaday kooxda Cabtooyda ah.
Puntland ayaa marar badan la dagaalantay kooxo ka ganacsada Khamriga oo ku sugan deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo loo arko inay halis ku yihiin nabad-gelyada.
The post PUNTLAND oo weerar ku qaaday koox Cabtooy ah appeared first on Caasimada Online. -
Somalia has long struggled with political instability and internal conflicts which has impeded its growth and development. There are various political stakeholders who play a significant role in supporting governance in Somalia including parliamentary representatives, executive officials, judicial officials and community leaders. These participate in supporting various governance systems including drafting and amendment of the constitution. This article sheds light on the roles of various political stakeholders in Somalia and highlights how some stakeholders like former presidents, former prime ministers, former ministers, and failed presidential candidates have overstepped their boundaries and made it impossible for effective governance in Somalia. These individuals, who are deemed politically unacceptable, hinder the progress of Somalia by seeking to influence amendments in the constitution and often operate in blatant violation of constitutional principles.
Stakeholders are Responsible for Amending the Somali Constitution
The Somali Constitution lays a foundation for legal and political framework and sets out the procedures and responsibilities for its amendment. The stakeholders are outlined in Article 132 of the constitution of Somalia. The Article defines who has the power to propose and enact amendments. Amendment of the Somali constitution can be done by:
- Federal Parliament, including both the Lower House and the Upper House of Parliament, which represent the people’s will and have the authority to propose and debate constitutional amendments.
- The Executive Branch which includes the President and the Council of Ministers may also have roles in the amendment process, either through proposing amendments or ratifying them after parliamentary approval.
Process and Structure for Constitutional Amendments in Somalia
The process for amending the Constitution of Somalia follows the following steps:
- Initiation of Amendment (Article 133) which is initiated by at least one-third of the members of either the House of the People or the Upper House.
- Review by the Oversight Committee (Article 133) which is done by Oversight Committee on the Review and Implementation of the Constitution.
- Debate and Approval in Parliament (Article 134) follows after the Federal Parliament debates the proposed amendment after the Oversight Committee’s review where a two-thirds majority in each house is required for approval.
- Presidential Assent (Article 134) which serves as a final check and balance in the amendment process.
- Public Referendum (Article 135) is done where certain amendments necessitate a public referendum.
- Constitutional Assemblies in Somalia are formed through clan leaders from across the country. Due to the security situation in the country and the war with Al-Shabaab, it is hard to conduct a referendum in Somalia at present and thus constitutional assemblies represent the entire population of Somali.
The Dichotomy of Progress and Influence
Though the former president, former prime ministers, former ministers and other political leaders can participate in the amendment of the Somali constitution, some of these stakeholders have overstepped their roles and negatively affected the political governance in Somalia. They have done this by:
- Disrupting Constitutional Amendments. Former presidents, ex-prime ministers, ministers, and failed presidential candidates have often sought to influence amendments to the Somali constitution with their personal agendas and vested interests, rather than a focus on the overall welfare of the nation.
- Unconstitutional conduct where former presidents, ex-prime ministers, ministers, and failed presidential candidates often engage in unconstitutional practices, violating the fundamental principles that underpin Somalia’s political structure.
- Negative influence of former leaders where former presidents and ministers in Somalia often continue to wield considerable influence even after their official terms have ended.
- Selfish intentions of constitutional amendments where attempts to amend the constitution by these stakeholders are sometimes driven by personal or group interests rather than national welfare.
Why former Presidents and other Political Leaders should not take the lead in Constitutional Amendment
Former president, former prime ministers, former ministers and other prominent political leaders should not be allowed to dictate the process of constitutional amendment in Somalia. This is because:
- Conflict of interest where former presidents and ministers may have personal or political interests that could influence their participation in constitutional amendments.
- Potential for abuse of power in which former leaders may still wield significant influence within political circles that can be used to exert pressure on the constitutional amendment process.
- Need for fresh perspectives where Constitutional amendments are often seen as an opportunity to bring in fresh ideas and perspectives.
- Deterioration of Public Trust and Perception in which inclusion of former leaders in the process may lead to skepticism among the public, especially if there is a perception that they are trying to amend the constitution for personal reasons.
Conclusion
Former president, former prime ministers, former ministers and other prominent political leaders should not be allowed to dictate the process of constitutional amendment in Somalia. Former presidents, former prime ministers and ministers may have personal or political interests that could influence their participation in constitutional amendments. Further, former leaders might seek to protect their legacies, political ideologies, or personal gains, potentially compromising the objectivity and fairness of the process. The detrimental influence of former presidents, former prime ministers, former ministers, and failed presidential candidates within the Somali political landscape is an obstacle that impedes progress and undermines the country’s political stability. Their disruptive involvement in constitutional amendments and unconstitutional conduct erodes democracy and hampers the development of a transparent and accountable political structure. It is imperative for Somalia to establish strong institutions, uphold the rule of law, and devise effective mechanisms to prevent the infiltration of unacceptable political stakeholders. Only through genuine political reform can Somalia move forward towards a brighter and more prosperous future.
Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
The post Navigating the challenges of political stakeholders in Somali governance appeared first on Caasimada Online.
abdullahiyabarow.blogspot.com
@siigaale1 -
Bandhiga Diblamaasiyadda Jabuuti iyo Itoobiya oo lagu Qabtay Jabuuti
Jabuuti(Qaran news)Safaaradda Itoobiya ee Jabuuti ayaa soo agaasintay bandhiga diblomaasiyada iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee jaarka ah ee lagu shaaciyo kor u qaadista xidhiidhka labada dal. Waxana madashan lagu soo casuumay diblomaasiyiinta adduunka ee fadhigoodu yahay Jabuuti oo uu ka mid ahaa safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti danjire Cabdifataax Siciid Axmed oo si diiran loogu soo dhaweeyay bandhigaasi
Bandhigan oo ah kii 127 ee noociisa ah ee Itoobiya iyo Jabuuti
Safiirka Itooibiya ee Jabuuti Berhanu Tsagaye, ayaa sheegay in bandhigan loo qabto xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee labada waddan.
Agaasimaha beeraha Jabuuti Mohammed Ahmed Awaleh, sheegay in labada dal ay mar kasta kor u sii qaadayaan iskaashigooda adag iyo wax wada qabsigooda gaar ahaan maalgashiga, tamarta iyo ganacsiga.
-
Extremely important discussion with UK Minister of State for Defence happening right now in the UK Parliament (House of Lords) on:
1. The recognition of Somaliland.
2. Use of Berbera port for a potential base.“UK should take the lead in recognising Somaliland.”
“Somaliland being its own entity would be beneficial all round”
Momentum gradually picking up.
<blockquote class=”twitter-tweet” data-media-max-width=”560″><p lang=”en” dir=”ltr”>Breaking: Extremely important discussion with UK Minister of State for Defence happening right now in the UK Parliament (House of Lords) on:<br><br>1. The recognition of Somaliland.<br>2. Use of Berbera port for a potential base.<br><br>"UK should take the lead in recognising Somaliland."… <a href=”https://t.co/wERpliaxPm”>pic.twitter.com/wERpliaxPm</a></p>— bhlub (@thebhlub) <a href=”https://twitter.com/thebhlub/status/1755258747507634671?ref_src=twsrc%5Etfw”>February 7, 2024</a></blockquote> <script async src=”https://platform.twitter.com/widgets.js” charset=”utf-8″></script>
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nageeye Cali Khaliif oo 100 maalmood ka hor u goostay kooxda Al-Shabaab ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyey, isagoo soo bandhigay xogo badan oo ku saabsan sababta uu ugu biiray argagixisada.
Nageeye ayaa sheegay in rabitaankiisa uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’antahay inuu xaqiijiyo hadafkiisa.
Waxaa la weydiiyey sababta uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, balse isagoo aan toos uga jawaabin su’aashaas ayuu sheegay in markii hore uu xalka Soomaaliya ka soo raadiyey Xamar, markii ay waxaba u suutageli waayeena uu ku soo biiray Al-Shabaab.
Isla su’aashaas isagoo ka jawaabaya Nageeye wuxuu sheegay in Soomaaliya la kala jarjaray, isla markaana ay u baahan tahay in la badbaadiyo, taas oo ku kaliftay inuu ku soo biiro argagixisada.
Nageeye intii uu waday wareysigaan wuxuu sheegay in diyaarad ay dul-dhawaaqeyso, isagoo sheegay in danteeda ay wadato diyaaradaas ee dan Soomaaliyeed aysan ka shaqeyneyn.
Waxaa la weydiiyey wixii uu dareemay markii dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugeen inuu ku biiray Al-Shabaab oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ka hadleen, wuxuuna ku jawaabay in mabda’ ay ku kala tageen isaga iyo dadkii uu kula noolaa jiray Muqdisho.
Nageeye ayaa ka sheekeeyey waayihiisii nolosha oo inta ugu badan uu ku soo qaatay Hargeysa, sidoo kale markii uu yimid Muqdisho wuxuu sheegay inuu ku biiray Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo kuliyadda saxaafadda uu ka dhigi jiray.
Ninkaan oo 100 maalmood kasii maqan Muqdisho ayaa is bedelay muuqaal ahaan, timo weyn ayuu deystay, wuxuuna wareysigaan ku muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay noloshaan adag ee uu doortay.
The post Nageeye oo caawa shaaciyey sababtii uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online. -
Sharciga Maxaa Loo Sameystay ? In La Fuliyo .
(Cali Biixi )Sheeko xikmad leh
Macalinkii Dhigaayay Maadada Qaanuunka Ayaa Soo Galay Dugsigii (Kalaskii) Uu Muxaadarada Ka Jeedinaayay.
*Arday Ayuu Ku Yidhi : Magacaa?
*Ardaygii Ayaa Magaciisii Sheegay .
*Macalinkii (Bax) Ayuu
Ardaygii Ku. Yidhi .
*Ardaygii : Waayo Maxaan Sameeyay?
*Macalinkii Hadana (Bax) Ayuu Ku Yidhi .
*Ardaygii Waxa Uu Tijaabiyay , In Uu Isdifaaco , Laakiin Macalinkii , Waxa Uu Ku Adkaystay, In Uu Ardaygii Ka Eryo Muxaadaradii.
*Ardaygii Wuu Iska Baxay , Isaga Oo Dulmi U Arka Waxa Uu Sameeyay Macalinku .
Ardaydii Kale Oo Dhammi Way Iska Aamusnaayeen ,Oo Arday Qudha Oo Ka Hadlay Ma Jirin .
Waxa Uu Bilaabay Macalinkii In Uu Deriskii Ardaydii U Bilaabo , Oo Waydiiyo Wax .
Waxa Uu Waydiiyay: *Maxaa Sharciga Loo Sameeyay? Oo Maxaynu Sharciga U Dhiganay ?
*Arday Ayaa Ku Jawaabta: In Bulshada Lagu Ilaaliyo .
*Arday Kale Ayaa Ku Jawaabay : In Dadka Lagu Maamulo .
*Arday Kale Ayaa Ku Jawaabay : In Aan Dadku Isu Xoog Sheegan. Oo Ka Xooga Weyni ,
U Xoog Sheegan KaLiita.
* Macalinkii Ayaa Yidhi: Waxaas Oo Dhammi Waa Sax , Laakiin
*Ardayad Ayaa Tidhi Hadana : In Bulshadu Cadaalad Wada Hesho .
* Macalinkii Ayaa Yidhi: Waa Taas Jawaabta Saxa Ahi.
Waa Taas .
*Macalinkii Ayaa Waydiiyay Ardaydii Hadana ;
Waa Maxay Faa’iidada Laga Heleyaa Cadaaladda?
*Arday Ayaa Ku Jawaabay : In Qof Kastaa Xuquuqdiisa Helo , Oo Aan La Dulmiyin .
Macalinkii Hadaba Iminka Ayaan Idiin Jawaabayaa , Aniga Oo Aan Werwer Ka Qabin , In Aad Wada Fahanteen Dersigii Maanta .
*Markaasaa Macalinkii Waydiiyay Ardaydii:
Hadaba
Miyaan Dulmiyay Ardaygii Saaxiibkiin Ahaa
Markii Aan Eryey Ee Aan (Safka) Ka Eryay?
*Waxay Ku Wada Hawaabeen
Mar Qudha : *Haa .
Markaasaa Macalinkii Oo Cadhaysani Ku Yidhi:
* Maxaad U Wada Aamusteen Kuligiin , Ee Aad Wax U Odhan Waydeen ,?
Ee Wax U Samayn Waydeen Markii Aan Dulmiga Ku Sameynaayay Saaxiibkiin?
Muxuu Sharcigu Tarayaa ,
Hadii Aynaan Fulin Karayn , Oo Aynaan Ku Dhacayn
In Aynu Fulino,
Hadii Aad Ka Aamustaan.
Marka Qof Dulmi Ku Dhacaayo , Ee Dulmi Lagula Kacaayo,
Ee Aad Difaaci Kari Waydaan ?
Waxaad Waayaysaan Dadnimadiinii ,
Dadnimadu Iyo Xaqqu Gorgortan Iyo Wada Hadal Ma Galaan .
Kadibna Macalinkii
Inta Uu Ardaygii Uu Eryay U Yeedhay ,Ayuu Raali Geliyay Ardaydii Oo Dhan Hortoodii .
Oo Ku Yidh ,* Waa Kaa Deriskiinii Maanta , Oo Waa Inaad Bulshadiina Iyo Dadkiina Aad Wada Ilaalisaan Oo Sharciga Fulisaan , Oo Aydaan Dulmiga Ogolaan .
Hadaba Sharcigu Faa’iido Ma Laha ,
Hadii aan La Fulin , Oo Dulmiga Dadku Diidin , Iyo Sharci Jebinta .
Sharcigu Waa In Uu Fulaa , Oo Cadaaladu Iyo Sharcigu Cid Kasta Ka Sareysaa , Oo uu Qabtaa .
M.Biixi Iyo Xukuumadiisu Waa In Ay Sharciga Fulisaa ,
Hadii Kalena , Waa Inay Bulshadu Iska Qabataa , Oo Aanay u aamusin.
Xuquuqdaada Waa Loo Halgamaa .
Dulmiga Inaad Ogolaato.
Ama Ka Aamusto (Maaha).Hadii Kale Oo Aan Sharciga La Fulin,
Faa’iido Uguma Jirto Bulshada , Sharcina Maaha .Cali Biixi
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ka soo jeeda gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay maamul ay ugu magac-dareen Awdal State oo ka madax-banaan Somaliland.
Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye oo sheegtay madaxweynaha Awdal State ayaa khudbad ka jeediyey xafladii maanta lagu qabtay Muqdisho, isagoo sheegay inuu la dagaalami doono maamulka Muuse Biixi.
Wuxuu sheegay in Soomaalinimadu ay ka go’antahay dadkiisa reer Awdal, gumeysina aysan hoos tegi karin, haatana ay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan dulmiga Muuse Biixi.
“Waxaan balan qaadeyna in aan dagaalami doono, kaliya waxan idinka rabnaa Soomaaliyey inaad nagu garab istaagtaan, anaga ayaa diyaar u ah inaan u dhimano dhulkeena,” ayuu yiri Madaxweynaha Awdal State Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye.
Sidoo kale wuxuu dadka Soomaaliyeed ee degan koonfurta aad ugu amaanay wadaniyadda iyo dhiigga ku jira, maadaama ay aad uga hor imaadeen qorshaha Muuse Biixi uu ku iibsaday badda Soomaaliya.
Hoos ka daawo
The post Awdal State oo ka dagaalami doona qorshaha Muuse Biixi oo lagu dhawaaqay appeared first on Caasimada Online. -
Macalimiin ku Meelgaadhka ah ee Awdal oo Imtuxaan u Fadhiistay
Hargeysa(Qaran news)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta imtixaan daahfuran ka qaaday Macalimiinta ku meel-gaadhka ah ee ka hawl-gala Dugsiyada dawliga ah ee gobolka Awdal.Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Dr ahmed Buuxane, Gudoomiye Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khalid jama qodax agaasimeyaasha guud ee wasaradda waxbarashada iyo Hay’adda Shaqaalaha ayaa goob joog ka ayaa imtixaankani Hay’adda ka qaadaysay 483 Macalin oo si ku meelgaadh ah uga shaqaynayay dugsiyada dawliga ah ee gobolka Awdal.
Wasiirka iyo gudoomiyaha oo hadalka iska daba maray ayaa hambalyo u diray macalimiinta maanta tartamaya sidoo kale Wasiirka ayaa Xusay faa’idada uu leeyahay imtixaankani lagu Kala saarayo macalimiinta iyo in ay tahay hanaanka keliya ee ugu cadaaladsan in imtixaankani lagu Kala saaro sida ay u kala sareeyaana loogo tix gelinayo mustaqbalka in loo Kala hor shaqaalaysiiyo, gudoomiyaha iyo wasiirka ayaa sidoo kale u mahadnaqay Gudigii farsamo ee imtixaankani gacanta ku haysay oo ay hogaaminayeen labada agaasime Guud ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaradda Waxbarashada.
-
When Hagir Sail found herself facing nearly $2,000 in unpaid traffic fines, she knew exactly how to find the money.
-
Three women were killed in Somalia last week in what police say were marriage disputes. The country’s parliament called for urgent investigations and the arrest of the perpetrators as citizens expressed outrage.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Ganacsatada waaweyn ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid qorshe uu watay maamulka gobolka Banaadir oo ku soo rogay canshuur dheeraad ah.
Ganacsatadaan oo ah kuwa dalka dibaddiisa ka keena agabyada kala duwan ayaa ka cabanaya lacago bille ah, oo uu kusoo rogay maamulka Gobolka Benaadir, lacagahaas oo ay ku doodayaan in aan xaq loogu laheyn.
Ganacsatada ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay siiyaan canshuurtii xaqa loogu lahaa, isla markaana aysan awoodin lacagaha dheeraadka ah ee maamulka gobolka Banaadir uu raadinayo.
Xasan Cabdi oo ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn suuqa Bakaaraha ayaa in gobolka Banaadir uu ganacsatada waaweyn ku soo rogay lacag xad-dhaaf ah.
“Canshuurta uu rabo gobolka Banaadir waxaa lagu leeyahay ganacsatada tafaariiqda iibisa iyo waratada (ganacsiyada yar yar) maamulka gobolka waan kala fariisanay arrintaan, waxaan u sheegnay in canshuurtii nagu waajibtay ay wasaaradda maaliyaddu naga qaaday, waana isku fahmi weynay arrintaas,” ayuu yiri ganacsade Xasan Cabdi.
Sidoo kale ganacsatda ayaa sheegay inay leeyihiin maamul lagala xaajoo karo arrimaha ku saabsan ganacsiga iyo canshuuraha oo ah Rigta Ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo loo baahan yahay in lagala hadlo qorshaha uu wato maamulka gobolka Banaadir.
“Waxaa maamul noo ah rugta ganacsiga, wixii amar ah oo ka soo baxa rugta ayaan fuli karnaa inagu, marka waa in maamulka gobolka Banaadir uu la fariisto maamulka rugta ganacsatada Soomaaliyeed, kana dhaadhiciyo sida uu wax u rabo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ganacsade Xasan Cabdi oo la hadlay Idaacadda VOA.
Dhinaca kale, dhaqaale yahannada ayaa ku doodaya in sharuucda canshuuraha ee lakabyada dowladda oo aan kala caddeyn ay sabab u yihiin arrinkaan taagan.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf culus oo ka dhex qarxay maamulka gobolka iyo ganacsatada suuqa Bakaaraha, kuwaas oo iyagoo shalay banaanbaxaya ay Shabaab qarxiyeen, welina xal lagama gaarin khilaafkii sababay suuqu xirmo.
The post Muxuu salka ku hayaa khilaafka sababay inuu xirmo suuqa weyn ee Bakaaraha? appeared first on Caasimada Online. -
Toronto (HOL) - The Toronto Police Service has issued a Canada-wide warrant for 19-year-old Ahmed Ali in connection to the daylight shooting death of Karolina Huebner-Makurat, 44, a mother of two caught in crossfire last summer in Leslieville.
-
Hargeisa (HOL) - A court in Hargeisa District sentenced poet Abdirahman Aden Ibrahim, also known as Abdirahman Abees, to 18 months in prison on Tuesday. This verdict has intensified global concern regarding Somaliland's respect for freedom of speech and human rights.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 16-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.
Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana maalintii labaad looga dooday sii wadista arrimaha Dastuurka oo dhowaan golaha uu meel mariyay xeerkiisa waxkabedelka oo looga furay dabarkii 20-ka sano hor yaakay.
Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegista Dastuurka KMG oo habraaciisa la ansixiyay, waxayna Xildhibaannadu falanqeeyeen isla xisaabtanka Hay’adaha Dowladda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka & dhulka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay doodooda arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaqeeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Bandhiga 5-aad ee Suuqweynaha Muqdisho, kaasi oo sanadkiiba mar Ganacsatada Gobolka Banaadir ay kusoo bandhigaan xirfadaha wax soo saarka iyo fursadaha Ganacsiga dalka, si bulshada ay u helaan badeecado jaban.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in horumarada ay ku tilaabsaneyso caasimadda ay ka mid tahay soo bandhiggida fursadaha Ganacsi ee dalka ka jira iyo in shaqo abuur ay helaan dhalinyaradda, waxa uuna ku baaqay in la ilaaliyo joogteynta Bandhiga Suuqweynaha Muqdisho oo shan sano jirsaday.
Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdikariin Gabeyre, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madobe ayaa shir-guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 16-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.
Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar.
Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegista Dastuurka KMG oo habraaciisa la ansixiyay.
Waxay xildhibaannadu fallanqeeyeen isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka iyo dhulka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa xildhibaannada uga mahad-celiyay doodooda arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaqeeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.
Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.
Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen.
The post Sawirro: Dooddii xasaasiga aheyd ee BF oo soo idlaatay iyo guddi cusub oo… appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo isxig-xigay oo shalay ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo lala beegsaday dukaamo ganacsi oo halkaasi ku yaalla.
Qaraxyada oo salaaddii duhur kadib shalay laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi.
Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay haatan mareyso illaa 12 qof, halka dhaawacuna yahay 41, sida ay muujinayso xogta dhaawaca iyo dhimashada ee labada isbitaal ee kala ah Madiina iyo Recep Tayyip Erdogan ama Ex-Digfeer,
Macluumaadkaasi oo VOA ay ka heshay wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in Isbitaalka Madiina la geeyey 8 qof oo mayd ah iyo 9 qof oo dhaawac ah.
Sidoo kale isbitaalka Recep Tayyip Erdogan ayaa qabtay 32 qof kuwaasi oo 4 qof oo ka mid ah ay mayd ahaayeen, halka inta kalena ay dhaawac yihiin.
Qaraxyada shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa badankood lala beegsaday dukaamada iibiya qalabka Electronics-ka, waxaana laamaha amniga ay sheegeen inay qaraxyadaasi ka dambeeyeen maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli rasmi ahaan uga haldin qaraxyadan.
Laamaha amniga ayaa baarista hordhaca ah ku sheegay in qaraxyadaasi ay sababeen miinooyin la dhigay goobahan ganacsi, waxaana weli socota baaritaano la xiriira arrintaan.
Suuqa Baarakaha ayaa ah suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, halkaasi oo xuddun u ah nolosha malaayiin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan noloshoodu ugu tiirsan yahay.
The post Xog cusub oo ku saabsan qaraxyadii Bakaaraha iyo khasaaraha oo aad u kordhay appeared first on Caasimada Online.
Police allege suspect connected to Toronto mother's killing has fled Canada
in News - Wararka
Posted
Toronto police have identified a third suspect wanted in connection with an east end shooting that killed a mother of two back in July.
Source: Hiiraan Online