-
Content Count
212,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Mogadishu (HOL) - Somali army forces, supported by international partners, conducted a planned operation in the Lower Shabelle region on Sunday, resulting in the killing of several al-Shabab militants.
-
England captain Harry Kane's late goal at Bochum was not enough as Bayern Munich suffered their third defeat in nine days.
-
Mogadishu (HOL) - The United States has expressed a shared interest with Somalia in advancing political and economic stability, preventing terrorism, and addressing humanitarian crises.
-
Cuba is presently awaiting official reports on health conditions of Dr. Landy Rodriguez and Dr. Assel Herrera, kidnapped in April 2019 by a terrorist group on Kenya-Somalia border.
-
The United States has conducted five strikes in areas of Yemen controlled by Houthi rebels, US Central Command (CENTCOM) has said.
-
Ceeldheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, kaas oo lagu beegsaday Shabaab.
Ciidamada huwanta ayaa ka hortegay weerar ay doonayeen inay Al-Shabaab kusoo qaadaan degmada Ceeldheer ee gobolkaasi, waxayna soo afjareen kooxdii loo diyaariyay weerarkaasi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Xoogga dalka.
“Guutada 24aad Khaalid Bin Walid CXD & kuwa Deegaanka ayaa Dagaal kooban ka dib so afjaray Khawaariijta dooneysay iney dhibaateyan Shacabka ku dhaqan degmada Ceeldheer” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay hayayeen xogta weerarka, kadibna ay sameeyeen ka horteg, isla markaana howlgalka uu ha dhacay duleedkaa degmada.
“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka oo helay Xogta dhagarta Argagixiso dooneysay iney weeraro Arbushaada ku qaadan Dagmada Ceeldheer ayaa looga hortagay Nawaaxiga Haanta Cagadheere,” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.
Dhinaca kale taliyaha guutada 24-aad Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalka ay sameeyeen ee ka dhacay gobokka Galgaduud.
Maxamed Dhagaweyne ayaa sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen iyaga iyo ciidamada deegaanka ay jab culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyay ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka waxay guluf ka dhan ah AShabaab ka wadeen gobollada dhexe, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaano badan.
The post Ciidanka DF oo soo afjaray Shabaab doonayay inay weeraraan degmada… appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Boliiska degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa qoraal ka soo saaray geerida Agaasimihii Waaxda Diyaaradaha ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable) oo meydkiisa laga helay hoyga oo ka degan yahay Waaxda Jeneraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.
War-muritiyeedka xalay kasoo baxay saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ayaa lagu yiri: “Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaalla Waaxda Jeneraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.”
Booliska ayaa intaas ku daray “Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil, 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley Waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.”
“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa billaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hadda ku jira ilaa 6 eedeysane iyo caddeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa.” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.
Ilo xog ogaal u ah kiiskaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Agaasimaha lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa, wuxuu ahaa nin masuul ah oo ka tirsan hay’adda duulista Soomaaliya, waxayna xubnihii noo waramay meesha ka saareen shakiga ah inuu isagu is-dilay.
Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla xeendaabka garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.
Maalmihii u dambeeyey waxaa jiray khilaaf salka ku haya maamulka hawada Soomaaliya oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku dooday in maamulka hawada ay isku koobtay Muqdisho, balse dowladda federaalka ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada dalka.
Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hadda Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.
The post Booliska oo war kasoo saaray agaasimihii meydkiisa laga helay gurigiisa Aadn Cadde appeared first on Caasimada Online. -
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa Sabtidii, ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed.
Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo diyaar garów halkaas ka wada,” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cali Maxamed Xasan “Cali Mareexaan” ayaa BBC-da u sheegay in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay Itoobiya kala hadlaysay arimo badan oo khuseeya labada dhinac.
“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xiriir oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arintaas,” ayu yiri wasiir Cali.
Wasiirka ayaa beeniyey in saraakiil sar sare oo Itoobiyan ah ay ku sugan yihiin Somaliland, balse wuxuu xusay inay jiraan saraakiil sare oo Somaliland oo ku sugan Addisa Ababa.
Wuxuu sheegay in wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, balse mar aan weydiinay inuu sharraxo ujeeddada ay halkaa u joogaan inay la xiriirto heshiiskii is afgaradka ee ay bilowgii bishii janaayo ay la galeen Itoobiya, ma uusan caddeyn.
“Horta wafdiyo Somaliland ah way ku kala maqan yihiin dunida, wax cusubna ma aha in wafdiyo Somaliland tagaan Kenya, Jabuuti, Maraykanka iyo Itoobiya, laakin waftiga wasiirka Arrimaha dibadda way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xiriirka labada dhinac, balse maaha kaliya heshiiska sida dowlada Soomaaliya uun ay uga dhagan tahay ee wax badan ayaan dunida kala hadalnaa,” ayuu yiri Wasiir Cali.
Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban siddeed xubnood, oo isugu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhamaystirka arintaasi.
Mar la weydiiyey in xubnahaas kuwo ka mid ah ay hadda joogaan Itoobiya iyo in kale ayuu yiri “Maya ma joogaan, waxay hadda joogaan Hargeysa,” ayuu yiri.
Isagoo ka hadlayey xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa laga dhigo mid rasmi ah ayuu sheegay “Si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa,” ayuu intaas raaciyey wasiir Cali.
Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sanad walba laakin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya, “waana dagaal qaawan oo ay dowlada Xasan Sheekh la galeen Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Cali Maxamed.
The post Maxaa ka jira inay Hargeysa joogaan xubno Itoobiyaan ah oo dhaqan galinaya heshiiska? appeared first on Caasimada Online. -
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyo Madaxweynaha Kenya William Ruto bisha May ee soo socota.
Booqashadan ayaa ku soo aadeysa ka dib markii Biden uu ka noqday sanadkii la soo dhaafay, ballan qaad uu ku tagi lahaa Africa.
Xoghayaha warfaanita ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa ku dhawaaqday booqashada uu Ruto ku imaanayo Mareykanka 23-ka bisha May ee soo socta.
Waxay sheegtay in ujeeda booqashada ay tahay sii xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinaca amaanka iyo nabadda, balaarinta xiirka dhaqaale ee labada wadan iyo difaaca mabaa’diida dimuquraadiyadda.
Warka ku saabsan booqashada Ruto ayaa soo shaac baxday, ka dib markii dalka Hiati uu ku dhawaaqay todobaadkan inay ka shaqeyneyso heshiis rasmi ah oo ay la gasho Kenya si loo xaqiijiyo in dalkaasi ay tagaan ciidamada Booliska Kenya ee mudada dheer laga sugayay.
Aqalka Cad ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Madaxweyne Ruto sidoo kale lagu maamuusi doono casha Sharaf loogu sameyn doono Aqalka Cad.
The post BIDEN oo casuumay madaxweynaha dalka KENYA appeared first on Caasimada Online. -
PRESS RELEASE
Africa dominates list of the world’s 20 fastest-growing economies in 2024—African Development Bank says in macroeconomic report
The report shows that the medium-term growth outlook for the continent’s five regions is slowly improving, a pointer to the continued resilience of Africa’s economiesReport forecasts stronger growth for Africa in 2024, outpacing projected global average; Continent is second-fastest-growing region after Asia.
Africa will account for eleven of the world’s 20 fastest-growing economies in 2024, the African Development Bank Group said in its latest Macroeconomic Performance and Outlook (MEO) of the continent released on Friday.
Overall, real gross domestic product (GDP) growth for the continent is expected to average 3.8% and 4.2% in 2024 and 2025, respectively. This is higher than projected global averages of 2.9% and 3.2%, the report said.
The continent is set to remain the second-fastest-growing region after Asia.
The top 11 African countries projected to experience strong economic performance forecast are Niger (11.2%), Senegal (8.2%), Libya (7.9%), Rwanda (7.2%), Cote d’Ivoire (6.8%), Ethiopia (6.7%), Benin (6.4%), Djibouti (6.2%), Tanzania (6.1%), Togo (6%), and Uganda at 6%.
“Despite the challenging global and regional economic environment, 15 African countries have posted output expansions of more than 5%,” Bank Group President Dr Akinwumi Adesina said, calling for larger pools of financing and several policy interventions to further boost Africa’s growth.
Africa’s Macroeconomic Performance and Outlook, a biannual publication released in the first and third quarters of each year, complements the existing African Economic Outlook (AEO), which focuses on key emerging policy issues relevant to the continent’s development.
The MEO report provides an up-to-date evidence-based assessment of the continent’s recent macroeconomic performance and short-to-medium-term outlook amid dynamic global economic developments.
The latest report is calling for cautious optimism given the challenges posed by global and regional risks. These risks include rising geopolitical tensions, increased regional conflicts, and political instability—all of which could disrupt trade and investment flows, and perpetuate inflationary pressures.
President Adesina emphasised that fiscal deficits have improved, as faster-than-expected recovery from the pandemic helped shore up revenue.
He explained further: “This has led to a stabilisation of the average fiscal deficit at 4.9% in 2023, like 2022, but significantly less than the 6.9% average fiscal deficit of 2020. The stabilisation is also due to the fiscal consolidation measures, especially in countries with elevated risks of debt distress.”
He cautioned that with the global economy mired in uncertainty, the fiscal positions of the African continent will continue to be vulnerable to global shocks.
The report shows that the medium-term growth outlook for the continent’s five regions is slowly improving, a pointer to the continued resilience of Africa’s economies.
Presenting the key findings of the report, the African Development Bank’s Chief Economist and Vice President, Prof. Kevin Urama said: “Growth in Africa’s top-performing economies has benefitted from a range of factors, including declining commodity dependence through economic diversification, increasing strategic investment in key growth sectors, and rising both public and private consumption, as well as positive developments in key export markets.”
He added: “Africa’s economic growth is projected to regain moderate strength as long as the global economy remains resilient, disinflation continues, investment in infrastructure projects remains buoyant, and progress is sustained on debt restructuring and fiscal consolidation.”
“The future of Africa rests on economic integration. Our small economies are not competitive in the global market. A healthy internal African trade market can ensure value-added and intra-African production of manufactured goods,” said Commissioner for Economic Development, Trade, Tourism, Industry and Minerals, African Union Commission, Ambassador Albert Muchanga.
He assured that the MEO forecast, and recommendations will be made available to African heads of state and that the report will be useful when the African Union makes its proposals to the G20- an informal gathering of many of the world’s largest economies to which the African Union was admitted last year.
The improved growth figure for 2024 reflects concerted efforts by the continent’s policymakers to drive economic diversification strategies focused on increased investment in key growth sectors, as well as the implementation of domestic policies aimed at consolidating fiscal positions and reversing the increase in the cost of living and boosting private consumption.
Speaking remotely, Zimbabwe’s Minister of Finance and Economic Development, Prof Mthuli Ncube described the report as being “on point” and consistent with the reality in his country, describing it as useful for economic planning across Africa. He urged the African Development Bank to continue its thought leadership to help policymakers continue to build resilience to withstand shocks and drive growth.
Ncube said: “Zimbabwe expects slower growth due to climate shocks in the region. Southern African countries depend on agriculture for economic growth, so climate-proofing agriculture is key. We are in talks with creditors to restructure its debt, which is slowing economic growth. Internally, the country will focus on economic and governance reforms and reforms around property rights to increase agricultural production.”
Up to 41 countries across the continent will in 2024, achieve an economic growth rate of 3.8%, and in 13 of them, growth will be more than 1 percentage point higher than in 2023.
Director of the Center for Sustainable Development, Columbia University Prof Jeffrey Sachs noted that long-term affordable financing must be part of Africa’s strategy to achieve growth of 7% or more per year and warned that Africa is paying a very high-risk premium for debt financing. He called for this point to be made to the G20.
“Long-term development cannot be based on short-term loans. Loans to Africa should be at least 25 years or longer. Short-term borrowing is dangerous for long-term development. Africa must act as one, in scale,” he explained.
Sachs, who is also the UN Secretary-General António Guterres’ Advocate for Sustainable Development Goals also called for a much larger African Development Bank, better resourced to meet Africa’s financing needs.
Overview of economic outlook across regions
The confluence of shocks notwithstanding, the resilience of the continent’s economies remains strong, with positive growth projected for the continent’s five regions.
East Africa: East Africa will continue to lead Africa’s growth momentum, with growth projected to rise to 5.1% in 2024 and 5.7% in 2025, supported by strong strategic investments to improve internal connectivity and deepen intra-regional trade.
North Africa: Successive adverse weather conditions and macroeconomic challenges will hold the region’s growth steady at 3.9% in 2024 with a slight improvement to 4.1% in 2025.
Central Africa: Growth is forecast to moderate to 3.5% in 2024 but projected recovery in private consumption and increases in mining investment and exports could help push growth to 4.1% in 2025.
Southern Africa: Growth will remain sluggish at 2.2 and 2.6% in 2024 and 2025, respectively. This reflects continued economic weakness in South Africa, the region’s largest economy.
West Africa: Growth is projected to pick up to 4 and 4.4% in 2024 and 2025 respectively. Strong growth in most countries in the region is projected to offset slowdowns in Nigeria and Ghana. The announced withdrawal of Burkina Faso, Mali, and Niger from the Economic Community of West African States (ECOWAS) casts a shadow over the sustainability of gains amid growing uncertainty.
Driving faster and more sustainable economic growthThe 2024 MEO says in the short term, tackling persistent inflation will need a mix of restraining monetary policy coupled with fiscal consolidation and stable exchange rates.
The report identifies structural reforms and strategic industrial policies as key to accelerating economic diversification and strengthening the export sector.
It recommends that countries invest more in human capital and pursue a resource-based industrialisation and diversification strategy that allows the continent to exploit its comparative advantage and build resilience to shocks.
2024 Macroeconomic Performance and Outlook (https://apo-opa.co/3UHdVhm)
President Adesina’s speech (https://apo-opa.co/49H7oaV)
Pictures (https://apo-opa.co/48jUVZu)
Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB).Media Contact:
African Development Bank Group (AfDB)
-
UAE restricts US ability to launch retaliatory airstrikes against Iran proxies
Some Arab countries, including the United Arab Emirates, are increasingly restricting the U.S. from using military facilities on their soil to launch retaliatory airstrikes on Iranian proxies.Some Arab countries, including the United Arab Emirates, are increasingly restricting the U.S. from using military facilities on their soil to launch retaliatory airstrikes on Iranian proxies, according to four people familiar with the issue, reveals POLITICO.
The U.S. has long deployed thousands of troops at facilities in the UAE, Kuwait, Oman, Qatar and elsewhere in the Middle East, and the Arab countries’ role in supporting U.S. military activities has come under intensified scrutiny since the Israel-Hamas war that erupted in October.
The conflict has pitted Arab governments’ interests in assuaging their citizens’ anger toward Israel against their desire to help Washington fend off Iranian-backed attacks. The restrictions on U.S. activities on their soil reflect Arab calculations on how supportive they can be — without angering Iran.
The news that some countries are restricting access is based on information from a U.S. official, a congressional aide and two Western officials, all of whom were granted anonymity to discuss a sensitive security issue.
Amid a rising civilian death toll in Gaza, several Arab countries, particularly those “attempting a detente with Iran,” are “increasingly restricting” the U.S. and partners from conducting self-defense operations from their soil, according to the U.S. official. This includes limits on retaliatory strikes against attacks in Iraq, Syria, and the Red Sea, the official said.
President Joe Biden has in recent weeks ordered multiple retaliatory air and missile strikes, some in conjunction with U.S. allies, against Iran-backed threats in the Middle East. Iran-backed militias have attacked U.S. troops in Iraq, Syria and Jordan using a mixture of drones, rockets and missiles 170 times since October, killing three U.S. service members and injuring dozens more. Meanwhile, Houthi rebels in Yemen have launched 46 attacks against shipping in the Red Sea and Gulf of Aden since the campaign started Nov. 19.
Certain Arab countries are restricting access to basing and overflight for the assets participating in these retaliatory strikes, the official said. It’s not clear how many countries are taking this action.
The reason the UAE in particular is doing this, per one of the Western officials, is “they don’t want to appear like they’re against Iran and they don’t want to appear too close to the West and Israel for public opinion reasons.” The UAE has in recent years also raised concerns about increasing attacks from the Houthis in Yemen. The rebel group has previously launched missiles into the UAE.
The UAE is home to Al Dhafra Air Base, which hosts dozens of U.S. aircraft involved in operations across the region, including fighter aircraft and reconnaissance drones such as MQ-9 Reapers.
One Defense Department official disputed the premise that there is tension between the U.S. and the Emirates over U.S. military basing, pointing out that A-10 attack aircraft and armed MQ-9 drones have recently operated out of Al Dhafra in support of operations to protect shipping in the Arabian Gulf.
But soon after the October strike, the Pentagon stopped publicly disclosing many of the aircraft types used in subsequent retaliatory operations against Iranian proxies.
Source Modern diplomacy
-
-
Abdinasir Muse Dahable, a distinguished Chevening alumnus, was found dead in his room in Mogadishu earlier today. Abdinasir, who hailed from Gebiley, Somaliland, was a respected member of the International Civil Aviation Organization (ICAO) team in Mogadishu, having been assigned to the city when the ICAO established its main office there in 2018.
Upon examination, visible signs of physical injuries were evident on his body, leading to the preliminary assessment that he had fallen victim to a violent assassination.
Sources in Mogadishu have confirmed to Inside Africa, that Somali regime in Muqdisho accused Abdinasir to have leaked sensitive security codes to Somaliland, the codes are used fo the navigation systems used by the Somali Air Traffic Control to manage the country’s airspace.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa caawa meydkiisa laga helay guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Salaadii Maqrib ee caawa kadib ayaa meydka ninkaan loogu tegay guri uu ka deganaa gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, kadib markii shaqaalihii iyo masuuliyiintii ay shaqo wadaagta ahaayeen ay heli waayeen xiriirkiisa.
Markii uu ka jawaabi waayey taleefanadiisa ayaa la raadiyey, waxaana qolkiisa loogu tegay isaga oo meydka ah oo jirkiisa ay dhaawacyo culus ku yaallaan.
Ilo xog ogaal u ah kiiskaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Agaasimaha lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa, wuxuu ahaa nin masuul ah oo ka tirsan hey’adda duulista Soomaaliya, waxayna xubnihii noo waramay meesha ka saareen shakiga ah inuu isagu is dilay.
Cabdinaasir Muuse Dahable wuxuu ka soo jeedaa gobollada waqooyi ee Soomaaliya, wuxuuna ayaa wiil aqoonyahan ah oo dhawaan waxbarasho sare ku soo dhameystay dalalka Jarmalka iyo Ingiriiska.
Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa, waxaana caawa baaritaan ku bilaabay kiiska oo gurigii tegay laanta dembi baarista ee booliska Soomaaliya, si loo tixraaco waxa sababay geerida marxuumka.
Booliska iyo hey’adda duulimaadyada rayidka oo Agaasime Cabdinaasir uu ka tirsanaa weli war kama soo saarin kiiskaan, waxaana weli socda baaritaano adag oo CID ay bilowday markii la ogaaday geerida marxuumka.
Maalmihii u dambeeyey waxaa jiray khilaaf salka ku haya maamulka hawada Soomaaliya oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku dooday in maamulka hawada ay isku koobtay Muqdisho, balse dowladda federaalka ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada dalka.
Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hada Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.
The post Xog: Agaasimihii diyaaradaha Somalia oo meydkiisa laga helay garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online. -
“Qabyadii Sharcigu way Innaga Dhammaatay waa in Doorashadii uun la Galaa” Murrashax Cirro
Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa goleyaasha Wakiillada iyo Guurtidda uga mahadceliyay xeerarkii doorashada ee ay ku ansixiyeen aqlabiyada.
Murrashax Cirro oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in qabyooyinkii sharcigu ay Somaliland ka dhammaadeen imikana loo baahan yahay in loo diyaar garoobo doorashooyinka isa saarka ah ee madaxweynaha iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan inay qabsoomaan 13ka November 2024ka.
“Qabyada kaliya ee hadhay waa in komishanku soo saaraan liiskii u dambeeyay ee cod bixiyeyaasha iyo jidwalkii doorashooyinka, iyaguna waxa ay sheegeen marka xeerka doorashada la ansixiyo inay soo saari doonaan,” ayuu yidhi Murrashax Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa uu sheegay mar haddii labadii gole ay ku ansixiyeen labadii xeer saddex meeloodow laba iyo in ka badan, in madaxweynahana looga fadhiyo oo kaliya inuu dhaqan geliyo.
Murrashax Cirro oo la weydiiyay ururrada cabanaya, wuxuu sheegay in ururradu yihiin qaar sharciya oo ku jira doorashada, haseyeeshee wuxuu ku dooday in qabyadii dhinaca shuruucdu soo gabogabowday.
-
Tensions between Horn of Africa rivals Ethiopia and Somalia boiled over on Saturday on the opening day of an African Union summit in Addis Ababa.
-
Alle ha u naxariisto Cabdinaasir Muuse oo ka tirsanaa Shaqaalaha ICAO ee Garoonka Muqdisho oo goordhaweyd qolkiisii isagoo mayd ah loogu tagay. Wararka qaar ayaa sheegaayo, inuu qoorta uga xirnaa xarig u muuqday in lagu ceejiyay.
Waxaa socda hada baaritaan ay wadaan laamaha amaanka gaar ahaan CID-da, waxii faahfaahin ah waxaa la ogaan doonaa baaritaanka kadib, marxuumnka ayaa muddooyinkaan dambe ka tirsaanaa hey’adda duulista rayidka lamana oga sababta loo dilay.
Muqdisho maalmaan waxaa ka dhacay dilalka nuucaan oo kale oo bulshada dhexdeeda ah, ciidanka ayaa qatay tiro dad ah kuwaas oo ku eedeysan dilal ay u geysteen shakhsiyaad kale, kuwaas oo dhowaan cadaallada la horgeyn doono.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu yahay geesi u bareeray khatarta safarkii Itoobiya oo guul u ahaa Soomaaliya, sida uu qabo xildhibaanku.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay guul-darro ku ahaan laheyd hadii uu ka baaqdo shirka madaxda Midowga Afrika, sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Addis Ababa ay sii ahaato xarunta Midowga Afrika.
“Xarunta Midowga Afrika waa naga wada dhaxeysaa, Itoobiya oo kaliya iskama lahan, waa nasiib darro in xarunta Afrika ay tahay Addis Ababa,” ayuu yiri.
Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa yiri, “In Xasan Sheekh uu ka maqnaado shirkaas dhabarjab weyn ayey Soomaaliya ku ahaan laheyd, inuu joogo oo qadiyadda Soomaalida uu ku soo bandhigo fagaarahaas saxbey aheyd, codka Soomaaliya ayuu ku guuleystay inuu gaarsiiyo dhamaan madaxda Afrika, waana guul weyn oo diblomaasiyadeed.”
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ka jirto isku duubni weyn, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed awoodaan inay dhulkooda ka difaacdaan cid kasta oo ku soo xadgudubta.
“Qof kasta oo Soomaali ah, xitaa Geel jiraha waa hubeysan yahay, dhulkiisana hal taako lagama qaadan karo, aad ayey isugu kalsoontahay Soomaalidu, una maleyn maayo in Itoobiya ay hadda diyaar u tahay inay dagaal la gasho Soomaaliya,” ayuu yiri.
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa sidoo kale sheegay in baaqii Xasan Sheekh ee ahaa in la midoobo oo dalka la difaacdo uu meel dheer gaaray, isagoo madaxda maamullada dalka ugu baaqay inay la shaqeeyaan madaxweynaha.
“Xasan Sheekh talaabooyinka uu qaaday iyo sida wanaagsan ee wadanka uu u maamulayo aad ayaan ugu faraxsanahay, karti iyo firfircooni uu ku daafici karo qaranimadabiyo xuduudaha Soomaaliya ayuu Xasan soo bandhigay, wuxuu hortagay wadamo iyo ururo badan, isagoo qaaday olole diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Yuusuf Xasan oo si cajiib ah uga hadlay go’aankii uu Xasan Sheekh ku tegay Addis Ababa appeared first on Caasimada Online. -
Muwaadin reer Somaliland ah oo Xamar Meydkiisa laga Helay iyo Tuhunno soo Baxay
Hargeysa(Qaran news)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise ( Shiine) ayaa sheegay in Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa wiil dhallinyaro oo u dhashay Somaliland meydkiisa laga helay Muqdisho iyadoo la weriyay in nabaro ka muuqdaan.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu Facebook ku daabacay oo u dhignaa sidan:-
“Cabdinaasir Muuse Dahable, ayaa la soo sheegay in Maydkiisa la helay isagoo ay ka muuqdaan nabaro muujinaaya in la ceejiyay. Sida uu soo weriyay Saxafi Axmed Cabdiraxmaan Hello.
Sida warar kale ay sheegayaan waxa tan iyo intii uu soo baxay warka ku saabsan in Somaliland ay hawadeedii la wareegtay la saaray culays shaqaalihii hagaayay diyaaradaha ee u dhashay Somaliland, kuwaasi oo xitaa maalmihii ugu danbeeyay ka baqanaayay inay eheladooda la soo xidhiidhaan.
Sida ay xaqiijiyeen asxaab ay isku lod ahaayeen muwaadiniinta Somaliland ee leh xirfada sare ee hagida diyaaradaha waxa xubno la xidhiidhay ay qoraal ahaan ugu soo sheegeen in ay ka daayaan wicitaanka.”
-
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa la kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda ee Qaramada Midoobay Jean-Pierre Lacroix.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay nabadda Iyo xasilloonida Soomaaliya Iyo guud ahaan geeska Africa.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka waxaa kulanka kala qayb galay Danjiraha JFS ee Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, La taliyaha Amniga Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Kamaal Daahir Guutaale iyo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheikh.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Shir madaxeedkii khudbadda ka jeediyey, kana soo tegay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Midowga Afrika ayaa galabta lagu soo gabagabeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
War-saxaafadeedkii laga soo saaray gabagabada shirka waxaa nuqul ka mid ah looga hadlay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo gaaray meel xasaasi ah.
Madaxda Midowga Afrika ayaa bayaankaan ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay saxiixii Muuse Biixi ee badda Soomaaliya ay ku soo damaacisay Itoobiya.
“Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, kadib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale bayaanka Midowga Afrika waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taageerada uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax-banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya.”
Warkaan ka soo baxay Midowga Afrika ee looga hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa loogu baaqay labada dal inay qaboojiyaan xiisadda, ayna yeeshaan wadahadal macno leh oo ku wajahan sidii xal nabadeed loogu heli lahaa khilaafka.
Itoobiya ayaa wajaheysa waji-gabax iyo faquuq diblomaasiyadeed oo caalami ah oo Soomaaliya ay ku kicisay, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka labada dal, waxayna Soomaaliya adeegsatay galaan-gal siyaasadeed oo aan caadi aheyn.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay Addis Ababa uga qeyb galay shirka madaxda Midowga Afrika ayaa jeediyey khudbad xasaasi ah oo xadgudubka Itoobiya uu ugu soo bandhigay madaxda dalalka Afrika, wuxuuna isagoo careysan isaga soo dhoofay Addis Ababa.
The post Midowga Afrika oo war cusub ka soo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online. -
Shir ay Hargeysa ku yeesheen Xisbiyada UCID iyo KULMIYE
Hargeysa(Qaran news)-Maanta waxaa kulan muhiim ah oo qado sharaf ah ku wada yeeshay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, labada Xisbiga Qaranka ee KULMIYE iyo UCID, kulankan waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Xuseen.
Kulankan labada Guddoomiye waxaa ku wehelinayey Masuulinta labada Xisbiga, waxaana mid ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye Kuxigeenka Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE, Ahna Wasiirka Horuumarinta Biyaha Salebaan Yuusuf Cali Koore, Guddoomiye Kuxigeenka Afraad ee Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Xoghaya Guud ee Xisbiga KULMIYE, Faysal Cabdiraxmaan, Siyaasi Cabdikariim Xinif iyo Masuulin kale.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID, waxaa kulanka ku wehelinayey Gudoomiye Kuxigeenka kobaad ee Xisbiga UCID, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, Afheenka Xisbiga Ucid iyo Masuulin kale oo ka mid ah Xisbiga UCID.
Kulankan oo ahaa is xogwaraysi ayaa ku soo dhamaaday jawi qurux badan iyo faham.
-
Somaliland oo ka Jawaabtay Hadal ka soo Yeedhay Xasan Sheekh
Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Jamhuuriyadda ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii shalay ka soo yeedhay Xasan Sheekh oo ay ku tilmaantay inuu ku shaaciyay dagaal ka dhan ah Somaliland iyo Qarannimadeeda.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray safiirka wareega ee Somaliland, waxa Xukuumaddu ay caddaysay in aanay raaligelin ka bixinayn difaacida qarannimadeeda iyo jiritaankeeda ay dafirayso dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya.
Somaliland waxay ku dooday in aanay Soomaaliya marna aanay si sharci ah ula midoobin isla markaana aanay qayb ka ahayn, kana noqon doonin Soomaaliya.
Xukuumaddu waxay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal 64 jir ah oo xudduudihiisuna waafaqsan yihiin heshiisyada caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.
-
Morocco’s navy rescues 141 African migrants
in News - Wararka
Posted
Morocco’s navy has rescued 141 African migrants onboard a boat that experienced difficulties while sailing from Mauritania to the Spanish archipelago of Canary Islands.
Source: Hiiraan Online