-
Content Count
211,853 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Paris (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale guul wayn ka gaartay barnaamijka dayn cafinta, kadib markii Naadiga Paris uu cafiyay 99% daynmihii uu ku lahaa Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada ay dowladda federaalka ku dooneyso inay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamka.
Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska,ayaa waxaa ku sugan wafti uu horkacyo wasiirka maaliyada Soomaaliya iyadoo halkaas lagu soo gebagebayay wada xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeelanay waddamada ku middoobay naadiga Paris ( Paris club) oo ku lahaa Soomaaliya lacag ka badan 3.1 billion oo doolar, iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris ay kala saxeexdeen heshiis lagu dhaafayo dentii ay Soomaaliya ku lahaayeen.
Tallaabadan ayaai waxay ka dhigantahay in Naadiga Paris Club ay u dhaafeen xaddi deyn oo ah in ay ka cafinayaan lacag dhan 1.2 bilyan oo dollar, taas oo ka badan intii ku waajibka ku ahayd hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC.Si loo sugo dhammaystirka hannaankan
Qorshahan ayaa waxaa sii xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo dal kasta lala gali doono, si ay si rasmi ah daynta uga masaxaan buugaagtooda.
Waxay tani marag ka tahay horusocodka joogtada ah ee dadka iyo Dawladda Soomaaliyeed ay ka samaynayaan dawladnimada dhiska, koboca dhaqaalaha iyo maamul wanaaga.
“Waxaan ku boggaadinayaa dalaka daynta inaga dhaafay deeqsinimadooda iyo garab istaagooda” ayuu yiri Biixi Imaan Cige oo ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaan joogna magaaladda Paris ee dalka Faransiiska oo aan kaga qeyb galayno wadda xaajood aad u ballaaran oo aan la yeelanayno naadiga Paris Club oo ay ku midaysan yihiin 10-ka dal ee deymaha ugu badan nagu lahaa,Soomaaliya waxay soo martay geedi dheer oo ahaa hanaan dib u dhis iyo qaabeyn hay’daha dowladda ah”.
Bishii Diseenbar ee sanadkii la soo dhafay 2023, waxaa Hay’ada Lacagta ee IMF iyo bangiga Aduunka ay ku dhawaaqeen in ay Soomaaliya soo buuxisay sharuudaha deyn cafinta si ay u hesho deyn cafin dhameystiren, intaas ka dib waxaa waajib noqtay in aan wadda xaajood la bilowno dalalkii deymaha nagu lahaa oo ay mudnaanta lahayeen naadiga Paris Club.
Wada-hadal wakhti dheer qaatay waxaan ku guuleysanay in aan ku qancino dalalka naadiga in ay gabi ahaan naga cafiyaan deynta ay nagu laheyeen oo runtii ka baxsan intii waajibka loogu lahaa deyn cafiska,waan uga mahadcelinayna sidaa ay noola qaateen deyn cafinta” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.
The post Soomaaliya oo gaartay guul kale oo aad u weyn + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay qalinka ku duugeen bishii February ee sannadkii hore 2023-ka ayaa waxaa kasoo baxaya xogo xasaasi ah oo la xidhiidha qodobada heshiiska.
Sida ay baahisay Middle East Eye oo heshay nuqullada heshiiskan, ayaa waxa uu ogolaansho u siinayaan Imaaraadka in uu isticmaalo dekedaha dhulka, badda iyo garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya, iyada “oo uu xaq u leeyahay” inuu ka sameysto saldhigyo ciidan iyo tababaro si uu hawlihiisa u sii wato.
Sidoo kale waxaa u dhigayaa heshiiskan aan lala wadaagin Soomaalida, in gebi ahaanba xasaanad la siiyay ciidamada Imaaraadka ee ku sugan gudaha Soomaaliya
“Dhamaan dadka ka shaqeeya heshiiskan waa in la siiyaa ilaalin iyo xasaanad ka dhan ah masuuliyad caalami ah, sharci ama maamul gudaha Soomaaliya,” ayuu si cad u qeexaya heshiiskan.
Tan ayaa ka dhigan in saraakiisha Imaaraadka aan lagu soo oogi karin habraac heer qaran ama caalami ah ama xataa dacwad iyo codsi xukun oo iyaga ka dhan ah.
Qodobkan ayaa ah midka ugu yaabka badan, islamarkaana khatarta ugu weyn leh.
Xukuumadda Abu Dhabi ayaa xoriyad dhaq-dhaqaaq ku leh gudaha Soomaaliya tan iyo markii la ansixiyay heshiiskan, ayada oo Imaaraadka uu bilaabay in gudaha Soomaaliya ay ka dhistaan saldhigyo cusub, taasi oo sare u qaadeysa shakiga iyo halista amni ee laga qabo heshiiskan.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka ka dhaxeeyey, xiligii uu talada hayey Farmaajo, balse hadda waxaa dib usoo celisay dowladda Xasan Sheekh.
-
Beledweyne (HOL) — A prolonged clash between Hirshabeelle forces and Hiiraan State erupted on Wednesday evening, resulting in the death of six people, including both combatants and civilians. The battle lasted over six hours and began around 11:00 PM in the Lamagalay camp area.
-
Caabudwaaq (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ku geeriyooday marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa wariye iyo samafale ka shaqeeya gudaha magaaladaasi.
Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo uu geystay nin waardiye ka ahaa xarun lagu hayo carruur agoon ah oo maamule ka ahaa marxuumka geerdiyooday.
Xarunta uu ka howlgalayay ayaa waxaa lagu magacaabaa Taakulo, taas oo qaab iskaashi ah ku hirgeliyeen jaaliyadda iyo wasaaradda waxbarashada ee maamulka Galmudug
Wararka ayaa sheegay in Cabdikariin Bulxan iyo askariga uu soo kala dhex-galay muran, isaga oo kadib ku furay rasaas, taas oo ka haleeshay madaxa, wuxuuna mar dambe sidaas ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Cabdikariin oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa si gaar ah uga howlgalayay haatan warbaahinta dowladda, isaga oo wakiil uga ahaa gobolka Galgaduud, gaar ahaan Caabudwaaq.
Sidoo kale waxa uu ahaa nin u ololeeya nabadda, wuxuuna ku caan baxay ‘Naftaada Bar Nabadda’ magacaas oo uu kusoo geli jiray aaladda Facebook-ga.
Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay madaxda wasaaradda warfaafinta oo uu ka tirsan Cabdikariin Bulxan oo ay dishay gacan ka xaq daran.
“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daauud Aweys Jaamac, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska, Qaraabada iyo Asxaabta Marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo ka mid ahaa Shaqaallaha Wasaaradda, kaas oo ku geeriyooday magaalada Caabudwaaq” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.
Ehellada ayaa haatan dalbanaya cadaalad iyo in tiirka la geeyay askariga dilay marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo si weyn looga garanayay gobollada dhexe ee dalka.
The post Nin waardiye ah oo maamulihiisii ku dhex dilay xarun ku taalla Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online. -
Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada maamulka HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka la magac baxay Hiiraan State ee ku sugan gudaha magaaladaasi.
Dagaalka ayaa billowday saqdii dhexe, waxaana illaa iyo hadda uu ka socdaa agagaarka xerad Lamagalaay ee magaaladaasi, halkaas oo ay isku fara saareen labada ciidan.
Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in xalay dagaalkan uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, isla markaana rasaasta gaartay xaafadaha qaar ee Beledweyne.
Inta la xaqoojiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 kale oo isugu jiro dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada HirShabelle la’isugu geeyay aagga saldhigga booliska ee magaaladaas, halka kuwa kalena ay joogaan qaybo kamid ah Beledweyne.
Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka oo saaka hakad ku jira, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.
Dhanka kale waxaa haatan billowday dadaallo ay bilaabeen waxgaradka deegaanka oo lagu doonayo in lagu qaboojinayo dagaalka culus ee ka qarxay halkaasi.
Beledweyne ayaa waxaa muddo ka jiray khilaaf dhinaca maamulka ah, kaas oo saameyn ku yeeshay horumarkii gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
The post Daawo: Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka qarxay Beledweyne appeared first on Caasimada Online. -
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.
Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;
1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
2. Maxamed Shiil Xasan Shiil
3. Muna Cumar Xasan
4. Yuusuf Xasan Mursal.
5. Axmed Maxamed Cabdi
6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin
7. Hinda Daahir Jaamac
8. Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
9. Fatuma Yuusuf SaciidGolaha ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah iyo Heshiis u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku saabsan ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortagga la-baxsashada canshuuraha.
Golaha ayaa joojiyey shirarka khuseeya Hey’adaha Dowladda ee lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba, isla markaana aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka, iyada oo goluhu xusay mudnaanta ay leedahay in ay si dhow u wada shaqeeyaan hey’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagaraha cadowga xilligaan lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
PUNTLAND POST
The post Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Golaha Warbaahinta Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
A body recovered from the Thames in London last month is believed to be that of missing woman Samaria Ayanle, the Metropolitan Police has said.
-
South Africa’s Minister of International Relations and Cooperation Naledi Pandor said that nationals who have served in the Israeli army will be prosecuted upon re-entering the country, as Israel continues its devastating war on the Gaza Strip for the sixth month.
-
Mogadishu (HOL) - Somali pirates, who hijacked the Bangladesh-flagged ship MV Abdullah from the Indian Ocean on Tuesday, are taking the vessel towards the Somali coast, with 23 sailors onboard currently held hostage. Rescue operations have been initiated following the crew's broadcasted plea for assistance.
-
Wasiirka Gaashaandhiga oo Hortagay Guddida Arrimaha Dibadda Wakiillada
Hargaysa(Qaran news)-Guddida hoosaadka Arrimaha Gudaha, Nabadgelyda & Difaaca ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Kulan Is-barasho & Xog-waraysi ah ugu yeedhay masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland oo ka Koobnaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Dr Rooble Muuse Cabdi & Agaasimaha Guud Mudane Foosi Maxamed Faarax.
Kulankaas ayaa ujeedkiisu daarnaa is barasho iyo is xog waraysi u dhexeeyay labada dhinaca ee guddida iyo wasaaradda Gaashaandhiga, maadaama oo guddiyadii golaha Wakiillada lagu sameeyay isku shaandhayn, oo guddidii hore ee arrimha guduhu ay meesha ka baxday.Guddida Arrimaha gudaha iyo difaaca ee golaha wakiilada ayaa golahooda u qaabilsan arrimaha la xidhiidha amniga iyo difaaca dalka, waxaanay mar kasta xogta kala qaataan isna xaal waraystaan Hay’adaha dalka u qaabilsan amniga sida wasaarada Gaashaandhiga oo kale.
Kulankan ayaa lagu soo qaaday intii uu socday sidii ay u xoojin lahaayeen labada dhinaca wada shaqaynta ka dhaxaysa iyo sidii la iskula jaanqaadi lahaa meelna looga soo wada jeedsan lahaa difaaca Qaranka.
Gebo’gabadii kulankan ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo iyada oo la isla qaatay xoojinta iyo difaaca Qaranimada dalka iyo sidii loo yeelan lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo xoogan. -
Mogadishu (HOL) - Former President Mohamed Abdullahi Farmajo has criticized the Somali federal government's strategy for finalizing the constitution. In a 10-minute pre-recorded speech distributed to the media on Wednesday, Farmajo discussed involving all political stakeholders and community sectors in the constitutional amendment process and urged President Hassan Sheikh's administration to reconsider the nation's trajectory.
-
Naadiga Paris Club ayaa shaaciyay in ay Soomaaliya ka cafiyeen 99% deymihii ay ku lahaayeen sida lagu sheegay war ka soo baxay Naadigaasi.
Waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Ruushka ayaa kansalay in ka badan 2 bilyan oo dollar oo deymihii lagu lahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Paris Club oo ah hay’ad xiriir la leh wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska oo xoghayn u ah dalal badan oo deyn bixiyeyaal ah.
Soomaaliya ayaa xaq u yeelatay in ka badan $4.5 bilyan oo deyn cafis ah looga sameeyo dhammaan deymihii lagu lahaa, kadib markii uu soo gebagaboobay dadaalkii deyn cafinta ee ay kormeerayeen hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka bishii December.
Soomaaliya ayaa gaartay heerkii “dhammaystirka” hindisaha barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah deymaha badan lagu leeyahay (HIPC), ka dib markii laga saaray nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah in ka badan 30 sano oo ay asteeyeen xasillooni darro iyo dagaallo sokeeye.
PUNTLAND POST
The post Naadiga Paris Club oo Soomaaliya ka cafiyay 99% deymihii uu ku lahaa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa “dacaayad” ku tilmaamtay warar sheegaya in uu hakad ku yimid mushaarka qaar ka mid ah ciidamada dawladda, sababo la xariira in mid ka mid ah dalalka shisheeye ee ciidamada Soomaaliya ka caawin jiray mushaarka uu joojiyay lacagihii kaalmada ahaa ee uu bixin jiray.
Warbaahinta qaar ayaa qortay in xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya uu hoos u dhacay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay heshiish difaac la gashay waddanka Turkiga oo ciidamo u tababaraayay Soomaaliya muddo sannado ah.
Hase yeeshee, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa beeniyey wararkaas. Inkasta oo uu wasiirku ka gaabsaday in uu si gooni ah uga hadlo warka la xiriira in dawladda Imaaraadku jartay deeqdii ay bixin jirtay, hadana waxa uu sheegay “in ciidamadu xuquuqdoodii ay helaan”.
Heshiiskaan Turkiga uu la galay Soomaaliya ayaa dhigaya in 10 sanno uu Turkigu ilaalin doono xeebaha Soomaaliya, ciidamo badeedna u dhisi doono Soomaaliya. Heshiiskaas oo ka koobnaa mid dhaqaale iyo difaaca ayaa sidoo kale waxa ay Soomaaliya ay heshiiska dhanka ka faa’iideysiga kheyraadka badda la saxiixatay dawladda Turkiga.
Soomaaliya waxay heshiishyo difaac la gashay, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga iyo Uganda. Balse waxaa wadamada badani loolan ugu jiraan shidaalka Soomaaliya oo ay dawladdu sheegtay in la soo saari doono dabayaaqada sanadkaan 2024 ta, markii ugu horeysay.
Dhanka kale dawladda ayaa beenisay in dhaqaale xumo ku dhacday darteed ay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee Galmudug isaga soo baxeen saldhigyadoodii.
Qaar ka mid ah ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lacagihii ay heli jireen qayb laga jaray, balse inteeda badan ay helaan oo u soo dhacdo.
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in aysan jirin ciidan laga jaray mushaar.
“Hal askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed oo aan mushaarkii loogu talo galay qaadanin ma jiro, dhammaan ciidamadu mushaarkoodeey qaateen – wax iska beddelayna ma jiro” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf.
Ciidamada kasoo baxay furimaha oo ay ku jiraan kuwa Macawiisleyda oo ka garab dagaalama ciidamada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay dayac ku muteen furimaha dagaalka, ayna jirin cid dhiirigelisa, sidaas darteedna ay qasab noqotay in ay banneeyaan dhulkii ay ku sugnaayeen.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dawladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah al Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka u dhuun daloola arrimaha ciidamada ay muddo sheegayeen in ciidamada dawladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.
Camaara iyo Bacaadweyn oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda isaga baxeen ayaa dib waxaa u qabsaday ururka Alshabaab, sida ay baahiyeen kooxdu.
Ururka al Shabaab ayaa mid ka mid ah weeraradii ugu adkaa ee ay ka gaystaan furimaha, waxa ay ku qaadeen ilaa todobo saldhig oo ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleyda ay ku lahaayeen deegaanka Caad.
Isha: BBC
The post Dowladda oo ka hadashay kaalmada la sheegay inuu Imaaraadka ka joojiyay appeared first on Caasimada Online. -
Cadaado (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Xasan Jaamici ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ciidamada looga soo saaray furimihii dagaalka ee Camaara iyo Bacaadweyne.
Taliye Xasan ayaa sheegay in isagoo wata 100 askari iyo gaadiid dagaal uu muddo sanad ku dhow ku sugnaa deegaanada laga soo baxay, intaasna uusan wax tixgelin ah ka helin masuuliyiintii dowladda u qaabilsanaa aaggaas.
Xasan Jaamici ayaa sheegay in howlgalka uu uga qeyb qaadanayey is xilqaan, maadaama deegaanada la xoreynayey ay cidiisu degto, balse wuxuu sheegay in joogitaankiisa ay dhibsadeen ssraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo dad kale oo magacyadooda uusan shaacin.
Jaamici ayaa sheegay in maalmo ka hor uu go’aansaday inuu soo booqdo reerihiisii, maadaama muddo sanad ku dhow uu joogay furimaha dagaalka, balse wuxuu sheegay in ciidamadii dowladda oo cod dagaal ku soo qaaday aysan jirin ay isaga soo baxeen deegaanadaas, isla markaana loo baahan yahay in la baaro sababta.
Sidoo kale Taliye Xasan Jaamici ayaa tirsanaya hadalo ui dhibsaday oo dhowr jeer ka soo gaaray saraakiil sare oo Taliyaha xoogga uu ka xusay iyo madax kale, “Xitaa mar waxay dhaheen Xasan Jaamici waa Shabaab, heer ay Shabaab igu tilmaamaan ayey gaareen, iyagoo dano gaar ah ka leh,” ayuu yiri.
Taliye Xasan ayaa sheegay in mar Taliyaha xoogga la weydiiyey saraakiisha hoggaamineysa ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka uu ka reebay oo si cad uu u yiri “Jaamici aniga iima joogo halkaas.”
Xasan Jaamici ayaa ku dooday in raggii dowladdu u xil-saartay shaqada ay dayaceen oo Muqdisho ay isaga soo laabteen mar hore, balse isagoo aan xil heyn uu dhabar adeygay oo in ka badan 7 bilood uu joogay furinta.
“Ciidanka waxaa furimaha kasoo saarey ragga lacagtii Ciidanka ku cunaya mukeyfka Xamar ee hadana noogu daray inay dacaayadaha naga fidiyaan,” ayuu yiri Taliye Xasan Jaamici.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Xasan Jaamici oo shaaciyey sabab yaab leh oo looga soo baxay furimihi Mudug appeared first on Caasimada Online. -
Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa xalay si aqlabiyad ugu codeeyay in la meel mariyo sharci horseedi kara in dalka oo dhan laga mamnuuco barta caanka ah ee TikTok, hadii shirkad iska leh maamulkeeda aysan ku wareejin shirkad Mareykanka laga leeyahay.
Xeerkan ayaa Tiktok loogu qabtay muddo lix bilood ah inay kaga hoos baxdo shirkadda la sheegay inay geed fadhiga u tahay ee laga leeyahay Shiinaha, islamarkaana ay isu dhiibto shirkad maxalli oo Mareykan ah si dowladda hantiwadaagga ee Shiinaha looga ilaaliyo xogta muwaadiniinta mareykanka ee isticmaala Tktok.
352 mudane oo aqalka wakiilada ayaa haa ugu codeeyay sharcigan oo ka dhigan halistii ugu weyneyd ee Tiktok soo wajhda tan iyo maamulkii Donald Trump.
Tiktok ayaa waxaa isticmaal qiyaastii 170 milyan oo kamid muwaadiniinta Mareykanka oo dhalinyaro u badan kuwas oo qaarkood ganacsiyi ku dhex heysta. Madaxa Tiktok Shou Zi Chew ayaa sheegay in ilaa 300 oo kun shaqo shaqaale mareykanka jooga ay halis gali doonto shaqadooda haddii laga mamnuuco gudaha dalkaasi.
PUNTLAND POST
The post Golaha Wakiilada Maraykanka oo ansixiyay Sharci ka dhan ah Shirkadda TikTok appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah argagixisada joogta Soomaaliya ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, wallow ay dhowr jeer ay duqeymo fuliyeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, haddana ma jirin dagaal qorsheyn oo ciidanka xoogga dalka qaadeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kasoo laabtay furimaha dagaalka waxaana uu si weyn ugu mashquulay dastuurka iyo xiisadda Itoobiya ee la xiriirta badda.
Inkasta oo madaxweynaha loogu garaabi karo arrinta Itoobiya oo shaqo bogaadin leh ka qabtay haddana wararka maalmihii tegay ka yimid deegaanada Caad, Camaara iyo Bacaadweyn ma ahan kuwa farxad galinaya shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ehelkoodii iyo saaxiibadoodii ku waayay qabashada deegaanadaas.
Saddexdaan magaalo oo Galmudug ka tirsan ayaa dib looga soo laabtay, iyada oo goobaha qaar laga soo baxay dagaal la’aan. Kasoo bixidaan ma ahan kamana dhigna inay argagixisada soo xoogeysatay ee waa jiritaanka tabashooyin ciidanka dhexdooda ah oo la xiriira dhaqaale, hoggaan xumo iyo siyaasad.
Galmudug oo bishaan November ee sanadkaan doorasho loo balansan yahay ayuu la dagaalanka argagixisada ku damay.
Saraakiil ciidan ayaa laga soo xiganaya in ciidankii Macawiisleyda deegaanka ay waayeen gunadii ay heli jireen, waxaa kale oo la duray wada-shaqeynta dhinacyada, waxaana batay gacmaha arrinta ciidanka iyo dagaalka ku lugta leh.
Maamulka Galmudug, ganacsato, madax ciidan, xubno xilal ka haya dowlad dhexe ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin daneynaysa doorashada soo socota ee Galmudug waxay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen howl-galladii ka socday deegaanada Galmudug, waxaana isku dhex yaacas keenay inuu dagaalka dhaqaaqi waayo, ugu dambeyna magaalooyin lasoo banneeyo.
Weli argagixisada ma itaal badna, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga rabaa inuu badbaadiyo dhiiggii, dhaqaalihii iyo go’aankii umadda Soomaaliyeed ee dagaalka argagixisada lagu bixiyay, si gaar ah reer Galmudug oo dagaalka wax badan u huray.
Mid kamid ah waxyaabaha fashilka keenaya balse uu xalkooda fudud yahay waa gacmaha badan. In howl-galkan uu yeesho hal talis, hal maaliyad iyo qorshe ayaa daawo u ah dayaca maanta muuqda, sida ay sheegeen saraakiil ciidan oo reer Galmudug ah.
Dadka deegaanka waxay baddi weli u muuqdaan inay daacad ka yihiin dagaalka, laakiin dagaal waa qorshe, dhaqaale iyo aragti, waana in dowladda dhexe laga arkaa ahmiyad gaar ah.
Dadka waxay aaminsan yihiin in Madaxtooyadda Soomaaliya uu dastuurka kala muhiimsanaaday la-dagaalka argagixisada. Horey wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in aanay Soomaaliya waxba u qabsoomi karin, horumar iyo dawladnimana aan laga shaqeyn karin illaa laga adkaado argagixisada.
Laakiin sida hadda loo shaqeynayo waxay kasoo horjeeda hadalkii hore ee madaxweynaha. Waxaa hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh inuu dhab u qaato ficiladii dhacay 72-dii saac ee lasoo dhaafay ee looga soo baxay magaalooyinkan, oo uu ka hortago in aanay tallaabada noocaas ah faafin, qorshe cusubna uu la yimaado dibna u jiheeyo dagaalka, umaddana uu si ficil ah ugu caddeeyo inuu dagaalka wax walba uga muhiimsan yahay.
Haddii aan taas la aadin oo madaxweynaha uusan dib u curin dareenka dagaal ee ciidanka iyo shacabka waxaa jirta cabsi ah inuu si guud uu howlgalka u fashilmo.
The post Kadib fashilka soo wajahay dagaalka, arrin culus oo la gudboon madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online. -
PRESS RELEASE
East Africa Sets Sights on Becoming an Liquefied Petroleum Gas (LPG) Hub
The Invest in African Energy forum will explore financing and development opportunities in LPG storage and distribution across East Africa, as the region seeks to bolster clean cooking accessPARIS, France, March 13, 2024/ — With more than 900 million Africans using biomass fuel and kerosene for cooking, liquefied petroleum gas (LPG) has emerged as a highly attractive and viable clean cooking solution. While still a fossil fuel, LPG burns more efficiently and produces fewer carbon emissions than wood, charcoal or kerosene. The fuel is both easy to store and transport, as well as able to meet Africa’s clean cooking needs reliably and to scale.
East Africa is one region embracing this solution, with several governments adopting policy measures aimed at scaling the use of LPG and increasing its accessibility and affordability. The role of LPG in meeting regional energy demand will be a key focus of the upcoming Invest in African Energy (IAE) forum in Paris, set to showcase opportunities in driving LPG uptake across East Africa; expanding the current distribution network, particularly in rural areas; and developing new financing schemes to offset high upfront costs for LPG equipment.
Organised by Energy Capital & Power, IAE 2024 (https://apo-opa.co/3UMOOtQ) is an exclusive forum designed to facilitate investment between African energy markets and global investors. Taking place May 14-15, 2024 in Paris, the event offers delegates two days of intensive engagement with industry experts, project developers, investors and policymakers. For more information, please visit www.Invest-Africa-Energy.com. To sponsor or participate as a delegate, please contact sales@energycapitalpower.com.
As a key demand growth market, Kenya is seeking to overhaul its LPG sector, with the government implementing reforms to eliminate taxes on locally manufactured cylinders and LPG products, as well as expand pipe infrastructure for the delivery of cooking gas to households. Last December, Tanzanian LPG distributor Taifa Gas launched construction of a $130-million, 30,000-metric-tonne LPG storage facility at the Dongo Kundu Special Economic Zone in Mombasa. As Kenya’s import capacity is expected to surpass its domestic consumption, the country could become a regional import hub, as it continues to diversify its LPG supplies and bring new storage capacity online.
Neighboring Tanzania has also emerged as a regional leader in LPG distribution, owing to its strategic location on the Indian Ocean and flagship Kigamboni LPG Terminal, which imports LPG from the Middle East and delivers it by truck to the wider region. Last November, the country launched its first compressed natural gas filling station and conversion center in Dar es Salaam, developed by TAQA Dalbit – a joint venture between TAQA Arabia and JCG Oil & Gas. Meanwhile, Taifa Gas – in partnership with Zambia’s Delta Marimba – is constructing a $100-million LPG facility in northern Zambia to generate clean cooking gas and supply 100 MW to Zambia’s grids.
Seeking to reduce costly imports, Uganda’s Ministry of Energy and Mineral Development recently announced plans to start domestic production of LPG by 2025. The country is currently developing an LPG facility in Buliisa District and aims to process associated gas from upcoming oil production into LPG. Uganda’s Tilenga and Kingfisher oil fields – currently under development – are expected to produce 80 metric tonnes and 20 metric tonnes of LPG, respectively, while the country only consumes around 20 metric tonnes annually. As a result, Uganda is targeting LPG exports to the East African region. Last January, Uganda issued a five-year license to China National Offshore Oil Corporation – operator of the Kingfisher field – to construct an LPG facility near the Lake Albert Development.
With more developments underway – including the launch of construction of LPG storage facilities in Kigali – the East African region shows no signs of slowing down its LPG expansion plans. With major unmet demand for clean cooking access, the sub-sector represents a critical opportunity for global investors and partners to participate in driving distribution, transport and storage capacities across the region.
Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power.
SOURCE
Energy Capital & Power -
Wasiirka Deegaanka oo la Kulantay Wefti ka socday Denmark
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada JSL Marwo Shukri X. Ismciila banddare oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Deegaanka mudane Mohamed Abdulahi Ducaale ayaa Qaabikay Wefti Ka Socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmarka, gaar ahaan Xafiiskeeda DANIDA khuburo u qaabilsan arrimaha mashaariicda Deegaanka iyo Isbdelka Cimilada.Wasiirka Iyo Agaasimaha guud ayaa Weftigan Warbixin balaadhan ka siiyey Hawla ay qabato Wasaardda Deegaanku Iyo Qorshayaasheeda.
Waxay Weftigan u sheegen in Wasaarddani Qaranka u qaabilsantahay Ilaalinta deegaanka iyo Duurjoogta, iyagoo xusay in Sanadahan danbe ay Wasaaraddu ku Hawlaneed Sidii Shacabka looga Dhaadhicin lahaa Dhibaatada Isbedelka Cimilada, Dadkuna ula qabsan lahaayeen.
Dhankooda Weftigu waxay Wasiirka iyo Agaasimaha uga Mahadnaqeen Warbixinta waafiga ah ee ay siiyeen, waxaanay dhankooda soo dhaweeyeen inay Wasaaradda Kala shaqeyn Doonaan dhinacyo badan oo khuseeya ilaalinta Deegaanka.
Waxaana lagu balamay kulamo kale oo lagu dardargelinayaa Wadashaqeynta Wasaaradda iyo Dawlada Denmark.
-
CAIRO, Egypt, March 13, 2024/ — African Export-Import Bank (Afreximbank) (www.Afreximbank.com) is pleased to announce its collaborative effort with the Grand Africa Initiative (GAIN) through a grant aimed at facilitating the training of 300 young African entrepreneurs. The training program will focus on entrepreneurship and intra-African trade and is set to commence in March 2024.
The GAIN-Afreximbank Masterclass on Entrepreneurship and Intra-African Trade has been meticulously designed to equip young African entrepreneurs from various regions of the African continent with essential skills to foster the growth and expansion of their enterprises beyond their individual national borders. Over a comprehensive six-week program, participants will gain valuable insights into how to build and expand their businesses leveraging the intra-African Market. Participants will receive technical guidance, practical training, and business advisory from a faculty of international experts.
Moreover, this program aims to enhance inclusivity in the implementation of the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) by offering interventions that specifically support young Africans, women, and small and medium-sized enterprises.
Interested individuals are encouraged to submit their applications through the official program website at www.GrandAfrica.org. Prospective entrepreneurs will be selected from across Africa and are required to meet the following criteria:
Must be between age 20 to 45 years old
Must be a registered business entity.
Must be of African descent
Must have a business in Africa
Must have a business that has been in operation for a minimum of two years.
Must have access to a stable internet connection and electricity.
Have a good knowledge of English Language
Yusuf Daya, Director, AU/AfCFTA Relations and Trade Policy, Afreximbank emphasized the crucial importance of capacitating young African entrepreneurs to take full advantages of the opportunities availed by the AfCFTA. “Our renewed support to the GAIN Masterclass underscores the Bank’s efforts to develop skills of African youth and build African entrepreneurial capacity under the Afreximbank Academy (AFRACAD). We look forward to an even more successful program in 2024 following the highly impactful masterclass in 2022 which helped build the capacity of 200 entrepreneurs from across the continent”.Jerry Ojima Momoh, the Partnership Lead at GAIN, expressed his enthusiasm, stating, “This marks the fifth edition of GAIN Entrepreneurship masterclass series designed to empower African youths. We have two series so far focused on training women and three series now open to both male and female. We are happy to have this partnership with Afreximbank again this year to provide invaluable entrepreneurial support to young entrepreneurs. In 2022, we trained participants from 29 countries across Africa. Beyond the training, participants will gain in-depth knowledge, build connections, and access mentorship from experienced global mentors, all of which will have a successful impact on their business growth.”
Distributed by APO Group on behalf of Afreximbank. -
Berbera, (Qaran news)- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Rooda Cilmi ayaa ka qaybgashay xaflad lagu qabtay Berbera oo lagu hirgelinayey Taawar cusub oo ciidamada ilaalada xeebuhu kula soconayaan dhaqdhaqaaqa baddaha Somaliland.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Marwo Rooda Cilmi ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaantay Taawarka ciidammada baddu kula soconayaan xarakaadka iyo dhaqdhaqaaqyada ka jira xeebta oo ay sheegtay inay ka jiraan xasarado badan oo u baahan in laga digtoonaado.
Waxa kaloo ay u mahad celisay Hay’adda caalamiga ah ee gacanta ka geystay wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland
-
MINNEAPOLIS (HOL) – A new partnership between Somali Week and Somalisnaps aims to elevate Somali American culture on the national stage, organizers announced Tuesday.
-
Mogadishu (HOL) - Pirates have hijacked the Bangladeshi-flagged bulk carrier MV Abdullah, demanding a $5 million ransom for the ship and its 23 crew members. The vessel, carrying coal from Mozambique to the UAE, was taken near the Somali coast.
-
Superintendent Lisa Sayles-Adams apologized to parents Tuesday over the cuts outlined last week at a district finance committee meeting.
-
London (HOL) - Sacad Ali, a 24-year-old Somali youth, was fatally stabbed in Sheffield, England, marking another incident in a series of violent acts against Somali youngsters in British cities. The incident occurred around 4:30 a.m. GMT last Saturday at Ponderosa Park, according to South Yorkshire Police
Darawal Soomaali ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan
in News - Wararka
Posted
Muwaadin Soomaali ah oo Darawalnimada kaga shaqeynsan jiray dalka Koonfurta Suudaan, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen gobolka Jonglei ee Koonfurta Sudan.
Elizabeth Nyadak John, oo ah wasiirka warfaafinta ee gobolka, ayaa sheegtay in muwaadinka Soomaaliga ah ee la dilay uu kamid ahaa kolonyo gaadiid ah oo raashin gargaar ah u waday degmada Uror oo ku taalla Gobolka Jonglei.
“Kolonyo 10 baabuur ah ayaa ka baxay caasimadda gobolka Bor si ay raashin gargaar ah u gaarsiiyaan waqooyiga gobolka. Nasiib darro, 10-kii baabuur ee ugu dambeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Duk Panyang Payam oo ay weerareen kooxihii weerarka geystay, darawalkiina waxaa lagu toogtay isla goobta ,” ayay tidhi Elizabeth Nyadak John.
Wasiir Nyadak ayaa dhaleeceeysay dhacdadan, waxayna sheegtay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu doonayay in lagu hor istaago raashin la gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan.
“Gawaarida xamuulka ah lama dhicin sida xogta aan ku hayno. Waxay beegsadeen gaarigii ugu dambeeyay ee siday raashinka WFP iyagoo rasaas ku furay gaariga kadibna madaxa ayay ka toogteen darawalkii, ayay hadalkeeda ku dartay.
“Sababta waxaan uga shakisannahay inay tahay in aysan doonayn dadkayaga soo laabtay ee ka soo laabtay Suudaan iyo Itoobiya inay helaan cunto,” ayay raacisay hadalkeeda.
Guddoomiyaha gobolka Duk, Peter Latjor Chuol ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay in aaan wali la aaasin meydka darawalkii la dilay.
Soomaali badan ayaa dalka Koonfurta Suudaan kaga shaqeysta shaqooyinka darawalnimada gaadiidka xamuulka qaada. Weli safaaraadda Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan war rasmi ah kamasoo saarin dilka muwaadinka Soomaaliyeed.
Source