Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,964
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Hay’adda SoDMA, ayaa maanta markale deegaanka Garasbaaleey si gaar ah waaxda afaraad, iyo xaafadda Weydow degmooyinka Xamar-jajab iyo Howlwadaag waxa ay gargaar ugu qaybisay 13,900 oo qoys oo iskugu jira danyar, barakacyaal iyo kuwa naafo ah.

    Deegaanka Garasbaaleey waxaa gargaar loogu qaybiyey 12,000 oo qoys halka degmooyinka Xamar-jajab iyo howlwadaag gargaar loogu qaybiyey 1,900 oo qoys,  qoysaskaan ayaa u badan dad danyar ah kuwaas oo gargaarka siweyn ugu baahnaa xilligaan bisha Ramadaan.

    Qoysaska gargarkaan afurinta ah aad uga faa’iideeystay ayaa u mahadceliyay  Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, oo u taagan caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed oo xilligaan ku jora bisha Barakeysan ee Ramadaan.

    Source: goobjoog.com


  2. 53040433839_6801da2ee7_o-scaled.jpg?fit=

    Muqdisho (Caasimada Online) – Doodda baarlamaanka Soomaaliya taalla ee la xiriirta dastuurka waxay dhex taagan tahay Cutubka 4-aad. Cutubkani waa midka ugu xasaasin waxaana ku jira isbeddelka haylka dowladnimada oo loola jeedo in laga guuro booska ra’iisul wasaaraha, laguna beddelo madaxweyne ku-xigeen.

    Cutubkan ayaa sidoo kale waxaa ku jira hanaanka doorashooyinka iyo dalka uu yeesho laba xisbi. Marka ay dhamaato doodda iyo wax ka beddelka Cutubka 4-aad hal mar ayaa la ansixin doona afarta cutub ee 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad.

    Codkooda waxa uu noqon doona gacan taag oo dowladda ayaa horey ugu adkaatay in habraaca sidaas laga dhigo. Illaa 100 Xildhibaan ayaa isku diiwaan-gelisay ka hadalka Cutubka 4-aad.

    Waxaa jirta dood ku saabsan in la ansixiyo kahor fasaxa bisha Ramadaan ee baarlamaanka ama markii laga soo laabto fasaxa. Villa Somalia waxaa la sheegay inay dooneyso in afarta cutub la ansixiyo kahor fasaxa baarlamaanka.

    Wararka qaar waxay sheegayaan inay macquul tahay in 23 bishaan lagu kala baxo meel-marinta afartaasi cutub.

    Mucaaradka waxay si weyn u diidan yihiin hanaanka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh rabto inay u dhameystirto dastuurka. Laakiin diidmadooda wax ficil ah lama socdaan mana ka muuqdan wax itaal siyaasadeed ah oo hadal ka badan.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uusan baarlamaanka u socon, isaga oo sabab uga dhigay sida ay u meel-mariyeen habraaca loo marayo dhameystirka dastuurka.

    Wuxuu ahaa mid kamid ah xubnihii la filaayay inay Xasan Sheekh kula diriri karaan baarlamaanka, laakiin taasi ma dhicin. Shariif Sheekh Axmed dadaalo kooban oo uu sameeyay waxba uma dhalin, halka ay Saciid Cabdullaahi Deni ku adkaatay inuu ka dhex kalluumeysto baarlamaanka, tii oo dhinaca kale jiraan inay wada-hadallo hoose u socdaan Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

    Dadka ka faalloonaya mowduucan ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkaan doono afartaan cutub, oo baarlamaanka uu heegan u yahay qorshaha Villa Somalia, isaga oo fiirsanaya gunnooyinka dheeriga ah iyo ballan-qaadyada isku shaandheynta.

    Mucaaradka si buuxda ayaa loogu dhex jabiyay baarlamaanka, qaarna isma ogola oo qadiyadan diidmadeed shirko kuma ahan. Siyaasiyiinta mucaaradka oo markii hore laga filaayay inay madaxweyne Xasan Sheekh ka hor istaagi karaan qorshihiisa dastuurka ayaa hadda doodda u beddelay xagee lagu dhaqan-gelin doona xitaa haddii la meel-mariyo.

    Waa caado soo jireen ah in marwalba ay kooxda tallada haysa ku adag tahay baarlamaanka, laakiin dhinaca kale waxaa la arki jiray mucaarad intaan ka xoog badan oo waxyaabaha qaar gaarsiin jiray heer ay si sax ah umadda ugu soo wada jeesato.

    Inkasta oo ay sax yihiin dhamaan dooddaha la xiriira in aan loo dhameyn qorshaha dhameystirka dastuurka, haddana madaxweyne Xasan Sheekh uma muuqdo nin diyaar u ah inuu taas u joojiyo, mucaaradkana uma muuqdan kuwa itaal u leh inay isaga joojiyaan, sidaas awgeed waxaa badi la isku raacsan yahay inay Villa Somalia ku adkaaneyso meel-marinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.

    The post Xasan Sheekh oo dhowaan heli doona wixii uu raadinayay muddo iyo mucaaradka oo… appeared first on Caasimada Online.

  3. Ciidanka deegaanka ee dib u xoreynta ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere Koonfurta gobolka Mudug ayaa qaaday howlgallo ay dhowr deegaanno uga sifeeyeen Al-shabaab, kuwaas oo hoostaga magaalada Xarardheere.

    Deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada ee Gobalka Mudug ayey Ciidanku Kala wareegeen Al-shabaab, Kuwaasi oo kooxda  u ahaa goobo ay ku sugnaayeen, ciidanka ayaa hore dhowr howlgal uga fuliyay.

    Cabduqaadir Kadiido oo ka tirsan Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka ay fuliyeen ayaa tilmaamay in howlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah Al-shabaab ay sii wadi doonaan howlgallada ka socda Mudug inta Al-shabaab laga saarayo.

    Taliyaha waxaa uu tilmaamay howlgalada ka socda aaga degamada Xarardheere in Al-shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan sidoo kale lagu dilay xubno ka tirsan kooxda sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka.

    Source: goobjoog.com


  4. Xasan-Afwerki.jpeg?fit=1008%2C642&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho laba maalmood qaadatay oo dalka Eritrea uu ku tagay, hadaba maxaa sababay in Xasan Sheekh uu dhowrkaan bilood safarro is dabajoog ah ku tago Eritrea?.

    Su’aashaas wuxuu Xasan Sheekh kaga jawaabay wareysi uu siiyey TV-ga Qaranka Eritrea, isagoo yiri “Waxaan halkaan u imid in aan warbixin ka siiyo madaxweynaha Eritrea isbedellada iyo horumarka ka socda Soomaaliya, isla markaana aan weydiino wixii talooyin ah sidii horey loogu sii wadi karo xoreynta argagaxisada ee dalkeena.”

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eritrea ku ammaanay doorka ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay Eritrea samaysay wax dalal yar ay ka sameeyeen Soomaaliya.

    Xasan Sheekh ayaa wareysigaas ku sheegay in ciidamo badan oo Soomaali ah lagu tababaray dalka Eritrea, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay Eritrea u aragto wadan aan wax dan ah oo gaar ah ka lahayn Soomaaliya ee walaaltinnimo un u caawinaya.

    Waxaa la rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh uu Eritrea ku tagay in kabadan safarrada uu ku tagay dalalka kale ee caalamka muddo xileedkiisan.

    Safarkaan dambe ee hadda uu ka soo laabtay Xasan Sheekh waxaa la sheegay in Afwarki ay ka wadahadleen xiisadda Itoobiya, maadaama labada dalba ay cadowgooda koowaad u arkaan Itoobiya.

    Sidoo kale waxay Xasan iyo Afwerki aad u gorfeeyeen sidii ay u sii xooji la haayeen xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea oo dano badan wadaaga.

    Ciidamada ugu badan ee Soomaaliya tababarka ugu maqan waxay joogaan dalka Eritrea, taasi waxay keentay in Xasan Sheekh uu kalsooni badan u qaado dalkaas oo noqday wadanka ugu badan ee safar uu ku tegay intii uu joogay xukunka.

    The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu mar kasta ugu safro dalka Eritrea appeared first on Caasimada Online.

  5. Muuse-Biixi-Abiy-Ahmed.jpeg?fit=2048%2C1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo weli ku adkeysaneysa heshiiskii is-afgarad ee 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay la gaartay Ethiopia, ayaa qaaday tallaabo cusub oo u muuqata in maamulka uu ku muujinayo in weli uusan waxba iska bedelin heshiiskaasi, xilli ay ka horyimaadeen DF iyo caalamkaba.

    Madaxda Guddiga farsamo ee xukuumadda Somaliland u xil u saartay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia oo muddooyinkii dambe dadaallo lagu xoojinayo dhaqan-galka heshiis beenaadkaasi ayaa waxay la kulmeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland.

    Mucaaradka ayaa Soo dhaweeyey heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Somaliland iyo Ethiopia kadib kulan ay labada xisbi mucaarad la qaateen madaxda guddiga farsamo ee heshiiska labada dhinac.

    Kulanka guddigu la qaateen hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa lagu sheegay in ujeedkiisu ahaa mid isxog-waraysi iyo talo urursi la xiriira isfahamka dhex-maray Somaliland iyo Ethiopia oo ay guddidani ku hawlan tahay lafa-gurkiisa.

    Guddiga ayaa waxay hoggaanka sare ee asxaabta mucaaradka uga warbixiyeen hawlaha ay guddi ahaan gacanta ku hayaan iyo hirgelinta hawlaha ay u xil-saaran yihiin, ayada oo hoggaanka labada xisbi ay aragtiyo iyo tallooyin la xiriira heshiiska la wadaageen guddiga.

    Madaxda asxaabta mucaaradka ayaa ku bogaadiyay dadaaladda guddigu gadhwadeenka ka yahay, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay kulanka guddiga farsamada heshiiskii Addis Ababa iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland.

    Guddigan ayaa horey u booqday dhul badeedka loo asteeyay Ethiopia oo ku yaalla degmada Lughaya, halkaasi oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin. Sidoo kale waxay la kulmeen odayaasha dhaqanka iyo qaybo ka mid ah bulshada deegaankaasi, xilli ay reer Lughaya meel adag iska taageen damaca gurracan ee Ethiopia iyo heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan.

    Arrimahan ayaa imanaya xilli lasoo warinayo in Ethiopia ay ka fakareyso inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland ee qeybta ka ah heshiiska is-afgarad ee u durbaan tumaneyso Somaliland.

    Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ayaa illo-wareedyo kasoo xigatay in wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya.

    Saraakiisha Ethiopia ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.

    Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in aysan marna wada-hadal toos ah la geli doonin Ethiopia, illaa Addis-Ababa ay ka laabato heshiiska sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland, waana midda la rumeysan inay soo dadajisay in Ethiopia ay ka fikirto ka laabashada qeybo kamid ah heshiiskaasi.

    The post SOMALILAND oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii BADDA ee Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

  6. Hotel-Syl-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl

    Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo xubnaha kale ee ka qayb qaadanaya baaritaanka weerarkii Hotel SYL ayaa dib u daawanaya wixii ay duubeen kaamirooyinka ku xiran waddooyinka magaalada Muqdisho.

    Baaritaanka ayaa waxaa iska kaashanaya Hay’adda Nabad Sugidda, Talisyada Booliska iyo Militariga iyo xubno kale oo ka socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Raysal Wasaaraha.

    Ahmiyadda 1-aad ee baaritaanka ayaa si dhow loogu dersayaa muuqaalada laga helay goobta uu weerarku ka dhacay, waddooyinka ku xeeran iyo dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ka jiray ka hor iyo ka dib-ba markii uu weerarku dhacay, si wax uun macluumaad ah looga helo dableydii weerarka gaysatay, haddii ay jirto cid ka tirsan hay’adaha ammaanka oo kala shaqeysay weerarkaasi amaba ka gaabisay shaqadii uu qaranku u igmaday.

    Maadaama ay hay’adaha ammaanka ku guuldareysteen inay ka hortaggaan weerarkaasi ayaa waxay hadda ku foogan ka daba taggiisa, si loo helo tixraac lagu gaari karo maskaxdii ka dambeysay weerarka iyo halkii laga soo abaabulay.

    Wararka ayaa sheegaya in Hay’adda Nabad Sugidda ay hoggaamineyso baaritaanka, haddii Xarunta Hay’adda NISA ee Muqdisho ay tahay meesha laga la socdo oo laga kontoroolo kaamirooyinka ku xiran waddooyinka.

    Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhammaan saraakiishii iyo askartii ku qorneyd kontoroolada amniga lagu hubiyo ee ku yaala waddooyinka soo gala hotelka, xilligii uu weerarku dhacayay looga yeeray Xarunta Hay’adda NISA. Ma cadda inuu raad soo galay iyo in la doonayo in wax laga weydiiyo weerarkaasi.

    Baaritaanka socda ayaa lagu sheegay mid aad u adag, bacdamaa Madaxda Dowladda Federaalka ay gadaal ka riixayaan in jawaabo loo helo su’aalaha ka dhashay weerarkaasi iyo qaabka uu u dhacay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa adkeynaya in arrintan ay cid masuuliyaddeeda qaaddo, si loogu ciqaabo, xilkeedana ay ugu weydo, xitaa haddii aan gacanta lagu soo dhigin kuwii Shabaabka ka tirsanaa ee lahaa diyaarinta qorshaha weerarka.

    Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan Caasimadda Muqdisho.

    Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Amniga, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

    “Ra’iisal Wasaaraha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waxa uu hoosta ka xariiqay Raysal Wasaare Xamse, sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.”

    Xamza ayaa daba joogo baaritaanka ay wadaan laamaha amniga ee la xiriira weerarka hotelka, waana xilli si joogto ah lagu la soo socodsiiyo, halka ay wax marayaan.

    Weerarkan ayaa muujiyay in Shabaabku ay carqaladeyn karaan amniga Villa Somalia, waana sababta ay uga gilgisheen Madaxda Qaranka oo muddooyinkan ku howlanaa dardargelinta hawlgalada dib-u-xoreynta dalka.

    The post Baaritaanka weerarkii Hotel SYL iyo waxa ku soo kordhay appeared first on Caasimada Online.

  7. Abiy-Ahmed-Recep-Tayyip-Erdogan.jpeg?fit

    Ankara (Caasimada Online) – Waxaa sanadihii dambe si weyn u xoogeystay xiriirka Turkiga iyo Itoobiya, taas oo keentay in Turkiga noqdo maalgashadaha shisheeye ee ugu weyn gudaha Itoobiya.  

    Waxaa dalka Itoobiya ka hawlgasha wax ka badan 200 shirkadood oo Turki ah, hantida dalkaas lagu maalgaliyayna waxa ay hadda kor u dhaaftay $2.5 bilyan dollar.  

    Tan waxa ay shirkadaha Turkida ka dhigtay in ay noqdaan kuwa shaqo siiya dadka ugu badan dalkaas oo shaqo ka hela ganacsi ajnabi leeyahay.  

    Sida uu Turkiga ugu balaartay Itoobiya waxa uu xitaa ka fikirayaa in uu qunsuliyad ka furto magaalada Harar oo ay degenyihiin dad asal ahaan kasoo jeeda Turkida, waxaase cajiib ah in qorshaha uu ka mid yahay in qunsuliyadaas ay u adeegto deegaanka Soomaalida illaa iyo Hargeysa.

    Sanadkii 2021, Turkiga Iyo Itoobiya waxa ay saxiixdeen heshiiska Ganacsiga, Biyaha iyo Militariga kadib booqasho uu Ra’isul Wasaare Abiy ku tagay Turkiga.  

    Arirmahan ayaa imanaya ayada oo 8-dii Febraayo ay Soomaaliya iyo Turkiga saxiixdeen heshiis difaac oo dhanka badda ah. Heshiiska waxaa qeyb ka ah in Akara ay badda Soomaaliya ka difaacdo dhinacyada dibadeed ee halista ku ah madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

    Tan iyo intii uu dhacay heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya, Turkiga waxa uu aad isugu dayay in uu Itoobiya u muujiyo in uusan iyaga duulaan ku ahayn, waxaana warbaahinta Turkiga si joogto ah ugu soo baxayay maqaalaad hoos loogu dhigayo cabsida ay Itoobiya qabto.

    Balse heshiiska illaalinta badda waxa uu ku guuleystay in uu ugu yaraan hakiyo dardartii iyo qamaamkii Itoobiya ee ay ku rabtay in ay kusoo gasho gudaha Soomaaliya.  

    The post Xiriirka xooggan ee Turkey iyo Itoobiya ka dhaxeeya iyo difaaca badda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

  8. Golaha-Ammaanka-scaled.jpg?fit=2560%2C17

    Washington (Caasimada Online) – Maraykanka iyo Japan ayaa Isniintii u gudbiyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay hindisaha qaraar qabyo ah, kaas oo ku saabsan in dalalka caalamku ay u hoggaansamaan heshiiska mamnuucaya in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare, fariintaas oo u muuqata inay ku socoto dalka Ruushka.

    Washington ayaa aaminsan in dalka Ruushku uu horumarinayo qorshe uu doonayo inuu hawada sare ku geeyo gantaallada xambaara hubka nukliyeerka, taas oo haddii ay qarxaan, khalkhal gelin karta dhammaan dayax-gacmeedada kala duwan ee fududeeya isgaadhsiinta kala duwan, oo ay ku jirto tan milaterigu.

    Ruushka oo qayb ka ahaa heshiis la gaadhay sannadkii 1967-kii kaas oo mamnuucayey in hawada sare la geeyo hubka nukliyeerka ayaa hore u sheegay inay ka soo horjeedaan in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare.

    Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa ku gacansaydhay inay horumarinayaan, hub noocaas ah. Heshiiskaas hore wuxuu mamnuucayaa in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare, hase ahaatee ma mamnuucayo in la horumariyo, hub la geyn karo hawada sare.

    Qaraarkan qabyada ah waxaa soo wada jeediyey, dalka keliya ee isticmaalay hubka nukliyeerka oo ah Maraykanka, iyo dalka keliya ee loo isticmaalay hubka nukliyeerka ah oo ah Japan, waxayna dalalka caalamka ugu baaqeen inay mamnuucaan in hub la geeyo hawada sare, sidoo kalena la mamnuuco in la samaysto hub hawada sare la geyn karo.

    The post Golaha ammaanka oo loo gudbiyey qaraar mamnuucaya in hub nukliyeer ah la geeyo… appeared first on Caasimada Online.

  9. Shir ku saabsan Turjumaada Xeer Nidaamiyeyaasha wax soo saarka Shiidaalka oo lagu qabtay Hargeysa
    IMG-20240318-WA0024.jpg
    Hargeysa(Qaran news)- Waxa Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ka qabsoomay maanta kulanka daahfurka Dib u habaynta iyo Turjumaada Xeernidaamiyayaasha Baadhista iyo Soosaar ka Shidaalka, socon doontana muddo 6 bilood ah. kana kooban shan xeernidaamiye oo kale ah:

    1. National Content Upstream Petroleum Regulations

    2. Data Resource Management Regulations

    3. HSE Upstream Petroleum Regulations

    4. Upstream Petroleum Measurements Regulations

    5. General Upstream Petroleum Regulations
    ka soo qaybgalayasha kulanku waxa ay kala ahayeen,

    Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Saciid Axmed Jibriil , la taliya farsamo ee Arimaha shidaalka Shidaalka Saciid M. Dhamac, Eng. Maxamud Jamac (Jabali), Agaasimaha W. Qorshaynta Muna Cabdilahi, Agaasimaha W. Shidaalka Yusuf Muse iyo injineero ka tirsan Waaxda Shidaalka.

    Kulanka waxa furay agaasimaha W. Shidaalka isaga oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay dib u habaynta iyo turjumaada xeernidamiyayaashan, taasi oo ka qayb qaadanaysa so jiidashada maal gashiga dhinca khayraad dabiiciga sidaa baadhista iyo soo saarka shidaalka, sidoo kale la xisaabtanka shirkadaaha heshiisyada dawlada kula jira.

    Sido kale waxaa talooyin so jeediyay labada khabiir Eng Saciid Dhamac iyo Eng Maxamud Jabali kuna dheeraday sida ay u muhiimsantahay in la dhiso shuruucdaa iyo xeerarka shidaalka dalka.
    Ugu danbaynti waxaa kulanka soo xidhay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Saciid Axmed Jibriil isag oo si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay uu leedahay dalka in xeerarka iyo shuruucdaba dhamaystirnadaan, sidoo kale ay si fudud maalgashiga shisheeye ay ugu soo hiran karaan dalkeena, gunti iy gunaandkina waxaa uu ku booray injineerada iyo khubarada mudada 6 bilood ku diyaarin doonta xeernidaamiyayaashan inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii hawshaasi uu guulaysan lahayd.

    Qaran News


  10. PARIS, France, March 18, 2024/ — Julius Rone, Group Managing Director and CEO of UTM Offshore, will participate in an investor roundtable at the upcoming Invest in African Energy (IAE) forum in Paris. As a leading provider of oil and gas, marine and energy industry services, UTM Offshore is currently driving Nigeria’s energy transition through the development of a floating LNG (FLNG) plant that reduces the country’s carbon footprint and monetizes its 200+ trillion cubic feet of natural gas reserves.

    Developed in partnership with the Nigerian National Petroleum Corporation (NNPC), the FLNG facility will process associated gas currently being flared from the offshore Yoho field. With a planned capacity of 1.5 million tons per annum – along with 176 million cubic feet of natural gas and condensate and 300,000 tons of LPG for the domestic market – the project is central to Nigeria’s plans to position natural gas as a means of power generation, job creation and industrialization, while lowering carbon emissions and monetizing untapped reserves.

    Organised by Energy Capital & Power, IAE 2024 (https://apo-opa.co/3UMOOtQ) is an exclusive forum designed to facilitate investment between African energy markets and global investors. Taking place May 14-15, 2024 in Paris, the event offers delegates two days of intensive engagement with industry experts, project developers, investors and policymakers. For more information, please visit www.Invest-Africa-Energy.com. To sponsor or participate as a delegate, please contact sales@energycapitalpower.com.

    FLNG represents a key avenue for developing and monetizing Africa’s gas reserves, offering lower capital requirements, faster speed to market and reduced infrastructure and environmental impact onshore. Uniting the key investors and project developers currently shaping Africa’s LNG and FLNG markets, the investor roundtable will explore how new gas monetization projects can attract capital and guarantee stable returns, as well as their role in advancing a just energy transition by reducing emissions and gas flaring.

    “African LNG has risen to the forefront of investors’ interest, able to align with the global energy transition while meeting Africa’s needs for electrification and value-added industries. Serving as a model of successful public-private partnership, UTM Offshore and NNPC have secured initial funding of $2 billion for the project’s first phase, with FID expected later this year. The investor roundtable will share insights from industry pioneers like UTM into how developers can unlock new forms of financing and establish built-in markets for LNG trade and export,” says Sandra Jeque, Event and Project Director at Energy Capital & Power – IAE 2024 event organizers.
    Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power.
    SOURCE
    Energy Capital & Power

    Qaran News


  11. IMG-20240319-WA0000.jpg?resize=1000%2C66Firdhiye enjoys popular support for his leadership despite Villa Somalia’s stratagems to foment dissent that could lead to leadership change in SSC-Khaatumo administration.

    Mogadishu (PP Mews Desk) — The Federal Government of Somalia pushes to replace SSC-Khaatumo leader, Abdulkadir Firdhiye, following the latter’s criticism of the British government for “being biased towards the secessionist Somaliland Administration”. Villa Somalia construed Firdhiye’s criticism as an attempt to usurp Mogadishu’s role to formulate foreign policy.

    The Federal Government of Somalia aims to use SSC-Khaatumo interim administration as a leverage without advocating a federal member status for the Laascaanood-based authority still viewed as a part of Puntland State of Somalia under the federal electoral laws. Puntland State supports the SSC-Khaatumo authority to become a separate administration in line with the February 6 Laascaanood Declaration of 2023.

    Several factors determine the policy of the federal government to deal with SSC-Khaatumo authority. Outright support for SSC-Khaatumo adversely affects the goal of President Hassan Sheikh to secure the votes of the Dir clan in the bicameral legislature to effect amendments to the draft federal constitution. With relations between Mogadishu and Hargeisa at an all time low following the illegal maritime Memorandum of Understanding to lease coastal district to Ethiopia, the Damuljadid clique (President Mohamud’s inner circle) makes promises to both Khaatumo MPs and Dir MPs in line with the political goals of the two political antagonists.

    Firdhiye defended the Djibouti summit of December 2023 as “a union conference” although the renewed agreement between the Federal Government of Somalia and Somaliland Administration unexpectedly failed to address the conflict in Sool. The summit legitimated l secession claims embedded in the agreement that resulted in the forcible displacement of 1,600 Somalis in Laascaanood in 2021 and the six month-long shelling of the district by Somaliland forces. The SSC-Khaatumo leader relies on the advice of MPs and Senators from SSC-Khaatumo administration who raise his expectations about what the federal government could do to promote the status of the fledgling and self-supporting political authority in Laascaanood.

    “Firdhiye ought to review his political communication. So far he has committed two costly political gaffes. He should not have defended the trilateral Djibouti summit of December 2023 as a union summit. It was a summit that compromised the sovereignty of Somalia” said a political analyst in Mogadishu. Had Firdhiye constructively criticised the trilateral Djibouti summit, he would have been hailed as a leader who had foreseen the illegal maritime Memorandum of Understanding signed in Addis Ababa by Somaliland Administration President Muse Bihi and the Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed.

    © Puntland Post, 2024

    The post Villa Somalia Faces Hurdles To Replace Firdhiye appeared first on Puntland Post.


  12. Ciidanka Booliska oo soo Qabtay Askari qof ku Dilay Berbera

    Hargeysa(Qaran news)- Ciidamada Booliska JSL , garahaan Qaybta Gobalka Saaxil ayaa gacanta kusoo dhigay edeysane K/ koobaad Rooble Xasan Gadiid oo 52 jir ah , kaasi ku eedaysan inuu dilay Marxuum Khaalid Maxamed Salaax oo 18jir ah Maanta abbaaro 11:30 duhurnimo.

    Eedaysanaha ayaa ka tirsanaa Ciidanka Asluubta ee Jeelka Magaalada Berbera.

    Hawlgallo iyo dedaal dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayaa lagu soo qabtay deegaanka Dubaar oo koofur bari kaga began Magaalada Berbera 15KM halkaasi oo u baxsaday. waxaanu hadda ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska , iyadoo degdeg loo horgayn doonaa sharciga marka baadhistu dhammaato.

    Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii uu ka baxay marxuumkaasi .ان لله وانا اليه راجعون

    Qaran News


  13. xil-2-768x339-1.png?resize=768%2C339&ssl

    In ka badan 70 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid hannaanka loo wado wax ka bedelka dastuurka dalka.

    Xildhibaanada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dastuurka laga bedelay 45 qodob, laguna soo kordhiyey 19 qodob oo aan ku jirin asalkii dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

    Xildhibaanada ayaa caddeeyay in shaqada socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin waxaana ay ku tilmaameen mid gebi ahaanba meesha looga saarayo dastuurkii dalka.

    “Waxaan walaac xoog leh ka qabnaa hanaanka loo bedelayo dastuurkii iyo qaab-dhismeedkii dowladeed ee heshiiska lagu ahaa, taas oo dhaawaceysa midnimada iyo xasiloonida siyaasadeed ee qaranka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xildhibaannada.

    Bayaan ka soo baxay xildhibaanadaasi ayaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go’aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhamayn oo Puntland ay ka maqantahay.

    “Guddoonka BFS wuxuu ku guul-dareystay ilaalinta kala madax-banaanida hey’adaha dowladda, go’aankii golaha wadatashiga qaranka ee dastuurka ku saabsanaa ma aheyn mid loo dhan yahay, maadaama Puntland ay maqneed” ayuu sii raaciyay bayaanka.

    PUNTLAND POST

    The post In ka badan 70 Xildhibaan oo ka horyimid sida loo wado wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  14. 01000000-0aff-0242-b320-08dc0ba8fedd_w40

    Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa Todobaadkan loo gudbiyay qaraar qabyo ah oo ka mamnuucaya dalalka Caalamka in ay hubka Nukliyeerka geeyaan Hawada sare.

    Maraykanka iyo Japan ayaa Isniintii u gudbiyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey hindisaha qaraar qabyo ah, kaas oo ku saabsan in dalalka caalamku ay u hoggaansamaan heshiiska mamnuucaya in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare, fariintaas oo u muuqata inay ku socoto dalka Ruushka.

    Washington ayaa aaminsan in dalka Ruushku uu horumarinayo qorshe uu doonayo inuu hawada sare ku geeyo gantaallada xambaara hubka nukliyeerka, taas oo haddii ay qarxaan, khalkhal gelin karta dhammaan dayax-gacmeedada kala duwan ee fududeeya isgaadhsiinta kala duwan, oo ay ku jirto tan milaterigu.

    Ruushka oo qayb ka ahaa heshiis la saxiixay sannadkii 1967-kii kaas oo mamnuucayey in hawada sare la geeyo hubka nukliyeerka ayaa hore u sheegay inay ka soo horjeedaan in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare.

    Qaraarkan qabyada ah waxaa soo wada jeediyey, dalka keliya ee isticmaalay hubka nukliyeerka oo ah Maraykanka, iyo dalka keliya ee loo isticmaalay hubka nukliyeerka ah oo ah Japan, waxayna dalalka caalamka ugu baaqeen inay mamnuucaan in hub la geeyo hawada sare.

    PUNTLAND POST

    The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo loo gudbiyay qaraar mamnuucaya in Nukliyeer la geeyo Hawada sare appeared first on Puntland Post.


  15. Tartanka Qur’aanka Kariimka ah Ee Shirkadda DAHABSHIIL U Qabatay Hablaha Oo La Soo Gabo’gabeeyay

    IMG-20240319-WA0001.jpg

    IMG-20240319-WA0000.jpg

    IMG-20240319-WA0002.jpg

    IMG-20240319-WA0000-1.jpg

    IMG-20240319-WA0001-1.jpg
    Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji AadaN Cilmi oo soo xidhay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Shirkada Dahabshiil Qaybta Hablaha (Akhri)

    Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Maanta soo xidhay tartan Qur’aanka kariimka ee Shirkada Dahabshiil qabato ,gaar ahaan qaybta Dumarka oo maanta lagu soo gebo-gabeeyay Masjidka Cali Mataan ee Magaalada Hargaysa.

    Wasiirka oo Munaasibadaa ka hadlay ayaa Culimada Dalka ,Waalidiinta, Macalimiinta Madaariista Qur’aanka iyo Shirkada DAHABSHIIL uga mahadnaqay dedaalka iyo tacabka badan ee ay geliyeen kor u qaadida kitaabka ALLE iyo Sunnada.

    “ Waxa aan aad iyo aad ugu Farax-sanahay in aynu maal-mahanba kala dooranayanay kala guran waa dhalinyaradeeni kitaabka ilaahay Xafiday Daafadaha dalkana isaga yimi oo Gobol kasta uu ka jiro tartankii Qur’aanka Kariimka ,Waxaynu odhan karaa dal waliba waxa uu hanti ugaar ah iyo wax soo saar ,waddamada Dunida qaar baa shidaalka ,macdanta iyo waxyaalo kale ay Hanti u tahay ,lakiin inaga wixii ugu wanaagsana ayaa hanti inoo ah oo dalkeena waxa hanti u ah kor u qaadista kitaabka ALLE iyo sunnada” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo munaasibadaas ka Jeediyey hadalo khudbad iyo duco iyo dardaaran.

    Dhanka kale waxa wasiirku ku baaqay in lagu shukri noqo nimcooyinka ALLE ina siiyey si buu yidhi nimcooyinkaas inoogu siyaadaan ,sababto ah waxa aynu gaadhnay guushii ugu waynayd ee ummadi gaadho .

    Ugu dambayntii Waxa wasiirku Hambalyo udirey hablihii ku tartamayey Tartanka Qur’aanka Kariimka ,waalidiintii kusoo tabcay iyo Macalimiintii wax soo barayba.

    Qaran News


  16. Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa maanta waxa ay kulan yeesheen Guddida farsamada ee Isfahamka (MOU) ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ethiopia.

    Musharraxa iyo Mas’uuliyiinta kale waxa ay warbixin ka dhageysteen Guddida farsamada, isla markaana Xisbigu dhankiisa waxa uu guddida la wadaagay tallooyinkiisa ku aaddan arrinta isfahamka dhex maray Somaliland & Ethiopia.

    Xisbigu waxa uu mar labaad u xaqiijiyey Guddida in aragtida Xisbiga WADDANI sal-ka ku hayso, war-saxaafadeedkii uu soo saaray 2dii Jan 2024 ee ku saabsanaa Mawqifka Xisbigu taaggan yahay ilaa maantana uu taaggan yahay.

    67e2dbde-330a-45e9-848e-dcc889221507 3a549b20-e17f-4966-ac69-94c33d55d829 e9697ddc-e6ee-4484-8f1d-e26d2f1561fe 8b7b905e-c65d-4aa7-b123-372c077494ac 0c1debb2-eae9-473e-9873-650bca565e8a 8c55c3cc-3063-42ee-9194-b8a6cc3375ff ce78ad1d-6f71-4428-b013-2322f8338865

    Source


  17. b95c48de-27e9-48bc-8526-f0916bb20277.jpe

    Muqdisho (Caasimada Online ) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta ka hadlay kulan ay isugu imaadeen culimada dariiqada Suufida ee Ahlu-Sunna ayaa farriin diray baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimaha dastuurka.

    Sheekh Shaakir ayaa nasiib darro ku tilmaamay in baarlamaanku ay ka doodaan dastuurka lagu qoro madhabka Shaafiya, isagoo ugu baaqay in arrintaas aysan muran gelin, maadaama dadka Soomaaliyeed ay heystaan madhabkaas.

    “Waa arin khatar ah in baarlamaankii Soomaaliya uu maanta ka doodayo Soomaaliya waa Shaaficiyo miyaan dhahnaa mise ma dhahno,” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo maanta la hadlayey boqolaal culumada Ahlusunna ah.

    Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa muujiyey inay taageersan yihiin qorshaha madaxweynaha ee dhameytirka dastuurka, isagoo la yaab ku tilmaamay siyaasiyiinta dooda ka qaba dhameystirka dastuurka ee hadana aan xal kale umadda u heyn.

    Wuxuu sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay dalka, isla markaana laga baxayo ku meel gaarnimo sharci oo muddo badan ay Soomaaliya ku soo jirtay, taas oo sababtay in mashaariic badan ay xayirmaan.

    Dhinaca kale Shiiqa ayaa sheegay inay taageersan yihiin sida uu Xasan Sheekh wax ku wado, si gaar ah wuxuu uga mahad celiyey guulaha uu ka gaaray hoggaamintiisa, isagoo xusay cunaqabateyntii hubka, deyn cafintii Soomaaliya iyo dadaalo kale oo dowladda Xasan Sheekh ay ka miro-dhalisay.

    Wuxuu soo hadal qaaday dagaalka Khawaarijta, isagoo balanqaaday in culimada Suufida ee hoggaankeeda uu ku jiro ay dowladda ku garab istaagi doonaan dagaalka ay kula jirto kooxahaas ay lasoo daagaalami jireen, iyadoo dalka aysan dowladi ka jirin.

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: Sheekh Shaakir oo BFS u diray farriin culus oo diinta iyo dastuurka ku saabsan appeared first on Caasimada Online.