-
Content Count
212,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal dhaqaale oo wayn ku qaaday qaar kamid ah maamullada dalka, gaar ahaan kuwa ay isku hayaan arrimaha siyaasadda, sida Puntland iyo Somaliland oo hadda xiisaddoodu ay gaartay meeshii ugi xumayd.
Dowladda dhexe ayaa qaaday tallaabo ay ku beegsatay labadan maamul, waxayna ka jartay miisaaniyaddii ay ku kabi jirtay Garoowe iyo Hargeysa, sida uu shaaciyay Aqoonyahan Guuleed Wiliq oo ah falanqeeye ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha dalka.
Guuleed Wiliq oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay hoos u dhigtay lacagihii ay siin jirtay labadaas maamul, sababo la xiriira hoos u dhac dhaqaale iyo khilaafka siyaasadeed ee xilligan kala dhexeeya.
Waxa uu tilmaamay in sanadkii hore Puntland la siiyay 20 milyan, balse hadda kabka ahaan loo siiyay 6 milyan oo kaliya.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacaga loo kordhiyay Jubbaland iyo Banaadir oo iyagu lasiiyay lacago ka badan kuwii ay qaateen sanadkii hore.
“Lacagihii kabka ahaa ee lasiin jiray Puntland iyo Somaliland hoos ayaa loo dhigay Jubaland iyo Gobolka Banadirna waa loo kordhiyay” ayuu yiri Aqoonyahanku.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sanadkan Puntland waxaa la siiyay 6 milyan, Jubbaland waxaa la siiyay 17 milyan, Banaadrna waxaa la siiyay 28 milyan”.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay in Somaliland la siiyay sanadkan 28 kun oo kaliya, taas oo ka dhigan in 100% laga jaray kabkii ay helin jirtay dowladda dhexe.
“Somaliland waxaa u maleysaa in 100% laga jaray waxaa la siiyay 28 kun oo kaliya halkii sanadkii hore ay qaadatay 13 milyan ” ayuu sii raaciyay.
Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday in dowladda federaalka ay wajaheyso culeys wayn oo ku aadan dhaqaale yari, uuna usii dheer yahay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.
“Dowladda Soomaaliya dhaqaale xumo ayaa hayso, dagaalka Al-Shabaabna waa ku jirtaa waxyaalahaas ayaa dhacay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Guuleed Wiliq.
The post Maxaad ka ogtahay maamullada ay DF la gashay dagaalka dhaqaale iyo maamulka ku faa’iiday? appeared first on Caasimada Online. -
On March 19, a drone strike outside Mogadishu reportedly killed more than 20 people, including children. Citing two security sources, the Washington Post reported that “the strike was carried out by a Turkish drone,” adding, “Turkey routinely carries out drone strikes in Somalia in support of Somali government forces.” United States Africa Command (AFRICOM), which is responsible for U.S. military strikes in Somalia, told me and other media sources that the U.S. did not carry out the strike.
-
Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay qofka noqonaya Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika (EAC), ka dib markii ay u yeeratay Peter Mathuki oo xilkaas hayey tan iyo 2021.
Caroline Mwende Mueke ayaa loo magacaabay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika, iyadoo beddeleysa Peter Mathuki oo dhawaan Madaxweyne William Ruto u magacaabay danjiraha Kenya u fadhiya Ruushka.
Wargeysta The Star ee ka soo baxa Kenya oo soo xiganayey qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Bariga Afrika ee xilligan Deng Alor Kuol, ayaa tibaaxay in magacaabista Caroline Mwende Mueke lagu ansixin doono kulan aan caadi ahayn oo madaxda dalalka ku bahoobay EAC ay ku yeelan doonaan khadka fogaan-aragga Isniinta soo socota.
Tillaabadan ayaa ka dambeysey markii guddoonka EAC oo iminka uu hayo dalka Koonfur Sudan uu qoraal rasmi ah ka helay Wasiiradda Kenya u qaabishan Arrimaha Beesha Bariga Afrika, Peninah Malonza, taas oo ku wargelisey in ay Kenya ay buuxineyso kaalinta uu banneeyey Xoghayihii Guud ee hore.
Qodobka 67 (1) ee Axdiga EAC ayaa dhigaya in Xoghayaha Guud dalkiisu hawl qaran uga baahdo ka hor inta uusan dhammeysan muddo xileedkiisa uu dalkaas soo magacaabanayo qofkii beddeli lahaa.
Caroline Mwende Mueke ayaa ka hor magacaabisteedan waxay ka soo shaqeysay hay’ado kala duwan oo ka tirsan Qaramada Midoobey, waxayna noqoneysaa qofkii 3-aad ee u dhashay Kenya oo xilka Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika qabta.
-
Jigjiga (HOL) — In the arid Somali region of Ethiopia, a prolonged and severe drought from 2020 to 2023 has triggered a series of ecological and economic crises that continue to devastate the local livelihoods. The situation is further worsened by the destructive forces of conflict and flooding from El Niño, putting the region's pastoral and agropastoral communities at significant risk of heightened food insecurity and reduced resilience.
-
Janaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada howlgalka ATMIS uu ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Janaale.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin halkaasi.
Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Labada dhinac ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkan iyo dagaalka xigay, wuxuuna mid kasta ka sheegtay guullo waa wayn.
Taliska ATMIS oo si kooban uga hadlay dagaalka Janaale ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, ayna jabiyeen xubnaha Al-Shabaab ee kusoo duulay.
Sidoo kale ATMIS ayaa intaasi kusii dartay inay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.
Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkan ay ku gubtay gaadiid, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiysay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.
Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka.
Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ATMIS, gaar ahaan ciidanka Uganda wuxuu ahaa mid Buulo-mareer oo ugu yaraan 56 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.
The post ATMIS iyo Al-Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay JANAALE appeared first on Caasimada Online. -
MOGADISHU, Somalia — Somalia's Finance Minister Bihi Iman Cige is in Washington D.C. this week to discuss key financial reforms and strategies for post-debt relief with global leaders. The discussions are part of the spring conference hosted by the International Monetary Fund (IMF) and the World Bank.
-
MOGADISHU, Somalia — Somalia's Finance Minister Bihi Iman Cige is in Washington D.C. this week to discuss key financial reforms and strategies for post-debt relief with global leaders. The discussions are part of the spring conference hosted by the International Monetary Fund (IMF) and the World Bank.
-
Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Israa’iil in ay is xakamayso, isla markaana ay ka fogaato in ay weerar jawaab celin ah ku qaaddo Iran.
“Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo, iyo inaan ilaalino danahayaga gobolka” sidaas waxaa sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken.
Israa’iil ayaa u muuqata in ay go’aansatay in ay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan.
Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa xaqiijiyay in ay weerarka Iran jawaab ka bixin doonaan wuxuu sheegay in Iraan ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhashay weerarkii ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallaha.
Milateriga Israa’iil faahfaahin kama bixin nooca jawaabta ah ee ay bixinayaan, inkasta oo afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil uu sheegay inay tallaabadaas qaadi doonaan marka ay go’aamiyaan wakhtiga.
PUNTLAND POST
The post Maraykanka oo Israa’iil ugu baaqay in aysan jawaab celin ka bixin weerarkii Iran appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.
Wasiirka iyo wafdiga uu horkacayo ayaa ka qeyb-galaya shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banginga Adduunka oo ka qabsoomi doona Washington, kaasi oo socon doona muddo hal toddobaad ah.
Kahor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga wasiirka Maaliyadda waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah agaasimaha sare ee hay’adda lacagta adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Kulankaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawinaada IMF iyo helidda maal-galin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.
13-kii December ee sanadkii hore ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo dowladda Xasan Sheekh ay ballan-qaaday xoojinta la-dagaallanka musuqa iyo ka mira-dhalinta hiigsiga “isku filnaansho dhaqaale”.
The post Xogta shir xasaasi ah oo u dhaxeeya DF Soomaaliya, IMF iyo Bangiga Adduunka + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
In Sudan and Ethiopia, official militaries are currently fighting against paramilitaries and non-state militias that, previously, had been important battlefield allies. The ongoing violence does not reflect a breakdown in the political order. Rather, these conflicts are the direct result of the persistence of a centuries-old regional military-political system created by unstable states with incomplete control over their official militaries.
Since its origins in the nineteenth century, this system has been perpetuated by violence. The right to rule was largely created through campaigns of conquest, policing patrols, armed resistance movements, and anti-insurgency military operations. As a result, the institutions of political authority have been intimately tied to the instruments of war, even though both official and unofficial armed groups have had a large degree of independence from the state.
This has not always been the case. The creation of this system required the dismantling of an older, traditional regional order in which well-defined social hierarchies ensured that actual fighting was rare. Under this older system, the primary goal of conflict was to force the weaker party to submit to integration within the hierarchy in a subordinate position. Mustering a sufficiently large force was generally enough to achieve this goal. As a result, violence was often unnecessary. Read more here
The post THE STRUCTURE OF VIOLENCE: STATES, OFFICIAL MILITARIES, PARAMILITARIES,AND NON-STATE MILITIAS IN THE NORTHERN HORN OF AFRICA appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugnaa goob tababar uu uga socday askar ka tirsan xoogga dalka ayaa si aad ah uga digay in ciidanku yeeshaan balwadda, waxaana uu xusay in askariga isticmaalaa uusan gudan karin waajibaadka qaranku leeyahay.
Madaxweynaha ayaa xusay in balwaddu ay tahay cudur aan ku wanaagsaneyn ciidanka dhexdiisa xiilli ay hadda ku jiraan dagaalka Al-shabaab, isagoo carabka ku dhuftay in askarigii lagu arko laga saarayo inuu ka siimid ahaado xoogga dalka oo markii hore lagu soo qoray inuusan balwad laheyn marka la eego.
“Inuu Balwad leeyahay ninkii lagu arko waa uu iska tagayaa nagama tirsano, waa mid nagu soo dhex dhuuntay, si qalad ah ayuu kusoo galay meeshaan. Balwaddu waa cudur adiga qof ahaan kuu daran, qofnimadaada iyo dhaqaalahaaga, nadaafadaada, diintaada iyo karaamadaada u daran waaye” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ciidanka kula dardaarmay in ay muujiyaan kala dambeyn iyo ismaqal, xilli mararka qaar ay dhacaan in ciidanka iyo taliyeyaasha uu soo kale dhexgalo khailaaf, taas oo keentay inuu askari la arko isagoo dilay taliyihiisa, waxaana uu aad uga dardaarmay in aad loo adkeeyo Dirshibiliinka.
“Ciidan aan kala dambeyn laheyn ciidan maahan, hadduu uusan laheyn kala dambeyn iyo ismaqal aanu la heyn ciidannimo meeshaas kama jirto ee wax kale ayaa ka jira, sidaa daraadeed waxaan idin farayaa oo aan idin kula dardaarmayaa marwalba kala dambeynta inaad ilaalisaan oo istiraamtaan” ayuu sii raaciyay.
Ciidamada dowladda ayaa inta badan waxaa la tilmamaa in ay leeyihiin balwadda taas oo keentay marar badan in iyadoo qayilaad u fadhiya ay la kulmaan weerarro uga yimaado Al-shabaab, ciidankaan ayaa ah ciidankii ugu horeeyay ee la diiwaan geliyay iyagoo aan la heyn balwad oo shuruudaha ay kamid tahay. -
Booliiska dalka Australia ayaa sheegay in weerarka mindida ah lagu qaaday kaniisad ku taal magaalada Sidni (Sydney), kaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro hoggaamiyaha kiniisaddu.
Dhacdadan oo ay laamaha nabad-galyada falka argagixisonimo ku tilmaameen ayaa waxaa lagu qaaday kaniisadda ashuria, waxaana ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaareen 4 qof oo ku sugnaa gudaha kaniisadda.
Weerarkan kaniisadda lagu beegsaday waxaa fuliyay nin 16 jir oo uu mindi ku hubaysnaa, kaasoo uu baaritaan ku socdo sida ay boolisku sheegeen, weerarka ayaa si gaar ah ka dhacay kaniisada Christ The Good Shepherd
Weerarada lagu qaado goobaha cibaadada ayaan ugub ku ahayn dalkaasi Australia, waxaana hore loo beegsaday macbadyo badan oo ay masaajiddo ku jiraan, waxaa ku dhaawacmay Baadari Mar Mari Emmanuel iyo wadaad. Labaduba waxa la filayaa inay badbaadaan.
Dalka Australia ayaa maalmahaan waxaa ka dhacayay falalka nuucaan oo kale ah, waxaana ugu dambeeyay weerar lagu qaaday suuq ku yaallo caasimadda oo lagu dilay lix oo ah dadkii ka dukaameysanayay suuqaasi.
-
Sacuudiga ayaa si deg deg ah u beeniyay war ku saabsan xiisadda Israa’iil iyo Iran oo laga baahiyay telefishinka dowladda Israa’iil ee KANN
Warkaasi ayaa sheegayay in uu Sacuudiga ka qaybqaatay howlgalkii lagu difaacayay Israa’iil ee lagu soo riday diyaaradaha iyo gantaalada ay Iran ku weerartay Israa’iil.
Sacuudiga ayaa si cad u sheegay ina ysan wax door ah ku lahayn howlgalkii lagu difaacay Israa’iil ee ay ka qaybqaateen Mareykanka , Faransiiska, Ingiriiska iyo Jordan oo hawadeeda diyaaradaha iyo gantaalada soo maray soo riday.
PUNTLAND POST
The post Sacuudiga oo si deg deg ah u beeniyay war laga baahiyay Telefishinka Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Most of the beds at the labour ward of Kihara Level 4 Hospital on the outskirts of the Kenyan capital, Nairobi, are empty.
-
Soomaaliya waxaa xilligan ka jira heer kul daran iyada oo Muqdisho oo uu kulku hooseyn jiray ay beryahan heerkeedu gaarayay bartanka sodomeeyo tiiyo keeneysa cudurrda badan oo ay ka mid yihiin Shuban-biyoodka iyo Daacuunka.
Haddaba, Goobjoog News ayaa xiriirro kala duwan la sameysay bahda caafimaadka ee caasimadda Muqdisho si wax looga ogaado sababaha sare ukaca xaaladaha shuban-biyoodka iyo Daacuunka, xiriirka kala dhaxeeya heerkulka, saameynta iyo xalka.
Dr. Cabdiweli Axmed Xiirey, maamulka Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyey ku dhowaad seddax boqol oo qof oo reer Muqdisho, oo bishii ugu dambeysay ay soo riteen shuban-biyood & daacuun-caloole.
“Bishii Maarso ee hadda dhammaatay waxaa naloo keenay bukaanno gaaraya 275 oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn, bukaannadaas aad u jeediin 17ka degmo ee Xamar iyo nawaaxigeeda ayey ka yimaadeen, haba ugu badnaadeen degmada Deyniile” ayuu yiri Dr. Xiireey.
Dr. Cabdiweli oo faahfaahinaya xaaladaha ay la kulmeen ayaa sheegay in ay ahaayeen 275 oo bukaan oo degmooyinka Banaadir ka kala yimid haba ugu badnaadeen Deyniile, xaaladahaasi oo kala ahaa 177 Shuban biyood, 98 Daacuun, iyada oo mid ka mid ah xaaladahaasi uu ku geeriyooday Isbitaalka.
Dhanka kale, in degmada Deyniile bukaannada ka yimid ay gaareen 69 oo 32 ka mid ah laga helay Daacuun inta kalana Shuban biyood, waxaa kale kiisas badan ka yimaadeen Dharkeyley iyo Wadajir.
Ugu dambeyntii, Dr. Cabdiweli Axmed Xiirey waxaa uu shacabka kula dardaarmay in ay ku dadaalaan Nadaafadda, isla markaana ay badiyaan faraxalka, kana fekeraan fayadhowrka cunnada.
Dr. Zakariye Cusmaan Ibraahim oo Isbitaalka Somali Syrian u qaabilsan caruurta ayaa Goobjoog News u sheegay in heerka oo kordha uu keeno arrmo ay ka mid yihiin shuban-biyoodka
“Heer kuka oo kordhaa wuxuu saameyn ku yeeshaa habdhiska dheef jiidka taas oo kordhin kareyso dheecaanada dheef jiidka (gastic juice) midaas waxay soo jiidi kartaa shuban biyood, gaara ahaan caruurta da’doodu ka yartahay 5 sano” ayuu intaasi raaciyay Dr. Zakariye Cusmaan.
Dr. Zakariye Cusmaan Ibraahim waxaa kale oo sheegayaa in biyo yaraanta ay keeni karto nadaafada oo yaraato (poor hygiene) midaasna waa sabab kale oo mihiim ah oo cururrada ku bataan.
Dr. Shaaciye Dool oo isna ka mid ah dhakhaatiirta la hadashay Goobjoog News ayaa sheegaya in heerkulka socda uu keenay dhibaatada dheefshiidka iyada oo caruurta ay kasoo baxaan finan cascas, isna badalo qaar ka tirsan jirkooda, waxaa uuna ku taliyay in waalidka uu ku dadaalaan nadaafadda caruurta, gaar ahaanna ay ilaaliyaan waxa ay cunayaan iyo waxa ay cabayaan.
-
New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ku booriyey Israa’iil inay is xakamayso, islamarkaana ay ka fogaato inay xaaladda ka dhex taagan iyaga iyo Iran ay uga sii darto.
Soo jeedinta Mareykanka ayaa imaneysa xilli ay xukuumadda Israa’iil ay sheegtay inay qaadayso tallaabo aargudasho oo ay uga jawaabayso weerarkii ay Iran ku qaaday dalkeeda.
“Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo iyo in aan ilaalino danahayaga gobolka,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.
Mr. Blinken ayaa hadalkaan sheegay xilli uu la kulmayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ciraaq Maxammed Cali Tamim.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isugu yeeray golihiisa wasiirada ee dagaalka, taasi oo ah markii labaad ee uu qabto kulan noocaas ah, in ka yar 24 saacadood.
Waxaa isa soo taraya cabsida la xiriirta in weerarkii jawaab-celinta ahaa ee Iran inuu albaabka u furo dagaal ballaaran oo dhex-mara Israa’iil iyo Iran, islamarkaana ku baaha gobolka oo dhan.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Netanyahu in Mareykanku ka qayb qaadanayn weerar kasta oo rogaal celin ah oo ka dhan ah Iran.
The post Mareykanka oo hal arrin uga digay Israel xilli ay isku diyaarineyso jawaabta weerarkii Iran appeared first on Caasimada Online. -
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka
Wasiir Biixi iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galaya shirka xilliga gu’ga (Lix biloodlaha) ee Hay’adda Lacagta Dunida ee IMF iyo Banging Adduunka oo socon doona muddo hal asbuuc ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale maanta kulan gaar ah la yeeshay Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Kukankaaasi gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawimaadda IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xilliga deyn cafinta kadib sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Shir kaga qayb galaya Washington DC appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa meeshii ugu sarreysay maraysa xiisadda ka aloosan bariga dhexe ee u dhexaysa maamulka Israa’iil iyo dalka Iiraan, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda labada dhinac ay gobolka iyo adduunkoo dhan ku faafto oo ay xaaladda faraha ka baxdo.
Iiraan waxay 13-kii bishan weerar cirka ah ku ekaysay gudaha Israa’iil, xurufta labada dhinacna waa mid soo jireen ah oo in ka badan nus qarni soo jiitamaysay, waxayna Iiraan safka hore uga jirtaa dalalka islaamka ee sida weyn uga soo horjeeda maamulka Yuhuudda iyo dalka reer galbeedka.
Haddaba maxaan ka naqaan taariikhda iyo awoodda ciidan ee Iiraan?.
Iiraan waa dal islaami ah oo dhaca koofurta galbeed ee qaaradda Aasiya, waxayna soohdin la wadaagtaa 9 dal oo kala ah armeeniya, Asarbijaan, Ruushka,turkumanistaan, kasagistaan, bakistaan, Afgaanistaan, Turkiga , iyo Ciraaq.
Sidoo waxaa daanta koofureed ka xiga laba gacan oo kala ah gacanta beershiya, iyo gacanka cumaan, waana aag muhiim ah oo uu ku yaallaan marin biyood hormus, iyo badda kasbiyaanka.
Magaalooyinka ugu waaweyn ee Iiraan waxaa kamida Tehran oo ah Caasimadda, ayna ku noolyihiin ku dhawaad 8 malyan oo ruux, Mashhad, Isfahaan, iyo Karaaj oo ayaguna ah magaalooyin waaweyn.
Dadweynaha dalkani wuxuu tiro ahaan gaarayaa in ka badan 88 malyan ay boqolkiiba 80 in ka badani shiica yihiin, halka ku dhawaad boqolkiiba tobanina ay sunni yihiin, wuxuuna dalkani leeyahay kheyraad faro badan iyo dhaqaalo baaxad leh oo isugu jira gaaska dabiiciga ah, macdanta kala duwan, dhuxul dhagaxta, waxsoo saarka beeraha, iyo warshadaha.
Taariikhda Iiraan waxay ka soo bilaabmaysaa 7 kun oo sano ka hor dhalashadii nabi Ciise (CS), waxaana soo maray qaar kamida ilbaxnimooyinkii ugu waaweynaa ee dunida sida boqortooyadii faaris iyo middii miidiyiinta, iyo Bortooyadii Shaaha oo dalkaa xukumaysay 1501-1979-kii.
Sanadkii 1979-kii waxaa ka dhacay kacaan islaami ah oo hannaankii boqortooyada meesha looga saaray, waxaana talada koox militari iyo wadaadda isugu jira oo uu hoggaaminayay Aayatullaahi Alkhumayni.BEDKA DHuLEED EE IIRAAN
Baaxadda dhulka Iiraan waxay gaaraysaa 1,648,195 kmr oo laba jibaaran, waana dalka 18-aad ee adduunka ugu weyn, waxayna ka koobantahay 31 gobol oo u sii kala qeybsan 5 is maamul, luuqadda rasmiga ah ee dalkuna waa beershiyaan.
CUDUDKA CIIDAN EE IIRAAN.
Iiraan waxay leedahay awoodda militari oo lixaad leh, waana dalka 15-aad ee caalamka ugu tunka weyn, waxayna tirada ciidanka dalkaasi gaaraysaa 587,000 shan boqol sideetan iyo todoba kun oo askari oo isugu jira ciidanka dhulka, kuwa badda, iyo cirka, halka ciidanka keydkuna ay gaarayaan 200,000.
Guutooyinka ilaalada kacaanka ayaa ugu caansan ciidanka Iiraan, waxayna tiradoodu gaaraysaa, laba boqol iyo toban kun oo askari(2,10000), sidoo kale waxaa jira kooxo ay taageerto sida Xuutiyiinta Yaman, ururka Xisbullaah ee lubnaan, Xamaasta falastiin, iyo kooxo ku kala sugan Ciraaq iyo Suuriya.Dhanka qalabka Iiraan waxay ku hubaysantahay gantaallo balaastig ah oo casri ah, kumanaan taangi, diyaarado militari oo noocyada ugu dambeeyay ah, iyo maraakiibta dagaalka ka kooban 19 gunjis, 21 maraakiibta roondada samaysa ah, 1 markab oo nuuca miinooyinka baara ah, iyo raxan doomo dheereeya ah, waxaana sanadkii dhaqaale ahaan difaaca ugu baxday Iiraan ku dhawaad 25 bilyan oo doolar.
IIRAAN HORE DAGAALLO MA U GASHAY?
Intii u dhexaysay sanadihii 1980-kii illaa 1988-dii Iiraan waxay dagaalkii ba’an la gashay dalka deriska la ah ee Ciraaq, waxaana dagaalkaa loo yaqaanno dagaalkii koobaad ee Gacanka ku naf waayay 5,00000 oo labada dhinac isugu jira, wuxuuna socday 8 sano oo xariir ah
-
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga gu,ga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banging Adduunka oo socon doona muddo hal asbuuc ah.
Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Kukankan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawimaadda IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.
-
Maraykanka ayaa ku booriyey Israa’iil inay is xakamayso, isla markaana ay ka fogaato inay xaaladda ka dhex taagan iyaga iyo Iran ay uga sii darto, xilli ay xukuumadda Israa’iil ay sheegtay, inay qaadayso tallaabo ay uga jawaabayso weerarkii ay Iraan ku qaadday dalkeeda.
“Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo, iyo inaan ilaalino danahayaga gobolka” sidaas waxaa sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken, xilli uu la kulmayey ra’iisal wasaare ku xigeenka Ciraaq Maxammed Cali Tamim.
Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isugu yeedhay golihiisa wasiirada ee dagaalka, taasoo ah markii labaad ee uu qabto kulan noocaas ah, in ka yar 24 saacadood.
Waxaa isa soo taraya cabsida la xidhiidha, in weerarkii jawaabcelinta ahaa ee Iran, inuu albaabka u furo, dagaal ballaadhan oo dhex mara Israa’iil iyo Iran, isla markaana ku baaha gobolka oo dhan.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u sheegay Netanyahu in Maraykanku ka qayb qaadanayn weerar kasta oo rogaal celin ah oo ka dhan ah Iran.
-
Kenya ayaa ka maarmi weydey in ay dib uga gorgortanto heshiis dhinaca tamarta ah oo ay hore ula gashy Itoobiya, ka dib markii Addis Ababa ku guularreysatay in ay buuxiso sharuudihii lagu heshiiyey.
Heshiiskan oo labada dal dhex maray bishii July 2022 ayaa dhigayey in Itoobiya ay Kenya ka iibiso koronto muddo 25 sanno ah. Laakiin ayaa waxaa soo waajahay caqabado u saamixi waayey soo saarista tamar ku filan in ay koronto dibedda u dhoofiso.
Hay’adda Kenya qaabilsan tamarta iyo shidaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo EPRA ayaa walaac ka muujisey qalalaasaha dhanka tamarta ee ka jira Itoobiya, kaas oo ay sheegtay in uu Nairobi ku hayo hubanti la’aan kallifeysa in ay dib ugu laabato miiska wadahadalka, si gorgortan cusub uga gasho.
Sida uu Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxay Kenya u sheegay madaxa Hay’adda EPRA Daniel Kiptoo, Itoobiya waxay ku guuldarreysatay in ay dhiggeeda Kenya ka shaafiso sababta ugu wacan gaabiska ku yimid fulinta heshiiska ay wada galeen, taas oo Kenya ku ah halis aan la dhayalsan karin.
Mr. Kiptoo ayaa intaas ku daray in wallow aysan Itoobiya weli si rasmi ah gacanta uga taagin hirgelinta heshiiska ay tamarta korontada uga iibin lahayd Kenya, haddana aan la dhayalsan karin halista ku gedaaman heshiiskan.
Itoobiya waa mid ka mid ah labo dal oo Kenya koronto uga timaado, waxaana labeeya Uganda.
-
Israa’iil ayaa u muuqata inay go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday dalkan Yuhuudda ah.
Milateriga Israa’iil oo u muuqda inay iska indho-tirayaan baaqyada uga imanaya hoggaamiyayaasha caalamka ayaa sheegay Isniintii, in Tehran ay la kulmi doonto jawaab la xidhiidha, weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil ee ay ku rideen 350 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay ka soo rideen gudaha dalkooda.
Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa sheegay in weerarka Israa’iil “jawaab ka bixin doonaan”.
Wuxuu sheegay in Iraan ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhashay tallaabooyinkii ay qaaday, wuxuuna sidaas sheegay xilli uu ku sugnaa Koonfurta Israa’iil.
Milateriga Israa’iil faahfaahin badan kama bixinin nooca jawaabta ah ee ay bixinayaan, inkasta oo afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil inuu sheegay inay tallaabadaas qaadi doonaan marka ay go’aamiyaan wakhtiga.
Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa ku booriyey inay is xakameeyaan, isaga oo sheegay in guuldarrada ku timi weerarkii Iran, in taas lafteedu ay tahay guul ballaadhan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka Major General Pat Ryder ayaa sheegay in gantaalladii iyo diyaaradihii ka badnaa 300 ee ay ridday Iran, in 99% la soo riday.
Aqalka cad ee Maraykanka ayaa isna Isniintii sheegay in Israa’iil ay haatan joogto boos ka xoog badan kii ay maalmo ka hor joogtay.
Britain, France, Jordan iyo Sucuudiga ayaa ku biiray isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil si loosoo rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
-
Dalka Pakistan ayaa waxa uu martigeliyay kulamo heer sare ah oo ay la yeesheen dowladda Sacuudiga Carabiya
Kulamadan ayaa billaamay shalay oo Isniinta ahayd waxa ay socon doonaan illaa salaasada maanta ah.
Kulamadan ayaa la doonayaa in kor loogu qaado iskaashiga dhaqaalaha iyo tamarta ee u dhexeeya labada waddan ee isbahaysiga ah.
-
Kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ayaa sii daayay markab ay afduubteen oo lagu magacaabo MV Abdullah, kadib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaadheysa 5 milyan oo dollar, sida ay sheegeen laba kamid ah budhcad badeedda markabkaas haysatay.
“Laba habeen ka hor ayaa lacagta naloo keenay sidii caadada ahayd, waxaan hubinay in lacagtaasi ay tahay mid been abuur ah iyo in kale, kadibna lacagta ayaan u qeybsanay koox kooxo, kadib waan baxnay anagoo ka fogaanay ciidamada dowladda”ayuu yidhi C/rashiid Yuusuf oo ka mid ah kooxaha budhcad badeeda ah. Reuters.
Muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay diyaarad yar oo boorso ku tuuraysa meel ku dhow markabka ay burcad badeedda haysteen. Waxaa la sheegay inay ahayd boorsada ay ku jirtay lacagta madax furashada ee ay budhcad badeeddu dalbadeen.
Markabka MV Abdullah, oo ah nooca xamuulka qaada oo ka babanayay calanka Bangladesh, ayaa la afduubtay bishii march ee sannadkan, isagoo ka yimid Mozambique kuna socday Imaaraadka Carabta.
Afduubka markabka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 600 mayl-badeed bari ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa raadinaya budhcad badeeeddan, oo la sheegay iny ku dhuumaalaysanayaan deegaanaha xeebaha, ka dib markii ay ka dageen markabka MV Abdullah.
Climate change: Over 350 chickens die in heatwave in Somali region of Ethiopia
in News - Wararka
Posted
Jigjiga (HOL) - More than 350 chickens died in coops in the town of Godey, located in the Somali Region of Ethiopia, on Tuesday due to an extreme heatwave.
Source: Hiiraan Online