-
Content Count
211,863 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Qorshe cusub oo £2bn ah oo cajiib ah oo lagu beddelayo mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee adduunka ugu sarreeya
Adis Ababa, (Qaran news)-Itoobiya ayaa lagu wadaa inay bilowdo mashruuc weyn oo ah dhismaha garoonka caalamiga ah ee Addis Ababa ee cusub.
Iyada oo la saadaalinayo miisaaniyad u dhaxaysa ETB40-50 bilyan (£1.6-2.5 bilyan), dadaalkan kaabayaasha dhaqaalaha ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu beddelo gegida dayuuradaha ee hadda Addis Ababa, iyada oo la siinayo kaabayaal dhaqaale oo la casriyeeyay si loo daboolo baahiyaha qaybta duulista ee xawliga u koraysa.
Shirkadda Madaarrada Itoobiya oo ah hormuudka hindisahan ayaa ku hawlan sidii ay u dhisi lahayd xarun duulimaad oo casri ah oo ay ku qalabaysan tahay afar run-way.
Marka la dhammeeyo, gegida cusub ayaa la filayaa in uu qaado ilaa 120 milyan oo rakaab ah sannadkii, taas oo ah wax weyn oo ka soo booday caqabadaha hadda jira ee ay la kulmaan tas-hiilaadka hadda jira.
Qaadashada fikradda ‘magaalo garoon diyaaradeed’, mashruucu waxa uu dhalin doonaa xarun magaalo oo firfircoon oo agagaarkeeda ah.
Qorshayaasha waxaa ka mid ah horumarinta hoteellada, xarumaha ganacsiga, dhismayaal xafiisyo, iyo guryo la deggan yahay, taasoo ka dhigaysa aagga isku-xirnaanta dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga.
Hoggaaminta mas’uuliyadda qorshaynta iyo fulinta hawshan weyni waa ADP ingenierie, oo ah magac caan ku ah goobta naqshadaynta iyo injineernimada garoonka.
Khibraddooda iyo hal-abuurnimadooda, gegida caalamiga ah ee cusub ee Addis Ababa waxa uu diyaar u yahay inuu dejiyo halbeegyo cusub oo dhinaca kaabayaasha duulista ah.
Wakhtiga dhamaystirka hawshan hamiga leh waxa loo dejiyay laba sano oo kaliya, iyada oo taariikhda la hiigsanayo la asteeyay December 31, 2025.
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo bandhigay xogta ceel ay xabaalo ka dhigteen kooxda Al-Shabaab, kadib markii dhawaan lagu laayey dagaal ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Dhowr ceel biyood oo dadka reer Miyiga ah iyo xoolahooda ay cabi jireen oo lagu magacaabo Ceel-deegaan ayuu ka dhacay dagaalkaas, waxaana lagu laayey oo jabka ugu culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.
Ceel-deegaan maalinkaas waxaa ka dhacay dagaal la isku riiqmay oo ciidamada Gorgor ee xoogga dalka iyo dadka shacabka ah ee hubka qaatay ay ku gacan sareeyeen, balse gabalka ayaa dhacay, iyadoo xasuuuq ba’an uu ku socdo kooxda.
Al-Shabaab waxay dejiyeen kaarto cusub oo jabkooda ay ku qari karaan, waxayna ceelashii la cabi jiray ku gureen meydkooda, qiyaastii 300 oo dagaalame ayaa la sheegay in maalinkaas looga dilay dagaalka.
Dagaalkaas wuxuu socday ku dhawaad labo maalmood, balse maalinkii 3-aad waxaa laga war-helay in Shabaab wixii ka haray ay isaga carareen goobta dagaalka, iyagoo habeenimo meydadkoodii ku guray ceelashii biyaha laga cabi jiray ee Ceel-deegaan oo hoos taga degmada Xarardheere.
Khawaarijtii lagu jebiyey dagaalkaas wuxuu hadafkoodu ahaa inay qabsadaan Xarardheere, balse waxaa ka raacay halaag aysan filaneyn, waxaana halkaas looga dilay horjoogayaal uu ku jiray ninkii ugu sareeyey howlgalka ay qorsheeyeen inay ku qabsadaan Xarardheere iyo maleeshiyaad tiro beel ah.
Urka meydadkii Shabaab-ka ayaa looga kala cararay deegaanka iyo ceelashii biyaha, waxayna dadkii iyo xoolihii halkaas ka cabi jiray hadda u arooraan degmada Xarardheere, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Dagaalkaas waxay ciidamada xoogga dalka ku muteysteen dalacsiin iyo in madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu tago furimaha dagaalka, halka ciidanka xaq u dirirka deegaanka uu siiyey lacag ay qoysaskooda ku ciidsiiyaan, maadaama xiligaas lagu jiray maalmihii ugu dambeeyey bishii Ramadaan.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Xogta Ceelkii la cabi jiray ee Shabaab ka dhigteen xabaalaha meydadkooda appeared first on Caasimada Online. -
Tan iyo maalintii sabtida waxaa kawaannada magaalada muqdisho laga waayay hilibkii geela ee sida maalin lahaa loogu iibin jiray, waxaa sidoo sare u kacay qeymaha hilibka ariga iyo midka kalluunka.
Sababta arrintan oo dadweynaha magaalada aad u samaysay keentay ayaa la sheegay inay tahay kawaanleyda hilib geela oo shaqadii joojiyay ka dib markii lacago cusub oo canshuur ah lagu soo rogay, taasoo ay ka biya diineen.
Mid kamida ragga iibiya hilibka geela oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen inay shaqada joojiyaan muddo todobaad ah, islamarkaana ay cabasho ka yihiin canshuur cusub oo lagu soo rogay.
Shacabka ku dhaqan caasimadda oo intooda badan hilibka geela si maalinle ah u cuni jiray ayaa wajahaya culays dhanka quutul daruuriga ah, kawaanlayda magaaladuna waxay wacad ku mareen inaysan illaa Arbacada waslad hilib ah keeni doonin, waxna gowrici doonin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira.
Wasiirka ayaa uga warbixiyay Kaaliyaha horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa qiray in ciidamada qaranka ay guulahaas gaareen iyagoo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah.
Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka.
Si gaar ah waaiir Jaamac ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey hanaanka maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah xasilloonida dalka, tan Gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojin doonto howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana uu socdo diyaar garow culus.
Maadaama uu socdo diyaar garow dagaal, wasiirka ayaa dalbaday inay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo Taageerada Saadka ee loo baahanyahay, taas oo gacan weyn ka gesyan doonta in waqti fudud Soomaaliya looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.
The post Sawirro: DF oo taageero dagaal ka codsatay Qaramada Midoobey appeared first on Caasimada Online. -
*Awdal: 181801*
Saylac: 25680
Lughaya: 17663
Borama: 117390
Baki: 21068*M.Jeex: 497734*
Gabiley: 88520
Hargeisa: 370432
Balligubadle: 21178
Sallaxley: 17604*Saaxil: 92620*
Berbera: 74540
Sheekh: 18080*Togdheer: 236279*
Burco: 183354
Oodweyne: 38873
Buhodle: 14052*Sanaag: 119648*
Ceerigaabo: 71562
Garadag: 16547
Ceelafweyn: 21224
Badhan: 7386
Dhahar: 2929
Laasqoray: 0*Sool: 98966*
Caynaba: 35565
Laascaanood: 48861
Xudun: 7472
Taleex: 7968*Total = 1,227,048*
-
Laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Japan, ayna saarnaayeen 8 kamid ah shaqaalaha markab dagaal oo ay japan leedahay ayaa ku burburay badweynta Baasifiga xili ay ku jireen tababar.
Diyaaradaha oo ka soo duulay markab taagnaa meel qiyaastii 270 kiiloomitir bari ka xigta jasiiradda Torishima ayaa xariirkooda la waayay Daqiiqado ka dibna markii ay duulimaadka billaabeen.
Shilkan hal qof ayaa ku dhintay,todoba kalena weli waa la la’yahay sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga dalkaasi japan,waxaana howl-gal ballaaran oo dadkaa lagu baadigoobayo ayaana socda sida ay sheegtay dowladdu.
-
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira ayaa uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka, iyaga oo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah.
Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada QM ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu dagaalamayo kooxda Alshabaab, islamarkaana loo heli lahaa Soomaaliya nabad ah oo xasiloon.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojin doonto howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, sidaa daraadeedna ay lagama maarmaantahay in la kordhiyo Taageerada Saadka ee loo baahanyahay taa oo gacan weyn ka gesyan doonta in waqti fudud Soomaaliya lagaga xoreeyo kooxaha xagjirka ah.
-
MOGADISHU (HOL) — A Military Court in Mogadishu has sentenced four individuals, including security officials, to prison for their involvement in a series of armed robberies and alcohol consumption.
-
Ankara (Caasiamda Online) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa ku shiray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadibna waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha xasaasiga ah ee wadamada Soomaaliya, Suudaan iyo Libya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry oo uu weheliyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo faahfaahiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen, kuwaas oo qeyb ay ka aheyd sidii labada dalka ay door ugu yeelan lahaayeen xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Waxaan go’aansanay inaan kordhino la tashiyada iyo dadaallada aan ku bixinayno arrintan, sidoo kale waxaan si wadajir ah uga wada hadalnay dhibaatada cusub ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan mida khatar ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.
Wasiirka arriamaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in ka go’antahay ilaalinta madaxbananida dhuleeda ee Soomaaliya, sidaas si lamid ahna ay ugu go’antahay dhiggiisa Shoukry oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar, “Waxaan is weydaarsanay tallaabooyinka la qaadi karo, si looga hortago in khilaafka siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika uu isu beddelo colaad,” ayuu yiri Fidan.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay ka wada shaqaynayaan sidii xal waara loogu heli lahaa qalalaasaha Suudaan, “Waxaan xoojineynaa kulamada iyo booqashooyinka labada dhinac ee Masar iyo Turkiga, si aan u horumarino xiriirka iyo wadashaqeynta,” ayuu yiri.
Turkiga iyo Masar ayaa ka wada shaqeynaya sidii xal waara loogu heli lahaa colaada sokeeye ee ka qaraxday dalka Suudaan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.
Fidan ayaa sheegay in arrimaha Liibiya, Suudaan, Soomaaliya, iyo Itoobiya ay yihiin meelaha muhiimka ah ee iskaashiga Ankara iyo Qaahira, isagoo intaas ku dartay in labada wasiir arrimo dibadeed ay doonayaan inay si joogto ah uga hadlaan arrimahaan.
Wadahadalkooda waqtiga ugu badan waxay ku dejiyeen qorshihii lagu joojin lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan, saameynta uu gobolka ku yeelan karo, hannaanka wada xaajoodka ee socda, iyo qorsheyaasha xal loogu raadinayo, si loo soo celiyo nabadii luntay ee Sudan.
The post Masar iyo Turkiga oo gaaray go’aan cusub oo badda Soomaaliya ay uga difaacayaan Itoobiya appeared first on Caasimada Online. -
Magaalada Garoowe gobolka Nugaal, ahna caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu qabtay shir looga hadlayay shaqa abuurka dhallinyarada oo muddo laba maalmood ah halkaa ka socday.
Shirkan oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaaradda dhallinyarada Puntland oo kaashanaya hay’ado caalami ah, ayaa waxaa looga dooday caqabadaha haysta dhallinyarada, iyo sidii xirfadaha da’yarta sare looga qaadi lahaa, islamarkaana shaqo abuur loogu samayn lahaa.
Wasiirro ka tirsan dowlad Goboleedyada Puntland oo shirka ka qeyb-galay ayaa sheegay inay muhiim tahay in caqabadaha dhallinyarada haysta xal loo helo, lana xoojiyo xirfadohooda iyo aqoontooda farsamo.
Sakriye Cabdulle Khaliif oo kamida dhallinta hal-abuurka leh oo hadda beeralay ah, islamarkaana goobta ka hadlay ayaa sheegay inay dalka shaqooyin buuxaan, balse ay dhallinyaradu dhinac marsanyihiin, loona baahanyahay inay fursadaha bannaan ka faa’iidaystaan.
Gebangabadii shirka ayaa lagu soo saaray war murtiyeed ka kooban 7 qodob, waxaana kamida ahaa in sare loo qaado xarumo farsamada gacanta lagu barto, dib u eegista xeerarka la xariira shaqada iyo shaqo abuurka, iyo in lays waafajiyo waxbarashada tooska ah iyo midda farsamada gacanta.
Soomaaliya ayaa kamida dalalka ay shaqa la’aanta badani ka jirto, waxaana sanad walba jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxa kumanaan da’yar ah, balse dalka waxaa buuxa farsado badan oo hal-abuur iyo xirfado u baahan.
-
Dad Soomaali ah, oo Yurub qaxooti ku ah, oo degan guryo dowladdeed oo ay dowlad ajinabi ah ka bixiso kiro, koranto, caafimaad iyo cunto ayaa waxey internet-ka la fadhiyan dad danyar ah, oo sidooda oo kale aan kiro awooddin, iney dhahaan xoog halooga saaro meesha ay ku hoydaan.
Dadkaas maxay dareemi lahaayeen hadii muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalalka ay qaxootiga ku yihiin ay dhihi lahaayeen dadkan ajinabiga ah guryaha xoog halooga saaro, kabka cuntadana halaga jaro. Dabcan xaalad xun ayaad gali laheydeen kadibna muuqaalo baroor iyo baryo ah ayaad soo duubi laheydeen.
Dadka Soomaaliya jooga, gaar ahaan Muqdisho canshuur ayey siiyan Dowladda, sidaas oo ay tahayna Dowladda kama helaan caafimaad, amni, waxbarasho, shaqo, koranto iyo biyo.
Marka nus boos ay Dowlad hanti-wadaag ah markii horaba shacabka xoog uga qaadatay in maanta la yiraahdo danyartu kuma noolan karan sax ma’ahan.
Isla Dowladda falkaas ku kaceysa canshuur ayey ka rabta bil walba, isla dadkaas ay barakicineyso, hadii ay Bajaaj wataan iyo hadii ay Yaanyo iibiyan-ba.
Dadka ka hadlaya arrinta Dab-Damiska iyo guud ahaan dhulalka kale ee danyartu degantahay waxaan ugu baaqi lahaa iney is weydiiyan sidii ay jeclaan lahaayeen in loola dhaqmo hadii ay ka mid ahaan lahaayeen dadkaas danyarta ah ee guryahaas degan ee aan kirana awoodin.
Dowladdu dhulal badan oo bannaan ayey wali heli kartaa, oo shaqo Dowladdeed lagu qaban karo hadii aanan loo socon hadaf kale.
Sidoo kale isla dadkan ayey Dowladdu deegaameyn uga sameyn karta meel kale, madaama ay masuuliyadda koowaad ee dowladnimadu tahay u adeeggida shacabka. Laakiin xoog, xabad iyo cagaf ma’ahan luuqad uu adeegsan karo hoggaamiye suuban oo la doortay.
Dowladnimadu daruuftii jirtay uga sii dar ma’ahan.
W/Q: Abdullahi Osman Farah
The post Muqdisho: Dowladnimada daruufta jirta uga sii dar ma ahan appeared first on Caasimada Online. -
Wareegto Madaxweyne 21.04.2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;
Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;
Waxaan Soo-saaray;
In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay bayaan kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, kaasi oo ku aadanaa xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.
Somaliland ayaa ka carootay in loogu yeero “gobol ka tirsan Soomaaliya,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.
“Xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, kaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.
Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax-bannaan oo leh shuruucdiisa iyo dastuurkiisa, kaasi oo lagu meelmariyay afti dadweyne oo si dimuqraadi ah u dhacday.”
Bayaanka ay ka gubatay Somaliland ayaa waxa si wada-jir ah u soo saaray Wasiirada Arrimaha Dibedda dalalka G7 ee Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Mareykanka, waxayna ugu baaqeen Soomaaliya iyo Itoobiya “inay furaan dhammaan marinada wada-hadalka si looga hortago in xiisadda ay kasii darto.”
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay iyadna ku gacan sayrtay baaqa kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, iyada oo meesha ka saartay wada-hadal ay la gasho Itoobiya.
Hoos ka aqriso qoraalka Somaliland uga jawaabta bayaanka dalalka G7;
Markaba horeba waxa xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, kaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay “inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.”
Waa dacaadnimo darro iyo wax aan laga aqbali karin dawladaha G7 oo si wanaagsan uga warqaba taariikhda midowgii labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya inuu ahaa mid aan sharciyad ku sallaysnayn oo uu meesha ka baxay markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya.
In lagu tilmaamo “Somaliland gobol ka mid ah Soomaaliya” iyo in magacyo la iska abuurto,la iskuna dayo in la tirtiro taariikhddu ma beddeli karto xaqiiqda iyo waaqiga dhabta ah.”
Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax-bannaan oo leh shuruucdiisa iyo dastuurkiisa, kaasi oo lagu meel-mariyay afti dadweyne oo si dimuqraadi ah u dhacday.
Waana wax lagu dawakho in la arko dalalka G7 oo sheegta inay fulinayaan dimuqraadiyaddu ay go’aansadaan inay dayacaan xaqiiqada dimuqraadiyadda dhabta ah iyo deganaanshaha Somaliland.
Qarannimada Somaliland waa lama taabtaan aan laga gorgortami karin, waxana xukuumadda Somaliland ay si adag u diidan tahay iskuday kasta oo lagu wiiqayo himilooyinka iyo rabitaanka nabdoon ee shacbigeeda.
Ugu dambeyn waxaan xaqiijineyna dalalka G7 inay la socdaan gardarooyinka isa soo taraya ee Soomaaliya iyo iskudayga hoggaankeedu wadaa ay dib u soo istaadhi karto colaadii hore u dhex taalay Somaliland iyo Soomaaliya iyo mid cusub oo ay ka abuurto mandaqada dawladda taagta daran ee Muqdisho.
The post Somaliland oo si caro leh uga jawaabtay bayaanka dalalka G7 ee heshiiska badda appeared first on Caasimada Online. -
Garowe (HOL) - At least 50 al-Shabab militants, including top commanders, were reportedly killed in an attack by ISIS/Daesh on al-Shabab positions in Puntland regional State, Al-Naba TV reported.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Wafdigan oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka urur-goboleedka EAC ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnahan uga mahad-celiyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in deg-deg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la fal-galka Soomaaliya ee suuqa Bariga Afrika.
“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Mudane Xamza ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada urur-goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.
Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhowaad afar billood kadib waxay si rasmi ah oo buuxda xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Ku biirista rasmiga ah ee EAC ayaa imaneysa kadib markii ay Soomaaliya soo dhameystirtay dhamaan shuruudihii looga baahna. Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.
The post Sawirro: Wafdi culus oo ka socda EAC oo Muqdisho soo gaaray iyo Xamza oo qaabilay appeared first on Caasimada Online. -
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka soo gaaray maanta.
Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la falgalka Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika .
“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.
-
Booliiska dalka Jarmalka ayaa xir xiray dibadbaxayaal dalbanayay in la joojiyo hubka loo dirayo Israa’iil, islamarkaana aanay dowladda dalkaasi maamulka Yuhuudda ku taageerin gumaadka dad reer falastiin.
Booliska ayaa dibadbaxayaasha ku eedeeyay in ay ka soo horjeedaan xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda, iyo inay la dagaalantu waxa ay ku tilmaameen kooxo argagixiso ah.
bannaanbaxan oo ka dhacay caasimadda Jarmalka ee Berlin, ayna boqolaal qof ka qeyb-galeen si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Falastiin iyo xabbad-joojin degdeg laga sameeyo Marinka Qasa ayay ciidamadu kala eryeen, islamarkaana tiro badan oo kamida bannaan-baxayaasha xabsiga u taxaabeen.
Jarmalka ayaa kamida dalalka Israa’iil sida weyn u taageera, islamarkaana hub faro badan ka iibiya, waxayna dowladda dalkaasi horay u sheegtay inay israa’iil dagaalka Qasa ku difaacanaysa jiritaankeeda.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dalka dibaddiisa u direysa saraakiil iyo kormeerayaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Saraakiishan ayaa dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha booliska, ayada oo maanta Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin uu xaflad sagootin ah ugu sameeyayay xarunta taliska.
Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub, Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira booliska.
Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan, sidoo kalana uga faa’iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan.
“Waa in aad ka soo faa’iideysataan aqoonta la idin soo siinayo, taasi oo la rabo in aad uga faa’iideysaan saaxiibadiina kale,” ayuu sidoo kale yiri Taliye Sulub Axmed Firin.
Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska ciidamada kala duwan ee dalka.
Si kastaba, Ciidamada Soomaaliya ayaa xilligaan ku jira dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo banaanka heerka awoodeed ee ciidankeenna, waxayna dowladda Xasan Sheekh qorsheynaysa in gulufkan kooxda looga xoreeyo guud ahaan dalka.
The post Xogta saraakiil ay DF u direyso dalka dibaddiisa + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
MOGADISHU (HOL) — As the Gu rainy season progresses in Somalia, the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) warns that anticipated heavy rains across 22 districts could impact up to 770,000 people.
-
MOGADISHU (HOL) — A young man brutally killed his younger brother in Baledweyne’s Howlwadaag neighbourhood following a dispute over a drilling site, authorities reported.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto madaxweyne ku soo saaray cayimaadda muddada qabsoomidda doorashooyinka, kadib xal laga gaaray khilaafka doorashooyinka Somaliland.
Shalay ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka Somaliland ay ku dhawaaqeen xilliga la qabanayo doorashada guud ee maamulka, taasi oo ay muddo dheer isku hayeen xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.
Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo midda xisbiyada ayaa deegaannada Somaliland waxay ka dhici doonta 13- bisha Novermber ee sanadkan aynu ku jirno ee 2024-ka.
Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa ku tartami doono kaliya musharixiinta saddex xisbi ee kala aha Wadani, Kulmiye iyo Ucid, halka doorashada tooska ah ee axsaabta ka qayb-geli doonaan saddexda xisbi iyo 10-ka urur siyaasadeed ee loo diiwaan-geliyay doorashada.
Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha
Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024
Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;
Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;
Waxaan Soo-saaray;
In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.
The post MUUSE BIIXI oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee la xiriirta go’aankii shalay appeared first on Caasimada Online. -
Musharaxa xisbiga Waddani dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa dhambaal hambalyo ah u diray gudiga doorashooyin qaranka.
Qoraal kooban oo ku qornaa farta Ingriisida oo uu shalay baahiyay oo aanu idiin turjunay waxa ay u dhignayn sidani hoos ku qoran.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaa komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo maanta ku dhawaaqay wakhtiga la wada sugayo ee la wada sugayo ee doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada siyaasada, kuwaas oo loo muddeeyay inay qabsoomaan 13-ka bisha November 2024-ka.
Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay dimuqraadiyada iyo shacabka Somaliland.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo mar kale hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay dood ka dhalatay weerar afka ah oo uu dhowaan ku qaaday Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis.
Wasiirka oo ka hadlayay xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa ku eedeeyay labada Sheekh inay la safteen xukuumadda Muqdisho, sida uu horay u shaaciyay.
Dirir ayaa haatan raalli-gelin buuxda siiyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed oo aad ‘u dhibsaday eedeynta uu jeediyay wasiirka.
Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Sheekh Umal uu yahay caalim wayn, wuxuuna kula taliyay inuu beddelo fikirkiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Arrinta dooda dhalisay ayaa ah in Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis ay ‘ku taliyeen’ in lagu duulo Puntland, taas oo uu dib ka beeniyay Sheekh Umal oo mar kale soo hadlay.
“Sheekha waa ka raali gelinayaa arintaa in aanu oran Puntland halugu duulo waa caalim soomaaliyeed waa shiikheenii waa shiikh Soomaaliyeed laakiinse qowlkiisa qadiimka ah ha ku bedelo qowl jadiida” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland.
Raali-gelinta wasiirka ayaa haatan soo gabagabeyneysa hadal heyntii qabsatay baraha bulshada, kadib dagaalka ka dhex qarxay Wasiir Maxamuud Cayiid Dirir iyo Sheekh Umal.
Si kastaba, Puntland ayaa haatan khilaaf siyaasadeed oo wayn wuxuu kala dhexeeyaa dowladda federaalka, kaas oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka.
The post Puntland oo raali-gelin ka bixisay u gefkii Sheekh Umal appeared first on Caasimada Online. -
Abiy Ahmed (right) recognises the mistake of pursuing economic growth through territorial expansionism and ignoring the rules-based global system.
Mogadishu (PP Editorial) — A maritime Memorandum of Understanding agreement signed in January 2024 between Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed and Somaliland President Muse Bihi faces challenges. Ethiopia has verbally revised the terms of the deal.
Ethiopia argues that sea access through Somalia’s coastline can benefit both nations. However, this economic focus worries Somaliland’s leadership and sends a mixed message to Somalia’s federal government. Comments by an Ethiopia’s diplomat at a recent security conference (Navigating the Complexities: Fostering Regional Security in the Horn of Africa) in Addis Ababa omitted the diplomatic recognition that Ethiopia would grant to Somaliland as claimed by Muse Bihi as precondition for a naval base for Ethiopia in Somalia’s northern coast.
Ethiopia needs a dedicated port, which could conflict with the economic interests of both Somaliland administration and Djibouti. This subtle expansionist move by Ethiopia requires Western support, similar to what Emperor Haile Selassie received during the annexation of Eritrea by Ethiopia more than six decades ago. The current political situation in Ethiopia is far less stable than it was decades ago.
Ethiopia’s strategy of using economic growth narrative to gain sea access is flawed. Analysts believe the maritime Memorandum of Understanding with the secessionist administration violated international norms, and Ethiopia could face consequences from institutions like the IMF if it disregards the global rules-based system.
“ The emphasis on economic growth for Ethiopia as a means to secure sea access suggests a miscalculation on the part of Abiy Ahmed when he signed a maritime Memorandum of Understanding with the President of the Somaliland administration” said an Ethiopian analyst in Addis Ababa.
© Puntland Post, 2024
The post Ethiopia sees sea outlet in Somalia as a path to “economic growth” appeared first on Puntland Post.
Ma Jiraan wax sharci ahaan ka hor imanaya aqoonsiga Itoobiya siinayso Somaliland” Matt Bryden
in News - Wararka
Posted
Ma Jiraan wax Sharci ahaan ka Hor imanaya aqoonsiga Itoobiya Siinayso Somaliland” Matt Bryden
Matt Bryden oo ah la taliyaha dhanka Istaraajiyadda ee Machadka SAHAN ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta qaranka Itoobiya waxa uu si cad ugu sharraxay sharciyadda uu ku taagan yahay heshiiska is-fahan ee dhex maray Somaliland Iyo Itoobiya.
Bryden ayaa sheegay in aanay jirin wax sharci ahaan ka khaldan heshiiskani isla markaana Itoobiya ay adeegsanayso xaqa dal waliba u leeyahay inuu aqoonsado dal kale.
Matt Bryden ayaa intaa ku daray in shuruudaha dal lagu aqoonsadaa ay yihiin kuwo cayiman oo laysla yaqaanno kuwaasoo kala ah.
1. In dalkaasi leeyahay dad cayimad oo la yaqaanno
2. Dhul la uu ka taliyo
3. Iyo dawlad ka awood u leh inay dhulkaa ka taliso
Somaliland waa ay buuxisay saddexdaa shuruudood ba
Waxa uu sheegay in Somaliland jirtay in ka badan 30 sano oo ay ku naallonaysay xasillooni, haddii Itoobiya ay aqoonsanaysana ay iyadu xaq u leedahay.
Somaliland waxa ay la mid tahay uun dalalka Koonfurta Suudaan, Eritrea iyo Jamhuuriyadii Yuquslaavia iyo kuwii ka tiranaan jiray Midowgii Soofiya, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah la aqoonsaday.
Arrinta kaliya ee ay Somaliland kaga duwan tahay waa iyada oo xornimadeedii kala soo noqonaysa dal fashilmay 20kii sano ee u danbeeyay, isla wakhigan lagujirana aan lahayn dawlad tayo leh oo dhulkeeda ka wada Talisa, ta kasii daranina waa jiritaanka dawladda ka dhisan Somalia waxa aynu ognahay inuu ku xidhan yahay ciidamada shisheeyaha ah jooga ay Itoobiyana qayb ka tahay iyo caawimada ka badan 2da bilyan oo dollar oo inteeda badani ay ku baxdo dhanka ammaanka. Taageeradaa la’aanteedna waxa is weydiin leh sida ay noqon lahayd dawlada ka jirta Soomaaliya. Sidaa daraaddeed marka xaaladahaasoo dhan la eego, ma jiraan sharci ahaan wax ka hor imanaya in Itoobiya Somaliland aqoonsato
Qaran News