Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Go’aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka Itoobiyaanka ah.

    Tallaabadan ayaa jawaab u ah wada-shaqeyn la’aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arimaha dib-u-celinta Magangalyo-doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27-ka dal ee Yurub ay ku mideysan yihiin.

    Golaha Midowga Yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka Itoobiya.

    Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu sameeyay, kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ku jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay golaha ay ku mideysanyihiin dalalka Midowga Yurub.

    “Itoobiya waxaa ay ku guul-dareysatay in aan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan,” ayuu raaciyay go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.

    Arrintan ayaa imaneysa xilli ay Itoobiya wajaheyso xaalad adag oo gudaheeda, ayna xukuumadda Abiy ay ku fashilantay inay wax ka qabato xad-gudubyada lagula kacayo dadka aan waxba galabsan.

    Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Itoobiya iyo xaaaladaha bani’aadinimo ayaa keentay in beesha caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wada-hadal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed, si loo ilaaliyo dadka rayidka.

    Source


  2. Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York ee dalkan Maraykanka ayaa Isniintii mamnuucay, xubno ka mid ah ardayda ee u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee diiday inay ka guuraan barxadda hore ee dhismaha Jaamacadda ee ku yaalla magaalada New York, kadib markii amar lagu siiyay iney ka guuraan.

    Mudaharaadayaasha iyo maamulka Jaamacaddu ay isku afgaran waayay kulan sidii loosoo afjari lahaa xaaladda, Mareykanka ayaa Jaamacadaha ku yaalla waxaa ay noqdeen udub-dhexaad u noqotay dalabka sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda magaalada Gaza, kaas oo galay bishii 7-aad duqeyntu ay socoto.

    Madaxweynaha Jaamacaddan oo lagu magcaabo Nemat Minouche Shafik ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in maalmo badan oo ay socdeen wadahadalo kala duwan oo u dhexeeyey madaxda ardayda soo abaabushay mudaharaadyadaan  iyo masuuliyiinta Jaamacaddu saareen ganaax lagu adkeynayo.

     Maamulka ayaa sheegay inay ku guuldaraysteen, in ardayda debedbaxa samaynaysa lagu qanciyo inay furfuraan taandooyinka ka dhisan barxadda hore Jaamacadda, iyagoo diiday iney joojinayaan, laakiin aqbalay ka guurista bannaanka hore ee Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York.

    Maalmahan ugu dambeeyey waxaa jaamacadaha dalka Maraykanka ka socday mudaharaadyo kala duwan oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, isla markaana lagaga soo horjeeda dagaalka Qaza iyo sida dowladda Mareykanka ay u diidan tahay dowladnimada Falastiin kadib qaraarkii golaha Ammaanka.

    Ciidamada booliska ee magaalada Austin ee gobolka Texas, ayaa iyaguna xabsiga u taxaabay tobanaan arday oo dhigayey mudaharaad lagu taageerayey Falastiiniyiinta, arrintaan ayaa noqotay hadal heyn badan oo ku aadan mudaharaadyada sida weyn looga dareemay gudaha Mareykanka ee araday dhigeen.

    Jaamacadda Colombia ayaa ardayda u dirtay Isniintii shalay aheyd , in haddii ay ka guuri waayaan ilinka hore ee barxadda Jaamacadda marka la gaadho 2 duhurnimo, isla markaana ay saxeexi waayaan inay raacayaan shuruucda jaamacadda, in laga mamnuuci doono jaamacadda, iney sii dhigan karaan.

    Source: goobjoog.com


  3. Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Isniintii inuu ku rajo weyn yahay in Xamaas ay aqbasho, waxa uu ugu yeedhay, dalabka “deeqsinimada ah ee aan caadiga ahayn” ee Israa’iil, kaas oo ku saabsan, heshiis xabbad-joojineed oo laga gaadho colaadda Qaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil.

    “Xilligan la joogo, waxa ay sugayaan shacabka Qaza iyo heshiis xabbad-joojineed oo la gaadho waa Xamaas” ayuu ka sheegay Blinken oo ku sugan Riyadh, isaga oo safar ku gaalaa bixinaya dalalka bariga dhexe, si xal natiijo looga gaadho wadahadalada socda ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

    Wefti ka socda Xamaas ayaa Isniintii gaadhayey dalka Masar, halkaas oo Qatar ay isku dayayso inay xal u hesho dagaalka Qaza iyo sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista xidhan.

    Dhinaca kale Blinken ayaa ka sheegay Riyadh, inay meel gebogebo ah marayso, heshiis dhinaca amniga ah oo ay la gelayaan Sucuudiga, kaas oo la dhamaystiri doono haddii Sucuudigu uu heshiis nabadeed la galo Israa’iil.

    Wasiirka ayaa intaas raaciyey in labadii bilood ee ugu dambeeyey ay labada dal, ka wada shaqeeyey hawlo culculus, oo ku aaddan, sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka Israa’iil iyo Sucuudiga

    Source


  4. Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York ee dalkan Maraykanka ayaa Isniintii mamnuucday, xubnaha ardayda ee u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee diiday inay ka guuraan barxadda hore ee dhismaha Jaamacadda ee ku yaalla magaalada New York, ka dib markii ay xubnaha soo abaabulay mudaharaadada iyo maamulka Jaamacaddu ay isku afgaran waayeen sidii loosoo afjari lahaa debedbaxyada.

    Madaxweynaha Jaamacaddan oo lagu magcaabo Nemat Minouche Shafik ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in maalmo badan oo ay socdeen wadahadalo kala duwan oo u dhexeeyey ardayda soo abaabushay mudaharaadadan iyo masuuliyiinta Jaamacaddu, inay ku guuldaraysteen, in ardayda debedbaxa samaynaysa lagu qanciyo inay furfuraan taandooyinka ka dhisan barxadda Jaamacadda, kuwaas oo ka soo horjeeda dagaalka Israa’iil ay ka waddo Qaza.

    Maalmahan ugu dambeeyey waxaa jaamacadaha dalka Maraykanka ka socday mudaharaado kala duwan oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, isla markaana lagaga soo horjeeda dagaalka Qaza.

    Ciidamada booliska ee magaalada Austin ee gobolka Texas, ayaa iyaguna xabsiga u taxaabay tobanaan arday oo dhigayey mudaharaad lagu taageerayey Falastiiniyiinta.

    Jaamacadda Colombia ayaa ardayda u dirtay Isniintii, in haddii ay ka guuri waayaan barxadda Jaamacadda marka la gaadho 2 duhurnimo, isla markaana ay saxeexi waayaan inay raacayaan shuruucda jaamacadda, in laga mamnuuci doono jaamacadda, isla markaana aanay awoodi doonin inay dhamaystaan waxbarashadooda.

    Source


  5. Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan Guddida xidhiidhka dibadda ee aqalka Senateka Maraykanka, ayaa shaaciyay in uu sannado ku boorinayey wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkiisa inay xidhiidh la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland.

    Xildhibaan Jim Risch wuxuu sidaas kaga hadlay farriin uu ku daabacay bartiisa X (twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu ku dhaliilay xukuumadda Maraykanka in siyaasadeeda ku wajahan “Soomaaliya mid ahi” aanay shaqeynayn.

    Mudane Jim Risch wuxuu qoraalkiisu u qornaa sidan:-

    “Sannado ayaan ku boorinayey Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka inay xidhiidh la yeelato Somaliland oo aanay iska dhego tirin nidaamkeeda dimuqraadiyadda.Laakiin xulafadeenna caalamka ayaa amaanay doorashooyinka Somaliland.”

    Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray “Maamulka Mareykanku wuxuu la aamusan yahay siyaasadda ‘Soomaaliya mid ah’ taasi oo aan ka turjumayn xaqiiqada iyo waxa ka socda Somaliland.”

    Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan mudaneyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa ka mid ah xildhibaannada aqalka Senateka ee sida weyn ula socda Jamhuuriyadda Somaliland.

    Waxa kaloo uu ka mid ahaa xildhibaannadii sameeyay xeerkii iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka sannadkii 2021kii.

    Source


  6. Weriyaha ITV News Raage Omaar ayaa hadda ka soo kabanaya xaaladdii caafimaad ee ku timid isaga oo si toosa u tabinaya wararka. Sida laga soo warbaahinta ITV Raage ayaa hadda ku sugan gurigiisa ka dib markii laga soo saaray isbitaalka oo lagu soo dabiibiyay. Wuxuuna qof walba uga mahad celiyay “naxariista iyo caafimaadka uu u rajeeyay”.

    Afhayeen u hadlay ITV News ayaa yiri: “Waxaan daawadayaashii warkii xalay ugu mahadcelineynaa sida ay uga walaacsanaayeen xaaladda caafimaad ee Raage Omaar.

    “Kadib daawaynta isbitaalka, wuxuu hadda ku jiraa xaalad soo kabasho ah isaga oo gurigiisa ku sugan”.

    “Waxaan Raage u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah waxaanan rajaynaynaa inuu dib ugu soo laabto shaashada marka uu soo caafimaado

    Qaran News


  7. kayd.jpeg?fit=2048%2C1597&ssl=1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa baaq culus u dirtay beesha caalamka, kaasi oo la xiriira kiiska dilka Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, oo nabad-sugidda u xirtay shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka dalbaday caalamka inuu soo fara-geliyo arrintaan, isaga oo sheegay in muwaadiniinta Somaliland ee kiiska loo xirtay loo geystay jirdil xooggan.

    Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay si dhow ula socoto xariga iyo tacadiyo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayeen hay’addo dawladeed, sida uu hadalka u dhigay.

    “Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanku inay deg-deg u fara-geliyaan dhacdadan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

    Waxa uuna ka dalbaday dhinacyadaasi in xoriyadooda loo soo celiyo dadkaasi xiran, oo uu tilmaamay in jirdil loo geystay, islamarkaana sifo sharci darro ah u xiran yihiin tan iyo bartamihii Febraayo, iyada oo aan loo haynin wax lagu xukumo

    Wasiir Ciise Keyd ayaa ugu dambeyntiina soo bandhigay magacyada dhallinyaradan oo u shaqeeya hay’addaha ICAO iyo WFP, kuwaasi oo kala ah;

    1. Mubaarig Nuur Cali – ICAO
    2. Nuuradiin Ileeye – ICAO)
    3. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Khaliif – Salaf – ICAO.
    4. Maxamed Cabdiraxmaan – WFP
    5. Almis Saleebaan –WFP

    Horey waxaa warbaahinta dhowr jeer kasoo muuqday ehellada raggan u xiran nabad-sugidda Soomaaliya, iyagoo sheegay in jirdil ba’an loogu geysto si joogto ah, ayna aad u liidato xaaladooda.

    Dhalinyaradan oo u badan reer waqooyi ayaa loo soo qabtay dilka Cabdinaasir Dahable oo ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, waxaana weli ku socda baaritaan oo looma gudbin maxkamadaha dalka.

    The post Somaliland oo caalamka ka dalbatay faro-gelinta kiis culus oo ka taagan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

  8. Maamulka SSC Khaatumo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku eedeeyay Somaliland inay colaad sokeeye ay ka hurinayaan degaannada gobolka Sanaag, ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay labo qof oo shacab ah oo kasoo jeeday degaanada maamulka kmg ah ee SSC Khaatumo.

    Warsaxaafadeedka kasoo baxay SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay, in Somaliland ay ciidamo badan ku abaabulayso gobolka Sanaag, taasoo ujeedka laga leeyahay uu yahay in colaad la galiyo gobolkaas sida uu maamulka SSC sheegay, eedaan ayaa kusoo aadaysa xilli dagaal labada dhinac laga cabsi qabo.

    SSC Khaatumo waxay sheegtay, cawaaqib xumada ka dhalata colaaddaas iyo dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, inuu qaadayo maamulka Somaliland, waxaana xusid mudan in maamulka Somaliland ciidamo badan uu soo dhoobay xadka labada oo ay isku horfadhiyaan ciidanka kasoo kala jeeda labada dhinac.

    SSC Khaatumo ayaa Sidoo kale, waxay sheegtay inay Somaliland waddo abaabulka duullaan ka dhan ah degaanadooda, taasoo ay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin, waxaana maalmihii lasoo dahafay socday hadallo labada dhinac ay hawada isku marinayeen, taas oo laga acabsi qabo inuu dagaal dhaco.

    Source: goobjoog.com


  9. 438845117_920444950122112_25089533872924

    Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliska Mareykanka ee Soomaaliya.

    Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell iyo kan xoogga dalka ayaa kulankaan diirada ku saaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sidoo kale wuxuu saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan howl-gallada gaarka ah kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynayo khawaarijta, isaga oo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howl-galka.

    Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta howl-gallada gaarka ah ayaa dhankooda ballan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howl-galka dalka looga sifaynayo kooxda Al-Shabaab.

    Kulankan ayaa imanaya maalmo uun kadib markii ay banaanka usoo baxday fadeexada musuq-maasuq ee ciidanka Danab, ayada oo suuqyada waaweyn ee magaalada lagu kala iibsaday raashinkii ciidamada kumaandooska Danab, taasi oo keentay in Mareykanka uu jarto kaalmada raashin ee uu siin jiray ciidankan.

    Mareykanka ayaa markaas sheegay inuu dib u qiimeyn doono xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexadda musuq-maasuq ee kusoo baxday.

    Sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in Washington ay dhammaan eedahaasi musuq-maasuq u qaadaneyso si dhab ah.

    “Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka.

    Fadeexaddan ayaa si weyn u hareysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada baaritaanka socdo iyo tallaabada ay qaado dowladda.

    440424361_920444876788786_16433212218774

    440582514_920444863455454_36017179510412

    440760571_920444886788785_58092347114581

    440436617_920444940122113_26052052537998

    438822169_920444960122111_65332737781697

    438845117_920444950122112_25089533872924

    The post Taliska Mareykanka iyo kan Soomaaliya oo kulan xasaasi ah yeeshay kadib fadeexada soo baxday appeared first on Caasimada Online.

  10. Dowladda Kenya ayaa bilaabeysa dib u furista dugsiyadeeda iyo goobaha kale ee waxbarasho, kadib hal todobaad oo ay dib u dhigtay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah, iyadoo dhimashada ka dhalatay daadadka tan iyo bartamihii bishii March ee sanadkan ay ka badan tahay  100 qof sida la xaqiijinayo.

    Dugsiyada qaar ayaa weli “si xun u saameeyay” fatahaadda, Wasaaradda Waxbarashada ayaa u sheegtay habeenimadii Axadda Warbaahinta maxalliga ah in ka badan 100 dugsi ay daadadku qaadeen, kuwaas oo qaarkood darbiyo dumay iyo saqafyadii ay la tageen una baahan dayactir xooggan oo dib loogu dhisayo.

    Dowladda ayaa shaacisay geerida 90 ruux, tan iyo Maarso, waana tiro ka yar sida warbahainta gudaha ay qoreen, waxaana la filayaa in tiradaasi ay kororto kaddib markii ay dooni ku degtay Gaarisa. Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in lasoo badbaadisay 23 qof, balse la la’yahay in ka badan 12 qof.

    Roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ayay dalka tan iyo bartamihii bishii March, waxaana waaxda saadaasha hawada ay ka digtay roobab kale, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xaaladaha guud ee ka jira dalka, xilli dowladda loogu baaqay ineysan arday si degdeg ah ugu ogolaanin in Iskuullada ay aadaan xilligaan adag.

    Wadamada a Bariga Afrika ayaa waxaa ka jira daadad ka dhashay roobabka xooggan ee da’aya, waxaana lagu soo warramayaa in 155 qof ay ku dhinteen Tanzania halka in ka badan 200,000 oo qof ay saameeyn ku yeesheen dalka Burundi oo jaarka la ah, dalalka Soomaaliya Kenya iyo Tanzania ayaa cabsidu ka jirtaa.

    Source: goobjoog.com


  11. Abiy-2-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

    Brussels (Caasimada Online) – Go’aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka Itoobiyaanka ah.

    Tallaabadan ayaa jawaab u ah wada-shaqeyn la’aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arimaha dib-u-celinta Magangalyo-doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27-ka dal ee Yurub ay ku mideysan yihiin.

    Golaha Midowga Yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka Itoobiya.

    Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu sameeyay, kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ku jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay golaha ay ku mideysanyihiin dalalka Midowga Yurub.

    “Itoobiya waxaa ay ku guul-dareysatay in aan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan,” ayuu raaciyay go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.

    Arrintan ayaa imaneysa xilli ay Itoobiya wajaheyso xaalad adag oo gudaheeda, ayna xukuumadda Abiy ay ku fashilantay inay wax ka qabato xad-gudubyada lagula kacayo dadka aan waxba galabsan.

    Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Itoobiya iyo xaaaladaha bani’aadinimo ayaa keentay in beesha caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wada-hadal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed, si loo ilaaliyo dadka rayidka.

    The post Midowga Yururb oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.

  12. Wareysi uu dhowaan bixiyay wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur jaamac ayuu kaga hadlay duruufta iyo nolosha adag ee ay ciidanka xoogga dalku ku shaqeeyaan.

    Wasiirka ayaa si caro leh uga war-celiyay qaar kamida weydiimihii wareysiga, wuxuuna sheegay inaan shaqada Wasaaradda iyo midda ciidankuba ahayn is qurxin iyo raaxo, balse dayaca iyo duruufka askarta ka muuqataahi ay tahay astaanta howsha adag ee ay hayaan, askari walibana markii uu ciidanka ku soo biirayay u soo doortay dhimasho, dhaawac, iyo dacdarro.

    Hadalka wasiirka oo ku soo beegmay xilli ay taagantahay hadal-heynta Raashinkii ciidanka danab oo ay Wasaaraddu dhowaan shaacisay in la musuqmaasuqay ayay falanqeeyayaasha iyo xeeldheerayaasha amnigu siyaabo kala duwan u fasireen.

    Inkastoo la oran karo jawaabaha uu bixiyay qaarkood weero badan oo caro leh ayaa ku jiray, haddana lafa-gurayaasha qeyb kamida ayaa dura siyaasadda guud ee Wasaaradda, waxayna ku doodayaan in musuqmaasuqa raashinka ciidanka iyo dayacaado kaleba ay isla xisaabtan la’aan ku yimaadeen.

    Sidoo kale waxaa dhaliil loo jeedinayaa hannaanka wada shaqaynta ee madaxa Wasaaradda iyo taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan wasiirka iyo taliyaha oo xariirkooda shaqo shaki laga muujinayo.

    Si kasta ha ahaatee waxaa masuuliyiinta Wasaaradda horyaalla weydiimo adag oo ku saabsan lunsashadii Raashinka ciidanka, iyo mushaarkii ay dowladda Imaaraadku siin jirtay cutubyo ka tirsan xoogga dalka oo la joojiyay, taasoo sababteeda loo aanaynayo fal-celinka dhalatay hab-maamulka hoggaanka Wasaaradda.

    Source: goobjoog.com


  13. Xasan-Ruto.jpg?fit=2040%2C1441&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay dowladda Kenya iyo shacabkeedaba.

    Dowladda federaalka ayaa uga tacsiyaysay dowladda iyo shacabka Kenya dadkii ku geeriyooday daadadka ka dhashay roobab mahiigaan ah ee halkaasi ka da’ay maalmihii u dambeeyay.

    “Dareenkayagu wuxuu la jiraa qoysaska dhibbanayaasha ah iyo dhammaan dadka ay saameysay masiibada dabiiciga ah,” ayaa lagu yiri dhambaal tacsi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

    Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay garab taagan tahay dhiggeeda Kenya xilligan adag ee lagu jiro, iyada oo intaa ku dartay “in ay diyaar la tahay wax kasta oo taageero ah ee looga baahdo.”

    Dalka Kenya iyo waddamo badan oo ku yaalla bariga Afrika ayaa waxaa maalmahan ka da’ayay roobka gu’ga, kaasi oo daadadkii ka dhashay ay sababeen qasaaro isugu jira dhimasha, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

    Ku dhowaad ​​60 qof ayaa ku naf waayay dhibaatadda ka dhalatay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay gudaha Kenya, markii uu karkaarrada jabsaday biyo xireen kamid ah kuwa ugu weyn dalkaasi.

    Tani ayaa imaanaysa iyada oo la saadaalinayo in roobabka ay sii di’i karaan ilaa horraanta bisha shanaad ee May ee sanadkan.

    The post Maxaa ku qoran dhambaalka ay DF Soomaaliya u dirtay Kenya? appeared first on Caasimada Online.

  14. International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC)
    PRESS RELEASE
    International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Delivers Impactful Trade Solutions in 2023 Amid a Changing and Challenging Global Environment
    The Annual Report Showcases ITFC Navigating Change and Driving Impact to Deliver Major Milestones and Significant Achievements
    JEDDAH, Saudi Arabia, April 29, 2024/ — The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) (www.ITFC-idb.org), a member of the Islamic Development Bank Group (IsDB), proudly announces the release of its 2023 Annual Report, on the them “Navigating Change, Driving Impact.” This report demonstrates ITFC’s resilience and adaptability in supporting its member countries through strategic trade financing and development initiatives amidst increased global economic uncertainties.

    In a year characterized by persistent global challenges including economic disruptions and supply chain vulnerabilities, ITFC has successfully bolstered its efforts to support economic recovery and sustainable growth among its member countries. Through innovative trade solutions and dedicated sector support, ITFC played a critical role in fostering regional economic integration and enhancing the trade capabilities of OIC member countries, thereby contributing significantly to their socioeconomic stability.

    Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC, remarked on ITFC’s results: “Despite 2023 being a challenging year, ITFC delivered admirable results. Our focus was on minimizing the impact of global disruptions on trade and development in our member countries. The ITFC Annual Report reflects our achievements, the strength of our strategic approach, and our unwavering commitment to economic development and regional integration across the OIC member countries.

    Highlights of the 2023 Annual Report

    • Trade Financing. ITFC approved US$6.9 billion in trade finance, focusing on diversification beyond traditional sectors including agriculture and SMEs, highlighting a commitment to sustainable economic support;
    • Support for SMEs and Private Sector Entities. ITFC intensified its support for the private sector with substantial finance approvals amounting to US$905 million, aimed at fostering entrepreneurship and job creation across the member states;
    • Food Security. ITFC contributed significantly to food security by disbursing around US$2 billion to import 3.8 million metric tons of food commodities, benefiting over 22 million households in member countries. This effort aligns very well with the UN SDG 2: Zero Hunger;
    • Agricultural Development. ITFC’s financing in agriculture supported the purchase of agricultural produce from farmers, providing US$254 million in pre-export finance to agricultural companies. This enabled timely payments to more than 600,000 farmers in Africa, fostering substantial agricultural exports worth US$528.8 million;
    • Portfolio Diversification. In 2023, ITFC diversified its trade finance portfolio by extending significant support across various sectors, including a substantial US$4.2 billion towards the energy sector and strategic interventions in SME development, particularly enhancing women’s participation in trade through capacity-building programs;
    • Trade Development Programs. The corporation advanced trade development by increasing intra-OIC trade, with ITFC mobilizing US$4.5 billion of trade finance from syndicate partners and facilitating a 17% increase in intra-OIC trade compared to the previous year. This effort supports SDG 17: Partnerships for the Goals;

    The report also details ITFC’s proactive engagement in high-level dialogues and strategic partnerships, pivotal in advancing trade finance and development goals. It showcases the impact of flagship programs like the Arab Africa Trade Bridges (AATB) Program and various SME development programs, which have been instrumental in boosting intra-OIC trade and strengthening economic resilience.

    Other Key Achievements in 2023

    • Economic Impact. Through strategic initiatives and programs, ITFC has bolstered intra-OIC trade and significantly contributed to the economic empowerment of communities and sectors across the Corporation’s member countries;
    • Capacity Building. Numerous training programs and workshops were conducted to enhance institutions’ trade professionals and their skills and capabilities, further enriching the trade ecosystem across member countries;
    • Geographical Outreach. The financing covered operations in 22 countries, emphasizing ITFC’s widespread impact across all OIC regions;
    • Sustainable Development Initiatives. ITFC participated in significant environmental actions, including the world’s largest-ever voluntary carbon credit auction, reflecting its commitment to sustainability;
    • Intra-OIC Trade Finance. ITFC approved US$4.59 billion for intra-OIC trade finance, demonstrating a commitment to enhancing economic integration and cooperation among member countries;
    • Strengthened Governance Engagement. ITFC continued its engagement with Governors to fortify support mechanisms, ensuring tailored financial solutions that address specific regional and national economic challenges;
    • Focus on Least Developed Member Countries (LDMC). The LDMC’s share of the trade finance portfolio reached 44%, reflecting ITFC’s strategic emphasis on supporting the most vulnerable economies within its membership.

    ITFC is committed to boosting economic prosperity across OIC member countries and will continue to enhance the Corporation’s trade finance and development initiatives to meet their evolving needs, as showcased in the 2023 ITFC Annual Report.

    Download the full English version here (https://apo-opa.co/49WoUHW)

    Download the full Arabic version here (https://apo-opa.co/4aTvsZb)

    Distributed by APO Group on behalf of International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC).

    Qaran News


  15. Deni-2.jpeg?fit=1386%2C1280&ssl=1

    Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan qarsoodi ah madaxtooyada kula qaatay saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo shalay galab soo gaaray Garowe, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. 

    Saraakiishan, oo la dajiyay Hotel caan ah oo ku yaalla Garowe, ayaa kulan dheer oo saacado badan ah la qaatay Deni, balse illaa iyo hadda xog lagama hayo wax ay ka wada-hadleen.

    Kulanka ayaa imanaya ayada oo Saciid Deni uu shalay un kasoo laabtay dalka Itoobiya, taasi oo dhalineysa su’aal ah; sababta uu sirdoonka Itoobiya ugu qaabilay Garowe maadaama uu ka yimid caasimadooda. 

    Waxa uu sidoo kale kulanka imanaya ayada oo aad uu u xun yahay xiriirka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Muqdisho ay dalka ka cayrisay safiirkii Itoobiya, islamarkaana amartay in la xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa.

    Puntland iyo Somaliland ayaa labadaba diiday inay u hoggaansamaan amarka Dowladda Federaalka ee xiritaanka qunsuliydaha.

    Somaliland waxay ku dooday inay tahay “dal madax-banaan” oo aysan aqoonsaneyn amarka Dowladda Federaalka, halka maamulka Saciid Deni uu qiil ka dhigtay khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

    Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal ay xilligaas soo saartay. 

    “Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya,” ayey tiri Puntland.

    “Haddaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garowe aanu khusayn Puntland.”

    The post Saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo kulan qarsoodi ah Deni kula yeeshay Garowe appeared first on Caasimada Online.

  16. Tim-Loughton.jpeg?fit=1500%2C1057&ssl=1

    London (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska ayaa sheegay in laga celiyay safar uu ku tagay dalka Jabuuti sababo la xiriira xiriirka dhow ee dalka ku yaalla bariga Afrika uu la leeyahay Shiinaha.

    Tim Loughton, oo ah xildhibaanka laga soo doorto East Worthing iyo Shoreham, ayaa sheegay in la xiray in ka badan 7 saacadood, lagana mamnuucay inuu galo Djibouti horaantii bishan.

    Mr Loughton, oo Shiinuhu cunaqabatayn saaray 2021, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid “kalinimo iyo cabsi badan”.

    Xafiiska arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

    “Waxaan ka mid ahaa wafdi ka yimid Somaliland oo dooneyay in ay hesho aqonsi caalami ah, waxay Somalia ka go’aday 1991dii, aniga waxaan soo marayay Jabuuti laakii inta kale saaxibadey Adis-ababa ayey mareen. Waxaan kulan la lahaa safiirka si aan xog uga siiyo Somaliland. Waxaan wadanka joogi lahaa ku dhawaad 36 saacadood.”

    “Waan imid. Diyaaradda ayaan ka dagay si aan fiiso u helo kaddibna aan ula kulmo qofkii ii qaadi lahaa hotelka. Markaas ayey dhibaatadu bilaabatay. Markii ay sawireen basaboorkeyga waxay I weydiiyeen waxaan qabto. Waxaan u sheegay in aan xildhibaan ahay markaas ayey xaaladda xumaatay. Kaddib meel gees ah ayey iga fariisiyeen hoolka laga soo dego. Qof kasta oo diyaardda saarnaa wuu baxay. Halkaas ayaan saacad fadhiyay.”

    Waxa uu sheegay in aysan cidna u sheegin waxa dhibaatadu tahay.

    “Kaddib qof ayaa ilaalinayay oo qol i geeyay. Qolkaas ayaa laygu xiray. Dhowr saacadood ayaan ku jiray. Markii ay ii yimaadeen ayey ii sharaxeen in aan la ii goleyn in aan dalka galo, waxaana laysaaray diyaarad ii qaadi doonto dalkeyga. Intaas ayey aheyd, wax sharaxaad ah layma siin. 7 saac ayaan halkaas joogay intaan laysoo masaafurin oo laysoo saarin diyaarad dooaxa kaddibna UK ayaan imid. Waxaan imid 24 saac ka hor xiligii aan filaayay in aan imaado. Ilaa hadda ma ogi sababta rasmiga,” ayuu yiri xildhibaan Tim Loughton.

    “Jabuuti si wax ku ool ah ayey u tahay waddan Shiinaha ka tirsan – waxa Shiinuhu rabo, sababtoo ah Jabuuti in xildhibaan dhib badan oo Shiinuhu cunaqabatayn ku soo rogay uu albaabkooda yimaado waxay ahayd wax aanay doonayn inay ka kaftamaan.”

    “Tani waxay ahayd tusaale kale oo ku saabsan sida teendhooyinka Dawladda Shuuciga ah ee Shiinaha ay ugu fidayaan meelaha fog, iyo saamaynta xun ee ay ku leeyihiin qaybaha xasaasiga ah ee Afrika ayaa ah mid walaac gaar ah leh,” ayuu si gaar ah ugu sheegay BBC Online.

    Sannadkii 2021-kii, Shiinaha ayaa cunaqabatayn ku soo rogay shan xildhibaan oo uu ku jiro Mr Loughton, kaddib markii ay dalka ka faafiyeen waxa ay ugu yeereen “been iyo war-xumo”.

    Waxay ku timid aargoosi tallaabooyin ay dawladda UK ka qaadatay xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah kooxda laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Uighur.

    Mr Loughton waa la-guddoomiyaha kooxda dhammaan baarlamaanka ee Tibet, taas oo muujisay rikoorka Shiinaha ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

    2019, wuxuu soo bandhigay Sharciga Helitaanka Isdhaafsiga ee Aqalka Baarlamaanka kaas oo u baahan in dawladda UK ay qaado tillaabooyin ka dhan ah saraakiisha Shiinaha oo u diidaya inay galaan Tibet.

    Sidoo kale waa xubin hormuud u ah Isbaheysiga Inter-Parliamentary Alliance on China, koox caalami ah oo ka shaqeeya dib u habeynta sida wadamada dimuqraadiga ah ay ula xiriiraan Shiinaha.

    Wasiirkii hore iyo xubin ka tirsan guddiga doorashada ee arrimaha gudaha ayaa sheegay in uusan u tartami doonin doorashada soo socota oo uu baarlamaanka ku jiray in ka badan 27 sano.

    The post JABUUTI oo dalkeeda ka masaafurisay xildhibaan u ololeeya aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.

  17. SSC-Khaatumo-Khatumo.jpeg?fit=1600%2C160

    Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeyey dil 28-kii April ka dhacay deegaanka Laymadh ee Gobolka Sanaag oo loo gaystay Marxuum Cismaan Maxamuud Colgondood iyo Maxamed Axmed Aadan Ducaale.  

    War-saxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in dilkaas ay fuliyeen maleeshiyo ka tirsan maamulka Somaliland, ujeedkuna uu ahaa in gobolka laga huriyo colaad beeleed, sida hadalka loo dhigay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. 

    War-saxaafadeedka

    Taariikhdu markay ahayd 28.04.2024 waxaa lagu dilay deegaanka Laymadh ee Gobolka Sanaag. Alle ha unaxariistee Marxuum Cismaan Maxamuud Colgondood & Maxamed Axmed Aadan Ducaale.  

    Dilkaas waxaa gaystay maleeshiyaadka Somaliland, kuwaas oo muddaba wadey in ay colaad ka huriyaan deegaannada gobolka Sanaag. Sida la ogyahay Somaliland waxay ciidammo maleeshiyaad ah ku uruurisay Galbeedka Gobolka Sanaag. Ciidammadaas oo u jeedkoodu yahay inay mar kale dhibaato u geystaan shacabka reer SSC-khaatumo ee ku dhaqan gobolka Sanaag, iyagoo baahinaya colaadda iyo amni darrada uu ku fooggan yahay maamulka Soomaali-diidka ah iyo horjoogahooda danbiile muuse Biixi.  

    Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu Ummadda Soomaaliyeed, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba u caddaynayaa in wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ah ee ka dhalata dilalka qorshaysan ee loo geysanayo shacabka SSC-Khaatumo uu masuuliyaddeeda qaadayo taliska ka arrimiya Hargeysa oo weli u oomman inuu daadiyo dhiig hor leh.  

    Ugu dambayn, maamulka SSC-khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran deegaankiisa iyo shacabkiisaba wuxuu caddaynayaa in uusan marna aqbali doonin duullaanka gardarrada ah ee ay Somaliland ku waddo guud ahaan deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.

    440962064_385782604449155_27646407551916

    The post SSC-Khaatumo oo shaacisay cidda fulisay dilkii Cismaan Colgondood iyo Ducaale  appeared first on Caasimada Online.

  18. FB_IMG_17144350531327773.jpg?resize=715%

    Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay labo nin oo shacab ah oo maalin ka hor lagu dilay gobolka Sanaag, dilkaas oo ay geysteen maleeshiyaad ka soo jeeda Somaliland.

    Qoraal ka soo baxay maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in 28-kii bishan April deegaanka Laymadh ee gobolka Sanaag lagu dilay Cismaan Maxamuud Colgondood iyo Maxamed Axmed Aadan Ducaale, dilkaasna ay geysteen maleeshiyaad ka soo jeeda Somaliland.

    SSC-Khaatumo waxay xusay in maamulka Somaliland uu maleeshiyo beeleed ku uruuriyay galbeedka gobolka Sanaag, kuwaas oo sida ay sheegeen u jeedkoodu yahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer SSC-Khaatumo ee ku nool gobolka Sanaag.

    Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu shacabka Soomaaliyeed, dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka u caddeeyay in wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ah ee ka dhalata dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo shacabkooda ay mas’uuliyadeeda qaadayso xukuumadda Somaliland.

    FB_IMG_17144350435027151.jpg?resize=696%

    PUNTLAND POST

    The post SSC-Khaatumo oo ka hadashay dil ka dhacay Sanaag appeared first on Puntland Post.


  19. GMVFGCZWEAAqu6w.jpeg

    Gudiga ka hortaga khatarta dabka iyo masiibooyinka ayaa sheegay in afar qof ay ku naf waayeen daadad saaka ka dhacay deegaanka Weregenu oo ka tirsan degmada #Bole ee degmada 11 ee magaalada Addis Ababa. Dhacdadan nasiib darrada ah ayaa dhacday ka dib roobab mahiigaan ah oo da’ay.

    Guddigu waxa ay go’aamiyeen in dhismooyin laga sameeyay hareeraha webiga oo aan waafaqsanayn qorshaha maamulka magaalada ay sare u qaadeen khatarta fatahaadda ee bulshada. Iyada oo laga jawaabayo arrintan, guddiga ayaa hadda fulinaya hawlaha xalinta joogtada ah sida lagu qeexay qorshe la ansixiyay oo loogu talagalay in lagu yareeyo khatartan iyo dayacanka.

    Dadka deegaanka waxaa aad loogu wargelinayaa in ay u hoggaansamaan awaamiir kasta oo ka hortag ah oo ay soo saarayaan maamulka magaalada iyo guddiga ka hortagga khatarta dabka iyo aafooyinka xilliyada roobabka xooggani ay jiraan si looga hortago in ay soo noqnoqdaan shilalka naxdinta leh ee la midka ah.

    Iyada oo uu soo dhawaaday xilli roobaadka dayrta, guddiga ayaa soo saaray digniin ah in dad lagu qiyaasay 1.9 milyan oo qof oo dalka oo dhan ah ay saameyn ku yeelan karaan fatahaadaha ka dhasha roobabka xilliyeedka. Intaa waxaa dheer, waxaa la filayaa in in ka badan hal milyan oo qof ay la kulmi karaan barokac ku meel gaadh ah

    Qaran News