Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,853
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. In recent years, cryptocurrencies have become an increasingly popular topic of discussion, especially in nations looking to stabilize and diversify their economies. For Somalia, a country striving to overcome decades of conflict and economic instability, Bitcoin offers a novel avenue for economic development and financial sovereignty. Here, we explore the potential benefits and challenges of Somalia hedging with Bitcoin.

    Source: Hiiraan Online


  2. Xoghayihii Guud ee urur siyaasadeedka Mideeye ayaa si rasmi ah ugu soo Biiray Xisbiga WADDANI.
    Waxa xisbiga ku soo dhaweeyay Musharraxa madaxweyne kuxigeenka ee xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Cali Cabdi oo ay weheliyaan gudoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdirashiid Cabdi Jaamac, Xoghaye kuxigeenka horumarinta Caafimaadka Mudane Bishaar Mustafe Aadan iyo Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee xisbiga WWADDANI Mudane Rooble Muuse Xoosh.

    10000000_1316017096455827_5168215193563531587_n

    Qaran News


  3. Warar ka imaanaya magaalada gaarisa ayaa sheegay in doon aay saarnaayeen ku dhawaad 53 qof ay biyaha wabiga garisa qaadeen, islamarkaana ay dad badan nolo iyo geeriba lagu la”yahay.

    Wararka qaar ayaa tibaaxaya in 16 qof ay ka badbaadeen dhacdadaa, Halka 37 qofna kalena wali la la’yahay, waxaana dadkaa badankoodu ahaayeen hooyooyin iyo carruur.

    Magaalada Gaarisa iyo gobolka Waqooyi bari intiisa badan ay daadad iyo fatahaado maasheeyay waxyeello baaxad leh u geysteen, jidka ayaana go’an oo dadku xaafadaha ayay ku go’doonsanyihiin, biyo ayaana meel walba fadhiya oo gaadiid aan doon ahayn laguma socan karo.

    Source: goobjoog.com


  4. Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud ayaa war ka soo saartay qarax miino oo ka dhacay deegaanka waydow oo ay ku naf waayeen 6 kamida shaqaalaha shirkaddu.

    War qoraal ah oo shirkadda ka soo baxay ayaa lagu yiri”Lix ka mid ah shaqaalaha Shirkadda ayaa ku naf waayay qarax galabta lagula eegtay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho,
    Waxa aan ehellada, asxaabta, shaqaalaha shirkadda, iyo bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeynaynaa geerida shaqaalihii ku naf waayay falkaan gurracan, waxaana Alle uga baryeynaa in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo”.

    Qaraxa nooca miinada ah oo gaari ay wateen shaqaale ka tirsan Hormuud lala eegtay ayaa sababay dhimashada lixdan qof oo isugu jiray howl-wadeenno rayid ah iyo ilaalo, wuxuuna falkani ku soo beegmayaa ayadoo bilo ka hor dhowr xarumood oo ay shirkaddu leedahay la qarxiyay.

    Dhacdan ay shaqaalaha badani ku dhinteen ayaan illaa hadda cidina masuuliyaddeeda sheegan, sidoo kalena shirkaddu faahfaahin kama bixin qolada ay ku tuhmayaan inay falkan ka dambayso.

    Source: goobjoog.com


  5. IMG_9842.jpeg?fit=2048%2C1400&ssl=1

    Nairobi (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya  si uu uga qayb-galo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.

    Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo  maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

    Madaxweye Xasan Sheekh ayaa Inta uu ku sugan yahay Nairobi,  wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

    Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo caalami ah iyo mashaariic horumarineed.

    Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta soo gaba-gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Tansaniya, isagoo soo booqday Jasiirrada Sinsibaar oo ka mid ah deegaannada xiriirka taariikhiga ah uu kala dhexeeyo dadka Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha dowlada Sinsibaar Mudane Hussein Mwinyi ayaa  uga tacsiyeeyay geerida Aabahii Madaxweynihii hore dalka Tasaaniya Ali Hassan Mwinyi.

    Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taariikhda iyo xiriirka ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha ku dhaqan Sinsibaar, iyo iskaashiga arrimaha dalxiiska oo Jasiirrada Sinsibaar ku tilmaamantahay.

    IMG_9844.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_9843.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_9842.jpeg?resize=696%2C476&ssl=1

    The post Sawirro: Xasan Sheekh oo safar ku tegay dalkii 3-aad, ka qeyb gelaya shir xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

  6. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xarunta Safaarada Turkiga ku booqday Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

    S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ugu horeyn Danjiraha cusub ee Turkiga Amb. Alper Aktaş ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna sheegay in Turkiga uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya oo xilliyo adag soo garab taagnaa.

    Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xariirka iyo Iskaashiiga wada shaqeyneed ee labada Dowladood iyo Sidii kor loogu qaadi lahaa tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

    Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa arrimaha difaaca oo ay tababarka iyo qalabaynta Ciidanku ugu mudanyihiin, iyo dhinacyada hormarka, gargaarka bini’aadantinimo, caafimaadka, dhismaha iyo waxbarashada.

    Source: goobjoog.com


  7. IMG_9835.jpeg?fit=1284%2C1320&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedeyn iyo hadal-heyn ka dhalatay muuqaal uu ka duubay askar tababar loogu diray dalka Turkiga, wasiirka ayaa muuqaalkaas ku baahiyey bartiisa TikTok.

    Muuqaalkaas waxaa laga dhex arkay askarta oo wadata baco loo maleynayey inay dharkooda ku wataan, waxaana ka dhalatay hadal-heyn culus iyo caro dadweyne, maadaama ciidanka ay ku habooneed in dharkooda ay ku qaataan boorsooyin.

    Wasiirka Gaashaandhigga oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa ka jawaabay eedeynta dadweynaha, wuxuu sheegay in ciidanka uu muuqaalka ka duubay ee diyaaradda sii raacaayey ay bacaha ku wateen raashin bisil oo loogu talo galay inay diyaaradda ku dhex cunaan.

    Ciidankaas oo ka tirsan Gorgor, waxay tababar dhowr bilood ah ku qaateen saldhigga TurkSom ee Muqdisho, waxayna safar u ahaayeen saldhigga labaad ee tababarrada ciidamada Gorgor ee magaalada Sparta dalka Turkiga.

    Wasiir Jaamac oo ay ka muuqatay inuu ka careysnaa falcelintii dadweynaha ka weeraray bartiisa TikTok ayaa su’aashaaa uga jawaabay si caro leh, wuxuuna sheegay in ciidanku aysan marna raaxo ku jirin, mar xalad kastana aysan wax dhib ah laheyn in muuqaal looga duubo.

    Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dadka isticmaala baraha bulshada ka dalbaday inay joojiyaan sumcad xumeynta ciidanka, wuxuu ku dheeraaday sharaxaada sida askariga Soomaaliyeed ee naftiisa soo huray.

    “War adigoo raadinaya in lagu daawado miyaad wax ka sheegeysaa qof ay suurtagal tahay in daqiiqado kadib uu dhinto, ka daaya ciidanka wararka sumac dilka ah ee aad ka faafisaan, uma qalmaan waxay noo soo hureen naftooda,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

    Wasiirka ayaa wareysigaan uu bixiyey uga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, kuwaas oo khuseeya dagaalka Khawaarijta, dhismaha ciidanka iyo xatooyo lagu sameeyey raashinka ciidanka Danab.

    Hoos ka daawo wareysiga

    Hoos ka daawo muuqaalka la dhibsaday

    @maayaquus

    Dhiiga cusub ee Gor Gor.

    ♬ original sound – Abdulkadir Mohamed Nur

    The post Daawo: Wasiir Jaamac oo ka jawaabay muuqaal askar uu ka duubay oo la dhibsaday appeared first on Caasimada Online.

  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabaynayey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku jooga dalka Tansaniya ayaa soo booqday Jasiirrada Sinsibaar oo ka mid ah deegaannada xiriirka taariikhiga ah uu kala dhexeeyo dadka Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha dowlada Sinsibaar Mudane Hussein Mwinyi ayaa uga tacsiyeeyay geerida Aabahii Madaxweynihii hore dalka Tasaaniya Ali Hassan Mwinyi.

    Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taariikhda iyo xiriirka ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha ku dhaqan Sinsibaar, iyo iskaashiga arrimaha dalxiiska oo Jasiirrada Sinsibaar ku tilmaamantahay.

    All reactions:

    248248

    Source: goobjoog.com


  9. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.

    Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa waxaa warbixin loogu dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitari, kuwaaso oo ka warbixiyay xaalada guud ee Amniga Caasimadda.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Saraakiisha Laamaha Amniga in xooga la saaro dar-dargelinta Amni

    Source: goobjoog.com


  10. hormuud.png?fit=904%2C517&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

    Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-baalleey ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya 6 qof.

    Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in isla goobta uu ku basbeelay gaarigii ay wateen, shaqaalaha la qarxiyey ee Hormuud.

    Wararka qaar ee la helayo ayaa xaqiijinaya in qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, taasi oo qabsatay gaariga.

    Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, maamulka Shirkadda Hormuudna wali kama hadlin dhacdadaan galaafatay lix ka mid ah shaqaalihii shirkadda.

    Muddooyinkii dambe beegsi gaar ah ayaa lagu hayey shaqaalaha, gaadiidka iyo xarumaha shirkadda Hormuud, waxaana lagu qarxiyey dhowr goobood, shirkaduna kama hadasho arrimahaan.

    Wararka ay dadku isla dhexmarayaan ayaa hadba koox u saarinaya beegsiga lagu hayo shirkadda, Al-Shabaab iyo Daacish ayaa lagu kala eedeynayaa qaraxyada loo geysto Hormuud.

    Labada koox midkoodna ma sheegto weerarrada loo geysto Hormuud, dowladda iyo maamulka shirkadda Hormuud-na sidoo kale waa ay ka gaabsadaan inay ka hadlaan dhacdooyin soo noqnoqday ee shirkadda iyo shaqaalaheeda loo geysto.

    The post Lix ka mid ah shaqaalaha HORMUUD oo la dilay iyo xogta sida loo beegsaday appeared first on Caasimada Online.

  11. IMG_20240429_000648.jpg?resize=960%2C448

    Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

    Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya illaa iyo 6 ruux isla goobtana uu ku basbeelay gaarigii ay wateen.

    Wararka qaar ee la helayo ayaa xaqiijinaya in qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso taasi oo qabsatay gaariga.

    Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, maamulka shirkadda Hormuudna wali kama hadlin dhacdadan.

    PUNTLAND POST

    The post 6 ka tirsan shaqaalaha Hormuud oo lagu dilay qarax ka dhacay Garasbaalley appeared first on Puntland Post.


  12. Shirka Dhaqaalaha Adduunka oo maanta oo Axad ah ka furmay magaalada Riyad ayaa si weyn diirada loogu saaray xaalada dagaalka ka socda dhulka Gaza ee Falastiin.

    Dagaalka Gaza oo ay weheliyaan iskahorimaadyada Ukraine iyo meelo kale ayaa “cadaadis badan” saaray “dhaqaalaha”, ayuu Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga Mohammed al-Jadaan ka sheegay mid ka mid ah doodihii ugu horreeyay ee labada maalmood ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF).

    Dowlada Sacuudi Carabiya ee shirkada marti gelineysa ayaa ku baaqday “xasiloonida” Bariga Dhexe, isla markaana ka digtay saameynta dagaalka Israel iyo Xamaas inuu dhaqaale burbur ku keeni karo gobalka iyo caalamka.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, madaxda Falastiiniyiinta iyo saraakiil sarsare oo ka socda dalal kale oo isku dayaya inay xabbad joojin ka dhex dhaliyaan Israa’iil iyo Xamaas ayaa kamid ah martida shir madaxeedka Riyadh.

    Source


  13. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in Israa’iil ay ka faa’iidaysatay weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas, ayna dooneyso inay burburiso gebi ahaan Falastiin, wuxuuna ugu baaqay Mareykanka inuu cadaadis saaro Israa’iil, xili laga cabsi qabo inay weerarto deegaanka Rafah ee Gaza.

    Isagoo ka hadlayay shirka gaarka ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee ka dhacay Sacuudi Carabiya, Madaxweyne Cabbaas wuxuu ugu baaqay quwadaha caalamka, gaar ahaan xulafada Israel ee Mareykanka, inay “wax ka qabtaan danbiyada ay galeyso Israa’iil.”

    Waxa uu sheegay in Falastiin ay filayso duullaan baaxad leh oo ay Israa’iil ku qaadi doonto Rafah “maalmaha soo socda,” oo ah aag ay hadda ku nool yihiin Malaayiin Falastiiniyiin ah ee ku baro-kacay dagaalka Gaza.

    Hogaamiyaha maamulka Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ka digay in Israel ay weerar balaaran ku qaado Daanta Galbeed kadib marka uu dhamaado dagaalka Gaza.

    Cabbaas ayaa ku celceliyay baahida loo qabo in la dhiso dowlad Falastiin ah oo ay ku jiraan Gaza, Daanta Galbeed iyo magaalada Qudus, iyo in la aqoonsado dowladda Falastiin oo ay kamid noqoto Qaramada Midoobay.

    Source


  14. Umm Fahad oo ah haweeney u dhalatay dalka Ciraaq ayaa lagu toogtay bannaanka hore ee gurigeeda oo ku yaalla magaalada Baqdaad, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Zein ee bariga caasimadda.

    Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay dilka “Haweeney caan ka ah baraha bulshada” oo ay gaysteen “dad aan la aqoonsan”.

    Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in “koox gaar ah” la sameeyay si ay u baaraan xaaladda dhimashadeeda.

    Ummu Fahad oo magaceeda saxda ah lagu sheegay Ghufran Sawadi ayaa la sheegay in gaarigeeda uu ku toogtay qof watay qori oo saarnaa mooto.

    Ilo dhanka ammaanka ah oo Ciraaq ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ninka weerarka geystay uu u muuqday mid iska dhigaya inuu raashin geynayo.

    Source


  15. Xamaas ayaa baahisay muuqaal muujinaya caddayntii ugu horreysay ee nolosha laba qof oo kale oo lagu haysto Gaza.

    Muuqaallada aan taraiikhda lahayn ee sida qasabka ah looga duubay, Omri Miran, waxa uu sheegay in la haystey 202 maalmood. Keith Siegel ayaa isna xusay fasaxa Toddobaadka ee Israel (Passover) taasoo muujineysa in muuqaallada la duubay dhawaan.

    Labadaba waxa la qabtay markii Xamaas ay qaaday weerarradeedii 7-dii Oktoobar.

    Qoysaskooda oo ka jawaabaya muuqaalka, waxay sheegeen inay sii wadi doonaan dagaalka dib loogu soo celinayo raggaas.

    Waxay sidoo kale ku boorriyeen dawladda Israel inay xaqiijiso heshiis cusub oo lagu sii daayo la haystayaasha.

    Muuqaalkan cusub ayaa imaanaya iyadoo Xamaas ay sheegtay inay daraasaynayso hindisihii ugu dambeeyay ee Israel ee xabbad joojinta.

    Source


  16. wasiir-jaamac.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay fadeexadda musuq-maasuq ee hareysay taliska ciidanka Danab.

    Wasiir Jaamac oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in dhacdadan ay dhacday laba todobaad kahor, taasi oo lagu leexsaday raashinkii loogu tala-galay ciidamada Danab ee xoogga dalka, isaga oo qiray in loo iib geeyay suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

    Jaamac ayaa sheegay in falkan ay ku lug leeyihiin saraakiil sar-sare oo ciidamada kamid ah, islamarkaana lasoo xiray, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

    “Waxaa la xaqiijiyay in urur kamid ah guutada Danab raashiin loogu talagalay qayb kamid ah inay dad saraakiil ah si aan loogu talagelin u isticmaaleen,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

    Wuxuu intaas kusii daray “Arrinkaas isaga ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waaxyihiisa kala duwan oo ku shaqada lahaa ayaa daba-galay waxayna ogaadeen in arrinkaas uu jiro, ayna dadkii ku dhex jiray shaqada toos loogu qabtay.”

    Sidoo kale waxa uu ka hadlay tallaabada uu qaaday Mareykanka, isaga oo sheegay inay isla garteen in hadda kadib dowladda federaalka ay la wareegto raashinka ciidanka Danab, balse waxa uu tilmaamay in howlihii kale, sida shidaalka iyo taageerada uu sii wadi doono Mareykanka.

    Dhankeeda dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

    Sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

    “Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka.

    Fadeexaddan ayaa si weyn u hareysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada baaritaanka socdo iyo tallaabada ay qaado dowladda.

    Hoos ka daawo wareysiga

    The post Daawo: Jaamac oo xog ka bixiyay fadeexada Danab, “Rag waaweyn ayaa ku lug leh” appeared first on Caasimada Online.

  17. Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu Xusayay maalinta Caalamiga ah ee badqabka goobaha shaqada ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kale duwan oo dowladda ka tirasan dowladda iyo marti-sharaf kale.

    Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Xildhibaano, Agaasimaha shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, iyo xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ah.

    Hal-dhagga xuska sanadkan ayaa ahaa saamaynta uu isbedelka cimiladu ku yeeshay goobaha shaqada iyo sidii looga hortagi lahaa waxyeellooyinka soo gaara shaqaalaha, waxayna masuuliyiinta goobta ka hadlay tilmaameen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo bedqabka shaqaalaha.

    Wasiirka ku xegeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Cusmaan Libaax oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hore u ansixiyeen siyaasadda goobaha shaqada loona baahanyahay in la dhaqan-geliyo.

    Shaqaalaha iyo xoogsada Soomaaliyeed ayaa ku shaqeeya duruufo adag iyo xaalado qalafsan, hayeeshee waxaa sanadahan dambe dalka ka bilowday baraarug xoogan oo ahmiyadda lagu siinayo shaqaalaha si loo dhiirigeliyo, ka dibna wax soo saarkooda loooga faa’iidaysto.

    Source: goobjoog.com


  18. madaale.jpg?fit=860%2C574&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta loo gudbiyay soo jeedin la xiriirta xal u halista caqabadaha biyaha roobka oo saameyn weyn ku yeesha caasimadda.

    Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka (SODMA) Maxamuud Macallim Cabdulle oo xafiiskiisa ku booqday guddoomiye Madaale ayaa la wadaagay soo jeedintan oo ah “in meesha laga saaro oo la dumiyo guryaha ka dul dhisan goobihii loogu tala galay in bullaacaduhu maraan,” si xal loogu heli caqabadaha ka dhasha roobka.

    Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xal u helidda caqabadaha soo laa-laabtay ee caasamidda, fududeynta howlaha gargaarka iyo u diyaar-garowga khatarta roobka gu’ga ee la saadaalinayo .

    Sidoo kale waxaa kulanka si weyn loogu gorfeeyay sidii loo hagaajin lahaa bullaacadaha iyo biyo mareennada magaalada ee musiibada ku noqday bulshada, si loo fududeeyo nolosha iyo isku-socodka.

    Labada dhinac ayaa dhanka kale waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay in meesha laga saaro dadka horjoogayaasha ka ah xarumaha barakacayaasha ee u dhaxeeya deeq-bixiyayaasha iyo dadka nugul ee kaalmada u baahan iyadoo la adeegsanayo hay’adaha amniga iyo garsoorka dalka.

    Iyaga oo sidoo kale ku balamay in loo diyaar-garowo daadadka xooggan ee la saadaalinayo in ay caasimadda ka dhacaan, kuwaasi oo inta badan saameyn ku yeeshay isku socodka gudaha magaalada, iyadoo biyaha buux dhaafiyaan laamiyada.

    Magaalada Muqdisho ee caasimadda ah ayaa xilliyada roobka waxay gashaa xaalad adag, ayada oo ay adkaato isku socodka gudaheeda, taasi oo maamulka gobolka Banaadir uusan illaa hadda u keenin xal wax ku ool ah.

    438254672_838187228358570_83484163347040

    438146091_838186945025265_80729722725568

    438230219_838187231691903_50706810438385

    The post Madaale oo loo gudbiyay soo jeedinta in dhismayaal badan la dumiyo + Sababta appeared first on Caasimada Online.

  19. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa daahfurey munaasabadda todobaadka Tallaalka adduunka oo sanadkasta la qabto 24 bisha Abriil ilaa 30 Abriil, waxaana la isku baraarujiyaa muhiimada Tallaalku uleeyahay Caafimaadka aadamaha.

    Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galey Agaasime waaxeedyo iyo madax qaybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada BJFS, Xubno sare oo ka tirsan Hey’addaha UNICEF, WHO, Save the Children IRC, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo xubno kale oo muhiim ah.

    Munaasabadda ayaa daarnayd xuska todobaadka Tallaalka aduunka, maanta oo kale 50 sano ka hor ayaa aduunku u aqoonsaday todobaadka ugu danbeeya bisha Abril inay noqoto todobaadka Tallaalka adduunka, waxaa kulankan looga hadlaa siddii kor loogu qaadi lahaa, loona noolayn lahaa wacyigelinta bulshada ee muhiimada Tallaalka.

    Tallaalku waxa uu ilmaha ka difaacaa cudurrada dilaaga ah ee ku dhaca sida jadeecada, gawracatada, xiiqdheerta dabaysha iyo kuwa la mid ah, ilmaha Tallaalan marka cuduradani ku dhacaan waxa uu jirkiisu yeeshaa difaac adag balse ilmaha aan Tallalanayn ayaa suurta gal ah in halis Caafimaad uu galo qaarkoodna waxaa dhacda inay udhintaan.

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in sanadkan lasoo kordhiyey Tallaalka Shubanka iyo Oofwareenka waxa uuna sidoo kale sheegey in Wasaaradda Caafimaadku tallaabo ka qaadi doontaa dadka soo gudbiya xogaha qaldan ee ku aadan arrimaha Tallaalka kuwaas oo uu ku tilmaamey dambiilayaal mudan in lala xisaabtamo

    Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay gaarsiiso dhammaan wadanka si Caruurteena Soomaaliyeed ay u hellaan Tallaalka taasoo ah mid muhim ah waxayna Wasaaraddu gaarsiin doontaa Tallaalka deegaanada laga xureeyey Khawaarijta iyo goobo kale oo uusan horey u gaarin Tallaalka.

    Source: goobjoog.com


  20. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta galinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kaddib safar aan horay loo shaacin oo 3-dii bishan April uu ku aaday dalka dibadiisa.

    Madaxweyne Deni ayaa weli ka hadlin safarka uu uga yimid dalka badadiisa, waxaana la aaminsan yahay in uu ku maqnaa dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo inta badan u safri jiray. Ma jirin mas’uuliyiin Puntlanad ah oo safarka dibada ku weheliyay madaxweynaha, marka laga reebo xubno ka tirsan qoyskiisa.

    Safarkan ayaa ahaa kii u horreeyay ee uu dalka kaga baxo Madaxweyne Deni tan iyo intii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland 8 Jan 2024.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garowe appeared first on Puntland Post.


  21. 439263715_919539113546029_76004015293880

    Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka muhiim ah.

    Shirkan oo ah midkii 21-aad ee hay’adda horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb-galay Wasiirada Maaliyadda dalalka qaaradda Afrika.

    Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa waxaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika, si uu Bangiga Adduunka u maal-galiyo.

    Qodobada ay soo saaraan wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer madaxweyne, kaasi oo sida qorshuhu yahay qabsoomi doona 29-ka April 2024-ka.

    Shirkaan ayaa waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah.

    Dowladda ayaa maal-gelintada caalamiga u raadinaysa, si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib-u-habeynta maaliyadda, taasi oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

    Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo daba-yaqaada sanadkii hore ee 2023-ka si rasmi looga cafiyay deyntii uu caalamka ku lahaa.

    437723788_919539116879362_25330105818114

    439263715_919539113546029_76004015293880

    438077916_919539096879364_31541964439262

    438099868_919539213546019_76047224250913

    439278324_919539220212685_47118125381965

    438094555_919539230212684_12068766710401

    The post Shir ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi + Sawirro appeared first on Caasimada Online.