-
Content Count
215,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dubai(Caasimada Online- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ayaa si kulul u cambaareeyay xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo habeenkii 3aad ku jira xabsi. Wuxuu ugu baaqay dowladda in si deg deg ah usii dayso Siyaasiga, oo uu sheegay in sababta loo xiray ay tahay oo kaliye inuu fekerkiisa cabiray, kana hadlay xaaladda dalka iyo daldaloolada dowlada Federaalka. Wareysi uu siiyay VOA isagoo ku sugan dalka Imaaraadka, ayaa Cumar Cabdirashiid wuxuu beeniyay in isaga iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ka shaqeynayeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda Khayre. “Qiyaano qaran hadii laga hadlayo ma jirto mid ka weyn in muwaadin Soomaaliyeed si qaldan loogu dhiibo dowlad shisheeye,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Eedaha qaran-dumiska dowladda ay wado ayuu sheegay inuu yahay mid khatar ku ah masiirka dalka, oo keeni karta in Soomaaliya ku laabato waxay kasoo gudubtay ee ah dagaalka sokeeye iyo colaaddaha. Senetarka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishkuur, waxaana wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda hadda jirta ay caburiso siyaasiyiinta oo xabsiga ku dhigto eedaymo aan cadeymo loo haynin. Hoos ka dhageyso codka Cumar Cabdirashiid https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/b30e9c11-c325-438f-969a-90eeab2b29c2_32k.mp3Xigasho: VOA + Garowe Online The post Dhageyso: CC Sharmaarke oo ka hadlay xariga saxiibkiis Cabdiraxman Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Villa Somalia ka socda kulamo u dhexeeya Madaxda ugu sareysa dalka, Xildhibaanada Beelaha Hawiye iyo Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye kaa oo ku aadan xal ka gaarista xariga C/raxmaan C/Shakuur. Kulamada socda ayaa waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo aan qeyb ka aheyn Beelaha Hawiye, kuwaa oo ujeedkooda uu yahay in xal laga gaaro khilaafka ka dhashay xariga C/raxmaan C/Shakuur. Dhinacyada ku howlan xal u helida xariga C/raxmaan C/Shakuur, ayaa madaxda ugu sareysa dalka ka dalbanaaya in lasoo afmeero kiiska xariga CC Shakuur. Waxa ay madaxda ku wargaliyeen in Siyaasiga marka hore lasiiyo xoriyad kadibna si hoose looga wadahadlo eedeymaha loo soo jeediyay. Xildhibaanada iyo Odayaasha ku beesha ah C/raxmaan C/Shakuur, ayaa sidoo kale, kulamada socda ku dalbaneysa in Madaxda ugu sareysa dalka ay cadeeyan 3 qodob oo kala ah: 1-Sababta sodomeeyada Siyaasi ee mucaaradka ah looga soo dhex xushay C/raxmaan C/Shakuur. 2-Sababta loo xiray isla markaana loo weeraray iyadoo ay dowlada Somalia ay awoodo inay amar ku siiso inuu imaado Maxkamada. 3-In dowlada Somalia ay bixiso raali galin ku aadan weerarka iyo xariga isla socda ee lagula kacay CC Shakuur. Shirarka socda waxa ay Madaxda dowlada ku andacooneysaa in C/raxmaan C/Shakuur uu ka talaabay xadka xoriyada, sidaa aawgeedna wax laga weydiin doono eedeymaha la xiriira inuu dhaqaale kusoo qaatay duminta dalka. Sidoo kale, waxa ay labada dhinac isku fahmi la’ yihiin qodobada qaar, maadaama dowladu ay ku adkeysaneyso in C/raxmaan C/Shakuur ay ku heyso cadeymo, halka beeshiisuna ay ku adkeysaneyso waxa ay ugu yeeren xad gudub. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la saadaalinayaa in kulamada socda aan laga gaari doonin wax xal ah, inta C/raxmaan C/Shakuur uu kasoo dhameysanaayo dacwada uga furan Maxkamada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Maxaa ka cusub kulamada CC Shakuur xalka loogu raadinayo ee ka socda Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online )- Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Liibiya waxaa musharaxiinta heerka Madaxweyne ee dalkaasi kamid noqon doona wiil uu dhalay Madaxweynihii geeriyooday Liibya Gadaffi. Wiilkani kamid noqon doona Musharaxiinta Libya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Saif al-Islam Gadaffi, waxaana musharaxnimadiisa Saxaafada la wadaagay Afhayeen u hadlay qoyska Gadaffi. Afhayeenkan oo lagu magacaabo Basem al-Hashimi al-Soul ayaa sheegay in Saif al-Islam Gadaffi, wiilkii hoggaamiyihii hore ee Liibiya uu u tartami doono doorashooyinka madaxtinimada. Waxa uu Mr Basem al-Hashimi al-Soul sheegay in musharaxa Saif al-Islam uu xiligaan heysto taageerada iyo awooda looga baahan yahay in lagu soo afjaro rabshadiha ka dhacay Liibiya. Waxa uu tilmaamay inuu yahay qunyar socod aan lamid aheyn aabihii dhalay ee u geeriyooday sii heesashada Kursiga, waxa uuna ku celceliyay in Saif al-Islam uu dawo u noqon doono rabshahadaha ka dhaca Libya tan iyo markii la afganbiyay aabihiis Muammar Gadaffi 2011. Nuqul kamida haddalka Afhayeenka oo ay xiganayeen wakaaladaha iyo wargeysyada ayaa ahaa “Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiilkii madaxweynihii hore ee Liibiya, ayaa haysta taageerada qabiilooyinka waaweyn ee Liibiya si uu ugu tartamo doorashooyinka madaxtinimada ee soo socda 2018,” Sidoo kale, Al-Soul ayaa sheegay in qorshaha olalaha ay isugu diyaarinayaan doorashada dhawaan la bilaabi doono. Dhinaca kale, dalka Liibiya ayaa waxaa ka jira dowlad aan rasmi aheyn taa oo la tiiceysa nabadgelyo-xumo iyo awood aan fadhin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wiil uu dhalay Gadaffi oo isku soo taagay xilka madaxweyne ee dalka Liibya appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal Wasaarihii hore ee dowladda federalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ciidanka hay’adda NISA ku qaadeen siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuuna ku tilmaamay waxa aanan loo dulqaadan Karin marnaba. “Runtii kama aamusi karno waxyaabaha hadda socda ee lagu caburinayo siyaasada dalka, waayo haddii aan ka aamusno waxaa la aadidoono jidkii burburka Soomaaliya .” ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid. Waxaa uu ka digay tilaabooyinka kheyru dastuurka ah oo ay ku dhaqmayaan madaxda u sareysda dalka, kuwaas oo laga doonayay inay iyagu dastuurka illaaliyaan. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay dowladda federalku haddii ay dacwad u haysatay siyaasigaan inay ahayd inay usoo maraan wadiiqo sax ah, laakiin wuxuu sheegay in lagu xad gudbay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee uu siyaasigano lahaa, taasoo ah inaan naftiisa lagu xad gudbin. Wuxuu iska fogeeyay inuu isagu xilligaan ku howlan yahay diyaarinta iyo kicinta xildhibaano doonaya in ay mooshin ka gudbiyaan madaxda villa Soomaaliya. Halkaan ka dhegayso codka. Cumar-c.rashiid-sharmaake- Puntlandi.com
-
Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa caawo shaaciyey in ay kulan deg deg ah Khamiista soo socota ka yeelanayan doonaan go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel. Isniintii,dowladda Maraykanka ayaa codka diidmada qayaxan ee veto u adeegsatay qaraar qabyo-qoraal ah oo ku baaqayey in la buriyo go’aankii madaxweyne Trump ee magaalada Qudus,kaasoo ay Golaha Amniga horkeentay dowladda Masar. Laakiin hoggaamiyaasha carabta iyo muslimiinta ayaa salaasadii Maanta mar kale dalbaday in Golaha guud ee Qaramada Midoobay ay kulan deg deg ah arrintaan ka yeeshaan Maalinta khamiista ah,si mar kale loogu codeeyo qaraarka. 193 xubnood ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay khamiista u codeeyaan qaraarkaan burinaya go’aankii madxweyne Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel. PUNTLAND POST The post Golaha guud ee QM Khamiista kulan deg deg ah ka yeenaya go’aankii Trump ee magaalada Qudus. appeared first on Puntland Post.
-
Aqalka Wakiilada Congress-ka Mareykanka ayaa Caawo ansixiyey sharciga canshuur-dhimista oo ku kacaya $1.5 trillion Dollar,kaasoo ay soo diyaariyeen mudanaaysha xisbiga Jamhuuriga. Sharcigaan oo canshuur-dhimis ballaaran u samaynaya dadka dabaqadda sare ee hodanka ah, ayaa haatan u gudbaya Aqalka Aqalka Senate-ka Maraykanka,waxaana haddii labada Aqalba ansixiyaan loo gudbin doonaa madaxweyne Donald Trump oo saxiixi doona. Xisbiga Demoquraaddiga Maraykanka ayaa si weyn uga horjeeda sharcigaan oo lagu beddelayo Barnaamijkii daryeelka Caafimaadka ee Obama Care. Xisbiga ayaa sheegaya in haddii sharcigaani meel maro uu abuuri doono farqi ballaaran oo dhexeeya dadka hantilayaasha iyo saboolka dabaqadda hoose. Haddii la meel mariyo sharcigaan wuxuu noqon doona kii ugu weynaa ee dhinaca is-beddelka canshuuraha ee lagu sameeyo hannaanka maaliyada Maraykanka muddo ku siman 30 sannadood. PUNTLAND POST The post Aqalka Wakiilada Maraykanka oo ansixiyey sharciga canshuur-dhimista. appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa si xooggan u cambaareeyey xarigga loo gaystay siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur oo habeenkii Axaddii ay xireen ciidamada dawladda Federalka Soomaaliya kadib markay weerareen guri uu degganaa. Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in siyaasigaasi si degdeg ah loo sii daayo ka dib wareysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee Idaacadda codka Mareykanka VOA. RW Cumar Cabdirashiid ayaa ku tilmaamay xariga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerar lagu soo qaaday dimuqraadiyadda islamarkaana dalka dib ugu celinaysa 1991-kii. Dhagayso Cumar Cabdirashiid Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post CC Sharmaake oo cambaareeyay xariga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.
-
Warar rasmi ah oo Puntlandi ka heleen illo dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Dowlada Puntland ay Qaraal digniin ah u direen Villa Soomaaliya, Qoraalkasoo Xukuumada loogu baaqay in la joojiyo ololaha Lagu marin habaabinayo Siyaasada Dalka. Sida aan Xogta ku helnay Dowlada Puntland waxay cadaysay iney si cad ugasoo horjeedaan Xariga iyo caga jugleynta lagu hayo Siyaasiyiinta aan ku fekerka ahayn Xukuumada. Wararka aan heleyno waxay kaloo sheegayaan in Puntland ay si dadban u muujiyeen in Ololaha ka socda Xamar ay jiraan gacmo shisheeye oo ku lug leh. Puntlandi Garowe
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararka ku heleyno waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Yuusuf Siyaad Indha cadde oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray. Yuusuf Indha cadde oo waayadan dalka uga maqnaa nasiin ayaa maanta ka imaaday magaalada Kampala ee dalka Ugandha, waxaana lasoo sheegayaa in imaanshihiisa uu yahay mid la xiriira weerarka iyo xariga C/raxmaan C/shakuur. Indha cadde ayaa la xaqiijiyay in kolkii uu kasoo dagay Garoonka Aadan Cadde loo galbiyay dhanka Villa Somalia, isagoo halkaa kula kulmay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre. Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Indha cadde iyo Kheyre ay kawada hadleen xariga C/raxmaan C/shakuur, balse ay isku mari waayen. Indha cadde ayaa Kheyre ka dalbaday in la qaboojiyo xiisada ka dhalatay weerarka iyo xariga CC Shakuur, maadaama dalka uu ku jiro xili uu kasoo kabanaayo dhibaatooyinkii hore. Indha cadde waxa uu Kheyre u sheegay in ujeedka imaatinkiisa uu yahay xalinta weerarka CC Shakuur, waxa uuna ka dalbaday in leysla fahmo hanaanka ugu sahlan ee xalka looga gaari karo xariga. Kheyre ayaa la sheegay inuu ku adkeysaday xariga CC Shakuur, isla markaana uu dhameysan doono dacwadaha uga furmi doona Maxkamada. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dowlada Federaalka ay ahmiyad gaar u aragto in meel lagu soo xiro kiiska CC Shakuur si loogu tiro ama looga tiro dacwada. Sidoo kale, waxaa isfahan’waa kusoo dhamaaday kulanka Kheyre iyo Yuusuf Indha cadde oo qorshihiisu ahaa in xal looga gaaro xiisada Siyaasadeed ee ka dhalatay weerarka CC Shakuur oo isagu lagu eedeeyay inuu yahay Qaran dumis. Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in Kheyre iyo Indha cadde ay wada qaatan kulan kale oo ay goobjoog ka ahaan doonaan Odayaal xul ah, si xal loogu raadiyo xiisada jirta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Indha cadde oo arrinta CC Shakuur usoo gaaray Muqdisho & Kulan aan leysku fahmin oo uu la qaatay RW Kheyre (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
The first decree issued by Muse Behi Abdi as president of Somaliland was appointment of his council of ministers. Composed of 23 full ministers and 9 deputies the President Muse Behi greatly contrasts that of his predecessors that is outgoing composed of 70 members among them full ministers, deputies and state ministers. Contrary to expectations the president Behi Cabinet did not include many individuals touted as being part and parcel either for their wavering support during election campaign or as clan kingpins. At the same time only four members were inherited from the Cabinet of ex-president Silanyo thence a relief to almost all citizens who were at throats end with the outgoing bunch over institutionalize during corruption and nepotism among many ills. While citizens welcome the small government formed, several of its members are viewed as lacking relevant skills necessary for the onerous task placed on their shoulders. Similarly the structure of government is raising eyebrows considering that president Behi had campaigned on a platform of enhancing economic growth thence local livelihoods. A case in point is the demotion of fisheries from a fully fledged ministry to a department within the ministry of livestock. This is tantamount to a perceived detouring from improving the much profitability both financially sector that could be one of the country’s major employer. Similarly the retention of water development as a stand alone ministry rather than inclusion in the minerals and energy is seen as following the footprints of Silanyo which were intent on creating posts for cronies. But most applauded is the fair distribution of posts among the various Somaliland clans with the formerly dominant Isaac clan losing a large segments of Cabinet posts to other clans in the country. Unquestionably it is obvious that we have a lean and equitably distributed Cabinet though perceived to include some few Un qualified members. Though most expected either a merit or reconciliation based Cabinet, after all is said and done, one would not fail to wonder on whether president Muse Behi Abdi really accomplished either. Hornnewspaper http://hornnewspaper.com/2017/12/19/editorial-the-president-behi-cabinet-merit-or-reconciliation-based-appointments/
-
Dagaal beeleed aad u qaraar oo khasaare baaxad leh geystay ayaa maanta ka dhacay xadka u dhaxeeya Gobolladda Sool,Mudug iyo Nugaal, waxaana warar madax banaan sheegayaan ugu yaraan 10 qof oo xoolo dhaqato ah inay ku dhinteen dirirta labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah. Colaadan oo salka ku haysa Aano qabiil oo muddo dheer ka dhexjirtey labo beelood oo kasoo kala jeeda Gobolladda Mudug iyo Sool ayaa sii xoogeysatey todobaadkii lasoo dhaafey ka dib markii la dilay tiro ka badan 10 qof oo labada dhinac kasoo kala jeeda. Dhulka dagaalku ka socdo ayaa lagu magacaabaa Gumburka Cagaarane, waxaana maanta lagu dilay ku dhawaad 11 qof oo kasoo kala jeeda beelaha diriraya. Ma jirto xal rasmiya oo wali laga gaarey colaada labada dhinac, waxaana marar badan fashilmay isku dayo lagu doonayay in lagu hakiyo colaada. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post 11 qof oo ku dhintey dagaal beeleed ka dhacay xuduudka Sool iyo Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo yaqaan ‘’Africom’’, ayaa war kasoo saaray duqeyn cirka ah oo ay ku qaaden degaanka Beerxaani oo dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose. Deegaanka la duqeeyay ee lagu magacaabo Beerxaani ayaa 60km dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo, waxaana halkaa ku sugnaa Horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsan al-Shabaab. Warbixinta Taliska ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan isla markaana laga gaaray dantii laga lahaa, sida lagu sheegay warbixinta. Taliska waxa uu sheegay in weerarkaas aan lagu waxyeeleyn qof shacab ah, waxaana ujeedka rasmiga ah lagu sheegay ka hortaga weeraro argagixiso oo laga qorsheynayay degaankaas iyo in dowlada Somalia iyo AMISOM ay kala shaqeeyaan amaanka. Warbixinta Taliska ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan al-Shabaab, sidoo kalena ay ku burburiyeen Gaari dagaal. Warbixinta kasoo baxday Taliska Mareykanka ee Africom ayaa kusoo beegmaya xili saraakiisha Ciidamada dowladda ay sheegeen in duqeyntaasi lagu dilay Saraakiil ka tirsan al-Shabaab. Dhinaca kale, waxaan jirin wax war ah oo kasoo baxay al-Shabaab oo ku aadan Khasaaraha dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay gaarsiisay maleeshiyadooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo warbixin kasoo saaray Tirada al-Shabaabka lagu dilay duqeynta Beerxaani & Gaadiidka laga gubay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Puntlandi) Xulka kubada cagta Jubbaland ayaa sannadkii labaad oo is xiga ku guulaystay inay Final ama kama dambeys gaaraan tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib markii ay galabta kasoo guulaysteen kooxdii koonfur galbeed. Ciyaarta labadaan kooxood dhexmartay oo ahayd mid awood sheegasho ah, ayaa xulka Jubbaland waxay labo iyo eber ku garaaceen kooxda Koonfur galbeed oo sannadkaan naawilaysay inay meel sare ka gaarto tartanka. Markii ay dhammaatay Ciyaarta ayaa Ciyaartooyda Jubbaland iyo Taageereyaashooda waxaa ay bilaabeen Dabaaldagyo ku aadan Guusha Muhiimada leh ee ay galabta ka gaareen Kooxda Koonfur galbeed. Jubbaland ayaa maalinta jimcaha oo ay taariikhda ku beegan tahay 22 bisha december waxay kulanka kama dambeysta ah la ciyaaridoonaan kooxda kubada cagta ee Puntland oo koobkaan difaacanaysa, kooxdaas oo maalintii shalay soo garaacday kooxda Banaadir. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo habeen hore ay xabsiga u taxaabeen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa galabta lasoo taagay xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ee Muqdisho. Keenista Cabdiraxmaan ee maxkamadda ayaa dhacday, ayada oo la eegayo sharciga dhigaya in muwaadin aan wax shuruud l’aan xabsi lagu hayn kairn, haddii aan maxkamad lasoo taagin. Waxaa inta badan maxkmaadda ku wehliyey qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Habar-Gudir oo tagey iyo siyaasiyiin kale oo ka mid ah xubaha ay aadka isugu dhow yihiin. Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale la sheegay iuu joogay maxkamadda. Warar aan ka helay maxkamadda ayaa sheegay in Cabdiramxaan Cabdishakuur uu diiday in dammaanad lagu sii daayo, isaga oo ku adkjeystay in toos loo soo daayo ama dambi lagu caddeeyo. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Xeer Ilaalinta ay dooneyso in muddo dheeraad ah loo siiyo baaritaanka, isla markaana maalmo xabsiga lagu sii haayo, si kiis rasmi ah loogu soo oogoo. Xeer ilaalinta ayaa codsata 5illaa 7 maalmood oo dheeri ah, waxaase la siiyye kaliya saddex maalmood, si aan xogta ku helnay. Xaalado siyaasadeed ayaa ka dhashay xariga C/raxmaan C/shakuur iyo weerarkii habeen hore lagu qaaday hoygiisa, waxaana magaalada Muqdisho ka jiray dareen amni iyo mid siyaasadeed oo aan kala joogsi laheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post CC Shakuur oo maxkamad lasoo taagay galabta iyo hal arrin oo uu iska diiday appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,ayaa Maanta magaalada Nairobi ku marti-qaaday madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka kenya. Labada Hoggaamiye ee kulmay ayaa ka wada-hadlay qodobo ay kamid yihiin xiriirka laba-geesoodka ah ee Kenya iyo Uganda,arrimaha gobolka,dhaqaalaha iyo maalgeshiga. Sidoo kale waxay isla-gorfeeyeen arrimaha ku saabsan xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya,iyagoo bogaadiyey hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ay ku tilmaameen“mid kaalin weyn ka qaatay soo celinta amniga iyo xasiloonida Soomaliya”. Labada madaxweyne ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay mudnaanta siiso dhismaha ciidan qaran oo la wareega amniga dalkooda,markii ay baxaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa goobta kaga dhawaaqay in uu shir-guddoomin doono kulan ay isugu imaanayaan taliyaasha Ciidamada dalalka ay ku midaysan yiihiin AMISOM,kaasoo looga arrinsanayo horumarka laga sameeyey dagaalka Al-shabaab. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo baaq wadajir ah u diray Dowladda Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa la xiri karaa, waa la maxkamadeyn karaa, waana la xukumi karaa oo waa muwaadin Soomaali ah, mana jiro qof sharciga ka weyn. Cabdiraxmaan looma xiri karo amar Dowladd shisheeye ka yimid oo waxaa ay taasi sharaf dhac ku tahay qayimka Soomaalidda, TV-ga Al-Jazeera ee Qatar wuxuu yiri Somalia waxey qabatay siyaasi xiriir laleh Emirate-ka wuxuuna ku tilmaamay guul, marka hadii xariga Cabdiraxmaan uu Qatar guul u yahay waa qiyaano laga galay ummadda Soomaaliyeed. Cabdiraxmaan 1:00 habeenimo in gurigiisa loo daato ,askartiisiina la laayo xaq uma lahan muwaadin ahaan, sidoo kale qaanuunka Somalia u dagsan waa kasoo horjeedaa in xiligaas qof muwaadin ah gurigiisa la galo, maalin cad ayaa loo tagi karay oo loo geyn karay hadii ay jirtay warqad lagu soo xiraayo ,sidoo kale in gurigiisii la baarto oo wixii yaalay la qaato waa gaf kale. C/raxmaan waxaa igu maqaalo ah inuu diiday cuntadii Dowladdu u keentay sidaa darteed loo keenay cunto ay ehelkiisa iyo dad uu ku kalsoon yahay ay u keeneen. Su’aalo weydiintiisa waxaa xaq uleh sirdoonka Somalia, warar ayaa sheegaya in sirdoon Qatar u dhashay loo geeyay oo ay wareysteen taasina waa niyad jab hadii ay dhacday, inkastoo Villa Somalia oo aan la hadlay ay arintaas beenisay. Kulankii Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaanadda Hawiye ee loo fadhiyay xalay ilaa saakay waxaa lagu go’aamiyay in arinta C/raxmaan loo dhaafo Ra’iisul wasaare Kheyre, xildhibaan Dhagey Geele iyo xildhibaan C/laahi Goodax Bare. C/raxmaan Cabdishakuur oo Soomaali British ah waxaa igu maqaalo ah in ragii duulanka ku qaaday gurigiisa iyo naftiisa iney hadda diyaarinayan Documents been abuur ah oo ay rabaan iney sabab uga dhigaan xarigiisa, inkastoo ay dadku ka dharagsan yihiin in lagu heysto afkaartiisa oo kulul. Yuusuf Indhacade oo ay qaraabo yihiin C/raxmaan Cabdishakuur ayaa saakay tagay Muqdisho isagoo kasoo dhoofay Kampala markii uu casuumay madaxweyne Farmaajo, lagama garanaayo waxa uu doorkiisu noqon doono laakiin waxaa loogu yeeray arintaan taagan. Dowladda Somalia oo dareemeysa iney culees badan iyo fadeexad kala kulantay arintaan ayaa ka codsatay waaxda garsoorka in la dadajiyo kiiska C/raxmaan Cabdishakuur. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa la xiri karaa laakiin rabitaan shisheeye in lagu xiro Somalia waa ku ceeb appeared first on Caasimada Online.
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caan ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga. Telefishinka Sacuudiga ayaa sheegay in Gantaalkan lagu bur buriyay hawada, intii uu ku soo socday magaalada Riyadh. Goob joogayaal ayaa sheegaya in qiiq iyo uuro cirka laga arkayay, markii gantaalka hawada lagu bur buriyay. Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama. Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh. Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa wali wada dagaalka ka dhan ah Kooxaha Xuutiyiinta ee maamula magaalada Sanca iyo qeybo ka mid ah dalka Yemen. Iraan ayaa beenisay in ay hubeysan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yaman tan iyo 2015-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sacuudiga oo hawada ku burburiyey Gantaal Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen Riyadh appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Kenya ayaa shalay ka jawaabtay kiiska dacwad badeedka ay Soomaaliya hor-dhigtay maxkamadda cadliga adduunka ee Hague, Netherlands. Dacwada ayaa ku saabsan in la xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee badweynta Hindiya, iyada oo la oogay 28 August 2014. Kiiskan, Soomaaliya waxaa ay rabtaa in xadka noqdo “equidistant line” oo masaafo simman loo jirsado. Sida ay Kenya ku doodeyso in xadka badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya uu yahay qaab u sameysay (along a parallel of latitude) ama khad balac ah taas oo leeyihiin waxaa ay ku soo baxday Dekereeto madaxweyne markii ugu horeysay 1979 iyo mar kale 2005. Kenya waxaa ay sheegtay in uu muranka bilowday markii Kenya ka codsatay Qaramada Midoobey xaqeeda Continental Shelf 2009-kii, ee ka baxsan biyaha 200 Mayl. Soomaaliya ayaa dacwada badda bilowday 2014-kii, iyada oo dacwada hadda gaartay maxkamadda cadliga adduunka Kenya waxaa ay ku doodeysaa in dhul badeedka lagu muran-san yahay ay ka sameyn karto roondo, kaluumeysi, cilmi-baaris la xiriirta badda iyo in ay ka qodi karto nafto iyo gaas. ” Iyada oo Kenya xushmeyneysa kaalinta muhiimka ah ee maxkamadda cadliga adduunka ee xalinta murannada iyo horumarinta nabadda hadana Kenya waxaa ay rumeysan tahay in uu yahay xalka keliya ee muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”Sidaasi waxaa yiri Githu Muigai Muigai waxaa uu intaasi ku daray in ay Kenya sii wadi-doonto taageerada ay siiyo Soomaaliya balse ay Kenya xuduudaheeda ka difaaci-doonto wax walbo oo dhib ah. Maxaa La Isku Heystaa? Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed lagu qiyaasay ilaa 100,000km2 oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Soomaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin. Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental. . Soomaaliya ayaa ka carrootay heshiisyada dalka Kenya iyo shirkadaha shidaalka la gashay ee baddeena lagu baaryo, waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka, labada dal ayaa isla gartay in koox weliba ay dacwadeeda hordhigto qareennada maxkamadda cadliga adduunka. Soomaaliya ujeedadeeda waa in la xadeeyo badda iyo dhulka ku dhaw halka Kenya ay dooneyso in sameeyo xariiqin badda ah. Goobjoog News Source
-
Guddoomiyaha hey’adda cilmi -baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Gaas Faarax Axmed Qare ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysan-doonto muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Faarax ayaa tilmaamay in dowladda Kenya markey gudbisay jawaabtii laga sugayey December 17 ka dib ay tahay inay guuleysan doonto dowladda Soomaaliya . “Dacwadii waa ay socotaa go’aanka dacwada waxaa uu ahaa Kenya inay keento Disember jawaabtii ay ka bixineysay dacwadii Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda iyada ayaa laga sugaa waxay ku jawaabto dacawada waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysanno maxaa yeelay xaqbaan leenahay”. Dhanka kale Admiral Gaas Faarax Axmed Cumar Qare waxaa uu sheegay in maamul goboleedyada dalka aysan wax awood ah aysan u laheyn inay bixiyaan shatiyada kalluumeysi ee la siiyo hay’adaha ajaanibta ah. “Shatiga kalluumeysiga ah ee la siiyo ajanabiga dowladda dhexe kaliya ayaa bixin karto “. Hadalkaani ayuu ka sheegay Admiral Gaas Faarax Qare kulan looga hadlayey sidii looga faa’ideysan lahaa qeyraadka ku jira biyaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha waxaana kulankaani ka qeyb galay dad aqoon u leh sida looga faa’ideysto qeyraadka ku jira badda. Source
-
Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland ka furmay madasha wada-xaajoodka arrimaha maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Wasiirka Wasaaradda maaliyadda oo furay shirka ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in uu maanta si rasmi ah u furmay shirkaas. “Waxaa saaka magaalada Kismaayo noogu furmay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Gobaleedyada taas oo ah horumarinta dhaqaalaha iyo canshuuraha so gela sidii kor loogu qaadi lahaa” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Shirka ayaa u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka uu ku saabsan yahay mideynta canshuuraha, kobcinta dhaqaalaha iyo dakhliga dalka. Wasiirada maaliyadda ee dowaladda federaalka iyo maamul goboleedyada Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa laba mar oo hore sidan oo kale ugu kulmay magaalada Garowe iyadoo kulamadaasi ay kasoo saareen qodobo ay isla garteen labada dhinac. “ Waxaa maanta sharaf weyn noo ah hadaan nahay maamul goboleedka galmudug inaan ku qabano shirkii looga hadlayey horumarinta maaliyadda iyo mideynya canshuuraha ee Soomaaliya, shirkaan waa kii saddexaad oo nuucaan oo kale ah waxaana ka horreyay kuwii muqdisho iyo garoowe uuna heshiis dhaxal gal ah uu ka soo baxay”. Goobjoog News Source
-
Waxaa maanta Muqdisho lagu soo gagababeeyay shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhallinyarada Soomaaliyeed, kaas oo furmay 17-kii bishan. Hadaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasha la wadaageysaa war murtiyeedka oo dhameystiran. In si wada jir ah looga qeyb qaato dhaqan galinta siyaasada qaran ee dhalinyarada. In la howl-geliyo golaha dhainyarada qaran KMG ah,si uu unoqdo meel ay hogaamiyaasha dhalinyarada ku sameeystaan, kuna bartaan hogaaminta wanaagsan looguna olaleeyo danaha dhalinyarada Soomaaliyeed. In dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo. In loo sameeyo kulamo joogta ah si loo xoojiyo iska warqabka dhalinyarada loona helo dhalinyaro u ababulan horumarka dalka. In dhalinyaradu hesho adeegyada aasaasiga u ah sida waxbarasho tayo leh caafimaad In culimadu ay ku yeeshaan door muhiim u ah jiheynta maskaxda dhalinyarada lagana wacyi geliyo figradaha xagjirnimada. In qof walba oo dhalinyaro ah lagu dhiiri galiyo waxyaabaha hibada gaarka ah uu leeyahay. In aqoonta dhallinyarada diini iyo mid maaddiba ah kor loo qaado. In mudnaanta 1aad la siiyo dhallinyada dalka wax u baratay, si ay u buuxiyaan fursadaha ajanaiibta heysato. In la helo goobo lagu madadaalliyo dhallinyarada. In dastuurka JFS ee KMG ah lagu cadeeyo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed xiliga lagu jiro dib u eegista. In ay helaan caddaalad iyo nidaam dowladnimo oo kala haga. In a baro waddaniyadda iyo qiimaha dalku leeyahay. In kaalin muhiim ah ay ku yeeshaan siyaasadda iyo dowladda qeybaheeda kala duwan. In loo muujiyo kalsooni iyo tixgalin waxyaabaha ay qaban karaan. In la ilaaliyo manhajka waxbarashada tayadiisa laga wada tashto arimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga lagana qeyb galiyo dhalinyarada. In garab istaag iyo dhiiri galin loo sameeyo dhalinyarada ku tiirsan kheeyraadka dalka (beeraha kallumeysiga iyo xanaanada xoolaha) In la isku xiro ganacsatada iyo dhalinyarada si ay u helaan fursado shaqo loona abuuro sanduuqa horumarinta dalka. Waa in dhalinyaradu isku kaashato sidii dalka loo hormarin lahaa qof kastana xil is kaga saaro sugidda ammaanka daka iyo tagaeerida dowladnimada si aan u gaarno Nabad iyo Nolal hormarsan. Waa in dhaliyaradu kaalin mug le ka qaataan caafimaadka, faaya dhowrka, Nadaafadda waxbarashada , fanka iyo suugaanta , ciyaaraha. caawinta dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba ,bilic soo celinta magaalooyinka iyo guud ahaan dalka soomaaliya. In dhalinyarada loo sameeyo xarumo ay ku kulmaan ayna fikradooda ku kala qaataan. In dhallinyaradu bartaan taariikhda ummadda soomaaliyeed si ay wax uga bartaan isagana jiraan qalalaadkii hore iyo fikradaha guracan ee xagjirnimada ah. Goobjoog News Source
-
Kenya has filed its response at the International Court of Justice in the Indian Ocean border dispute case filed by Somalia. A statement from the Office of the Attorney-General Githu Muigai has said Kenya’s position is that the maritime border remains as it is and the dispute be solved through negotiations. “This position is entrenched in the United Nations Convention on the Law of the Sea and several resolutions and decisions of the African Union Heads of State and Government adopted since 1964,” the statement said. OIL DEPOSITS The Hague-based court is expected to give direction on the matter in early 2018. The court’s decisions are normally binding and final. Somalia’s petition was filed on July 13, 2015. It sought to have the maritime border redrawn to extend diagonally to the south at Kiunga into the sea, and not eastwards as it is. Somalia sued Kenya in 2014 asking for proper determination of the sea boundary between the two countries and wanted it adjusted to give Mogadishu a huge chunk of the sea, which has oil deposits. CONVENTION The area in contest is about 100,000 square kilometres and there are six oil blocks, which Somalia argues Kenya has awarded contracts to foreign prospecting firms for even though they “lie entirely or predominantly on the Somali side”. Somalia is basing its arguments on Articles 15, 74 and 83 of the 1982 United Nations Convention on the Law of the Sea, which both countries ratified in 1989. But Kenya submits that the maritime border with Somalia is as was decreed in the Presidential Proclamation of 1979. LEGAL ACTION The countries in 2009 reached a memorandum of understanding, which was then deposited with the UN in 2011. Kenya maintains that all her activities, which include naval patrols, fishery, marine and scientific research as well as oil and gas exploration are within the maritime border established by Kenya and recognised and respected by both parties since 1979. “Kenya is fully committed to protecting her boundaries in order to safeguard her territorial integrity,” the AG said. Standard
-
“People know how to be given fish, we need to teach them how to catch fish,” Farmajo said. On Monday, United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) issued a release stating the agency had repatriated 74,141 Somali refugees from Kenya as at Nov. 15. A total of 71,792 Somalis from northern Kenya’s Dadaab refugee camp reportedly elected for voluntary repatriation on December 8, 2014. “As at Nov. 15, there were 18,140 refugees registered in our database willing to return to Somalia, with 12,874 being registered in 2017 alone,” the UN agency said. UN High Commissioner for Refugees, Filippo Grandi, said the agency will continue to invest in housing, education and the overall quality of life of refugees. The UN official made the declaration during a visit to Kismayo, Somalia. Some 4,949 non-Somali refugees were relocated to Kakuma refugee camp. “The relocation is currently suspended due to the limited absorption capacity and services in Kalobeyei,” the agency’s release detailed. Approximately 32,478 refugees will return to Somalia in 2017 alone, the UNHCR said. About two million Somalis have been displaced; 1.1 million internally and another 900,000 regionally. Grandi remarked that the UNHCR had programs in place to reintegrate Somalis who chose voluntary repatriation. One such initiative is a joint UNHCR-Mercy Corps project which provides homes, on government-issued land, to returnees. “Refugees should be a force to rebuild the country when they decide to come back,” Grandi said, noting that agency, assisted over 100,000 over the past two years. “We see refugees not as a humanitarian problem, but as an asset into which we need to invest,” he added. President of the State of Jubaland, Ahmed Mohamed Islam, highlighted the importance of the return of educated and trained refugees. “When you want to build a state, you need human resources. Those coming back can fill that gap,” he explained. Grandi, from a newly erected school, commented: “The boys and girls around me are people that have grown up in a refugee camp. They are not refugees anymore. What a great result to see young people go from being refugees to being back in their country, contributing to their country.” Grandi and Mogadishu Mayor Thabit Abdi Mohamed inaugurated the school, which is located near the site of the single deadliest attack in Somali history. “The best response to violence is education so what can be better than building a school,” the high commissioner said. Drought originally forced over one million Somalis to flee their homes and move to other parts of the country or neighboring nations. And, though famine has been largely averted, one in two Somalis face food insecurity. But, about 19,000 refugees in the Dadaab cited security concerns as the major downside to repatriation. Somalia’s Federal President, Mohamed Farmajo, told Grandi at a meeting on Saturday in Mogadishu, “We want our people back. This is their home,” adding that they need to exercise caution to ensure that returning refugees are not yet again internally displaced. “People know how to be given fish, we need to teach them how to catch fish,” Farmajo said. Telesurtv
-
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 19 December 2017 dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyoTaleex, taas oo dherer keedu dhan-yahay 90Km. Dhagax dhigga waddadani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada dawladda Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, nabaddoono, waxgarad iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay ka xuukuumad ahaan ka go’an-tahay in si siman degaanada Puntland loo wada gaadhsiiyo horumarka iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha. ‘’Waxaan rabnaa in degaanada Puntland ay u sinaadaan xuquuqda, horumarka iyo waajibaadkaba, waxaa laga yaabaa mashriic badan oo dalka laga hirgeliyey aan soonkan waxbadan illaa iminka laga qabanin, ka cudurdaaran mayno laakiin waxaan sheegayaa oo aan rabaa inaan halkan ka cadeeyo in waddadani ay dhismi doonto Alle idinkii Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. “ Waddada Garoowe Taleex waxay ku dhismi doontaa isku tashiga dawladda Puntland iyo shacabkeeda iyo sidoo kale ciddii kale oo aanu la kaashan karnoba, laakiin waxaan rajaynayaa in sanadka bilawgiisa ay billaabato si deg degana u bilaabato Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dawladdu si deg dega wax uga qabanayso kaabidda arrimaha bulshada ee degmada Taleex, waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in hadda ay dawladdu $200,000 oo Dollar gaadhsiin doonto maamulka degmada iyo waxgaradka magaaladaasi si wax looga qabto baahida markaasi ay sheegtaan bulshada magaaladaasi. “ Waxaan rabnaa inaan ka jawaabno baahiyaadka ay noo-sheegeen waxgaradka magaalada Taleex kaasi oo ah wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, waxaanna rabaa inaan halkan ka cadeeyo inaan $200,000 [ laba boqol oo kun oo dollar] gaadhsiin doono degmada Taleex kaasi oo aanu ugu tala galay inaanu wax kaga qabano adeegga bulshada ee magaaladaasi barnaamijkaas waxaa iska kaashan doona dawladda Puntland iyo hay’adda TIS-PLUS”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka magaalada Taleex kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadgelyada, xasiloonida iyo kala debaynta, waxaana uu ku booriyey shacabka magaaladaasi inay ka shaqeeyaan horumarka degmadooda iyo dhammaan degaanada hoosyimaada. Puntlandi.com
