-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ka baxay tartanka Koobka Kubadda cagta ee Cecafa Senior Challenge Cup ee ay ku tartamayaan xulalka Qaramada Bariga iyo bartamaha Afrika,kaasoo ay sannadkaan 2017 marti-gelinayso Kenya. Qaban-qaabiyaasha ayaa sidoo kale Maanta magaalada Nairobi ka shaaciyey in koobkan uu ka qayb geli doono xulka Waddanka Zimbabwe,inkastoo ay jirto xasarad siyaasadeed oo ka aloosan dalkaasi. Xoghayaha Guud ee Cecafa, Nicholas Musonye ayaa sheegay in 10-ka kooxood ee soo hartay, ay ku jiraan laba kooxood oo leh labada xul ee ugu sareeya ee isreebreebka u soo baxay semi-finalka. Musonye ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka baxday tartanka koobkaan,maadaama buu yiri “ay dib u habayn ku samaynayso xulkeeda qaran“. Suudaan ayaa iyaduna tartankaan uga baxday arrimo ku saabsan doorashada xiriirka Kubadda Cagta ee dalkaasi. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Suudaan ka baxay tartanka Kubadda Cagta Cecafa Senior Challenge Cup appeared first on Puntland Post.
-
Election officials and observers in the self-proclaimed state of Somaliland say voting in the presidential poll, which has ended, appears to have proceeded smoothly. Some voters queued for hours before the polls opened. Somaliland’s constitution allows presidents to serve two terms but the current President Mohamed Silanyo, a British-educated economist, has decided to step down after just one, albeit extended. Elections are meant to be held every five years. However the poll was delayed for two years due to drought and technical issues. Three candidates are now vying to replace him in a close race. The electoral commission says it may take several days before it announces the official result. BBC
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay Magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland, wuxuu eedayn dusha uga duuray Guddiga doorashooyinka maamulkaas [NEC]. WADANI, ayaa ku eedeeyay Guddigan inuu la safanyahay garabka Muuse Biixi ee Kulmiyay islamarkaana ay jiraan codad la is-daba mariyay. Xubnaha u hadlay Wadani waxay ka dhawaajiyeen inuu jiro musuq guddigu sameeyay, waxay sheegeen in codadka Kulmiye loo tiriyey ay ku jiraan kuwo been abuur ah, iyagoo soo bandhigay buug u sameysan sida kaadhadh-ka lagu codeynayey. Sidoo kale waxaa shir saxaafadeedka Xisbigan lagu sheegay inay WADANI uu joojiyay wada-shaqayntiii uu la lahaa Guddiga doorashooyinka Somaliland. Sababta wuxuu ku sheegay inay ka jawaabi waayeen cabashooyin horey ay ugu soo gudbiyeen, kuwaasoo ay ku jirto mas’uuliyiin katirsan xisbiga oo la xiray iyo waxyaabo la xariiray tabashooyin ay ka keeneen doorashadii dhacday 13 bishan. Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli aan wali la shaacin natiijada doorashada sidoo kalena ay dhaliilo ka muujiyeen qaabka ay wax u dhaceen Isniintii lasoo dhaafay korjoogtada caalamiga ah ee ku sugan Hargaysa. Shir ay kor joogtadu qabatay waxay ku shaaciyeen inay jireen khaladaad dhacay waqtigii lagu guda jiray codaynta kuwaasoo ay kamid ahayd inay codka dhiibteen dad aan qaangaar ahayn. Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland oo iminka ku mashquulsan tirinta codadka. Dhinaca kale waxaa jira dabaal dagyo iyo guulo ay sheeganayaa axsaabta is haysa ee Kulmiye iyo Wadani kuwaasoo midba midka kale leeyahay guusha anagaa hantinay. Hoos ka daawo Muuqaalka:
-
Bosaso-[Puntland Post]-Magaalada Bosaso ayaa lagu qabtay kulan ballaaran, kaasi oo looga hadlayey dhacaddi iyo kufsi dhawaan loo geystay gabar Soomaaliyeed. Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyey Ehelada gabadha dhibatada loogaystay waxana ka soo qeyb galay bulshada qeybaheeda kale duwan. Kulanka waxaa looga hadlay seddex qodob oo kala ah 1-Mahad loo mahad celiyey mamaulka Jubbaland oo eedeysanaha gacanta kus oo dhigay. 2-Puntland oo laga codsay in eedeysanaha sharciga horkeento 3-Cambaareen falkii xumaa ee loo gesytay Faa’izo Daawo Dadka kulanka ka hadlaya oo Fariin u diraya Puntland Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Daawo”Ehelada Gabar Dhibaato loogu geystay Boosaso Oo Xukuumada Puntland Fariin u diray appeared first on Puntland Post.
-
Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo. Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay hay’adaha amniga wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen, 1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye 2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada, 3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka 4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka 5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka 6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka 7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada 8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka 9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka Sidoo kale waxaa la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daauud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo horey u baxsaday ka dib dil uu u geystey marxuum Guled Abdulkadir Muse. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada. Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF). Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ahna shir wadatashi ah bacdamaa culumadu ay yihiin hormuudka bulshada. Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen. Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ayaa golaha uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka. Dood dheer ka dib, waxaa lagu ballamay in usbuucyada danbe la ansixiyo. Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee 2020ka. –DHAMMAAD—- Source
-
Dowladda Somalia iyo hay’adda UNICEF ayaa khamiistii Maanta daah-furay qabyo qoraalka xeerka xuquuqda carrruurta,taasoo qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo xuquuqda carruurta Somalia. Xeerkaan xuquuqda carruurta,markii la ansixiyo wuxuu noqon doonaa as-aaska horumarinta iyo ilaalinta dhammaan xuquuqda carruurta ee dalka,kadib markii Somalia ay saxiixday heshiiska xuquuqda carruurta bishii October ee sannadkii 2015. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Somalia Deeqa Yaasiin Hagi Yuusuf iyo agaasimaha qaybta Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda UNICEF,Leila Pakkala oo caasimadda Muqdisho ka daah-furay xeerkan,ayaa sheegay in tallaabadan muujinayso sida adag ee ay wasaaraddu u rumaysantahay in ay xaqiijin doonto mustaqbalka wanaagsan ee carruurta Somaliyeed. “Daah-furka hannaanka qabyo-qoraalka xeerka carruurta ee Maanta ayaa muujinaya sida ay xukuumadda Somalia uga go’antahay xaqiijinta in qodobadii heshiiskii CRC ay noqdaan kuwa dhab ka ah Somalia”,yey tiri Wasiir Deeqo. Wasaaradda Haweenka Somalia ayaa la shaqeysa hay’adda UNICEF iyo ururada bulshada rayidka ah ee ku hawlan qabyo-qoraalka xeerka carruurta Somalia,waxayna raadinaysa in si ballaaran shacabku uga qayb qaato arrintaas. Pakkala ayaa sheegay in ilma kastoo Somali ah uu leeyahay xaqa ay leeyihiin dhammaan carruurta caalamka. “Waxaan ku kalsoonahay in xeerka xuquuqda carruurta uu as-aas sharci ah siin doono si loo taabbo-geliyo ilaalinta dhammaan xuquuqda carruurta Somalia”,ayuu raaciyey Pakkala. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Somalia oo bilaabaysa qabyo-qoraalka xeerka carruurta. appeared first on Puntland Post.
-
On Monday, citizens of the self-proclaimed Somaliland lined up at over 1500 polling stations to elect their fifth President. Everyone, including the young and the elderly, was eager to make their choice. But on top of choosing their leader, the residents also hoped to use the third presidential election to prove their democratic credentials and show the world that they are a maturing democracy. It also offered a perfect chance for them to strengthen their push for independence from the troubled Somalia. Occupying the northern part of the Horn of Africa country, Somaliland, which enjoys more political and ethnic stability than many countries in East Africa, broke away from the rest of Somalia in 1991 and has since been pushing for autonomy. The former British protectorate gained independence in 1960, but later joined with the now war-torn Somalia. The tiny state has been under President Ahmed Mohamed Mohamoud since 2010 but he is not seeking re-election. Monday’s election, which had attracted three candidates, went on smoothly, with the vote counting exercise commencing immediately after the voting closed. Among the three contenders were Muse Bihi, a seasoned politician, Abdirahman Iro and Faysal Ali Warabe. The election was supposed to be held in 2015 but problems of drought and technical glitches forced the government to push it to 2017. An Example to Emulate While its southern counterpart has not known peace since the early 1990s, Somaliland has always enjoyed peaceful and democratic transition of governments after every five years. In fact, Somaliland is considered to be one of the most democratic states in East Africa. A good example of the extent of democracy in the tiny state is the just concluded election, which involved televised presidential debates and the use of biometric voter identification systems – a luxury that voters in southern Somalia don’t have. Actually, the election was the first in Africa to use an eye-scan biometric technology, which authorities say prevented people from voting twice. More than 700,000 registered voters are said to have participated in the poll, whose results are expected to be announced before Friday. It’s an election that should serve as an example to the rest of Somalia and Africa in general, where elections have become a deadly affair. The Somaliland poll shows that African countries have the capacity to hold free, fair and credible elections, and people don’t have to die over alleged electoral malpractices when simple and verifiable voting systems exist. It is also a big challenge for the people of southern Somalia to put their differences aside and embrace peace. The fact that their brothers and sisters in Somaliland have been able to coexist for years without any major disruption of peace is an indication that they too can find a lasting solution to their problems. Faces of Africa
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Cutub ka tirsan ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay wadada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Degaanka Deynuunaay oo ka tirsan Gobolka Baay. Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Sarakiisha Ciidamadu waxa ay sheegen in ay ku baadi goobayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo koontorool ay dadka lacag uga qaadaan dhigtay sida ay hadalka u dhigeyn. Maxamed Ibraahim Nuur, oo ah Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegay in mudada uu socday howlgalka ay Ciidamada Dowladda maleeshiyada Shabaab kala wareegen degaano hor leh oo ka tirsan Baay. Wuxuu sheegay in ay dhexda u xirteen sidii ay ula dagaalami lahayeen Al-shabaab, shacabka ku nool degaanada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ee Shabaab.
-
Construction of a United Arab Emirates naval base in the separatist region of Somaliland has begun, according to a UN report released on 8 November. Satellite imagery from 30 October shows progress on what the UN Monitoring Group has identified as the naval base that the UAE is building near Berbera. (2017, DigitalGlobe, Inc) It was announced in February that Somaliland’s parliament had approved the United Arab Emirates’ (UAE) request to establish a military base in Berbera, but few details have been released. The report by the UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea said that eight members of parliament who opposed the move were physically removed from parliament before the vote, and those who voted in favour were each paid USD10,000. The Monitoring Group identified the location of a naval base that is being constructed 8.5 km west of Berbera’s existing port, and 2 km north of the city’s airport.
-
HARGEISA——-The main opposition party of the breakaway Somaliland has cut off cooperation with the Somaliland’s National Electoral Commision (NEC) , citing irregularities seeing during voting last Monday. The leaders of Wadani party said on Thursday that there were fake ballot papers used during the election, claims dismissed by Somaliland’s National Electoral Commision. Mohamed Yasiin, Osman Afgaab and Hussein Ahmed Aideed who are Wadani chief agent, deputy chief agent and alternate chief agent respectively have displayed several fake ballot papers during press conference in Hargeisa. Yasiin told the media that the party stopped its cooperation with NEC. “After the electoral commission failed to respond our concerns over these fake papers, the Party decided to stop cooperating with the commission,” said Yasiin. On Wednesday, in a meeting with International Observers, the opposition raised concerns over several irregularities that the party believes to have taken place during presidential poll on Monday. Meanwhile, Somaliland election body has dismissed the opposition claims that election were merred by irregularities saying the polls were free and fair. “We have received verbal complain about election irregularities from Wadani Party but as far we are concerned the elections were free and fair,” said NEC chairman Abdikadir Oman. On Tuesday, international observers in the breakaway Somaliland expressed concern over electoral malpractice including underage voting saying ” On election day, we are pleased to have observed a poll that in the main seems to have preserved the integrity of the election process while we are aware of some key concerns, those do not seem to be substantive and systematic enough to have undermine the election itself.” HOL
-
Musharraxa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta kula hadlay goordhaweyd magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay aqbali doonnaan doorasho xor oo xalaal ah hase ahaatee aanay aqbali doonnin cod xaaraan ah in ay cidina ku badiso – waa sida uu hadalka u dhigaye. Cirro waxa kale oo uu sheegay in ay joojiyeen wada shaqayntii kala dhaxaysay guddida doorashooyinka Somaliland illaa inta ay ka jawaabayaa cabashooyin uu sheegay in ay u gudbiyeen. “Waxaan sheegayaa inaan aqbalayno doorasho xor oo xalaal ah hasa yeeshee aanan aqbali doonnin cod xaaraan ah inay cidina ku badiso” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro. Source
-
BURAO–Furious men and women on Thursday have held protest in the west of Burao, Togder’s provincial capital. Reports coming from Burao indicate that the protesters have burnt tires in the streets to disrupt the flow of traffic. They have damaged the stalls and smashed several vehicles reports further said. Police deployed are trying to disperse the crowd to prevent further damage. Gunshot could be heard which police fire to disperse the protesters. The protest was instigated by Wadani opposition members claiming that presidential election has been rigged. According to National Electoral Commission (NEC) said in a press briefing that vote counting underway.
-
Taageerayaasha Xisbiga Wadani ayaa galinkii dambe ee maanta rabshado ka sameeyey magaalada Burco , waxaana la maqlayaa rasaas ka dhacaysa gudaha magaalada. Rabshadahaan oo kusoo beegmaya xilli maanta ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen wada shaqeyntii ka dhaxaysa Guddiga Doorashada Somaliland xubnihii wakiilka uga ahaa Xisbiga Wadani. Muuqaal kooban oo laga soo duubay dad careysan ayaa muujinaya weerar taageerayaasha xisbigu ku qaadeen mid ka mid ah shirkaddaha daabacaadda oo la yiraaahdo Sagal Jet ka dib markii maanta xubnihii u hadlay Xisbiga Wadani sheegeen inay jirto shirkadd ka qeybqaadatey musuq maasuq ay ku eedeeyeen Guddiga Doorashada iyo Xukuumadda Somaliland. Faahfaahin badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay Rabshadaha goor dambe oo galabta ka bilowday magaalada Burco. Kala soco faahfaahinta PUNTLAND POST. PUNTLAND POST The post Rabshado galinkii dambe ka bilowday magaalada Burco appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa ( Sh.M.Network)-Xisbiga Wadani oo ka tirsan Axsaabta Siyaasadeed ee ka qeyb galay doorashadii 13-kii Bishaan ka dhacday deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa ka cabanaya hanaanka uu u tirinayo Guddiga doorashada Madaxweyne ee Maamulkaasi Codadkii dadweynuhu dhiibteen. Masuuliyiinta Xisbiga Wadani oo maanta shir Jara’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyay Cabashada uu ka qabo doorashada Xisbigooda. Xuseen Axmed Ceydiid oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ayaa sheegay in cabashadooda oo la xiriirta wax isdaba marin ku aadan codadka doorashada ay u gudbiyeen guddiga doorashada Madaxweyne ee Soomaaliland laakin iyadoo aan wax laga qaban cabashadooda uu guddugu iska sii wato hooshiisa. Maamulka Soomaaliland ayaa dhawaan waxaa lagu qabtay doorasho Madaxweyne oo codkooda ay ka dhiibteen shacabka Maamulkaas iyadoona isha lagu wada hayo doorashadaasi marka loo eego Beesha Caalamka iyo Soomaaliya guud ahaan. Source: shabelle Radio
-
Somali ptesident, Mohamed Abdullahi Farmajo is to make his second visit to the United Arab Emirates (UAE) next week after receiving official invitation, farmajo entourage source confirmed. Sources privy to the UAE invitation said the president would be travelling to United Arab Emirates on Monday next week. “President Mohamed Abdullahi Farmajo will be travelling to UAE on November 20th, the president received official invitation from Dubai authorities,” said a source close to Villa Somalia. According to the sources, Egyptian president Abdel Fatah El-Sisi has been carrying out attempts bring Somalia and UAE leaders closer after Somalia decided to stand its ground on neutrality in the Gulf Crisis. “Following Somali president’s visit to Egypt in late August, president Abdel Fatah was trying to bring Somali and United Arab Emirates leaders closer on the matter related to Gulf Crisis” he said. Some of regional state leaders will also be travelling to Dubai next week, according to the sources. “Leaders of Southwest and puntland states, Shariif Hassan and Abdiweli Ali Gas repectively will be heading to UAE,” the sources confirmed.
-
Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa Goordhaweyd waxaa ka Qarxay dagaal U dhexeeya Maleeshiyaadka Maamulka Somaliland iyo Shacab Gadoodsan oo Hubaysan kana soo jeeda Dhanka Cabdiraxmaan Cirro. Rabshadan Ayaa timid Ka Gadaal markii Galinkii Danbe maanta Ay ku Dhawaaqen Saraakiil kamid ah Wadani in Aanay Rajo Ka qabin Doorashada Maamulkaasi Islamarkaana musuq maasuq iyo Isdaba barin La galiyay. Shacab Aad u faro badan aya isugu soo baxay Siirooga Burco kuwaaso Ku Dhawaaqaya Guusha yaa leh Ciraa leh Badaluu Kulmiye iyo Ereyo lamid ah. Intaasi wixii ka danbeeyay waxaa Goobta yimid Ciidan kamid ah Kuwa maamulka Somaliland Kuwaaso rasaas ku Afrogay shacabkaasi waxayna xaaladu isku badashay in Shacabku Gubaan Kaalmo Shidaal Oo badan islamarkaana qaar kood Hub la soo baxan. 15 Daqiiqo kadibna waxa is Qabsaday dhawaaqa rasaasta kala duwan gudaha Burco oo ilaa hada Ka socota lamana Garan Karo inta uu leeg yahay khasaaraha Jira. Dhinaca kale waxaa adag Dhaqdhaqaaqa Isgaadhsiinta oo mashquul Badani Galay Gobolada Burco iyo Hargeisa
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Militariga dalka Zimbabwe ayaa xabsi guri geliyay madaxweyne Robert Mugabe, waxayna la wareegeen telefishinka qaranka iyo awoodda dalka. Ciidamada iyo gawaaridooda ayaa ku sugan jidadka Harare halkaas oo rasaas iyo qaraxyo laga maqlay Arbacadii. Ma inqilaab baa? Militariga waxay ku adkeysanayaan in uusan afgembi ahayn, balse waxaa jiro calaamado badan oo muujinaya. Calaamadaha lagu garto in afgembi uu socdo markaste waa isku mid dunida oo dhan. Halkan waxaa idiinkugu soo gudbineynaa sida lagu ogaado inqilaabka iyo awood la wareegidda. 1-Qofna ma dhahayo waa afgembi Ugu horeyn, ogow in kuwa afgembiga sameeya marna aysan ku dhawaaqeyn in ay sameynayaan inqilaab. Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika u fadhiya, Isaac Moyo, wuxuu so cad u sheegay in afgembi uusan dhicin, iyo in dowladda ay weli “shaqeyneyso”, militarigana uusan la wareegin awoodda dalka. “Keliya waxaan eeganeynaa burcadda ku hareereysan madaxweynaha, kuwaas oo sabab u ah dhibaatada dhaqaalaha iyo mid bulsho,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Janaraal Moyo oo TV-ga toos uga hadlay shalay. “Isla marka aan dhameyno howlgalkeena, waxaan fileynaa in xaaladda ay caadi ku soo noqoto”. Balse “xaaladda” dhankooda waxay u muuqataa mid xun oo digniin leh, gaar ahaan kuwa ku jira dhanka militariga qaaday ficilka ay awoodda kula wareegeen. Hadallada noocan ah ee maldahan waa kuwa lagu garanayo iskudeyada afgembi. Dalka Venezuela, oo dibadbaxyo ka dhan ah dowladda ay ka jireen muddo, militarigeeda waxay isku deyeen afgembi fashilmay oo ka dhan ah madaxweyne Nicolas Maduro, bishii August. “Kani ma ahan inqilaab, balse waa tallaabo ay u dhan yihiin shacabka iyo militariga, si loo soo celiyo kala dambeynta dastuureed”, ayuu yiri ninkii hoggaaminaya kooxda, Juan Caguaripano. Xisbiga hanti-wadaagga ee Venezuela ayaa hadalkaasi beeniyay. Kuxigeenka madaxa xisbiga, Diosdado Cabello wuxuu ku tilmaamay “dullaan argagixiso”. 2-Halkee buu ku sugan yahay madaxweynaha dalka? Marka la hubinayo afgembi, eeg meesha uu ku sugan yahay hoggaamiyaha dalka. Madaxweyne Mugabe waxaa lagu ha Waxaa la sheegay in uu qadka telefoonka kula hadlay, uuna nabad qabo madaxweynaha. Lama garanayo meesha ay ku dambeyso xaaskiisa awoodda leh, Grace Mugabe oo 52-sano jir ah, Taas oo loo saadaalinayay in ay bedeli doonto seygeeda oo 37 sano dalka xukumayay. Sikastaba, xildhibaan ka tirsan xibiga mucaaradka ee MDC, Eddie Cross, ayaa BBC-da u sheegay in ay habeenkii Talaadada u qaxday dalka Namibia. In la xiro qofka lala damacsan yahay kacdoonka waa arrin muhiim u ah afgembiyada. Sida uu sheegay weriyaha arrimaha diblumaasiyadda ee BBC-da Jonathan Marcus, in afgembigii Turkiga uu guuldaraysto waxaa sababay in ciidamada ka dambeeyay ay garan waayeen meesha uu ku suganaa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Safaaradaha ajaaniibta waxay gabaad u noqdaan madaxda xilka laga xoogay iyo kuwa lagu raad joogo ee xulafada la ah. Markii madaxweyne George Bush kii hore uu ku duulay Panama, 1989-kii, sarkaalka awoodda lahaa Janaraal Manuel Noriega wuxuu ku dhuuntay safaaradda Vatican-ka ee magaalada Panama City. Mararka qaar, madaxda waxay ka soo muuqdaan dalal kale. Sanadkii 2009-kii, militariga dalka Honduras waxay xilka ka tuureen madaxweyne Manuel Zelaya, wuxuuna ku baxsaday diyaarad. Markii uu gaaray Costa Rica, wuxuu sheegay in la afduubtay isagoo xiran dharka habeenkii lagu seexdo. 3-Dadka oo jidadka u soo baxa iyo rasaas iska dheceysa Dibadbaxyo iyo kacdoon waa arrin muhiim u ah afgembi. Dadka isu soo baxa waxay badanaa ku dhawaaqaan dalab dimuquraadiyad iyo in uu dhaco maamul markaa jira, Waana midda keliya ee sababta in militariga soo dhaqaaqo, awooddana la wareego. Dalka Masar, madaxweyne Xusni Mubaarak waxaa xilka ka tuuray dibadbaxayaal intii uu socday kacdoonkii carabta ee 2010-11-kii. Kacdoonkaasi wuxuu saameeyay dalalka Libya, Tunisiya, Yaman iyo Suuriya. Arrinta muhiim ka ah waxay ahayd, markii militariga Masar uu sheegay in aysan awood u adeegsanayn dadka isu soo baxay ee careysan. Madaxweyne Mubaarak ayaa iscasilay, maamul militari ayaana dalka la wareegay. Afgembigii fashilmay ee Turkiga ee 2016-kii, Shacabka ayaa jidadka isugu soo baxay waxayna difaaceen madaxweynaha ayagoo ka hortagay militariga. Sidoo kale ciidamada taageersan Erdogan ayaa caawiyay dadweynaha. Dalka Zimbabwe wuxuu kaga duwan yahay, shacabka maysan dhigin dibadbaxyo, maadaama ficilka militariga uu ka dhashay Mugabe oo shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa, isagoo doonayay in xaaskiisa Grace uu ku bedelo. Jidadka Zimbabwe kama jiraan wax dhibaato ah, laakiin gawaarida gaashaaman ee ciidamada ayaa gaaf wareegaya gudaha caasimadda. 4-Dowladaha awoodda leh ee caalamka oo u diga muwaadiniintooda Xitaa haddii aysan gabaadsiin hoggaamiye aan halis ku ahayn, safaaradaha waxay xaq u leeyihiin in ay ka fikiraan nabadgelyada shacabkooda, waxayna billaabaan in ay tilmaamo siiyaan. Dalka Zimbabwe, Safaaradda Britain waxay la talisay muwaadiniinta hadda ka joogo dalkaasi. “Haddii aad joogto Harare, si aysan dhibaato kuu gaarin, gurigaaga ku sugnow ama hoteelka aad deggan tahay illaa xaaladda la ogaanayo”. Safaaradda Mareykanka ee Zimbabwe waxay Tweet-gareysay in aysan shaqeyneyn shalay oo Arbaca ahayd “ka dib xasillooni darada siyaasadeed”. 5-Warbaahinta Qaranka oo la qabsado Farriinta in la baahiyo waa muhiim, hadaba, mucaaradka aalaaba waxay ku ordaan in ay qabsadaan warbaahinta qaranka iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay afkoodana u adeegsadaan. Dalka Zimbabwe, militariga wuxuu ku guuleystay in uu qabsado xarunta telefishinka qaranka ee ZBC. Balse, isticmaalka mowjadaha hawada waa mid aan markaste guuleysan. Dalka Turkiga, 2016-kii ciidamada waxay galeen warbaahinta qaranka waxayna sheegteen in ay awoodda la wareegeen si ay dimuquraadiyadda u difaacaan. Balse xaqiiqdii cadaadis ayaa looga awood badiyay. Dalka Zambia, sanadkii 1997-dii waxaa ka dhacay afgembi ku fashilmay seddax saacadood gudahood. Nin isku magacaabay kabtan Solo ayaa idaacadda dowladda kaga dhawaaqay in uu dalka la wareegay, saraakiisha ciidamadana shaqada ka tiray. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweyne Frederick Chiluba uu isku soo dhiibo illaa 9-ka subaxnimo, ama la dili doono. Balse 10-kii barqanimo, madaxweynaha ayaa idaacadda ka hadlay wuxuuna sheegay in lix qof la xiray, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada “shaqada wanaagsan qabtay”. 6-Xudduudaha, buundooyiinka iyo garoomada diyaaradaha oo la xiro In la xakameeyo maamulka dal ama caasimad, waxaa qeyb ka ah xiridda xudduudaha, hakinta dhaqdhaqaaqyada buundooyiinka iyo meelaha kale ee muhiimka ah ee dadka u fududeynaya isu socodka. Bishii Sebtembar 2015-kii, ilaalada madaxtooyada ee hoggaaminayay afgembigii Burkina Faso waxay amreen in la xiro isu socodka cir iyo dhul, waxayna soo rogeen afgembi habeenkii ah. Sida la ogyahay, casharka ugu wanaagsan ee xakameynta garoon diyaaradeed waxaa laga bartay Pakistan sanadkii 1999-kii, xilligaas oo ra’iisul wasaare Nawaz Sharif uu isku deyay in uu shaqada ka tiro taliye ciidan oo awood lahaa, Janaraal Pervez Musharraf, waxaana bilowday dagaalka kala sareynta. Janaraal Musharraf wuxuu ku sugnaa dalka Sri Lanka markii uu helay farriinta ah in Mr Sharif uu qorsheynayo tallaabo isaga ka dhan ah. Wuxuu si qarsoodi ah kaga duulay garoonka Colombo, wuxuu doonayay in uu ka dego Karachi. Ciidamada cirka waxay u diideen in diyaaradda oo siday 200 oo qof ay degto, waxaana duuliyaha lagu amray in uu Cuman aado, ka dibna Hindiya. Janaraalka ayaa duuliyaha ka dalbaday in uu hawada ku dul wareego, inkastoo shidaalka uu ka dhammaanayay diyaaradda. Ugu dambeyn, diyaaradda waxay degtay ka dib markii ciidamo taageersan Musharraf ay la wareegeen garoonka. Si nabad ah ayuu ku degay, saacado ka dibna wuxuu sheegay in uu Pakistan la wareegay. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 16 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo danjiraha dalka Chine u fadhiga Soomaaliya Mr. Qin Jian. Kahor kulanka Madaxweynaha iyo safiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland iyo safiirka dalka chine ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyo Puntland gaar aahan mashariicda waaweyn ee hadda dalka ka socda , adkaynta xidhiidhka Puntland iyo dalka Chine iyo iskaa shiga labada dhinac ee arrima ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn safiirka iyo weftigiisaba ku soo dhoweeyey Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in xidhiidhka ka dhexeya dalka Chine iyo Puntland uu yahay mid wanaagsan oo soo jireena, taasna ay tusaale u tahay mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyey gudaha Puntland iyo kuwa hadda kasocdaba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta iyo xoojinta xidhiihka ee ka dhexeeya labada dhinac. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in arrimaha iskashiga Puntland iyo dalka China ee ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka ay yihiin kuwo buldhig u ah wada shaqaynta dhow ee ka dhexysa Puntland iyo dalka Chine, isla mar’ahaantaana ay dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta, wanaajinta iyo dardargelinta arrimahasi iskaashi. Dhinaca kale danjire Mr. Qin Jian ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda adkaynta xidhiidhka wanaagsan ah ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Chine iyo sidoo kale dardar gelinta iskaasiha labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka , waxaana uu sidoo kale xusay Safiirku inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Garoowe iyo guud ahaan gudaha dawladda Puntland. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad kusoo dhoweeyey Safiirka iyo weftigiisaba dawladda Puntland, isagoona Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo shacabkeeduba diyaar u yihiin waxkasta oo wanaajinaya horumarinta ganacsiga iyo kabayaasha dhaqaalaha ee ka dhexeeya dawladdaha Puntladn iyo China. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Safiirka China Ee Soomaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa Maanta 16 November 2017 magaalada Garoowe ka daah-furtay Barnaamijka sahanka waxyeellada cudurka duumada sannadihii la soo dhaafay iyo tirada ilmaha ka yar shanta sano ee laga tallaalay cudurka. Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiinta wasaaaradda Caafimaadka Puntland,shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha UNICEF IYO WHO oo wasaaradda la shaqeeya. Barnaamijkaan oo lagu sahaminayo natiijadii ka soo baxday waxqabadkii shantii sano ee la soo dhaafay laga sameeyey cudurka Duumada iyo saamayntii uu ku yeeshay bulshada ,ayaa laga fulin doonaa dhammaan degaannada Puntland,waxaana fulinaya kooxo taba-baran oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland oo ay dhanka farsamada ka caawinayaan hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Mac-hadka Cilmi Baarista Caafimaadka Kenya ee Kenya Medical Research Institute. Madaxa Cudurka Duumada ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xassan oo warbixin ka jeediyey furitaanka Barnaamijkaan,ayaa sheegay in sahamintaan lagu ogaanayo xogta ku saabsan cudurka Duumada ee shantii sano ee tegay,si qiimayn loogu sameeyo wixii qabsoomay iyo meesha haatan la’ taaganyahay,si looga sii dhaqaaqo. “Waxaa sahan lagu samaynayaa waxqabadka shantii sano ee la soo dhaafay ee cudurka Duumada,haddii ay noqoto dadkii la daaweeyey, iyo haddii ay noqoto kuwii la siiyey tallaalka,si qiimayn loogu sameeyo wixii qabsoomay iyo meesha haatan la’ taaganyahay,si looga sii dhaqaaqo sidooo kale waxaa lagu ogaanayaa saamaynta uu ku yeeshay guud ahaan bulshada”,ayuu yiri Cabdikariim. 5 kooxood oo ka socda Wasaaradda ayaa fulin doona barnaamjikaan,kuwaasoo ay dhanka farsamada ka caawinayaan hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Mac-hadka Cilmi Baarista Caafimaadka Kenya ee Kenya Medical Research Institute,sida uu sheegay Madaxa Cudurka Duumada ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xassan. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan oo daah-furay barnaamijka ayaa sheegay in ujeedka sahankaan yahay sidii loo heli lahaa xog dhammaystiran oo ku saabsan heerka cudurka Duumada degaannada Puntland shantii sano ee la soo dhaafay iyo dadka laga tallaalay. “Waxay farxad weyn noo ah Maanta wasaaaradda Caafimaadka in dib u eegis lagu sameeyo laba shaqo oo shaqooyinka ugu waaweyn ee wasaarradu qabto ah,labadaas shaqo oo kala ah xogta laga hayo cudurka Duumada shantii sano ee la soo dhaafay iyo qaybta kale oo ah intee ilmo ayaa tallaalku gaaray,taasoo macnaheedu yahay in tiimamkaani labadaas shaqo soo qaban doonaan haddii Ilaahay idmo“,ayuu yiri Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan. Agaasimaha ayaa sidoo kale tilmaamay in barnaamijkaan yahay qorshe loogu talo galay Soomaaliya oo dhan si loo ogaado heerka cudurka Duumada iyo tallaalka laga sameeyey,islamarkaana Puntland tahay meeshii ugu horreysay ee laga bilaabay guud ahaan Soomaaliya. “Waa qorshe Soomaaliya oo dhan runtii loogu talo galay bal tallaal ka inta uu gaarsiisanyahay in la ogaado iyo heerka cudurka Duumadu ay Soomaaliya ka tahay in la ogaado.Puntland waa meeshii ugu horreysay ee laga qabanayo Soomaaliya”,ayuu yiri. Kooxaha Caafimaad ee sahamintaan fulin doona ayaa la siinayaa taba-bar ku saabsan hannaanka sahaminta,kaasoo ay qaadan doonaan muddo saddex maalmood ah oo laga bilaabo Sabtida soo socota,sida uu munaabadda ka sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan . Sahamnintaan oo la qabto shantii sanaba mar,ayaa loogu talo galay in lagu qiimeeyo barnaamijyada Caafimaadka ee uu taageero Sanduuqa Caafimaadka Global Fund,kuwaasoo kala ah(Malaria,HIV AIDS iyo TB),si qiimeyn loogu sameeyo wixii qabsoomay,islamarkaana mudnaan gaar ah loo siiyo meelaha u nugul cudurka. The post Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo daah-furtay Barnaamijka Sahanka heerka Cudurka Duumada shantii sano ee la soo dhaafay. appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (PP) ─ Kor-joogtadii Caalamiga ah ee dusha kala socota Doorashadii Isniintii ka dhacday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay in aysan arkin khaladaad waaweyn oo wax u dhimaya hanaanka ay doorashadu u dhacday. Balse waxay tilmaameen in ay jiraan “arrimo dareen leh”. Hadalkan ayaa imaanaya ayadoo la sugayo in lagu dhawaaqo natiijada kama dambaynta ah ee doorashada madaxtinimo. Kor-joogtada oo maanta Hargeysa ku qabtay shir jaraa’id waxay ka hadleen aragtida ay ka qabaan sida ay doorashada madaxtinimada ee Isniintii u qabsoontay. Kor-joogtada oo ay maalgeliso Briatian waxay ka kooban yihiin 60 xubnood oo ka kala socda 27, waxay sheegeen in ay jiraan arrimo ay welwel ka qabaan oo ay arkeen markii ay kormeerayeen doorashada. Arrimaha ay soo qadeen waxaa ka mid ah in hanaanka la raacay uu wanaagsanaa, balse in meelaha qaar uusan si wanaagsan u shaqeyn. Waxay soo hadal qaadeen in “dad aan qaangaar ahayn ay codeeyeen, goobaha codbixinta qaar oo aan la raacin nidaamkii codaynta, iyo xiritaanka baraha bulshada”. Michael Walls oo ah madaxa korjoogtada wuxuu yiri: “Waxaanu aragnay khaladaad ku saabsan hannaanka codbixinta iyo weliba tirinta, balse waxaan inoo cadaatay in khaladaadkaasi ay yaraayeen oo aanay saameyn ku yeelan karin hannaanka guud ee doorashada.” “Waxaan is tusnay in doorasho kaste oo caalamka ka dhacda aanay boqolkiiba boqol ahayn (mid hameystiran) sidaa awgeedna doorashadan ay leedahay waxyaabo badan oo la wanaajin karo”, ayuu hadalkiisa ku daray, Mr Walls. “Waxaan Somaliland ugu hambaleyneynaa doorashada ku qabsoontay sida ammaanka ah, waxaana shacabka ugu baaqaynaa in ay wadaan taageeridda nabada.” Korjoogtadu horey waxay uga gaabsadeen in ay ka hadlaan xiritaanka baraha bulshada oo hawada ka maqan tan iyo markii la soo gababeeyey codbixinta, hase yeeshee shirkii jaraa’id ee maanta ayey ku soo hadal qaadeen. “In la xiro baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa ah tallaabo adag, waxayna xadideysaa xorriyadda ay dadka u haystaan in ay aragtidooda cabiraan, taasoo ah wax ay ogol yihiin shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri madaxa korjoogtada. “Hadaba walaac ayaan ka qabnaa dhankaas. Balse arrinta kale ee jirto ayaa ah in aysan yeelan saameyntii looga gollahaa joojiyo baraha bulshadu kuwada xiriirto, taas oo ah in lagu yareeyo faafidda wararka aan xaqiiqada ahayn. Waxaanu aragnaa in hadallada kutiri-kuteenka ah ay weli socdaan.” ayuu hadalkiisa ku daray Walls oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta. Somaliland iyo dunidaba waxaa aad loo dhawrayaa natiijada doorashadii Isniintii ka dhacday Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, taas oo lagu tilmaamay inay tahay middii ugu xamaasadda badnayd ee ka dhacda Somaliland tan iyo marki ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, bishii May 1991. Waxaa isa soo taraya wararka la isla dhex marayo ee aan runta ahayn iyo xaflado guul lagu sheeganayo, kuwaas oo guddiga doorashooyinka uu horey uga digay. Madaxa korjoogtada doorashada Somaliland Michael Walls oo ka hadlay dib u dhaca natiijada ayaa sheegay in ay keeneyso “wararka beenta ah ee la faafinayo, haddii natiijada aan si degdeg ah loogu dhawaaqin. Dadka weli waxay ka dhursugayaan natiijada doorashada madaxtinimada Somaliland. Guddiga ayaa sheegay in qaar ka mid ah codadka lagu soo tiriyay gobollada lana gaarsiiyay hadda Hargeysa, Kuwana weli la sugayo. Waxaa la filayaa in natiijada rasmiga ah ee doorashadda madaxtinimada jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland lagu dhawaaqo maalmaha soo socda. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Waxyaabaha Kor-joogtada Caalamiga ah ay ka Saluugeen Doorashadii Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirwynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo. Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay hay’adaha amniga wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen, 1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye 2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada, 3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka 4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka 5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka 6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka 7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada 8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka 9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka Sidoo kale waxaa la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daauud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo horey u baxsaday ka dib dil uu u geystey marxuum Guled Abdulkadir Muse. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada. Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF). Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ahna shir wadatashi ah bacdamaa culumadu ay yihiin hormuudka bulshada. Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen. Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ayaa golaha uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka. Dood dheer ka dib, waxaa lagu ballamay in usbuucyada danbe la ansixiyo. Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee 2020ka. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirada DFS oo Looga hadlay Arimo Xasaasi ah appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland’s Opposition party has now announced that it has completely suspended the cooperation between the Wadani party and the Somaliland National Electoral Commission (NEC), for electoral frauds and other irregularities during the just ended November 13 presidential elections. The official who spoke on behalf of opposition pary has said that all the National Electoral Commission failed to address the concerns raised by Wadani party.Mr. Osman Afgab has said that he will take the matter to Wadani’s senior officials for further discussions and a decision will be taken later. He pointed an accusatory finger to NEC members for neglecting their gripes to be addressed. The opposition party has pulled out all its representatives at NEC’s offices in provinces and districts.