-
Content Count
213,156 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa daboolka ka qaaday in Wasaaradiisa ay la xisaabtami doonto dhammaan mas’uuliyiinta wata Hubka ee ka tirsan dowlada iyo kuwa Ganacsatada ah. Wasiir Ducaale oo la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay dib usoo nooleyneyso go’aankii ahaa inaan magaalada lagu dhex isticmaali karin wixii kabadan 4 qori. Wasiirka waxa uu sheegay inaysan mas’uul ka noqon dooni wixii ka dhasha fulinta go’aankaasi maadaama ay jiraan dad aan u nuguleyn awaamirta kasoo baxda Hay’adaha amaanka. Waxa uu tilmaamay in ilaalada la socta mas’uuliyiinta looga baahan yahay inay xirtaan darees lagu yaqaan oo aysan dhar walba iska xiran karin, haddii ay dhacdo in lagu arko dhar aan loogu tallo galin ay iyaga dusha saaran doonaan wixii caqabad ah. Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa ”wixii ka danbeeya 30ka bisha November lama arki karo mas’uul wata wixii ka badan afar qori iyo ciidamo aan wadan dareeska loogu talo galay”. Sidoo kale, Wasiirka amniga ayaa ka digay in Hoteelada magaalada Muqdisho lagu qabto shirar aysan kawarqabin dowlada Federaalka, gaar ahaan Wasaarada Amniga, waxa uuna ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabo lid ku ah Hoteelka uu ka dhaco shir aan lagu soo wargalin. ”Hoteelkii lagu qabto shir aan nalagu soo wargalin isaga ayaa dusha saaran doona mas’uuliyada wixii halkaa ka dhaca” Haddalka Wasiir Ducaale ayaa imaanaya xili madaxda DFS qudhooda ay kaalmaha hore kaga jiraan shaqsiyaadka burburiya awaamirta kasoo baxda isla dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah dowladda federalka Soomaaliya ugu wareejisay masuuliyadda 2,500 askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay xerada General Maxamed Dirir (Ex- 54-aad), ee magaalada Garowe. Munaasabad haatan ka socota xarunta xeradaas ayaa hadalkaan wareejinta ciidanka waxaa ku dhaawaqay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng. Camey. Waxaa goobta wasiir udowlaha gaashaandhiga dowladda federalka, taliyaha ciidamada difaaca Puntland, wasiirka amniga Puntland, saraakiil ka socota ciidanka milatariga Soomaaliya iyo guddiga difaaca ee barlamaanka. Ciidankaan ayaa si r asmi ah uga mid noqon Doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Qaybtiisa 54aad, waxaana tilaabadaan ay qeyb ka tahay Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Soomaaliya. Guddiga difaaca barlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay tilaabadaan waxayna ku tilmaameen Talaabo Wanaagsan oo lagu soo celinaayo Kalsoonida Shacabka.
-
Bosaso-[Puntland Post] Bam gacmeed ayaa lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Puntland oo marayay Waddo mashquul badan oo ku taala wadad Netko ee Magaalada Bosaso. Wararka Puntland Post uu helayo ayaa sheegaya in bam-gacmeedka lagu tuuray Askar sarneed gaariga Ciidamada , kuwaas oo marayay mid ka mid ah Waddooyinka ugu mashquulka badan ee Boosaaso. Waxa jira dhaawac inkasta oo anaa la hubin tirada ku dhaawacantay qaraxaasi waxaana isla markiba magaalada laga maqlay rasaas goos goos ah oo ay rideen Ciidamadii halkaasi ku sugnaa. Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano, isla markaana samaynaya hawlgalo. Qaraxa ayaa kuso beegmay xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya Ganacsatada iyo dawlada, walina uu hakad ku jiro maalintii 2-aad ganacsiga magaalada. Wxii soo kordha la soco Puntland Post insha allah Cabdiqani Boos Puntland Post The post Qarax Bam-gacmeed ah oo lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
-
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) on Wednesday congratulated Muse Bihi Abdi on his election as president of the breakaway republic of Somaliland after confirmation by Supreme Court on Tuesday. The UN mission said in a statement issued in Mogadishu commended the political and traditional leaders in Somaliland for resolving the elections-related disputes that emerged. “UNSOM urges the incoming administration to continue to advance inclusive politics and consolidate democracy, peace and stability among Somalilanders,” it said. Abdi, from the ruling Kulmiye party, garnered 350,909 votes or 55.1 percent of the total votes cast. Both international and domestic observers have indicated that the electoral process and the voting itself were conducted in a generally peaceful manner and yielded a credible outcome. UNSOM said it looked forward to building on the existing relationship with Somaliland based on the agreed roadmap for United Nations support to Somaliland and Somaliland’s Development Plan II. “UNSOM also stands ready to support the resumption of dialogue between Somalia and Somaliland,” it said. Source: – Xinhua
-
A Somali immigrant who wounded 11 people in a car and knife attack at Ohio State University a year ago was influenced by the ideology of militant group Islamic State, but had no outside help in planning the violence, the FBI said on Wednesday. Abdul Razak Ali Artan, 20, on Nov. 28, 2016, plowed into pedestrians with a car and then exited the vehicle to stab other victims, before a police officer at the campus shot him. Artan, who was born in Somalia and became a lawful permanent U.S. resident, was pronounced dead at the scene in Columbus, the state capital. Islamic State a day later claimed responsibility for Artan’s actions. The Federal Bureau of Investigation initially said Artan appeared to have been inspired by the group, but the agency at the time said it had found no evidence others were involved in planning the attack. After a year-long investigation, the FBI said on Wednesday it had confirmed its initial assessment. “The evidence from the extensive investigation indicates the perpetrator acted alone and was not directed by a terrorist organization,” the FBI statement said, adding that the agency’s investigation was complete. A spokesman for the FBI could not be reached for further comment. Ohio State officials marked the one-year anniversary of the attack on Tuesday with a solemn ceremony on campus. A university spokesman said on Wednesday the school had no immediate comment on the FBI’s statement. A Franklin County grand jury in Columbus ruled in May that no crime was committed when a police officer shot and killed Artan to end the attack. County prosecutor Ron O‘Brien said at the time that an investigation by local police also found Artan acted alone. Source Reuters
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa wada qorsho looga hortagaayo weerar uga imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab ee dhawaan gudaha u galay Kenya. Saraakiisha Hay’adaha amaanka oo la faray inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay geysan karaan maleeshiyaadka ayaa bilaabay inay isticmaalan maleeshiyaadka isku dhiibay iyo kuwa lagu qabtay howlgalada ee ku jira Xabsiyada Kenya. Maleeshiyaadkan baxsadka ka ah al-Shabaab ayaa laga howlgalin doonaa dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleystaan maleeshiyaadka iyadoo uu qorshuhu yahay inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay damacsan yihiin al-shabaabka. Afhayeenka Ciidamada Kenya ayaa sheegay in fashilinta weerarada al-Shabaab ay u adeegsan doonaan dagaalyahaanada iyaga ka tirsanaa oo aqoonta fiican u leh Shabaabka. Waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadkaasi ay sidoo kale ka howlgali doonaan goobaha laga cabsida qabo inay ka dhacaan weerarada sida Xarumaha dowlada, Bankiyada iyo Jaamacadaha. Xabsiyada Kenya ayaa waxaa ku jira maleeshiyaad aad u farabadan oo qaarkood isku dhiibay dowlada, halka qaarna lagu qabtay howlgalo kuwaa oo lagu raadin doono al-Shabaabka. Si kastaba ha ahaatee, magaalooyinka waaweyn ee Kenya ayaa waxaa ka jira cabsi wey oo sababtay in ciidamo hor leh lagu daadiyo waddooyinka qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qoraal ay soo saareen Africom ayaa lagu sheegay in weerarkii Mareykanka iyo ciidamada Soomaalida ay ka filyeen Bariibe August 25, 2017-kii ay ku waxyeeloobeen oo keliya koox hubeysan oo aanu rayid ku jirin. “Kadib markii aan qiimeyn guud ku sameynay howlgalkii ay hoggaaminayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka dhacay Bariire August 25, 2017-kii iyo sheegashada ah in rayid halkaasi ku dhinteen, Baaritaan ay sameysay U.S. Special Operations Command Africa (SOCAF) waxaa ka soo baxay in dadka halkaasi lagu dilay ahaayeen koox cadaw ah oo hubeysan” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka Dowladda Mareykanka waxaa uu ku doodaysaa in mar walba inta aaney weerar qaadin ogyihiin halka ay ku socdaan iyo waxyeellada rayidka soo gaari karta“Inta aan howl-gal la gelin ciidamada Soomaaliya, SOCAF waxaa qorsheysaa in waxyeelo soo gaari-karto dad rayid ah iyo in loo hoggaansamo xeerarka dowliga ah ee xilliyada dagaalka la xiriira, waaxda difaacana waxaa ay mar walba si baartaa eedeymaha la xiriira waxyeellada rayidka. Meydadka dadkii lagu dilay Bariire waxaa la aasay August 31, 2017, kadib markii dowladda federaalka ah ay bixisay magdhaw. Qaar ka mid ehlada dadkii la diley ayaa u sheegay Goobjoog News, in dolwadda Federaalka ay bixisay 100 kun oo doolarka Maraykanka ah, taasi oo lagu sheegay iney tahay duugta 10-kaasi qof. Sidoo kale dowladda ayaa la sheegay iney bixin doonto magdhowga 10-kaasi qof, waxaana ruux walbo ay magdhow ahaan uga bixin doontaa 70-kun oo doolarka Maraykanka ah. Dhinaca kale, ehlada dadkii la diley ayaa u sheegay Goobjoog News, in loo keenay gaari iyo hantikale oo ay lahaayeen beeraleydii la diley. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qayb galaya magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga waddamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas Mudane Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Marcel Amon Tanoh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas. Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray maagaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada ee maamulka. Hogaamiye Waare, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada uu kusoo xulay la tashi iyo raali ahaanshi dhanka Odayaasha qabaa’ilada iyo baarlamaanka isla markaana uu rajeynaayo inay heli doonaan xushmad wada shaqeeneyd. Magacaabida Wasiirada kadib ayaa waxaa ka hor imaaday qaar ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka maamulka oo sheegay in wado khaldan loo maray magacaabida. Xildhibaanada kasoo horjeestay magacaabida ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Cali Ciiley oo sheegay in Hogaamiyaha ay horey ugu heshiiyeen inuu koobi doono Golaha Wasiirada, kuna soo xuli doono qaab cadaalad ah, balse uu ka baxay heshiiska. Xildhibaanka waxa uu sheegay in Hogaamiye Waare uu jabiyay dhammaan qodobadii lagu heshiiyay, hase yeeshee ay taa keeni doonto dhibaato. ”Waxaan cadeyneynaa in magacaabida Wasiirada ay tahay mid ku timid si mala awaal ah oo aan loo marin wado sax ah” ”Waxaa lagu dhisay keliya maskaxda Waare taasi maamulka uma noqon doonto wado lagu hago nidaamka u jideysan maamul dhisan” Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 57 xubnood. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgal ballaaran waxay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan. Ciidamadan oo ka ambabaxay magaalada B/weyne ayaa howlgalkaan waxay ka sameeyeen deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka B/weyne iyo Matabaan, halkaasi oo maalmahan dambe lagu arkayey sida la sheegay rag kamid ah Al-shabaab. Gaashaanle dhexe Maxamuud Xasan Baakaay oo kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kamid ah saraakiisha horkacaysay holwgalladan ayaa sheegay in ulajeedkoodu ahaa sidii ay deegaannadaasi uga sifeyn lahaayeen Al-shabaab. Wuxuu tilmaamay gaashaanlaha in dadka ku dhaqan deegaannadaasi ay sheegeen oo kaliya in Al-shabaab ay deegaannadan soo galeen, sidaasi darteedna ay iyaguna deegaanno badan howlgal ku mareen. Gaashaanlaha ayaa sheegay ineysan arag cid ka tirsan Al-shabaab, balse ay kusii socdaan deegaanno kale. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Al-shabaab. Goobjoog News Source
-
Macron Oo Sacuudiga U Gudbin-doona Magacyo Ururo Argigixiso
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu diyaarinayo liis ay ku qoranyihiin magacyada ururada xag-jirka ah ka dibna uu u gudbin doono boqortooyada Sacuudi Carabiya si loo joojiyo maal-gelintooda. Macron oo ka hadlayey kulanka Afrika iyo Yurub oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire ayaa sheegay inuu ku dadaali doono sidii loo heli lahaa balanqaadyadii ay qaadeen dowladaha Iran,Qatar iyo Turkiga oo ahaa in meesha laga saaro maal-galinta argigixisada. Macron ayaa lagu wadaa inuu si degdeg ah uu ku booqdo magaalada Dooxa ee dalka Qatar todobada bisha December halkaasi oo uu u tagi doono arrimo la xariiri xiriirka labada dal, galidda heshiisyo milatari iyo kuwo ganacsi. Faransiiska waxaa uu aamisan yahay in ay jiraan kooxo Sacuudiga taageero oo fadhigooda yahay magaalada Maka oo si toos ah ama si dadban u taageero kooxaha argigixisada. Goobjoog News Source -
Waxaa Abidjan ka socda shirka 5aad ee Madasha Iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, shirkan oo labo maalmood ah waxaa ka qeybgalaya madaxda 55 dal oo Afrikaan ah iyo 28 dal oo Yurub ah. Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub waxaa looga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qayb galaya magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga waddamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas Mudane Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Marcel Amon Tanoh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas. Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal.
-
Dear, the president elect, Muse Bihi Abdi, I would like to congratulate you on the great and historic victory you received from Somaliland presidential election held on 13th November, 2017. The citizens of this tinny country spoke to you by voting for you and your party and picked you up to be their next 5th president. After a long journey and months of campaigning, you have won the election with showing your tenacity and commitment to be the president of Somaliland. I have admired your abilities to rally different sectors of Somaliland’s people behind you and I pray you for Allah to make you the only president who focuses on the public interest instead of the personal ones. Apart from the promises you made during the election campaign which were too many, there are pressing domestic, regional and international issues that you have to deal with. However, your legacy starts from the day the citizens voted for you as a president. A political novice can be allowed to make mistakes. But any mistake from a veteran politician like you will be fatal. Therefore, you have to make it good on your first move by selecting experienced executive ministers who can quickly respond to the needs of the citizens through the services of the government institutions. We, the people of Somaliland, watched the first conferences and meetings that you have had with your party regional campaign managers, the party Diaspora supporters and the local election observers. What has made me interested to write this open letter to you is that you stated in taming the corruption and mal-administration that have paralyzed the state services for the past 7 years. The People are very much interested that you deal with domestic issues, the reform of the state institutions and strengthening Somaliland relationship with neighboring countries like Ethiopia, Djibouti and Somalia. On the domestic issues, the most urgent work waiting for you is to unite the people that have been fragmented by the election campaign. Truly-speaking, most of Somaliland people have been divided into groups after months of campaigning which made brothers, sisters, siblings, families and friends to be separated due to the negative, dishonest and awful words used by politicians during the campaign. In the meantime, some of the citizens endorsed your candidacy while others did not. But, despite their party affiliation, you are now the president for all. We expect you to reassure everyone that you are the President for all Somaliland and not of one segment of the community. This is really the time to cure those hurts and I encourage you to do this soon after you are sworn for the presidency because uniting your people can help your government perform well and carry out its plans, you may face strong opposition from the citizens. The Peace is the foundation on which Somaliland stands and sustaining that peace needs conciliatory leadership, inclusive government and a healthy democratic debate. Mr. president elect, the key social issues that you are required to deal with; are included by the reduction of the extreme poverty, inflation, reducing the high cost of energy, creation of the economic development in order to fight the extreme youth unemployment which is the current threat to the security of Somaliland. Health care, education and fight of corruption and other related issues could be the pressing matters that you are required to first set laws particularly those curbing to corruption and bad administration, or otherwise implementing the existing laws. We, the citizens will not judge you by the gaffes you made on the campaign trail, but we will judge you by the actions you take as a president. We will judge you by the kind of government you form, the political approach you adopt and the peaceful overtures you make to your political opponents. We will judge you by how hard you work towards delivering the promises you made during the election campaign. It is, therefore, up to you to decide whether you rise above local politics and see the bigger picture or immerse yourself deeper and deeper into the domestic issues. Remember Mr. President-elect what is built today can be easily destroyed but you have to keep leading your people towards nationhood which is based on the principles of good governance. At present, to reform the structural function of the state institutions is necessary for you and this is the main reason you have been elected as a president. Thank you for saying “ the law should be above” while you were talking your party election campaigners but I want to share with you that the state institutions are too much and have a problem on the small revenue collected for the government services. As a veteran politician, we expect you to bring a more accommodative political environment where citizens can freely debate their opinions without fear of political repression and physical incarceration, where people can enjoy equal rights, where freedom of speech, freedom of association and freedom of worship are respected as basic human rights and where the rule of law takes precedence over tribal allegiance. We, the citizens of Somaliland, urging you to reform the government institutions and form an executive council not more than 15 ministries with lean and professional skills who can lead the reform and changes you are expected to do. Employment and staffing must be based on qualifications and competence and leave the previous clan affiliation employment policy and the combat against corruption should be the first job you have to do. What your citizens are expecting you, is to empower the supreme audit institutions including, the Governance and Anti-Corruption Commission (GGACC), the offices of the Auditor and Attorney Generals to combat corruption in the country while also empowering the central bank and the office of the accountant general of the state because this is saving our people from falling into social fractured classes. What has made the matters worse was that your predecessor did not give a government political willing to all those institutions and hence, corruption has affected to all the public services. In the neighboring countries, there has been friendly and mutual relations, we have had with our neighbors based on peace and security. Mr. President Elect, you are required to improve on these good ties and take them to even higher levels. Ethiopia in particular has been a strong ally of Somaliland for a long a time. This is a strategic and mutually productive alliance for both countries; it is an alliance that has to be kept and handled with great care and diligence. In addition to that, Djibouti relations have to be improved since they have opened a liaison office in Somaliland. We, the people of Somaliland are expected you to protect the independence of their country by continue having productive talks with Somalia since the previous mediation talks brokered by Turkey ended in smoke. You should come up with another new design in the talks between Somaliland and Somalia and keep the sovereignty and Somaliland nationhood in the future. Your duty, Mr. President, is to keep our borders tight and our people safe from the intolerant ideologies ravaging in the night boring countries like Somalia. Congratulations Mr. President-elect and take the lead. Muse Jeeh Freelance writer Hargeisa, Somaliland
-
Washington DC (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Beast ee Mareykaka ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya in ciidamada Mareykanka ay xasuuq shacab ka gaysteen gudaha dalka Soomaaliya. Wargeyska ayaa baaritaan ku sameeyey dhacdadii 25-kii August ka dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose oo si ula kac ah loogu dilay 10 qof oo shacab ah, oo uu ku jiro canug yar. Wargeyska ayaa baaritaan ku sameeyey dhacdada, isaga oo wareystay saddex qof oo ka bad-baaday, taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalka gacanta ka gaystay iyo kan ciidamada Amisom ee Uganada. Wargeyska ayaa sidoo kale Muqdisho kula kulmay saraakiil ka tirsan sirdooka Soomaaliya, siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo xubno ka tirsan dowladda, oo codsaday inaan la magacaabin. Daily Beast ayaa qoray in dhammaan dadkii la hadlay ay magacyadooda u qariyeen ayaga oo ka cabsanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ay si ula kac ah rasaas ugu fureen dad shacab ah oo aan hubeysneyn, ay adeegsadeen warbixino sirdoon oo laga helay dad aan la isku haleyn karin oo gobolka ku sugan iyo saraakiisha dowladda federaalka. Kadib xasuuqii shacabka ayaa diblomaasiyiinta Mareykanka waxay dowladda Soomaaliya ku cadaadiyeen inay qariso natiijada baaritaan ay sameysay oo caddeysay xasuuqan. Halkan ka aqri warbixinta Daily Beast Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa sheegay in Sacuudiga ay abuurayaan xiisad aa jirin oo dalkiisa kala dhaxeysa, si ay ugu daboolaan fashilka haysta dalkaas. Wareysi uu siiyey taleefishinka qaranka ayuu Rouhani ku sheegay in xiriirka dalkiisa uu la leeyahay dalalka deriska sida Turkiga iyo Pakistan uu horumaray, marka laga reebo Sacuudiga. “Sacuudiga waxay raadinayaan xiisad ka dhex kacda ayaga iyo Iran, si ay u qariyaan guul darrooyinka ka haysta gobolka iyo dhibaatooyinka gudaha” ayuu yiri Rouhani, oo Sacuudiga ku eedeeyey xiriirka aadka u xun ee ka dhaxeeya labada dal. “Maanta waxaan xiriir wanaagsan la leenahay dalalka Turkey, Iraq, Afghanistan, Pakistan iyo Qatar, hase yeeshee waxaa dhibaato ay ayaga abuurayaan nagala dhaxeysaa Sacuudiga” ayuu sii raaciyey. “Sacuudiga waxay raadinayaan inay xaliyaan laba dhibaato oo aas aasi ah. Waxay ku guul darreysteen Qatar, waxay ku guul darreysteen Iraq, Syria iyo ugu dambeyn Lebanon” ayuu yiri. “Sababta labaad waa xaaladda gudaha Sacuudiga oo aad u kacsan iyo khilaafyo xooggan oo dhexdooda u dhaxeeya, sidaas darteed Iran ayay cadow ka dhiganayaan si ay u qariyaa guul darrooyikooda” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa lagu wadaa in dhawaan ay dalka Jabouti ka hirgaliso Saldhig Militeri oo laga ilaalin doono dhaqdhaqaaqyada Militery ee lidka ku ah dalka Sacuudiga. Saldhiga ayaa waxaa ka howlgali doona Militeriga Sacuudiga, waxaana sidoo kale laga ilaalin doonaa dalka Yemen oo ay ku sugan yihiin xulafada ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen. Dhismaha Saldhiga ayaa sidoo kale loola gol leeyahay in laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqa Saldhiga uu dhawaan Turkiga ka dhistay duleedka magaalada Muqdisho, kaa oo loo arko inuu caqabad ku yahay Sacuudiga iyo Imaaraadka. Cali Bahdon oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti ayaa sheegay in dowladiisa ay aad usoo dhaweyneyso heshiiska dhismaha Saldhiga Militery ee Sacuudiga ka dhisan doono Jabouti. Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti Cali Bahdon, ayaa sheegay in xiriirka Jabuuti iyo Sacuudiga uu yahay mid sii xoogeysan doona, isla markaana uusan ku koobnaan doonin kaliya iskaashiga milatari. Cali Bahdon, ayaa wargeyska Saudi Arabia ee Asharq al-Awsat, u sheegay in khubarada Sucuudigu horeba u yimaadeen Jabuuti si ay u qiimeeyaan iskaashiga milatari, haddana ay diyaar u yihiin xoojinta howlahooda Militeri. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha Saldhiga uu noqon doono mid irdaha u fura horumar iyo iskaashi hor leh, waxa uuna cadeeyay in Heshiiska ceynkaan ah uu horay u dhacay bishii April. Waxa uu yiri ”Haddii la dhiso saldhiga militari waxay noqon doontaa qayb ka mid ah iskaashiga milatari ee ka dhexeeya labada wadan, waxaana soo dhaweynaynaa arintaasi”. Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa muujineysa salbalaarsi ay wadaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo labadii sano ee ugu danbeysay dhisanaayay Saldhigyo Militery, xili uu Khilaaf kala dhexeeyo Qadar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii iyo dagaaladii, Soomaalidu waxay isku dayday bal inay soo dhisato dawlad u hagaajisa wixii ka burburay, dawladdii tan ka horreysay ee xasan shiikh uu madaweynaha ka ahaa waxaa la haray muran, danley iska dhexweyday kuraasta dawladda iyo gacamo shisheeye. Dawladda hadda dhisan ee uu Farmaajo hogaamiyo sidoo kale waxaa lugaha ku dhagan oo ay ka socon la’ dahay kooxo kala duwan. kooxahaas waxaa ka mid ah kuwa dhawaan sameysmay oo ku shiray Kismaayo ayna ku mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada. sida ay marar badan ka dhawaajiyeena waxay sheegeen inaysan Dawladda dhexe mucaarad ku ahayn ee ay la shaqeynayaan dawladda. Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in “wixii hindise sharciyeed ah intaan dawladdu u gudbin baarlamaanka ayaga lagala tashadaa”, taas oo micnaheedu yahay haddii aanan ku qanacsaneyn annaga (Madaxweynayaasha Maamulada) inaan loo gudbin karin baarlamaanka. Cajiib, haddaba waxaan jeclahay inaan dhibaatada meesha kujirta aan halkaan ku bayaamiyo, aana soo bandhigo halka ay wax ka halleysan yihiin. Sida ku cad dastuurka kumeelgaarka ah, hanaanka dhismaha dawladdu waa: 1) Gole Fulineed ( Madexweynaha/Reysalwasaaraha iyo Golihiisa wasiirada). 2) Gole sharci dajin ( Labada aqal ee barlamaanka). 3) Golaha Garsoorka ( oo aan weli la sameyn, allena og yahay xilliga la sameyn doono). Ma jirto meel uu kaga qoran yahay dastuurka golaha midowga madaxda maamul goboleedyada. Xagee wax ka qaldan yihiin: Golaha sharci dejintu waxay ka yimaadeen Gobolada dalka/Maamulada hadda jira (ama haddii si kale loo dhigo 4.5 oo ah qabiilada somaaliyeed qaabka ay wax ku qeybsadeen), waana wakiilada shacabka gobolda, wixii hindisaha ah oo maamuladu aysan ku qanacsaneyn ayagaa ka hadli kara, ayagaa matala, ayagaana dawladda kala xisaabtami kara wixii qaladaad ah ee jira. Waxaan mararka qaarkood is weydiiyaa madaxda maamuladu miyeysan ku qanacsaneyn wakiiladooda sharci dajinta, mise meesha wax kalaa jira. Waxaan aad ula yaabay madaxwene Dr. Abdiweli Gaas oo maalin dhaweyd ku doodaya waa in la joojiyaa hindise sharciyeedyo horyaal baarlamaanka dhexe, lana ilaaliyo heshiiskii ay la gaareen dawladda dhowaan, ayagana lasoo marsiiyaa sharciyadaasi. Madaxweyne Abdiweli maxamed cali intuusan siyaasada somaaliya kusoo biirin wuxuu ahaa aqoonyahan dagan dalka mareykanka waxna kadhiga jaamacad halkaa ku taal, waxaan oran karaa waa ninka ugu aqoon badan ragga madaxda maamulada somaliya hogaamiya xagga shuruucda caalamiga ah. Tusaaale ahaan dalka mareykanka oo uu daganaa wuu yaqaan in gobol walba uu udirsano Washington wakiillo matala shacabka halkaa ku nool, ansixiyana shuruucda dalka oo dhan. Guddoomiyayaasha Goboladu wax shaqo ah kuma laha shruucda dalka, waxaa u jooga wakiiladaas. Haddaba waxaan garan waayey waxa Dr. Abdiweli ku kallifay inuu u ololeeyo in baarlamaanka iyo dawladda dhexdeeda isbaaro la dhigto. addunyadaan aan ku noolnahay majiro waddan ku dhismi kara waxa la dhaho “xaal mastuur” oo ah in la garab maro wixii la qortay, xeer jajabna lagu dhaqmo. maalin walba muran taagan ma jiro waddan ku horumari kara. Haddaba Maxaa Xal ah: Aniga waxay ila tahay in arrintaan lagu xallin karo laba waddo midkood: A) In lakala diro golaha Baarlamaanka mar haddii ay raggii goboladooda maamulayey ay lasoo taagan yihiin annagaa shaqadoodii qabaneyna. waxaan ognahay ugu yaraan in midkiiba uu qaato 1000 dollar marka 275 X 1000 = 275,000 waa lacag badan hala siiyo lacagtaasi ciidamada furimaha dagaalka ku jira, wixii hindisa sharciyeed ahna waxaa wada ansixinaya dawladda dhexe iyo maamul goboleeydaya madaxdooda. Waxaan kulligeen ognahay in wax dakhli ah oo dawladda dhexe kasoo gala Gobolada uusan jirin, wakiillo (xubno baarlamaan) aan wax shaqo ah qabaneynin, lacag intaa le’egna ama ka badan ay ku baxayso waa khasaaro iyo lugooyo aan dhamaad lahayn. B) Ama In Madaxweynayaasha Goboladu ay ka daayaan dawladda dhexe lugaha ay ku dhagan yihiin kuna rabaan wax aan dhici karin inay marsiiyaan ( Ku Qabso oo ku qadi meyside oo kale). Marnaba labadaan gole ma wada shaqeyn karaan, waa in midkood meesha kabaxaa. halshaqo laba gole ma wada qaban karaan. Waxaan leeyahay ragga madaxweynayaasha gobolada ah ilaahay ka baqa, xusuusta inaad maalin uun dhimaneysaan oo la idin galin doono Qabri, aadna hortagi doontaan khaaliqii idin abuuray. Unaxa umaddaan islaamka ah ee dhibaato iyo colaad kasoo daashay, hana horseedina burbur sootaagan oo maalin walba dawladdii la dhisaba Isbaaro udhigta. Iimaan Allaa uurbuuxiyee ha idin deeqdo intaad haysataan. Waxaan leeyahay shacabka soomaaliyeed, ku cibra qaata waxyaabaha dunida ka dhacaya. Robert Mugabe markuu wax walba ku dayey shacabkiisa muddo dheer ugu danbeyntii waxay dhaheen enough is enough, xarig dheer ayeyna iskaga qabteen. Shacabka Turkigu waxay diideen in xukun milatery uu dib ugu soo noqdo, haddaba walaalayaal waxaa la joogaa xilligii ay shacabka soomaliyeed iska qaban lahaayeen Madax aan wax horumar ah u ogaleyn, Madax carruurtoodii dibadaha ay ku noolyihiin, madax aan wax jixinjix ah ka galeynin shacabka 85% aanan heysan quutul yoomkooda. Baraarug la’aanta shacabka iyo isku duubla’aantoodu waa tan keentay in raggii shalay badda somaaliya iibsaday ay maanta mashruuc cusub oo United Arab Emirate ay kasoo qaateen ula soo taagan yihiin meel walba. Waxaan maqaalkeyga kusoo gaba-gabeynayaa Murtidii Abwaankii Somaaliyeed ee Adan Shimbiraleys (Adan Somaali) : ” Tallaalkuu cadawgu Beeray Taageero Qabiil Ka Haysta Badaha kuwii Taxaabay Haddaan Tiir Lagu xireynin Berrina La Tooganeynin Tolla’ay Somaaliyeey”. Xusuusin : Abdiweli gaas waxaan ugu soo halqabsaday asagaa guddoomiye u ah Golahaan ee taladeydu dhamaantoon way kuseysaa. sidoo kale waan ogahay in tirada Barlamaanka iyo lacagaha ku baxaba ay ka badan yihiin intaan sheegay ee waxaan soo qaatay ugu yaraan meesha ugu hooseysa . Allow Sahal Amuuraha W/Q: Abdinasir Ali abdinasir71@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya caqabadaha ku hor gudboon dowlada Federaalka ah ee Somalia, tan iyo wixii ka danbeeyay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Caqabadaha ugu badan ee heysta dowlada Federaalka ayaa ah kuwo ku xeeran arrimo amni, inkastoo dowlada lagu eedeeyo inaysan culeyska saarin amaanka iyo xasiloonida. Dadka magaalada Muqdisho oo marti galiyay musiibadii ugu weyneyd abid ee ka dhacda dalka oo aan ula jeedno Qaraxii Zoobe ayaa dowlada ku dhaliilay inay ka jiifatay labo arrin oo kala ah: 1-Amniga oo aan lasiin ahmiyada koowaad, waxaana xusid mudan in dal aan amni laheyn uusan dal aheyn. 2-Garsoorka dalka oo ku sifoobay la jiifshaa banaan la joojiyaa banaan, waxaana xarumaha Garsoorka ka jira dhacdooyin aan maqalka u rooneyn. Amniga iyo Garsoorka oo ay wadamada horumaray ahmiyad gaara siiyaan ayaa waxaa Somalia laga geeyay halka ugu hooseysa, iyadoo kaalmaha koowaad ay ku jiraan Cadaaladaro iyo Xadgubyo lagu sameeyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Sidoo kale, dadka magaalada Muqdisho ayaa u gacan haatinaaya Amni iyo Garsoor, walow Dowlada Federaalka ah ee Somalia aysan u muuqan mid il gaara xiligaani ku eegeysa labadaasi qodob walow ay faragalin ku hayaan reer galbeedka. Si kastaba ha ahaatee, guusha dowlad hormarta ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid ku imaada kashaqeynta Amni iyo Garsoor caadil ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Garabka mucaaradka dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay hayaan cadeymo muujinaaya dhaqaale xoogan oo uu musuqay Madaxweynaha Erdogan Reccep Tayyip Erdogan. Hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn Turkiga oo arrinta musuqa kala hadlaayay taageerayaasha Xisbiga ayaa daboolka ka qaaday in lacagta uu musuqay Erdogan ay ku dhacday Akoono dibadda ah. Waxa uu Hogaamiyaha carab dhabay in baaritaano ay sameeyen ay ku xaqiijiyeen in Akoonada lagu shubay lacagta lala xiriiriyay madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan. Hogaamiyaha oo ka gaabsanaayay inuu dulmaro cadadka lacagtaasi ayaa sheegay in Xisbiga laga doonaayo inuu meel ku hubsado waxa uu ku sheegay musuqa lagu helay Erdogan. Sidoo kale, madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa dhankiisa wacad ku maray inuu xilka ka degayo haddii ay soo baxaan cadeymo muujinaya lacago uu si sharci darra ah u maareeyay. Erdogan, ayaa ku faanay inuu ka dhanyahay qiyaano Hanti Qaran, waxa uuna ku celcelshay inuu diyaar u yahay in xilka uu ka dego haddii lagu helo cadeyn. Si kastaba ha ahaatee, Erdogan ayaa Hogaamiyaha mucaaradka ugu baaqay inuu la imaado cadeymaha muujinaaya inuu ku kacay musuq-maasuq Hanti Qaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland’s Supreme Court yesterday upheld the preliminary results of the presidential election,originally released by the National Electoral Commission on 21 November. That decision confirms Mr Muse Bihi Abdi, leader of Kulmiye Party, as the president-elect. The international election observation mission (EOM) congratulates all Somalilanders, including Mr Bihi and the other candidates, on the conclusion of the electoral process. Says Dr Michael Walls, chief observer of the EOM: “We congratulate the new president, and are pleased that, after some post-poll tensions, political parties have followed legal channels in confirming the election result, which has now been accepted by all candidates. We applaud political leaders on all sides for their public statements stressing the importance of the gains made by Somaliland to date. Somalilanders have once again shown their strong commitment to peaceful electoral democracy and we look forward to a continuation of that process as we now look toward the much-delayed parliamentary elections, scheduled to be held in tandem with local council polls in 2019.” The EOM, which was funded by the British government and included 60 observers from 27 countries, observed the election at the invitation of the NEC. The mission, led by the Development Planning Unit (DPU) at University College London (UCL), and Somaliland Focus UK, observed 350 polling stations and tallying centres across Somaliland’s six regions on polling day. The EOM was able to report a largely peaceful and well-organised polling day in areas observed, albeit with some concerns. We noted at the time that irregularities observed were not of sufficient scale to have impacted the final result. Throughout the election period, Somalilanders demonstrated their support for the rule of law and constitutional process, voting peacefully and in significant numbers, and we applaud this ongoing commitment to peaceful participation in an impressively open electoral system. Notes to Editors 1. For further information or to arrange an interview with a member of the coordination team, please contact Conrad Heine (EOM media coordinator) on +44 (0)7870 642 852 or ieosomalilandmedia@gmail.com. Photographs are also available. 2. Somaliland declared unilateral independence from Somalia in 1991 following the collapse of Somalia’s government. It remains internationally 3. The mission is online at www.somalilandfocus.org.uk, @SomalilandFocus and facebook.com/EOMSomaliland2017.
-
The Qatar Development Fund (QDF) signed an agreement on Tuesday with the Somali Ministry of Planning to implement various development projects in Somalia at a cost of $200 million. QDF Director Khalifa Bin Jassem Al-Kuwari told a joint press conference in Mogadishu that the projects include the rehabilitation of government buildings and the construction of two roads linking the capital with the northern and southern regions. Education will also get a boost. Al-Kuwari explained that there will be a programme to empower young people and create jobs through professional and technical training initiatives in the capital and across Somalia’s states. He stressed that Qatar’s support package is a demonstration of its commitment to the Somali people and government. This, he hopes, will contribute to the achievement of Somalia’s goals and development plans. The Qatari delegation, headed by Al-Kuwari, arrived in Somalia on Tuesday morning and held meetings with Prime Minister Hassan Ali Khayre and members of his government. In response, Somali Planning Minister Jamal Mohammed Hassan pointed out that some projects have already been implemented, while others will begin soon. He expressed his confidence that the package of projects implemented by the State of Qatar in Somalia will contribute to economic recovery and bring great benefits to the Somali people. Middle East Monitor
-
Sudan suggested an initiative for settling the disagreements between Egypt and Ethiopia regarding their dispute about the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), by suggesting French consultancy firms BRL and Artlia conduct environmental studies on the impact of the dam, sources told Al-Masry Al-Youm on Tuesday. Sources reported that the head of the Sudanese technical team, Saif al-Din Hamad, is in tripartite talks saying that the initiative is based on the amount of River Nile water (55.5 billion cubic meters) that Egypt receives, and that the Ethiopian side has agreed to it in principle. Sources added that consulting firms could conduct studies on the amount of water which flows through the river, and the use of water by countries along which the river runs. Accordingly, they would then apply models for filling and storing the dam, which is governed by The Helsinki Rules on the Uses of the Waters of International Rivers and The 1997 United Nations Convention on the law of the Non-Navigational Uses of International Watercourses. What Khartoum raised is an ambiguous and incomprehensible issue, the source stated, adding that during the recent meetings in Cairo, Sudan and Ethiopia tried to disregard terms and reference for the implementation of impact studies. Also, the sources said, emptying the study of its content, through more than one baseline, is a fundamental source of the dispute. The sources added that the Sudanese initiative seeks to calculate the amount of water arriving to the High Dam in Egypt, in addition to the waters of the White Nile coming from the Ethiopian Highlands and the waters of Atbarah River. The baseline which they seek to measure is the quantity of water coming from the Ethiopian Highlands, and it should be measured at the point of al-Daim station – located over the Blue Nile River, on the border between Sudan and Ethiopia. The sources added that it is not Ethiopia’s right to measure the baseline according to Egypt’s 55.5 billion share of Nile water, which Sudan and Ethiopia are seeking, as part of this figure reaches Egypt from the Ethiopian Highlands and Ethiopia has no share of it. Egypt Independent
-
The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) congratulates Mr. Muse Bihi Abdi of the Peace, Unity and Development (KULMIYE) Party on his election as President of “Somaliland”, as confirmed by the “Somaliland” Supreme Court yesterday. Both international and domestic observers have indicated that the electoral process and the voting itself were conducted in a generally peaceful manner and yielded a credible outcome. UNSOM welcomes this, and commends the political and traditional leaders in “Somaliland” for resolving the elections-related disputes that emerged. UNSOM urges the incoming administration to continue to advance inclusive politics and consolidate democracy, peace and stability among Somalilanders. UNSOM looks forward to building on the existing relationship with Somaliland based on the agreed roadmap for United Nations support to “Somaliland” and Somaliland’s Development Plan II. UNSOM also stands ready to support the resumption of dialogue between Somalia and “Somaliland”. SOURCE:UNSOM
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooceedu uu yahay Drones ay duqeysay deegaanka Toorotoorow. Duqeynta oo dhacday galinkii danbe ee maanta ayaa lala eegtay Saldhig ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Toorotooroow. Duqeyntan oo laga maqlay deegaano ka tirsan Gobolka Shabelaha Hoose ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyntan loo geystay gawaari ay saarnaayen Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo xiligaa booqasho ku joogay Saldhiga. Al-shabaab oo ka baxay inta badan magaalooyinka waaweyn oo ay hore u haysteen ayaa waxaa ay weli ku sugan yihiin tuulooyin ku yaala deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose iyo degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Jubbada Dhexe. Dhinaca kale, duqeyntan ayaa ku soo beegmaysa xili ay dowlada Maraykanka kordhisay weerarada cirka ah ee ay ka fulinayaan gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com