Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,603
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa halis ku tilmaamay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Trump ee arrinta Qudus.

    Qoraal uu Jawaari ka hor akhriyay golaha shacabka, waxaa uu soo qaatay qaraarada uu derbiga ku dhuftay Trump ee ka soo baxay golaha ammaanka.

    Qoraalka waxaa uu qornaa sidan:

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxuu 6 Desember 2017 magaalada Qudus u aqoonsaday magaalo madaxda Israa’iil, go’aankiisaas oo qalaamorogay go’aanadii wadar ogolka caalamku isku raacay oo muddo konton sano  soo jiry 1967-2017. Magaalada Jerusalem, kala barked waxaa xoog hubeysan ku qabsatay Israa’iil dagaalkii 1967.

    Sanadkii 1980 Israa’iil waxay ansixsatay sharci ay ku caadeysay  in magaaladaas ay gebi ahaanteed ka mid tahay dalkeeda taas oo xadgudub toos ah ku ah qawaaniinta caalamiga ah . haseyeeshee shacbiga Falastiin waxay aaminsan yihiin Bariga magaalada Jerusalem in tahay magaalo madaxda dowladooda tan iyo 1967 qaraaro fara badan oo uu u abaaran xallinta iyo badbaadinta xaaladaha murugsan ee magaalada ay QM iyo hay’adaheedaba ka soo saareen .

    Qaraarada Golaha Ammaanka QM:

    1. Qaar Lr .242: 22 November Resolution 1967 Golaha ammanku  wuxuu  qaraarkan wadar oggol ku go’aamiyey in Israa’iil ciidamadeeda Qalabka sida kala baxdo dhulka Falastiin ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967.
    2. Qaraar Lr. 250 Abriil 1968, wuxuu Golaha ammaanka ku go’aamiyey in Israa’iil aanay dhoollatus ku qaban magaalada Jerusalem,
    3. Qaraar Lr: 2 Maajo 1968 golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dhoolatuska ay ku qabatay magaalada Jerusalem, taas oo ay ku xadgudubtay qaraarka golaha ammaanka.
    4. Qaraar Lr. 252: Maajo 1968 goluhu wuxuu Israa’iil ka codsaday in ay joojiso hawlgallada ay ka wado Jerusalem,, wuxuu kaloo Goluhu cambaareeyay kana soo horjeedaa dhulka kasta oo ay xoog hubeysan iyo gadgudub ku beeleysato, Goluhu  wuxuu Israa’iil faray in ay ka joogsato oo aanay qaadin taallabo dambe oo wax ka bedel kara maqaamka magaalada.
    5. Qaraar Lr. 267: Luulyo 1969,  wuxuu Goluhu dib u ayiday qaraarka Lr 252, wuxuuna ku adkeystay in aan marna la oggolaan Karin in la yeesho dhul  lagu qabsaday xoog milatari.
    6. Qaraar Lr 271 : Seteember 1969, golaha wuxuu Israa’iil ku cambaareeyay dabkii qabsaday masjidka aqsa as-shariifka khasaarooyinka geystay , dhismahaas oo ay israa’iil xoog ku haysato . waxaa la faray in israa’iil ay ilaaliso axkaamta ku xusan cahdigii Geneva oo aysan horistaagin gacan ku haynta iyo hawlahood dayacatiridda.  golaha sare ee muslimiinta Jerusalem, oo qorshooyinka hawlahooda ka mid yihiin gacan ku haynta iyo dayactiridda dhismooyinka  muqaddaska u ah magaalada ku yaal.
    7. Qaraar Lr. 298: Semtember 1971, wuxuu si cad oo aan caad saaraneyn u qeexay in uu sharcidarro yahay wax ka badelka milkiilayadeed kasta oo ay ku sameeyso Jerusalem, oo ka mid yihiin dhulka boob lagu milkiyad guuristo.
    8. Qaraar Lr 465 maarso 1980, wuxuu goluhu faray Israa’iil inay joojiso qorshah ay ku wado dhismooyinka beeleysiga ah ay ku degaameyneyso dhulkii ay xoogga ku qabsatay dagaalkii 1967 oo magaalada Jerusalem, ka mid tahay, goluhu wuxuu kaloo ka codsaday in ay dhismooyinka ay deegaamadaas ka dhistayna ka dudumiso.
    9. Qaraar Lr 30 juun 1980, Golaha ammaanka QM wuxuu dib u ayiday in loo baahanyahay in waxa laga qabto joojinta beeleysiga dheeraaday oo ay Israa’iil xoogga ku haysato dhululka carabta tan iyo 1967 wuxuuna goluhu dib ugu adkaysatay fal kasta oo wax ka bedel milkiyadeeda lagu sameeyay magaalada Juresalem waa wax kama –jiraan waana in dib loogu noqdaa.
    10. Qaraar Lr478: Agoosto 1980, Golaha Amniga wuxuu si adag u cambaareeyay sharciga Israa’iil anisixisatay kaas oo wax ka bedel ku sameeyay maqaamka Jerusalem. Qaraarka wuxuu dhammaan dowladaha Safaarado ama xarumo  diblomaasi ku leh Juresalem uu ugu baaqay in ay safaaradahooda kala baxaan magaaladaas.
    11. Qaraar 672 : October 1990, Goluhu wuxuu cod dheer u sheegay dareenkiisa ku saabsan adeegisga cunfiga ah gacan ka hadalka ee sababay in ay ku geeriyoodaan in ka badan 20 qof oo falastiiniyiin ah. Qaraarka waxaa kaloo lagu cambaareeyay falal dambiyeedka cunfiga ah ee ay ku kacaan ciidamada amniga israa’iil wuxuuna Israa’iil ku tilmaamay in ay tahay mid dhulka xoog sharcidarro ah ku haysato.
    12. Qaraar Lr 1073 Semtember 1996, golahu wuxuu welwel ka muujiyey arrimaha la xiira israa’iil oo furtay xaluulad dhulka hoostiisa ah ee u dhow masjidul Aqsa oo dad badan oo rayid ah ku dhinteen, wuxuuna ku baaqay in la xaqiijiyo ilaalinta amniga badbaadinta muwaadiniinta falastiiniga ah rayidk ah.
    13. Qaraar Lr 1322 7 October 2000, wuxuu si xoog le u cambaareeyay booqashada hoggaaamiyaha mucaaradka Ariel Sharon ku tagay masjidul Aqsa iyo qalalaasihii cunfiga wehliyey ee halkaas iyo meelo kaloo muqaddas ah ka dhacay sababayna dhimasho in ka badan 80 qof oo falastiini ah.
    14. Qaraar Lr2334: December 2006, wuxuu goluhu cambaareeyay dhismooyinka beeleedka israa’iil ku deegaameysaneyso dhulalkii ay xoogga ku qabsatay 1967 oo ay bariga Jerusalem ka lid tahay. Golaha amniga QM waxay hoosta ka xariiqday in aysan aqoonsanayn wax ka bedel kastoo lagu sameeyo jiidamihii sooh-dimadii hore oo jiray dagaalkii 1967 ka hor, wuxuuna si cad u sheegay in joojinta dhammaan hawlgalka Israa’iil ka waddo dhismooyinka deegaameysiga waxay dan lagama maarmaan u tahay badbaadinta jirsiinta xalka dhismaha dowladdooda.
    15. Qaramada 1397: Maarso Goluhu wuxuu Hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israa’iil ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan geedisocodka nabadda iyo kuwada xaajoodka u abbaaran xal raadin siyaasadeed

    Goobjoog News

     

     

    Source


  2. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare oo Xoogga dalka ah,ayaa Maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

    taliyaha iyo Wefdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere),hoggaanka ciidamada Daraawiishta iyo saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee degaannada puntland.
    Labada taliye ayaa si wadjir ah saxaafadda ula hadlay,waxaana hadalka ku hormaray gen.Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere) oo sheegay in Puntland tahay halka ugu ballaaran Soomaaliya”oo nabadda iyo xasiloonida iyo is-difaaca nafsiga ah ka jiro“,taasoo ay ku gaartay”isku-tashi iyadu leedahay Ilaahay ka sokoow”,sida uu hadalka u dhigay.

    Siciid Dheere ayaa tilmaamay in uu maqsuud ka yahay imaanshaha taliye Gorod,islamarkaaana ay si gaar ah ugu qiimeyn donaan taarikhda in uu markii la magacaabay durbadiiba Puntland soo booqday.

    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey,wuxuuna sheegay in isaga iyo wefdigiisu Puntlnad u yimaadeen sidii ay ula kulmi lahaayeen ciidan gaaraya 2400 askari oo dhowaan Puntland ku wareejisay dowladda Soomaaliya,kana mid noqday Ciidanka Xoogga dalka.

    Taliye Gorod sidoo kale sheegay in uu la kulmi doono madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,islamarkaana uga sii gudbayo dhinaca gobolka Mudug ee colaaddu ka jirto.

    Dhimaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabullaahi Xaaji Cumar(Cameey) oo saaka hadal u jeediyey ciidankii dhowaan lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya ee ku sugan xerada 54 aad ee duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe,ayaa u sheegay in ay yihiin ciidan qaran oo Soomaali oo dhan u dhexeeya,sidaasi darteedna ay mas’uuliyad ballaaran iska saaraan difaaca dalkooda hooyo.

    Xerada 54 aad ee ciidankaan ku jiraan aya waxaa saaka booqday saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay,kuwaasoo kulan halkaasi kula qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo saraakiisha ciidanka.

    Talaadada berri ah ayaa la filayaa in uu xeradaas booqdaan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) iyo wefdigiisa,iyagoo soo kormeeri doona ciidanka.

    Halkaan ka daawo Muuqaalka.

    Sawirro.

    IMG_0553.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0554.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0555.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0556.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0557.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0567.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0568.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0569.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0570.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0572.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0558.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0559.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0560.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0561.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0562.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0563.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0564.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0573.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0574.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0575.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0576.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0577.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0578.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0579.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0580.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0581.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0582.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0583.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0584.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0585.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0586.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0587.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0588.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0589.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0590.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0591.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0593.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0594.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0595.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0596.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0597.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0598.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0599.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0601.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0602.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0603.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0604.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0605.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0607.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0608.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0609.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0610.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0611.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0612.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0613.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0412-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0413.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0417.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0418-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0419.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0420-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0421-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0422-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0423.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0424-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0425-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0426-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0427-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0428-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0429-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0430-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0431-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0432-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0433-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0434-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0435-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0436-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0440-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0441-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0442-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0443-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0444-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0445-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0446-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0447-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0448-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0449-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0450-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0451-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0452-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0453-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0454.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0455-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0456-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0457-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0458-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0459-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0460-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0461-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0462-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0463.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0464-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0465.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0466-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0467-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0468-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0469-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0470-1.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0471.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0472.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0473.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0474.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0475.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0476.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0477.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0478.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0479.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0480.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0481.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0482.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0483.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0484.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0485.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0486.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0487.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0488.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0489.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0490.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0491.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0492.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0493.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0494.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0495.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0497.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0498.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0499.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0504.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0505.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0508.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0516.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0517.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0518.jpg?resize=600%2C400

     

    IMG_0520.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0521.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0522.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0523.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0524.jpg?resize=600%2C400

     

     

    IMG_0527.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0538.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0513.jpg?resize=600%2C400

    IMG_0514.jpg?resize=600%2C400

    PUNTLAND POST

    The post Daawo:Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo Maanta Garoowe soo gaaray. appeared first on Puntland Post.


  3. New York (Caasimadda Online) – Qarax ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka gaar ahaan Busteejada laga raaco Basadka.

    Ciidama Booliska ayaa xaqijiyey in qaraxaas loo qabtay hal qof kaasoo ah nin u dhashay dalka Bangladeshi, waxaana da’idiisa lagu sheegay inay tahay 27 sano jir.

    Qaraxaas ayaa la sheegay inay fulisay Kooxda ISIS waxaana waxyaabaha qaraxa lagu arkay Calaamad muujineyso magacooda, waxayna Booliska sheegeen inuu yahay Qarax Argagixiso.

    Waxaa la sheegay inay Qaraxaas ku dhaawacmeyn ilaa 4 qof oo uu ku jiro ninka laga shakinsan yahay, waxaana la xaqiijiyey dhammaan inay dhaawacyada yihiin kuwa aan cusleyn.

    Qaraxaan ayaa kusoo aadayo afar berri ka dib go’aankii kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda dalka Israa’iil.

    Ugu dambeyntii Dalka Bangladesh ayaa wuxuu kamid yahay wadamadii ay ka dhaceyn banaanbaxyadii ugu weynaa ee looga soo horjeeday go’aanka Trump, waxaana macquul ah inuu qaraxaan jawaab u yahay go’aankaas.

    471C12B200000578-5167613-image-a-32_15134737721000000578-5167317-An_armored_poli473747EF00000578-5167317-The_Port_Author47375E1100000578-5167317-Commuters_were_4737467400000578-5167317-Police_have_tak4737482700000578-5167317-An_explosion_wa4737650A00000578-5167317-An_ambulance_ne473765A000000578-5167317-Armed_NYPD_offi4737822700000578-5167317-An_area_of_seve4737839F00000578-5167317-An_NYPD_van_par4737578F00000578-5167441-image-a-31_1512473763EA00000578-5167317-An_NYPD_police_4737643A00000578-0-image-a-1_15129998638473782F300000578-5167317-Port_Authority_4737238800000578-5167317-There_are_repor4737A56000000578-5167317-image-a-76_1513

     

    The post Sawiro: Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.


  4. Magaalada Garoowe   waxaa ka socda olole lagu ciribtirayo qashinka xaafadaha Garoowe  oo ay samaynayso dowladda hoose ee Garoowe oo kaashanaysa xaafadaha iyo dhalinta yarada Magaalada.

    Ololahaan ayaa waxaa hormuud ka ah Masuuliyiinta dowladda Hoose ee Garoowe iyo xildhibaanada golaha deegaanka waxaana qashinka laga Nadiifinayaa dhamaan xaafadaha magaalada Garoowe.

    Xoghayaha Dowladda Hoose ee Garoowe Maxamuud Cali Gurey iyo Duqa degmada Xasan Maxamed Ciise goodir ayaa shacabka kala qaybqaatay ololahaan Nadaafadeed iyagoo gacantoo wax uga guray.

    Xoghayaha Dowladda Hoose Maxamuud Cali Gurey ayaa sheegay in hal ku dhiga dowladda hoose uu yahay Caasimad Nadiif ah oo lamid ah caasimadaha aduunka.

    Xoghaya Waxaa uu fariin u diray shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee Magaalada Garoowe waxaana uu ka codsaday inay ka qaybqaataan ololahaan Nadaafadeed ee lagu ciribtirayo qashinka.

    Halkaan ka daawo Sawirradda.

    IMG_6146.jpg?resize=640%2C480IMG_6149.jpg?resize=640%2C480IMG_6151.jpg?resize=640%2C480IMG_6153.jpg?resize=640%2C480IMG_6158.jpg?resize=640%2C480IMG_6168.jpg?resize=640%2C480IMG_6169.jpg?resize=640%2C480IMG_6172.jpg?resize=640%2C480IMG_6173.jpg?resize=640%2C480IMG_6182.jpg?resize=640%2C480IMG_6184.jpg?resize=640%2C480IMG_6186.jpg?resize=640%2C480IMG_6194.jpg?resize=640%2C480IMG_6202.jpg?resize=640%2C480IMG_6208.jpg?resize=640%2C480IMG_6209.jpg?resize=640%2C480IMG_6219.jpg?resize=640%2C480IMG_6221.jpg?resize=640%2C480IMG_6223.jpg?resize=640%2C480IMG_6227.jpg?resize=640%2C480IMG_6229.jpg?resize=640%2C480IMG_6234.jpg?resize=640%2C480IMG_6235.jpg?resize=640%2C480IMG_6237.jpg?resize=640%2C480IMG_6238.jpg?resize=640%2C480IMG_6243.jpg?resize=640%2C480IMG_6244.jpg?resize=640%2C480IMG_6249.jpg?resize=640%2C480IMG_6251.jpg?resize=640%2C480

    IMG_6173.jpg?resize=640%2C480IMG_6172.jpg?resize=640%2C480IMG_6169.jpg?resize=640%2C480IMG_6168.jpg?resize=640%2C480IMG_6182.jpg?resize=640%2C480IMG_6158.jpg?resize=640%2C480IMG_6153.jpg?resize=640%2C480IMG_6151.jpg?resize=640%2C480

    The post Olole lagu ciribtirayo qashinka oo ka socda Garoowe+Sawirro. appeared first on Puntland Post.


  5. Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed isla markaasna horey uga tirsanaa Madaxdii Midowgii Maxamakadaha Islaamiga ee mar la wareegay gacan ku heynta Soomaaliya ayaa ka hadlay xalaadda dalka Soomaaliya iyo halka ay mareyso siyaasadda.

    Sheekha oo wareysi siiyey Radio Dalsan waxa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Amniga, Dhaqaalaha, Musuq maasuqa iyo Go’aankii  Mareykanka ee Trump uu Magaalada Barakeysan ee Quddus ugu aqoonsaday Caasiimadda Yuhuuda.

    Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa ku sheegay inay yihiin kuwa ku shaqeeyo fikradaha dowladda Itoobiya, wuxuuna hadalkaan sheegay mar uu ka hadlayey xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

    Wuxuu sheegay in Waddooyinka Muqdisho ay ka jiraan dhibatooyin badan oo ka dhashay Ciidamada joogo Kontaroolada Magaalada, wuxuuna tilmaamay in baaritaanadaas lagu qabo dhibaato badan, wuxuuna si gaar ah usoo hadal qaaday dhibaatada ay shacabka ku qabaan marka la xiro jidadka Muqdisho.

    Ugu dambeyntii Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa codsaday in lasii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Xabsi Guri ku jira tan iyo Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo dhawr jeer diiday inuu wax ka badalo fikradiisa iyo waxa uu ka aamisan yahay dowladda Soomaaliya.

    Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Sheekha

    https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/CODKA-XAAJI-ABUKAR-CUMAR-CADAAN-sax-ah.mp3

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com

    The post Abuukar Cumar Cadaan “Maamul Goboleedyada Itoobiya ayey u shaqeeyaan Dowladdana waa inay Xasan Daahir Aweys…. appeared first on Caasimada Online.


  6. jawaari-1132x670.jpg?resize=821%2C486Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay Tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Trump ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda israa’iil.

    Hadal uu Jawaari ka jeediyay kulan ay maanta Xildhibaannadu ku yeesheen  Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta Caalamka ku nool aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Magaalada Qudus.

    “Somalia iyo Muslimiinta marna gorgortan kama geli doonaan lahaanshaha magaalada barakeysan ee Qudus. Waayo magaaladan waa magaalo ku taalla dhulka Falastiin, waana magaalo ay leeyihiin Muslimiinta oo dhan – mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus,” ayuu yiri Jawaari.

    Sidoo kale, Wuxuu hadalkiisa ku daray in Qudus ay soo martay waayihii ugu adkaa, isagoo xusay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay aheyd mid aad u khaldan, dhib kasta oo ka dhashana ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan.

    Guddoomiye Jawaari ayaa Guddiga Arrimaha Dibadda ee baarlamanka faray inay qaraar kasoo diyaariyaan arrinta Qudus, markaas kaddibna qaraarka la horkeeno Baarlamaanka, si ay aragti uga qaataan.

    Dhanka kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in sumacada Mareykanka ay hoos u dhacday, isagoo ugu baaqay Trump inuu ka laabto go’aankiisan oo uu ku sheegay mid aan macquul ahayn oo xaqiiqada ka fog.

    Ugu dabmeyn, Muslimiinta iyo waddamo ka tirsan caalamka ayaa Tallaabada Trump uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimada Israa’iil si kulul uga soo horjeestay, waxaana go’aankan ka dhashay dibadbaxyo waaweyn.

    PUNTLAND POST

    The post JAWAARI: Soomaaliya iyo Muslimiintu Gor-gortan kama galayaan Lahaanshaha Qudus appeared first on Puntland Post.


  7.  Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ayaa maanta ka hadashay qorshaha iyo sida ay u aragto doorashada 2021-ka.

    Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) , waxaa ay ugu horeyn ka hadashay in qorashaha uu yahay mid talaabo talaabo loo qaadayo“Micnaheeda waxaa ay tahay maanta wixii ka dambeeya doorasho haddii aan ku shaqeneyno,  waxaa saldhig noo ah qorshahaasi aan degsanay oo aan tallaabo tallaabo ugu shaqeneyno, muhiim waxaa ay u tahay umadda Soomaaliyeed, si gaar ayey muhiim ugu tahay xisbiyada oo la rabo in ay tilaabo, tilaabo ula socdaan, waa wax la imtixaami karo oo la dhihi meeshan waa qaladeen, waxaan ma aadan qaban, waa midda aan rabno in dowladda commitment aan ka helno oo qorshaha ka qeyb-qaadato, waxaa nala fadhiyo wasiirka qorsheynta, hade qorshe isagaa mas’uul ka ah, qorshihii inagana waan soo diyaarinay, gobolka Banaadir sidii aan ula shaqeyn laheyn iyadana waa muhiim”.

    Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ,  waxaa ay soo jeedisay in ahmiyadda la siiyo xarun ay ku shaqeeyaan“Howlo badan dowladda waa ka saaran tahay mas’uul oo ay ugu horeyso xaruntii aan ku shaqeyn laheyn, ama anaga aan isku tashano, oo aan ka helno dowladeena ama gacan ha weydiistaano dowladaha”.

    Dhinaca kale waxaa ay  Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey ka hadashay wada tashi ay la sameyn-doonaan dadweynaha Soomaaliyeed“Waxaan idiin sheegaa go’aankii maalin dhaweyd ka soo baxay dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada in guddiga doorashada uu soo sameeyo wada tashi, oo wax alaale dhibaatooyinka ka jira doorashooyinka ama ka hor imaankaro iyo sida looga gudbi karo in dadweynaha meel kasta oo ay joogaan kala soo tashano, waxaa aadi-doonaa gobollada, dowlad goboleed kasta waxaan tagi-doonaa 4 degmo oo aad u waaweyn, oo dadkooda wada tashi la soo sameyn-doono, waxaa ugu horeyn-doono gobolka Banaadir, waxaan wada tashi kala sameyn-doonaa doorasho hal qof iyo hal cod ah, guddoomiyaha gobolka waa nala fadhiyaa, siyaasiyiinta waa nala fadhiyaan, dowladana waa naga dambeysaa, inteenaas ayaa la rabaa in aan xal u helno doorashada, ”

    Ugu dambeyntii, waxaa ay Xaliimo Yarey soo jeedisay in cid walba kaalinteeda ka qaadato sidii Soomaaliya doorashada uga dhici laheyd 2021-ka “Waxaan rabnaa 2018-ka in maalin aaney naga lumin, dowladda oo aan ka sugeyno taageero dhaqaale, hey’adaha caalamiga ah oo aan ka sugeyno kaalmaga dhaqaale in aaney maalin ka lumin, xisbiyada iyo siyaasiyiinta in ay isku soo diyaariyaan sidii doorashadaasi uga qeyb-gali lahaayeen, haddii aysan iyaga isa soo diyaarin doorashada ma jireyso iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan”.

    Goobjoog News

    Source


  8. Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa goordhaweyd ka dhacay isku Aadka Wareega 16-ka tartanka kooxaha horyaalada QaaradaYurub ee UEFA Champions League-ga.

    Kooxda difaacanaysa tartankan ee Real Madrid ayaa wajihi doonta kooxda lacagta badan lagu kharash gareeyay ee Paris Saint-Germain, halka Kooxda Chelsea ay markeedii Lixaad wareega16-ka ee tartankan la ciyaari doonto kooxda Barcelona.

    Sidoo kooxda Juventust ayaa wajihi doonta kooxda reer Egland Tottenham, Manchester United ay iyana wajihi doonto kooxda reer Spain ee Sevilla.

    Isku Aadka Wareega 16-ka ee tartanka Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League ayaa la Ciyaari doonaa 13-ka ilaa iyo 14-ka bisha February 2018-ka.

    Hoos ka akhriso isku Aadka Wareega 16- ee UEFA Champions League-ga oo dhameystiran.

    Juventus iyo Tottenham

    Basel iyo Manchester City

    Porto iyo Liverpool

    Sevilla iyo Manchester United

    Real Madrid iyo Paris Saint-Germain

    Skahtar Donestk iyo AS Roma

    Chelsea iyo Barcelona

    Bayern Munich iyo Besiktas

    9.jpg?resize=600%2C399Champions-L.png?resize=602%2C753

    1-12.jpg?resize=600%2C6002-10.jpg?resize=600%2C6003-8.jpg?resize=600%2C6004-7.jpg?resize=600%2C6005-6.jpg?resize=600%2C6006-2.jpg?resize=600%2C6007.jpg?resize=600%2C6008.jpg?resize=600%2C600

    PUNTLAND POST

    The post Isku Aadka Wareega 16-ka ee Champions League-ga oo la sameeyay appeared first on Puntland Post.


  9. erdoganjpg-thumb-large.jpg?resize=877%2CQudus (PP) ─ Ra’iisul wasaraaha Israa’iil ayaa sheegay in ay waajib tahay in Falastiiniyiintu “ay u daadagaan” xaqiiqada ah in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil si loogu dhaqaaqo dhanka geeddi socodka nabadda.

    Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale.

    Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

    Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii.

    Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco.

    Isaga oo ka hadlaya magaalada Paris oo uu ku weheliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu Netanyahu sheegay in ay “arrin fool xun” tahay in la diido isla xiriirinta dadka Yuhuudda ah iyo magaalada Qudus.

    “Waxaad ka akhrin kartaa kitaabka wanaagsan – ee Baybolka la dhoho,” ayuu yiri “waxaad ka akhrin kartaa Baybolka ka dib. Waxaadna ka heli kartaa taariikhda dadka Yuhuudda ah ee qurbajoogta ah, waa tuma meesha aan Qudus ahayn ee Israa’iil caasimadda u ahayd?

    “Sida ugu dhakhso badan ee Falastiiniyiintu xaqiiqada ugu soo dhawaan karaan ayaa ah sida ugu dhakhsoha badan ee aan dhanka nabadda ugu dhaqaaqi karno”. ayuu intaas ku daray.

    Dhanka kalana afhayeen u hadlay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa si wayn u dhaliilay maamulka Falastiiniyiinta, isaga oo sheegay “in ay nasiib darro tahay” in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas uu diido in uu la kulmo Pence, marka uu dhawaan booqasho ku tago gobolka.

    Masarna, masuuliyiinta ugu sarreeya diinta Muslimka iyo midda Masiixiyiinta ayaa baajiyay kulan ay la qaadan lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo horay loo sii qorsheeyay, iyaga oo ka biyo diidan go’aanka Maraykanka.

    ‘Dibadbaxyo tiro badan’

    Waxaa jira cambaarayn tiro badan oo loo soo jeediyay go’aankii uu qaatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo uu kaga laabtay dhexdhexaadnimadii Maraykanka ee lahaanshaha magaalada Qudus taas oo ah wadnaha khilaadka dhexyaalla Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

    Maagaaladan ayaa ah goob ay barakaystaan diimaha waawayn sida Islaamka, Yuhuudda iyo Masiixiyiinta gaar ahaan waliba dhanka bari ee magaalada Qudus.

    Israa’iil ayaa waligeed u aragta Qudus caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintuna ay ka sheegtaan Bariga Qudus oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaal sannadkii 1967dii in ay tahay caasimadda mustaqbalka ee xukuumadda ay Falastiin yeelan doonto.

    Axaddii waxaa sii socday mudaaharaadyo lagu diidan yahay go’aanka Maraykanka:

    • Booliiska mudaaharaadyada ka hortaga ayaa boqolaal ruux oo magaalada Bayruut ku mudaaharaaday ku ganay qiiqa dadka ka ilmaysiiya iyo biyo kulul si ay uga hor istaagaan in ay gaaraaan safaaradda Maraykanka.
    • Mudaaharaadyo dheeri ah oo kalana waxay ka dhaceen magaalooyinka Qaahira iyo Rabat oo ah caasimadda Marooko.
    • Dhulka Falastiiniyiintana mudaaharaadyo ayaa ka sii socday, halka ay Israa’iilna ka sheegtay in ay qarxisay marin dhulka hoostiisa ku yaalla oo magaala Qaza ku yaalla, kaas oo ay sheegtay in loo qoday si weerar milatari loogu adeegsado.
    • Kumannaan ruux oo kalana waxay mudaaharaad ka dhigeen bannaanka safaaradda Maraykanka ee ku taalla caasimadda Indonosea ee Jakarta, dadkaas qaar ka mid ahna waxay warfinayeen boorar ay ku qoran yihiin “Falastiin wadnahanaga ayay ku taallaa”.
    • Waxyaabo holcayana waxaa lagu tuuray macbad ay Yuhuuddu ku leedahay magaalada Gothenburg ee Sweden Sabtidii, booliiskuna waxay ku tilmaameen in uu ahaa isku day dab lagu qabadsiinayay oo dhici soobay.

    ‘Hadallo kulkul oo ay is waydaarsadeen labo masuul’

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dad badan oo isugu soo baxay magaalada Istanbul u sheegay in uusan Qudus ooga haraynin xukuumad “carruurta laysa”.

    Netanyahu-na wuxuu sheegay in hogaamiyaha Turkigu “uu weeraray Israa’iil”, isagoo yiri. “Hadal kama dhagaysto hogaamiye uu damiirkiisu siiyay in uu duqeeya tuulooyinka Kurdiyiinta ee ay dagan yihiin dadka asal ahaan Turkida ah, kaas oo xira saxafiyiinta, Iiraanna ka caawiya in ay jabiso cunoqabataynnada caalamiga ah, kaas oo caawiya argagixisada ay ku jiraan kuwa Qaza ee laaya dadka aan waxba galabsanin, ayuuna sii raaciyay.

    Erdogan ayaa Qaza ku tilmaamay “khad cas” oo arrimaha Muslimka ah wuxuuna ka digay in Turkigu ay soo afjari doonaan calaaqaadkii dublamaasi ee ay la lahaayeen Israa’iil arrinta Qudus awgeed.

    Turkiga iyo Israa’iil ayaa calaaqaadkooda dublamaasi soo celiyay sannadkii hore uun lix sano ka dib markii uu Ruushku Turkigu calaaqaadka u jaray, iyadoo uu Turkigu ka mudaaharaadayay sagaal ruux oo Turki ah oo Falastiiniyiinta taageersanaa kuwaas oo ay isku dhaceen kumaandoosta Israa’iil iyaga oo saaran Markab oo isku dayaya in ay jabiyaan go’doomin lagu hayay Qaza.

    Isha: BBC

    PUNTLAND POTS

    The post Madaxweynaha Recep Erdogan iyo Netanyahu oo is-weydaarsaday Hadallo aad u kulul appeared first on Puntland Post.


  10. Hay’adda maareynta musiibooyinka dabiiciga ee Puntland  (HADMA) ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan looga hadlayo wadatashiga iyo meelmarinta qorshaha ka jawaabida abaaraha iyo unug laanta.

    Kulanka ayaa lagu soo bandhigay daraasad ay hay,addu ka samaysay 37 degmo iyo 69 tuulo oo ka tirsan deegaanada Puntland, waxaana ka qeybqaatey daraasada 160 qof oo hay’addu dirtay, Iyadoona lagu eegayay daraasadda sababaha mar kasta soo celceliya abaarta.

    Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah qorshaha wax ka qabashada isbedelka cimilladda.

    Daawo Sawiradda

    DSC_0013-1.jpg?resize=902%2C600DSC_0014.jpg?resize=902%2C600DSC_0015.jpg?resize=902%2C600DSC_0017.jpg?resize=902%2C600DSC_0018.jpg?resize=902%2C600DSC_0021.jpg?resize=902%2C600DSC_0023.jpg?resize=902%2C600DSC_0024.jpg?resize=902%2C600DSC_0060.jpg?resize=902%2C600DSC_0062.jpg?resize=902%2C600DSC_0064.jpg?resize=902%2C600DSC_0070.jpg?resize=902%2C600DSC_0072.jpg?resize=902%2C600DSC_0075.jpg?resize=902%2C600DSC_0076.jpg?resize=902%2C600DSC_0012.jpg?resize=902%2C600DSC_0063.jpg?resize=902%2C600Abshir Dhiirane

    PUNTLAND POST

    The post Garowe:-HADMA oo qabatay kulan ku saabsan wadatashiga iyo ka jawaabida abaaraha appeared first on Puntland Post.


  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanada  Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda Magaalada Qudus.

    Xildhibaanada ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado tilaabadii Madaxweyne Trump ee Qudus kaga dhigay Caasimadda Is’raaiil.

    Waxa ay sidoo kale tilmaamay in ay soo saari doonaan Go’aan Mid ah oo ka dhan ah hadalka Trump.

    Dhanka kale Xildhibaanada Golaha SHacabka ayaa doodaya ka miisaaniyadda Dowladda ee 2018,maadaama ay muhiim u tahay howlaha Dowladda.

    Miisaniyadda Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaareysay 274 Milyen oo Dollar,taasi oo ka badan miisaaniyadii 2017,ilaa 14 Milyen,waxaana horey u soo ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

    Sida uu qabo shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha SHacabka,marka la ansixinayo hindise sharciyeed kasta amma miisaaniyad kasta waxaa la marsiiyaa aqrinta koowaad iyo tan labaada iyadoo kadib loo gudbo ansixinta oo inta badan u dhacda qaab gacan taag ah.

    Khudbad uu Guddoomiyaha ka jeediyay kulankii Xildhibaanada ee maanta ayuu sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Qudus.

    “Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gor gortan ka gali meyso lahaanshiyaha Qudus, Qudus waa magaalo ku taalo dhulka falastiin waana magaalo ay leeyihiin muslimiinta oo dhan mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

    3-6.jpg?resize=696%2C522&ssl=12-6.jpg?resize=696%2C522&ssl=11-8.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com

    The post Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xaaladda Qudus appeared first on Caasimada Online.


  12. Hay’adda horumarinta talyaaniga ayaa maanta waxay wasaaradda caafimaadka iyo UNFPA ku wareejisay lacag dhan €3 milyan oo Yuuro.

    Lacagtaan ayaa loogu talogalay in lagu hormariyo hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in badbaado loo helo dhallaanka iyo hooyada Soomaaliyeed.

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Fowsiya Abiikar oo munaasabadda lacagtaan lagu wareejinayey hadal ka jeedisay ayaa sheegtay iney soo dhoweynayaan lacagtaan ay ku deeqday hay’adda horumarinta Talyaaniga.

    Waxay sheegtay wasiir Fowsiya iney jirtay daraasaad lagu sameeyay xarumaha caafimaadka sida dhismaha, adeegyada caafimaadka iyo shaqaalaha, taasi oo soo socotay sanadihii 2014-2015 iyo 2016, iyadoo tilmaamay in lacagtaan lagu deeqay tahay mid wax badan qaban doonto.

    Dhanka kale, mas’uuliyiinta isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa dhowr jeer oo horey waxay cabasho ka muujiyeen dhibaatooyin ay sheegeen iney ku qabaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka iyaga oo sheegay ineysan xilligaasi jirin cid garab istaagta marka laga tago dawooyin kaga yimaada hay’ado hoostaga Qaramada Midoobay oo isbitaalkaasi siiya dawooyin aan ku filneen.

    Lacagtan lagu wareejiyey Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa la filayaa in waxbadan ay ka bedasho baahiyaha ka jira daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

    Goobjoog News

    Source


  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dagaallameen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

    Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhaawac u badan, iyadoo ciidamadan la sheegay iney isku haystaan arrimo dhul la xiriira.

    Shacabkii ku dhaqnaa nawaaxiga halka ay ku dagaallameen ciidamadan ayaa la sheegay in xaafadahooda ay ka barakaceen si aanay dagaalkaasi u saameyn.

    Wararka ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in sidoo kale halka lagu dagaallamay ay gaareen ciidamo kale oo dowladda ah, kuwaasi ka qeybqaadanayey daminta dagaalkaasi.

    Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com

    The post Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku Dagaallamay Degmada Kaaraan ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  14. Ankara (Caasimadda Online) – Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale.

    Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

    Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii.

    Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco.

    Isaga oo ka hadlaya magaalada Paris oo uu ku weheliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu Netanyahu sheegay in ay “arrin fool xun” tahay in la diido isla xiriirinta dadka Yuhuudda ah iyo magaalada Qudus.

    “Waxaad ka akhrin kartaa kitaabka wanaagsan – ee Baybolka la dhoho,” ayuu yiri “waxaad ka akhrin kartaa Baybolka ka dib. Waxaadna ka heli kartaa taariikhda dadka Yuhuudda ah ee qurbajoogta ah, waa tuma meesha aan Qudus ahayn ee Israa’iil caasimadda u ahayd?

    “Sida ugu dhakhso badan ee Falastiiniyiintu xaqiiqada ugu soo dhawaan karaan ayaa ah sida ugu dhakhsoha badan ee aan dhanka nabadda ugu dhaqaaqi karno”. ayuu intaas ku daray.

    Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in falastiiniyiinta haday aqbalaan Qudus inay caasimadd u tahay Irael waxay soo dadajineysaa arrintaas nabadgalyada.

    Hadalkaani ayuu yiri ka dib markii kulan uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaa uuna Netanyahu uu ku booriyay Macron in tallaabooyin geesinimo leh laga qaato falastiin.

    Dhankiisa madaxweyanha Faransiiska ayaa sheegay in nabadgelyada Qudus ay ku jirto gacmaha hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israel aysana ku jirin gacanta Mareykanka.

    Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump ayuu yahay mid aan la aqbali karin.

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dad badan oo isugu soo baxay magaalada Istanbul u sheegay in uusan Qudus ooga haraynin xukuumad “carruurta laysa”.

    Netanyahu-na wuxuu sheegay in hogaamiyaha Turkigu “uu weeraray Israa’iil”.

    “Hadal kama dhagaysto hogaamiye uu damiirkiisu siiyay in uu duqeeya tuulooyinka Kurdiyiinta ee ay dagan yihiin dadka asal ahaan Turkida ah, kaas oo xira saxafiyiinta, Iiraanna ka caawiya in ay jabiso cunoqabataynnada caalamiga ah, kaas oo caawiya argagixisada ay ku jiraan kuwa Qaza ee laaya dadka aan waxba galabsanin, ayuuna sii raaciyay.

    Erdogan ayaa Qaza ku tilmaamay “khad cas” oo arrimaha Muslimka ah wuxuuna ka digay in Turkigu ay soo afjari doonaan calaaqaadkii dublamaasi ee ay la lahaayeen Israa’iil arrinta Qudus awgeed.

    Turkiga iyo Israa’iil ayaa calaaqaadkooda dublamaasi soo celiyay sannadkii hore uun lix sano ka dib markii uu Ruushku Turkigu calaaqaadka u jaray, iyadoo uu Turkigu ka mudaaharaadayay sagaal ruux oo Turki ah oo Falastiiniyiinta taageersanaa kuwaas oo ay isku dhaceen kumaandoosta Israa’iil iyaga oo saaran Markab oo isku dayaya in ay jabiyaan go’doomin lagu hayay Qaza.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com

    The post Erdogan iyo Netanyahu oo hadallo kulul is waydaarsaday iyo xaaladda oo meel xun mareyso appeared first on Caasimada Online.


  15. Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dagaallameen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

    Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhaawac u badan, iyadoo ciidamadan la sheegay iney isku haystaan arrimo dhul la xiriira.

    Shacabkii ku dhaqnaa nawaaxiga halka ay ku dagaallameen ciidamadan ayaa la sheegay in xaafadahooda ay ka barakaceen si aanay dagaalkaasi u saameyn.

    Wararka ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in sidoo kale halka lagu dagaallamay ay gaareen ciidamo kale oo dowladda ah, kuwaasi ka qeybqaadanayey daminta dagaalkaasi.

    Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

    Goobjoog News

    Source


  16. Wararka naga soo gaaraya garoonka kubadda cagta Banaadir ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa miino baarista ay ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin lagu aasay afafka hore ee garoonka.

    Wararka ayaa sheegaya in miinooyinka lagu aasay albaabka weyn ee garoonka banaadir,waxaana lagu guuleystay in laga soo saaro iyadoo aan qarxin.

    Dhanka kale ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka soomaliya iyo kuwa amisom ayaa howgal kawada gudaha garoonka koonis.

    Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili galabta ay wada balansan yihiin ciyaartoyda kala matalaysa Galmudug iyo gobolka banaadir.

    Sidoo kale xiriirka kubada cagta soomaaliyeed ma shaacin in dib loo dhigay ciyaartaas.

    PUNTLAND POST

    The post Miinooyin Laga Soo Saaray Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium appeared first on Puntland Post.


  17. Garowe (Puntlandi) Hay’adda maareynta masiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan looga hadlayey wadatashiga iyo meel marinta qorshaha ka jawaabida abaaraha iyo unuglaanta.

    Kulankaan ayaa hay’addu waxay kusoo bandhigtay daraasad ay ka sameysay 37 degmo iyo 69 tuulo oo katirsan Puntland, iyadoo ay daraasadaan ay ka qeyb qaataan 160 qof oo hay’addu dirtay. Waxaana daraasadaan lagu eegayay sababaha soo cel celiya abaaraha.

    Barnaamijkaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay qorhshaha wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

    DAAWO SAWIRRADA.

    6-4.jpg 7-4.jpg
    3-6.jpg
    4-8.jpg


  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in miinooyin laga soo saaray Albaabka hore ee garoonka Kubadda Cagta banaadir halkaas oo uu galabta ka dhacayo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyo Gobolka Banaadir iyo Galmudug.

    Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Albaabka Weyn ee Garoonka Banaadir in laga soo bixiyay Miinadasi ka hor inta aysan qarxin.

    Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa sidoo kale Gudaha Garoonka Koonis waxa ay ka wadaan baaritaano kale oo ku aadan ogaanshaha in miinooyin kale ay ku jiraan gudaha.

    Kumanaan qof ayaa ku qulqulayey garoonka iyadoo ay dhawr saac ka dhiman tahay kulankaas adag, waxaana hadda muuqato inay jirto cabsi weyn oo ku aadan in Miinooyin kale ay jiri karaan.

    Dadweyne badan ayaa la arkayaa iyagoo dib uga soo noqonayo garoonka, maadaama ay cabsida meel weyn gaartay, sidoo kalana dadweyne aad u badan ayaa ku dhex jiro garoonka oo saacado ka hor halkaask u xarooday maadaama ay ka cabsanayaan inuu garoonka xilli hore ka buuxsamo.

    Wasaaradda Dhalinayarada iyo ciyaaraha ayaa sheegtay in Ciyaarta u dhaxeysa xulalka Banaadir iyo Galmudug ay dhici doonto.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com

    The post Miinooyin laga soo saaray Garoonka Kubada Cagta Banaadir iyo cabsi weyn oo jirto appeared first on Caasimada Online.


  19. Qudus (Caasimadda Online) – Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale.

    Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

    Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii.

    Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco.

    Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in falastiiniyiinta haday aqbalaan Qudus inay caasimadd u tahay Irael waxay soo dadajineysaa arrintaas nabadgalyada.

    Hadalkaani ayuu yiri ka dib markii kulan uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaa uuna Netanyahu uu ku booriyay Macron in tallaabooyin geesinimo leh laga qaato falastiin.

    Dhankiisa madaxweyanha Faransiiska ayaa sheegay in nabadgelyada Qudus ay ku jirto gacmaha hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israel aysana ku jirin gacanta Mareykanka.

    Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump ayuu yahay mid aan la aqbali karin.

    Caasimada Online
    Xafiiska Qaahira
    Caasimada@live.com

    The post Netanyahu oo baaq yaab leh oo ku saabsa Qudus u diray Falastiiniyiinta appeared first on Caasimada Online.


  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shalay kula kulmay magaalada Muqdisho Hey’adda Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay xaalada dalka uu marayo.

    Kulankan oo uu gogoshiisa dhigay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa ka dhex muuqday Xildhibaan Faarax C/qaadir, Xildhibaan Xasan Macalin, Xildhibaan Maxamuud Abuukaate iyo xubno kale, halka dhanka Culimada ay ka dhex muuqdeen Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Sheekh Bashiir, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Soomow, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo kuwo kale.

    Kulankii ugu danbeeyay waxay shalay la yeesheen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay xaalada dalka uu marayo iyadoo ka codsaday inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, isla markaana aanay isku hor gudbin madaxda dalka.

    Xubanaha siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ayaa ugu horeyn cabasho ka keenay hadalo horay uga soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud, kaasoo uu si gaar ah ku beegsaday Xildhibaanada, waxaana ay ka dalbadeen inay u caddeeyana in hadalkaas uu yahay mid Culimada dhan la qabto iyo in kale.

    Xildhibaannada kooxdii Qabyo iyo Siyaasiyiinta mucaaradka oo wada mooshin xil ka qaadis madaxweynaha ayaa si weyn uga naxay hadal dhowaan kasoo yeeray Sheekh Nuur Baaruud oo ku baaqay in xildhibaannada mooshinka wata laga matajiyo lacagta laaluushka ah ee ay qaateen.

    Xubnihii culimada ee goobta ka hadlay ayaa sheegay in hadalada Sheekh Nuur ay ahaayeen kuwo shaqsi ah oo aanay dhamaan Culimada la qabin, balse ay dhankooda tuhun ka qabaan siyaasiyiinta qaar oo dalal shisheeye ay maalgelinayana, sidaas darteed loo baahan yahay in dadka iyo dalka loo shaqeeyo.

    Kulankii shalay ee labada dhinac ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, markii inta badan culimada kulanka ka qeyb gashay ay ku adkeysteen inaysan dhexdhexaad ka noqon karin xasilooni darro siyaasadeed in dalka la geliyo, isla markaana xilligan mooshin la keeno, waxayna u cudurdaareen Sheekh Nuur Baaruud oo ay sheegeen inuu xor u yahay fekerkiisa, sida iyaguna ay madaxda sare wax uga sheegaan xaq loogu leeyahay in mucaaradkana wax laga sheego.

    Waxaa kaloo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada u jeediyeen Culimada inay la yimaadaan qodobo cad cad oo ay ku difaacayana dowladda iyo cidii dalka dumineysa, balse aanay noqon Culimo Madaxtooyada laga soo siiyo awaamiirta.

    Hore waxay kooxda Qabyo iyo siyaasi C/raxmaan C/shakuur kulan ugu tageen Imaamka Beelaha Muqdisho oo isna si cad ugu sheegay inuusan arrimo siyaasadeed ka hadli karin iyadoo aan jirin dad mideysan, koox gaar ahna taageeri karin.

    Ujeedka kooxda wada ololaha mooshinka madaxweyne ayaa ah in ay ku qanciyaan ururrada bulshada baahi loo qabo isbedel hoggaamineed, kadib markii si weyn looga hor yimid qalalaase siyaasadeed oo xilligan ka dhaca dalka, taasoo hadda u muuqata inay ku guuldareysteen labadii tallaabo ee ay u qaadeen dhinacaasi.

    Culumada Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u diiday inay cambareynta ka joojiyaan kooxaha ay ugu yeereen inay yihiin kuwa doonayo in la dumiyo dowladda Soomaaliya, waxayna xildhibaanadaas u sheegeen inaysan marnaba macquul aheyn inay qaataan fikirada noocaan oo kale.

    24991329_1427750470670803_2867314800441924899855_1427750317337485_7834164352022824991506_1427750390670811_5921107480780225158327_1427750234004160_34840319499924

    The post Sawirro: Kulan fashilmay oo dhex maray xildhibaannadii Qabyo, CC Shakuur iyo culumada Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.


  21.  Baledweyne (Caasimadda Online) – Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Gobolka Hiiraan, waxa ay ku gubeen gaadiid u rarnaa ganacsato Somaliyed, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Baledweyne, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Gobolkaasi.

    Deegaanka Maroodile ee Gobolka HIiraan ayeey ku gubeen Shabaab gaadiidkaan oo siday raashin, una socday meelo kala duwan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Bakool.

    Gaadiidka ay gubeen Shabaab ayaa tiradooda wuxuu gaaraya illaa lix gaari oo kuwa xamuulka ah, sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Baladweyne  Muxumed Cali Maxamuud.

    Baabuurtaan oo u rarneyd ganacsato Somaliyed, ayaa raashin u waday deegaano ka tirsan Gobolada Baay, Bakool iyo Hiiraan, balse Shabaab ayaa dabkaasi qabadsiiyay.

    Muxumed Cali Maxamuud Gudoomiye Ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen tallaabada Shabaab ay ku baabi’iyeen hantidaasi shacabka leeyihiin, wuxuuna xaqiijiyay gaadiidka ay gubeen inay ahaayeen lix baabuur.

    Shabaab ayaa go’doomiyay deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool, mana ogola in halkaasi la geeyo raashin.

    Gaadiidleyda ka hawlgasha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo food saartay cabsi la xiriirta in gaadiidkooda ay gubaan Al Shabaab.

    Caasimada Online
    Xafiiska Kismaayo
    Caasimada@live.com

    The post Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo gaadiid ku gubay Gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.


  22. Khuburo Soomaaliyeed oo ku noolaa Dalka Denmark ayaa 11kii Decembar-2001 asaasay warbaahinta PUNTLAND POST oo kamid ahayd kuwii ugu horeeyey ee af-Soomaali wax ku tabiya baraha internetka ee loo yaqaan website.

    PUNTLAND POST ayaa durbadiiba si aada uga dhex muuqatay warbaahinta Soomaalida, iyadoo la kowsatay 10-sano kadib burburkii Dawladii dhexe ee Soomaaliya, waxayna tabisay mudadii ay jirtay dhacdooyinkii kala duwanaa ee ka socday geyiga Soomaalida iyo guud ahaan caalamka mudadii u dhaxaysay 2001 illaa 2017.

    PUNTLAND POST oo soo martay marxalado kala duwan mudadaas ay jirtay waxay ku guulaysatay inay noqoto warbaahin u dhexa bulshada iyo qaybaha siyaasada ku kala gedisan ee ay wararka u tebiso , waxaana marba marka ka danbeeya kor usii kacaayey dadweynaha ku xiran PUNTLAND POST.

    PUNTLAND POST oo markii hore ku bilaabatay website waxay sanadkii 2013 soo kordhisay wargeys ku baxa afka Soomaaliga kaas oo laga daalacdo degaanada Puntland, soona baxa todobaad walba maalinta talaadada ah fadhigiisuna yahay magaalada Garowe, wuxuuna wargeyskana isaguna jirsaday shan sano.

    Warbaahintan ayaa tebisa wararka, Falooyinka iyo maqaalada khuseeya siyaasada iyo arimaha bulshada, waxay sidoo kale  leedahay qaybta loo yaqaan Somali Jobs oo ay shaqa doonka iyo shaqaale doonkuba ka raadiyaan shaqaalaha iyo shaqadda ay u baahan yihiin.

    Waxaa xusid mudan in PUNTLAND POST ay  wararkeeda ku tebiso luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska labadaba.

    Hadii aad tahay dadka ku xiran PUNTLAND POST Website iyo Wargeysba fadlan wixii talo iyo tusaale ah, dhaliil iyo amaan ah noogu soo dir pp@puntlandpost.com

    PUNTLAND POST

    The post Warbaahinta PUNTLAND POST oo 16-sano jirsatay appeared first on Puntland Post.


  23. images-7.jpg

    The new president of Somaliland, Muse Bihi Abdi will be inaugurated as fifth president on December 13, 2017, after his victory of a tight contest with the country’s two opposition candidates but ultimately a legitimate election when his main challenger, Abdurrahman Mohamed Abdilahi (Irro) conceded a defeat and called for national unity. The election of the new president in Somaliland has attracted the eyes and attention of the neighboring countries as well as the international community. Thus, his inauguration is believed to be a tribute to democratic presidential election that took place peacefully in the country last November in this year but to overcome many challenges is an examination for the new president elected.

     

    The International Election Mission congratulated the way, the election was performed by Somaliland government in collaboration with the local citizens for whom, nothing could have been successfully done without their support and I am here to thank  for all Somaliland citizens, the National Electoral Commission (NEC) and the political parties for doing their responsibility and  commitment  that led the peaceful poll into a positive conclusion by electing a competent leader expected to solve many domestic  and foreign social problems.

     

    The challenges that are ahead of the new president could be internal and external issues. However, let us state that the domestic challenges are to be; uniting the people after many clans splintered into groups during the election campaign, dealing with inflation, poverty, poor healthcare, education, corruption, silence of the rule of law, the reform of all government institutions  and tremendous youth unemployment which are all  threats to social stability and peace in Somaliland. Such internal challenges will be hindering at any success of his administration if not given a full contemplation and careful actions against them.

     

    Additionally, one of the most politically awaited pressing internal matter for the new president is the implementation of Khatumo agreement with Somaliland that will pave the way for a lasting peaceful existence in the country and will also fortify the national cohesion and the solidarity of Somalilanders at last in which the out-going president, Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo) signed on October, 20th in Anaibo, Saraar region. The agreement is centered on five main principles such as national unity, power-sharing, living together in peace, national development and uniting against all external threats.  

     

    The external challenges are also included by the long waited pending recognition of Somaliland   depending on the new design; the president comes with talks between Somaliland and Somalia, the improvement of current poor diplomatic relations with African Union, Arab Muslim countries and the international partners to Somaliland which was worsened by the successive delays of country’s elections.

     

    As a final point of my writing,  the new president is expected to form a clean government free from corruption as well as strengthening the relationship with the UAE  that signed  a contract of $ 442 million investment project with Somaliland that was highly politicized but now the new president will also have the opportunity to improve it and gain the confidence of the nation showing them that the project implementation will be transparent that will formulate the country as a hub of economic development in the Horn of Africa and the rest of the world.

    Muse Jeeh, Freelance writer

    majeex2004@hotmail.com

    Hargeisa, Somaliland.