-
Content Count
211,174 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Soomaali badan ayaa aqbaar fiican ku sheegay inuusan madaxweyne Farmaajo la kulmin ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, labadda nin ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay caleemo saarkii madaxweynaha Kenya, sida aan xogta ku heyno ma jirin kulamo qaas ah oo qorshaha ugu jiray madaxweyne Farmaajo. Laakiin waxaan fahmi waayay colaadda ka dhaxeysa Somalia iyo Israelkuwaas oo aan xuduud wadaagin, weligood is colaadin ,badanaa is arkin, galaangal siyaasadeed uusan ka dhaxeynin , taa badalkeeda isla dadkaas waxey ku faraxsan yihiin in madaxweyne Farmaajo la far fariisto Itoobiya, heshiisyo la galo, deeqo waxbrasho ka dalbado, ciidan iyo garab walaaltinimo weydiisto iyo inuu madaxdooda xabadka galiyo lana shaaxo. Inkastoo aaney waxba ka jirin sheekadda kulanka Farmaajo iyo Benjamin Netanyahu hadana waxaan qaadan waayay hadaladda dadka arintaas aqbaarta fiican ka dhigay, halkee u socona ?, waase kuma cadawgeenu Itoobiya mise Israel ? Itoobiya waxey Somalia ku dishay in ka badan 40 kun oo qof tan iyo markii ay dhacday Dowladii Siyaad, hubka ay isugu diibtay Soomaalidda in ka badan 20 kun oo ruux ayuu galaaftay, boqolaal Soomaali ah ayaa u xiran, oo qaar la jirdilay kuwana lagu xad gudbay oo la kufsaday, dhul Soomaali leedahay oo 1500km ka badan ayey xoog ku heysata, siyaasad ahaan ayey Somalia oo dhan u adoonsata maalintii Siyaad baxay ilaa hadda, inaan helno Dowladd awoodleh ayey hortaagan tahay sidaas oo ay tahay waa walaalaheen ayaan dhahnay, laakiin Isreal oo xitaa aanan qaarad wadaagina waa cadawgeena. Ma aaminsani in uu madaxweyne Farmaajo diidi lahaa hadii kulankaas lagu casuumi lahaa marka aan ka cabir qaato sidda ay isugu xiran tahay siyaasadda USA, Isreal iyo Itoobiya, baqtiga waa cunaa laakiin fuudkiisa ma cabo. Nasiib daro ka xun ma jirto in aadan aqoonin cida aa tahay iyo meesha aad u socoto, mida kale iska dhaa dhicinta qiyaaligu waa fikir xumo ee ma’ahan muxaafidnimo ama mucaaradnimo. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Itoobiya iyo Israel yaa u daran Soomaaliya ? appeared first on Caasimada Online.
-
Sahar Tabar, 22 jir ah, ku dhalatay magaalada Tehran, dalka Iran, ayaa doonaysay in ay muqaal ahaan wajigeda uu u ekaado actarada caanka Hollywodka kaso jeeda dalka Mareekanka Angelina Jolie. Gabadaan dhalinyarada reer Iraan ayaa waxaa sida ay wariyeen warbaahinta dalka belguim waxay martay kontan qaalin si ay ugu ekaato gabadha taageero u tahay ee Angelia. Gabdhaan reer Iraan ayaa waxay caan ka noqotay facebook iyo intasgram waxay heshay dhiirigelin badan iyo inkasto kuwa kale ku dhaleeceeyeen muqaalkeda. Gabagabadii, gabadhaan reer Iraan sida ay rajeyneysay ma uusan noqon muqalkeda, balse waxay sheeegtay in aysan marna ka quusan doonin hamigeeda oo ay dooneyso mar un in ay u muuqaal ekaato gabadha ay taagerto ee Angelina. Sahar Tabar Qaliinka ka hor iyo Qalliinka kadibThe post Sawiro: Waxay qaliin u martay in ay u ekaato Aktarada ee taageerto Angalina balse ma aamini doontid sidee noqotay appeared first on Caasimada Online.
-
London (Caasimadda Online) – Liam Hulston; oo u dhashay Dalka Ingiriiska ayaa Burcad Soomaali ah kala shaqeeyay in ay jabsadaan Akoon Banggi oo ay lahayd Haweeney,waxaana lacagtii ay siiyeen uu ku iibsaday dhowr saacadood oo Rolex ah. Ninkan ayaa lacag aan ilaa hadda caddadeeda la sheegin ka bixiyay Akoonka Gabadha oo ay siiyeen Wiilal Burcad Soomaali ah,waxaana isaga ku aadday £88,500 oo lacagta Ingiriiska ah. £52,000; oo lacagtaas ka mid ah waxaa uu ku iibiyay Saacad Rolex ah oo ka mid ah Saacadaha ugu qaalisan Caalamka . Saacadaha Rolex-ka ah ee uu iibsaday.Dhegeysiga dacwaddiisa oo ka dhacday Maxkamad ku taalla London ayaa lagu sheegay in daqiiqado yar gudahood uu lacagaas mariyay akoonno faraadan islamarkaana ka saaray lacagta ay burcadda Soomaalida ah u dirsadeen. Liam Hulston,oo 25 ah kana soo jeeda degaanka Stratford Avenue ayaa lagu helay labo dembi oo noocan ah bishii Novemver ee Sanadkii hore,waxaan aay kala ahaayeen mar uu wakiil been ah iska dhigay iyo mar uu Hanti ma guurto ah sheegtay milkiyaddeeda sheegtay. Jeremy Evans,oo ah dacwad oogaha Maxkamadda Grimsby Crown Court, ayaa sheegay in Ninkan uu Burcad Soomaali ah oo helay E-mailka Gabar aan la magacaabin ay ku wareejiyeen akoonkeeda kaddibna ka soo saaray lacag farabadan oo uu saamigaas ka helay. Liam Hulston, iyo Burcadda Soomaalida ah ayaa ku wada xiriiray Facebook,waxaana Farriin ay u soo direen u dhigneyd “hab aad lacag badan ku sameyn karto”,kaddibna sidaas ayey ku heshiiyeen lacagtaasna ku dhaceen. Haweeneyda la dhacay ayey warbixintu xustay in ay Soomaali ahayd,waxaana ay ka war heshay akoonkeeda oo la jabsaday inta jabsigaas socdayna ma aysan ogaan. Liam Hulston,, oo ah Ninka falkan fududeeyay. Booliska ayaa baahiyay sawiirada Ninkan oo madaxa ka dhaawacan kaddib markii ay jir dileen intii ay socotay qabashadiisa maaddaama akoonnada la mariyay lacagtaas uu ka mid ahaa kiisa gaarka ah. £400 ama £500 oo lacag ah ayaa looga qaatay intii uu lacagaas isu marinayay 150 AKoon oo kala duwan saacad gudaheed,iyada oo aysan gabadha ogaan. Hulston ayaa tagay suuqa Dababka ee Newark jewellers ,waxaana uu halkaas ka iibsaday dhowr saacadood oo Rolex ah iyo adeeg kale oo gaaraya £5,407 , oo lacagta Ingiriiska ah. £17,452, ka mid ah lacagtaas ayuu ku shubtay akoonkiisa gaarka ah,waxaase uu khasaaray oo akoonkiisa laga saaray £58,382., waxaana Haweeneyda la dhacay dib loogu celiyay dhamaan lacagtii lagala baxay Akoonkeeda. Hulston, ayey Maxkamadda ku heshay in uu horay ugu lug lahaa 11 fal dambiyeed waxaana sanadkii 2011kii lagu xukumay saddex Sano oo xabsi ah,Maxkamadda ayaa hadda ku xukuntay 21 bilood oo Xabsi ah. Isha Warkan:grimsbytelegraph.co.uk (Mustaqbal Radio) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Nin burcad Soomaali ah kala shaqeeyay jabsiga Akoon Banggi oo iibsaday saacad Rolex ah, (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray shirka dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee maanta Muqdisho ka furmay. Farriin uu baraha bulshada soo dhigay ayuu ku yiri: “Shirka Madasha -Somali Partnership Forum- ee ka furmeysa magaalada Muqdisho waxaan u rajeynayaa guul iyo iney ka soo baxaan go’aanno saldhig u noqda xallainta mushkiladaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha ee maanta uu dalkeennu la daalaa dhacayo..” Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay arrimaha siyaasadda isla markaana kooxdiisa qabyo ay olole ka bilowday Muqdisho si mooshin xil ka qaadis ah loogu diyaariyo madaxweynaha xilka uga danbeeyay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dadka Soomaaliyeed inay isku tashadaan. “Waxaan ku baraarujinayaa madaxda Soomaaliyeed iyo shacab-weynahaba biyo sacabbadaadaa looga dhergaa ee ku tashada “XOOGGIINNA IYO XOOLAHIINNA” adinkoo kaashanaya caalamka intii suurtagal ah. Guuleysta insha Allah” ayuuna farriintiisa ku soo gabgabeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo War kasoo saaray shirka Amni ee Muqdisho ka furmay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka sheegay Shirka Amniga qaranka ee ka socda Muqdisho in aysan ahayn in AMISOM ka baxda Soomaaliya xilligan. Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya aysan weli awood u laheyn in meelaha qaar ay difaacaan sababo la xiriira in aysan heysan hubkii loogu talo galay in ay ku dagaalamaan sida uu hadalka u dhigay. Shariifka ayaa ku doodaya in Ciidan Soomaaliyeed oo dhisan aysan jirin,kuwa joogana aysan heysan Hub ku filan sidaas darteedna Ciidanka AMISOM ay wali muhiim u yihiin Soomaaliya. Shariif Xasan ayaa ku baaqay in aysan bixin Ciidanka AMISOM inta Ciidamada Soomaaliya laga dhisayo oo ay awood u yeelanayaan in ay la wareegaan amniga Soomaaliya. Ciidanka AMISOM ayaa 31ka Bishan waxaa ay Soomaaliya ka saarayaan 1,000 kii Askari ee ugu horreeyay oo horudhac u ah bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya,waxaana xigi doona 1,000 kale oo 31da May 2018 ka bixi doona Soomaaliya. Shirka ka socda Muqdisho ayaa ah wajiga 2aad ee shirkii London ka dhacay 11kii May 2017kii,waxaana shirkan xoogga lagu saarayaa heerka amniga Soomaaliya iyo sida wax looga qabn karo. Inta badan Madaxda ka hadashay shirkan ayaa isku raacay in amniga Soomaaliya uu muhiim yahay islamarkaana loo baahanyahay in Ciidanka Soomaaliya la dhiso. Hadalkaan ayaa Shariif xasan waxa uu ka sheegay shirka Amniga Qaranka oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Maanta ka furay Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shariif Xasan: “Ciidamo nooma dhisna, AMISOM in ay hadda baxdana sax maaha” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta inta badan xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo aad u diyaarsan. Waddooyinka aadka u xiran ayaa waxaa kamid ah wadada Makka al-Mukarama iyo wadada wadnaha oo kamid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho. Ujeedka loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay shirarka Muqdisho ay martigelineyso maanta iyo berri oo Talaado ah. Shirarkaan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dhaqaaalaha, waxaana marti ku ah Mas’uuliyiin heer caalami ah. Haddaba dadka Muqdisho ayaa is waydiinayo inta maalin oo ay xirnaan doonaan jidadka Muqdisho, waxaana arrintaas baaritaan kusoo sameysay Shabakadda Caasimadda Online. Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, jidadka ayaa xirnaan doono ilaa berri inta uu kasoo dhammaanayo shirka Maanta Muqdisho uga furmay dowladda Soomaaliya iyo madaxda beesha Caalamka. Sidoo kale waxaa mar kasta la is waydiiyaa sababaha keeno in jidadka Muqdisho loo xiro arrimo amni awgeed, midaasna waxay dadka falanqeeyo siyaasadda ku micneeyey labadaan arrin: 1) Ururka Al-Shabaab oo weli awood muuqato ku leh Magaalada Muqdisho, iyago awood u leh inay mar kasta magaalada ka dhex fuliyaan weeraro iyo dilal qorsheysan . 2) Ciidamada Dowladda oo aan u diyaarsaneyn inay sugaan amniga Muqdisho, maadaama aysan heysan dhiiragelin dhan walba ah. Labadaas arrin ayaa inta badan la sheegaa inay sabab u tahay in Jidadka Muqdisho loo xiro wafdi imaanayo ama shirar Caalami ah oo ka dhacayo Magaalada sida midka Maanta furmay. Magaalada Muqdisho oo ah meel aad u saxmad badan ayaa waxaa lagu dhibaatoonayaa in la sugo amnigeeda, waxaana la xiray jidad badan oo magaalada muhiim u ah, waxaana wax lala sii yaabo ah in maanta guud ahaan Jidadka Magaalada la xiro iyadoo laga cabsanayo inay Shabaab dhibaato ka geystaan Magaalada oo uu Maanta furmay Shir u dhaxeeyo dowladda iyo Beesha Caalamka. Ururka Al-Shabaab ayaa Magaalada Muqdisho ka fuliyo weeraro ismiidaan ah, waxaana ilaa hadda lagu guuleysan la’yahay si si dhameystiran Al-Shabaab loogu diido inay Magaalada weeraro ka fuliyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post laba sabab oo mar kasta keento in la xiro Jidadka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU– Somalia is seeking urgent actions to prevent the recruitment and use of child soldiers in armed conflicts in the Horn of Africa. According to a joint statement issued in Mogadishu on Sunday after a five-day meeting of key representatives from the government and federal member states, recruitment and use of children is a key security concern and has the potential to undermine efforts aimed at bringing lasting peace to Somalia. African Union Mission in Somalia (AMISOM)’s Child Protection Adviser Musa Gbow stressed the importance of coming up with a roadmap that will be translated into a policy document and implemented at both the federal and regional levels. “Our aim is to have a smooth transitional exit strategy, but we cannot just leave vacuum. We have to ensure that the federal government and federal member states continue to work together especially with regards to dealing with the prevention of the recruitment and use of children as soldiers in the conflict in Somalia,” Gbow said. Various international instruments across the globe criminalize the recruitment and use of children in armed conflict. Available statistics also show that 70 percent of the children in armed conflict in Somalia are recruited by Al-Shabaab terror group. During the forum, organized by AMISOM, participants discussed how to prevent the recruitment of and use of children in armed conflicts. The forum provided an avenue for various government departments including the security sector to interface alongside AMISOM military, in coming up with tangible solutions to the problem. Deputy Special Representative of the AU Commission Chairperson (DSRCC) Simon Mulongo said the AU mission is addressing the issue of use of child soldiers in armed conflicts as part of its transitional arrangements. “That is as we transit from activities being managed and overseen by AMISOM, we would like to prepare the Somali people to manage these programs by themselves,” Mulongo said. According to a UN Security Council Report on Children and Armed Conflict in Somalia published in January, 5,933 boys and 230 girls were recruited as child soldiers between April 1, 2010 and July 1, 2016. Statistics show an improvement between 2012 and 2014, but the figures sharply rose in 2016, when 1,092 children were used as child soldiers in the first six months. Xinhua
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shir guddoominaya Wejiga Labaad ee shirkii london oo maanta si rasmi ah uga furay Muqdisho ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo taageerada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab. Sidoo kale,Waxaa madasha ka hadlay madaxda Dowlad Goboleedyada dalka,kuwaasoo sheegay iney door muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amaanka dalka iyo in la xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay iney diyaar u yihiin iney qaataan doorkooda ku aadan dhismaha Ciidamada Qaranka. Axmed Madoobe,madaxweynaha Jubbaland oo isna ka hadlay Wejiga Labaad ee shirkii London ayaa tilmaamay iney muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aamada ka soo baxa shirkaan. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa qeexay iney muhiim tahay in la waqtiyeeyo qorshaha Amniga Qaranka iyo sida loo tababarayo Ciidanka ayna ula wareegayaan amniga wadanka. Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxweynaha Galmudug oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Burcadbadeeda awooda la wiiqay,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in Galmudug ahaan guul ay ka gaareen shirkii wada hadalka ee ka dhacay dalka Jabuuti,isagoo carabka ku dhuftay in dhawaan ay tagayaan magaalada Dhuusa-mareeb. Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo si kooban shirka uga hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Al-shabaab ay sii liidanayaan,islamarkaana uu gabalkooda uu sii dhacayo,isagoo cadeeyay in la heysto wado cad oo lagu horumari karo,” Waa in aan dayacin fursadaha aan heysano maanta”,ayuu yiri madaxweyne Waare. Dhanka kale,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyaa dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab,wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Qaraxii 14-kii October ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid Xanuun badan oo muujiyay dhibaatada Cadowga,isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in loo baahan yahay in maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo Amniga Gobolka,wuxuuna sheegay iney sameeyeen qorshe hordhac ah oo lagula soconayo Amniga ilaa iyo heer degmo. Waxaa sidoo kale,goobta hadalo kooban ka hadlay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM iyo u qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kuwaasoo sheegay iney garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxayna dhiira geliyeen dhismaha Ciidanka Amniga Qaranka si ay awood ugu yeeshaan iney dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM. The post Akhriso: Nuxurka Khudbadaha laga jeediyay Wejiga Labaad ee shirka London + Sawiro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta inta badan xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo aad u diyaarsan. Waddooyinka aadka u xiran ayaa waxaa kamid ah wadada Makka al-Mukarama iyo wadada wadnaha oo kamid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho. Ujeedka loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay shirarka Muqdisho ay martigelineyso maanta iyo berri oo Talaado ah. Shirarkaan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dhaqaaalaha, waxaana marti ku ah Mas’uuliyiin heer caalami ah. Haddaba dadka Muqdisho ayaa is waydiinayo inta maalin oo ay xirnaan doonaan jidadka Muqdisho, waxaana arrintaas baaritaan kusoo sameysay Shabakadda Caasimadda Online. Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, jidadka ayaa xirnaan doono ilaa berri inta uu kasoo dhammaanayo shirka Maanta Muqdisho uga furmay dowladda Soomaaliya iyo madaxda beesha Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Immise maalmood ayey xirnaan doonaan waddooyinka Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal xoogan ku dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye. Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay muran dhexmaray Qasnajiga Degmada iyo Xisaabiyaha Degmada Afgooye oo iyagu isku qabtay lacago leys dabamariyay. Dagaalka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ah shaqaalaha maamulka Degmada Afgooye, halka uu dhaawac kasoo kala gaaray ciidamo kala taabacsanaa labada dhinac. Dad goobjoog ah ayaa soo sheegaya in xaaladda Degmada Afgooye ay tahay mid aadu kacsan waxaana xarunta Degmada laga dareemayaa xiisadda ka dhalatay Dagaalka dhexmaray Mas’uuliyiinta ka wada tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. Sidoo kale, labada mas’uul ayaa waxaa soo kala gaaray Ciidamo gurmad ah, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhexmaro ciidamada mas’uuliyiintaasi, waa haddii aan xal laga gaarin xiisada jirta. Dhinaca kale, waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye iyo kan Koofur Galbeed oo ku aadan dagaalka dhexmaray labada mas’uul ee uu dhiiga ku daatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal u dhexeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan K/Galbeed oo ka dhacay D/Afgooye & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay Xarunta Vila Baydhabo ee Magaalada Muqdisho oo fariisin u ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhex dhacay gudaha Xarunta waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay Gaari uu watay Sargaal ka tirsan Ciidamada Milatariga, waxa uuna Qarxay ka dib markii Sargaalkii watay uu ka dagay. Gaariga ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan oo ka dhashay Qaraxa, waxaana iminka socda baaritaan lagu xaqiijinaayo halka looga soo xiray Qaraxa. Gaadiidka raaxada ay isticmaalan Saraakiisha Ciidamada ayaan intooda badan la baarin waana mida sababtay qaraxan oo gaari ku dhagan inuu dhexgalo Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, Qaraxan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta Magaalada Muqdisho ammaankeeda si wayn loo adkeeyay, wadooyinka Magaaladana ciidamo badan la soo dhigay oo intooda badan la xiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax gaari oo ka dhex dhacay gudaha Xarunta Vila Baydhabo ee Magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Xulka Kubbada CagtaPuntlandWaxaa maanta magaalada Garowe ka ambabaxay Xulka Kubbada Cagta Puntland oo tartanka Dowlad goboleedyada uga qeyb galaya magaalada Muqdisho. Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garowe ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Cayaaraha Puntland, maamulka Gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Tartanka Kubbadda Cagta ee Dowlad goboleedyada ayaa qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, balse waxaa dhawaan la shaaciyay in Muqdisho loo wareejiyay, kadib markii kulan ay Kismaayo ku yeesheen Wasiirada Ciyaaraha Dowlad goboleedyada ay isku raaceen in tartankaan lagu qabto Muqdisho. Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa difaacanaya tartanka Dowlad goboleedyada oo sanadkii hore ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciyaartii kama danbeysta ay ka badiyeen xulka Kubbada Cagta Jubbaland. Sidoo Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa sanadkii hore ka yaabiyay mucaashaqiinta Kubadda Cagta Soomaaliyeed kadib markii ay soo bandhigeen ciyaaaro la la dhacay, balse waxay noqdeen Halyeeyadii la hilaamay markii ay waayeen Garoomo wanaagsan iyo taramo ay ku loolamaan, kadib markii Puntland ka gaabisay hormarinta Garoomada kubadda Cagta Puntland oo ay muuqdaan dayac aad u baahsan, iyadoo in badana ay cabasho ka muujiyeen bahda cayaaraha Puntland. Fuuritaanka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada ayaa la qorsheeyay 14-ka bishan December, waxaana ka qeyb galay Shanta Dowlad goboleedyada iyo Koox mataleysa Muqdisho. PUNTLAND POST The post Xilka Kubbada Cagta Puntland oo u Ambabaxay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Puntlandi) Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta oo isniin ah golaha wakiiladda hor-geeyay miisaaniyadda Puntland ee sanadka soo socda 2018-ka, taasoo nuqulkeeda loo qeybiyay xildhibaanada. Wasiirka Maaliyadda mudane Carshe, ayaa sheegay Miisaaniyadda dowladdu inay dhan tahay $92,713,364 milyan, waxaana uu sheegay in Miisaaniyadda laga saaray lacago laga filayey in laga helo Hay’addaha UN-ka. Gollaha wasiiradda ee dowladda Puntland, ayaa dhowaan kullan degdeg ah oo ay yeesheen waxay ku meel mariyeen Odoroska Miisaaniyaddan oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyaddu. Xildhibaanada ayaa maalmo kooban kusoo dulmaridoona akhriska miisaaniyada, waxaana kadib ay cod uqaadidoonaan meel marinteeda. Puntlandi.com
-
Munaasabad ay ku qalinjabiyeen Dufacadii 17-aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda Bariga Afrika, aya ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, maamulka Jaamacadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Aadan Sheekh Doon Cali ayaa hambalto iyo Boggaadin u jeediyay Ardayda dhamaysatay Jaamacadda, waxaana uu u rajeeyay Mustaqbal wannaagsan. Sido kale wuxuu mahadcelin u jeediyay Macalimiinta dadaalka ku bixiyay iyo Waalidiinta doorka wannaagsan ka qaataan guusha ay Ardaydu gaareen. Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa laba Gabdhood oo Ardayda baratay Caafimaadka ah u balan qaaday inay la shaqayn doonaan Shirkadda dhisaysa Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wasiiru dawlaha Waxbarashadda Puntland Cabdi Fataax Nuur Ashir oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada ayaa Ardayda ku booriyay inaysan hakad galin hankooda Waxbarasho, waxaana uu kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ay bulshadooda dib ugu celiyaan. Qaar ka mid ah Ardayda dhamaysatay Waxbarashadda, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin guusha ay gaareen, waxayna balan qaadeen inay dalkooda u adeegayaan. Ardayda qalinjabisay ayaa tiradoodu ay dhan tahay 514 Arday, waxaana ay qayb ka noqonayaan Ardaydii horay u dhamaysatay Jaamacadda Bariga Afrika. Hoos Ka Daawo Sawirada; www.puntlandi.com.
-
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cumar Faraweyne, ayaa maanta Garowe ka sagootiyay Xulka Kubadda Cagta Puntland oo Muqdisho u duulay. Xulka kubada cagta Puntland, ayaa ka qayb galaya horyaalka kubada cagta ee maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo dhowaan ka furmaya Muqdisho. Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay xulka Puntland ka rajeynayaan inay mar labaad soo xareeyaan guul taariikhi ah, isagoo cadeeyay inuu aad ugu kalsoon yahay inay magaca Puntland u matalayaan ciyaartoy heer sare ah oo lagusoo xulay nin walba iyo xirfadiisa. Xulka kubada cagta Puntland ayaa horey usii qaatay koobkoodii ay horey ugu guulaysteen sannadkii 2016, iyagoo mar labaad geyndoono Muqdisho. Puntlandi.com.
-
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda (Capacity Injection Project CIP) ayaa maanta lagu soo gabagabeeye Hotel Royal Palace. Madshan oo looga doodayey horumarada iyo caqabadaha haysta Maamulka guud ee Hay’adaha Dowliga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay maamul goboleedyada dalka, wasaaradaha dowladda, aqoon yahano ka kala socday dalka dibadiisa iyo gudihiisa iyo qaybaha bulshada rayidka ah. Waxyaalaha kulankaan looga dooday ayaa waxaa ka mid ah: 1. Dhisidda hey’adaha dawliga ah oo adkaysi u leh marxaladaha isbedelada badan ee dalka jira. 2. Tayada hey’daha dawliga ah oo lagu cabirayo waxqabad, la qabsigooda iyo Xasiloonidooda (heer Federaal iyo heer maamul goboleedba). 3. Doorka haweenku ku leeyihiin maamulka guud iyo shaqooyinka hey’daha dawladda. Ugu horeynta Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha mudane Saalax Axmed Jamac oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraday heerarka kala duwan ee ay soo mareen dhisida Hay’adaha dowliga kuwaas oo laf dhabar u ah horumar balaaran ee wadan ku talaabasado. “Shirkaan waa ka duwan yahay shirarka kale oo qabsooma, ujeedkiisuna waa inaan la imaano madal (Forum) looga doodado horumarada shaqaluhu ay sameeyaan, shirkaan wuxuu la xariiraa maamulka iyo maareynta, ee maahan mid saiyaasadeed, waxaan labada malin ee uu socda looga doodi doonaa meesha aan ka nimid iyo halka aan higsanayno, dalka horumarkiisu waa mid ku xiran in la helo shaqaale carbisan oo leh hufnaan, karti iyo aqoon, taas ayaa ka turjumaysa sidii aan u gaari lahayn Qorshaha Horumarinta Qaranka oo waxyaalaha dowladdu qabanayso mudnaanta u kala leh” ayuu yiri Wasiir Salaax. Xiriiryaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda (CIP) ahna qaban qaabiyaha madashan Xassan Dirie ayaa dhankiisa sheegay in madashaan ay tahay tii ugu horaysay ee dalka ka dhacda, waxaana ay noqon doontaa mid si joogta ah loo qabto sanad kasta iyadoo hada ka dib lagu soo bandhigi doono daraasad laga soo sameeyey hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Gabgabadii Madasha ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay saxaafada u akhriyey Agaaismaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxman Yusuf Al-cadalah. 1. Ka qaybgalayaashu waxay isla garteen baahida loo qabo in lahelo sharciyo iyo siyaasado qeexan oo kala xadidaya siyaasadda iyo maamulka hay’adaha dowladda. 2. Madashu waxay soo jeedinaysaa in ahmiyad gaar ah la siiyo in masuul kasta oo loo magcaabayo xil lagu taxgaliyo inuu xirfad u leeyahay shaqada uu qabanayo. 3. In maamulada kala gadisan ee heer federal iyo heer mamaul goboleed ay kala fa’iidaystaan xirfadaha iyo waayo aragnimada dhexdooda ah. 4. Madashu waxay isla garatay baahida loo qabo in la kordhiyo tayada iyo xirfadaha shaqaalaha ka howlgala hay’adaha kala gadisan ee dowliga ah. 5. Madashu waxay ku boorinaysaa xarumaha waxbarashada sare ee dalka in ay ku saleeyaan manahajyadooda baahida xirfadeed ee ka jirta dalka isla markaan ay dib u qiimeeyaan tayada ardayda ay soo saarayaan. 6. Madashu waxay isla garatay ahmiyada ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee xirfad la’ah uu ka shaqayn karo dalka oo dhan aana laguna xadididin gobol iyo degaan gooni ah, badalkeedana loo tixgaliyo xirfada uu u leeyahay shaqda. 7. Ka qayb galayaashu waxay soo jeediyeen in la joogteeyo shirarka noocaan ah iyadoo la isku raacay in sanadkiiba mar la qabto, shirkaan midka xigana waxaa loo qorsheeyey in la qabto October 2018. 8. Ka qayb galayaashu waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta xuquuda shaqaalaha iyo u dhamaytirida qalab iyo xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo. Ugu danbayn madashu waxay u mahadcelisay Bangiga Aduunka oo fududeeyey qabsoomida kulankaan, Xooghayaha Joogtada Xafiiskak Ra’iisul Wasaaraha, Howlwadeenada Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda, gudiga shaqaalaha rayidka ah, Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada, oo dhamaantood suuragaliye qabsoomiada Madashaan, waxaa sidoo kale u mahadcelinaysaa aqoonyahanada talooyinka ka soo jeediyey iyo masuuliyiinta heer federaal iyo heer maamul goboleed ee ka soo qayb galay Madashan kuna soo siyaadshay khibrad lixaad leh intii ay socotay. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Madal looga doodayey horumarada iyo caqabadaha ka jira dib u habaynta maamulka oo la soo gabagabeeyey appeared first on Puntland Post.
-
Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo furay shirka amniga qaranka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka furmay Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya, waxaana ka qeyb gelaya madaxda maamul goboleedyada, safiiro iyo xubno ka socdao beesha caalamka. Wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, amniga iyo maaliyadda ayaa shirka sidoo kale ku leh khudbado min labo daqiiqo ah oo ay kaga warbixinayaan xaaladda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkan furay, waxaana uu socon doonaa muddo labo cisho ah kaas oo lagu gorfeynayo amniga Somalia iyo wixii ka qabsoomay qorshayaashii shirkii London. waxaa kaloo diirada lagu saarayaa nidaamka ciidamada Somalia ugala wareegi lahaayeen qorshaha amniga dalka marka la gaaro xiliga bixitaankooda. Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa iyana ka qeybgelaya shirkan ku saabsan amniga Qaranka Soomaaliya. Munaasibadda xiritaanka ayaa waxaa ka hadli doona Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaa kale oo iyana ka hadli doona wakiillada beesha Caalamka ee shirkan uga qeybgelaya Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo furay shirka amniga qaranka appeared first on Caasimada Online. -
Waxaa Muqdisho ka furmay shirka ‘ Heshiiska Amni” ee looga hadlayo xallinta arrimaha la xiriira Amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Madasha waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda maamul goboleedyada, ergeyada qaramada midoobey iyo midowga Afrika, taliyeyaasha AMISOM iyo mas’uuliyiin ka socota dalal iyo ururo caalami ah. Shirkan oo daba socda shirkii London ee heshiiska amniga, waxaa lacag loogu raadinayaa 18 kun askari ee lagu asteeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa looga hadli-doonaa sida ay AMISOM uga baxeyso Soomaaliya. Kulanka oo labo maalin socon-doona, maanta waxaa looga hadlayaa heshiiska amniga ee beesha caalamka iyo Soomaaliya halka berri xoogga lagu saari-doono “Somali Partnership Forum”. Sawirro: Source
-
Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen shaqsi la sheegay inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-shabaab. Guddoomiyaha gobolkaasi Axmed Mayre Makaraan ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka oo sameynayey howlgal roondo ah ay kusoo qabteen ninkaan isaga oo meel jiifa. Wuxuu sheegay guddoomiyaha in markii ay baaritaanno degdeg ah sameeyeen la ogaaday in ninkaasi uu ka tirsan yahay Al-shabaab, haatanna ay baaritaanno dheeraad ah ku hayaan. “Ciidamo aan dirnay ayaa waxay soo qabteen nin aan warbixintiisa ku helnay inuu Al-shabaab kamid yahay, markii raadkiisa la raacay waa la aqoonsaday, baaritaan ayaana weli ku socda” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiye Axmed Faal ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojiyeen howlgallada ay ka wadaan gobolka Shabellaha Dhexe si ay uga hortagaan falalka amni darri. Goobjoog News Source
-
Xildhibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho, sida xalay lagu soo wargeliyey xildhibaannada. Ajendaha golaha shacabka ayaa maanta ah Labo qodob, waxaana qodobka ugu horreeya yahay ansixinta xubin cusub oo kamid noqoneysa guddiga madaxa banaan ee hirgelinta Dastuurka. Sidoo kale xildhibaannada ayaa waxaa la filayaa in loo qeybiyo wax ka bedalka xeer hoosaadka golaha shacabka, iyadoo intaasi kadibna ay ka doodi doonaan. Arrinta ugu weyn ee doodda ku saabsan tahay ayaa ah soo xaadirista xildhibaannada golaha shacabka oo guddoonka golaha shacabka marar badan ka dalbaday xildhibaannada iney si koogta ah usoo shaqo galaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Meydka qof shacab ah ayaa lagu soo waramayaa in saakay lagu arkay suuqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in ninkaan jirkiisa ay ka muuqato rasaas badan, iyadoona lasoo dhigay bartamaha suuqa oo ahayd halkii dhowaan ay ku dagaallameen maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug. Qaar kamid ah ganacsatada suuqa Gaalkacyo ayaa sheegay in ninkaan la diley uu kamid ahaa xoogsatada suuqaasi, iyadoo illaa iyo haatan la ogeyn cidda dilkiisa ka dambeysa. Ganacsatada suuqa Gaalkacyo ayaa Meydka halkaasi ka qaaday si loo aaso, maadaama la sheegay in saacado badan uu halkaasi yaallay. Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo noq noqday magaalada Gaalkacyo oo hadda la filayey iney ka dhalato Nabad, lana arko isbedallo badan. Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka wada arrimiya Gaalkacyo, weli wax war ah kama aanay soo saarin qofkaan la dilay. Goobjoog News Source
-
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helayey kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidankaan ku lahaayeen deegaanka Mashalaay oo duleedka ka ah degmada Qoryooley. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay Saddex qof oo mid kamid ah yahay shacab, Iyadoo khasaarahana intaasi ka badan karo. Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa sheegay in khasaare xooggan ay soo gaarsiiyeen dagaalyahannada Al-shabaab, balse dhanka Al-shabaab war lagama hayo. Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay saakay waa mid deggan, iyadoo shacabkii halkaasi ku dhaqnaa ay soo wada aadeen dhanka degmada Qoryooley. Al-shabaab ayaa marar badan weerar ku qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in si rasmi ah uu manta magaalada Muqdisho uga furmo shir looga hadlaayo ammaanka guud ee dalka. Shirkaan oo ahmiyad gaara leh ayaa ka dhici doona xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galaya Madaxda Qaranka, Wakiilada Beesha caalamka iyo Madaxda maamulada qaybta ka ah dowladda. Shirkan ayaa waxaa furi doono sida uu qorshuhu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxana goobjoog ka noqon doona inta badan Madaxda Maamul goboleedyada oo badankood ku sugan Muqdisho. Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda Soomaaliya waxaana laga soo saari doonaa qodobo wadajir ah oo amaanka ku saabsan sida ay noo sheegeyn qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha Shirkaasi. Marka laga soo tago amniga dalka waxaa intiisa badan xooga lagu saarayaa go’aamadii ka soo bxay shirkii London, waxaana lagu soo hadalqaadi doonaa qorsha dib u dhiska Ciidamada, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale yareynta Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya. Maalinta xigta oo Berito ah kuna beegan 5,ta December ayaa sidoo kale waxaa Muqdisho ka furmi doona shir lagu qiimeyn doono qorshaha xukuumadda,iyo sidii dhamaan Hay’addaha Dowladda uga Shaqeyn lahaayeen kobcinta Dhaqaalaha dalka iyo fulinta mashaariic horumarineed. Sidoo kale, xalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Shir Guddiga amniga, waxaana looga hadlaayay arimo ku saabsan dhanka ammaanka, kadib markii Madaxweynaha Somaliya uu shirkaasi shir Gudoomiyay. Shirka maanta dhacaya ayaa wuxuu kaga duwan yahay Shirkii xalay, Safiirada reer Galbeedka u fadhiya Magaalada Muqdisho ayaa Shirkan ka qayb galaya, waxayna dhankooda ka hadli doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin qorshaha ammaanka Somaliya. Docda kale, diyaar garoowga shirka Maanta ayaa haatan waxaa laga dareemayaa Gudaha Magaalada Muqdisho, shirkaan oo ah mid horay loo Go’amiyay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kala soctaa qodobada sida gaarka ah diirada loogu saari doono shirka ka dhacaaya Xarunta Xalane? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka inta badan xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo aad u diyaarsan. Waddooyinka aadka u xiran ayaa waxaa kamid ah wadada Makka al-Mukarama iyo wadada wadnaha oo kamid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho. Ujeedka loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay shirarka Muqdisho ay martigelineyso maanta iyo berri oo Talaado ah. Shirarkaan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dhaqaaalaha, waxaana marti ku ah Mas’uuliyiin heer caalami ah. Dadka saaka isticmaalaya Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho ayaa ah keliya Gaadiidka ay wataan Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Gaadiidka Dagaalka ee Ciidamada Dowladda ay wataan. Sidoo kale, Gaadiidka shacabka ayaa maraya wadooyinka xaafadaha oo qaarkood xitaa ah kuwa xiran sababo la xiriira adkeynta amniga magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale, xiran Iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho oo la sheegay in ardayda dhigata shalay lagu sii wargeliyay inay fasax yihiin. Ma aha shirkii ugu horeeyay oo loo xira waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in dhammaan waddooyinka la xiro xiliyada ay dhacayaan shirarka waaweyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa u sabab ah in Saaka la xiro dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho kaa oo looga doodi doono sababaha keenaya in Xildhibaanada ay soo xaadiri waayan kalfadhiyada uu baarlamaanka leeyahay. Ajandaha guud ee shirka maanta ayaa ah labo qodob oo kala ah ansaxinta xubin cusub iyo sidoo kale adkaynta soo xaadiradda kulamada Baarlamaanka. Guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa dhibaato ku qaba xaadiritaanka Xildhibaanada oo aad u liita, iyadoo xiliyada qaar tirade xaadirta aysan gaarin heerkii loogu tallo galay. Guddoonka ayaa dhowr jeer Xildhibaanada ka dalbaday inay laasimaan xaadiritaanka fadhiyada, waxaase muuqaneysa inaan dhag jalaq loo siin soo jeedinta Guddoonka. Dhibaatooyinka lagu qabo baaqashada Xildhibaanada xiliyada ay jiraan shirarka inay baaqdan doodaha ay yeelan lahaayen Xildhibaanada sababo la xiriira kooramka oo aan dhameystirmin. Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in maanta go’aan laga gaaro qodobka xaadir la’aanta Xildhibaanada oo dhibaato weyn ku ah dhameystirka Ajandayaasha horyaal BFS. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoonka BFS oo maanta ku dhagan Xildhibaano caqabad ku ah fadhiyada baarlamaanka xili ay sabab u noqdeen in… appeared first on Caasimada Online.