-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya in lagu sameynaayo Baaris. Xildhibaanadan ayaa wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya. Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo. Labada Xildhibaan ee xeer ilaaliyaha uu eedeeyay, ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug. Lama oga eedeyntaan culus ee Xildhibaanada loo jeediyay iyo kiiskaan lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, waxa ka dhabta ah, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay. Hadalka Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo Xildhibaano ka tirsan dowladda ay jiraan, kuwaasi oo mucaarad ku ah Dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Lama oga sida ay arintaan ku suurta gali doonto, balse arintaan ayaa ku soo beegmeysa xili mas’uuliyiin u badan Xildhibaano lagu xanto ay Laaluush ku soo qaatayn abaabulka mooshin lagu sheegay qaran Dumis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Laba Xildhibaan oo xasaanada laga qaadayo kadib markii lagu eedeeyey arrin yaab badan iyo Xeer Ilaaliyaha oo… appeared first on Caasimada Online.
-
FILE – Somalia’s Prime Minister Hassan ali-Khaire addresses lawmakers during a parliament session in Mogadishu, March 1, 2017. Somalia’s prime minister, Hassan ali-Khaire, said his government had demanded the U.S. briefly suspend aid to much of Somalia’s armed forces in an effort to improve transparency and accountability following corruption concerns. Speaking Saturday to reporters in Mogadishu, Khaire blamed former Somali governments for U.S. concerns about corruption. “In the first month in office, my government stood for the need for Somalia to be governed on transparency principles,” he said. “To ensure such principles, Somalia and the U.S. government have agreed to this aid suspension.” He said that the pause in assistance was part of his government’s effort to fight corruption by tackling misconduct and opening the door to accountability. “We have done a study that made it possible to find out the challenges against rebuilding our national army, including diversion of soldiers’ salaries, lying about the list of the active and alive military personnel, and as a result, we have jointly decided to suspend the U.S. aid to parts of Somalia’s military for a few weeks until we improve and fix the errors,” Khaire said. Mattis ‘sure’ of progress On Friday, U.S. Secretary of Defense Jim Mattis said that he was optimistic about improving Somali accountability concerning the distribution of American aid to Somali armed forces. “I’m sure we can get this thing under control, even if it’s not for the whole, but for parts of it,” Mattis told reporters at the Pentagon. Despite the aid suspension, Khaire said his government was confident that it had gained the trust of both Somali people and its international partners. “In the light of the recent IMF [International Monetary Fund] and World Bank reports on Somalia and the work we have so far done, we are confident that we have gained the trust of the Somali people and our international friends,” he said. For nearly two decades, Somalia has been among the world’s most corrupt countries, topping the list made by the corruption monitoring group Transparency International. Nepotism, favoritism, bribery and aid embezzlement have been commonplace across all sectors, making many citizens believe that corruption is a normal way of life. VOA
-
MOGADISHU– Several senior Al-Shabaab militants were killed in a drone strike on the outskirts of the coastal city of Kismayo in southern Somalia. A military official who prefers not to be named said several strikes hit an Al-Shabaab base in Berhani location, some 60 km south of Kismayo, killing several senior militants. Residents of Berhani location said there were huge explosions early hours of Saturday. “We heard huge explosions and the earth was shaking. We are told Al-Shabaab base was hit by American drones,” a resident said. “The strike hit the base where the militants were meeting leading to several casualties,” the military officer from the Somalia National Army said but did not indicate any figures. There is no official confirmation from the U.S. Africa Command (Africom) yet. Africom, which has been using drones to attack Al-Shabaab and the Islamic State (IS), carried out at least ten strikes in southern and northern Somalia in November. The strike came barely a week after another hit a minivan suspected to be ferrying explosives in Lower Shabelle region. Somalia’s defense minister Mohamed Ali Haga told journalists on Friday the country needed more U.S. drone strikes to counter the militant groups in the country as African Union forces begin to exit the country this month. “The Somali security sector is still disorganized. And we need more drone strikes because a drone can strike the snake in the head.” Xinhua
-
Chairman of the Somaliland Diaspora Agency at the Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of the Republic of Somaliland Mr. Abdi Abdullahi Hersi (Dayaxweerar), his fellow executive team and the entire staff members of the Diaspora Agency sends their earnest congratulations to the new cabinet of the ministers appointed by the President H.E. Muse Behi Abdi on the Thursday 14th December, 2017. “On behalf of my name and the name of the Somalilanders in the Diaspora worldwide as well as my respected coworkers at the Diaspora Agency, I am earnestly congratulating and praising the new President elected His Excellency Muse Behi Abdi, the Vice President Abdirahman Abdillahi Ismail (Saylici), and the new cabinet of the ministers the President appointed to serve the nation, and speed up the country’s national development processes. I wish them good luck and all the best Insha Allah for the development, and prosperity of the Republic of Somaliland,” said the Chairman speaking to the Communication Staff of Somaliland Diaspora Agency. Chairman Abdi Abdullahi Hersi highly commended the resolutions emerged from the first meeting of the new cabinet presided by the president to be the most remarkable and noteworthy in the history of Somaliland. “In addition to this, I have to pass my good wishes and applaud our new president Muse Behi Abdi, and the new government in general for the momentous decisions the cabinet passed in their first session which is much-admired, and actually reflects faithful characteristics of sovereignty, solidarity, responsive command, and the true goodwill the people of Somaliland are in need of,” said the Chairman. Statement Released by Somaliland Diaspora Agency on the Saturday, 16th Dec, 2017
-
Si loo ogaado, qaabka ay waxbarashadu ugu socoto gobolada kala duwan ee Puntland, horumarka iyo caqabadaha jira waxay Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare ee dawladda Puntland ay xoojisay hannaanka u kuurgalidooda,tallaabadaas oo sidoo kale dhabada u xaaraysa in la ogaado baahida dhabta ah ee ka jirta, deeganada fog fog iyo in la adkeeyo meelaha dabacsan. Agaasimaha guud ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliint sare dawladda Puntland oo ay wehliyaan Madaxa Manahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Nuur Ciiro iyo saraakiil ka tirsan Wasaarada ayaa kormeer iyo qiimayn ah ku maray gobolada ,hailand iyo Sanaag waxaana deegaanada iyo degmooyin uu tagay uu kula kulmay bahwada waxbarshada oo ay ugu horeeyaan guddoomiyayaasha Waxbarasahada gobolka, iyo gudoomiyaha Waxbarashad Degmada Badhan , kormeerayaasha, maamulayaasha, macalllimiinta, ardayda iyo waalidiinta Gobolka Sanaag. Waxana halkaa Gobolka Sanaag ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Murwo Xayaad Maxamud Maxame iyadoo ka warbixisay Xaladaha Waxbarashada Gobolka Sanaag. Kormeerka oo maalmo qaatay waxa uu ka bilaabay magaalada Qardho, halkaas oo kulamo kala duwan oo qiimayn ah kula qaatay bahda waxda waxbarshada oo u xog waramay dhammaan baahiyaha jira ee dhanka waxbarashada iyo horumarka la sameeyay, intaasi kadibna waxa uu ugu sii gudbay Degmada Hadaaftimo. Agaaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarshada dawlada Maxamed cabdulaaqir cismaan ayaa waxaa uu u mahad celiyey bulshada reer Sanaag Kana dhagaysatay Warbixino iyo caqabadaha hortagan Waxbarashada dhinaca kale agaasimaha ayaa Booqday Jaamacada Maakhir oo meel fiican maraysa. Gobolka Sanaag ee Puntland waxa uu ka mid yahay gobolada waxbarashadiisa kor u soo kacayso muhiimna u ah waxbarashada Puntland waxaa sandkaan goobaha waxbarasho u dareeray in ka badan kumaan kun oo arday oo iskujra Dugsiyada hoose\dhaxe iyo kuwa sare iyo Jaamacada Maakhir. Waftiga uu hogaaminayo agaasimaha Guud iyo gudoomayaha Waxbarashada Gobolka Sanaag ayaa booqday dugsiyada sare Al Furqaan Badhan,Dugsiga sare Al Nuur Badhan, Hadaftimo secondary iyo Dugsiga Hoose dhaxe Al Raxma ee agoonta dhamaan la kulmay maamulayasha Dugsiyadaas iyo iskuulo kale oo badan oo kuyaal degaanka. Agaasimaha ayaa kala hadlay arimaha waxbarashada iyo lacagtii loo qoondeeyey wadada Ceel Daahir. Kormeerka degaanada fog fog ayaa ah kii ugu balaarna oo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ku tago xiligii ka dib Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax siciid Juxaa kormeerkaa oo ahaa xiligaa 2013kii. Agaasime Maxamed C\Qaadir Cismaan aya noqday shakhsigii labaad oo si rasmi ah u taga degaanada fog fog oo ah Gobolka Sanaag iyo Haylaand si u soo ogaado Baahiyaha Waxbarashada ka jira iyo hormarka laga samayeyey. Hoos ka Daawo sawirada
-
Dhowr sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab ayaa ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha drons-ka ka fuliyeen nawaaxiga magaalo xeebeedda Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya. Sarkaal diiday magaciisa ayaa sheegay in tiro duqeymo ah lagu garaacay saldhig ku yaalla degaanka Beerxaani oo 60km koonfur uga beegan magaalada Kismaayo,taasoo ay ku dhinteen dhowr sarkaal oo Al-shabaab ah. Dadka degaanka Beerxaani ayaa soo weriyey qarax weyn oo laga maqlay saldhigga saacadihii hore ee Sabtidii shalay. “Waxaan maqalnay qaraxyo waaweyn oo dhulka gariiriyey,waxaana na loo sheegay in saldhigga Al-shabaab ay weerareen diyaaradaha drons-ka Maraykanka”,ayuu yiri mid kamid ah dadka degaanka. “Duqeymaha waxaa lagu garaacay saldhig ay dagaallamayaashu isku uruursanayeen,taasoo keentay tiro khasaare ah”,sidaasi waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya,laakiin ma xusin tiro sugan. Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaan ilaa iyo hadda xaqiijin weerarka,inkastoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drons-ka Maraykanka ay kordhiyeen duqeymahooda,kuwaasoo ugu yaraan 10 weerar oo cirka ah ku qaaday koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya bishii Nov ee sannadkaan. Duqeynta ayaa timid todobaad kadib markii duqeyn kale lagu burburiyey gaari looga shakisanyahay in uu qaraxyo siday gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Maxammed Cali Xagaa,ayaa jimcihii sheegay in Soomaaliya u baahantahay in la kordhiyo duqeymaha diyaaradaha drons-ka si loo jebiyo Al-shabaab,xilli ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay bilaabayaan in ay dalka ka baxaan bishaan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Duqeyn ka dhacday Soomaaliya oo lagu dilay saraakiil sare oo Al-shabaab ka tisan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo kamid ah Xildhibaanada aqalka sare ayaa ku fashilmay ololo xoogan oo uu ku doonayey in lagu kala gooyo Maamulka Galmudug oo ay ku midoobeen dhawr beel oo dagto Gobolada Dhexe. Xildhibaan Dhagey oo kulan xasaasi ah kula yeeshay Magaalada London odayaal ka tirsan Beesha Duduble ayaa usoo bandhigay qorsho lagu kala qeybinayo Maamulkaas. Dhagey ayaa Duduble usoo bandhigay Maamul lagu mideenayo Beelaha Duduble Murusade iyo Waceysle isla markaasna meesha looga saarayo Beesha Habargidir. Qorshaha Dhagey ayaa ka dhigan in Galmudug loo dhaafo beelaha Habargidir isla markaasna maamul kale oo ka gooni ah loo sameeyo seddexdaas Beel. Odayaashii Duduble ee uu qorshahaas u bandhigay ayaa si weyn uga hor imaaday, waxayna u sheegeen inay Beesha Duduble waligeed wax la qeybsan jirtay Habargidir isla markaasna aysan hadda diyaar u aheyn inay isaga baxaan. Waxaana uu Dhagey goobta kala tagay waji xumo. Mid kamid ah odayaashii ka qeybgalay kulankaas ayaa tilmaamay inay Odayaasha dhan la yaabeen qorshaha uu wado Dhagey, waxayna ku tilmaameen inuu yahay nin aan marnaba dooneyn in la mideeyo Maamulka Galmudug. ” Wuxuu odayaasha usoo bandhigay in maamulka Galmudug la kala qeybiyo isla markaasna ay Beesha Duduble joojiso wax la qeybsiga Beesha Habargidir, waana ka hor imaanay dhammaanteen” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii ka qeyb galay oo diiday in magaciisa lagu xuso warbixintaan. ” wuxuu ahaa qoshahaas mid aan dan ugu jirin Galmudug iyo Beesha Duduble, si cad ayaana ugu sheegnay inuu joojiyo tallaabadaas, sidoo kalana waxaa isaga ku eedeenay inuusan Beeshiisa waxba u qaban intii uu xilkaas hayey, tallaabadaana waxay aheyd mid la yaab ku noqotay Beesha oo dhan” ayuu sii raaciyey. Sidoo kale xogta aan heleyno ayaa sheegeyso inuu Ugaas Dhagey qorshahaan usoo bandhigay Beesha Mareexaan, balse arrintaas wuu ku guuldareystay kadib markii ay beeshaas u cuntami weysay qorshaha uu Dhagey wado. Xildhibaan Dhagey ayaa beesha Duduble waxay ku eedeeyaan inuusan waligiis wax u qaban tan iyo markii uu xilkaas qabtay, waxaana la aaminsan yahay inuu kursigaas danihiisa ugu adeego halkii uu Beesha wax ugu qaban lahaa. Ugu dambeyntii Dhagey oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska ayaa la dhibtoonayo in loo cusbooneysiiyo sharcigiisa Ingiriiska kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen Beesha Duduble oo ku eedeeyey inuu dhibaato badan ka geystay Beesha dhexdeeda. The post Xog: Xildhibaan Dhagey oo Beesha Duduble usoo bandhigay qorshe halis ku ah jiritaanka Maamulka Galmudug appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gladys Duneebon,waa sarkaalad Boolis ah,waxaa ay u dhalatay Dalka Ghana,waxaa Soomaaliya la keenay 8 bilood ka hor,si ay uga mid noqoto Booliska Ghana ee jooga Soomaaliya. Duneebon,waxaa ay ka sheekeyneysaa muddadaas ay joogto Soomaaliya,gaar ahaan Muqdisho,waxaa xirfaddeeda ku kordhay in ay noqoto Wade gawaarida mid ka mid ah kuwa ugu adage e Ciidanka oo ay nadir tahay in ay Haweenka ka xeeyaan. “waan ogahay in Soomaaliya yahay dal dagaal,ma aqaan waxa aan kala kulmi doono,waxaan rajeynayaa in aniga oo nabad qabana aan dalkeyga ku laabto,shaqadeydana dhameysto,waxaa ay ku darmi doontaa khibraddeyda shaqo ee 22ka Sano ee Ciidanka ah”,ayey tiri. Hadda waa Taliyaha Saddex Saldhig Boolis oo ku yaalla Muqdishowalina waa mid ka mid ah Wadaha Gaari nooca APC (Armoured Personnel Carrier). Waxaa iyaga oo koox ah ay tababaraan Booliska Soomaaliya,Ciidamada Booliska ee Soomaaliya waxaa ay iyada u yaqaanaan mamba,waxaa ay ka xeysaa Gaarigan APC xilliyada howgalka wadajirka ah ay sameynayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Dhinaca kale nolosheeda askarta dhexdeeda waa madadaaliso,waxaa ay mar kasta ka qoslisaa askarta ay wada shaqeynayaan,marka ay ka soo laabtaan howlgallada waxaa ay kula kaftantaa afkeeda Ghana ee hodonka ah. mamba ,waa Gabar ad adag ,maxaa yeelay Gawaarida ay Ragga ka xeeyaan ayaa lagu amray in ay 10 maalmood ku barato ka xeyntooda, wey ku adkeyd laakiin wey ku guuleysatay ugu dambeyntii. APC,waddamada colaadaha waxaa ku ka xeeya Ragga kaliya,laakiin Gladys , waxaa ay ku faraxsan tahay in ay ka mid tahay saddex Haween ah oo ku jira AMISOM wadayaalna ka ah Gaarigaas,waxaa ay kala yihiin mid kale oo Ghana u dhalatay oo Muqdisho jooga iyo mid Kenyaan ah oo Kismaayo joogta. “mataqaannaa sida aan ugu faraxsanahay oo ay gaar iigu tahay in Rag ay gadaasheyda fadhiyaan,oo ay iga sugaan in aan aniga dhaqaaqo kaddibna ay dhaqaaqaan,ma qiyaasi kartid sida ay sharaf iigu tahay arrintan”,ayey tiri Gladys . Waxaa ay sheegtay in Ragga ay is hayaan ee Al-shabaab ay u sahlan tahay in ay bartilaameed u noqoto waayo waa Darawal,Ragga iyada la shaqeeya waa Rag,waxaana ay leeyihiin wixii ay kala helaan. “Bishii June waxaan dul maray Miino dhulka ah,waxaa gabi ahaan bur buray Gaarigii aan waday,dhaawac ayaa I soo gaaray Bowdada ,nasiib ayaan lahaa in aan ka baxsado”. Dhinaca kale waxaa ay hoggaamisaa koox Saraakiil Boolis AMISOM ah oo tababara Booliska Soomaaliya,waxaa ay sidoo kale dabagalaan shaqada Booliska Soomaaliya. “saddexda Saldhig, waxaan ilaa hadda tababarnay 180 Askari oo Soomaali ah, mararka qaar Booliska Soomaalida waxaa ay ku guul darreystaan in ay nala shaqeeyaan,mararka qaarna waxaaba ay diidaan amarradeenna,mana qasbi karno, waxaa ay ku doodaan in aysan heysan kheyraad ku filan, waxaan isku dayaa in aan qanciyo oo aan aniga mas laxeeyo ilaa ay ku soo laabtaan tababarka maaddaama aan xoog ku lahayn”,ayey sii raacisay hadalkeeda. Gladys,waxaa ay sheegtay in ay ku faraxasan tahay in howlgalkii ugu horreeyay meel ka baxsan dalkeeda ay ka sameyso,waxaana ay sheegtay in ay ku faaneyso shaqadeeda. Isha: The Star . Turjumay:Adam Ibrahim Farah “Showqi” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gabar u dhalatay Ghana oo Taliye ka ah 3,Saldhig Boolis oo ku yaalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Maalmahan waxaa ay dood adag u dhaxeysaa culimaa’udiinka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, arrintan waxaa ay soo ifbaxday dhowr jeer markii uu Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ka hadlay mooshin ay mucaaradka wadaan iyo in la taageero dowladda federaalka ah, taasi oo keentay in culimada lagu tuhmo in ay yihiin culimo lagu adeegto, oo isku qasaayo siyaasadda iyo diinta. Hadaba Idaacadda Goobjoog ayaa Sheekh Nuur Baaruud Iyo Sheekh Cali Wajiis kala hadashay eedeynta mucaaradka, waxaan sidoo kale arrintan wax ka weydiinay Xildhibaan Mahad Salaad. Goobjoog News ayaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan weydiisay in uu isku badalay culimada Salaadiinta oo ay madaxda ay ku adeegtaan? Sheekh Nuur“Culimadii salaadiinta Ma noqon, culmimadaas waa kuwoo lagu yaqaano in qofka madaxda ah u adeegaan , kabaha u qaadaan, daba dhilif u noqdaan, xaqa baadil u rogaan, kuwaasi ma noqoneyno, dadnimada ayaa ii diideyso, da’ada aan diinteyda ku gato ma joogo, dabeecadeydu ma keeneyso..hadda maanta haddii dowladdan cusub xumaan sameyso, taan ku dhigi doona waad ogaan-doontaa” Goobjoog News ayaa sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud weydiisay, maxaa Kaa hadalsiinaya? Sheekh Nuur Baaruud“Annaga waxaan leenahay Xukumadda yaan la radin, in qaranka uu tillaabsan waayo, oo la hor istaago waa munkar, in shisheeye lacag laga soo qaato waa munkar, munkarka Khamri iyo Zino keliya ma aha, raggan fool-xumo ka jooga ayaan leenahay, innaga mooshin hagaajin, toosin iyo baraarujin ah ma diidanin, dowladda oo labo bil ayey mooshin keeneen, in aaney tillaabo qaadin ayey rabaan, ma anfaceyso, wax na hor istaagi karo ma leh…ceebtiina alle ma astrin ayaan leenahay, ee dalka ka leexdo, dowladdan waa difaaceynaa, tan dambana waa difaaceynaa”. Goobjoog News ayaa ugu dambeyntii Sheekh Nuur Weydiisay Adiga Maxay tahay doorkaada siyaasadeed ee dalka? Sheekh Nuur Baaruud“Horta dadka siyaasad ma fahamsano, waxaa ay u hesytaan siyaasadda nin sigaar iyo khamri cabo, oo shaarib weyn, siyaasadu waxaa ay u yaqaanaan been iyo iska daba wareeg, siyaasadda waa maamul oo anbiyadii ayaan wax maamuli jiray, wadaad siyaasad kama hadli karo, waa been aad iska dhaadhiciseen, Sheekha siyaasad waa ka hadli karaa, siyaasad waa qaban karaa..siyaasadda beenta iyo qurunka ayaan ka dhex-saareynaa, siyaasad nadiif ah ayaan ka dhigeynaa, aniga siyaasi muslim ayaan ahay, wadanka maslaxdiisa ayaan ka hadlayaa ee iska ooya’. Sheekh Cali Wajiis ayaa isna weydiinay isla su’aalihii hore ee ahaa: Ma Waxaad Isku badasheen Culimada Salaadiinta? Sheekh Cali Wajiis: “Maya, iskuma badalin adeer, waxaan ku hadleyno waa qowlkii ilaahey, dowladnimo iyo midnimada in la xoojiyo ayaan wadnaa, haddii aan culimada suldaanka nahay kursi ayaan raadsan laheen, maal ayaan raadsan laheen, waxaan ka soo horjeednaa mooshin iyo in dowladda la dumiyo” “Ma aha markii ugu horeysay arrinkan, xilligii Xasan Sheekh waxaa noo yeeray madaxweynaha, waad weydiin kartaa Xasan Sheekh, Faarax Sheekh Cabdiqadir iyo Cabdikarim Guuleed, waxaa ay naga codsadeen in aan mucaaradka kala hadalno oo mooshin joojinno, Sheekh kasta waxaa loo diray kooxdiisa sida Ictisaam, Islaax Iyo Aal-Sheekh”. Seekh Cali Wajiis waxaa uu Xildhibaannada ku eedeeyay in aaney qaban shaqadii loo doortay “Xildhibaannada Mucaaradka ah, waxaa laga rabay in dastuurka dhameystiraan, in ay golaha dhex-diisa Xisbiyo ku fadhiyaan, dhameysitaan sharciyada xisbiyada, in deegaannadooda Al-shabaab ka xoreeyaan, dib u heshiisiin ka filiyaan…ee waxaa ay ku mashquulsan yihiin mooshin…adeer arrintaas waa fasahaad” Mar aan su’aal ka weydiinay Maad Diin Faafis Ku Ekaataan, oo Siyaasadda dadkeeda u deysaan? “Qofka sidaasi dhahaayo, waa mid aan waxba ogeyn, diinta waxaa ay u soo degtay in lagu dhaqmo, dadka wanaagga la faro, xumaantana laga reebo, in aan umadda u sheegno mooshinka in uu mashruuca wadaniyadda dhibaayo maxaa ku jaban, dadka arrimahaas buun-buuninaayo waa calmaaniyiin”. Dhinaca kale, Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaan wax ka weydiinay sida uu u arko jawaabaha ay bixiyeen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Cali Wajiis Xildhibaan Mahad Salaad oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yiri “Horta mooshin baarlamaanka isaga ayaa xaq u leh, oo iyaga waxba lagama weydiinaayo, teeda kale mooshinka ay sheegayaan, oo ay culimada wad-wadaan aaway maba aragnee, Sheekha waa run siyaasad waa ka hadli karaa, laakin in la adeegsado ayaa daran, oo siyaasad iyo diin isku daraan”. Xildhibaan Mahad Salaad oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Hadda culimada waxaa ay ka hadlayaan ma aha ra’yi diini ah ee waa ra’yi siyaasadeed, waxaa fiican in ay bannaanka is keenaan, shaarka diinka ha iska dhaafaan, cid uma diideyso siyaasade”. Doodda waa Socotaa……….Ee Mar walba la soco Caasimadda Online Xigasho: Idaacadda goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post “Siyaasadda nin sigaar iyo khamri cabo, oo shaarib weyn maahan” Sheekh Nuur Baaruud oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Xubno ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamanaka Somalia, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/llahi uu si cad u diiday in BFS uu ku taageero awoodaha loogu talo galay Aqalka Sare. Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo kulamo hordhac ah la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi si ay u xaliyaan xiisada kala dhexeysa Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu diiday in muddo intaa kabadan uu BFS uga aamuso isticmaalka awoodihii loogu talo galay Aqalka Sare. Xildhibaanada ayaa la sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi ay ku qancin waayen in la fasaxo Shirka Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada maamulada ee ka dhacaaya magaalada Baydhabo inta xal muuqda ay ka gaarayaan labada Gole, hase ahaatee waxa uu sheegay inaanu dhici doonin arrinkaa. Cabdi Xaashi, waxa uu ku andacooday in muddo dhowr jeer ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uga aamusay khaladaad ay ku dhaqmeen, hase ahaatee uu ka dhamaaday sabarka. Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxa uu tilmaamay keliya inay ku qanci doonaan in la kala saaro sharciyada labada Gole oo u muuqda kuwo isku khaldan, waxa uuna cadeeyay inay qaadan doonaan khaladaadkooda waa haddii ay jiraan qodobo ay si khaldan u isticmaalayaan. Dhawaan ayey aheyd markii qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare lagu dalbaday in lagu hakiyo shirka Guddoomiyayaasha Baarlamaanada maamulada ee ka dhacaaya magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaano ku fashilmay qorsho lagu xalin lahaa xiisada u dhexeysa C/xaashi & Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Jaamacad ku taallo Nageria ayaa waxay u diiday gabar arday ah oo Muslimad ah, dhigatana kulyadda xuquuqul insaanka inay soo xaadirto xaflad lagu qabanayey gudaha kuliyadda. Sababta gabadhaan looga celiyey inay soo gasho hoolka xafladda ay ka dhaceyso ayaa lagu sheegay in soo xiratay xijaab ayna khilaaftay sharciyada u yaallo Jaamacadda. Gabadhaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Amaasa Fardowsa waxayna si kadis ah ula kulantay in laga celiyo inay gasho gudaha hoolka Jaamacadda ee Alorin kuna taallo gobolka Quara ee galbeedka Nigeria, halkaasi oo ay ka dhaceysay xaflad gabadhaan ayaa madaxa ku soo daboolatay xijaab waxayna ka hor imaaneysaa sharciyada jaamacadda u dagsan. Fardowsa yaa diiday codsiga mas’uuliyiinta Jaamacadda oo ahaa inay siibto xijaabka, waxayna ku adkeysatay inay ka dul xiraneyso tin buroko ah xijaabka dushiisa ayna siibeyn sidaasi waxaa sheegay warbaahinta Nigeria. Jaamacadda ayaa ku adkeysatay go’aankeeda waxayna hoosta ka xariiqday in gabadhaan ardayadda ah ay sharciga direyska kulyadda . Fardowsa ayaa dhankeeda ku tilmaantay waxaa ay sameyneyso jaamacadda inay ka dhigantahay inay ku tumaneyso xaquuqda ay laheyd. Dhacdadaani ayaa waxaa aad u hadal haya warbaahinta Nigeria sidoo kale waxaa ay ku faaftay baraha bulshada ay ku xariirto ee gudaha Nigeria. Dadka isticmaalo baraha bulshada ee Nigeria ayaa waxay la safteen gabadhaan iyaga oo muujiyey inay ku dhaganaato go’aankeeda ilaalisana xaquuqdeeda,halka qaar kale ay leeyihiin waa in ay u hogaansanaantaa sharciyada u yaallo jaamacadda. Goobjoog News Source
-
Maalmahan waxaa ay dood adag u dhaxeysaa culimaa’udiinka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, arrintan waxaa ay soo ifbaxday dhowr jeer markii uu Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ka hadlay mooshin ay mucaaradka wadaan iyo in la taageero dowladda federaalka ah, taasi oo keentay in culimada lagu tuhmo in ay yihiin culimo lagu adeegto, oo isku qasaayo siyaasadda iyo diinta. Hadaba, Goobjoog News ayaa Sheekh Nuur Baaruud Iyo Sheekh Cali Wajiis kala hadashay eedeynta mucaaradka, waxaan sidoo kale arrintan wax ka weydiinay Xildhibaan Mahad Salaad. Goobjoog News ayaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan weydiisay in uu isku badalay culimada Salaadiinta oo ay madaxda ay ku adeegtaan? Sheekh Nuur“Culimadii salaadiinta Ma noqon, culmimadaas waa kuwoo lagu yaqaano in qofka madaxda ah u adeegaan , kabaha u qaadaan, daba dhilif u noqdaan, xaqa baadil u rogaan, kuwaasi ma noqoneyno, dadnimada ayaa ii diideyso, da’ada aan diinteyda ku gato ma joogo, dabeecadeydu ma keeneyso..hadda maanta haddii dowladdan cusub xumaan sameyso, taan ku dhigi doona waad ogaan-doontaa” Goobjoog News ayaa sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud weydiisay, maxaa Kaa hadalsiinaya? Sheekh Nuur Baaruud“Annaga waxaan leenahay Xukumadda yaan la radin, in qaranka uu tillaabsan waayo, oo la hor istaago waa munkar, in shisheeye lacag laga soo qaato waa munkar, munkarka Khamri iyo Zino keliya ma aha, raggan fool-xumo ka jooga ayaan leenahay, innaga mooshin hagaajin, toosin iyo baraarujin ah ma diidanin, dowladda oo labo bil ayey mooshin keeneen, in aaney tillaabo qaadin ayey rabaan, ma anfaceyso, wax na hor istaagi karo ma leh…ceebtiina alle ma astrin ayaan leenahay, ee dalka ka leexdo, dowladdan waa difaaceynaa, tan dambana waa difaaceynaa”. Goobjoog News ayaa ugu dambeyntii Sheekh Nuur Weydiisay Adiga Maxay tahay doorkaada siyaasadeed ee dalka? Sheekh Nuur Baaruud“Horta dadka siyaasad ma fahamsano, waxaa ay u hesytaan siyaasadda nin sigaar iyo khamri cabo, oo shaarib weyn, siyaasadu waxaa ay u yaqaanaan been iyo iska daba wareeg, siyaasadda waa maamul oo anbiyadii ayaan wax maamuli jiray, wadaad siyaasad kama hadli karo, waa been aad iska dhaadhiciseen, Sheekha siyaasad waa ka hadli karaa, siyaasad waa qaban karaa..siyaasadda beenta iyo qurunka ayaan ka dhex-saareynaa, siyaasad nadiif ah ayaan ka dhigeynaa, aniga siyaasi muslim ayaan ahay, wadanka maslaxdiisa ayaan ka hadlayaa ee iska ooya’. Sheekh Cali Wajiis ayaa isna weydiinay isla su’aalihii hore ee ahaa: Ma Waxaad Isku badasheen Culimada Salaadiinta? Sheekh Cali Wajiis: “Maya, iskuma badalin adeer, waxaan ku hadleyno waa qowlkii ilaahey, dowladnimo iyo midnimada in la xoojiyo ayaan wadnaa, haddii aan culimada suldaanka nahay kursi ayaan raadsan laheen, maal ayaan raadsan laheen, waxaan ka soo horjeednaa mooshin iyo in dowladda la dumiyo” “Ma aha markii ugu horeysay arrinkan, xilligii Xasan Sheekh waxaa noo yeeray madaxweynaha, waad weydiin kartaa Xasan Sheekh, Faarax Sheekh Cabdiqadir iyo Cabdikarim Guuleed, waxaa ay naga codsadeen in aan mucaaradka kala hadalno oo mooshin joojinno, Sheekh kasta waxaa loo diray kooxdiisa sida Ictisaam, Islaax Iyo Aal-Sheekh”. Seekh Cali Wajiis waxaa uu Xildhibaannada ku eedeeyay in aaney qaban shaqadii loo doortay “Xildhibaannada Mucaaradka ah, waxaa laga rabay in dastuurka dhameystiraan, in ay golaha dhex-diisa Xisbiyo ku fadhiyaan, dhameysitaan sharciyada xisbiyada, in deegaannadooda Al-shabaab ka xoreeyaan, dib u heshiisiin ka filiyaan…ee waxaa ay ku mashquulsan yihiin mooshin…adeer arrintaas waa fasahaad” Mar aan su’aal ka weydiinay Maad Diin Faafis Ku Ekaataan, oo Siyaasadda dadkeeda u deysaan? “Qofka sidaasi dhahaayo, waa mid aan waxba ogeyn, diinta waxaa ay u soo degtay in lagu dhaqmo, dadka wanaagga la faro, xumaantana laga reebo, in aan umadda u sheegno mooshinka in uu mashruuca wadaniyadda dhibaayo maxaa ku jaban, dadka arrimahaas buun-buuninaayo waa calmaaniyiin”. Dhinaca kale, Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaan wax ka weydiinay sida uu u arko jawaabaha ay bixiyeen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Cali Wajiis Xildhibaan Mahad Salaad oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yiri “Horta mooshin baarlamaanka isaga ayaa xaq u leh, oo iyaga waxba lagama weydiinaayo, teeda kale mooshinka ay sheegayaan, oo ay culimada wad-wadaan aaway maba aragnee, Sheekha waa run siyaasad waa ka hadli karaa, laakin in la adeegsado ayaa daran, oo siyaasad iyo diin isku daraan”. Xildhibaan Mahad Salaad oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Hadda culimada waxaa ay ka hadlayaan ma aha ra’yi diini ah ee waa ra’yi siyaasadeed, waxaa fiican in ay bannaanka is keenaan, shaarka diinka ha iska dhaafaan, cid uma diideyso siyaasade”. Doodda waa Socotaa……….Ee Mar walba la soco Goobjoog News Goobjoog News Source
-
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaaanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali kheyre in ay la timaado nidaam siyaasadeed oo lagu hagayo wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaali-land. Isagoo ka hadlayay xiritaanka Kalfadhigii labaad ee Golaha shacabka baarlamaanka Soomaliya ayuu sheegay Jawaari in loo baahan yahay in laga mira dhaliyo wada-hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland,madaama lagu guuldareystay sanadihii dambe. “Xukuumadda Soomaaliya waxaa loogu fadhiyaa in ay soo noolayso wada-hadalkii Somaaliya iyo Somali-land, oo laga baxo habkii hore ee lab-laabka ahaa islamarkaana raisulwasaare Xasan Cali Kheyre Xukuumadiisa la timaado nidaam siyaasadeed oo lagu hagayo wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland”, ayuu yiri Gudoomiye Jawaari. Dhowr jeer waxaa fashilmay wada-hadaladda Soomaaliya iyo Soomaaliland iyadoo labada dhinac ay eedeemo isku jeediyeen. Hoos ka Dhageyso Codka Jawaari http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Jawaari.mp3The post Jawaari”Xukuumada hala Timaado Nidaam Lagu Hago Wada hadalada Soomaaliya&Soomaaliland” appeared first on Puntland Post.
-
Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen inay ahaayeen dad maxaabiis ah. Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in dadkaas markii la laayeen ka dib lagu riday meel god ah. Inkastoo aysan eedeyntaas xaqiijin ismaamulka Oromiya, ayey haddana dad goobjoogeyaal ah sheegayaan in tiradu ay intaas ka badan tahay. Waxaa kale oo aan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya eedeynta. Mid ka mid ah dadka ka qaxay degmada Daaro Labbo ee Gobolka Jiro oo ka tirsan deegaanka Baali oo ah halka ay dhibaatada ka dhacday ayaa BBC u sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen dad boolisku isugu keenay xero askareed si aysan waxyeello u soo gaarin oo loo badbaadiyo. Qofkaas oo ah nin codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni dartood wuxuu sheegay in uu ka baxsaday dilka oo uu isaga iyo laba ilmood oo uu dhalay ay joogaan meel buur ah, halka xaaskiisa iyo afar caruur ahna uusan war ka hayn meel ay ku dambeeyaan. Wuxuu intaas ku daray inay jiraan guryo la gubay. Jawaabta Oromada: Madaxa Jaaliyadda Oromada ee Canada oo BBC la soo xiriiray ayaa isna sheegay in ay dad ku dhinteen halkaas, hase yeeshee si kale ayuu arrinta u dhigay. Wuxuu sheegay in, sida ay maqleen iyagu, ciidanka Liyuu Booliska ay rasaas ku fureen dad Oromo ah oo ay dileen 33 qof, ka dibna nin uu walaalkiis ka mid ahaa dadkii la dilay oo caraysan uu isna rasaas ku furay dad Soomaali ah. Wuxuu intaa ku daray in aysan fiicnayn in aargoosi la isu laayo, wuxuuna labada dhinac ka codsaday in ay dhibaatada ku xalliyaan qaab dhaqanka waafaqsan. Weli xukuumadda federaalka ee Itoobiya iyo ismaamulka Oromiya midkoodna kama uusan hadlin dhibaatadan. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Soomaalida Itoobiya oo eedeeyn u Jeediyay Oromada iyo Oromada oo ku jawaabtay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Xukuumada Somalia ku amray inay soo gudbiso Dukumiinti ka turjumaaya hanaanka ay Somalia uga howlgalaan ciidamada Somalia. Guddoomiye Jawaari waxa uu qoraal uu u diray Xukuumada ku faray inay inay soo gudbiyaan liiska ciidamada AMISOM iyo warbixin guud oo ka turjumeysa tirade guud ee ciidamada. Jawaari waxa uu sheegay inaan la garaneynin tirade ciidamada ku sugan dalka maadaama ay jiraan ciidamo farabadan oo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii uu ka idlaaday wakhtiga. Waxa uu Guddoomiyaha tilmaamay in baarlamaanka Somalia uu xaq u leeyahay inuu la socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada shisheeye, sidaa aawgeedna Xukuumada looga fadhiyo soo gudbinta cadadka ciidamada kuwa jooga iyo kuwa iminka bixi doona. Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari waxa uu ku baaqay in lasoo dadajiyo soo gudbinta waxa uuna cod dheer ku sheegay in baarlamaanka uu sameyn doono la socodka ciidamada shisheeye. Baarlamaanka Somalia ayaa dayacay la socodka dhaqdhaqaaqa shisheeyaha ku sugan Somalia, waxa ayna tani u muuqataa in iminka lagu soo baraarugay. Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaaya xili uu jiro isku dhexyaac dhanka ciidamada Shisheeye, waxa ayna tani ka danbeysay kadib markii lagu dhawaaqay in ciidamada AMISOM qeybqeyb looga saarayo Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Jawaari oo amar dul dhigay Xukuumada Somalia & Arrin la dayacay oo dib loo baaraayo (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Several senior Al-Shabaab militants were killed in a drone strike on the outskirts of the coastal city of Kismayo in southern Somalia. A military official who prefers not to be named said several strikes hit an Al-Shabaab base in Berhani location, some 60 km south of Kismayo, killing several senior militants. Residents of Berhani location said there were huge explosions early hours of Saturday. “We heard huge explosions and the earth was shaking. We are told Al-Shabaab base was hit by American drones,” a resident said. “The strike hit the base where the militants were meeting leading to several casualties,” the military officer from the Somalia National Army said but did not indicate any figures. There is no official confirmation from the U.S. Africa Command (Africom) yet. Africom, which has been using drones to attack Al-Shabaab and the Islamic State (IS), carried out at least ten strikes in southern and northern Somalia in November. The strike came barely a week after another hit a minivan suspected to be ferrying explosives in Lower Shabelle region. Somalia’s defense minister Mohamed Ali Haga told journalists on Friday the country needed more U.S. drone strikes to counter the militant groups in the country as African Union forces begin to exit the country this month. “The Somali security sector is still disorganized. And we need more drone strikes because a drone can strike the snake in the head.” Source: – Xinhua The post Senior Al-Shabaab militants killed in Somalia drone strike: official appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s prime minister, Hassan ali-Khaire, said his government had demanded the U.S. briefly suspend aid to much of Somalia’s armed forces in an effort to improve transparency and accountability following corruption concerns. Speaking Saturday to reporters in Mogadishu, Khaire blamed former Somali governments for U.S. concerns about corruption. “In the first month in office, my government stood for the need for Somalia to be governed on transparency principles,” he said. “To ensure such principles, Somalia and the U.S. government have agreed to this aid suspension.” He said that the pause in assistance was part of his government’s effort to fight corruption by tackling misconduct and opening the door to accountability. “We have done a study that made it possible to find out the challenges against rebuilding our national army, including diversion of soldiers’ salaries, lying about the list of the active and alive military personnel, and as a result, we have jointly decided to suspend the U.S. aid to parts of Somalia’s military for a few weeks until we improve and fix the errors,” Khaire said. Mattis ‘sure’ of progress On Friday, U.S. Secretary of Defense Jim Mattis said that he was optimistic about improving Somali accountability concerning the distribution of American aid to Somali armed forces. “I’m sure we can get this thing under control, even if it’s not for the whole, but for parts of it,” Mattis told reporters at the Pentagon. Despite the aid suspension, Khaire said his government was confident that it had gained the trust of both Somali people and its international partners. “In the light of the recent IMF [International Monetary Fund] and World Bank reports on Somalia and the work we have so far done, we are confident that we have gained the trust of the Somali people and our international friends,” he said. For nearly two decades, Somalia has been among the world’s most corrupt countries, topping the list made by the corruption monitoring group Transparency International. Nepotism, favoritism, bribery and aid embezzlement have been commonplace across all sectors, making many citizens believe that corruption is a normal way of life. Source: VOA The post Somalia PM Says His Government Demanded US Aid Cut appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada Somalia ay wado dadaal lagu xaqiijinaayo liiska ciidamada ka tirsan dowlada oo ay ku jiraan kuwo aan sax aheyn. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay hayaan magacyo been ah iyo kuwo dhintay oo lagu qaato mushaaraadka ciidanka kuwaa oo la doonaayo in dib laga saxo. Waxa uu Kheyre sheegay inay dadaal dheer ku bixinayaan sidii loo ogaan lahaa tiradda saxda ah ee Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa uu sheegay in baaritaano badan oo ay sameeyeen in ay soo ogaadeen in ay jiraan Ciidamo badan oo ku jira Liiska Ciidamada oo aan shaqeyn hadana Mushaarqaata. Wuxuu intaa raaciyay inay bilaabeen in ciidamada loo diwaan geliyo si casri ah oo uu sheegay in looga badbaadi karo isdabamarin xuquuq. Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca Somaliy ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu ogaanaayo tiradda iyo tayadda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Ma jiro tiro sax ah oo ay dowlada Somalia ka heyso ciidamada dalka, waxaana jira ku dhowr qof oo hore geeriyooday welina mushaar lagu qaato magacooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre ‘’Waxaan heynaa cadeymaha shaqsiyaad mushaar beena ku qaata liiska ciidamo goor hore dhintay’’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudur ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul dagaal oo uu wado wadaadka Mukhtaar Roobow oo dhawaan la sheegay inuu isku soo dhiibay dowlada Somalia. Abaabulka Mukhtaar Roobow ayaa si xooli ah uga socda magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana lasoo sheegayaa in abaabulka ay qeyb ka tahay maamulka Koonfur Galbeed. Wadaadkan oo dib ugu laabtay magaalada Xudur ayaa la xaqiijiyay in halkaa uu kula kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada Ethiopia oo uu ka dalbaday inay garab muuqda ku siiyaan dagaalka uu kula jiro maleeshiyada al-Shabaab. Saraakiisha Ethiopia ayuu ka dalbaday in lala soo afjaro dhaqdhaqaaqyada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaano ka tirsan Bakool. Xoogaga ka amar qaata Mukhtaar Roobow ayaa iminka ku sugan degaanka Abal, waxa ayna halkaa kawadaan diyaar garow ay ku doonayaan in qeybo kamid ah Gobolka Bakool uga saran al-Shabaab. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa dhawaan shaacisay in ay dagaal ku dileen wiil uu dhalay Mukhtaar Rooboow oo ku sugnaa duleedka degaanka Abal. Sidoo kale, Degaanka Abal ayaa ah meeshii uu tagay Mukhtaar Roobow Markii uu ka baxay al-Shabaab, waxaana deegaankaasi gacanta ku haya Xoogag daacad u ah Roobow. Dhinaca kale, Roobow oo garab ka helaaya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Ethiopia ayaa lagu wadaa inuu qaado duulaan ka dhan ah al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Roobow oo abaabul dagaal ka bilaabay Xudur & Kulan uu albaabada u xiran yahay oo uu la qaatay Saraakiisha Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa dalkeeda ka xirtay qaar ka mida baraha bulshada ay ku xariiraan, kadib markii la sheegay in lagu xoojiyay xiisada ka dhex aloosan Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada. Dowlada oo walaac ka muujisay in baraha loo adeegsado faafinta muuqaalada iyo banaanbaxyada socda ayaa waxa ay gabi ahaanba xirtay baraha kuwooda ugu macquulsan ee leysku weydaarsado xaaladaha taagan. Ethiopia ayaa xirista baraha sabab uga dhigtay inay xoogeysteen iska hor imaadyada u dhaxeeya qoomiyadaha degan daafaha kala duwan ee dalkaasi. Baraha ilaa iyo hadda laga xiray dalka Ethiopia ayaa waxaa kamid ah Facebook iyo Twitter-ka ka dib markii ay soo muuqdeen muuqaallada warbixino ku saabsan in ciidamada amniga ay dileen labo qof oo kusugan gobolka Oromada. Dibadbaxyada looga soo horjeedo dilalka u dhexeeya Qowmiyada Oromada iyo kuwa Soomaalida ayaa waxa ku dhintay ilaa 15 ruux oo ay ku jiraan caruur iyo hawen. Waxaa weli socda dagaal adag oo u dhaxeeya, qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee wada dega gudaha Ethiopia, waxaana laga cabsiqabaa inuu sii xoogeysto dagaalka. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Oromada ayaa Soomaalida Ethiopia ku eedeeyay inay geysteen xasuuq ka dhan ah qoomiyadda Oromo, iyaga oo dil ka waday degmooyinka qowmiyadda 4tii bil ee ugu dambeysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ethiopia oo laga jaray gabi ahaan baraha Bulshada & Dagaalka Soomaalida iyo Oromada oo xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Soomaali Galbeed ee DDSI ayaa ku eedeeyay Oromada Itoobiya iney xasuuqeen shacab badan oo maxaabiis u ahaa. Idiris Ismaaciil oo ah madaxa xafiiska dowlad deegaanka maamulkaasi ayaa sheegay iney dileen Oromada 65 ruux, waxaana dadkaasi uu sheegay in ay ahaayeen maxaabiis badan oo ay heysteen Oromada. Wuxuu tilmaamay Idiris iney tallaab adag qaadi doonaan ka maamul ahaan, islamarkaana ay ka jawaabayaan wixii dhacay. Xiisad ayaa ka jirta deegaanka Gadule iyo deegaanno kale oo ku dhow, waxaana baahay dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo sidoo kale Oromada. Goobjoog News Source
-
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, C/weli Jaamac Gorod ayaa ka hadlay hadal Maraykanka kasoo yeeray oo ah in la musuqay qarashaad uu siin jirey ciidanka xoogga dalka, sidaasi darteedna jaranayo. Wuxuu taliyaha sheegay in isaga shaqsi ahaan aanu la socon wax la musuqay maadaama dhowaan xilkaasi loo magacaabay, haddii wax jiraanna ay tahay wax isaga ka horreeyay. Wuxuu tilmaamay Taliye Gorod in dowladda Federaalka ay dhabarka saran doonto xuquuqda ciidanka xoogga dalka, maadaama markii horeba ciidankaasi ay dowladda qoratay. Sidoo kale wuxuu sheegay taliyaha in ka talis ahaan ay diyaar u yihiin iney ka hortagaan wax walbo oo musuq ah ama keeni kara. “Iney goosteen waan ogahay, laakiin in musuq dhacay ama iskood u goosteen ma ogin, aniga waxaan ballanqaadayaa inaanu dhicin waxaas iyo wax kaleba, wax walbana meeshii loogu talogalay iney maraan ayuu qorshaheena yahay..annaga ayaa isku tashaneyna dowladda Soomaaliya ayaa ciidankaasi qorotay xabadka ayeeyna u dhiganeysaa, wax dhibaato ah oo imaanaya ma jirto” ayuu yiri taliyaha. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna mar uu ka hadlay hadalka kasoo yeeray dowladda Maraykanka wuxuu sheegay inuu ahaa is faham dhexmaray Labada dowladood. Goobjoog News Source
-
Maxamed Maxamuud Caalim oo ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay wax ka qabashada Musuqa, islamarkaana ay jiraan musuqyo muuqda oo aan waxbo laga qaban. Wuxuu sheegay in musuq lagu sameeyay saanad ay lahaayeen ciidanka xoogga dalka, ayna keentay dowladda Maraykanka, taasi oo uu sheegay in ay keentay in Maraykanka hakiyo dhaqaalihii uu ciidanka ku taageeri lahaa. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayuu sheegay in laga doonayo iney iska bari yeelaan waxa dhacay, sidoo kalena la xisaabtan dhab ah lala sameeyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga iyo Taliyahii ciidanka xoogga dalka ee is casilay. “Kolley wey muuqataa in rag madax ah oo xukuumaddan ka tirsanaa ay arrin musuq isku casileen, cid wax ka dhahday malahan, madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaa laga doonayaa iney iska bariyeelaan arrintaasi oo ay la yimaadaan la xisaabtan dhab ah” ayuu yiri Caalim Ugu dambeyn, siyaasi Maxamed Maxamuud ayaa ku taliyey in dowladda Federaalka Soomaaliya aanay yareesan arrimaha la xiriira musuqa oo ay madaxdu ka dhabeeyaan ballanqaadkoodii ahaa la dagaalanka musuqa. Halkaan hoose ka dhageyso: http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/WAREYSI-FALANQEEYE-MAXAMED-MAXAMUUD-OK.mp3Goobjoog News Source
-
Wariye Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) oo muddo Afar Sano ah u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah la keeno magaalada Muqdisho. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleysatay in Boqorka Bartamaha kasoo deyso dowladda Itoobiya, iyadoo dowladdii hore ay marar badan isku dayday balse aanay u suurtagelin. Wariye Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartamaha oo ah Weriye rug cadaa ah ayaa dowladda Itoobiya ku xukuntay 27 sano oo xarig ah. Mar uu wariyahan si kooban ula soo hadlay ehelkiisa ayuu aad ugu mahadceliyey dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay sabab u tahay xorriyadda la siiyey. Sidoo kale dowladdan ayaa ku guuleysatay in maxaabiis aad u badan oo Soomaaliyeed ay sidan oo kale uga soo deyso dalka Itoobiya iyo jasiiradda Seychelles. Goobjoog News Source
-
Dowladda Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa iney xirtey xadka aan rasmiga ahayn ee ay Soomaaliya kala leedahay dhanka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah. Guddoomiyaha degmada Balanballbe, Jaamac Xayle Maxamed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keentay in Itoobiya ay xirto xadkaasi. Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in dadka Labada dhinac kala deggan ay kala dukaameysan jireen, balse hadda dhibaatada ugu weyn ay soo wajahday dadka reer guuraaga ah. “Dadka deegaankaan deggan Labada dhinac waa ay jiraan oo waa dad reer guuraa ah, inta badan dadkii dhanka Itoobiya jiray waxaa loo diiday isku socodkii iyo gaadiidka, dadka waxay biyaha iyo raashiinka ka heli jireen Balnballe balse hadda waa loo diiday, xaaladana waa ay adag tahay” ayuu yiri guddoomiyaha. Lama oga sababta ka dambeysa in dowladda Itoobiya ay xirto xadka dhanka Balanballe. Goobjoog News Source