-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degaanka Galgala ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaadka halkaa degan ay Madaafiic ku garaaceen Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada maamulka Puntland. Maleeshiyaadka ayaa Saldhiga ku garaacay madaafiic gaareysa ilaa Shan oo ku dhacay afaafka hore iyo hareeraha Saldhigga Ciidamada Puntland. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegay in Madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha Saldhiga, wallow aysan sheegin khasaaro rasmi ah. Ciidamada Puntland ayaa dhankooda ku riday tiro Madaafiic ah sida ay sheegen saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland. Buuraha Galgala ayaa waxaa ka howlgala Maleeshiyaad kala duwan oo isugu jira al-Shabaab iyo Daacish kuwaa oo ku go’doonsan buuraha, waxaana xusid mudan in hareeraha ay ka degan yihiin ciidamada maamulka. Geesta kale, xaalada deegaanka Galgala ayaa haatan ah mid degan,waxana la soo sheegayaa in ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Al-shabaabka Galgala oo Madaafiic ku asqeeyay Saldhig ay ku sugnaayen Saraakiil & Ciidamo ka tirsan M.Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay xalay saq dhexe illaa iyo saakay waabarigii deegaanka Gololey ee gobolka Shabellaha Dhexe. Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi, waxaana dagaalka uu socday in ka badan saacad. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan ka dhacay deegaanka Gololey, mana jirto wax war ah oo dagaalkan ay kasoo saareen dhinacyadii dagaallamay. Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale weeraro gaadmo ah ugu qaadday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabellaha Dhexe. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimad Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu u socdaalo Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wehlin doona Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole, waxaana lasoo warinayaa in magaalada Garoowe ay ka socto diyaar garow. Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in safarkiisa uu ku qotomo labo ujeeddo oo kala ah in uu xarigga ka jaro Garoonka cusub ee Diyaaradaha Garoowe oo dhismahiisa la dhameeyay iyo in uu Magaalada Garoowe uga qaaybgalo munaasibadda 4 sano guurada xilka Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas. Safarka Madaxweynaha ee magaalada Garoowe ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Dhinaca kale, Ciidamo farabadan ayaa la tubay dhammaan waddooyinka magaalada Garoowe waxaana aad loo adkeeyay amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo maanta ku wajahan Garoowe & Ciidamo lasoo tubay waddooyinka appeared first on Caasimada Online.
-
Doon ay la socdeen tahriibayaal Afrikaan ah ayaa ku degtay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey 8 qof ayaa ku geeriyootey halkaasi, waxaana lasoo badbaadiyey 84 kale, halka dad aan tiradooda weli la shaacin la la’yahay. Maraakiib laga leeyahay Talyaaniga ayaa wada baadi goobka ku aadan dadkan la layahay, oo markii horeba tahriib ahaan uga soo baxay dalka Liibiya. Dadkan tahriibayaasha ah oo ka kala taga dalal badan oo Afrikaan ah ayaa badi raadiya nolol dhaanta mid ka duwan midda ay ku nool yihiin, waxayna naftooda ku halligaan badda si ay u tagaan Yurub. Goobjoog News Source
-
Sida Wax u Dhaceen Taariikhdu markii ay ahayd 17ka Disember ayaa ciidanka nabad sugidda Soomaaliya weerar ku qaadeen guri uu magaalada Muqdishu ka dagganyahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya. Weerarkaas waxaa lagu dilay ciidankii ilaalinayey guriga Cabdiraxmaan, asagana waxaa loo taxaabay xabsiga asaga oo dhaawac ah. Subaxnimadii 18kii Disember ayaa waxaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen in ciidanka aminiga oo ku socda amar ka soo baxay hay’adaha sharciga fuliyeen weerarkaas. Sida laga hor caddeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir weerarka looma haysan ogollaasho garsoore maxkamadeed. Xeer Illaliyaha ayaa goobtaas ka sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu eedaynayo Qaran Dumis iyo Qayaano Qaran. Dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin iyo masuulyiin kale oo isku dayey in ay arrinka wadahadal ku xalliyaan ayaa waxay ku soo biyo shubteen in habeenkii 19ka Disember xabsiga laga sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wasiirka Amniga ayaa raali gelin ka bixiyey weerarkaas sheegayna in uu ahaa fal qalad ah. Xeer Ilaaliyaga ayaa soo bandhigay warqad uu sheegay in ay muujinayso in Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu sii daayey damiin uu asagu saxiixay. In ay sharciga waafaqsan tahay warqadda Xeer Ilaaliyuhu saxiisay qaybaha dambe ee qoraalka ayaan ku faahfaahin doonnaa. Taariikhdu markii ay aheed 20ka Disember, waxaa Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xeer Ilaaliyaha waxa uu caddeeyey in uuna haysan oggolaasho maxkamadeed in la weeraro guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur uuna u baahan yahay waqti dheeraad ah oo uu baaritaan ku sameeyo. Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa maadaama aan Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu soo xirin ogollaasho maxkamadeed ayna waqti siin karin xeer ilaalinta, waxayna maxkamaddu xorriyadiisii dib ugu soo celisay Cabdiraxmaan Cabdishakur. Maxkamaddu waxa kale oo ay cuskatay Qod.13 (3) aad ee Xeerka Habraaca Ciqaabta Soomaaliyeed(XHCS) oo qoraya in haddii eedaysanaha maxkamadda u dambaysa dambi ku xukunto ama sii dayso ama amar sharci ah lagu joojiyo sii wedidda dacwada aan muwaadinkaas mar kale lagu soo eedayn karin isla xaqiiqooyinkii hore oo aan loo soo jeedin karin isla eedayntii oo kale. Qodobkaan ma khuseeyo qaadashada rafcaan ee waxa uu khuseeyaa in laga hortago in aan muwaadinka eedayn laga daba joogin markii maxkamadi dacwadiisa qaaddo ka bacdi. Mabda’aan oo loo yaqaan “double jeopardy”afka Ingiriiska, sidoo kale afka Laatiinkana lagu yiraahdo “non bis in idem” waxaa laga isticmaalaa adduunka meelo madan. Ujeeddada laga leeyahayna waxay tahay in aan dowladuhu maaddaama ay awood leeyihiin dhaqaalana haystaan ayna mucaaradkooda dacwo la bada joogin oo markii dambi lagu waayaba markale dacwad isla tii ah ku furin. Waxaa kale oo loola jeedaa in marka qofku maro dacwo ku saabsan xaqiiqooyin oo maxkamadihii soo gaba gaboobaan aan mar kale lagu soo dacweyn isla xaqiiqooyinkii oo uun ku jirin dacwo joogto ah. Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa caddeeyey in uuna ku qanac sanayn go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir oo uu rafcaan ka qaadanayo go’aankaas. Warqad ka soo baxday Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Xafiiska Xeer Iaaliyaha loo oggolaaday in ay rafcaan qaataan, Cabdiraxmaan Cabdishakuurna lagu amray in uu Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir hor yimaado taariikhdu marka ay tahay 3da Janaayo 2018. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in ayna jirin dacwad sharciga waafaqsan oo loo haysto oo uusan ka qayb galaynin dacwada Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay go’aan ay Xeer Ilaalinta ku siisay waqti ay baaritaan ku sameeyaan, amartayna in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uusan dalka ka bixi karin inta baaritaanku socdo. Qoraalkan gaaban waxaan ku lafaguraynaa falalkaas aan kor ku soo xusay iyo sida ay u waafaqsan yihiin dastuurka dalka iyo qawaaniinta kale ee dalka. Eedaymaha Xeer Ilaalintu soo Jeedisay Xeer Ilaaliyaha waxaa eedaymaha uu soo jeediyey kamid ah Qiyaamo Qaran isaga oo cuskanaya qodobbada aan hoos ku xusi doonno. Qodobka 184 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed(XCS) ayaa ka hadlaya “isku dayga ku lidka ah hufnaanta, kala go’is la’aanta, madax bannaanida ama midnimadda qaranka Soomaaliyeed”. Qodobka 185 ee isla xeerkaas waxa uu khuseeyaa muwaadinka qaata hub ku lid ah qaranka Soomaaliyeed. Qodobka 189aad waxa uu ka hadlayaa muwaadinka fal musuqmaasuq ah la gala shisheeye eyada oo “ula jeedaduna tahay samaynta falal ku lid leh danta qaranka.” Qoodbka 215aad XCS waxa uu ka hadlayaa dacaayad ka soo horjeedda oo lid ku ah waddanka. Qodobka 218 waxa uu ka hadlayaa qofka isku daya dilka Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka ama ka horjoogsada madaxdaas iyo maxkamadda sare shaqooyinka dastuuriga ah oo loo xilsaaray. Qodobka 219 ee XCS wuxuu qeexayaa khalkhal gelinta Qaranka iyo Umadda. Eedaymahaas Xeer Ilaalintu soo jeedisay waxay khuseeyaan falalka lidka ku ah qaranka ee ma khuseeyaan mucaaradnimada dowladda. Farqi weyn ayaa u dhexeeya in la mucaarado xukuumadda iyo dowladda qaybaheeda kala duwan iyo in aad lid ku noqoto qaranka. Dowladihii hore oo dalka soo maray oo ku salaysnaa nidaamka dimoqraadiga ah dhammaantood waa la mucaaradi jirey, waxaa laga keeni jirey mooshinno, waxbaana laga sheegi jirey. Welina ma dhicin in ay mucaaradkooda ku eedeeyaan qaran dumis iyo qayaano qaran. Eedaymaha noocaan ah waxaa inta badan isticmaala xukuumadaha keli taliska ah oo raba in ay cabburiyaan mucaaradka ka soo horjeeda. Haaddii aan hadda laga hortagin waxay noqonaysaa dhaqan siyaasadeed, berrina qofkasta ayaa lagu aamusin karaa eedaymahaas oo kale. Madaxda dowladda ayaa loo isticmaali karaa marka xilligoodu dhammaado. Eedaymaha warbaahinta laga sheegay waxay ka hadlayeen lacago laga soo qaaday dalal shisheeye si loogu rido xukuumadda. Xeer Ilaalintu masoo bandhigin wax caddayn ah oo eedaynahaas ku saabsan. Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ka codsatay in ay keenaan caddaymo wax caddayn ah ma horkeenin. Dalka Soomaaliya illaa dhowr iyo tobankii sano oo la soo dhaafay waxaa caadi ahayd in musharaxiinta madaxweynenimo,iyo siyaasiyiinta raba in ay mooshin ka keenaan xukuumadda markaas jirta ay lacago ka soo qaataan dalal shisheeye ama ganacsato Soomaaliyeed. Sida la wada ogyahay labadii doorasho oo u dambaysay oo ay ku jirto doorashadii lagu doortay madaxweynaha hadda talada haya waxaa qaybaha tartamaya heleen lacago dibadaha ka yimid oo ay ku laaluushayeen xubnaha baarlamaanka. Xeer Ilaaliyaha doorashadii u dambaysay goobjoog ayuu ka ahaa markii lacagahaas la kala qaadanayey wax tallaabo ahna ma qaadin kamana hadlin. Madaxda dowladda dambi ugama dhigi karaan mucaaradkooda ficilladii ay awoodda ku qabsadeen haddii xitaa la caddeeyo in lacago dalal shisheeye laga soo qaatay dowladdooda lagu mucaaradayo. Waxaa xaqiiqo ah in lacagaha laga keenayo dalalka shisheeye ama laga helayo ganacsatada Soomaaliyeed si loogu musuqmaasuqo siyaasadda oo dalka jagooyinka ugu sarreeyana lagu iibsado in ay khatar ku tahay xasilloonida dalka. Laakiin haddii ay dhab naga tahay oo aan rabno in lala dagaallamo musuqmaasuqa siyaasadda waa in laga soo saaraa sharci khuseeya kharashka ololaha doorashada iyo doorashada, dambina laga dhigo qaadashada iyo bixinta laaluushka. Waxaa kale oo muhiim ah in la xoojiyo Guddiga Qaran ee Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, qasabna laga dhigo in xisbiyada siyaasadda ama shaqsiyaadka taryamaya ay diiwaan geliyaan kharashka soo gala iyo meesha uu ka soo galay. Tallaabadaas waxa kale oo ay ka hortagaysaa in dadka maalgashada doorashada aan la siin karin jagooyin ama qandaaasyo lagu abaalmarinayo. Weerarka Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ma Loo Maray Qaab Sharciga Waafaqsan? Qodobka 4aad ee dastuurka waxaa uu caddaynayaa sarraynta Dastuurka waxa uuna leeyahay “Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan.” Taas macnaheedu waxay tahay fal kasta ama go’aan kasta oo ka horyimaada dastuurka waxaa laga soo qaadayaa sharci darro. Marka la rabo in muwaadin dacwo lagu soo oogo, la xiro ama la baaro gurigiisa waxaa muhiim ah in la raaco dastuurka dalka iyo qawaaniinta kale ee dalka u yaalla. Qodobka 19aad ee Dastuurka KMGka ah waxa uu leeyahay: 1) Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo, lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis. 2) Waxaa waajib ah in amarka garsooraha si toos ah loogu akhriyo degganaha hoyga, baarahana waxaa ka reeban ku xadgudubka sharciga. Waxaa muhiim ah in la ogaado qodobkaan dastuurka ma ogolaanayo sabab kale oo guriga muwaadinka lagu geli karo. Dastuurkii 1960kii waxa uu qorayey sababo kale isaga oo weliba xeerinayey in sharci kale maareyn doono.laakiin dasruurkaan fursaddaas ma furayo.Taas macnaheeda waxay tahay in aan hoyga muwaadinka an lagu samayn karin dhammaan arrimaha uu qoodbka 19aad ee dastuurku qorayo eyada oo aan la haysan oggolaasho maxkamadeed. Sida aan soo sheegnay dastuurka waa sharciga ugu sarreeya dalka. Laakiin Xeerka Habraaca Ciqaabka Soomaaliyeed (XHCS) waxa uu oggolyahay dhowr goor oo kale oo qofka la xiri karo warqad maxkamadeed la’aanteed. Qaanuun ahaan haddii la rabo in xeerkaas loo cuskado gelidda iyo weerarkii guriga Cabdiraxmaan waa in qodobka dastuurka wax laga baddalaa. Si kastaba ha ahaatee, waxaan falanqaynaynaa qaabka XHCS sheegayo in la maro marka qof la xirayo warqad maxkamadeed la’aanteed. Qodobka 35aad ,36aad iyo 38aad waxay ogol yihiin in muwaadinka ka xiri karo warqad maxkamad la’aan marka uu dambi faraha kula jiro iyo marka ay jirto xaalad deg deg oo aan laga gaarin warqad maxkamadeed la raadiyo iyo marka laga baqayo in uu fakado qofka la rabo in la soo xiro. Maadaama 19kii December lasoo daayey Cabdiraxmaan Cabdishakur waxaa muuqata in aan laga cabsanayn in uu fakado oo ayna jirin xaalad deg deg ka dhigeysay in lagu duulo gurigiisa. Waxaa la dhihi karaa ma jirin dembi faraha lagula jiray iyo xaalad deg deg ah sababtoo ah Xeer Ilaaliyaha ma keenin wax caddayn ah markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ka dalbatay. Qofka marka lagu soo xiro warqad maxkamadeed, xeer ilaalintu waxay dalban kartaa waqti dheeri ah sababtoo ah waxay maxkamadda ogolaashaha siisay la wadaageen caddaymo iyo shaki macquul ah oo ay qabaan. Laakiin marka qofka lagu soo xiro warqad maxkamadeed la’aanteed waa in si deg deg maxkamad loo horgeeyo. Qodobka 39(1)aad ee XHCS wuxuu leeyahay “ruuxa lagu xiro amar maxkamadeed la’aantiis waa in sida ugu dhaqsiyaha badan , oo aan ka badnayn 48 daacadood, marka laga billaabo xiritaankiisa lagu horgeeyaa maxkamad awood u leh ama maxkamadda ugu dhow”. Farqada labaad ee qodobkaas ayaa sheegaysa in “sarkaalka booliska ah oo qofka xiran horgeeyey garsoorka , waa in uu u gudbiyaa garsooraha (a) xaqiiqda dhacdada iyo sababaynta xarigga, iyo (b) caddaymaha la helay oo faahfaahsan”. Waxaa meeshaas ka cad in Sarkaalka Booliska iyo Xeer Ilaalinta laga rabo caddayn faah faahsan haddii ay qof soo xiraan warqad maxkamad la’aanteed. Farqada 3aad ee Qodobka 39aad ayaa sheegaya in marka garsooruhu ka bogto warkaasi kooban in haddii aan la keenin caddayn lagu heli karo warqad maxkamadeed uu garsooruhu amrayo in si deg deg ah loo sii daayo ruuxa xiran. Tan kale, maadaama Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayna amrin in lasoo xiro Cabdiraxmaan waxay caddaynaysaa in ayna jirin xaalad qasab ka dhigaysay in la weeraro oo dadna la laalyo oo lasoo xiro Cabdiraxmaan. Qoodbka 58aad ee XHCS waxa uu sheegayaa in marka qof lagu soo xiro warqad maxkamad la’aan waxaa sarkaalka booliska ah ee fulinaya baaritaanka ogaysiinayaa garsooraha maxkamadeed ee ugu dhow iyo sidoo kale xeer ilaaliyaga isagoo u caddaynaya a) sababaha lagama maarka u noqotay [xiritaanka] iyo b) natiijada ka soo baxday baaritaanka. Sida aan ognahay markii Cabdiraxmaan Cabdishakuur la horkeenay Maxkamadda Gobolka Banaadir 20kii Disember, Xeer Ilaaliyaha ma keenin wax caddayn ah waxa uuna dalbaday in waqti dheeri ah la siiyo oo uu baaritaan ku sameeyo. Waxaa meeshaas ka muuqda in maadaama aan wax caddayn ah la soo bandhigin ayna jirin wax sabab deg deg ah oo khasab ka dhigtay in lasoo xiro markii hore si waafaqsan qodobada 35, 36 iyo 37 ee XHCS. Xeer Illaaiyaha waxaa uu amray in la weeraro guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur si lid ku ah qodobka 19aad ee Dastuurka KMGka ah iyo qawaaniinta kale ee dalka. Weerarkaas waxaa si sharci raddo ah ugu dhintay 5 muwaadin oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Xeer Ilaaliyaha xaq uma laha in uu marka hore weerar amro oo dad muwaadiniin ah dilo, ka bacdina dalbado waqti uu baatitaan ku sameeyo. Ciidankii la dilay ma helin lama baarin baaro qaabkii ay u dhinteen oo xabaal wadareed ayaa lagu aasay. Waxaa kale oo dhacday in habeenkii 19kii Disember xabsiga laga sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur eyada oo la cuskanayo warqad dammaanad ah oo uu saxiixay Xeer Ilaaliyaga Guud. Sida ku cad qodobka 60aad ee XHCS , damiin waxaa bixin kara oo keli ah “garsooraha la horkeenay ruuxa xiran amar garsoore awood u leh.” Xeer Ilaaliyaha waxaa uu laba goor si sharci darro ah ugu fariistay kursiga garsooraha, waa markii uu bixiyey amarkii lagu weeraray guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sida sharciddarada ah loogu laayey muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo markii uu saxiixay warqadda damiinta ah oo uu ku sii daayey ruuxa xiran taas oo si cad lid ugu ah Qod. 60aad ee XHCS. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa uu si waafaqsan qodobbada 38aad, 39aad,58aad, 60aad ee XHCS deg deg ku sii deysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Guddoomiyaha Maxkamadda waxa uu isaga oo cuskanaya qodobka 13aad ee XHCS sheegay in aan eedaysanaha mar kale lagu soo eedayn karin xaqiiqooyinkii hore oo kale. Qodobka 13(3)aad ee XHCS waxa uu leeyahay “Eedaysanaha, kadib ugu dambayntii markii la xukumay ama dembi lagu waayey, amase kadib markii la amray in aan la sii wedin dacwada… mar kale isla xaqiiqiooyinkii lagu eedeyn karin.” Maadaama Maxkamadda Gobolku amartay in aan dacwada lasii wadin oo la sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan dacwadda la guda gelin kiiskaas rafcaan lagama qaadan karo. Booliska haddii uu rabo baaritaan ayuu samayn karaa oo haddii uu helo caddaymo maxkamadda ayuu ku soo noqon karaa si uu ogolaansho u weydiisto. Waxaa kale oo muhiim ah in in la ogaado qalabkii iyo wixii kale oo laga qaaday guriga sharciddarada lagu galay looma isticmaali karo caddayn ahaan maxkamadda horteeda. Midda kale, Xeer Ilaaliyaha asaga oo aan haynin cadayn ayuu soo xiray Cabdiraxmaan oo la weeraray gurigiisa, marka ma waafaqsana dartuurka iyo qodobada XHCS in uu waqti dheeri ah dalbado maadaama uuna markii hore haysan ogolaasho garsoore. Tani waxay lamid noqonaysaa in aad qof meel maraya toogato oo disho oo aad markaas jeebkiisa ka baarto cadayn in uu watay wax sababi kara in la dilo. Maxkamadda Rafcaanka Gobolka banaadir ma soo ban dhigin sababaynta ay Xeer Ilaalinta ugu ogolaatay in la siiyo waqtiga saa’idka ah oo ay baaritaanka ku sameeyaan. Marka la raaco qodobada 38,39 iyo 58 ee XHCS iyo qodobka 19aad ee Dastuurka, Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir sharci ahaan xaq uma lahayn in ay Xeer Ilaalinta waqti dheeri ah siiso oo baaritaan ay ku samayso maadaama ayna soo bandhigin wax caddayn ah oo markii horeba lagu soo xiray muwaadinka. Midda kale, arrinka la horgeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ahayd in xabsiga lagu sii hayn karo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo in kale. Sida xeer Ilaaliyuhu sheegay waxa ay rafcaanka ka qaateen waxa uu ahaa sii daynta xabsiga laga sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Maxkamadda Rafcaanku kama hadlin arrinkii ugu muhiimsanaa oo rafcaanka laga qaatay. Taas ayaana muujinaysa in Maxkamadda Rafcaanku ayna go’aankeeda sharciga ku salayn. Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir waxay go’aankeeda ku sheegtay in ay amartay in rafcaan la qaadan karo, markii ay aqbashay in ay dhagaysato dacwada ayeyba horey rafcaan u oggolaatay marka hadda in ay go’aan ahaan u soo saarto muhiim ma ahayn. Arrinka rafcaanka laga qaatay waxay ahayd in Cabdiraxmaan Cabdishakuur xabsiga lagu sii hayn karo iyo in weerarkii gurigiisa lagu qaaday oo aan loo haysan amar garsoore uu sharciga waafaqsanaa iyo in kale. Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir kama jawaabin su’aalihaas oo sal u ahaa dacwadda hor taal. Maadaama aan Maxkamadda Rafcaanku amrin in xabsi lagu sii haayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, aanan lagu siideyn damiin si waafaqsan Qod.60aad ee XHCS, waxaa cad in weerarkii gurigiisa iyo soo xiritaankiisii uu sharci darro ahaa oo ayna jirin arrin deg deg ah oo keeni kartay in oggolaasho garsoore la’aantiis la weeraro. Aragtidayda Cabdiraxman Cabdishakur wuu ku saxsanaa in uu diido in uu xaadiro Maxkmadda rafcaanka Gobolka Banaadir sababtoo ah waxay u muuqataa maxkamadayn siyaasadeed (show trial), haddii uu tagi lahaana waxay sharciyeyn lahayd xarigiisii sharcidarrada ahaa iyo dilkii sharcidarrada ahaa oo loo gaystay ilaaladiisii. Gunaanad iyo Talo soo Jeedin Dalka Soomaaliya oo hadda ka soo baxaya colaad hubaysan oo ayna weli si fiican u shaqaynayn hay’adihiisa garsoorka iyo ammaanka, waa tallaabo aan loo baahnayn in hay’adaha xeer ilaalinta iyo garsoorka loo isticmaalo caburinta mucaaradka si aan sharciga waafaqsanayn. Sida aan ku caddaynay falanqaynta kore, Xeer Ilaaliyha waxa uu ku fariistay kuraas aan sharcigu u bannaynayn. Tan koowaad, waxaa uu bixiyey amar lagu weeraro siyaasi mucaarad ah oo uuna wax caddayn ah u hayn sida uu ka hor caddeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir oo waxa uu si sharciraddo ah ku qaatay kaalintii garsoorka. Tan labaad, waxaa uu saxiixay warqad damaanad ah oo lagu sii daayey ruux xiran taas oo ka hor imaanaysa qodobka 60aad ee XHCS oo siinaya awoodda damiin ku siidaynta ruuxa xiran garsoore maxkamadeed oo keli ah. Waxa uu qaatay kaalintii Sarlaalka Booliska oo u xilsaaran baaritaanka dambiyada. Weerarka lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan cabdishkur ma waafaqsanayn Dastuurka iyo XHCS. Muwaadiniintii la dilay waxaa lagu xadgudbay xaqoodii dastuuriga ahaa oo ah in ay noolaadaan (right to life). Maadaama sharcidarro loo dilay waa in masuuliyadda dilkooda lagula xisaabtamaa dadkii fuliyey iyo kuwii amray. Maxkamadda Gobolka Banaadir sharci ahaan waa ku saxsanayd in ay sii dayso Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan maadaama aan lagu soo xirin si sharciga waafaqsan lana keenin caddaymo iyo sababo khasab ka dhigayey in lasoo xiro warqad garsoore la’aanteed. Laakiin aragtidayda, maxkamaddu kuma saxsana in ay cuskato qodobka 13aad ee XHCS maadaama aan dacwada la guda gelin. Sidoo kale Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir sharci ahaan uma laha in ay siiso waqti baaritaan dheeraad ah qof markii hore sharcidarro lagu soo xiray aan waafaqsanayn qodobada aan kor ku xusnay. Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir kama jawaabin arrinkii ugu muhiinsanaa oo horyaallay oo dacwaddu ku saabsanayd. Dacwaddu waxay ku saabsanayd in ay qaanuunka waafaqsanayd weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xiritaankiisii eyada oo aan loo haysan amar garsoore. Waxay kale oo ay ku saabsanayd in la hayo caddaymo muujinaya in ay jirtay xaalad deg deg ah oo keeni kartay in la weeraro guriga lana soo xiro muwaadinka warqad maxkamadeed la’aanteed. Xeer Ilaalintu awalba waqti ay wax ku baarto waa haysatay waxayna ka codsan kartay booliska in ay baaritaan sameeyaan intii ayna weerarka sharcidarrada ah qaadin. Laakiin su’aashu waxay ahayd ma jirtay xaalad deg deg ah oo khasab ka dhigtay in la weeraro guriga muwaadinka. Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir arrinkaas kama hadlin, taasna aragtidayda waxay muujinaysaa in ay siyaasadaysneed dacwadda maxkamadda maadaama ayna ka jawaabin su’aalihii qaanuuniga ahaa oo hor yaallay. Maxkamadaha Soomaaliya waxaa laga rabaa in ay sababeeyaan go’aamada ay gaarayaan si loo fahmo qaabka ay go’aanka ku gaareen iyo doodda ay isticmaaleen. Kuma filna in la magacaabo qodobada sharciga oo kali ah. Haddii la rabo in laga horyimaado go’aanka maxkamadda waa in la helaa go’aan sababaysan oo ay ku dheehan tahay dood qoto dheer oo sharciyeed, haddii kale qof kasta oo soo akhriya Xeerka Habraaca Ciqaabta iyo Xeerka Ciqaabta ayaa qaalli noqon kara haddii aan laga rabin wax ka badan magacaabidda qodobada. Dhowr iyo tobankii sano oo lasoo dhaafay dalka waxaa ka jiray mucaarad kasoo horjeeday xukuumadihii iyo dowladihii dalka soo maray, waxaana loola dhaqmi jirey si nabdoon. Isticmaalka rabshada siyaasadda (political violence) waxay keenysaa in caqabado aan laga gudbi karin ku yimaadaan dhismha dowlad shaqaysa, ayna kororto aaminrddada laga qabo dowladda, taas oo fogaynaysa xalka. Xilliyadii lasoo dhaafay waxaa dalka ka hana qaadayey dhaqan isku dulqaadasho oo si nabdoon loo wadaagayey siyaasadda. Tallaabooyinkan isticlaalka awoodda iyo ku hanjabiddeeda waxay burburinaysaa dhaqankaas waxayna sababi kartaa ammaan darro iyo dhaawac ku yimaada dowladnimada Soomaaliya. Haddii hadda la ogolaado waxay noqonaysaa dhaqan ay dowlad kasta u isticmaasho mucaaradkeeda oo dad hadda taageersan dowladdan ayaa dowladaha dambe u isticmaali karaan. Waxaa loo baahan yahay in la helo qaab mucaaradka iyo dowladdu ay si nabdoon u wadaagi karaan masraxa siyaasadda eyaga oo labaduba fiirinaya danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed kana fo’aanaya danaha waqtiga gaaban oo hagaya siyaasadda Soomaaliya waqtigaan. Hay’adaha garsoorka waxaa hareereeyey musuqmaasuq baahsan taas oo keentay in inta badan shacabku kalsooni ku qabin waana in sida ugu dhaqsaha badan dib u habayn lagu sameeyaa. Caddaaladda oo hagaagta waa qaabka keli ah oo lagu dhisi karo dowlad shaqaysa oo hesha kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in hay’adaha caddaaladda dib u habayn lagu sameeyo eyada oo laga billaabayo dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka. Ahmed Ali M. Khayre, PhD Ahmedakhayre@gmail.com Source
-
The Sudanese government on Saturday has closed its borders with Eritrea amid heightened security. Source: Hiiraan Online
-
Police are escorting students heading to Buna and Eldas subcounties to keep them safe from clan clashes. Source: Hiiraan Online
-
Trump says he'd be open to talking with North Korean leader
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
U.S. President Donald Trump said on Saturday he would "absolutely" be willing to talk on the phone to North Korean leader Kim Jong Un and that he hopes a positive development results from talks between North Korea and South Korea. Source: Hiiraan Online -
Arab states will soon embark on a diplomatic drive to persuade the United Nations to recognize a Palestinian state with East Jerusalem as its capital on territory captured by Israel in the 1967 war, Jordan's Foreign Minister Ayman Safadi said. Source: Hiiraan Online
-
Rwanda and Uganda both said on Friday they had not struck any deal to take in African migrants from Israel under a scheme condemned by rights groups. Source: Hiiraan Online
-
On an overcast Thursday afternoon in Nairobi, Mr Aden Duale, the Leader of Majority in the National Assembly, sat in his office at Parliament Buildings overlooking Uhuru Highway and boldly predicted that the next five years in the House will be “calm, sober and progressive.” Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Puntland ayaa aad u adkeeyay amniga guud ee magaalada Garoowe, halkaasi oo la filayo in maanta oo Axad ah uu gaaro madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Guud ahaan magaalada Garoowe waxaa lasoo buuxiyey ciidamo u badan kuwa gaarka ah ee Puntland, iyadoo magaaladaasi laga dareemayo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweynaha. Shalay waxaa magaalada Garoowe tagay wafdi horudhac u ah madaxweynaha, kuwaasi oo usii gogol xaaraya soo dhoweyntiisa. Madaxweynaha ayaa u tagaya magaalada Garoowe arrimo ay ugu horreyso xarig jarka garoonka cusub ee diyaaradaha Garoowe. Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Norway ayaa daaha ka rogtay in hakat la galiyay Hub la sheegay in laga iibin lahaa dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Norway, ayaa waxaa lagu sheegay in amarka lagu hakinaayo iibinta Hubka uu kasoo baxay qasriga looga arimiyo Norway. Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu cadeeyay in sababta ugu weyn ee loo hakinaayo beecinta Hubka ay tahay in dowlada Imaaraadka Carabta ay dooneyso in Hubkaasi culus ay u isticmaasho gumaadka ka socda dalka Yemen. Waxa ay Wasaaradu si rasmi ah u xaqiijisay in gebi ahaan hubkii ay ka iibin jirtay dowlada Imaaraatiga la joojiyay, waxaana la xaqiijiyay in dalka Yemen laga helay Gantaalo ay ka carareen xulafada Sacuudiga oo laga soo iibiyay Norway. Sidoo kale, dowlada Imaaraatiga oo kamid ah xulafada Sacuudiga ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda wadanka Yemen ayaan weli ka hadlin go’aankan kasoo baxay Norway oo kamid ah dalalka Yurub oo ay Imaaraatiga hubka kasoo gadan jireen. Dhinaca kale, go’aankaan kasoo baxay dowlada Norway ayaa yimid kadib markii qoraal kasoo baxay Hay’adaha iyo dadka u dooda Xaquuqul Insaanka ay cadeymo u keeneen in Hubka ay Norway ka iibiso Imaaraadka loo isticmaalo xasuuqa ba’an ee ka socda Yemen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kala soctaa sababta ay Norway uga biya diiday inay Hub ka iibiso dowlada Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Somalia ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aanka uu Ra’isul wasaare Kheyre xilka uga qaaday Seddexdii Wasiir ee ka tirsanaa Xukuumadiisa. Xildhibaanada qaar ayaa taageeray go’aankaasi, halka qaarna ay ku tilmaameen mid lagu xalinaayay dano Siyaasadeed oo kaliya. Sanoter Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay Seddex Wasiir ay imaaday xili uu dalka ku jiro marxalad adag. Sanoter Xuseen Sheekh ayaa sheegay in xil ka qaadista Seddexda Wasiir ay aheyd mid loo fiirinayey dan shaqsiyadeed balse aysan aheyn mid ku jirta danta guud ee dalka. Waxa uu sheegay Sanoter-ka in dadka qaar ay moodan in isbedelka uu ahaa mid loogu daneynaayo Qaranka, hase ahaatee waxa uu cadeeyay inuu ahaa mid ku xeeran dano shaqsiyadeed, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaa ku daray in sababta xilalka looga qaaday aysan aheyn in ay isbedel ka sameeyaan xiisadaha Siyaasadeed ee dalka ka jira, hase ahaatee xal loo raadinaayay dano qabyo u ahaa Madaxda. Waxa uu intaa sii raaciyay hadalkiisa in xil ka qaadista iyo magacaabida la sameeyay aysan dawo u noqon doonin dhibaatooyinka jira. Dhinaca kale, dhinacyada mucaaradka ayaa u muuqanaaya kuwo dano gaar ahaaneed u burburinaayo Qaranimada Somalia, waxaana is weydiin mudan sababta keentay in Xildhibaanada ay danahooda ku dabaqaan maslaxada umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sanoter Xuseen ‘’Waxa ay Seddexda Wasiir ku raastooda ku waayen xal u raadinta dano gaar ahaaneed ee Qaran maaheyn’’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa daboolka ka qaaday in dalka uu cagaha la galay xaalado kala duwan oo mashaakil dhaliyay. Xildhibaan Fowziyo, ayaa sheegtay in si rasmi ah dalka uu gacanta ugu galay dalal shisheeye oo doonaaya inay ka faa’iideystaan colaadaha ay ka dhex abuurayaan Soomaalida. Xildhibaanada waxa ay xaqiijisay in heerka faragalinta shisheeye ay gaartay halkii ugu xumeyd, balse ay doonayaan in adduunka intiisa kale ay ishooda qabato sida ay shisheeyuhu u qasayaan Somalia. Xildhibaanadu waxa ay tusaale usoo qaadatay Siyaasadaha is diidan ee xiligaan dowlada Somalia kala dhexeysa garabyada mucaaradka, gaar ahaan Siyaasiyiinta sida aadka ah uga soo hoejeeda Siyaasada dowlada. Waxa ay tilmaantay in mucaaradka ugu badan ay yihiin kuwo u hiilinaaya Shisheeyaha, waxa ayna carab dhabtay in tirada is raacsan ay yihiin kuwa Shisheeyaha ka caawiya danahooda. Nuqul kamid ah haddalka Fowziyo Yuusuf ayaa ahaa ’’Runtii dalku xor maaha Baddi ayaa la heesta Hawadi ayaa la heysan jiray Barigii sidoo kale, dhinacyo kala duwan ayaa dalka jooga al-Shabaab dhinac ayay ka heestan Somalia’’ Waxa ay intaa raacisay ‘’Waxaan la mid nahay neef gowracan oo kale waayo waxa ay ku socotaa arrintu sida Yemen’’ Xildhibaan Fowziyo Yuusuf waxa ay sheegtay in faragelinta shisheeye ay keeni karto in dalka uu dib ugu laabto bur bur, maadaama uu dalka kusii siqaayo xaalad adag’’ Fowziyo Yuusuf, waxa ay dowlada Somalia ugu baaqday inay qaado talaabo adag oo lagu badbaadinaayo Somalia, waxa ayna si dadban u cadeysay in Somalia loo maleegaayo dabin cusub. Docda kale, waxa ay sheegtay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Gacmaha isqabsadaan isla markaana ay taageeraan dowladda Cusub oo u dhalatay, waxa ayna hadalkaan sheegtay xili ay ka qeyb galeysay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Idaacadda Voa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xil. Fowziyo oo ka sir warantay dhibaatooyinka Siyaasadeed ee uu ku jiro dalka & Isticmaarka Shisheeye ee soo ifbaxaaya appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israel ay faro galin ku hayaan dalalka Iran iyo Pakistan . Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo Israel ay sidoo kale faro galin qaawan ay ku hayaan dolwadaha Islaamka Turkiguna uu arrintaasi diidanyahay. Erdogan ayaa cadeeyay in dhigiisa Xasan Rooxaani uu kula hadlay qadka telefoonka waxaa uuna sheegay in xaaladda dalka ay ku soo laabatay sideedii, Rooxaani ayaa tilmaamay in dibadbaxyada ka socda dalka ay yihiin kuwo xaq ah oo dimuquraadi shacbeed ah. Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Iran ay ka socdaan dibad-baxyo ayna dadka uga soo horjeedaan xukuumadda,waxayna Iran ku eedeysay Mareykanka inuu arimaha Iran uu ku hayo faro galin . Dacwad ka dhan Mareykanka ayey u gudbisay qaramada midoobay waxaa uuna gaarsiiyey farin wakiilka Iran ee qaramada midoobay xoghayaha guud António Guterres . Source
-
Wasiirka arrimaha dibadda Urdun Ayman Safadi ayaa sheegay in dowladaha carbeed ay bilaabi doonaan dadaal diblomaasiyadeed kaasi oo qaramada midoobay loogu qancinayo inay aqoonsadaan dowladda Falastiin ee caasimaddeeduna tahay Qudusta bari wixii ka horeeyay sanadkii 1967. Shalay oo Sabti aheyd ayay ku kulmeen dalka Oman lix wasiir dibadeed oo carbeed kuwaasi oo dib u raacayey go’aankii horay uga soo baxay jaamacadda Carbata laguna diidanaa aqoonsigii Donald Trump uu ugu aqoonsaday Qudus inay caasimadda maamulka Israel waxayna taasi ka dhigneyd inuu Mareykanka uu badalay siyaasaddiisa Bariga dhexe muddo sanooyin ah. Ayman Safadi wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sheegay in wasiirada tallaabooyin iyo dardaaramo ay hordhigi doonaan kulanka wasiirada ururka Jaamacadda Carabta kaasi oo lagu wado in la qabto bishaan socoto. Source
-
HARGEISA– Have a look at the eye catching photos of Hargeisa’s nightlife.
-
Saraakiisha Boqortooyada Sacuudiga ayaa xiray 11 amiir oo lagu eedeeyay in kicinayeen muddaharaadyo looga horjeedo dowladda,sida ay qortay Warbaahinta dalkaasi. Amiirada ayaa horkacayey muddaharaadyo looga cabanayo go’aan xukuumaddu soo rogtay oo amraya in dadku ay iska bixiyaan biilasha Biyaha iyo Korontada ,halkii dowladdu ka bixin jirtay,sida lagu qoray Jariiradda Sabq news. Xabsiga Ha’ir ee ku yaalla Koonfurta magaalada Riyadh ayaa loo dhaadhiciyey dhammaan raggii la xiray,waxaana la sheegay in baaritaan ku socdo. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli uu sare u kacay sicirka maciishadda daruuriga ah,kadib markii dowladdu canshuur ku soo rogtay badeecadaha qaarkood,islamarkaana ay amartay in dadku iska bixiyaan biilasha Korontada iyo Biyaha. PUNTLAND POST The post Boqortooyada Sacuudiga oo xirtay 11 amiir. appeared first on Puntland Post.
-
Wargeeska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa baahiyey codad sir ah oo muujinaya in Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi uu aqbalay go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel. Codadka sirta ah ee ay heshay New York Times ayaa waxaa ka dhex hadlaya Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka waddanka Masar oo lagu magacaabo,Capt.Ashraf al-Kholi kaasoo ka dalbanaya dhowr weriye oo Barnaamijyo saameyn leh oo doodo ah ka soo jeediya dalkaas“in ay shacabka ka dhaadhiciyaan in la taageero go’aankii Madaxweyne Trump halkii laga cambaareyn lahaa”. Capt.Al-Kholi ayaa sheegaya in ka horjeesashada Israel aanay ku jirin danta Qaranka Masar,sidaasi darteedna ay tahay in Shacabka Masar lagu qanciyo taageerada go’aanka Maraykanka uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimaadda Israel. Codadka la helay ayaa muujinaya in Madaxweynaha Abdel Fattah el-Sisi uu taageersanyahay go’aanka Maraykanka,islamarkaana uu la qaatay in Caasimadda Israel ay tahay magaalada Qudus. Sarkaalka ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Masar ee magaciisa warbixinta lagu xusay ayaa la maqlayaa isagoo leh”Masar go’aankaan waxay u cambaareysay sida walaalaheenna carbeed ee kale,laakiin haddii xaqiiqda la eego Falastiiniyiintu ma leh awood ay isaga caabiyan Israel,annaguna dooni mayno in aan dagaal galno”. Sarkaal ayaa intaas ku daraya”tallaabada u dambaysa waa kacdoon,kacdoona u daneyn mayo Amniga Qaranka Masar,waayo? wuxuu soo celinayaa awooddii Islaamiyiinta iyo dhaqdhaqaaqa Hammas. Hammas ayaa mar kale dib u dhalaneysa”. Warbixinta ayaa intaas raacisay in dowladda Masar ay ogolaatay in Palestini caasimad looga magaalada Ramallah. Madaxweynaha Masar ayaa horay u sheegay in u aad uga xunyahay go’aanka Maraykanka,waxaana dowladda Masar soo diyaarisay qaraar ka dhan ah go’aankaas oo la horgeeyey Golaha guud ee Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Masar oo taageeray go’aankii Trump ee Qudus. appeared first on Puntland Post.
-
We the Somali-Kenyan Community want to see our own Amb. (Dr.) Amina Mohamed in the Cabinet, She has been a strong supporter for Jubilee and has an exquisite track record. She has made us proud since her appointment in the Cabinet, as a Secretary for Foreign Affairs and International Trade. Amb. Mohamed demonstrated solid leadership and strong negotiation skills, which have seen Kenya re-position herself in international arena. Amb. Mohamed has been instrumental in the restructuring, reforming and rationalisation of Kenya’s Ministry of Foreign Affairs and its Missions abroad; she also chaired the team that drafted Kenya’s foreign trade policy. She has also been influential in promoting Africa’s agenda in multilateral fora including in the World Trade Organisation where she chaired the 10th Ministerial Conference, successfully hosted in Nairobi. Amb. Mohamed briefly left her cabinet position to bid for the chairperson of the African Union Commission, We expect that she should be reinstated back to cabinet so that she can continue to work side by side with our president in her former capacity as the Secretary for Foreign Affairs and International Trade. Source: KenyaFM