-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa uga qeybgalay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Saudi Arabia shir gaar ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Islaamka ay kaga tashanayeen gantaal baalistik ah oo fallaagada Xuutiyiinta ay la beegsadeen Caasimadda Riyadh. Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad ku baxaysay Afka Carabiga ka jeediyay shirkaasi, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Dowladda Sacuudiga, ayna si kulul u cambaareyneyso falka cadowtooyada leh ee Xuutiyiintu ku weerareen dalkaasi, waxaana uu soo jeediyay si dhibaatooyinka ka jira dunida muslimka loo xaliyo ay laga maarmaan tahay isbaheysi dhab ah oo taabbagal ah. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Jeddah Wasiirada Arrimaha Dibadda Djibouti H.E. Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Saudi Arabia H.E. Mr. Adel Al-Jubeir, Maldives H.E. Dr. Mohamed Asim iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan H.E. Mr. Hamid Mohamed E. Momtaz. Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmad Al-Othaimeen iyo Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Mr. Bandar Hajjar. Kulamadaasi oo Wasiir Cawad kala hadlay mas’uuliyiintaasi kala duwan danaha Soomaaliya iyo dhinacyadaasi ay wadaagaan ayaa muujiyay sida dalkiisu ugu diyaar yahay maalgeshi kadib hanaqaadkiisa siyaasadeed iyo mid ammaan. The post Sawirro: Wasiir Ahmed Awad oo dalka dibadiisa uga qeybgalaaya shirkii ugu horeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
LASANOD–Vice President of Somaliland, Abdirahman Sayli’i has handed over medical supplies to Tukaraq Maternal Health Center today. The VP paid a short visit to Tukaraq a town in the east of Sool region ever since Somaliland’s armed forces have taken control from its arch rival militias backed by Puntland. The American Refugee Committee (ARC) first donated the medical supplies which was aimed at preventing diarrhea related diseases in the town, is the first of its kind as Somaliland government is doing all it can to help residents to have access to basic social needs. Traditional leaders in the town have had the chance to tell the real needs of the town as the VP has had the opportunity to listen to their gripes. The residents have accused militia soldiers which used to collect taxes as an exploitation and have not done anything for the town. The taxes were used to carry out development projects in Garowe and Bosaso in Puntland. The VP and the minister for water affairs have promised to deal with the grievances made by the residents. The VP has further said that the government will rebuild the school in the town and new Maternity Child Health Center.
-
By: Farrah Mohumed TUKARAQ–Somaliland’s Vice President, Hon. Abdirahman Abdilahi Ismail aka Sayli’i on Monday has visited frontlines in Takaruq town in Sool region to boost the morale the armed forces stationed there to secure the border with Puntland, a semi-autonomous regional state in Somalia which has been encroaching its territorial borders which date back to the colonial era. The Vice President leading a high level ministerial delegation paid a courtesy visit to army barracks in Takaruq which its armed forces have driven out of Puntland backed militia which aims to destabilize Somaliland stability and peace in the eastern regions.The Defense minister, water affairs minister and assistant minister for information accompanied the vice president’s visit to the army bases in the Sool region. The Army Cheif Major General Nuh Tani has briefed the Vice President on the recent aggression launched by militia soldiers backed by Puntland in a bid to instigate unrest and chaos in Somaliland which maintained its law and order over the years without the backing of int’l support. Mr. Tani has apprised the VP and said that the armed forces are executing their national duty in defending the nation from any foe and further added that Puntland amassed troops in nearby areas in the border although he insisted that Somaliland does not want to engage war with its neighbor. Defense minister of Somaliland, Hon. Ise Ahmed Yusuf has conveyed a clear message to Somalia and unequivocally said that Somaliland does not want to wage war with its neighbors. The minister has reiterated that Somaliland will continue to live in peace and harmony with its neighbor but stressed the importance of peace. VP has informed men and women in boots that they should not first start war but do all they can to secure borders by peaceful means. He urged to defend themselves if they are attacked by enemies. The VP and his delegate have monitored the real situation of armed forces stationed in the border region with Puntland particularly Tukaraq which SL forces drove out of Puntland mercenaries who claim to own the region by ethnic basis. Somaliland and Puntland locked horns on the control of Sool, Sanaag and Ayn. Somalia is backing Puntland to destabilize Somaliland’s stability over the years. Somaliland argues that this belongs to her by border demarcation dating back to colonial era while Puntland is saying that it part of her territory by kinship. The Int’l community called the hostility to an end by urging both sides to resolve their dispute by peaceful manner.
-
Liban Du’aleh Asayr, ex-Somaliland Minister of Telecommunications under President Riyale administration, passes away in London while undergoing medical treatment Liban Du’aleh Asayr (aka Abdulle), the former Somaliland Minister of Telecommunications under President Riyale administration, has passed away in London where he was undergoing medical treatment. Born in Lasanod in 1942 and educated in Sheikh Primary School, Liban Asayr won scholarship to the former Soviet Union to train as an engineer. After graduation he returned to Somalia and, for a couple of years, worked for the Ministry of Maritime Transport where he oversaw major projects on renovating seaports. He fell out with the military regime for human rights violations and resigned his position to pursue a new business career. Late 1980s he applied for political asylum in the United Kingdom. In 1990s he returned to Somaliland to serve as a minister under President Egal administration. He played a major role in strengthening reconciliation. He is survived by a wife, adult offsprings, brothers, sisters, nieces and nephews. May Allah rest soul in peace. by Liban Ahmad
-
Baladweyne(Caasimadda Online)-Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafddi uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda maamulkaasi Maxamed Maxamuud Cabdulle . Wafdiigan waxaa qeyb ka ah Xubno ka socda Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee ASSF,waxaana ay Magaalada u tageen in ay la kulmaan Ganacsatada iyo Dadka degaanka ee ay dhibaatada ka heysato shilinka Soomaaliyaga oo ka joogsaday Madaalada Baladweyne. Guudoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan Xuseen muumin Cismaan iyo Guudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed cismaan Cabdi Qalafow ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imashaha wafdigan u horkacayo Wasiirka Maaliyada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee yimaadan baladweyne. Wasiirka Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada inta ay joogan Magaalada Baladweyne,islamarkana hadafka ay u yimadeen ay tahay sidi loo ogaan laha baahiyaha ay qaban bulshada ku nool Magalaada Baladweyne kadibna loo fulin laha mashaariic lagu horumarinayo Magalaada. wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa sheegay in ay ukuurgalayaan qaabka loo fulin karo Mashaariic uu Madaxweynaha Maamulkaasi kaga dhawaaqay Gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wafdi ka socda Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle oo gaaray Baladweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,isagoo ka qeyb gali doona shirka dhaqaalaha adduunka oo halkaasi k furmi doona dhawaan. Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay qeyb ka ahayeen mudanyaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka kasii sagootiyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale. Shirkaan lagu wado in uu Ra’iisul Wasaaraha ka qeybgalo ayaa waxa uu socon doonaa mudo Saddex Maalmood ah,waxa uuna yahay markii ugu horeysay oo ay madax ka socota dowladda ka qeybgasho mudo 30 sanadood ah . Shirkani muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya maadaama ay ka qeybgalayaan hoggaamiyaal ka kala socoda wadamada ku horumaray dhinaca Dhaqaalaha oo uu kujiro Mareykanka waxaana lagu casuumay Soomaaliya iyo wadamo kale oo Afrika kamid ah qaar kood. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas waxa uu lakulmi doonaa madax badan oo Afrikan ah oo shirkaas ka qeybgaleya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Oo Maanta U Ambabaxay Dalka Switzerland appeared first on Caasimada Online.
-
HARGEISA–The Registration of Somaliland’s public servants in government institutions launching ceremony kicked-off in Hargeisa, the capital today. The Civil Service Commission is spearheading the project dubbed “HeadCount” which aims to get rid the public sector of “ghost workers”. The Head of State, His Excellency, Musa Bihi Abdi officially started the launch ceremony. The highly and well organized event saw the attendance of Civil Service Commission Chairperson, Hon. Sharmarke Ahmed Mohumed and the Labor and Social affairs minister, Ms. Hinda Jama Hirsi. The CSC chairperson already announced the requirements for all public servants should be as follows:- The Public Servant should be in the Payroll. He/She must have the Somaliland National Identity Card. Should have academic and professional certificates. Hon. Sharmarke has stressed that the main mission behind the census is to have justice in the public sector. He added that having the headcount kicked off then this will lead to have better public servants that will serve for the nation and that their knowledge will be improved. The minister of labor, Ms. Hinda has said that once fact based number of public servants are known then the gov’t will base its yearly based budgets where it will plan the number of staffers that it will recruit each and every year. The Head of State, Hon. Musa Bihi has reiterated that the mission of the project is to restore the the trust of the public on public servants. The President clearly stated that this is mean that the public will be justly and diligently served by public servants.
-
Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay,in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaal maalmihii la soo dhaafay ka socday degaanno ka tirsan gobolka Sanaag,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka. Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood ayaa ka bilowday nin lagu dilay degaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag,waxaana haatan sii xoogaystay xiisadda oo saamaysay degaanno kale oo ka tirsan gobolka Togdheer,iyadoo ilaa iyo haatan aanay jirin cid kala dhex gashay labadaan beelood. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook,ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka oo haatan u muuqda mid gacanta ka baxay. Mudane. Biixi,ayaa sidoo kale soo jeediyay in wixii la kala tirsanayo lagu dhameeyo“tanaasul iyo is-xaq dhawr”. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost.net The post Ugu yaraan 20 ruux oo ku dhintay dagaal ka socda Somaliland. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayaa wax ay sheegayaan in Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dagaalameen Gudaha degma kaaraan. Goobjooge kusugan goobta uu dagaalka kadhacay ayaa Caasimadda Online u sheegay in uu jiro khasaaro dagaalkaas ka soo gaaray dad Shacab ah oo ku sugnaa Goobta uu dagaalka ka dhacay,islamarkaana Haweeney Ganacsato aheyd ay ku geeriyootay. iska hor imaadkan ayaa waxa uu ka dhacay Goob Jaadka( Qaadka) lagu iibiyo oo ku taalla degmadaas,waxanala sheegay in ciidamada wada dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin kuwa Milateriga Soomaaliya . Maamulka degmada Kaaraan wali kama aysan hadlin dagaalkaas,todobaadyadii u dambeeyay Muqdisho ku ayaa dhibane u ahayd dagaalada dhexmara Ciidamada ka wada tirsan dowladda,iyada oo xalay ay u dambeysay ay ku dagaalameen degmada Shibis ee Gobolkaan Banaadir. waxaa dagan Xaalada Goobtii uu dagaalka ka dhacay ,waxaana halkaas gaareen Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid kuwaas oo amniga xaqiijinaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faah Faahin Dagaal Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay magaaladda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland u magacaabay Maxamed Cali Farax oo horay u ahaa Agaasimaah guud ee Wasaarada Cadaalada . Dhinaca kale, Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo ah Agaasimihii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa Madaxwayne Gaas u wareejiyey Wasaarada Cadaalada Puntland iyo arrimaha Diinta. Isku badelkaan agaasimayaasha guud ee labada wasaaraddood waxaa Puntland u xaqiijiyay sarkaal katirsan wasaaadda Puntland oo qadka taleefonka kula hadlay wariyaha Puntlandi ee Garowe. Maxamed Cali Faarax ayaa horey ugasoo shaqeeyay wasaaradda waxbarashada, isagoo noqday madaxii mashaariicda, tababarada iyo xirfadaha gacanta, sidoo kale wuxuu agaasime guud kasoo noqday wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. Sidoo kale, Maxamed Cabdiqaadir Cismaan, ayaa isaga agaasime guud kasoo noqday wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland kahor inta aan loosoo badalin waxbarashada. Puntladi.com
-
Cabdirisaaq Axmed Abiikar waa aabbe Soomaaliyeed oo ka soo bara-baxay colaadda ka jirta Koonfurta,wuxuuna muddo 10 sano ah ku noolyahay magaalada Garoowe,isagoo ka mid ah dadka saboolka ah ee nolol maalmeedka ku dhibban. Cabdirisaaq waxaa ka tahriibtay gabadhii curaddiisa ahayd oo haatan muddo sagaal bilood ah lagu haysto dalka Libya,islamarkaana dhaawac culus loogu geystay,kadib markii Cabdirisaaq uu awoodi waayey in uu bixiyo lacagta madax-furashada ee Ma’gafe dalbaday oo gaaraysa $6500 Dollar. Aabbahan Soomaaliyeed ayaa Umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta ka dalbaday in ay ka caawiyaan badbaadinta gabadhiisa oo haatan xaalad halis ah ku sugan,kadib markii Ma’gafe isugu daray gaajo iyo jirdil. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo:Muuqaal kaa ilmaysiinaya. appeared first on Puntland Post.
-
Hobyo-(Caasimadda Online)-Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Somalia oo xalay ilaa shalay ku sugnaa magaalada Caabud-waaq ee G/Galgaduud ayaa maanta lagu wadaa inuu tago Magaalda Hobyo. Safarka Madaxweynaha uu ku tagaayo Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan. Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo. Ugudanbayntii Madaxweynaha Dowlada Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tagi doonaa Magaalada Cadaado, asagoo doonaya in uu soo qanciyo Bulshada degta Magaaladaasi oo tabasho ka qabta in cadaado lagararay caasimadda maamul goboleedka galmudug lonararay dhuusamareeb . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweynaha Dowlada Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo Oo Maanta Tagaya Magaalada Hobyo appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho uu yahay arrin dastuuri ah oo waajib ku ah cid kasta oo xilka qaranka qabata. Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayuu sheegay in magacaabidan ay ka duwan tahay kuwii hore. “Waxaa is leeyahay magaacida Eng. Yariisow waa ka duwan tahay kuwii hore, waa markii u horeysay Wasiir Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabo, taas macnaheedu waa in maqaamka Caasimadda in sare loo qaado”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. “Maqaamka ay dadka jecel yihiin iyo xuquuqda deegaanka ka maqan ma ahan kuwo shaki ku jira, waana mid dastuuri ah oo cid kasta waajib ku ah oo qarankan qabata”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib khilaaf soo kala dhexgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sababtay in xilka laga qaado Thaabit Cabdi Maxamed oo ahaa Duqa Muqdisho. Khilaafka labadan masuul ayaa ka dhashay kadib markii Thaabit uu ku dhawaaqay shirka Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir, oo looga hadli lahaa Maqaamka Muqdisho, taasina ay sababtay in xilka uu waayo Thaabit. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay xilka ka qaaday Thaabit Cabdi iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna Guddoomiyaha cusub u magacaabay C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo ku xigeenadiisa. “Maqaamka Muqdisho iyo xuuqda deegaanka majirto cid shaki gelin karta,waxana masuul ka ah cidkasta maadaama ay tahay mid dastuuri ah oo la’ogyahay heerarka ay soo martay ayuu yiri Cali Maxamed Geedi. Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya munaasabad lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Wuxuu sheegay Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul Wasaarihii hore in Dastuuri uu yahay maqaamka Magaalada Muqdisho, cidkasta oo Qaranka qabatana ay waajib ku tahay. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com The post Cali Maxamed Geeddi “ Majirto cid shaki gelin karta Maqaamka Muqdisho waana mid Dastuuri ah” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo xilku wareegto yahay hadana ma jeclaysan in uu xilkaasi baneeyo Waayo Shaqada uu hayay waxay ahayd mid Bulshada ay ku diirsatay .Anigu weligay Isma oran Qof Madax ka ah Somalia ayaad la kulmaysaa oo weliba wax Kuu qabanaya balse Dhawaca Marku I gaaray waxan galay Mugdi Reerkaygu waxay habeen walba aan indhahooda ka daremayay walwal iyo walbahaar. Xaalado Adag ka bacdi Muqdisho ayaan imid Hospital ayaan galay mar kale waxba waa laygaga qaban wayay. murugo kale ayaa inoo bilabatay Aniga iyo waalidkayga gaar ahaan Aniga oo ahaa gabar 16 sano jir ah rajana ka lahaa Nolosho iyo in aan wax u qabto waalidkayga . Farxad ayaa inoo timid maalin ka mid ah maalmaha Waxa kiiskayga loo gudbiyay Duqa Muqdisho Mudane Thapit Labo maalin kadibna waxan helnay jawaab naga farxisa oo ahayd In Gudoomiyaha uu kafaalo qadayo Qarashka igu baxayo. durba Passapor ayaa waxa loo dalbay Hooyo ,Aabo iyo Aniga aad ayaan u farxay niyada ayaan iska iri ma Dhab baa!! Waxana ii xigay In Visaha uu amray In Passaporadaaasi lasoo saaro isbuuc kadib waxa nala yiri safar isku diiriya Turkiga ayaad Caafimaad ahaan u aadaysaan . Hooyo iyo Aabo habenkii waxay u seexdeen si raaxo ah oo weliba farxad ku dheehantahay .hooyo inta ay seexan waxay la hadlaysay ehelka oo joogo baadiyaha Buhoodle Dhamaan waxa loo ducaynayay Muqdisho iyo Gudoomiyaha uu Alle nabadyeelo. Noloshayda waxay yeelatay rajo mar kale Maalintii aan baxaynay Waxa uu nagu yiri “Waxan rabaa adigoo soconayo in aad soo laabato”” .Hooyo iyo Aabana waxa uu ku yiri “”haka walwalina Nolosheeda iyo waxa idinku baxaya inta aad Jogtaan Turkiga . hada Waxan bilaabay Socod waxan niyaystay Anigo soconayo in aan Muqdisho ku laabto oo aan arko Shaqsigii Rajadaydii Noloshayda dib usoo nooleyay. Waxa uu i baray In Madaxda Soomaalida ay ku jiraan kuwa damiir leh sida Thapit oo kale . Muqdisho weligay ma tagin waan ka baqaynay balse markaan aragnay Shacabkeeda iyo Maamulkeeda waxan go,aansaday meel aan iyada ahayn in aan Noloshayda ku qadanayn inkastoo nasiib jiro. Waxan rajaynayaa Walalka badalay iyo Madaxda kale in ay Faraxad geliyaan oo noloshooda iyo rajadooda dib usoo celiyaan Shacabka kunool xaaladaha adag . Alle Waxan kaga baryayaa Xilka aad banaysay mid ka sareeyo in uu Rabi Kuu sahli doono Ducadeena ayaa kula jirta Aniga iyo Inta kale Ee aad Turkiga keentay. Allah ayaa Mahadleh Nabad ku waar Faaiso Sh.Maxamed The post Aqriso fariin qiiro leh oo Faaisa Shiikh ay usoo dirtay Taabit Cabdi appeared first on Caasimada Online.
-
Labo beelood oo kasoo kala jeeda beelaha Habar jeclo iyo Habar Yoonis ayaa ku dagaalamay degaanka Dararweyne oo hoosta degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag. Waxaa dagaalkaan ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo labada dhinac ah iyo dhaawac intaas ka badan, sida ay warbaahinta ka sheegeen odayaasha degaanka. Labada beelood ayaa colaadoodu soo noq noqotay inkasta oo nabadayntooda aad loogu gurmaday loona dhex galay, waxna jiray heshiis kama danbays ahaa oo dhawaan dhex maray labadaasi beelood. Colaadani soo cusboonaatay ayaa ka dhalatay nin si badheedh ah loo dilay taasi oo sababtay in colaadani ay hadana mar kale soo cusboonaato. Puntlandi.com
-
Saudi Arabia’s energy minister urged global oil producing nations on Sunday to extend their cooperation beyond 2018, but said this might mean a new form of deal rather than continuing the same supply cuts that have boosted prices in recent months. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan Koofi casta dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa weli gacanta ku haya Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa si rasmi ah gacanta ugu haya xarunta maalintii labaad, waxaana meesha laga saaray ciidamadii hore ee halkaa uu ku beeray Guddoomiyaha xilkiisa waayay Taabid. Ciidamada Koofi casta ee weli gacanta ku haya xarunta ayaa daadsan illaa Bankiga dhexe, aaga Xeebta Curubo iyo sidoo kale nawaaxiga Xarunta dowladda hoose. Ciidamada Koofi casta ayaa waxaa saaka lagu biiriyay ciidamo kale oo dheeri ah kuwaa oo ka tirsan Hay’adda Booliska oo isku gadaamay dhammaan waddooyinka gala Xarunta. Shaqada Xarunta dowladda hoose ayaa sidoo kale, hakad ku jirta, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Koofi guduuda ah ee halkaasi jooga lagu amray inaanu sii deynkarin dadka. Sidoo kale, dad saaka is ticmaalaayay eeryada xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo diiday mariinka waddooyinka,waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamadan ay si feejigan ugu sugan yihiin xaruntaan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xilkii si rasmi ah uga qaaday Duqii hore ee Muqdisho iyo Ku xigeenadiisa, wuxuuna magacaabay masuuliyiin cusub oo Gobolka Banaadir ah. Dhinaca kale, Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa qudhiisa Xalay aqbalay xil ka qaadista, waxa uuna dalbaday in ciidamada laga dulqaado xarunta si ay shaqooyinka usii socdaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gaadiid dagaal iyo Ciidamo weli tuban xarunta Dowladda Hoose & Shaqada oo hakat ku jirta (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (Puntlandi) Saraakiisha ciidanka Darawaashiista Puntland ayaa sheegay in ay haystaan amar ku saabsan xoreynt 200km oo kamid ah ciida gobolka Sool, oo laga xorayndoono maamulka Hargeysa. Ciidanka difaaca Puntland ee haatan ku sugan furimaha gobolka Sool, ayaa dib usoo jeesandoonin, illaa ay gaaraan bartilmaameedkooda ugu dambeeyay, sidaasi waxa Puntlandi u sheegay sarkaal katirsan ciidanka Daraawiishta. Sarkaalkaan oo aan magaciisa xusin, ayaa sheegay in ciidanku difaacu ku jiro heegan culus oo uu ugu diyaar garoobayo jawaabtii dowladda Puntland ay ka bixin lahayd duullaanka maamulka Hargeysa ku qabsaday Tukaraq. “Jawaabta duullaanka maamulka Hargeysa ma noqondoonto battilmaameedka Tukaraq, balse waxay noqondoontaa in 200km ciidanka difaacu xoreeyaan, waana mid naga go’an dhammaanteen, madaxweynuhu qalinka ayuu ku duugay inaanan dib usoo laaban, illaa aan xaqiijino dhulkeena cadowgu kusoo duulay,” ayuu yidhi sarkaalkaan. Shacabka Puntland ayaa u diyaar garoobay inay ka qeyb qaataan difaaca Puntland, kadib markii dowladdu dhawaan ku baaqday in loo diyaar garoobo arrinaas. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qorayaan warbaahinta caalamka ciidamada dalka Turkiga ayaa ka talaabay xadka dalka Syria, iyagoo gudaha u galay magaalada ay haysteen maleeshiyada Kurdiyiinta ee Afrin. Ciidamadan Turkida ah ayaa xadka ka talaabay maalin kadib markii diyaaradaha Turkiga la sheegay inay duqeeyen ilaa 100 goobood oo fadhiisimo u ah maleeshiyada YPG. Saraakiisha horkaceysa ciidamada Turkida ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay inay si buuxda u maamulaan deegaanada ay haysteen maleeshiyada Kurdiyiinta ee Afrin. Dhaqaaqa ciidamadan ayaa soo degdegay kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku goodiyay inuu burburin doono dhammaan Saldhigyada maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay xadka ka gudbeen, ayna wadaan hawlgal ay ku baacsanayan maleeshiyada YPG. Sidoo kale, maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG ayaa dhankooda ka sheegay inay iska difaaceen Ciidamada Turkiga, isla markaana ay madaafiic gudaha ugu tuureen dalka Turkiga. Ruushka oo garab u muujinaaya dowlada Turkiga ayaa isna sheegay in la taliyayaasheedii milatari ay kala baxeen deganakaas. The post Sawirro: Dabaabadaha Turkiga oo dhex jiiraya Waqooyiga Syria & Kurdiyiinta oo ay xaaladu ku xun tahay appeared first on Caasimada Online.