Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kuntuwaarey (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay deegaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabellaha Hoose ku toogteen Shan qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Waxay Al-shabaab goob fagaare ah isugu yeereen shacab badan oo deegaanka ah si ay u daawadaan dadkan la tooganayo. Raggan la toogtay waxaa dhammaantood lagu eedeeyay la shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya. Magacyada ragga la diley iyo da’dooda: C/qaadir Cumar Xasan oo 23 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay la shaqeynta maamulka degmada Qoryoole. C/qaadir Shukri Xasan oo 30 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS. Maxamed Abshir Cali oo 35 jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeyn jiray ciidamada Itoobiya. Cali Axmed Sheekh Cali oo 30 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS. Cali Yuusuf Axmed oo 36 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey dowladda Kenya. Al-shabaab ayaa sidan oo kale u toogatay dhallkinyaro badan oo ay ku eedeeyeen la shaqeynta dowladda Federaalka iyo sidoo kale ciidamada dalka u jooga howlgalka AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Magacyada 5 Ruux Oo Ay Al-shabaab Ku Toogteen Sh/hoose appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur sida ay Caasimadda u sheegeen ilo ku dhaw dhaw maxkamadda racfaanka. Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa. Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto. Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto. Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Deg deg: Maxkamadda Racfaanka oo go’aan ka gaartay Kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo xeer ilaaliyaha oo fasax loo siiyey inuu… appeared first on Caasimada Online.
  3. VT iDirect, Inc. (iDirect), a company of Vision Technologies Systems, Inc. (VT Systems), today announced that Dalkom Somalia has installed an iDirect Hub and will leverage iDirect’s series remotes to provide high-speed satellite connectivity in Somalia. The new iDirect network will enable Dalkom Somalia to scale its service more cost-effectively, expand end user data rates up to 38.5 Mbps, and improve Service Level Agreements by reducing service set-up duration. It will also provide back-up connectivity for service restoration in cities as needed. Dalkom Somalia is one of Somalia’s fast-growing telecom companies offering next-generation solutions for broadband, connectivity, cloud computing, managed services, satellite services, and internet services for businesses, wholesale and consumer segments. Financed by Dalkom Somalia as part of the company’s strategy to provide world class infrastructure to support the Horn and East Africa region’s needs for innovative Telecommunication & Information and Communications Technology solutions, the new iDirect network will serve a wide range of markets, including Government and non-Government Organisations, charities, healthcare, academic institutions, Internet Service Providers, telecommunications operators and financial services. “Through the iDirect platform, we are opening up areas where no connectivity has existed before,” said Mohamed Ahmed Jama, CEO, Dalkom Somalia. “iDirect’s platform technology enables us to gain critical operations advantages by increasing data performance and efficiency, and shortening service installation. And these are critical requirements to expand our service reach and capabilities.” “The expansion of connectivity in Africa is a major priority for iDirect,” said David Harrower, Senior Vice President of Global Sales, VT iDirect. “Our partnership with Dalkom Somalia hinges on the provision of efficient, high-speed satellite service, enabling the expansion of businesses, government and non-profit services across the continent. This new network in Somalia will significantly aid local citizens in Somalia.” Dalkom Somalia is a pioneer in the area of telecommunication innovation in Somalia and the horn of Africa. The company delivered the first Sub-marine fibre-optic cable in 2013, a tier-3 data center in 2015 and the first satellite teleport in 2017, setting the pace for innovation in the industry to connect Somalia to the rest of the world. VT iDirect, a subsidiary of VT Systems, is a global leader in IP-based satellite communications providing technology and solutions that enable our partners worldwide to optimize their networks, differentiate their services and profitably expand their businesses. For more than 20 years, the VT iDirect organization has focused on meeting the economic and technology challenges across the satellite industry. Today, the product portfolio, branded under the name iDirect, sets new standards in performance and efficiency, making it possible to deliver voice, video and data connectivity anywhere in the world. VT iDirect is the world’s largest TDMA enterprise VSAT manufacturer and is the leader in key industries including mobility, military/government and cellular backhaul. In 2007, iDirect Government was formed to better serve the U.S. government and defense communities. For more information please visit http://www.idirect.net. VT Systems is an engineering company providing integrated solutions to the commercial and government markets in the aerospace, electronics, land systems and marine sectors. VT Systems’ innovative solutions, products and services include aircraft maintenance, repair and modification; software solutions in training and simulation; satellite-based IP communications technology; network solutions that integrate data, voice and video; rugged computers and computer peripheral equipment; specialized truck bodies and trailers; weapons and munitions systems; road construction equipment; and ship design and shipbuilding. Headquartered in Alexandria, Va., VT Systems operates globally and is a wholly owned subsidiary of ST Engineering. Please visit http://www.vt-systems.com. PRWeb
  4. A BRIGHTON man who played a leading role in galvanising the international community response to the drought in Somalia has received a CBE. Phil Evans, 63, of Sillwood Street?, has been recognised for his services to Humanitarian Relief Phil joined the Department for International Development in 1993 and has since worked in Zimbabwe, DRC and Sierra Leone In his current role, Phil is the Head of DFID’s office in Somalia. He has held this position for four years. He said: “I am both pleased and humbled to receive this award. “The British aid programme makes a massive difference to millions of lives and I am very proud to be a part of it.” International Development Secretary Penny Mordaunt said: “UK Aid saved lives and delivered hope in some of the poorest, most desperate and disaster stricken parts of the world throughout 2017. “I am delighted to see that Phil’s individual contributions have been recognised in the New Year’s Honours and I congratulate him. “For many, the festive season is a time for family and friends to come together. “Yet so often, our humanitarian workers sacrifice this time to ensure UK aid gets to those who need it most, saving and improving millions of lives around the world.” The Argus
  5. Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay deegaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabellaha Hoose ku toogteen Shan qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Waxay Al-shabaab goob fagaare ah isugu yeereen shacab badan oo deegaanka ah si ay u daawadaan dadkan la tooganayo. Raggan la toogtay waxaa dhammaantood lagu eedeeyay la shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya. Magacyada ragga la diley iyo da’dooda: C/qaadir Cumar Xasan oo 23 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay la shaqeynta maamulka degmada Qoryoole. C/qaadir Shukri Xasan oo 30 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS. Maxamed Abshir Cali oo 35 jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeyn jiray ciidamada Itoobiya. Cali Axmed Sheekh Cali oo 30 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS. Cali Yuusuf Axmed oo 36 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey dowladda Kenya. Al-shabaab ayaa sidan oo kale u toogatay dhallkinyaro badan oo ay ku eedeeyeen la shaqeynta dowladda Federaalka iyo sidoo kale ciidamada dalka u jooga howlgalka AMISOM. Goobjoog News Source
  6. Shan ka tirsan booliska Kenya ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay saarnaayeen magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari oo u dhow xadka Soomaaliya xili dambe oo Talaadadii ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda. Tobanaan ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay lagu dilay degaannada fog ee ku dhow xudduudda Soomaaliya, iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay dileeen dagaalyahanno ka tirsan xagjiriinta al-Shabaab ee Soomaaliya. Kooxda ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ugu dambeeyay. Daniel Bundotich, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Mandheera ee Koonfurta, ayaa sheegay in in dadka la dilay ay ku jiraan saddex askari oo booliis ah iyo dad rayid ah oo caawinayey Booliiska. Al Shabaab ayaa sidoo kale weerarro kale ku qaaday Kenya oo lagu beegsanayo dadka rayidka ah, iyagoo ka aargudanaya Kenya oo Ciidankeedu soo galay Soomaaliya dhammaadkii 2011. Xigasho: Wakaaladda Wararka ee Reuters. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo dilay askar ka tirsan Ciidamada Kenya. appeared first on Puntland Post.
  7. Dowladda Imaaraadku waxay dhaqaale badan ku bixisay in uu Soomaaliya Madaxwayne ka noqdo Siyaasi ku shaqeeya aragtidooda guracan, iyo boobka ay ku hayaan khayraadka dabiica ah ee dhulka Soomaaliya, xaraashka iyo hanti-boobka ay ku hayaan ila-dhaqaale ee dalka iyo dagaalka ay kula jiraan Soomaaliya in aysan ka faa’iidaysan Khayraadkeeda Bad, Birri, Iyo Cirba. Fashilkii 1aad wuxuu ku dhacay markii ay dhaqaale badan siiyeen xilliyadii Doorashadu ay socotay Sanetor Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo xilligaa ka mid ahaa Murashaxiinta, shirar is xig-xigana ay Maamullada ugu yeertay Abu Dubia. 08 – Febru – 2017 – Markii uu Madaxwaynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doorashada kaga adkaaday 21 Murasharax, dowladda Imaaraad-ka waxay aamintay in ay ku guuldaraysanayso qorshaheeda guracan ee ay Soomaaliya ka damacsantahay, bacdamaa MD Farmaajo yahay Wadani aan ka yeelaynin damacooda lagu hagar-daaminayo dalkaan soo kabashada ku jira. March 05, 2017 – Safiirka isu taga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al Hammadi ayaa loogu yeeray in uu dib ugu soo laabto Magaalada Abu Dubai kadib markii ay dhaceen dibad baxayo lagu codsanyo in dowlada Imaaraadku ka baaqsato dhisidda Saldhig Militari ee ay ku yeelaneyso Magaalo Xeebeedka Berbera ee maamulka Somaliland Iyo la wareegida Dakada Boossaaso. April 05, 2017 – Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa in ka badan 20 Xildhibaan waxay mooshin ka keeneen Saldhiga Milatry ee Imaaraadku ay qorshaynayaan in ay ka furtaan Berbera, inkastoo Mooshinkaasi uusan noqon mid natiijo ay kasoo baxdo. Apr 10, 2017 Iyo Sidoo kale – Nov 21, 2017 – Labo safar oo Madaxwayne Farmaajo ku tagay Dalka Imaaraadka ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kaddib markii Madaxwaynuhu ka biyo diiday Laaluush-ka, khiyaannada, iyo aragti gaabnida ay Imaaraadku rabaan in ay Dalkaan uga hor istaagaan in uu dib cagihiisa ugu istaago. Waxaana Madaxwayne Farmaajo uu si diblumiyaasiyad ah uga gaabsaday in uu ka hadlo waxyaabihii uu Imaaraadka kala kulmay labadii safar-ba. Markii ay Dowladda Imaaraadka u cadaatay in aysan Hoggaanka Soomaaliya uga suurto-galaynin qorshahooda gurracan, waxay go’aansadeen in ay mugdi galiyaan Midnimada Soomaaliya. Si qorshahaas loo hirgaliyana waxay Imaaraadku xoogga saareen in ay dagaal 3 waji ah ku furaan dowladda, kaasi oo la iskana hor-keenayo 3daan qaybood oo saldhig u ah Midnimada Soomaaliya Xilligaan, waana: v Dowladda Iyo Maamul-goboleedyada v Dowladda Iyo Baarlamaanka v Dowladda Iyo Shacabka. Si qorshahaas loo ambaqaado waxay Dowladda Imaaraadka Carabtu ay dhaqaale ku bixisay iyadoo adeegsanaysa Cumar C/rashiid in Maamul-goboleedyadu ka hor-yimaadaan go’aankii taariikhiga ahaa ee khilaaf-ka Khaliijka ay ka qaadatay Dowladda Soomaaliya kaasi oo ahaa Soomaaliya in ay Dhex-dhexaad ka tahay Khilaaf Maamulka Puntland ayaa Aug 16, 2017 waraaq uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ay taageersanyihiin maamul ahaan xulufada Sacuudigu uu hoggaaminayo. Intaas kaddib-na, Sep 18, 2017 Isla warqad la mid ah tii Puntland waxaa soo saaray Maamulka Koonfur Galbeed, Halka taariikhdu markay ahayd Sep 20, 2017 Galmudug-na ay soo saartay warqad la mid ah tii Puntland iyo Koonfur-Galbeed. Sept, 22, 2017 – Ayaa waxaa Dalka Imaaraadka Carabta isugu tagay Madaxda Maamul-Goboleedyada, marka laga reebo Axmed Madoobe, waxaana shirkaasi oo u dhaxeeyay Dowlad-Goboleedyada Iyo Imaaraadka u kala dab-qaaday Senetor Cumar C/rashiid oo ah La taliyaha Imaaraadka u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya. Natiijadii kasoo baxday shirkaasina waxay noqotay in Kiskaamyo lagu qabto Shir ay Dowladda Imaaraadku ku bixiyaan dhaqaale badan, waxaana taariikhdu markay ahayd Oct 11, 2017 Natiijadii Kismaayo kasoo baxdayna ay noqotay in ay Maamulladu samaysteen (Gole Iskaashi) Oo Guddoomiye looga dhigay Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas, halka kuxigeenna looga dhigay M/wayanaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Madaxwayne Farmaajo wuxuu si xil-kasnimo, mas’uuliyad, iyo geesinimo leh ku xakameeyay dhul-gariirkii Siyaasadeed ee Kismaayo ka dhacay, wuxuuna Maamul-goboleedyada ugu baaqay in ay xasuustaan kitaabkii ay dalkaan u mareen, mas’uuliyad-na iska saaraan dalkaan sookabashada ku jira, isagoo ugu baaqay shir dag dag ah oo wadatashi ah, laguna xallinayo wixii khilaaf ah oo jira Oct 22, 2017 Oct 10, 2017 – Waxaa dalka Imaaraadka Carabta shir ku yeeshay Madaxwaynayaashii hore ee Dalka Xassan Shiikh, Shiikh Shariif, R/wasaarihii hore Cumar C/rashiid, Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, Iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble. Shirkaasi oo waxaa lagu dajiyay qorshihii ugu dambeeyay ee lagu af-gambinayo Dowladda uu Madaxwayne Farmaajo Hoggaamiyo, iyadoo laga faa’iidaysanayo Khilaafka Imaaraadku abuureen ee u dhaxeeya Maamullada Iyo Dowladda Dhexe. Balse, wax kasta waxay is badeleen markii Madaxwayne Farmaajo uu hishiis taariikhi ah la saxiixday Maamul Goboleedyada bishii Nov 5, 2017 – Hishiiskaasi oo noqday mid Soomaalida iyo Beesha Caalam-kuba soo dhaweeyeen, wax wayna ka badalay xiisadii siyaasadeed ee dalka ka taagnayd https://www.voasomali.com/a/4093610.html. Nov, 01, 2017 Arbaco – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiysay dowladda Soomaaliya 311 askari oo ay tababar saddex bilood ah ugu soo gabagabeeyeen magaaalada Muqdisho. Inkastoo magac ahaan ay ciidankaasi Imaaraadku ay dowladda ugu wareejiyeen, hayse ahaatee wali muushaarkooda, iyo awaamiirtooda waa ciidan si rasmi ah ah u hoos-taga Safaaradda Imaaraadku ay Soomaaliya ku leeyihiin, gaar ahaan xafiiskooda Nov, 10, 2017 – Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa warqad u yeeris dal ku laabasho ah u dirtay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey Axmed, waxaana isla bishaas Nov, 13-keedii uu ka biyo diiday in uu u hoggaansamo amarkii kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya. Dhammaan-ba markii ay fashilmeen duulaan-kii bahalnimada ahaa ee ay rabeen in ay Soomaalida ku kala qaybiyaan, Qaran-ka ku dimiyaan, ayay bilowgii bishaan Dec 2017 –Dowladda Imaaraad-ku iyadoo adeegsanaysa Siyaasiyiinta kale ah Cumar C/rashiid, Iyo C/raxmaan C/shakuur waxay bixiyeen dhaqaale cadadkiisa lagu qiyaasiy 20 Milyan Dhaqaalahaas oo loo qorsheeyay in loo qaybiyo Xildhibaannada Golaha Shacabka si ay Mooshin uga keenaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo. Siyaasiyiinta ay Imaaraadku u isticmaalayaan weerarka qaawan ee Qaranimada Soomaaliya lagu majo xaabinayo oo ay ku jiraan xildhibaayo iyo rag kasoo jeeda jihooyin kale duwan oo siyaasada ku fashilmay, dowladdana xilal ka waayay, tillaabooyinkii ugu horreeyay ee dowladdu ay qaaday ayaa noqatay in ay baaritaan ku samayso howlgalka ka socda Muqdisho, waxaana howlgalkaasi Baaritaanka ahaa mirii kasoo baxay ka mid ahaa In Bishii December, 17, 2017 – Uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir shirjaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay in ay jiraan Xidhibaano Qaran Dumis ah oo dambiyo waawayn dalka ka galay. Xeer ilaalihu Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaday in xasaannada laga qaado 2 xildhibaan ee kale ah Xassan Macalin Maxamuud Iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye. Isniin Dec 18, 2017 – Howlgal sababay dhimasho iyo dhaawac waxay hay’adaha Amnigu kusoo qabteen Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo la aaminsanyahay in Gurigiisu u ahaa goobta laga maleegayo qorshaha guracan ee Imaaraadku ay Qaranka ku duminayaan, waxaana hay’adaha Amniga usuurto gashay in ay gacanta kusoo dhigaan cadaymo rasmi ah iyo Documentiyo ka markhaati ka caya tuhunkii ay dowladdu ka qabtay Imaaraadka iyo shaqsiyaadka ay adeegsanayaan. Mar kale – Imaaraadka oo uu ka fashilmay weeraradii naf-la caariga ahaa, waxay markay taariikhdu aheyd 31 Dec, 2017 – Weerar qaawan ku qaadeen guriga Senetor Cabdi Qayb-diid, iyagoo adeegsanaya ciidankii ay Bishii Nov 01, 2017 – ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya, tillaabadaan markii ay dhacday ayaa isla xilligii waxaa ka falceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Bartiisa Twitter-ka Soodhigay amar uu talyaha Ciidanka Xoogga ku farayo in dag dag lagu soo qabto cid kasta oo ka dambaysay weerarka bahalnimada ah ee lagu qaaday Guriga Senetor Cabdi Qaybdiid https://twitter.com/TheVillaSomalia Waxyar kaddib, Talyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas General Gorod iyo Senetor Cabdi Qaybdiid ayaa gaaray goobtii weerarku uu ka dhacay, waxayna sheegeen in ciidanka howlgalkaas fuliyay uu ahaa ciidankii Imaaraadku tababaray. https://www.youtube.com/watch?v=S1VFWFOJznY Howlgal baaritaan oo ay hay’adaha amnigu sameeyeen waxaa lagu soo xiray 4tii sargaal ee howlgalka fulisay iyo ku dhawaad 40 ciidan ah oo ahaa kuwii Imaaraadku u adeegsadeen howlgalkaasi. Xilligaan waxaa dalka Imaaraadka ku sugan Senetor Cumar C/rashiid, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo ku dhawaad 20 xildhibaan oo ilo xog’ogaal ah ay xaqiijinayaan in ay maleegayaan qorshe kele oo lagu majaxaabinayo midnimada Soomaaliya. Haddaba meeye aqoonyadii ? Meeye Waxgaradkii Soomaaliyeed ? Meeye Siyaasiyiintii rajada ka qabay dalkaan ? Iyo Culumadii? Soo ma habboona in aan fadhiga ka kacno ? Qaybtaan waxaan kusoo bandhigay dhacdooyinkii sanadkaan Imaaraadku ay ku fashilinayeen Qaranka Soomaaliya, waxaana qayb-ta labaad ee maqaalkaan aan ku odorosayaa in jawaabo rasmi ah loo helo su’aalahaan: Codownimada Imaaraadku ay Soomaaliya u qabaan xaggee bay salka ku haysaa ? Imaaraadku waayo cidda ay u adeegsanayaan duulaanka ay Soomaaliya ku hayaan ? Waa maxay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ku aadan duulaanka Imaaraadka ? Haddii xagmiga intaas le’eg oo dagaalka ah ay Imaaraadku ay Soomaalya ku hayaan, waa maxay doorka shacabka Soomaaliyeed ? Aqoonyahan Maxamed Cali ma9221058@gmail.com Moqdisho Somalia The post Duulaanka Imaaraadka iyo Daymo la’aanta Soomaalida!! appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa Degmada Kurtun-waarey ee Gobolka Shabellaha Hoose ku toogatay shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis. Shantan qof ee la dilay ayaa waay ku kala eedeeyeen inay la shaqeynayeen, dowladda Somalia, ciidanka Itoobiya iyo ciidanka Kenya ee dalka ku sugan, kuwaasoo qayb ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Bishii lasoo dhaafay 24-keedii ayay sidoo kale Al-shabaab ku toogteen shan dhallinyaro ah deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay, kuwaasoo ay sheegeen in ay ahaayeen basaasiin. Ururka Al-shabaab ayaa shalay galab isugu yeeray dadka deegaanka fagaare ku yaalla Kurtun-waareey, halkaasoo ay u toogteen shanta dhallinyarad ah ee lagu eedeeyay inay jaajuusiin ahaayeen. Shanta dhallinyarada ah ee Al-shabaab ayay magacyadoodu kala ahaayeen; C/qaadir Cumar Xasan oo 23-jir ahaa, laguna eedeeyay inuu si hoose ula shaqeynayay maamulka degmada Qoryooley. C/qaadir Shukri Xasan oo 30-jir ahaa, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay sirdoonka Dowladda Federaalka Somalia. Muxamed Abshir Cali oo 35-jir ahaa, laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM. Cali Axmed Sheekh Cali oo 30-jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu isagana la shaqeynaayay sirdoonka Dowladda Soomaaliya. Cali Yuusuf Axmed oo loo yaqaano [Jacfar Dheere] oo 36-jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay dowladda Kenya. Ugu dambeyn, Dilkan ay Al-shabaab ku fulisay dhallinyaradan ayaa waxay noqonayaa dhallinyaro kale oo muddo bil gudaheed ay Al-shabaab ku disho deegaannada ay ka taliso, iyadoo ku eedeysa basaasnimo. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo toogasho u dishay dhalinyaro ay ku eedeysay inay ahaayeen Basaasnimo appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qofka eedeysanaha ah laga doonayo mar walba in uu hortago maxkamadda u yeertay, isla markaana uu halkaasi ka sheego wax uu qabo. Abuukaate Dhoore waxaa uu qabaa in haddii qofka eedeysanaha ah aanu ku qanacsaneyn maxkamadda ama uu ka shaki-qabo, kuna tuhmayo mid siyaasadeysan ay la gudboon tahay in sidaasi maxkamadda ka hor-cadeeyo taasi ay keeni karto in garsooraha is-casilo, lana badalo. Dhinaca kale, Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore waxaa uu sheegay in dacwo-oogaha oo markan Xeer ilaaliyaha ah la doonayo in uu maxkamadda hor-keeno cadeymo muujinaya waxa uu sheego, haddii kale aan laga aqbali-doonin iska hadal. “Eedeysanaha waa in uu tagaa maxkamadda, ka hor sheegaa kuma qanacsani garsooraha ama sida wax u socdaan, kolkaas garsooraha waa is casilayaa” sidaasi waxaa yiri Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore. Abuukaate Dhoore waxaa uu Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur kula taliyay in uu sharciga iyo garsoorka aamino, una hoggaansamo amarka maxkamadda, xaqiisana halkaasi ku soo qaato. Arrintan ayaa waxaa ay imaneysaa saacado kadib markii uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur soo saaray qoraal uu ku sheegay in dacwada loo heysto ay tahay mid siyaasadeysan, oo aan waafaqsaneen sharciga, isla markaana Xeer ilaaliyaha oo gacan ka helaya madaxda sare oo adeegsanaya awoodda xafiiska faragelin qaawan ku sameeyay garsoorka is hortaagna ku sameeyay go’aanka maxkamadda gobolka Banaadir. Qodobada uu siyaasiga soo qaatay waxaa ka mid ahaa in Xeer ilaaliyaha uu xiray iyada oo aaney jirin hab-raaca xeerka ciqaabka, isla markaana uu jabiyay qodobo badan oo xeerkaasi ah sida 34, 39, 38, 32, iyo qodobada 39 iyo 66. Qodobadaasi uu ku eedeynayo ayuu sheegay in ay qasab tahay amar maxkamadeed, Xeer ilaaliyahana uu xiray amar maxkamad la’aan. Iyo in xarigaasi sharci-darada ah uu ka dhashay dil 5 ilaaliadiisa ka tirsan. Ugu dambeyntii, waxaa uu siyaasiga sheegay in xeer-ilaaliyaha aanu keenin asbaabta ku xusan qodobada 35 ee XHC ee dhigaya in garsoorha la horgeeyo cadeymaha fal-damibiyeedka ee aan gacmaha kula jiray ee cadeynaya inuu ku soo duulay madaxbannaaida iyo qarannimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 39 iyo 45 ee XHC. Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa maanta la sugayaa maxkamadda racfaanka, lamana oga sida ay wax noqon-doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Abuukaate sharaxaya sida ay noqon karto dacwada siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur appeared first on Caasimada Online.
  10. Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Kuuriyada Waqooyi uga digay inuu heysto Niyukliyeer ka awood badan midka ay hesytaan. Madaxweyne Trump ayaa hadalkaan sheegay mar uu u jawaabayey ogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un kaasoo sheegay in keebka laga rido hubka Niyukliyerka uu saaran yahay miiskiisa waxana uu u digey dowlada Maraykanka in uu leeyahay awood uu ku gaaro guud ahaan dalka Maraykanka. ” Madaxweynaha Kuuriyada wuxuu sheegay in mar kasta uu miiska u saaran yahay Batoonka laga rido Gantaalka Niyukliyeerka, haloo sheego in anigana uu miiska ii saaran yahay mid ka awood badan” ayuu yiri Trump. Hoggaamiyaha Kuuriyada Isaga oo jeedinayay khudbadda sanadka cusub ayuu sheegay in batoonka laga ridayo gantaalka hubka nuyuukleerka uu markasta ku dheganyahay miiskiisa, islamarkaasna uu riixi karo markii uu doono. Waxa uu intaas ku daray in gantaalada ay gaari karaan meel kasta oo Maraykanka ka mid ah. Balse waxa uu Kim Maraykanka u fidiyay wax lagu tilmaamay caleemo qoyan, isaga oo soo jeediyay in ay wadahadalo furan galaan labada dal. Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn. Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi. Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang, taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Trump ” Batoonka laga ridayo gantaalka Niyukliyerka ee miiska kuu saaran mid ka weyn ayaa anigana ii saaran” appeared first on Caasimada Online.
  11. Wefdi ballaaran oo uu hoggaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Cabdi Faarax Siciid(Juxa) ayaa Khamiista berri ah ku soo wajahan Puntland,waxaana wefdigaan horu-dhac u yihiin safar uu madaxweyne Farmaajo ku imaanayo Puntland 6 bishaan Jannaayo ee 2017. Saraakiil ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa PUNTLAND POST u xaqiijiyey in wefdigaan oo ka kooban Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,xildhibaanno ka socda labada Aqal iyo saraakiil kale ay Maalinta berri u soo kicitimayaan dhinaca Puntland,iyagoo horu-dhac u ah booqashada madaxweyne Farmaajo ku imaanayayo Puntland. Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa sabtida lagu wadaa in uu ka soo dego garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso,booqashadii ugu horreysay oo uu ku yimaado degaannada Puntland. Mudane. Farmaajo ayaa inta uu Puntland ku sugan yahay goobjoog ahaan doona daah-furka garoomada diyaaradaha magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo lagu soo beegay 8-da Jannaayo,kuna aaddan Maalintii la doortay Cabdiweli Gaas,sida aan xogta ku helnay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Maalinta berri ah ku soo wajahan Puntland. appeared first on Puntland Post.
  12. Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay sanadkaan cusub 2018-ka lagu dilay dalkaasi Koonfur Afrika. Allaha u naxariistee muwaadinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulahi Macalin Cali waxaana dishay dableey hubeeysan oo Koonfur Afrikaana ah. Dilkaan ayaa ka dhacaya Magaalada Johanesberg ee dalkaasi Koonfur Afrika. Ha’ada Ka Howlgasha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in sanadkii dhamaaday la toogtay 137 Muwaadin Soomaali ah. Dilalka loo geeysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku soo badanaya dalka Koonfur Afrika. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo sanadkaan Cusub 2018-ka lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  13. Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shir jaraa’id oo goor dhowayd ay ku qabteen Garowe waxay muddo bil ah ku kordhiyeen muddadii isdiiwaan galinta ururada siyaasadeed ee Puntland. Guddigu waxay sheegeen inay soo dhammaatay waqtigii horey loo qabtay oo ku ekaa 31 bishii December ee sannadkii hore, waxaana illaa iyo hadda isdiiwaan galiyay afar urur oo kaliya. Ururada isdiiwaan galiyay waxay kala yihiin, Garsoor, Umadda, Ubax iyo Himilo, inastoo oo guddigu sheegay in aanay weli buuxin sharuudaha lagu ahaan karo urur siyaasadeed sharciyad leh. Guddiga waxay ugu baaqeen siyaasiyiinta daneynaysa inay urur sameystaan ay ka faa’idaystaan muddada lagu kordhiyay xilliga isdiiwaan galinta ururada. Halkaan ka akhriso Puntlandi.com
  14. Dowladda Maraykanka ayaa sannadkii tegay ee 2017 siyaadisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ku qaadayso mintidiinta Xagjirka ah ee Soomaaliya,waxayna qaadday in ka badan 30 weerar oo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish. Inta badan weerarradii dhacay sannadkii 2017 waxaa lagu beegsaday Al-shabaab,marka laga reebo laba kamid ah oo lagu qaaday koox yar oo ku sugan buuraleeyda degmada Qandala ee gobolka Bari,kuwaasoo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Daacish. Horraantii bishii Nov ee sannadkii 2017 ayaa Maraykanku Soomaaliya ka fuliyey weerarkii ugu horreeyey ee lagu qaado Daacishta ku sugan gobolka Bari ee Puntland,balse wax khasaare oo weyn ma geysan. Haddaba aan idiin soo bandhigno tirada duqeymihii Maraykanka ee 10 sano ee dambaysay ka dhacday Soomaaliya. 2007 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay laba duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya. 2008 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya. 2009 hal duqeyn ayaa Maraykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliya. Sannadihii 2010 iyo 2011 midna wax duqeyn ah Maraykanku kama geysan Soomaaliya. 2012 hal duqeyn ayaa Maraykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliya. Sannadkii 2013 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay laba duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya. 2014 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo lagu qaaday Koonfurta. 2015 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya. 2016 Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fulisay 15 duqeymood oo dhammaantood ka dhacay koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Sannadkii tegay ee 2017 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay duqeymihii ugu badnaa oo gaaraya 35 weerar,waxaana 33 kamid ah lagu qaaday Koonfurta Soomaaliya,halka labada kale lagu beegsaday Daacishta ku sugan degaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Tirada duqeymaha Maraykanku ka geystay Soomaaliya 10 sano ee la soo dhaafay. appeared first on Puntland Post.
  15. Badhan (Puntlandi) Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka qorshaynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa gaaray degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho maalmo ah oo ku marayo gobolka Sanaag. Waftiga wasiirka oo sii maray magaaladda Ceeldaahir ee gobolka bari iyo tuulooyinka teedsan wadada isku xirta Badhan iyo Bosaso, waxaa si ballaaran u soo dhaweeyay dadka degaanka iyo masuuliyiinta dowladda Puntland ee gobolka. Socdaalka waxaa wasiirka ku wehelinayay Wasiirada amniga iyo waxbarashada ee dowladda Puntland, xildhibaano ka tirsan barlamaanka federaalka iyo barlamaanka Puntland. Wasiirku wuxuu booqday howladeenadda gacanta ku haya wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, isagoo la kulmay guddiga gacanta ku haya mashruuca, waxayna uu guddiga ka dhagaystay halka uu marayo mashruuca wadada oo ay sheegeen ina la dhamaystiray 65km. Halkaan ka daawo muuqaalka booqashada wasiirka.
  16. Five security officers were killed on Tuesday in an attack by suspected Al-Shabaab terrorists on the Elwak-Kotulo road in Mandera. Source: Hiiraan Online
  17. U.S. President Donald Trump threatened late Tuesday to cut off U.S. aid money to Palestine and acknowledged that the Middle East peace process appears to be stalled. Source: Hiiraan Online
  18. Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qofka eedeysanaha ah laga doonayo mar walba in uu hortago maxkamadda u yeertay, isla markaana uu halkaasi ka sheego wax uu qabo. Abuukaate Dhoore waxaa uu qabaa in haddii qofka eedeysanaha ah aanu ku qanacsaneyn maxkamadda ama uu ka shaki-qabo, kuna tuhmayo mid siyaasadeysan ay la gudboon tahay in sidaasi maxkamadda ka hor-cadeeyo taasi ay keeni karto in garsooraha is-casilo, lana badalo. Dhinaca kale, Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore waxaa uu sheegay in dacwo-oogaha oo markan Xeer ilaaliyaha ah la doonayo in uu maxkamadda hor-keeno cadeymo muujinaya waxa uu sheego, haddii kale aan laga aqbali-doonin iska hadal. “Eedeysanaha waa in uu tagaa maxkamadda, ka hor sheegaa kuma qanacsani garsooraha ama sida wax u socdaan, kolkaas garsooraha waa is casilayaa” sidaasi waxaa yiri Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore. Abuukaate Dhoore waxaa uu Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur kula taliyay in uu sharciga iyo garsoorka aamino, una hoggaansamo amarka maxkamadda, xaqiisana halkaasi ku soo qaato. Arrintan ayaa waxaa ay imaneysaa saacado kadib markii uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur soo saaray qoraal uu ku sheegay in dacwada loo heysto ay tahay mid siyaasadeysan, oo aan waafaqsaneen sharciga, isla markaana Xeer ilaaliyaha oo gacan ka helaya madaxda sare oo adeegsanaya awoodda xafiiska faragelin qaawan ku sameeyay garsoorka is hortaagna ku sameeyay go’aanka maxkamadda gobolka Banaadir. Qodobada uu siyaasiga soo qaatay waxaa ka mid ahaa in Xeer ilaaliyaha uu xiray iyada oo aaney jirin hab-raaca xeerka ciqaabka, isla markaana uu jabiyay qodobo badan oo xeerkaasi ah sida 34, 39, 38, 32, iyo qodobada 39 iyo 66. Qodobadaasi uu ku eedeynayo ayuu sheegay in ay qasab tahay amar maxkamadeed, Xeer ilaaliyahana uu xiray amar maxkamad la’aan. Iyo in xarigaasi sharci-darada ah uu ka dhashay dil 5 ilaaliadiisa ka tirsan. Ugu dambeyntii, waxaa uu siyaasiga sheegay in xeer-ilaaliyaha aanu keenin asbaabta ku xusan qodobada 35 ee XHC ee dhigaya in garsoorha la horgeeyo cadeymaha fal-damibiyeedka ee aan gacmaha kula jiray ee cadeynaya inuu ku soo duulay madaxbannaaida iyo qarannimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 39 iyo 45 ee XHC. Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa maanta la sugayaa maxkamadda racfaanka, lamana oga sida ay wax noqon-doonaan. Wararkan, Kala soco Goobjoog News Goobjoog News Source
  19. Waxaa maanta ay ku beegan tahay maalintii loo mudeeyay inay dhacdo maxkamadaynta siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakur oo loo haysto inuu galay dambi qaran Muuqaal uu xalay iskasoo duubay siyaasiigaan ayuu ku diiday inuu dacwadaas kasoo hormuuqdo, isagoo sharci darro ku tilmaamay go’aanka maxkamada.
  20. Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii xalay lagu dilay Cali Nuur Shuute,oo ahaa abbaha guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xassan Cali Nuur Shuute. Qoraal uu soo saaray Xafiiska Warbaahinta Al-shabaab oo lagu baahiyey bogagga Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay In dagaallamayashoodu ay dilkaas geysteen. Fiidnimadii Xalay ayaa koox hubaysan degmada dharkaynleey ee gobolka Banaadir ku dileen Cali Nuur Shuute,iyagoo durbadiiba goobta ka baxsaday,waxaana dilkiisu ku soo beegmay xilli dhowaan maxkamad la soo tagay rag loo haysto in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo lagu eedaynayo qaraxii weynaa ee Soobe. PUNTLANDPOST The post Al-shabaab oo sheegatay dilkii Cali Nuur Shuute. appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegaya inay suuragal tahay in Siyaasiga uu maanta ka baaqsado Maxkamada racfaanka gobolka banaadir. Ilo wareedka ayaa sheegay in Siyaasiga uu ka biya diidan yahay hortagida Maxkamada, waxa uuna u sababeeyay diidmadiisa in maxkamada Gobolka Banadir ay fulisay xukun cadalad ah. C/raxmaan C/shakuur ayaa laga soo xigtay in aysan jirin wax dacwad ah oo uu ka qeyb galayo maanta, isagoo intaa ku daray in uusan wakiilan doonin qareena ku matala dacwadaas. Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in C/raxmaan C/shakuur uu kasoo horjeedo hor tagista Maxkamada Racfaanka kadib markii uu ku dooday inuu raacsan yahay xukunkii ay horay u fulisay Maxkamada Gobolka. Maxkamada Racfaanka Gobolka ayaa qoraal ay u dirtay C/raxmaan C/Shakuur ku sheegtay in xarunta Maxkamada uu ku imaado mudada loo qabtay oo ku beegan 03-da January 2018 oo maanta ah . Sidoo kale, waxaana la ogeyn go’aanka ka soo baxay C/raxmaan C/shakuur Jawaabta ay ka bixin doonto Maxkamada Racfaanka Gobalka Banaadir, waa haddii uu Siyaasiga ku adkeysto hadalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ma dhabaa in C/Raxmaan C/Shakuur uu ka biya diidan yahay hortagista Maxkamada Racfaanka (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Duqeynta ayaa lala eegtay gaari nooca loo yaqaan Homey oo la sheegay inay kusoo jeeday dhanka Muqdisho, taa oo laga soo buuxiyay Qaraxyo tan culus oo la doonaayay in weerar ismiidaamin ah ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho. Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gaarigan ay Al-shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, islamarkaana usoo wadeen dhanka Muqdisho. Saraakiisha ayaa sheegtay in gaariga lala socday markiisa hore isla markaana la duqeeyay goorta uu soo galay xadkii loogu talo galay in lagu duqeeyo, sida ay hadalka u dhigeen. Si kastaba ha ahaatee, duqeynta ayaa daba socta mid Bishii aynu kasoo gudubnay muddo Laba jeer ay diyaarado dagaal ku duqeeyeen Sh/hoose gaadiid la sheegay in qaraxyo laga soo buuxiyey, kuna soo wajahnaayeen Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xogo dheeraad ah oo laga helaayo Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta xarunta Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir uu gaaro C/raxmaan C/shakuur oo maalmo un ka hor looga yeeray Maxkamada. Maxkamada Racfaanka Gobolka ayaa qoraal ay u dirtay C/raxmaan C/Shakuur ku sheegtay in xarunta Maxkamada uu ku imaado mudada loo qabtay oo ku beegan 03-da January 2018 oo maanta ah . Maxkamada waxa ay sidoo kale qoraalkeeda ku wargalisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir, Nabadsugida iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir oo lagu wargalinaayay inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa. Maxkamada ayaa C/raxmaan C/Shakuur fartay in si hufnaan ah uu uga jawaab bixiyo dacwadiisa maadaama kiiska Dacwada uu usoo gudbay heer Racfaan oo maanta loo fadhiyo. Dhageysiga dacwada Maxkamada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaadan doona Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka, waxaana dhammaan dhinacyada lagu wargeliyay in ay waqtiga ilaaliyaan. Dhinaca kale, Warqada loogu yeeray C/raxmaan C/Shakuur ee kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblawe ayaa soo baxday 26-kii December. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post C/raxmaan C/Shakuur oo maanta laga sugaayo Xarunta Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  24. The Somali community resident in Isiolo county on Sunday held their first ever cultural and heritage night. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa ku goodiyay in gabi ahaan uu jari doono deeqaha uu dalkiisa siiyo maamulka iyo shacabka Falastiiniyiinta. Trump ayaa jarida deeqaha Falastiiniyiinta ku saleeyay in maamulka iyo shacabka aysan diyaar u aheyn dhismaha Nabada iyo wada noolaasho. Trump, ayaa goodintiisa ku muujiyay qoraal uu kusoo bandhigay bartiisa Twitterka, waxa uuna ku celcelshay in deeqda uu Maraykanku bixinayo uusan ku helin ixtiraam iyo mahadnaq toona. Waxa uu sidoo kale Trump sheegay in aqoonsigiisa caasimadda Israa’iil ay miiska wadahadalka nabadda ka leexisay arrintii kala qaybsanaanta wayn keenaysay. Sidoo kale, Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tallaabadaasi ay Maraykanka ka dhigtay mid aan dhexdhexaad noqon karin. Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadii bishii Disembar waxaa iyadana si wayn u cambaaraysay Qarammada Midoobay, iyadoo 128 dal ay ka soo horjeedsadeen tallaabadii uu Trump qaatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Trump oo fariin goodin ah u diray maamulka & shacabka Falastiiniyiinta (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.