Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,004
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Shacabka degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal oo kaashanaya maamulkooda ayaa meel wanaagsan marinaya dhismaha waddo dhererkeedu yahay 57km oo jid caddo ah.

    Waddadaan ayaa haatan la dhameystiray qeyb kamid ah, waxayna isku furtay degmada Godob-jiraan iyo tuulooyin badan oo awal hore uusan gaadiidku gali karin sababo la xiriira waddo la’aan.

    Hirgalinta Jidkaan ayaa fududayndoona in tuulooyin badan oo abaaraha ay saameyeen la gaarsiiyo gurmadka biyo dhaamiska iyo mucaawinooyinka loogu talo galay, kuwaas oo markii hore loo mari jiray masaafo dheer.

    Dadka degaanka ayaa si iskutashi ah u dhisanaya jidkaan kadib markii la ogaaday baahida loo qabo in la helo waddo isku xirta degmada Godob iyo tuulooyinka hoos yimaada.

    Guddoomiyaha degmada Godob, Axmed Siciid Maxamed ayaa Puntlandi u sheegay in qarashka lagu dhisayo Waddadaan uu yahay xoolo lagasoo aruuriyay dadka degaanka iyo ciidanka degmada oo xooggooda ku tabarucay.

    Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in booyada biyaha ah markii hore tuulooyinka lagu gayn jiray lacag $500, balse haatan wuxuu sheegay inay hoos  u dhacday oo ay gaartay $100 halkii booyad, sidoo kale wuxuu sheegay dumarka Uurka leh ee tuulooyinka ku dhaqan inay xaalado adag kala kulmi jireen waddo la’aanta.

    26733420_1992361941006129_85996697718122 26733834_1992364921005831_66697669756853 26904001_1992361117672878_67228906924119 26907185_1992360844339572_53797895831260 26907240_1992361391006184_24607213818748

     


  2. Wararka aan ka helayno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in ay dib u dhacday Munaasabaddii lagu dhammaysiri lahaa Heshiiski Galmudug iyo Ahlu-sunna oo Saaka la filayey in lagu qabto magaaladaasi.

    Weriye ku sugan Dhuusamareeb ayaa PUNTLAND POST u sheegay in dib u dhaca Munaasabaddu la xiriiro qaar kamid ah wufuuddi ka qeyb gali lahayd dhammaystirka Heshiiska oo aan weli soo gaarin magaalada,iyadoo isla Maanta la filayo in madaxweynahayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed ay halkaasi tegaan.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaan(Axmed Madoobe)ayaa baajiyey safarkii uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee lagu dhammaystirayo Heshiiska.Axmed Madoobe ayaa baaqashadiisa ku sheegay “mid shaqo”.

    PUNTLAND POST

    The post Munaasabaddii dhammaystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna oo dib u dhacday. appeared first on Puntland Post.


  3. Rag hubaysan ayaa Xalay Xaafadda Saalama ee magaalada Gaalkacyo ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan waaxda Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo.

    Sarkaalka la dhaawacay oo lagu magacaabo Muuse Afriix ayaa qaabilsanaa uruurinta Canshuurta laga qaado Xaafadaha magaalada Gaalkacyo,waxaana fiidnmadii Xalay lagu weeraray halka lagu magacaabo Falluuja oo ka tirsan Xaafadda Saalama ee magaalada Gaalkacyo,sida PUNTLAND POST u xaqiijiyey mas’uul ka tirsan Waaxda Canshuuraha.

    Dhaawaca Sarkaalkaan ayaa haatan lagu dabiibaya Isbitaalka Maxammed Jaamac ee magaalada Gaalkacyo,iyadoo aanay jirin weli cid loo qabtay iyo cid sheegatay midna.

    Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

     

    The post Sarkaal ka tirsan Waaxda Canshuura Puntland oo lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo. appeared first on Puntland Post.


  4. Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Baay ee Koonfurta,ayaa hawlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab,sida ay soo werisay Warbaahinta Maxalliga ah ee magaalada Muqdisho.

    Warbaahinta ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka qeybtooda gobolka Baay ay gacanta ku soo dhigeen 5 xubnood oo ak tirsan Al-shabaab iyo mootooyin ay wateen,kadib hawlgal kooban oo ay ka sameeyeen degaanka Manaas oo hoostaga magaalada baydhabo.

    Mas’uuliyiinta gobolka Baay laga soo xigtay in dagaallamayaashan ay qorshaynayeen qaraxyo lagu dhibateeyo shacabka degaannada gobolka Baay,gaar ahaanna magaalada Baydhabo.

    Ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaan,balse Al-shabaab ayaa ku xooggan degaannada ka tirsan gobolka Baay ee hoosyimaada magaalada Baydhabo,waxaana marar badan ay weerarro ku qaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka.

    PUNTLAND POST

    The post Xubno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in lagu qabtay gobolka Baay. appeared first on Puntland Post.


  5. Dhuusamareeb, 17 Jan, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud si loo dhameystiro heshiiskii Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo galinkii dambe ee shalay ka soo amba-baxay magaalada Cadaado, ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku soo maray deegaannada Goodinlabe, Mareer Gur iyo Mirrig ee ka tirsan gobolka Gal-guduud.

    Madaxweynaha ayaa si heer sare ah waxaa ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Axmed (Bukhaari), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, Xildhibaanno heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay, isagoona ku ammaanay sida wadinayadda leh ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

    Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

    1.jpg?resize=600%2C4002.jpg?resize=600%2C4003.jpg?resize=600%2C4004.jpg?resize=600%2C4005.jpg?resize=600%2C400

     

    The post Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobolka Galguduud+Sawirro appeared first on Puntland Post.


  6. Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud,ayaa maanta la filaya in uu goobjoog ka ahaado dhammaystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna.

    Heshiiska oo ay garwadeen ka tahay dowladda Soomaaliya ayaa qeybihiisi hore lagu soo dhammaystiray magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti,waxaana inta harsan lagu saxiixi doona magaalada Dhuusamareeb,sida qorshuhu yahay.

    Mudane.Farmaajo ayaa gelinkii dambe Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb,kadib socdaal dhinaca dhulka ah oo uu kaga yimid degmada Cadaado,waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo degmooyinka Cabudwaaq iyo Guraceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud,sida ay qortay Idaacadda Radio Muqdisho.

    Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo bilowday degaannada Puntland,halkasoo uu ku soo maray safar dheer oo dhinaca dhulka gobollada Nugaal,Karkaar,iyo Bari,isagoo sidoo kale booqday gobolka Mudug.

    PUNTLAND POST

    The post Heshiiski Galmudug iyo Ahlu-sunna oo lagu dhammaystirayo magaalada Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.


  7. Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Galinkii Dambe ee Galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb  ee xarunta Gal-Mudug.

    Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay Magaaladaasi Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.

    Madaxweynaah Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaah Galmudug, wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

    Wafdiga ayaa waxaa dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Waxaana ku Madaxa Xukuumada Gal-Mudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale oo kusugnaa magaaladaasi.

    Amaanka magaalada Dhuuso Mareeb ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo amniga ay sugayaan ciidamo aad u farabadan.

    Caawa ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socoto Xaflad ay si rasmi ah ugu midoobayaa Gal-Mudug iyo Ahlusunno.

    Hoos ka Daawo Muuqaalka 

    Xigasho Muuqaalka  SNTV

    Xasan Maxamed Samatar Cowke 

    Puntland Post Muqdisho

    The post Madaxweyne Farmaajo oo Si weeyn loogu Soo Dhoweeyay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.


  8. Wasaarada Amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Ayaa Warbaahinta Gudaha ka mamnoocday Baahinta Wararka Al-Shabaab.

    Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Cali ibraahim (Xildhibaan) oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in aan la baahin Karin wararka Al-shabaab.

    Afhayeenka Ayaa ku goodiyay Cidii qilaafta amarkaan ay tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonto cidii amarkaan qilaafto.

    Dowladii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa amar ceenkaan oo kale ah ay ku mamnooceeyso tabinta wararka Al-Shabaab soo saartay.

    Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka

    http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/Afhayeenka-Wasaarada-Amniga-By-Cowke.mp3

     

    Xasan Maxamed Samatar Cowke 

    Puntland Post Muqdisho

    The post Dowlada Soomaaliya oo Warbaahinta ka mamnoocday Wararka Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.


  9. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusomareeb si uu uga qayb galo Xaflada lagu soo gabagabaynayo Heshiiska Ahlusuna iyo Galmuudg.
    Madaxweynaha ayaa u baajiyay safarkaas shaqooyin muhiim ah oo uu ka qabanayo Xarunta KMG ah ee Kismaayo iyo Safaro uu ku tagayo Magaalooyin kale oo Jubbaland kamid ah.
    Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu soo dhawaynayaa dhamaystirka heshiiska ahlusuna iyo Galmudug oo uu rajaynayo in ay dhabaha u xaarto daganan Siyaasadeed iyo Hormarka Gobolka oo sii socda.
    DHAMAAD
    PUNTLAND POST

    The post Axmed Madoobe o baajiyay Safar uu ku tagi lahaa Dhuusomareeb appeared first on Puntland Post.


  10. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusomareeb si uu uga qayb galo Xaflada lagu soo gabagabaynayo Heshiiska Ahlusuna iyo Galmuudg.

    Madaxweynaha ayaa u baajiyay safarkaas shaqooyin muhiim ah oo uu ka qabanayo Xarunta KMG ah ee Kismaayo iyo Safaro uu ku tagayo Magaalooyin kale oo Jubbaland kamid ah.

    Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu soo dhawaynayaa dhamaystirka heshiiska ahlusuna iyo Galmudug oo uu rajaynayo in ay dhabaha u xaarto daganan Siyaasadeed iyo Hormarka Gobolka oo sii socda.

    Puntlandi.com

    Kismaayo


  11. Addis Ababa–Ethiopian Prime Minister, Hailemariam Desalegn, has conferred today with a delegation led by Somaliland President, H.E Musa Bihi Abdi. The two leaders held talks centered on boosting the bilateral ties and common interests. The two leaders exchanged views on ways and means to enhance existing cooperation in trade, security, economic development and combating terrorism and piracy in the region. They also reviewed ways to boost the current relations and preventing anything that will hinder its progress. The two leaders raised in their discussion the implementation of Berbera corridor, which is very strategic for both countries as Ethiopia, a landlocked country is heavily banking on the use of Berbera port for its import and export. Musa Bihi, Somaliland president speaking after the talks said that he has discussed with Ethiopian PM on security. Said he, ” We have talked about security and I believe that Ethiopia’s stability is in the interest of Somaliland and the vice versa.” Somaliland President leading a high level delegation started two days official working visit to Ethiopia. PM Desalegn has extended the invitation to Somaliland president. Musa Bihi met with Ethiopia’s FM Dr. Workneh.

     

    8B7A1848.jpg 8B7A1851.jpg 8B7A1853.jpg 8B7A1867.jpg 8B7A1868.jpg 8B7A1899.jpg 8B7A1918.jpg MVI_1211.00_00_07_21.Still009.jpg MVI_1211.00_00_07_21.Still009-1.jpg MVI_1211.00_02_06_29.Still004.jpg MVI_1211.00_02_10_22.Still003.jpg MVI_1211.00_04_23_20.Still001.jpg MVI_1211.00_04_27_18.Still002.jpg MVI_1211.00_04_40_18.Still012.jpg MVI_1211.00_04_33_18.Still014.jpg

    8B7A1867.jpg8B7A1853.jpg8B7A1851.jpg8B7A1868.jpg

     


  12. Addis Ababa—- Musa Bihi Abdi President of Somaliland, an autonomous region of Somalia, has arrived in Addis Ababa today for a two-day official visit.

    Foreign Minister, Workneh Gebeyehu has welcomed Abdi who won the election in November 2017, upon his arrival at the Bole International Airport.

    The president said that his visit will strengthen the long and historical relationship between Ethiopia and Somaliland.

    He pointed out that Somaliland is eager to see a stable and prosperous region. “Somaliland is keen in maintaining peace and stability in the Horn of Africa and to work towards prosperity and good relations within the Horn of Africa”.

    In this regard, he appreciated the role that Ethiopia has been playing. “Ethiopia is a country with a long history and the African continent is proud of that tradition and history.”

    Foreign Minister Workeneh Gebeyehu noted the strong ties between Ethiopia and Somaliland.

    He added that they have a number of opportunities in enhancing cooperation. “The geographical location of Somaliland is one which is useful for both of us to strengthen our collaboration and work on enhancing it in the future.”

    During his stay in Addis Ababa, the president is expected to meet with Prime Minister Hailemariam Dessalegn.

    Various issues of common concern and bilateral cooperation including the issue of port are among the agendas that Abdi will discuss with the Ethiopian Premier.

    ENA

    8B7A1707.jpg 8B7A1718.jpg 8B7A1720.jpg 8B7A1727.jpg 8B7A1795.jpg 8B7A1813.jpg 8B7A1824.jpg8B7A1718.jpg8B7A1720.jpg8B7A1727.jpg8B7A1795.jpg8B7A1813.jpg8B7A1824.jpg

     8B7A1626.jpg8B7A1634.jpg8B7A1635.jpg8B7A1637.jpg8B7A1665.jpg8B7A1675.jpg8B7A1690.jpg8B7A1691.jpg8B7A1693.jpg
     1-8.jpg

  13. images-23.jpg

    Waxaa maalintii Axadii 14.01.2018 lagu qabtay Hotelka Sommertime Green Plaze magaalada Hargeisa Xaflada Meherka Nasir Cabdulqaadir Cadceed iyo Xamda Xaaji Axmed Oktober.

    Munaasibad oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay,oo ay ka muuqtay milgo, dhaqan iyo hido soo jireen ahi, ayaa kulmisay Isimo,Salaadiin, masuuliyiin heer walba ah leh, Suxufiyiin, Sugaanyahno, Qaraabo iyo Ehel ka kala yimid Dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba

    Xafladaas oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa ku soo gabagabowday jawi farxad iyo kaftan aad qurux badan laysku weydaarsaday

    Munaasibaadaa farxada leh awgeed waxay Jaaliyada Somaaliyeed ee Copenhagen ee Dalka Danmark tahniyad iyo hambalyo u dirayaan Boqorka iyo Boqorada Nasir Cabdulqaadir Cadceed iyo Xamda Xaaji Oktober, Allaahna waxaay qoyskaa cusub uga baryayaan baraare,barwaaqo iyo awlaad saalix in Ebbe ku maneysto.

    Maamulka iyo hawlwadeenada Shabakada caalamiga ah ee Puntlandi waxay sidaa oo kale hambalyo iyo Tahniyad kal iyo laab ah u dirayaan Nasir Cadceed iyo Xamdi Xaaji oktober.
    Waxaanuna Ebbe uga bayeynaa bash-bash iyo barwaaqo.
    Wiil iyo caano iyo gabadh iyo caano

    Xubnaha Jaaliyada ee Taniyada diraya :-

    Bootan Bare Samatar
    Abdi Abshir Aden
    Xuseen Cabdullaahi Khaliif (Naftixoor)
    Caaqil Maxamed Farax Sandheer
    Suldaan Xuseen Ramadaan
    Dr.Said Ahmed oor
    Dr.Ahmed Cabdulqadir Cadceed
    Xaaji Mohamed Hussein Daaniye
    Cali Daahir Jamac Kawis ( Qalinle)
    Cabdirisaq Khalif Xirsi ( Biine )
    Sharmaake C.Farax Qambi iyo xaaskiisa Deeqa Cabdi Nuur

    Cabdirisaaq Yusuf Cali Xoosh
    Cabdikariin Ciise Cali
    Oday Qandala
    Abdi Xasan Abuukar
    Suldaan Maxamuud Geele Cumar
    Hussein Baynax Barre
    Nabdoon Maxamed Aden Rooble
    Suldaan Cabdirisaq Xirsi Carab
    Eedo Xaliimo Soofe
    Haweeyo Farax
    Baashi Xasan Tubaako
    Axmed Dibe
    Cabdinaasir Wacbuudhan
    Cabdirshiid Burburshe
    Saciid Cabdille Cali Ilweyn
    Cumar Sheikh Xaashi
    Cali Foor
    Cabdirshiid Siyaasi
    Jamac Axmed Nuur
    Cabdimaalik Qar iskaxoor
    Cabdullahi Guuleed
    Ibraahim Cabdi Qayaad
    Liibaan Farax Xayir
    Maxamed Axmed(Bashiir Cagay)
    Cabdulahi xuseen Calas
    Cabdirshiid Shirwac
    Maxamed Jamac Sooyaan
    Mohamuud Khaliif

    Abdijabar shekh cumar(Afguriye)
    Faadumo abdiraxmar max,ed(dhoodi)
    Cabdiqadir Khalif Xirsi Dhamac (Biine)
    Cabdi Dhaanjoor
    Cabdi Sahid Axmed Barre
    Cabdullahi Warsame Xasan
    Ahmed A. Osman
    Cabdirisaq Sanweyne
    Maxamuud Axmed Cali (Ilkacase)
    Dr.Mohamed Jamac
    Dr.Cabdirizak Jamac Ciise
    Sheekh Ibraahim Saalax Aadan
    Cabdicasiis Gurxan
    Cbdullaahi Xaashi Wayrax
    Dr.Cabdi Muuse Shiil
    Cabdikhaliif Mire

    Cabdirashiid Jamac Ciise
    Ex- Govoner Maxamed Faarax Ciise
    Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Jamac
    Oday Yuusuf Shancad
    Cabdi Xasan Ciid
    Abdulaahi shiine
    Bashiir Quule
    Maxamuud cigaal Jakarab
    Mohamoud Omar Bulqaas
    Mohamed Abdulaahi Hussein (Shoortaayo)
    Mohamoud Osman (Surka)
    Ahmed Hussein Farax (Heeryo)
    Salah Said Diiriye
    Maxamuud Xarago
    Mustafe Yare
    Yusuf Cartan
    Abdullaahi Ahmed Haragweyn
    Eng.Omar Mohamoud

    Abdiqadir Sandeyl
    Cabdirisaq Cali Xaaji(Namhaan)
    Farah Isse Said
    Siciid Xuseen Faarax
    Siciid Maxamed Siciid
    Faadumo Cali Maxamed
    Xaawo Shabac
    Mulaaxo Xaraare
    Sahra Faarah
    Isir M Dhoore
    Asli Cabdulaahi Madaxey
    Maryan Jamac Aar
    Faadumo Axmed Ciid
    Ubax Axmed Ciid
    Bashiir Cali Adan
    Maxamed Axmed Shiino
    Abdirahman Hirsi Noor(Shiine)

    Ahmed Mohamed Isse(Dhakal)
    Jibriil Adan Galool
    Siciid Shabaab
    Daahir Maxamed Cali Cariif
    Cadnaan Maxamed Cusmaan
    Ubax Maxamed Cusmaan
    Idiris Xaaji Cali
    Cabdirisaaq Jamac Xasan
    Mursal Dhagaweyne
    Warsame Dhagacade
    Muuse Caydaruus
    Caydaruus Jamac Faarax
    Farxaan Ali Haashi
    Siciido Cusmaan Xaaji

    Xaawo Abdi Abshir
    Sucaad Mohamed Baynax
    Farxiyo Hassan Siciid
    caasho Koronto
    Farxiya Xasan Cali Xaashi
    Sahro Xasan Cali Xaashi
    Khadiijo Xaaji Axmed
    Ubax Maxamuud Kadawe
    Caasho Cusmaan Firin
    Sureer Cali Maad
    Hodan jeer Jeer
    Canab Cabaase
    Hodan Yusuf Nuux

    Hooyo Canab Xuseen Xaraare
    Idil Xasan Cusmaan Kenadiid
    Sagal diiriye Colaad
    Abdihalim M.Ali-ilwen
    Ahmed Mohamed Nuur
    Axmed Cabdi Yusuf
    Siciido Adan Bidaar
    Mohamed Shukri
    Cabdulaahi Joocaar
    Maxamed Xasan Dooyo
    Cabdulaahi Hoover

    Yusuf Ilweyn
    Iiman Maxamed Cali
    Farax Camashuluq
    Cabdinasir Axmed Cigaal
    Abdifatah Ali Maas
    Cabdulaahi Gabeyre
    Cali Geel-xoor
    Maxamed Yusuf Qaylo
    Cabdirashiid Khaliif
    Nuune salaad

    Saciid Daahir Barkhadle
    Cali Ciise Dheere
    Mahad Ali Mohamed( Qoloocow)
    Mohamed Guray
    Mohamed Abdulaahi Haashi (Elay)
    Mohamoud Muse Hasan Weli
    Mohamoud A/qadir Haaji
    Mohamed Ali Dheere
    Axmed Wariye
    Cabdiraxiin Xasan Jabuuti
    Saciiid Karuur
    Maxamuud Xaamud
    Maxamed Ciise Cabdi
    Cabdilaahi Khaliif Fiiqow
    Abdulaahi Ali Shaandhe iyo Mumtaas Mohamed Faraax
    Najiib Qoob-leex iyo Jamiilo Looyaan
    Axmed Faarax Siciid
    Maxamed Cali
    Mohamed Abdi Cartan

    Halkan ka daawo Xaflada Meherka Nasir iyo Xamda

    FB_IMG_1516120500165.jpg
    FB_IMG_1516120511145.jpg

    FB_IMG_1516120488523.jpg

    Screenshot_20180116-184103.png

    FB_IMG_1516120250476.jpg

    FB_IMG_1516120250476.jpg

    FB_IMG_1516120547399.jpg

    FB_IMG_1516120521762.jpg

    FB_IMG_1516120562030.jpg

    FB_IMG_1516120554392.jpg

    FB_IMG_1516120389226.jpg

    FB_IMG_1516120675356.jpg

    FB_IMG_1516120537238.jpg

    FB_IMG_1516120611409.jpg

    FB_IMG_1516120644738.jpg

    FB_IMG_1516120577441.jpg

    FB_IMG_1516120606393.jpg

    FB_IMG_1516120654629.jpg

    FB_IMG_1516120632221.jpg

    FB_IMG_1516120685072.jpg

    FB_IMG_1516120583753.jpg

    FB_IMG_1516120221691.jpg