-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku sheegnay wararkeeni hore Wasaarada Gaashandhiga ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay Xerada iyo ciidamadii uu tababaray Imaaraadka. Ciidamadan oo markii hore xuquuqda ka qaadan jiray dowlada Imaaraadka carabta ayaa iminka si toosa xuquuq uga qaadan doona Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya. Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal C/laahi Cali Caanood oo maanta booqday xerada, ayaa sheegay in sidoo kale ay la wareegeen Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay gacanta ku hayeen. Generaal C/laahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegen gaadiidka dagaalka ee Imaaraadka ay ciidamada ku tababareen, Ambalaasyo iyo qalab kale oo ciidan. Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya dhamaan qalabkaan iyo ciidamadii isticmaalayay. Sidoo kale, Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-83/042018 ku magacaabay masuuliyiintan hoos ku xusan: Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne: Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad: Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey, In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: 1-Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi Guddoomiyaha Baanka Dhexe 2-Axmed Xasan Cabdi Carwo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe 3-Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka 4-Cabdirashiid Cabdillaahi Hande Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal 5-Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa soo bandhigay Magacyada xubnaha guddiga qaban-qaabada doorashada ee guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka doodaya xubnahaan la magacaabay oo ka kooban 15-xubnood, Waxaana dood ka dib la filayaa in xildhibaannada golaha shacabka ay meelmariyaan. Kursigan oo hadda ay sheegeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya inay u taagan yihiin qabashadiisa ayaa waxaa iska-casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo is-casilaadiisa ay ka dambeysay khilaaf in muddo ah soo jiitamayay. Sidoo kale, xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Smalia ayaa waxaa isku soo taagay dhawr musharrax oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Difaaca DF, Maxamed Mursale Sh. C/raxmaan, Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow, Xil. Sheekh Aadan Madoobe, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Somalia Sharif Sheekhunaa Maye iyo xubno kale. Ugu dambeyn, Haddii xubnahan la meel-mariyo waxaa lagu wadaa in lagu soo doorto guddoomiyaha cusub muddo 15 casho gudaheed ah oo iyadoo laga soo billaabayo muddadaas markii uu is-casilay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka. Haddaba, AKHRISO: Magacyada Guddiga Doorashada Guddoomiyaha BFS; PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somalia oo la Magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta rasmi ahaan ula wareegtay dhammaan ciidamadii ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay gacanta ku haysay kaddib tababarkii ay siisay. Munaasabad ay Dowladda Somalia kula Wareegaysay ciidamadaas ayaa ka dhacday Xerada Janaraal Gordan oo hadda loo bixiyay xerada Daljir, taasoo ay ka qaybgaleen saraakiisha ugu sarreysa ciidamada xoogga dalka. Sidoo kale, saraakiil ka socday dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee wareejinayay ciidamadaas ayaa xerada ku sugnaa, waxaana kaloo goobjoog abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Somalia. Wasiirka Gaashaandhiga Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa horay u ballan-qaaday in Dowladda Somalia ay la wareegi doonto ciidamada ay gacanta ku hayso Dowladda Imaaraadka. Taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga dalka Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay la wareegtay ciidamadii ay tababartay dowladda Imaaraadka, ayna hadda kaddib iyagu gacan ku hayn doonaan. “Waxaa maanta nagula wareejiyay dhammaan ciidamadii ay tababartay Dowladda aanu walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta, saanad iyo gaadiid dagaal,” ayuu goobta ka yiri Jen. Caanood. Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia oo sii hadlay ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad-celiyay dadaalkii ay ku bixisay tababaridda ciidamada Soomaaliyeed ee maanta lagu wareejiay. “Ciidamadan wixii maanta ka dambeya innagaa bixinayna mushaarkooda iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, waxaana u bixinay ciidammadaan Daljir, waxaana rajeynaynaa inay hawlo badan qaban doonaan,” ayuu mar kale yiri Jen. Caanood. Ugu dambeyn, Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay gabi ahaan tababaridda ciidanka Somalia, kaddib markii uu muran soo dhex-galay iyada dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo Maanta la Wareegay Ciidankii ay Tababartay Dowlada Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamanaka Somalia ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in dastuurka hadda lagu dhaqo dalka uusan aheyn kii saxda ahaa ee ay Ansixiyeen ergada Soomaalida Sannadkii 2012-kii. Mudane C/weli Muudey ayaa sheegay in dastuurkii saxda ahaa la xaday oo aan la ogeyn meel lagu sheego sida uu hadalka u dhigay. Isagoo intaas ku daray in dastuurka qabyada ee Somalia uu yahay mid laga soo turjumay afaf qalaad, isagoo ku baaqay in la xafido dastuurka howshiisa socoto. “Dasturuka hala ilaaliyo, sida kii hore loo xaday oo kale yaa la waayin, dastuurka aan hada ku shaqeyno ma ahan kii saxda ahaa ee ergada Soomaaliyeed ay ansixiyeen, anaga indhoole ma nihin, caqli la’aan ma nihin waa ognahay, haddii loo baahdana waa la heli karaa dadkii ka dambeeyay,” ayuu yiri Muudeey. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa hadalkan ka sheegay kulankii uu maanta yeeshay baarlamaanka Somalia, kaasoo lagu magacaabay xubnaha qaban-qaabinaya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka DF oo dhawaan dhici doonta. Ugu dambeyn, Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada ku shaqada leh dib u eegista Dastuurka ayaa wada kulamo wadatashi ah oo looga gol leeyahay in dastuur aan qabyo aheyn oo loo dhan yahay la qoro. PUNTLAND POST The post C/WELI MUUDEEY: Dastuurkii Saxda ahaa ee ergadu ay horay u ansixiyeen waa la xaday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa wasaaradda gaashaandhigga, kaga guddoomay Warqadaha Danjiranimo Safiirka Qatar ee loosoo Magacabay Soomaaliya, Xasan Xamsa Asad. Danjire Xamsa ayaa madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, Wuxuuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey Amiirka Qatar iyo Dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Somalia, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal. Ugu dambeyn, Tallaabadan uu madaxweynuhu waqadaha aqoosniga uga guddoomay danjiraha cusub ee Qatar ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Imaaraadka Carabta iyo Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa maanta magacaabay guddiga Hagaajinta Bilicda iyo Soo-celinta Hantida dowladda ee degmada Boosaaso. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas oo ku taariikhaysan 21 bishaan April ee sannadka 2018 ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban sagaal xubnood,waxaana lagu amray in ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawlgalaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday. Halkaan ka akhriso Wareegtada magacaabidda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21 April 2018 waxaa uu wareegto klu magacaabay Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso. Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sumadiisu tahay MW/DPS/267/2018, Boosaaso. ku: Dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee Gobolka Bari Og: Guddoomiyaha Gobolka Barri Og: Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso Og Taliyaha Qaybta Booliiska Bari Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Hagaajinta Bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso. Waxaa wasaaradaha iyo Hay’adaha ay warqadaani sida tooska iyo ogeysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in la magacaabay guddiga hoos ku qoran, kaasoo ka shaqeyn doona hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida maguurtada ah ee Dowladda Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso, taasoo ay si sharci dara ah ku degan yihiin dad shacab ah. Gudigaas oo ah sida hoos ku qoran. 1: Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda- Guddoomiye 2: Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin 3: Maxamed Faarax Beeldaaje Wasiirudowlaha Maaliyadda- Xubin 4: Cabdirsaaq Nuur Cumar Wasiir Kuxigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin 5: Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Degmada Boosaaso- Xubin 6: Yuusuf Maxamed Wacays {Dhado} Guddoomiyaha Gobolka Barri- Xubin 7: Gen Asad Cismaan Cabdulaahi Agaasimaha Guud ee PSF- Xubin 8: Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax Taliyaha Ciidanka Bada- Xubin 9: G/sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Barri- Xubin Sidaas Daraadeed Waxaa guddiga hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso la farayaa in ay sida ugu dhaqsha badan uga hawlgalaam waajibaadka shaqo ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo magacaabay guddiga hagaajinta bilicda iyo soo-celinta hantida dowladda ee degmada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay shirkada laga leeyahay Dubai ee Dp World inay dib uga fekerto heshiiska ay la gashay maamulka la magacbaxay Somaliland ayna la shaqeyso dowlada Federalka si aysan ugu xadgudbin madax banaanida dalka Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad oo Wareysi Khaas ah siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in loo baahan yahay Shirkadda DP World oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka inay dib uga fekeraan Qandaraaska ay la galeen Maamulka Somaliland. “Waxaan ka codsanaynaa DP World inay dib uga fekeraan Heshiisyadaasi” ayuu yiri Wasiir Axmed Ciise Cawad, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Heshiiska DP World ku horumarinayso Dekedda Berbera xadgudub ku tahay Sharci ahaanta Dowladda Somaalia. Wasiirka ayaa ku tilmaamay heshiiska DP World ee dekeda Berbera uu yahay mid hareer marsan sharciyada saxda ah waxana uu sheegay in uu abuuray heshiiskaas is-faham waa iyo khilaaf weli aan xal laga gaarin. Hase yeeshee afhayeen u hadlay shirkadda DP World ayaa sheegay in dhismaha dekedaha Berbera iyo Boosaaso in howlahooda ay deg-deg u bilaaban doonaan. “Dowlada Federalka waxa ay dooneysaa in Shirkada DP World ay la macaamisho xukuumada Muqdisho halkii ay heshiis kala geli lahayd maamulka Somaliland.”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya. “Haddii intaa lagu dhaqaaqo Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa maalgelin lagu sameeyo meel walba oo ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay Berbera ku jirto.”ayuu sii raaciyay wasiirka. dhawaan ayay ahayd markii uu sheegay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Qarqash in ay heshiis ay dowladiisu hore u la gashay dowladii uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh hase yeeshee wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad ayaa beeniyay sheegashada dowlada Imaaraadka Carabta ee ah in heshiiska Berbera ay hore ula gashay xukuumadii hore ee Soomaaliya waxana uu xusay in sheegashadaasi aysan lahayn wax cadeyn ah. Warkan ka soo yeeray dowlada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo laga leeyahay shirkadda DP World oo heshiis la saxiixatay maamulka Somaliland iyadoo heshiiskaasna uu qeyb ka siinayo faa’idada laga helo dekeda dowlada Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(casimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya. Munaasibadda warqadaha Aqoonsiga danjiraha cusub ee Qadar ayaa ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia. Dowladda Qadar ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana safiirka cusub maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Safiirka dalka Qadar ee Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Xasan Xamsa Asad,waxaana laga filayaa in howlaha diblomaasiyadeed ee dalka Qadar uu ka sii wado Muqdisho. Xasan Xamsa ayaa ah Safiir awoodiisa dhameystiran tahay oo uu dhowaan soo magacaabay Amiirka Qatar, waxaa uu horay u ahaa Sii Haye Safiir. Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ku tago dalka Qatar. Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalal khilaafkaas dhex dhexaad ka noqday waxaana hadda jira khilaaf u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ay Qadar isku dhacsanyihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
WHO concluded a special one-day seminar on enhancing universal health coverage for Somali people, with commitment from all parties to develop a roadmap in the coming months. Universal health coverage means ensuring that everyone, everywhere can access essential, quality health services, without facing financial hardship. Source: Hiiraan Online
-
WICHITA, Kan. ― Three anti-Muslim domestic terrorists who plotted to blow up a Garden City apartment complex where many Somali Muslim immigrants lived were convicted on Wednesday on federal charges that could send them to prison for life. Five weeks into the trial, jurors deliberated for less than a full day before finding Kansas militiamen Patrick Stein, Curtis Allen and Gavin Wright guilty on all charges. Source: Hiiraan Online
-
At the New York City convenience store where he works the overnight shift, Radad Alborati takes a sip of coffee and surveys his life. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia has distanced itself from remarks made by the UAE this week after the UAE insinuated that they had reached an agreement with the previous government of Somalia over the Berbera port. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia has distanced itself from remarks made by the UAE this week. The UAE insinuated that they had reached an agreement with the previous government of Somalia over the Berbera port pact. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inay la wareegtan tababarka iyo taageerida ciidamadii ay tababari jireen dowladda Imaaraatka Carabta, kuwaasi oo ku sugnaa xerada Gen Goordon. Abaanduulaha Ciidanka xoogga Dalka Cabdullahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska Ciidanka ay la wareegeen Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa tiro ahaan la sheegay inay gaarayaan 2000 oo askari, waxaana maanta si rasmi ah ula wareegay dowladda Soomaaliya. Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ciidankan lagu wareejiyay looguna magacdaray Daljir , waxa uuna cadeeyay in ciidankan ka amar qaadan doonaan saraakiishooda ayna kamid yihiin ciidanka kale ee Milatariga. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay in Imaaraadka Tababaraan ciidanka Milatariga, waxaana arimahan kusoo aadayaan xili uu xumaaday Xiriirka Soomaaliya iyo Imaraaadka. Dowlada Imaaraadka ayaa shaacisay in ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siin jirtay Ciidanka Milatariga gaar ahaan kuwa ay tababareen waxaana ciidankan hada si toos ah uga amar qaadan doonaan taliska Milatariga oo markii hore saameyn badan ku laheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyaad(Caasimadda Online)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa sii deysay filimkii ugu horeeyay oo laga baahiyo goob fagaare ah ku dhawaad 40 sano, kadib isbedel weyn oo dalkaasi uu geliyay ninka leh dhaxalka Maxamed Bin Salmaan. Tikityada lagu galayo filimka Black Panther oo la daawanayo maanta ayaa laga iibsaday online ka hor dhowr daqiiqo iyadoo si degdeg ay u dhammaadeen, waxaana Sacuudiga dhowaan booqday jileyaal caan ah oo ka socda Hollywoodka. Xayiraada saarneyd shineemooyinka oo horey loo sheegay inay tahay wax diinta kasoo horjeeda ayaa laga qaaday Sucuudi Carabiya sanadkii lasoo dhaafay. Waxa ayna tallaabadan qeyb ka tahay isbadelada uu ku dhawaaqay inuu ka hirgalinayo dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed dalkaasi. Sanadkii la soo dhaafay ayaa la arkayay bilowga olole balaaran oo lagu doonayay in lagaga dhigo Sucuudiga wadan leh xeebo loo dalxiis tago, taas oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee hiigsiga 2030 ee dalkaas. Isbadeladan ayaa waxaa hoggaanka u haya dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo dhawaan u tagay Maraykanka socdaal dhaqaalaha la xiriira. . Isbaddeladan ayaana waxaa loogu talogalay inay gacan ka geystaan in dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in shaqooyin cusub loo abuuro shacabka Sucuudiga iyo waliba inay lacagahooda ku kharash gareeyaan gudaha dalka halkii ay ugu safri lahaayeen dibaddaha si ay shineemooyin u soo daawadaan kuwooda dalxiiska u baxaa. Go’aanka ay Sacuudi Caraabiya ku gaartay in ay joojiso mamnuucista shineemooyinka ayaa qayb ka ah is beddel weyn oo ijtimaaci ah. Sida dalalka kale ee bariga dhexe, Sacuudiga waxaa ka buuxa dad dhallinyaro u badan. Badi 32-ka malyan ee qof ee ku nool, waxay da’doodu ka yar tahay 30 sano. Xigasho BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeisa-(Caasimadda Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka jawaabay eedeyntii ka soo yeertay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani iyo hadalkii Wasiiru dowlaha Imaaraadka Carabta ee ahaa in aanay aqoonsaneyn Somaliland. ‘’Waa dhab Imaaraadku si rasmi ah uma aqoosana jiritaanka Somaliland, Safaaradna kuma laha, Qunsulna kuma laha, laakiin xaqiiqdu waxaa ay tahay Somaliland wadan jira oo jiritaankiisu la aqoonsan yahay cid faro badan oo dan ka lihina ay heshiis kula gashay’’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland. Waxaa uu meesha ka saaray wasiirka eedeyn uga timid guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ku eedeeyay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Qiyaanno Qaran. ‘’Ma jirto Qiyaanno Qaran oo aynu galnay iyo Shacab la qiyaameeyay intaba, heshiiskan markii la galayayna Soomaaliya daraf kama aysan aheyn’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa noqday mid siyaabo isku dhow ay uga wada hadleen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland kaas oo ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay la galeen dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shalay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed ciise Cawad ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla marakana uusan jirin heshiis Xukuumaddii hore ay kula gashay Imaaraadka dekada Berbera oo loo soo bandhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimadda Onlien)Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay Magacaabaan guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,si loo doorto guddoomiye. Xildhibaannada ayaa loo qeybiyey Magacayada Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood oo ka tirsan golaha Shacabka si ay u meel mariyaan. Kulanka saddexaad ee kalfdhiga Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho iyadoo Xildhibaannada loo qeybiyay magacyada 15 xubnood oo uu ka kooban yahay Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya. Hoos Ka Akhriso Magacyada 15 xubnood ee guddiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bosaso-[Puntland Post] Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacasiga Puntland isagoona ku sii jeeda Magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Gaas oo saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada ka hor inta uu san dhoofin ayaa sheegay inuu Dalka Imaaradku u aadi doono adkeynta xiriirka kala dhaxeeya, iyo sidii loo wanaajin laha. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland wuxuu ugu baaqay Xukuumada Somaliland in Xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada dhaqanka kaas oo dhawaan Puntland yimid, wuxuuna ka codsaday Somaliland in la kala saaro Dhaqanka iyo siyaasadda. Ugu danbeyntii Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu magacaabay Guddiga hormarinta iyo soo celinta Hantida Dowladda ee Magaalada Boosaaso. Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Madaxweynah Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST- BOSASO The post Madaxweynaha Puntland oo u safray dalka Isutaga Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.