Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,195
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ciidanka Booliska saldhigyada degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay 9 dhallinyaro ah oo ku eedeysan dil wadareed ay u geestay wiil dhallinyaro ah oo agu dilay degmada.

    Marxuum la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdimaalik Cali Cismaan oo 18 jir ahaa, sida uu shaaciyey taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

    Qoraal kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay “Dadkaan waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

    Muwaadin hadii aad lakulanto fal danbiyeed ama uu kusoo gaaro waxaad la xariirtaa xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banaadir@bolice.g.v.so.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

    Source: goobjoog.com


  2. 442506124_813000714262410_61639946534335

    Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta waxaa laga daah-furay barnaamij cajiib ah oo loogu magac daray “Hooyo u Hiilli Qaran-kaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka, waxaana furay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

    Ujeedka ah ayaa in kor loo qaado doorka haweenka ee ku aadan ka qayb-qaadashada howlaha hortebinta u leh dalka.

    Ra’iisul wasaare Xamza ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda.

    Waxaa kale oo uu ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

    Xamza ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna.

    Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

    441868341_813000537595761_34868914014987 441880008_813000244262457_45112161042341 441886963_813000680929080_53307209144161 441925766_813000584262423_40859142442970 442506124_813000714262410_61639946534335 444458210_812999884262493_88607961785313 haween.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Haween-boolis.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 444761208_813000194262462_42333554569283 440125571_813000380929110_25145233398587 444760057_813000760929072_64091101556719 444486354_813000747595740_45107521217419

    The post Muxuu yahay barnaamijka cajiibka ee Xamza uu ka daah-furay Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

  3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Geneva dalk Switzerland ayaa kulan Doceed la qaatay Dr. Hanan Balkhy, agaasimaha Ururka Caafimaadka aduunka WHO ee EMRO, iyagoo ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin tallaalka, Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, cusboonaysiinta xogta, horumarinta wax soo saarka gudaha ee dawooyinka, kobcinta awoodda shaqaalaha Caafimaadka iyo guud ahaan xoojinta bixinta daryeelka caafimaadka iyo maamulka.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil oo qeyb ka ahaa wafdiga Wasiirka ayaa bogaadiyey dedaalada WHO/EMRO ay ku garab taagan tahay Wasaaradda Caafimaad iyo daryeelk bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sida ay ugu go’an tahay hagaajinta nidaamka Caafimaadka, waxa uuna ku amaaney muujinta saaxiibtinimada joogtada ah.

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa dhankiisa Ku booriyay WHO/EMRO in ay sii laba jibaaraan howlaha ay Hay’addu ugu idmantahay in ay ka qabato dalalka gobolka gaara ahaan Soomaaliya si loo helo Caafimaad dhamaystiran oo gaara qeyb walba oo ka mid ah bulsho waynta Soomaaliyeed waxayna qeyb ka tahay arrintaas xoojinta nidaamka Caafimaadka iyo qorshaha isbadalada ee hadda socda si loo gaaro yoolka Dowladda gaar ahaan qeynta Caafimaadka Qaran.

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Dr.Ali Haji Adam ayaa wuxuu Dr. Hanan kala hadlay taageeridda dadaalada ay Wasaaraddu ugu jirto yaraynta dhimashadda Hooyada iyo Dhallaanka, horrumarinta tayada iyo xirfada shaqalaha Caafimaadka dalka, waxa uuna sidoo kale kala hadlay in ay taageeraan kana qayb qaataan Qorshaha Isbadalka Qaranka (NTP) oo muhiim u ah in hanaanka caafimaadka dalku uu helo hal qorshe oo uu ku shaqeeyo.

    Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka iyo gaarista istaraatiijiyadda Caafimaadka loo dhan yahay, kaasoo laga hirgelinayo guud ahaan dalka waxayna Wasaarddu diirada saareysaa in bulsho waynta Soomaaliyeed hesho Caafimaad tayeysan oo laga heli karo goob kasta oo ka mid ah ay ka badbaadeen.

    Source: goobjoog.com


  4. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mudane Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

    Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda Bangigu ka fuliyo Soomaaliya oo ah kuwo waxtar u keh Dowladda iyo Bulshada intaba, sidoo kale waxay labada ka wada hadleen ka dib barnaamijkii deyn cafinta sidii loo balaarin lahaa taageerada uu bank-gu siiyo Dowladda Soomaaliya.

    Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee sida joogtada ah u taageera Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku leeyahay mudnaan gaar ah gudaha dalka Soomaaliya.

    Source: goobjoog.com


  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka telephone-ka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib.

    Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.

    Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaas oo dhawaan loo soo magacaabay wakiil KMG ah.

    Source: goobjoog.com


  6. Xasan-Sheekh-Blinken.jpeg?fit=2047%2C135

    Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, iyaga oo ka wada-hadley xiriirka labada dal.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa wada-hadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib.

    Blinken ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka uu galiyay la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama laga gaaray guullo waa wayn, lana xoreeyay dhul aad u ballaaran.

    Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

    Dhinaca kale Xasan Sheekh iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaas oo dhawaan loo soo magacaabay wakiil KMG ah.

    Wada-hadalladan dhex-maray dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla markaana dowladda Soomaaliya ay waddo qorshayaal ballaaran oo ku aadan horumarinta dalka, maadaama bilihii u dambeeyay ay gaartay guullo waa wayn.

    Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

    The post Madaxweyne Xasan iyo Antony Blinken oo wada-hadal xasaasi ah yeeshay maanta appeared first on Caasimada Online.

  7. Arintan ayaa dabo joogta khilaafka aan wali xalka loo helin ee u dhaxeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaddib is afgarad kii bilowgii sanad kan ku dhex maray Addis Ababa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abii Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

    La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ee idaacadda maxaliga ah ee Goobjoog ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

    Dhammaadka 2024 oo qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo hawlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS, ayaa waxa socda qorshe kale oo ciidamadaasi ku sii joogayaan sanad dheeraada, inkastoo magacooda iyo waajibaadkooduba wax iska badalayaan.

    Haseeyee ciidamada Itoobiya qayb kama sii ahaan doonaan hawlgalka cusub, sida uu sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin.

    ‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay’’ ayuu yiri Xuseen Macalin.

    Sababta Dawladda Federaalka aanay u dooneynin in ciidamada Itoobiya ay qayb ka sii ahaadaan hawgaladda nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayuu ku sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya labada wadan.

    ‘’Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan.’’

    Xuseen Macalin waxa kale oo uu sheegay in marka uu dhammaado xiliga ATMIS Diiseembar 2024, ay jiri doonaan illaa 12,000 oo askari oo qayb ka noqonaya hawgal cusub, kaas oo ay suurtagal noqon karto in ay qayb ka sii ahaadaan dawladdaha hadda ciidamadoodu joogaan marka laga reebo kuwa Itoobiya.

    Ciidamada Itoobiya ee jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxay isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

    Dooddaha iyo shirrarka lagu gorfeynayo hawgalka cusub ee badali doona kan ATMIS oo ay dawladda Soomaaliya garwadeen ka tahay, ma dooneyso in ciidamada Itoobiya ay qayb ka noqdaan hawgalka cusub, sida uu sheegay LaTaliyaha Amniga Qaranka.

    Hase yeeshee dad badan ayaa is weydiinaya haddii maamul goboleedyada qaar ay codsadaan in ciidamada Itoobiya ee aan ku jirin hawlgalka ATMIS ay sii joogaan deegaankooda waxa dhici kara.

    Maxamed Mukhtaar oo ka faalooda arimaha siyaasadda Soomaaiya ayaa sheegaya in loo baahan yahay in dawladdu abuurto kalsooni ay maamul goboleedyadu ku qabi karaan amaankooda kaddib ka bixitaanka ciidamada Itoobiya.

    ‘’Runtii arintu waxay ku xiran tahay wax badan kalsoonida Muqdisho iyo dawlad goboleedyadaasi ka dhaxeeya, waxay ku xiran tahay diyaar garowga ciidanka Soomaaliya ay u diyaar san yihiin inay amniga la wareegaan, sidoo kale ciidamada kale ee imaanaya, xiliga ay imaanayaan iyo arintii dhaqaalaha ciddii bixin lahayd in meel saaro, wax kasta waa suuragal laakiin wax badan waxay ku xiran yihiin mudda hartay sida looga hawlgalo iyo sida ay isu fahmaan dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada,’’ ayuu yiri wasiir hore Maxamed Mukhtaar.

    Xalay mar la weydiiyay La Taliyaha Amniga Qaranka, sida looga talo galiyay madaxda maamul goboleedyada qorshaha wixii ka dambeeya hawgalka ATMIS marka la soo gabagabeeyo, waxa uu sheegay in shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka lagu siiyay warbixinta arintaasi la xiriirta.

    ‘’Dabcan haa, dee dawlad goboleedyada shirkii hadda la isugu yimid, warbixinaa laga siiyay, waana ka war hayaan, ciidamada ka hawlgala dawlad goboleedyadana, madaxda dawlad goboleedyadu aad ayay ula falgalaan, wayna ka war hayaan, marka qaabka iyo hawshan ATMIS kaddibna, qayb bay ka yihiin,’’ ayuu yiri Xuseen Macalin.

    Wali waxa socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

    Arimaha siyaasadda ayaa sida uu sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka waxa kamid ah sida dawladdu dooneyso in ciidamada Itoobiya aanay qayb ka noqon hawlgalka cusub.

    Halka uu ka bilowday khilaafka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya
    9fbd2110-1ff7-11ef-80aa-699d54c46324.jpg
    Qoraalka sawirka,Hargeysa iyo Addis Ababa ayaa maalinkii koowaad ee sanadkan is-afgarad ku kala saxiixday Addis Ababa
    Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland kowdii Janaayo si ay u hesho xeeb dhererkeedu dhan yahay 20 KM, ayaa Soomaaliya si weyn uga caraysiiyay, isla markaana xiisad weyn ka abuurtay gobolka.

    Marka laga soo tago eedeymaha iyo hadallada kulul ee soo noqnoqday ee ka soo yeeray Soomaaliya, waxay sidoo kale arrintan u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Waqti sii horreeyay ayuu ahaa markii Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, waxayna ku amartay safiirka Itoobiya iyo dublamaasiyiinta kale inay ka baxaan Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa sidoo kale lagu amray inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

    Itoobiya iyo Somaliland ayaa heshiiskii is-afgarad ee ay kala saxiixdeen waxaa la sheegay in loo bedeli doono heshiis wax ku ool ah muddo gaaban gudaheed.

    Si kastaba ha ahaatee, shan bilood ayaa ka soo wareegtay markii la saxiixay Heshiiska Is-afgaradka, ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin halka uu marayo iyo dhaqan-gelintiisaba.

    bbcsomali

    Qaran News


  8. NISA.png?fit=3155%2C2081&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee (NISA) ayaa war culus kasoo saartay howlgal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsaday ganacsato la macaamishay kooxda Al-Shabaab, isla markaana siiyay lacago baad ah.

    Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA ay soo qabteen ganacsato, si gaar ah ula macaamilay Al-Shabaab, kadib markii ay soo waydiisteen lacago baad ah.

    Hay’addu ma shaacin magacyada iyo tirada ganacsatada lasoo xir xiray ee lagu eedeeyay inay xiriir iyo macaamiil la sameeyeen kooxda Al-Shabaab.

    “Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka oo si dhow ula socday isku dayo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah baad ugu waydiisaneysay xubno ganacsato ah gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad macaaliil la sameeyay kooxda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

    Sidoo kale ayaa uga digtay ganacsatada Soomaaliyeed inay la macaamilaan kooxaha argagixisada, waxayna sheegtay in dhaqaalaha ay siiyaan lagu dhibateynayo shacabka.

    “Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka waxa ay uga digeysaa ganacsatada inay u dhego-nuglaadaan isku daya daciifka ah ee Khawaarijta ay ku dooneyso inay ku boobto hatntidooda” ayaa lagu yri warqadda kasoo baxay taliska guud ee hay’adda NISA.

    Waxaa kale oo ay sii raacisay “HSNQ waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed”.

    Hay’adda NISA ayaa dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in aysan xiriir la sameeyay Al-Shabaab, sidoo kalena ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan.

    “Waxaa la farayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

    444946929_472371025443359_77854530282940

    The post NISA oo soo xirtay ganacsato la-macaamilay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

  9. IMG-20240601-WA0003.jpg?resize=900%2C600President Deni (seventh from left, standing) with some members of his council of ministers and leaders of Puntland State political parties.

    Garowe (PP Comment) — On 8 January 2024, the Puntland State of Somalia successfully conducted a customary presidential election in which 66 MPs elected a President. The plan to conduct one person, one vote elections in Puntland faced formidable opposition from key stakeholders who questioned the process through which the Puntland Constitution had been amended to bring political parties into existence. The compromise came in the form of recommendations from elders, who suggested a return to the old electoral model to grant the new administration powers to finalise the democratisation process.

    President Said Abdullahi Deni was re-elected on 8 January. He has the mandate to bring the democratisation process to fruition. The path to realising that goal depends on negotiations to conduct elections in the three remaining districts and ensure that the Puntland legislature no longer remains a rubber-stamp parliament controlled by the presidency. Puntland political parties have a presence at the district level, where district councillors are nominated based on local government election results.

    The Puntland Parliament is still an institution beholden to President Deni, who can fire any MP who challenges his administration’s policies. It would be a waste of time and resources to talk about empowering Puntland political parties while the parliament is not independent from the executive branch. The appointment of a professional Puntland Auditor General is a good start and will make a difference in overseeing public finances if an independent judiciary and a Supreme Court are established in the Puntland State of Somalia.

    An urgent reform of the Puntland Parliament is overdue to prevent the democratisation process from becoming a false dawn. A government white paper on reforming the Puntland State Parliament within an agreed timeframe could help start consultations with all stakeholders, including political parties and civil society organisations. That is the only way to remove obstacles in the Puntland democratisation process, which began in 2021 when pilot local government elections were conducted in three districts.

    © Puntland Post, 2024

    The post How to Remove Obstacles in the Puntland Democratisation Process appeared first on Puntland Post.


  10. IMG-20240601-WA0005.jpg IMG-20240601-WA00141.jpgIMG-20240601-WA0007.jpg

    IMG-20240601-WA00101.jpg IMG-20240601-WA00091.jpgIMG-20240601-WA0002.jpg

    Screenshot_20240601_153312_Photos.jpg

    IMG-20240601-WA0013.jpg

    IMG-20240601-WA0012.jpg

    IMG-20240601-WA00141.jpg

    Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharraxa madaxweynaha xisbiga mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hoyga guddoomiyaha kulan balaadhan kula qaatay madaxda dhaqanka, xildhibaannada, wax garadka iyo dhallinyarada beesha Cumar Jibriil ee East Burco Clan ayaa tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadanayaan dadaalka isbedel ee xisbiga WADDANI, islamarkaana codkooda iyo cududooda la barbar istaagayaan hoggaanka xisbiga si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco taladana u haaneedo musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

    Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si kal furan u soo dhaweeyay haldoorka beesha, islamarkaana uga mahadceliyay taageeradooda. Iyaga oo tilmaamay in ay xil weyn iska saari doonaan wax ka qabashada deegaannada beesha iyo horumarintooda.

     

    Qaran News


  11. 3f0074d5-d457-40b5-89bb-605e3d94c027.jpg

    Bardaale (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka socda gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidanka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan.

    Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed.

    Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

    Dagaalkan ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana kamid ah dadka dhintay saraakiil sar sare oo uu ku jiro talihii degmada Bardaale Marxuum Aliyow Boorow.

    Taliyaha ayaa waxaa markii hore soo gaaray dhaawac halis ah, kaas oo uu saacado kadib u geeriyooday, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

    Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka, ayada oo gurmadyo ay helayaan labada dhinac.

    Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada oo argagax wayn dareemay, maadaama lagu kor dagaalamayo.

    Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo u abaabulan hab beeleed ayaa horay magaalada looga saaray, kadib dadaallo la sameyay, si loo soo afjaro colaadda ka taagan halkaasi.

    Bardaale ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnayd colaad beeleed saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan gudaha degmadaas oo ka tirsan gobolka Baay.

    The post Taliye DEGMO oo dagaal lagu dilay iyo xaaladda oo faraha ka baxday appeared first on Caasimada Online.

  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.

    Mudane Xamsa, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.

    Waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

    Source: goobjoog.com


  13. Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay doon ku qalibantay wabi ku taal gobolka Nangarhar ee bariga Afgaanistaan, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah ee deegaanku, xilligaan ayaa ah xilli ay badda si aad ah u kacsan tahay

    Quraishi Badloon, oo ah madaxa waaxda warfaafinta ee gobolka Nangarhar ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa X ku sheegay in doontu ay ku rogmatay wabi ku yaal deegaanka Basawul ee degmada Momand Dara subaxnimadii sabtida.

    Waxa uu intaasi ku daray in doonida ay la socdeen 25-ruux, kuwaas oo 5 ka mid ah ay ka badbaadeen,halka 20-kii kale ay shilkaas ku naf waayeen,waxayna saraakiishu baarayaan sababta keentay dhacdadan.

    Waaxda caafimaadka ee gobolka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ilaa hadda la soo saaray meydadka shan qof oo isugu jira nin, haweenay, laba wiil iyo gabar, waxaana weli socda dadaallo lagu raadinayo dadka kale ee aan raq iyo ruux midna lagu hayn, ayadoo koox caafimaad iyo baabuur ambalaas ah loo diray goobta.

    Dadka deegaanka ayaa si joogta ah u isticmaala doomo gudaha lagu sameeyay si ay ugu safraan tuulooyinka iyo suuqyada maxalliga ah maadaama buundo biyaha lagu dhaafaahi aanay halkaa ku oolin, balse halis ayaa lagu kulmaa safaarrada noocaan ah, gaar ahaan xilliga roobka.

    Source: goobjoog.com


  14. Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa siyaaba kala duwan kulamo Sagootin ah ugu sameeyay Safiirka JamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar oo ay u dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Masar.

    Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa ku bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar daddaalladii diblomaasiyadeed, waxqabadkii iyo wada shaqayntii uu ku howlanaa intii uu Masar ka howlgalayay iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, iyago xusay sida dowladda iyo shacabka Masar ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

    Sidoo kalle Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa ku amaanay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar inu xoojiyay xiriirka iyo wadashaqeynta ururka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

    Dhankiisa, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Kulamada uu la yeeshay waxa uuna tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Masar, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

    Source: goobjoog.com


  15. Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howl-galka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin, waxayna yeesheen wada-hadal miro dhal leh.

    Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka ay IOM ku leedahay xasillinta, maareynta socdaalka, iyo dadaallada amniga soohdimaha.

    Wasiirka Amniga Gudaha ayaa IOM uga mahadceliyey taageeradooda, sagoo sheegay in xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka laamaha amniga iyo cadaaladda ay sare u qaadayso kalsoonida shacabka iyo waliba adeeg bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

    Source: goobjoog.com


  16. 444900758_407059058988176_19244919402117

    Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhiggiisu yahay Laascaanood ayaa haatan bilaabay inuu si gaar ah ula macaamilo dowladda Turkiga.

    Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa booqday xurunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

    Hoggaamiyaha SSC ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mud. Amb. Alper Aktaş iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Safaaradda oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah, gaar ahaan macaamiilka tooska ah ee labada dhinac.

    Sidoo kale waxay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xaaladaha deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray kulanka.

    Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale dhowaan lagu wareejiyay difaaca badda Soomaaliya, kadib heshiis uu la galay dowladda dhexe.

    Khaatumo oo weli ah maamul curdun ah ayaa wadda dadaallo dheeraad ah, waxaana dhowaan hoggaamiyahadeed uu u baxay safar dibadeed oo ku aadan hormarka maamulka.

    Xaaladda deegaanada SSC ayaa weli cakiran, waxaana deegaanada qaar laga dareemayaa raadadka dagaalkii cuslaa ee ay la galeen ciidanka milatariga Somaliland.

    Labada dhinac ayaa sidoo kale weli dhaq-dhaqaaqyo ka wada degmooyin kamid ah gobolka Sool, ayada oo mar kasta la filan karo in dagaalka uu dib usii qaraxo.

    444455695_407058572321558_56416004711149 444483737_407058658988216_34681308297950 444487032_407058795654869_14881182933905 444488292_407058728988209_89348626956671 444490493_407058475654901_74941193260715 444492752_407059175654831_26588359423697 444900758_407059058988176_19244919402117 444923886_407058392321576_40539465840504

    The post Khaatumo ‘oo si gaar ah’ ula macaamileysa Turkey + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

  17. Waddo-Muqdisho.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib loo furay waddooyin ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo xirnaa muddo ka badan 16 sanno.

    Maamulka degmada Dharkenley oo howlgal culus qaaday ayaa ku guuleystay inay furaan waddooyin ku yaalla degmadaas oo ay shaqsiyaad gaar ah ay guryo ka dhisteen.

    Guddoomiye Yuusuf Xundubey oo howlgalkan horkacaya ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka xiran ee degmada Dharkenley ay furi doonaan, si loo isticmaalo.

    “Waxaan kasoo shaqeynay oo aan ka rarnay dad deganaa jidadka oo guryo ka dhistay, haddana waxaa noo dhiman waddooyin kale oo aan ka shaqeyn doono” ayuu yiri Xundubey.

    Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sii raaciyay “Qorshaheena waxaa waayay inaan furno dhammaan waddo kasta oo uu roob xiray iyo waddo kasta oo uu xiray Cali Garoob iyo ciddii sharcu darro ku degtaba inaan baneyn dhahno”.

    Dhinaca kale shacabka ku dhaqan degmada Dharkenley ayaa soo dhaweeyay tallaabadan uu qaaday maamulka degmada ee lagu furay waddooyinka muhiimka ah ee degmadaasi.

    “Haddii aan nahay shacabka waan ku qanacsanahay, waana ku faraxsanahay dowladnimada aan aragnay waddooyin 16 sano u xirnaa si sharci darro ah ayaa maalmahaan gobolka Banaadir furitaankooda usoo jeestay degmada Dharkenley ayaa ku guuleystay inuu furo waddooyinka ku yaalla degmada” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

    Waxaa kale oo uu xaqiijiyey in la furay illaa saddex waddo oo muhiim ah “Saddex ayaa la furay, weliba maamulka howlgalka waa wadaa, shacabkana waa tilmaamayanaa”

    Maamulka gobolka Banaadir ayaa haatan wada qorshayaal guud oo lagu hormarinayo caasimada, laguna furayo waddooyinka halbowlaha ah ee ku yaalla Muqdisho.

    The post Muqdisho: Waddooyin xirnaa 16 sano oo la furay + Video appeared first on Caasimada Online.

  18. Ethiopia-Itoobiya-scaled.jpeg?fit=2560%2

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya kama sii mid ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya, waxaana dhamaantood laga saari doonaa dalka, si ka duwan wadamada kale ee ciidamada ATMIS ay ka socdaan.

    Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ciidanka ATMIS ee dalka ka baxaya lagu daro gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka jooga gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud.

    La-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegay in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

    Ciidamada Itoobiya ee dalka jooga ayaa aad u badan lagamana hayo tiro rasmi ah, maadaama ay jiraan cutubyo aan ka tirsaneyn ATMIS oo si ka madax-banaan howlgalka Midowga Afrika u jooga dalka.

    Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya aysan hadda kadib ilaali ka sii ahaa doonin xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya, isla markaana la qorsheeyey in gabi-ahaantood laga saaro dalka dhamaadka sanadkaan.

    Hadda ciidamada Itoobiya goobaha ugu muhiimsan ee dalka ay uga sugan yihiin waxaa ka mid ah Baydhaba oo madaxtooyada maamulka K/Galbeed ay degan yihiin, Gedo, Bakool iyo Hiiraan, dowladda Soomaaliya ayaa hadda shaacisay inay ka go’antahay in bilo gudahood dalka looga saaro dhamaan ciidanka ka jooga Itoobiya.

    Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya waxay saaxiibada caalamiga ah kala xaajoonaysaa in la helo ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ka hawlgeli doona Soomaaliya muddo hal sano ah oo ku beegan Janaayo 2025-ka.

    Sida u qorsheysan dowladda Soomaaliya ciidamada cusub ee Janaayo 2025 ka howl-bilaabaya dalka kuma jiraan kuwa Itoobiya, waxayna u badan tahay in qiyaastii 10,000 oo ciidanka ATMIS ka tirsan ay sii joogi doonaan, kuwaas oo wax laga bedelayo hanaanka ay u shaqeeyaan iyo magaca ay ku howlgalaan.

    Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay, waxayna gaartay heer labada dal ay kala xirtaan safaaradaha, iskuna hanjabaan, Soomaaliya ayaa raadsatay garbo caalami ah, waxayna muujisay in dhanka diblomaasiyadda ay uga adkaatay Itoobiya, sidoo kale Soomaaliya ayaa u diyaar garowday hadii Itoobiyaanku wax ku raadiyaan gacan ka hadal.

    Awooda ugu weyn ee Soomaaliya ay ku tashaneyso waa Turkiga oo saxiixay in 10 sano uu difaaci doono badda Soomaaliya, mudadaas waxaa lagu dhisi doonaa ciidamada badda Soomaaliya, sida lagu xusay heshiiska, waxaana lasoo saari doonaa shidaalka Soomaaliya.

    The post DF oo ku dhowaaqday go’aan ka dhan ah ciidamada Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

  19. Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gaar ahaan Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka ayaa fashiliyey Miino ay kooxda Alshabaab ku aaseen waddo aadda dhinaca beeraha Magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

    Miinadan oo ay Alshabaab waddada ku aaseen ayaa waxaa ka saaray Ururka 26-aad Guutada 6-aad qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ku sugan Magaalada Buulo Mareer.

    Taliyaha Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle ayaa xaqiijiyay in ay ku guulaysteen inay miinadaas wadada ka saaraan.

    Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo la filayo inuu dhowaan billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee uu madaxweynuhu horey ugu dhawaaqay.

    Source: goobjoog.com


  20. 340126341_1288028702062146_5378923445991

    Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa markii u horreysay jawaab adag ka bixisay wafdi ay dhawaan Somaliland u dirtay Taiwan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bisha May.

    Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Shiinaha mowqifkiisu yahay “in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

    “Shiinaha uma arka Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada aas-aasiga ah ee ah in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

    Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka in dowladdo badan, hoggaamiyayaal siyaasadeed iyo shakhsiyaad kale inay aaminsan yihiin mabda’a Shiinaha ee ka dhanka ah gooni isu-taagga Taiwan.

    Hadalka kasoo yeeray Shiinaha ayaa imanaya xilli uu sanadihii dambe kor u kacay xiriirka Taiwan iyo Somaliland, oo labaduba sheegta inay yihiin dalal madax-banaan, taasi oo keentay in Hargeysa ay martiqaad heer sare ah ka hesho munaasabadda caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan ee dhawaan la doortay.

    Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

    Shiinaha iyo Somaliland ayaa horey marar badan hawada isku mariyay hadallo kul-kulul, ayada oo xiisaddooda kasii dartay markii ay xukuumadda Hargeysa ee u hoggaamiyo Muuse Biixi xiriir la yeetay Taiwan oo Shiinaha u aqoonsanyahay qayb kamid ah dhulkeeda.

    The post Shiinaha oo jawaab adag ka bixiyay arrin ay sameysay Somaliland – Maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.