-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha shacabka iyo aqalka sare ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay war-saxaafadeed ka soo saareen khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug.
Xildhibaannada ayaa waxaa ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kulamo ku lahaayeen Magaalada Muqdisho,waxaana ay maanta soo saareen mowqif ay ku mideysanyihiin,waxaana uu u qornaa sidan:
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE LAGA SOO DOORTO GALMUDUG
MUQDISHO, 28 MAY 2018
Ujeeddo: Caddayn mawqifka Aqlabiyadda xildhibaanada & senetorada qaranka ee laga soo doorto a Dawlad goboleedka Galmudug ee ku aadan xaaladda khilaafka Galmudug.
Senetorada & Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto deegaan doorashada DG GALMUDUG, kulamo taxane ah oo ay ka yeesheen xaaladda Galmudug ay ku sugan tahay, gaar ahaan kala qeybsanaanta madaxda sare ee maamulkaas & cabashooyinka ka soo baxayey bilihii la soo gudbey beelo ka mid ah reer Galmudug kuwaasoo ka dhashay qaabka loo hirgaliyey heshiiskii Jabuuti ay ku soo galeen Dawlad goboleedka Galmudug iyo maamulka ASWJ.
Xildhibaanada qaran ee labada aqal, waxey sameeyeen dhanka kale kulamo ay la qaateen; dhinacyadii iska soo horjeeday sida; madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweyne ku xigeenka M.ne Maxamed Xaashi, iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug M.ne Cali Gacal Casir, qaar ka mid ah beelaha cabashada qabey si xog dheeri ah iyo faham ku filan looga helo xajmiga khilaafka jira iyo qodobada keenay kala qeybsanka madaxda maamulka iyo tabashada beelaha, ayadoo ay noo soo baxdey in khilaafku uu salka ku hayo :
- Qaabka loo hirgaliyey heshiiskii jabuuti in uusan ahayn mid waafaqsan qodobadii heshiiskaas ku xusnaa gaar ahaan qaabka la isugu daray labada barlamaan oo aan isku dheelitirnayn & inaan la tixgalin awood qeybsigii beelaha reer Galmudug ku heshiiyeen.
- Dastuur cusub oo lagu bedelay dastuurkii Galmudug lahayd, kaasoo si gaar ah looga tixgaliyey dhinac ka mid ah dhinacyadii heshiiska galay, laguna qoray qodobo ka hor-imaanaya dastuurka qaranka isla markaana noqday mid aan ka turjumayn maslaxadda beelihii Galmudug wada dhistay ama abuuraya xasilooni darro iyo muran aan dhammaad lahayn mustaqbalka fog.
Sidaas awgeed, Aqlabiyadda Xildhibaanada qaran ee labada aqal ee barlamaanka Federaalka shirar ay isugu yimaadeen 24 & 27 May 2018, markii ay si qoto dheer u eegeen cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladda Galmudug ka taagan haddii aan xal degdeg ah loo helin & in qodobada khilaafaadku salka ku hayo ay yihiin kuwo si weyn uga horjeeda heshiiskii Dawlad goboleedka Galmudug lagu dhisay ee ay dhigteen beelaha Galmudug wada dega oo ku heshiiyey laba qodob oo waaweyn oo kala ah; wadaagga maamul nidaamka awood qeybsigiisa cad yahay iyo dastuur ay ansixiyeen ergo beelahaas kala matalaysay oo sideed boqol ka badan oo markii danbana dhalay maamul danaha dadkaas & deegamadaas inuu ka shaqeeyo loo igmaday.
Go’aan iyo Mawqifka Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka.
Xildhibaanada qaran ee labada aqal ee barlamaanka Federaalka ah;
- Waxey soo dhoweynayaan heshiiskii Jabuuti ee dhexmaray DG Galmudug iyo ASWJ, waxeyna ku baaqayaan in heshiiskaas loo dhaqangaliyo qodobadiisa sidii loogu soo heshiiyey.
- Waxay caddaynayaan in mudada xil-haynta hey’adaha sharci-dejinta iyo fulintu ay ku kala eg tahay sida uu qabo dastuurka Galmudug bilaha Juun 2019 & July, 4 2019 sida ay u kala horeeyaan.
- Waxey hoosta ka xariiqayaan in ay tahay lama taabtaan ilaalinta nidaamka awood qeybsiga beelaha Galmudug wada dega oo ay saldhig u yihiin guurtida beeluhu inta laga gaarayo doorasho qof iyo cod ah.
- Waxay adkeynayaan in dastuurka Galmudug uu noqdo mid lagu saleeyo maslaxadda reer Galmudug, dadka diyaarinaya ama dib u eegista ku samaynaya ay noqdaan kuwo ka wada turjumaya reer Galmudug oo isugu jira aqoonayahan iyo sharci-yaqaannada Galmudug, lagana saxo dhammaan qodobada kiciyey dareenka reer Galmudug ee danaha gaarka ah laga leeyahay.
- Waxaan soo dhoweynaynaa kuna talinaynaa in loo dhaga-nuglaado dadaalka dawladda federaalka ah ay waddo gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dibuheshiisiinta iyo Federaalka ee xalka loogu raadinayo khilaafka madaxda maamulka iyo cabashada beelaha Galmudug ka soo yeeraysa.
- Waxaan madaxda DG Galmudug ugu baaqaynaa ilaalinta heshiiskii Galmudug lagu dhisay oo ay saldhigga u yihiin nidaamka awood qeybsiga iyo dastuurka ka wada dhexayn kara reer Galmudug, illaa inta laga saxayo arrimaha la isku qabtayna aan tallaabooyin kale oo wax kicin kara lagu dhaqaaqin.
Wabillaahi Tawfiiq
Xildhibaanada Baaqaan soo saaray waxey kala yihiin:
Senatarada Aqalka Sare:
- Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)
- Mudane Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer)
- Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
- MudaneC/waaxid Cilmi Goonjeed
- Mudane Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey)
- Mudane Abuukar Axmed Xaashi
- Marwo Jawaahir Axmed Cilmi
- Marwo Samsam Daahir Maxamuud
Xildhibaanada Golaha Shacabka:
- Mudane Axmed Macallin Fiqi
- Mudane Zakariye Xasan Cali
- Marwo Nadiifo Faarax jaamac
- Mudane Maxamed C/lle Faarax
- MudaneXuseen Qaasim Yuusuf
- Mudane Warsame Maxamuud Xasan (Joodax)
- MudaneSaadaq C/kariim Xaaji Ibraahim
- Mudane C/saabir Nuur Shuuriye
- Mudane Faarax Cabdi Xasan
- Mudane Cali Axmed Shariif
- Marwo Sahro Cumar Maalin
- Mudane Mahad Maxamed Salaad
- Mudane Qaasim Maxamed Jaamac
- Marwo Duniyo Maxamed Cali
- Mudane Mustaf Sh. Cali Dhuxulow
- MudaneC/raxmaan Maxamed Xuseen
- Mudane Xasan Macallin Maxamuud
- Mudane Cabdi Shire Jaamac
- Marwo Ikraam Aadan Waasuge
- Mudane C/qaadir Gaafow Maxamuud
- Marwo Maryan Maxamed Xuseen
- Marwo Naciimo Maxamed Gacal
- Marwo Maryan Cabdi Geeddi
- Mudane C/weli Maxamed Qanyare
- Mudane C/shukuur Cali Mire
- Mudane Xirsi Aadan Rooble
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka oo Kulan ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamidka yihiin adkeynta ammaanka xarunta Golaha Shacabka.
Kulankaan oo ay si wadajir ah ushir guddoominayeen Guddoomiyayaasha labada Guddi ee Arrimaha Gudaha iyo Difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise iyo Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa looga hadlay Amniga Xarumaha Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo Iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka amaankooda sidii loo adkeyn lahaa.
Intii uu kulankaasi socday ayaa Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac ayaa warbixino ku aadan ajandayaasha lag ahadlayay ka dhageystay guddoomiyaasha labadd aguddi,iyagoo isla gartay in muhiim ay tahay xoojinta amnigga xarunta uu ku shaqeeyo Golaah Shacabka.
Kulankaan ay yeesheen Guddiyadaan ayaa imaanaya Xili dhawaan Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga uu kulamao Xog-wareysi ah uu la qaatay Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahiisa kala Duwan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com -
Mudaharaad xoogan ayaa ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaas oo lagaga hor jeedo wax ay dadweynaha mudaharaadaya ugu yeereen caburin ay Somaliland ku hayso dadka ku dhaqan magaaladaas.
Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalda Laascaanood waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamo isku dayaaya inay xakameeyaan mudaharaadka socda.
Wariye ku sugan magaalada Laascaanood ayaa u sheegay warbaahinta PUNTLAND POST in ciidamada Soomaaliland ay adeegsanayaan rasaas xoogan si ay u kala cayriyaan dadka mudaharaadaaya hase ahaate dadweynaha ayaa iyaguna kala hor tegey kacdoon xoogan.
Dadka mudaharaadaaya ayaa ku qaylinaaya ereyo ay kaga soo horjeedaan in maamulka Soomaaliland kusii sugnaado magaalada gobalka Sool, sidoo kale dadweynaha ayaa dalbanaaya in xoriyadooda lasiiyo tobanaan qof oo ay Somaliland ku xirtay magaalada Laascaanood.
Mudaharaadada ka socda Laascaanood ayaa kusoo aadaysa xili xiisad dagaal oo aad culus ka aloosan tahay gobalka Sool, isla markaana ay Somaliland dadweyne fara badan ku xir-xirtay magaaladaas.
PUNTLAND POST
The post Mudaharaad xoogan oo ka socda magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Somaliland ayaa xasbiga u taxaabay haween, Dhalinyaro iyo saxafiyiin ku sugan xarunta gobalka Sool ee Laascaanood kadib markii ay magaaladaas ka bilowdeen kacdoomo lagaga soo hor jeedo maamulka Soomaliland.
Ciidamo ka amar qaata gudoomiyaha gobalka Sool ee Soomaaliland ayaa xabsiga dhigay tiro dada oo iskugu jira dhalinyaro, haween iyo saxafiyiin kuwaas oo ka qayb qaatay banaanbaxyo lagu taageeraayo ciidamada Puntland ee hawlgalada kawada gobalka Sool, laguna diidan yahay ku sugnaashaha gobalkaas ee maamulka Somaliland.
Sidoo kale dhalinyarada la xir-xiray ayaa qayb ka ahaa qaban-qaabada mudaharaadyo waaweyn oo maanta laga qorsheynaayey magaalada Laascaanood kuwaas oo lgu diidan yahay inay Somaliland kusii sugnaato gobalkaas.
Tan iyo markii dagaalada u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ay ka bilowdeen qaybo kamida gobalka Sool waxaa jirey kacdoomo ka jiray magaalada Laascaanood kuwaas ay dadweynaha magaaladaas ku diidan yihiin maamulka Somaliland, halka ay Somaliland isku dayeyso inay awood ku xakamayso kacdoomadaas.
Arimahan oo dhan ayaa kusoo aadaaya xili xiisada ka aloosan degaanka Tukaraq ay cirka isku sii shareerayso.
PUNTLAND POST
[contact-form] [contact-form]The post Somaliland oo xabsiga dhigtay tiro dada oo ku sugan magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carabey iyo Xildhibaano aan badneen oo ka tirsan Galmudug, waxay abaabulayaan shirar ka dhan ah Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda Xukuumadda Sh/Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Xildhibaano ayaa ku sii qul qulaya magaalada Cadaado inkastoo aysan tiro badneen, warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar aysan wali gaarin Cadaado laakiin qorshuhuu uu yahay iney gaaraan maalmaha soo socda hadii aysan xaaladda isbadalin.
Dhinaca kale Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Madaxweyne Xaaf ayaa dhankooda shirar gaar gaar ah oo looga soo hor jeedo kulamada Cadaado waxay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa u yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee ku sugan Muqdisho iyo Cadaado, Xildhibaanada uu Xaaf u yeeray ayaa u badan kuwii hore ee Baarlamaanka Galmudug, sababtoo ah kuwa ka yimid dhinaca Ahlusunna Shiikh Shaakir iyo Madaxweyne Xaaf kama qabaan cabsi iyo iney ka soo hor jeesan doonaan.
Xaaladda Galmudug ayaa sii galeysa marxalad adag oo jahwareer ah lamana oga sida noqon doonto xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo xoog leh oo ay ku qaboojineyso Culeeska siyaasadeed ee ka taagan deegaanka Galmudug.
Shir deg deg ah oo ay yeesheen xildhibaano iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa ay kaga hadleen khilaafka Cusub ee Madaxda Galmudug.
Xildhibaanada iyo Wasiirada shiray ayaa waxa ay sheegeen in hadalkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo guddoomiye Cali Gacal Casir uu yahay mid fowdo ah,isla markaana wax u dhimaya maamulka aan weli sal fadhiisan ee Galmudug.
Waxa ay sheegeen in labadooda aysan aheyn dad cusub,balse iyagu ay Galmudug waxka dhisaan xilligaana aan looga baahneyn in ay khilaaf Cusub abuuraan.
Ugu dambeyn waxa ay ku baaqeen in hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay ku mudan yihiin in loo maxkamadeeyo sida ay hadalka u dhigeen.
Hadalka kasoo baxay xildhibaanada iyo wasiirada galmudug ayaa dadka siyaasada indha indheeya waxa ay sheegeen in uu yahay mid sii xoojinaya khilaafka cusub ee madaxda Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
-
Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sh. Shaakir Cali Xasan ayaa war saxaafadeed ka soo saaray go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo saartay khilaafka ka dhextaagan madaxda Maamulka Galmudug.
Shiikh Shaakir ayaa sheegay in Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya ay tahay Gaf iyo Qalad laga galay Maamulka Galmudug, isagoo sidoo kale ka hor yimid Baaqii Wasiirka ee ahaa iney si deg deg ah ku yimaadaan magaalada Muqdisho si loo xaliyo Khilaafka u dhaxeeyo Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
-
Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan Ayaa ka soo horjeeystay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.
Ibraahim Iidle oo la hadlay Laanta Af-Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa sheegay in sharci daro ay tahay xil ka qaadistaasi lagu sameeyay.
Waxa uu sheegay in ay kala madaxbanaanyihiin laamaha Dalka islamarkaasina Garsoorka uu ka madaxbanaanyahay laamaha dowlada sida uu dhigayo Dastuurka.
Ibraahim Iidle Suleeymaan ayaa sheegay in wali uu yahay Gudoomiyaha Maxkmada sare ee dalka wax kama jiraana ay tahay xil ka qaadistii lagu sameeyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Digreeto uu soo saaray xilkii Gudoomiyaha Maxkmada sare kaga qaaday Ibraahin Iidle Suleeymaan isaga oo u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Aalaba waxaa soo laa laabtay qilaafaadka ka dhasha Xil ka qaadista Madaxweynayaasha Soomaaliya ay ku sameeyaan Gudoomiyaasha maxkmada Sare ee dalka Waxaa xusid mudan in khilaaf ceeynkaan oo kale ah uu dhacay Markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Ahaa madaxweynaha Soomaaliya xiligaasi uu xilkii ka qaaday Abuukaate Caydiid Abdullaahi Ilka Xanaf Gudoomiyihii Maxkmada sare ee dalka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Gudoomiyihii Maxkamadda Sare oo Kasoo Horjeystay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ka digay in lasii fogeeyo Khilaaf Siyaasadeedka ka dhexeeya Dowladah Somalia iyo Imaaraadka Carabta.
Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay in Khilaafka laba dowladood uu yahay mid u baahan in lasiiyo wakhti badan, hasee ahaatee aanu ku xalismeynin maalmo kooban.
Khilaafka ayuu sheegay inaanu aheyn mid dhow, waxa uuna cadeeyay inay gacmaha kula jiraan dowlado Siyaasad ahaan khilaafsan labada dal.
Khilaafka ayuu carab ***** mar uu Hailemariam Desalegn la hadlaayay warbaahinta maxaliga inuu yahay mid salka ku haya faragalin dhan Siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in marka hore labada dal ay kawada hadlaan Khilaafkooda.
Dowlada Somalia ayuu sheegay Mr Hailemariam Desalegn inay xaq u leedahay inay difaacato Qaranimadeeda sidaa aawgeed ay ku baaqeyso in fursad lasiiyo Somalia oo Khilaafka xalkiisa ku jiro gacanteeda.
Hailemariam Desalegn, oo aan kusii fogaan arrimaha labada dal, ayaa ku taliyay in Dowladaha xalka u raadinaaya Khilaafka ay ka shaqeeyan sida marka hore leysku horfadhiisin lahaa labada dale e uu Khilaafka ka dhexeeyo ka hor inta aan laga hordhicin.
Sidoo kale, Dowlada Ethiopia ayuu sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonto dadaalka xalka loogu raadinaayo Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta, si buu yiri loosii ambaqaado xiriirka labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia oo marti galisay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, ayaa waxaa marti galintooda kamid ahaa in xal loo raadiyo Khilaafka sii fogaaday, waxaana xusid mudan inay kamid tahay wadamada xalka raadinaaya, hadana qeyb ka ah Heshiiska Dekadda Berbera.
Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com
-
The economic numbers say Turkey is booming. The financial markets seem to think it’s on the verge of a crash.
In the streets and shops of Mersin, a large city on Turkey’s Mediterranean coast, there’s little evidence of either extreme. Business-owners are feeling the squeeze from double-digit inflation and a currency that’s slumped 25 percent this year. But many say they’re inclined to stick with the government of President Recep Tayyip Erdogan, who’s seeking re-election in what may prove a knife-edge vote next month.
“Yes, prices are higher and our profit margin is falling,” said Mehmet Kurt, 38, a kitchenware wholesaler. About a third of the items in his large store come from China, and the rest are getting more expensive too because their local producers use imported steel and plastics.
“But this is temporary,” said Kurt. “The government can’t make things better, but it’s stopping them from getting worse. If we change Erdogan, will whoever comes in do any better? That’s the concern.”
Rate Surrender
With an economic growth rate of 7.4 percent last year, Turkey has been racing ahead of its peers. In recent weeks, investors have begun to worry that the wheels could come off. All the fragilities of the Erdogan economy came into focus. Bloomberg’s Chief Middle East Economist Ziad Daoud expects economic growth to slow to 3.7 percent next year, while inflation remains firmly above 10 percent, more than twice the central bank’s 5 percent target.
A widening trade deficit has to be plugged with foreign cash. Turkish companies have racked up debts in dollars and euros that are now much more expensive to repay. And the president has fiercely opposed the higher interest rates that most economists prescribe — though he had to give way last week, green-lighting an emergency hike to halt a run on the lira.
But even if the economy is headed for trouble, the crunch probably won’t come before Turks cast their ballots on June 24, according to Mert Yildiz, founder of Istanbul-based economic consultancy Foresight.
Only about 2 percent of the electorate is directly hit by market volatility, Yildiz estimates. “For the opposition to defeat Erdogan, at least 8 percent of voters should swing sides,” he said. “There needs to be a severe impact from financial markets to the real economy for that kind of voter shift.”
Running Hot
Most polls show the president far ahead of rivals but short of the 50 percent needed for a first-round win — opening the way for a risky runoff, in which an “anyone-but-Erdogan” candidate would stand a chance.
Surveys like the one by Ankara-based MAK this month rank the economy as the top voter concern. Erdogan and his AK Party came to power after the financial crisis and recession of 2001, which swept away Turkey’s established parties, and they’re working hard to avoid a repeat.
With the economy running hot, elections were brought forward by 18 months. The government has enacted a series of stimulus programs, mostly aimed at merchants and small-to-medium businesses, a key chunk of the party’s base. State-guaranteed loans made it easier for entrepreneurs and farmers to borrow.
Arguments over those policies are raging in Mersin, a competitive constituency where all four main parties won seats in the last election in 2015.
‘The People Know’
Abdullah Baser, a 58-year-old AK Party official, points to a cap on gasoline and diesel prices that cushioned the impact of the lira’s slide. “At the gas pump it’s been bypassed, thanks to the government’s precautions,” he said. “The people know this.”
Nedim Karakas doesn’t think such measures are enough.
“They’re all save-the-day solutions,” said Karakas, whose tobacco and liquor store is across the street from an AK Party branch office. “The problems will come back.”
Karakas says business is terrible: the Islamist-rooted AK Party has raised taxes on alcohol, and the lira’s slump has made it impossible to renew stocks of imported whisky. He’s sometimes tempted to shut up shop and look for work, “but there are no factories in Mersin to work in.” Karakas said he’s always voted for Erdogan, but is undecided this time. “On the economy, the government is doing something wrong.”
‘Cases of Fear’
The AK Party’s line on the lira is that foreign manipulation has caused its decline. That argument resonates with voters, pollster MAK said in a summary of its recent survey.
One reason is Turkey’s government-dominated media, which means that “all the information about the economy is channeled through a filter,” said Ozgehan Senyuva, an associate professor at the Middle East Technical University in Ankara.
There’s another factor that may count in Erdogan’s favor.
The crash of 2001 showed that Turkish voters deal out severe punishment for economic mismanagement once its full impact is felt. But when a collapse is something feared in the future, instead of a present reality, they may prefer to stick with the rulers they know, according to Senyuva.
“In cases of fear, people tend to repeat the last decision that worked,” he said. “You don’t take risks.”
Source: – Bloomberg
-
The chairperson of the African Union (AU) Commission, Moussa Faki Mahamat, expressed concern on Sunday over increasing instances of external interference by non-African actors in Somalia’s internal affairs.
This threatens to disrupt the peace-building and state-building efforts currently underway in Somalia, Faki said during his meeting at the AU headquarters in the Ethiopian capital with Prime Minister Hassan Ali Khaire of Somalia, according to an AU statement.
The interference also risks reversing the hard-won gains made through joint efforts of the AU mission in Somalia (AMISOM) and Somali security forces, he said, urging all concerned external actors to refrain from any action that may undermine Somalia’s progress.
The two leaders discussed the progress made so far by the Somali federal government in implementing a reform agenda in the political, economic and security spheres, the statement said.
The chairperson of the AU Commission commended the Somali government for its efforts to establish cohesive and inclusive politics, deepen federalism, resolve the conflicts affecting the country and advance peace-building and reconciliation.
Faki called on all Somali stakeholders to spare no efforts in ensuring a successful implementation of the agreed political roadmap.
Noting the economic reforms undertaken by Somalia, the AUC chairperson urged Mogadishu to continue with the efforts underway to rejoin the international financial institutions and set the country on the pathway to debt relief.
Khaire, for his part, paid tribute to the bravery of AMISOM forces, and expressed gratitude to the troop and police contributing countries for their efforts and sacrifices in the pursuit of peace and security for Somalia, the AU statement said.
Their commitment has been essential to Somalia’s progress, and AMISOM’s presence remains critical as the country moves in earnest toward full ownership of security responsibility over Somalia, Khaire said.
Source: – Xinhua net
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka maamulka Somaliland Cabdullaahi Abuukar Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in Hawada Somalia aan weli laga maamulin magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo warbixin kooban siinaayay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa beeniyay wararka sheegaya in guud ahaan Hawada Somalia xiligaan laga xakumo magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in weli uu socdo Heshiiska la xiriira hawada.
Wuxuu sheegay inaan dowlada Somalia lagu wada wareejin Hawada, balse ka maamul ahaan ay u furan tahay inay dhacsadaan xuquuqdooda ku aadan Hawada Somalia, si qeybtooda looga maamulo magaalada Hargeysa.
‘’Ma jiraan wax la yiraahda hawada Somalia waxaa lagu wareejiyay dowlada Somalia, waxaa arrinteena ku mashquulsan Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maareeyaha Garoonka maadaama aan anigu howlahaasi aan weli gacanta ku heyn’’
‘’Waxaan qirayaa in wafdi ka socda Somaliland ay dhawaan shir uga qeybgaleen Nairobi UN-kana waan u sheegnay qorshaheena la xiriira inaan helno maamulka Hawadeena marka waxaa weli socda dadaalka’’ ayuu yiri
Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay inuu wali socdo wadahadal kala dhexeeya Somalia oo ku saabsan Hawada iyo hanaanka loo maraayo maamulkiisa, taa oo uu ku micneeyay mid muhiim ah oo aan weli la’isku marin.
Sidoo kale, Cabdullaahi Abuukar Cismaan waxa uu intaa raaciyay in xitaa dowlada Somalia aan wali loo dhameystirin qalabka Hawada laga maamuli lahaa, sida uu hadalka u dhigay.
Haddalka Cabdullaahi Abuukar Cismaan, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay Dowlada Somalia ku adkeysaneyso in Somalia ay hal tahay isla markaana Hawadeeda laga maamulaayo caasimada dalka ee Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo maalmahaani arimo caafimaad u joogay dalka India ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaal dhiiga ku daatay ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.
Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo uu ku sifeeyay mid aan horay loo arag.
Waxa uu Shariif Sheekh Axmed, tilmaamay inaan loo dulqaadan Karin dagaalo soo laalaabtay oo lagu daadiyo dhiiga dhalinyaro Soomaaliyeed, iyadoo la helikara xalin.
Waxa uu intaa raaciyay in wax wanaagsan aysan aheyn iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiiggga qofka muslimka sooman.
Waxa uu Shariif Sheekh Axmed soo jeediyay in hakinta dagaalka ay si wada jira u gaaran Hogaamiyayaasha maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu sheegay in laga doonaayo inay eegan dhibta ay Shacabka ka dhexlayaan dagaalka.
Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaan rabaa inaan halkan baaq nabadeed uga jeediyo walaalaha Puntland iyo Somaliland, dagaalada ku soo laab laabtay Tukaraq darteeda, oo ay ku dhinteen dad badan, waxaan joognaa bil Ramadaan, waxaan naha dad muslimiin ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan fiirino in aysan habooneyn in dhiig muslim ah la daadiyo.”
Sidoo kale, dagaalkan ayaa waxaa horay uga hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka iyadoo la fiirinaayo danaha shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalada kasoo yeeraaya madaxda ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Hogaamiyayaasha Puntland iyo Somaliland ay hawada isku marinayaan hanjabaado.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
-
US President Donald Trump's "America First" stance on global trade has hit Rwanda, by imposing tariffs on clothing exports from the tiny East African nation. The issue revolves around an obscure import, second-hand clothes, and Rwanda's refusal to back down from the fight.
-
Xildhibaan Mustaf Shiikh Ali Dhuxuloow ayaa xalay Afur mahad celin ah u sameeyay guddigii CaawinQaran oo ahaa wariyaal is abaabulay oo lacago iyo abaalmarino kale u aruuriyay xulka 17 jirrada Somalia.
Afurka oo ka dhacay Hotel-ka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay wariyaashii guddiga CaawinQaran, duqa Muqdisho Eng Yariisow, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qeybaha dhaqanka.
Wariyaashu waxey bogaadiyeen cid walba oo gacan ka geysatay lacag aruurintaan oo xildhibaan Mustaf uu ka mid ahaa, waxeyna ka sheekeyeen caqbadihii ay la kulmeen intii ay howsha wadeen.
“Waxaan la kulanay culeesyo badan, waxaan aragnay dad saacad walba naqdiya howshaan wanaagsan, laakiin mar walba waxaan noo muuqatay inaan ka dhabeyno arrintaan, waxeyna aheyd waajib nasaaran ayuu yiri Burhaan Diini Faarax agaasimaha Radio Kulmiye oo ka tirsanaa guddiga CaawinQaran.
“Waxaa farxad ii ah inaan arko saxafiyiin ama dhallinyaro Soomaaliyeed oo dan guud isugu timid hadanna ka dhabeeyay, waxaan jecleystay inaan idin kaga mahad celiyo dadaalkiina iyo inaan idiin muujiyo kaalinta aad dalkaan ku lee dihiin, waxaan ku baaqaya in aadan kala tagin oo aad mar walba bulshada caawiseen ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow.
Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wariyaashu ay is badal dhab ah muujiyeen uuna bogaadinaayo, isagoo ka codsaday saxafiyiinta iney ka qeyb qaataan howlaha kale ee dalka.
Kulanka ayaa u badnaa isu mahad celin, is bogaadin iyo dar daaran.
-
BOSTON—With another Game 7 victory at stake, LeBron James would not miss. He would not sit out. And he would not be denied an eighth straight trip to the NBA Final.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Guddoomiyihii xilka laga qaaday.
Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in qaab khaldan loo maray xil ka qaadista lagu sameeyay ee xilka loogu magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Waxa uu sheegay inuu kasoo horjeedo xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Somalia, isla markaana aysan sharciga waafaqsaneyn xil-ka qaadistiisa.
Waxa uu Ibraahim Iidle sheegay in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, garsoorkana uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda.
Ibraahim waxa uu sidoo kale sheegay in xil ka qaadistiisa aanan loo marin sifo sharci ah, sidaasi darteedna uu wadan doono shaqadiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa yiri ‘’Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fariisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay isugu dambeysay Khamiistii oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in inuu shaqada ay sideeda ku socon doonto.
‘’Guddoomiyaha saxda ah waa aniga maadaama qaab khaldan loo maray xil ka qaadisteyda waxaan shacabka ugu baaqayaa inay sii wataan shaqooyinka uga xiran Xafiiskeyga’’
Sidoo kale, diidmada xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa muujin karta inuu dhici karo khilaaf xoogan oo dhexmara isaga iyo Madaxtooyada.
Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista Ibraahim Iidle ayaa timid kadib markii Madaxweynaha dalka uu raacay tallo soo jeedin iyo tixgalinta cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
-
He became a household name for his incisive battlefield dispatches and in-depth reports of global conflicts like the Iraq war.
-
The economic numbers say Turkey is booming. The financial markets seem to think it’s on the verge of a crash.
-
Ethiopia's state-affiliated broadcaster reports that a landslide triggered by heavy rains has killed 23 people in the country's Oromia region.
-
The chairperson of the African Union (AU) Commission, Moussa Faki Mahamat, expressed concern on Sunday over increasing instances of external interference by non-African actors in Somalia's internal affairs.
-
China will host Iranian President Hassan Rouhani next month at a regional summit aimed at avoiding disruption of joint projects, its foreign ministry said on Monday, as major powers scramble to save Iran’s nuclear deal after the United States pulled out.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa shalay mar kale u dhaqaaqday inay beeniso wararka sheegaya in dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salaman la dilay, xilli muddo ka badan bil aan lagu arag goobaha dadweynaha iyo warbaahinta.
Wargeyska Arab News ayaa shalay daabacay sawirka cayaartoyda xulka Sacuudiga ee koobka adduunka, oo uu kasoo dhex muuqday Bin Salman, inkasta oo aan la xaqiijin karin xilliga sawirkaas la qaaday, balse la sheegay inuu isla shalay ahaa. Tallaabadan ayaa loo arkay mid lagu leeyahay “Dhaxal-sugaha ma dhiman”
Markii ugu dambeysay ee la arko Maxamed Bin Salman ayaa ahayd 12-kii April, markaasi oo uu la kulmay qosyka boqortooyada dalka Spain.
21-kii April ayaa rasaas culus laga maqlay aqalka boqortooyada dalka Sacuudiga ee magaalada Riyadh. Inkasta oo Sacuudiga sheegeen in lasoo riday diyaarad Drone oo dul mareysay aqalka.
Si kastaba warbaahinta qaarkeed iyo dadka Sacuudiga ayaa is-weydiiyey haddii rasaastu ahayd isku day afgambi oo la doonayo in xukunka looga tuuro boqor Salman, oo ay fuliyeen qaar ka mid isla boqortooyada Sacuudiga.
Toddobaadkii tagey, wargeyska Iran ee Kayhan ayaa ku warramay in Maxamed Bin Salman ay ku dhaceen laba xabbad intii uu weerarka socday, lagana yaabo inuu dhintay. Waxay soo xigteen sirdoonka dal kale oo Carbeed, oo arrintan loo sheegay, sida ay yiraahdeen.
Shakigan ayaa taagnaan doonta, inta Maxamed Bin Salman si rasmi ah looga arki doono goobaha dadweynaha, ama uu kasoo muuqdo muuqaal taleefishin.
Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay weli dhowreyso baaqyada kasoo baxaaya Beesha Caalamka.
Xildhibaan Indho-Indho oo weriyayaasha la hadlay ayaa sheegay in Somaliland aysan ku adkeen in saacado kooban ay kula wareegto magaalada Garoowe, balse aysan qabin degdegtaasi.
Xildhibaanka waxa uu tilmaamay inay aad u dhibsanayaan dhiiga ku qubanaaya deegaanka Tukaraq, balse ay muhiim yahay in dhinaca ay la dagaalamayaan ay garwaaqsadaan dhibta dagaalka.
‘’Dadka deeganka ayaa cadeynaaya cida laga jooji la’ yahay ee soo qaada duulaanka, balse waxaan dooneynaa inaan leesa soo fagin’’
Xildhibaanka oo laga diyaariyay Muuqaal ayaa sheegay in xiisada noocai ah ay sababi karto xitaa in Qabiilka Daarood qabsadaan Ethiopia, waxa uuna uga digay Dowlada Ethiopia.
‘’Dowladaha Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti waxaan uga baaqeynaa ka fiirsasho haddii Majeerteen uu leeyahay dhul-bahanto iyo warsangali waa qaba’iil, barina waxa ay Daaroodka qabsan doonaan Ethiopia’’
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN
-
Dhowr baare oo u dhashay dalka Masar ayaa soo saaray baaritaan cusub oo ay ku doodayaan in “Puntland” oo ah dhul uu xiriir ganacsi kala dhaxeyn jiray dalka Masar xilligii hore ee Faraaciinta aanay ku oolin Soomaaliya ee ay ku taallo dhulka Itoobiya.
Baare xagga raad-raaca shucuubta ah oo u dhalatay dalka Masar, laguna magacaabo Inaas Al-shaafici kuna fiican sida loo akhriyo fartii hore ee Masaariga qadiimta ah ee Hieroglyphics-ka iyo afafka kale carabiga iyo Talyaaniga ayaa arrintan ka sheegtay xarunta “Jimciyadda Taariikhda Masar” oo ah jimciyad la aasaasay 1945tii, shaqadeedana tahay inay baarto taariikhdii hore ee Masar.
Qoraaga maqaalkan shalay uun ku soo baxay wargeyska maalinlaha ah El Masri El Youm ee Wasiim Al-sisi oo doodda gabadha soo qaatay, waxaa uu leeyahay sheekadan markii ugu horreysay waxaa soo shaac-bixiyay Dr. Cabdi Caziz Saalax, oo ku sheegay dhawaaqeeda saxda ah “Bo-Win-t”, xarfaheedana Hieroglyphics ahaan waxaa loo qoraa “B square ah” oo ujeedka yahay “xarun” iyo Weyn” oo micnaheedu yahay” xaalad ahaansho” iyo “T”-da oo ah shaqal wax suga marka la fiiriyo luqada ay isticmaali jireen Masaaridii hore ee Hieroglyphics-ka.
Marka erayga sida ay qoreen waa labo kelimad oo kala ah ‘Goob’ iyo fasiraad ah“3 buur”, aragtidan waxaa Dr. Cabdi Caziz Saalax la qabto gabadha Inaas Al-shaafici , waxaa ay ku doodayaan in Soomaaliya aaney buuro laheyn ee buuraha laga hadlayo ay ku yaalaan Itoobiya gaar ahaan ’ Lake Tana” oo ah badyarta ay ka yimaadaan 80% biyaha Nile-ka ee Masar laga cabo.
Baaritaankan cusub waxaa ay culimada soo qaadanayaan in mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii boqor Psamtik oo isaga oo jooga “Puntland” u diray fariin boqorkiisa, sheegana in roobab badan ay ka da’ayaan buuraleyda “Punt”, oo daadad ka geysan kara gudaha Masar.
Qoraaga maqaalka wargeyska El Masri El Youm waxaa uu isweydiinaa haddii Soomaaliya ay ku yaallaan buuro daadadka ka baxa ay waxyeello u geysan karaan Masar? Sidaa darteed daraasaddan waxaa ay ku talineysaa in ergadii boqoradda Hatshepsut oo ka tirsaneed boqoraddii Faraaciinta aaney tagin Soomaaliya ee ay tageen dhulka Itoobiya halkaasna ay tahay Puntland.
Inta badan, qoraallada iyo baaritaannada arrintan la xiriira ee horay loo sameeyay waxaa ay lahaayeen Puntland waa dhul Soomaaliyeed, waxaana loo cuskan jiray xiriirka qotto dheraa ee Faraacina gaar ahaan boqoradda Hatshepsut oo ergo iyo ganacsi u soo diri jirtay kala dhxaeeyay geeska Afrika gaar ahaan Puntland. Lama oga waxa hadda ku soo beegay baaritaankan cusub, laakin waxaa muuqata in taariikhyannada Masar ay doonayaan isu soo dhowaanshiyo iyaga iyo Itoobiya ah, xataa haddii laga dib loo qoro taariikhda ama laga been sheego.
Akhriso: Maqaalka Oo Carabi Ah
Casir iyo Carabey oo loo diiday inay galaan Madaxtooyada Cadaado iyo xiisad halkaas ka taagan
in News - Wararka
Posted
Cadaado (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa maanta isku dayay in aay galaan xaruntii uu fadhiyay maamulka Galmudug ee Cadaado, hase ahaatee waa loo diiday in ay galaan.
Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inay madaxtooyada Cadaado u diideen madaxdaan garab taageersan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.
Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey oo maalin ka hor Cadaado tagay ayaa dagan guri caadi ah, waxaana laga hor istaagay inay ku shaqeeyaan Madaxtooyada.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa arrintaas, waxaana Xarunta Madaxtooyada Cadaado ka socdo dhaq dhaqaaq ay wadaan ciidamada halkaas ka taliyo oo la sheegayo inay hoos tagaan Madaxweynaha Galmudug Xaaf.
Khilaafka Galmudug ayaa mar kale soo cusboonaaday kadib markii Ahlu Sunna Baarlamaanka Galmudug loogu daray ilaa 89 Xildhibaan.
Qaar ka tirsan madaxda Galmudug ayaa ka hor imaaday qaabka Xildhibaanada loogu qeybiyey beelaha daga Deegaanada Maamulkaas, waxaana arrintaas ka dhalatay khilaaf weyn oo saameyn ku yeeshay.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com