-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Isbaddalka siyaasadeed ee ka hanaqaaday Geeska Afrika waa mid la dhihi karo waa filanwaagii aan la saadaalin ee qarnigan 21aad illaa iyo hadda.Waa mar e Itoobiya ma ay dumin oo iskuma ay jabin, waa mar kale e taariikhda markii ugu horraysay waxaa la magacaabay Raysal Wasaare ka soojeeda qowmiyadda Oromada, oo magac Islaam wata, lehna dhaqan iyo dhaxal Islaam, asaga oo isla markiiba dhameeyey colaad 20 sano jirsatay oo ka dhex aloosaneyd Itoobiya iyo Eriteriya. Saas oo xaal yahay, Abiy Axmed, Raysal Wasaaraha laga dabadhacay ee ahaan jirey sirdoonka dalka, weli cagta dhulka toos ulama helin oo meel kasta waxaa hortaal caqabadaha ku salaysan qowmiyadaha dalka iyo siyaasadahooda kaladuwan ee midba midda kale riixayso. Dagaalka marmar ka dhex dillaaca qowmiyadaha Oramada iyo kan shidaalku buux dhaafshay ee gobolka Soomaalida waa hordhac aan kheyr qabin iyo ifafaalayaasha dhibka badan ee horyaal RW Abiy Axmed. Jirtaayo intaas, hadana lama yareysan karo guusha istaraatajiyadeed iyo hormarka dhanka nabadda iyo kan dhaqaalaha ee suurtagalka noqon kara haddii isbaddal uu hanaqaado. Sidoo kale waxaa iyana guul weyn oo maskaxeed iyo mid qalbiba ah heshiiska Itoobiya iyo Eriteriya oo suurtagaliyey in qoysas iyo saaxiibo kala dhumay ay mar kale is helaan. Saas oo xaal yahay dhanka istaraatajiyada iyo waliba dhanka qorsheynta siyaasadda, hadana waa lama huraan haddii kale waa doqonimo in aan la is weydiin hawsha cidda riixaysa, cidda ka danbeysa, waxa dhib iyo dheef dabasocda, iyo waliba saameynta ay ku yeelan karto dal kasta oo gobolka ah. War kuma seegana e illaa iyo hadda waxaan maqalnay hadalo tuur-tuur ah oo aan macne buuxa wadan, laakiin aad loogu bogay, lalana wada dhacay, oo sacab iyo durbaan loo tumay. Wax bayaamin ah warkeeda daa iyo meesha loo socdo; kee iyo waxee baa waxan wata oo yaa ka danbeeya, maxaa se sababaya degdegga intaas le’eg? Kollayba degdegsiinyo waa jiraa, laakiin haddii aad gaariga xawaare sare ku cayriso, waa lama huraan in aad isteerinka gacanta ku hayso, indhahana aadan marnana jidka ka weecin. Haddana aan u soo laabano gunta isbaddalka. Siyaasaddu ma leh fal aan la qorsheyn iyo isbaddal cir-ka-soo-dhac ah; siiba laba dowladood oo col ah, cadowtinimo raagteyna ay u dhexeyso, juquraafiga siyaasadeynsana colaadda qayb ka yahay. Tartanka siyaasadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha oo dhinac ah iyo iyo Sacuudiga/Imaaraadka iyo Turki/Qadar oo dhinaca kale ah waxa uu abuuray xiisad daran, waaba haddii uusan shideyn oo afuufeyn colaado haddeer socda. Sidaas darteed annaga oo miyir kaashaneyna, caqliga saliimka ahi waxa uu na farayaa in aynaan rumeysan dhacda walba iyo sida looga sheekeeyo. Istaraatajiyad Saddex-Geesood ah oo Mug Weyn Shiinaha oo tartan adag oo juqufaariga-siyaasadeysan kula jira Mareykanka waxa uu tartiib-tartiib Mareykanka uga sii riixanayaa Jabuuti, meesha xukuumadda Madaxweyne Trump weli laga la’yahay siyaasad la fahmi karo oo ku aaddan Geeska Afrika. Halkaas oo xaal marayo baa hadana maanta Shiinaha oo muujinaya cududdiisa milateri ee sii kobcaysa, waxa uu faraha ku hayaa dhismaha saldhig ciidan kii ugu horreeyey ee uu ka dhisto dal shisheeye. Ogoow oo Shiinuhu mar hore buu qaaradda Afrika dhidbaha uga taagay xiriir ganacsi iyo mid hormarineedba. Kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo garab-istaagga siyaasadeed ee uu Shiinuhu la garabtaaganyahay mashruuciisa dhaqaale kobcinta ee loo yaqaan Jidka Xariirta (Silk Road) asna waa mid saldhigtay, hawshiisuna ay haddeerba socoto. Dhanka kale, Mareykanka oo in ka badan 70 dal ku leh ku dhawaad 800 oo saldhig milateri, dhaqdhaqaaqa iyo isballaarinta Shiinuhu, siiba qaaradda Afrika, waxa ay Mareykanka ku keentay jaahwareer istaraatajiyadeed iyo dhakofaar dhaliyey dheelitir la’aan. Saas oo xaal yahay, AFRICOM weli waa xafiiska sabaynaya ee Arrimaha Dibadda masuulna ka ah danaha dowladda Mareykanka, ayadoo lala kaashanayo gaarhayayaashii hore – waa Itoobiya oo dhanka siyaasadda horgale ka ah iyo Erick Price (Blackwater) iyo xiriirkiisa ku milan Imaaraadka Carabta (UAE) iyo DP World oo u xilsaaran wax kasta oo aan lala rabin xisaabtan iyo u kuurgal. Haddaba haddii aadan awal u-war-hayn haddeerba ogoow sababta dal aad u yar oo yaal Khaliijka Carbeed uu u noqday maqaarsaar loo maro juquraafi-siyaasadeedka geyigaas iyo waliba dib-u-naqshadeynta lala damacsanyahay Gacanka Carbeed iyo Geeska Afrika. Inkasta oo Imaaraadku isku dayo in uu muujiyo waji ganacsi oo caalami ah oo hanaqaaday, haddana gancsigiisa badda iyo intaas oo shirkadood oo aan la hubin ganacsigooda waxaa dul heehabaya daruuro shaki. Shakigu intaas kaliya ma aha e sababo la xiriira khataraha ammuurahaas iyo siro dahsoon dartood ayaa sannadkii 2006 waxa uu baarlamaanka Mareykanku diidey dalabkii DP World ay ku rabtay in lix dakadood oo Mareykanka ku yaal ay kula wareegto. Diidmadaas qayaxan ee barlamaanka ayaa timid ayada oo DP World ay haysato taageerada kooxda dagaal-ogayaasha u badan (neoconservatives) oo uu ugu horreeyey Madaxweyne Kuxigeen Dick Cheney. Marinka Badda Cas ee Baab al-Mandab sannadkii waxaa mara ganacsi lagu qiyaasay $700 bilyan una dhexeeya Yurub iyo Aasiya, Yurubna waxaa ka sii go’an in ay joojiso mujaahiriinta Afrika ayada oo dhiirigelinaysa maalgashi, xoojineysana is-dhexgalka gobolka si loo siyaadiyo ganacsiga, loona helo ammaan iyo maamul wanaag. Itoobiya ayaa hawshaas baroosin u ah, IGAD oo haysata aqoonsi caalami ah ayana waa hay’addii dowliga ahayd ee loo mari lahaa fulinta mashruuca. Sawirka laga helo qaabka loo mareeyo Geeska Afrika waa kii lagu dabakhi lahaa Afrika oo dhan. Laakiin hal mid oo yar ka digtoonoow: Turkiga maya, Qadar iska illoow, Shiinaha asna warkiisa haba soo qaadin. Tan iyo intii uu dillaacay khilaafkii waddamada Khaliijku sannad kahor, kaas oo sababay in Qadar xannibaad bad iyo berri ah la saaro, siyaasadda iyo ammaanka Geeska Afrika ma aheyn sidii lagu yiqiin. Siiba Soomaaliya ayey saameyn gooni ah ku yeelatay, oo waxaa biloowday tartan ku saleysan juquraafiga-siyaasadeysan, kaas oo Imaaraadka iyo Sacuudiga isku gacan ka dhigay, meesha Qadar iyo Turkiguna gacmaha isqabsadeen. In kasta oo ay badanyihiin tartamada ku-cuney-ama-ku-ciideeyey ee dalka ka aloosan, haddana lacagta boqortooyooyinka Khaliijku ay ku daadsheen siyaasadda kala-fur-furka ee Soomaaliya ma soo marin mid ka tiro badani. Janaraal Anwar Eshki waa Guddoomiyaha Xarunta Bariga Dhexe ee Daraasaadka Sharciga iyo Istaraatajiyada, waana lataliye ka agdhow Amiir Maxamed bin Salmaan, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga, hadana haya talada dalka. Janaraalku waa hal-abuuraha istaraatajiyadda Sacuudiga ee dagaalka lagu hoobtay ee Yemen; waa ninka ka danbeeya isusoodhaweynta iyo xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil, hadde waa Israa’iisha xasuuqa ba’an ku haysa dadka reer Falastiin; Janaraalku waa kan abaabulaya siyaasadda fududeynaysa in Itoobiya ay si sahlan Soomaaliya ula wareegto, Soomaaliyana kamid noqoto Itoobiya. Khudbad uu ka jeediyey Golaha Xiriirka Dibadda ee Mareykanka (Council on Foreign Relations), Janaraalku waxa uu dhawaan soo bandhigay qorshe uu ugu yeeray “Geeska Afrika ha la hoos geeyo hoggaanka Itoobiya (Unifying the Horn of Africa under the leadership of Ethiopia)” hana la isku xiro Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed, ayada oo la dhisayo loona marayo Buundada al-Nuur “waxaa la dhisayaa buundo isku xirta magaalada al-Nour ee Jabuuti iyo magaalada Al-Nuur ee Yemen.” Janaraalku waxa uu si cad oo aan meermeerin laheyn dhegaystayaashiisa ugu sheegay in uu afka Ingiriiska ku hadlo laakiin lagula taliyey, asaga oo taladaas aan u bogin, in uu khudbadiisa ku akhriyo afka Carabiga, una jeediyo dhegaystayaashiisa. Hadaba su’aal maanta taagan baa waxa ay tahay, Janaraalku ma waxa uu akhriyey nuqulkii koowaad ee qabyo-qoraal istaraatajiyadda Sacuudiga ee gobolka mise saaxiibo kale buu gacanta u haadinayey? Isbaddal Abuurkiisa aad loo Sahlay Bartamihii bishii Juun, markii Shiikh Maxamed bin Zayed uu booqday Itoobiya, Hay’adda Hormarinta Abu Dhabi waxa ay Bangiga Dhexe ee Itoobiya ku shubtay lacag dhan $3.7 billion – waa lacag le’eg maalgashiga Turkiga ee Itoobiya. Maalinkii xigey, Raysal Wasaaraha Itoobiya waxa uu u duulay Muqdisho. Saddex saacadood gudahood asaga oo gegida diyaaradaha Adan Cadde aan gees uga bixin, RW Itoobiya waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, la saxiixday heshiis Itoobiya iyo saaxiibadeed gadaal ka fadhiya farta ka saaraya wixii la raadinayey – Afarta dekedood ee ugu istaraatajiyeysan Soomaaliya, Badda Cas illaa iyo Badda Hindiya. Illeen kaash baa boqor ah e, Imaaraadku dhib badan kalama kulmin in uu la wareego dhowr dekedood oo ku yaal Soomaaliya, Ereteriya iyo Suudaan. Bishii xigtay booqashadii Soomaaliya kabacdi, RW cusub ee Itoobiya waxa uu booqday Eriteriya, lana kulmay Madaxweyne Iseeyas Afwerki. Isla maalinkaas, labadii cadow ee awal aan wajigooda la is tusi jirin waxa ay wada saxiixeen heshiis nabadeed oo isla markiisa soo celiyey xiriirkii dibloomaasi ee labada dal, waxaana la isla gartay in dib loo soo celiyo duulimaadyadii labada dal iyo waliba Itoobiya oo biloowda isticmaalka dekedda Ereteriya. War laguma deeqsiin karo e isla asbuuc gudihiis, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ka degay Casmara si uu ula kulmo Madaxweyne Iseeyas una soo celiyo xiriirkii dibloomaasi ee Soomaaliya iyo Eriteriya. Eriteriya oo awal ahayd “Waqooyiga Kuuriya ee Afrika” waxa ay gelin gudihiis ku noqotay meel aan la huri karin oo mudan in la soo taabto. Waddamada kale ee IGAD xubnaha ka ah ayana safka waa ku soo jiraan, walloow Eriteriya ay weli xayiraad rasmi ahi saarantahay. War lagama xiiso dhaco e, xayiraaddii saarneyd Eriteriya ee ay awalba Itoobiya aliftay, adduunkana war-aan-jirin ka dhaadhicisay, si siyaasadda gurracan ee Itoobiya ay garab ugu noqoto, baa hal mar Madaxweyne Farmaajo waxa uu la soo booday, una sheegay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in Eriteriya xannibaadda laga qaado. Hadalka Farmaajo ee aan laga fiirsan fajiciso Jabuuti kaliya kuma uu noqon, laakiin waxa uu kiciyey shacabkii Soomaaliyeed oo awalba aan mooganeyn sida uu Farmaajo u liicay, asaga oo dowladdiisa loo arkay mid uun u adeegta hormarinta siyaasadaha iyo danaha shisheeye oo kaliya. Qorshaha Turkiga ka Tuur Soomaaliya ma Suurtagal baa? Tan iyo kadoonkii Gu’gii carabta, dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudigu waxa ay maleegayeen istaraatajiyad ujeedadeedu tahay kala-tuurka iyo kala-cayrinta ururka Akhwaanu Muslimiinka, sababtuna tahay awoodda siyaasadeed iyo tan bulsho ee uu ururka ku dhex leeyahay shacabka, iyo waliba adeegga baahsan ee ay bulshada u hayaan. Boqortooyooyinka Khaliijku waxa ay ururka iyo kor-u-kaca awoodda iyo saameynta Turkiga ee Islaamka dhexdiisa iyo Bariga Dhexe u arkaan khatarta ugu weyn ee hortaagan kuxunkooda inta la noolyahay. Sidaas darteed markii Turkigu ay Soomaaliya sannadkii 2011 ka bilaabeen olole weyn oo tabbarucaad bani-aadamnimo iyo mid hormarineed ah, ayna Soomaaliya la askumeen iskaashi istaraatajiyadeed, Imaaraadka Carabtu waa isa soo xaadiriyey si uu u burburiyo iskaashiga cusub ee Turkiga iyo Soomaaliya. Imaaraadku intaas kuma uusan joojin e waxa uu Muqdisho ka dhistay safaarad aad u baaxad weyn oo labaysa Turkiga. Waxa ay fureen Cisbitaalka Shiikh Sayid si uu ula tartamo Cisbitaalka Erdogan ee Turkigu u dhisay Soomaaliya. Markii Turkigu bilaabay in uu bixiyo iskoolarshiib, tababarana siiyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya, Imaaraadku waxa ay jeebabaka u buuxinayeen calooshooda-u-shaqaystayaal loo xilsaaray hawlo sireed oo gooni ah oo aan Soomaali ka warhayn. Waxaa kale oo Imaaraadku tababareen koox milateri ah oo ay dhawaan meel cidla ah uga dhaqaaqeen, hubkoodiina isla meeshii lagu bililiqaystay. Turkigu, in kasta oo Qadar ay isku xulufo yihiin, hadana waa mid saaran miisaan kaas ka duwan. Afgambigii dhicisoobay kabacdi, Turkiga oo Soomaaliya kaashanaya waxa uu dalka ka tirtirey dhadhaqaaqa Gulen iyo wixii shakhsiyaad iyo hay’ado ku xirnaa oo dhan. Saas oo siyaasadda gudaha Turkigu ay tahay, haddana nidaamka Turkigu waa qaabka ugu roon oo la dhihi karo waa dahabi ee dowlado isku kaashadaan, dalna dib loogu dhiso, hormarna loogu horseedo. Hormarka la taaban karo ee Turkigu ka muujiyey Soomaaliya iyo sida uu gacmaha uga laabtay howlaha hoose ee Soomaalida waxa ay markhaati ma doonto u tahay, ifkana u soo saartay sida caawimaadda caalamiga ahi ay u tahay mid isdabamarsan, sumeysan, oo musuqmaasuq ku dhisan. Dhanka Qadar, inkasta oo markii hore aysan Imaaradka waxba ka duwaneyn, markii danbe saaxiga ayey keentay waxa ayna ku dayatay qaabka Turkiga, ayada oo maalgalineysa dhismayaasha jidadka iyo halboowlayaasha muhiimka u ah kaabayaasha dhaqaale ee dalka. Aamin laakiin Xaqiiji Intaas oo isbaddal ah oo isdabajooga, Itoobiya weli waa mid leh “dano badan oo isburinaya, burin karana danaha muhiimka ee Mareykanka” una janjeeri karta dhanka Shiinaha oo uu ka dhexeeyo xiriir dhaqaale oo isku dhafan. Haddaba ma lagaa yaabaa in Abi Axmed uu yahay kii dhabarka tusi lahaa Shiinaha iyo Turkiga oo balaayiin doolar Itoobiya maalgashaday? Haddii la dareemo wax sansaan ah oo tilmaameysa in Abiy Axmed “uu furfurayo wixii shaqeynayey asaga oo u hanqal-taagaya waxa laga yaabo in ay shaqeeyaan” waxa ay sababi kartaa in hormuudka dalku ay ka horyimaadaan Abiy Axmed, taasina ay gobolka ka abuurto dib-u-dhac iyo gaabis horleh. Haddii intaas kore aysan walaac abuurin, Soomaaliya, Jabuuti iyo xataa Eriteriya mid walbaa waxa uu leeyahay dano u gaar ah oo lid isku ah. Waxaas oo dano gaar ah oo lid isku wada ah, si loo helo dheelitir siman, lana isaga jiro dulinka iyo gooryaanka juquraafiga-siyaasadeysan, Soomaaliya waa in ay dalbato in ciidamada Itoobiya iyo Kenyan ee qayb ka ah hawgalka AMISOM ay degdeg Soomaaliya uga baxaan, sidoo kale waa in dalka laga saaro dhammaan ciidamada gobolada Soomaaliya si sharci darro ah ku jooga. Waxaa kuu soo haray UNSOM, ilaaliyaha danaha shirkadda Ingiriiska ee Soma Oil and Gas, waa in ayana albaabada la isugu laabo. Eriteriya ayana waxa ay xaq u leedahay in ay dalbato in IGAD baddal loo helo – in la helo hay’ad goboleed si daacad ah looga wada xaajooday oo xubin kastaa leedahay cod siman, xarunteeduna aysan Itoobiya ahayn. Geeska Afrika waa suuq soo koraya lehna ifafaalo dhaqaale oo mug weyn. Laakiin si ifafaalahaas looga dhigo mid wata hormar dhaqaale, keenana nabad waarta, waa in siyaasiyiinta gobolku, ganacsatada, aqoonyahanka iyo hammiga hormuudka bulsho ay yihiin kuwo isla jaanqaada: waa in aysan noqon mid awood shisheeye ama gaashaanbuur isku dan ah jeebka u gala. Sidaas darteed, bulshada Geeska Afrika waa in aysan u afduubnaan naceyb soojireen ah ama aragtida gaaban iyo hammiga musuqmaasuq ee hoggamiyayaashooda siyaasadda. Waxaa la gaaray waqtigii lala imaan lahaa fikir mug weyn, laakiin ka maran faduul. Dal kasta waa in uu marka hore dib isugu laabto oo xal u helo dhibkiisa u goonida ah, lana helo dib-u-heshiisiin dhab ah. Waa lagamamaarmaan in dal kasta uu yimaado isu-tagga iyo midoowga la sheegayo ee gobolka ka socda asaga oo xor ah oo miyir qaba. DHAMMAAD Qoraalka Abukar Arman waxa uu markii hore ku qornaa afka Ingiriiska, bahda Radio Daljir ayaa tarjuntay. Abukar Arman waa qoraa, diblomaasi hore, waana bulsho-u-adeege falaanqooyinkiisa siyaasadda adduunka iyo diinta aad loo daabaco, loona daalacdo. Wuxuu wax ku qoraa Foreign Policy Association http://foreignpolicyblogs.com/author/abukararman/ Abukar Arman is a writer, a former diplomat and an activist whose work on foreign policy, geopolitics and faith is widely published. He also blogs at Foreign Policy Association http://foreignpolicyblogs.com/author/abukararman/
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaa ay ku qulqulayan Saraakiil iyo ciidamo hor leh oo kasoo goostay maamulka Somaliland. Saraakiisha iyo ciidamada oo lasoo goostay Gaadiid dagaal ayey Puntland dajisay Xero ku taala deegaan 15 KM u jira degmada Qardho ee Puntland. Maamulka Puntland oo ilaa iyo hadda u gacan haatinaya ciidamada baxsadka ka ah Somaliland ayaa saacadihii ugu danbeyay Hub u raray ciidamadaasi oo difaac kaga jira Somaliland. Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo ka cudur daartay isticmaalka magacooda ayaa inoo xaqiijiyay in Saraakiil ka tirsan qeybta Militerig ay gaaren Xerada isla markaana Hub u geeyen ciidamada kasoo goostay Somaliland. Ciidamada ay hubeyneyso Puntland ayaa waxaa hogaaminaaya Taliye Caarre oo isagu doonaayo in abuuro Jabhad loogu magac daray dib u xoreynta Somaliland. Sidoo kale, Hubka loo geeyay Taliye Caarre iyo ciidamadiisa ayaa loogu talo galay in looga gaashanto duulaanka kaga imaankara Somaliland iyo in loo adeegsado weeraro lagu qaado Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa xooga saareysa ka faa’iideysiga ciidamada kasoo goosta Somaliland oo uu kala dhexeeyo dagaal. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
As political transformation occurs across the Horn of Africa at an unprecedented pace, Abukar Arman provides a comprehensive analysis of the rapidly changing situation. The political transformation in the Horn of Africa is arguably the most counterintuitive development in the 21st century so far. Ethiopia has steered away from implosion and, for the first time in its history, appointed an Oromo Prime Minister with an Islamic name and heritage, ending the 20-year-long conflict between Ethiopia and Eritrea. Nonetheless, Abiy Ahmed, the charismatic new Prime Minster from the intelligence sector, is yet to find a firm footing and harmony within the deeply rooted and ethnically-dominated domestic political apparatus. The sporadic ethnic-targeting violence raging in the Oromo and the oil-rich Somali region is an ominous preview. This enormous strategic achievement and the peace and economic development potential that it inspires cannot be underestimated. Neither can the value of the psychological and emotional liberation resulting from the Ethiopia-Eritrea peace agreement that reconnected families and old friends. Having said this, from the strategic or policy perspective, it is too naïve not to question the real impetus driving this, the subsequent dramatic changes and the possible implications for each country and the region. So far, all we have got is a bellyful of sound-bites seasoned with euphoric cheers. There has been little clarification as to the actual context; who and what is the driving force, and why with such unprecedented haste? If one must drive on the fast-lane, it is critical to keep hands on the wheel and eyes on the road. Naturally, in politics there is no such thing as random acts of transformation; especially between two sworn enemies and most certainly in geopolitics. The strategic rivalries between the United States of America and China on the one hand and Saudi/United Arab Emirates and Turkey/Qatar on the other hand have been raising tensions if not fuelling various conflicts. So prudence dictates that a leap of faith under these circumstances might not be the best option. Tripartite Grand Strategy The US is being squeezed out of Djibouti by its geopolitical rival China and the Trump administration is yet to unveil a coherent policy towards the Horn. Meanwhile, China is building its first overseas base to project its ever-growing military power. China is already well established on a trade and development front across Africa. The infrastructure and political support system for its new Silk Road are already established or in progress. Despite owning nearly 800 military bases in more than 70 countries, the Chinese expansion in the region, and indeed Africa, is giving the US what I would call a strategic vertigo. AFRICOM still remains the floating State Department in charge of guarding US interests in the region with the same old guards – Ethiopia handling the political bidding and Erik Prince (Blackwater) and companiesvia the United Arab Emirates’ (UAE) DP World handling all matters intended to evade scrutiny and accountability. This may offer some perspective as to how a tiny Gulf nation became the key element through which the geopolitical landscape of the Arabian Peninsula and the Horn of Africa is redesigned. Despite the successful international business narrative it projects, clouds of suspicion still hover over dubious multifaceted maritime enterprise. The significant ‘intelligence and security risks’ associated with the company and its Erik Prince and private military partners was one of the main reasons why in 2006 the US congress rejected a DP World deal to manage six US ports, its support of neoconservative heavyweights and Vice President Dick Cheney notwithstanding. In addition to the $700 billion trade between Europe and Asia that passes each year through Bab al-Mandab, the European Union is determined to constrict the out of Africa migration trend by promoting and investing in what it calls regional integration to improve trade, security and good governance. Ethiopia is to be the anchoring state and IGAD is to remain the institutional shepherd with international backing. The Horn model could then be extended to the entire continent. There is only one little caveat: no Turkey, no Qatar, and certainly, no China. Ever since the eruption of the Gulf Cooperation Council feud that led to a Qatar blockade more than a year ago, neither politics nor security has been the same in the Horn of Africa. This is especially the case in Somalia, where the competing geopolitical interests of the UAE and Saudi Arabia on the one hand and Qatar and Turkey on the other intersect. Though there are other zero-sum competitions at play in Somalia, none have brought in more cash for the disjointed politics locally known as siyaasadda kala fur-furka than the Gulf monarchs. General Anwar Eshki is the Chairman of the Middle East Center for Strategic and Legal Studies and a close advisor to Crown Prince Mohammed Bin Salman. He is the architect of the Saudi strategic duplicity that led to the bloody Yemen war, the normalisation of its relationship with Israel despite the systematic genocide of Palestinians, and the policy to facilitate Ethiopia’s annexation of Somalia. In a speech he delivered at the Council on Foreign Relations, the General recently argued, “Unifying the Horn of Africa under the leadership of Ethiopia” and connecting the Horn to the Arab peninsula by Al-Nour Bridge “connecting the al-Nour town of Djibouti and al-Nour town of Yemen.” The General made it clear to his audience that he spoke English but was advised, contrary to his preference, to deliver his speech in Arabic and to read it to his audience. Was the general reading the first draft of Saudi Arabia’s strategic policy toward the region or flashing reassurances to other partners? Transformation Made Easy When, in mid-June Shaikh Mohammed Bin Zayed visited Ethiopia, the Abu Dhabi Fund for Development deposited $3.7 billion in the National Bank of Ethiopia– an amount equal to Turkey’s investment in Ethiopia. The day after, Ethiopia’s Prime Minister flew into Mogadishu. In a matter of about three hours, and without leaving the airport compound, the PM signed an agreement with the Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo securing Ethiopia and her behind the scene client a historic consignment- four of Somalia’s most strategic Red Sea and Indian Ocean ports. And where cash is the king, it was not too difficult for the UAE to acquire a number of ports in Somalia, Eritrea and Sudan. In the following month, the new Prime Minister visited Asmara to meet with President Isaias Afwerki of Eritrea. On that very same day, the two sworn enemies signed a peace agreement that immediately restored diplomatic relations, and promised the imminent resumption of flight services and the use of Eritrea’s port facilities for Ethiopia. Within weeks, the Somali President lands in Asmara to meet with President Isaias and restore diplomatic relations with Eritrea. All of a sudden, ‘Africa’s North Korea’ became the hottest destination. The rest of the IGAD member states are in line to pay their homage, despite the fact that Eritrea is officially under sanctions. Interestingly, in what seemed haphazard and an orchestrated political cover for Ethiopia—the country that spearheaded the sanctions on Eritrea with tons of disinformation—President Farmajo called upon the UN Security Council to lift the sanctions. This not only “deeply shocked” Djibouti, it also triggered a domestic backlash against a president with slipping popularity and a government considered a political apparatus to advance various international projects. Is De-Turkification of Somalia Possible? Ever since the Arab Spring, the UAE and Saudi Arabia have aggressively pursued a strategic objective aimed to stifle any and all Muslim Brotherhood influence due to the latter’s social and political capital on the streets that emanate from grassroots social services. Gulf monarchs consider that group and Turkey’s political ascendancy and influence on the Islamic and Middle Eastern affairs as the most serious threat to their life-long rule. So as soon as Turkey launched a massive humanitarian and development campaign in 2011 and began to form a strategic partnership with Somalia, the UAE came on the scene for what many consider an effort to torpedo Turkey’s newly-found stature in Somalia. The UAE established the second largest embassy after Turkey in Mogadishu. It opened the Sheikh Zayed Hospital to compete with the Erdogan Hospital. By the time Turkey started to provide scholarships to train military officials, the UAE was already bankrolling various mercenary groups engaged in various clandestine operations, and trained a controversial Somali military contingent which it recently disbanded and left the weapons cache looted. Turkey, while in alliance with Qatar, is on an entirely different scale. In a controversial campaign to settle a domestic political matter, Turkey exploited its close relationship with the Somali government to eradicate any and all institutions and individuals affiliated with the Gulen movement. Despite this, Turkey still embodies the gold standard of bi-lateral nation-building and development. With its tangible achievements and non-interference policy on Somalia’s domestic politics, the Turkish model has exposed the international aid system as corrupt and politically toxic. Though initially Qatar had a controversial start that mimicked the UAE’s, it finally settled to emulate the Turkish model and fund building roads and other essential infrastructures. Trust but Verify Despite all these changes, Ethiopia still has “too many conflicting interests that may compromise vital US interests” in favour of China, with which Ethiopia is economically intertwined. Could Abiy Ahmed be the person to bypass China and Turkey, which also have billions of dollars invested in Ethiopia? Any indication that he is there to ‘undo what is working for what could work’ might turn the old establishment against him and set a domino effect of regression in the region. If that is not enough to cause concern, Somalia, Djibouti and to a certain degree Eritrea each has its conflict of interest. To level the playing field and guard against parasitical geopolitics, Somalia should demand the total withdrawal of the Ethiopian and Kenyan troops that are part of AMISOM as well as those who are illegally based in various regions in the Somali territory. And that UNSOM, the camouflaged guardian of Soma Oil and Gas interests, to close shop. Eritrea for its part should demand an alternative to IGAD – a freshly-negotiated regional institution that grants an equal voice to each member and headquartered outside Ethiopia. The Horn of Africa is an emerging market with great economic potential. But to turn that potential into economic success and sustainable stability, the region’s political, business, intellectual and social leadership’s aspirations must be in harmony: no foreign power or coalition of interests could secure that. Therefore, the people of the Horn should not remain hostage to their historical enmities or to the myopic visions and corrupt ambitions of their political leaders. It is time to think big, but not recklessly. Each country must first address its domestic challenges and reconcile with itself. Each country must come into the so-called regional integration deal sovereign and sober. Abukar Arman (@Abukar_Arman) is a former diplomat who writes on foreign policy, geopolitics and faith.
-
Kulamo socon doona muddo labo toddobaad ah oo looga golleeyahay aqoon kororsi la xiriira hannaanka loo sameeyo kormeerka iyo qiimaynta mashaariicaha iyo guud ahaa shaqooyinka dawladda isla markaana loo qabtay Waaxda Kormeerka iyo qiimaynta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa lagu qabtay Waddanka Kenya, waxaana ka soo qayb galay khuburo ka socda Madaxtooyada iyo Wasaaradda Qorshaynta. Kulamadaan Aqoon kororsiga ah ayaa waxay u dhexayn doonaan waaxda kormeerka iyo qiimaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland iyo dhiggeeda Waddanka Kenya, waxaana si qoto dheer diiradda loogu saari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa waaxda K&Q Puntland. Muddada uu socondoono kulankaani ayaa waxaa booqashooyin rasmi ah lagu tegi doonaa 7 hay’adood oo isugu jira dawladda dhexe ee Kenya iyo heer maamul hoosaad, taas oo u jeeddadeedu tahay sidii kooxda Meteleysa Puntland ay u soo arki lahaayeen sida ay u shaqayeen dhammaan waaxyaha K&Q ee hay’adahaasi. Aqoon Iswaydaarsigaan ayaa waxaa fududayntiisa qayb ka ahaa Wasaaradda qorshaynta Dawladda Federaalka Soomaliya iyo Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dowladda ee uu Baanka adduunku ka caawiyo Puntland ee CIP. The post Kulan Aqoon Kororsi ah oo Wasaaradda Qorshaynta Puntland uga furmay Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubin ka tirsan amniyaadka Mintidiinta Ururka Al Shabaab ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kadib hawlgal gaar ah oo ciidanka amniga ay ka sameeyeen gudaha magaalada. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa bixiyay macluumaadka lagu soo qabtay ninkan ka tirsan Ururka Al Shabaab ee ciidamada ammaanka dowladda federaalka ay qabteen. Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in hawlgalkan oo dhacay maanta uu ahaa mid lagu sugayay nabad galyada shacabka. Qoraalka NISA ayaa lagu yiri “27-ka Agugust 2018, hawlgal qorshaysan waxaa magaalada Muqdisho ka fuliyay ciidanka ammaanka Dowladda Federalka Soomaaliya, waxaana lagu soo qabtay xubin amniyaadka Al Shabaab ah, hawlgalka cidi wax kuma noqon, tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabad galyada iyo xasiloonida”. Ninkan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana uu ku jiro gacanta dowladda, lana geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista. 27-ka Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan ay fuliyeen ciidanka amaanka dowlada federalka Soomaaliya waxaa lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabab ah. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonida. — NISA (@HSNQ_NISA) August 27, 2018
-
Beledweyn (HOL) - A Somali police officer killed a civilian driver in Beledweyne town of Hiiraan region on Monday, according to witnesses. Source: Hiiraan Online
-
(KMSP) - The United States Department of Homeland Security announced Monday that people with Temporary Protected Status (TPS) under Somalia’s designation who want to maintain their status through the 18-month extension period ending on March 17, 2020 must re-register between Aug. 27 through Oct. 26. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Aug. 27 (Xinhua) -- At least two Somali soldiers were killed in a road blast at Al-Baraka junction in Mogadishu's Hodan district, police said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
President Donald Trump will receive President Uhuru Kenyatta of Kenya in Washington, D.C. today, the second African chief of state to make a bilateral visit since becoming president in 2016. The conversation will reportedly focus on trade and investment—the reason for Kenyatta’s visit to the United States—with specific attention paid to China's increasing involvement in Kenya, and security issues with a focus on Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium). Madaxweyne Farmaajo oo ku dhex wareegay gudaha Garoonka gees ka gees ayaa waxa uu indhihiisa kusoo arkay burburka Garoonka. Madaxweynaha ayaa arkay burbur xoogan oo ka muuqda Garoonka iyo geedo waaweyn oo ka dhexbaxay gudaha iyo banaanka Garoonka oo markiisa hore ahaa mid ka caafimaad qabay waxaasi oo idil. Dhismaha Garoonka qaarkii ayuu indha indheeyay waxaana burburiyay madaafiic lagu garaacay xiligii ay gacan ku hayeen Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in caws uu qariyay qeybo kamid ah Garoonka iyo qololkii ku yiilay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudaha Garoonka kusoo arkay dhismooyin ay ka dhex dhisteen ciidamada AMISOM kuwaa oo ay hoyaad ka dhigan jireen ciidamada, halka sidoo kale laga dhex furay Xafiisyo waaweyn oo ay ku kulmaan Saraakiisha AMISOM. Sidoo kale, banaanka Garoonka ilaa iyo gudaha Garoonka ayaa waxaa qariyay dhufeysyo ay ka dhex dhisteen ciidamada, waxaana xusid mudan in mudada uu Madaxweyne Farmaajo ku sugnaa Garoonka aad loo adkeeyay amniga.
-
Nairobi (PP) ─ Dalladdaha bulshadda rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSA oo kaashaneysa guddiga doorashooyinka Qaranka ee NIEC ayaa waxay ku qabteen Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kulan ku saabsan soo bandhigidda casharaddii laga soo bartay doorashadii 2016/2017 ee Somalia ka dhacay. Kulankan ayaa waxa ka qayb-galay qaar kamid xubno ka kala socda Wasaaradda arrimaha dastuuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Guddiyada Madax bannaan ee Dalka, Xubno ka socda Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha iyo Qaar ka mid ah beesha caalamka gaar ahaan kuwa daneeyo arimaha Dalka. Sidoo kale, Waxaa kulanka si rasmi ah u furay madaxa xafiiska ha’adda Saferworld Mudane Cali Hersi waxa uuna sheegay in Dalladdaha ay ka qabteen Doorashadii 2016/17 ee Dalka Soomaaliya waxyaabo wax ku ool ah, ayna dhalisay dalka in lagu qabtay doorasho xalaal ah oo u horseeday dalka horumar iyo dowlad wanaag. PUNSA iyo SOSCENSA Waxay kusoo bandhigeyn kullanka waxyaabahii ka qabsoomay doorashooyinkii, warbixinno waxqabad iyo horumarkii ay ka sameeyeen dhanka wacgelinda dadweynaha, tababaradda korjoogayaasha doorashooyinka iyo wada shaqeynta guddiyadii doorashooyinka. Dhanka kale, kasoo qeyb galayaasha ayaa waxa ay soo bandhigeyn aragtidooda, weydiimo iyo aragtiyo kala duwan oo ah dhanka doorashadii 2016/17 ee Dalka Soomaaliya iyo doorashadii 2020/21 ee Dalka Soomaaliya. Ugu dambayn, Dalladdaha Bulshadda Rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSA ayaa joogteyn doonna qabashada iyo ka qeyb-qaadashada hannaanka doorashooyinka ee Dalka. PUNTLAND POST The post Kulan looga hadlay doorashooyinkii Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
The Ethiopian security agencies will continue the crackdown against the violence in the country's Somali region, state television ETV announced. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta Xabsi loo taxaabay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo loo heysto tacadiyo. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa Xabsigiisa amar ku bixiyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyadoo ay xabsiga ku hubsadeen ciidamo ka tirsan Booliska, halka xarigiisa uu ka xukmiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Ethiopia. Ciidamada ayaa Cabdi Cumar ka kaxeeyay guriga uu magaalada Addis Ababa kaga sugnaa, kadib markii la amray in loo wareejiyo Xabsi. Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa baahisay in la xiray Cabdi Maxamuud Cumar ka dib Markii shalay ay Xasaanadda ka qaaden xildhibaanada Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida. Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono Cabdi Maxamuud Cumar.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika. “Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.” Saraakiisha Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha qorsheyaasha ay kaga baxayaan garoonkan, iyagoona tilmaamay in ay haatan ka qalab urursadeen, kuna wareejinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey dalalka Afrika ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, iyagoona garab ku siiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, gaar ahaan qaybihii lagu ciyaari jiray kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybihii nasashada ee Garoonka. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Stadium Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika. “Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.” Saraakiisha Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha qorsheyaasha ay kaga baxayaan garoonkan, iyagoona tilmaamay in ay haatan ka qalab urursadeen, kuna wareejinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey dalalka Afrika ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, iyagoona garab ku siiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, gaar ahaan qaybihii lagu ciyaari jiray kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybihii nasashada ee Garoonka.
-
Guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa meel u dhow Hotel Atlas ayay ciidamada federaalka ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka, kaas oo muddo bilk u dhow ku jiray xabsi guri. Dacwadaha loo heysto Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed. Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono. Hase yeeshee Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah. Hase yeeshee wuxuu Cabdi noqonayaa qofkii ugu sareeyay oo lasoo xiro, maxkamadna lasoo taago marka laga hadlayo dadka kala duwan ee guud ahaan Itoobiya lagu eedeynayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Dr Abiy oo shalay sidoo kale ka hadlay xisbiga TPLF ee gobolka Rigrinya ayaa yiri “TPLF oo kaliya ma ahan dadka isbadalka kasoo horjeeda, ee dhammaan xisbiyada ku jira isbahaysiga tallada haya dad ka mid ah ayaa kasoo horjeeda isbadalka, waxna waan ka qaban doonaa” ayuu yiri Abiy oo u muuqda in markii ugu horeysay uu si toos ah uga hadlayo arrimo aanan shaaca usoo bixin wixii hadda ka horeeyay. Cabdi oo kaliya ma ahan dadka caddaalada lala tiigsanayo, ee sidoo kale warbaahinta Itoobiya waxa ay sheegaysaa in sidoo kale ay booliiska soo xirayaan dad kale oo Cabdi ku xirnaa, kana mid ahaa xukuumadiisa. Shalay ayay ahayd markii baarlamaanka dowlad deegaanka uu xasaanaddii ka xayuubiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhawr kale oo shaqsiyaad ah oo loo heysto dambiyo kala duwan. Dad kala duwan oo BBC-da la hadlay muddooyinkii lasoo dhaafay, ayaa sheegay in dhibaatooyin jirdil ah ay kula kulmeen dhulka Soomaalida, gaar ahaan xabsi ku yaala magaalada Jig Jiga. Waxaa sidoo kale warbixin taas la mid ah soo saaray hay’addaha xuquuqda aadanaha oo iyagu ku baaqay in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay xadgudubyada. Hub laga heley gurigiisa? Sida uu soo bandhigay taleefishinka Itoobiya ee ETV, waxaa guriga laga heley hub tiro badan oo ka koobnaa qoryaha AK47, kuwaas oo ka badnaa 5 qori iyo rasaastooda, iyo waliba baastoolado, wuxuuna TVGa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu haystay. Balse lama soo muujin ciidankii qoryahaas haystay, gurigana waxa kaliya kasoo baxay Cabdi Maxamuud Cumar oo kaliya. Arrinta hubka ayaa la sheegay in galka dacwadda ay ka mid tahay, lamase oga sida uu Cabdi ku heley hubka haddiiba muddo bil ah uu xabsi guri ku jiray. Waxaase la fahamsanyahay in Cabdi uu u talinayay ciidamo kumanaan ah oo lagu magacaabo Liyuu Booliis, kuwaas oo weli aan taliyeyaashoodii la arag, lana ogayn xaalkooda meel u ku dambeyn doono. Isha: BBC
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has announced new security protocols and access procedures for the Halane base camp. Among these changes, is the re-assessment of access routes to and from the Halane base camp. Neighbouring communities, specifically those located at the former AMISOM Outpatient Department (OPD) unit will now access the camp only through Medina gate. This action has necessitated the closure of all previously used access points in and out of the OPD and re-direction of traffic solely through Medina gate at all times. This is in line with AMISOM reviewing its security protocols and practice. Additionally AMISOM will begin a comprehensive re-registration exercise of all civilians who have access to the base camp. All civilian staff and contractors will be kept informed of any further changes in the security protocol. Press Release
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdi Maxamuud Cumar(Iley) oo ahaa madaxweynihiin hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xabsiga laga dhigay kadib markii laga kaxeeyay gurigiisa uu maalmahan ku xirnaa. Telefeshinka Itoobiya(ETV) ayaa soo bandhigay Cabdi Iley oo ay kaxeynayaan ciidamada, waxaa kale oo muuqaalka ku jira qoryo. Sida wararku sheegayaan Cabdi Iley ayaa lagu eedeeyay kicin iyo isku dir uu ka dhex waday qowmiyadaha Itoobiya. Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa Cabdi Iley ku eedeeyay in uu lahaa ciidamo gaar ah, isla markaana uu armay falal dil ah, dhac, kufsi iyo barakicin qasab ah. Wararku waxay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar laga xiray gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa. Cabdi Maxamuud Cumar waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sidoo kale uu huriyay dagaal dhexmaray qowmiyadaha qaar. Warbaahinta dowladda Itoobiya ee ETV waxay ku warrantay in booliska ay xabsiga u taxaabayaan saraakiil kale oo xiriir la lahaaCabdi Maxamuud Cumar. Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay Cabdi Maxamuud Cumar ay xasaanadda kala noqdeen. Sidoo kale dadka xasaanadda lagala noqday waxaa kamid ah: Cabdijamal Qolombi : Xeer ilaaliyihii dowlad deegaanka Raxma Maxamed : Wasiirkii haweenka iyo carruurta Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii Jig Jiga
-
Cabdi Maxamuud Cumar oo ciidamo xiraya hareeraha ka socdaan, xili loo waday xabsiga Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xabsi loo taxaabay, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA. Ciidamo ka tirsan Federaalka Itoobiya ayaa guri ku yaala meel u dhow Hotel Atlas ee maagalada Addis Ababa ka ka xeystay Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo bil ah uu xabsi guri ku ahaa . Xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Cabdi Maxamuud Cumar loo heysto eedo la xiriira ku tagrifal awoodeed, isir iyo diin takoor iyo kicin qalalaase, waxayna intaas ku dartay in Booliska ay ku daba joogaan xubno maamulkiisii ka tirsan oo ku lugta lahaa eedaha loo heysto. Sidoo kale Telefishinka ETV ee dalka Itoobiya ayaa baahiyay in Cabdi Maxamuud Cumar gurigiisa laga helay hub, ay kamid ahaayeen Shan qori oo nooca Ak47 ah iyo Afar baaskooladood. Dhanka kale Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamad Cumar ayaa ka hadlay xariga maanta loo geystay Cabdi Maxamuud Cumar. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayauu ku sheegay inuu ka xun yahay in Madaxweyne la xiro, balse uu mudan yahay sidaas, maadaama dhibaatooyin xoogan uu geystay. Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar tilaabo laga qaadi doono isaga iyo maamulkii la shaqeynayay. Sidoo kale shalay Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xasaanadii ka xayuubiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhawr qof oo kale oo dambiyo loo heysto. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa noqoqnaya masuulkiii ugu sareeyay Itoobiya oo maxkamad la soo taago, lama oga waxa uu ka mudan doono. PUNTLAND POST The post Cabdi Maxamuud Cumar oo xabsi loo taxaabay appeared first on Puntland Post.
