Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,753
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Araare  (Caasimadda Online) – Howlgallo ay Ciidamada xoogga dalka ka sameyeen deegaanno hoostaga Gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in lagu khaarijiyay 4 horjooge iyo 7 maleyshiyaad oo ka tirsan Al-shabaab.

    Deegaanada laga fuliyay howlgalka ayaa la sheegay in ay ahayeen Muuse xaaji iyo deegaanka Araare oo Al-shabaab ay ku lahayeen saldhigyo kooban.

    Abaandullaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Buule oo la hadlay Idaacada ciidamada ayaa sheegay in howlgaladan ay ciidamadu xoogga dalka ka fuliyeen degaanada Araare iyo Muuse Xaaji lagu dilay Afar Horjooge iyo 7 maleyshiyaad ah.

    G/sare Maxamed Buule ayaa intaa Ku daray in gacanta lagu dhigay labo ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay isticmaalayeen Nabadiidka Al-shabaab , iyagoo burburiyay Saldhigyadii halkaas ay kulahaayeen Argagixisada.

    Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in howlgalkan ay ka qeyb qaateen Ciidamo Mareykan ah oo taageero ka helaya diyaaradaha qumaatiga u kaca.

    Dhinaca kale howl galkii Ciidamada kumaandooska Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ka sameeyeen deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan.

    Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta afka Ciidamada ku hadasha u sheegay in howl galka ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

    Ciidamada dowladda iyo kuwa Caddaan ah ayaa maalmihii dambe joogta ka dhigay weeraro ka dhan Al-shabaab oo lagu qaadayo saldhigyo iyo xarumo ay kooxdaan leeyihiin.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  2. Doorasho ka dhacday xalay Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku guuleeystay muwaadiniin Soomaaliyeed.

    Ilhaan Cumar ayaa ku soo baxday is reeb reebka Xisbiga golaha Congress-ka ama Aqalka Dalka Mareykanka, halka Hodan Xasan iyana ay  ku guuleysatay golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo Maxamuud Nuur oo isna ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan Cumar.

    Ilhaan Cumar ayaa doorashada waxa ay ka heshay codad gaaraya 59,322 oo ka dhigan 48.1%, sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada.

    Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay guushaan ay gaartay iyada oo boqolaal Soomaaliya la hadashay ayey sheegtay in guusheeda ay sabab u yihiin Soomaalida Mareykanka.

    Ilhaan Cumar ayaa Doorashada ugu dambeeysay ee Senator-nimada ah waxa ay gali doontaa 6-Bisha November ee sanadkaan waxaana ay la tartami doontaa cidii ka soo baxda Xisbiga Republican-ka dalka Mareykanka.

    Xasan Maxamed Samatar Cowke

    Puntland Post

    The post Ilhaan Cumar, Hodan Maxamed iyo Maxamuud Nuur oo Ku Guuleeystay Doorasho ka dhacday Mareykanka appeared first on Puntland Post.


  3. Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa inay burburiso dhismooyin badan oo ay leeyihiin Soomaalida Kenya kuwaa oo lagu tilmaamay sharci darro.

    Dhismooyinkaan oo guryo waaweyn ay ku jiraan ayaa intooda badan ku yaalla magaalada caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya.

    Burburinta guryaha Soomaalida ee laga soo saaray go’aanka ayaa sidoo kale ku yaalla Degmada Strarehe oo daris la ah degmada kamakunji oo Somalida ay degantahay.

    Milkiilayaasha Soomaalida ee leh guryahaasi ayaa waxaa soo food saaray walaac aad u balaaran oo ku aadan burburinta guryaha oo ay dowlada kenya ka bilowday caasimada dalkaasi.

    Dowlada Kenya ayaa dhismayaashan ku calaamadeysay istalaabka waxaana ay sheegen in uu shaki ku jiro dhismayaashaas sharci ahaan shahooda.

    Xaafada burhan State oo iyada qeyb ka ah degmada Starehe ayaa milkiilayaasha leh guryahay waxay sheegeen in ay qaarkood ka cabsi qabaan in la burburiyo.

    Soomaalida ku nool Xaafada burhan State ayaa isla dhexmarayan maalmihii la soo dhaafay in dhammaan guryahooda la burburin doono.

    Sidoo kale, dowlada Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay waday burburinta dhismayaasha sharci darada oo ay leeyihiin qaarkood xubno ka tirsan dowlada kenya.

    Si kastaba ha ahaatee, dhulalkaan la burburinayo ayaa markii hore la sheegay in dhisashadooda loo maray hab aan waafaqsaneyn sharciga lahaan shiyaha dhulka ee Kenya.

    Caasimada Online
    Xafiiska Nairobi
    Caasimada@live.com


  4. Boosaaso (Caasimadda Online) – Kooxda Daacish garabka Soomaaliya ayaa lacago kusoo rogtay ganacsatada Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta ganacsiga Maamulka Puntland.

    Kooxda Daacish ayaa ganacsatada Magaalada ku amartay inay bixiyaan lacago haddii kale laga qaadi doono tallaabo adag.

    Kooxdaan ayaa ganacstada ugu hanjabtay in la dili doono ciddii aan lacagtaas bixin ama ka hor timaado amarkaan iyo in sidoo kale la cuuryaamin doono ganacsigooda.

    Kooxdaan oo ku dhuumaaleysta saldhigyo ku yaal Barriga Puntland ayaa waxay bilaabeen bilihii ugu dambeeyey qorshe xowli ku socda oo ay dhaqaale kaga urur-sanayaan ganacsatada iyo guud ahaan shirkadaha dagan magaalada Boosaso.

    ” Waxaa jirta baqdin aad u badan oo lasoo gudboonaatey ganacsatada iyo shirkadaha kuwaas oo la waydiinayo lacag xad-dhaaf ah,” sidaas waxaa Saxaafadda gudaha Puntlnad u sheegay ganacsade diiday in la magaciisa la.

    Sidoo kale Kooxda Al-Shabaab oo muddo ku sugan deegaanada Puntland ayaa iyadana lacago ka qaadato ganacsatada balse hadda waxaa olole xooggan wado kooxda Daacish oo aan maamul ahaan hoos tagin Al-Shabaab.

    “ Al shabaab iyadu muddo ayey ka qaadaanayeen lacago ganacsata Boosaaso, uma baahna hadda iney Dad ku laayaan balse qolada ololaha cusub la soo baxdey waa Daacish, “ sidaas waxaa sheegey qof ku sugan magalada Boosaaso oo diidey magaciisa.

    7 August,2018 ayaa Boosaaso waxaa lagu diley Maaareeye ku xigeenkii shirkada Isgaarsiinta Golis Cabdulahi Cali Cumar kadib markii dabley hubeysan rasaas la begsadeen isaga oo kasoo baxaya Masjid Salaada Cisho uu ku tukanayey.

    Dilkaan ayaa la aaminsan yahay inay fuliyeen ururka Daacish wuxuuna salka ku hayaa arrin la xiriirta lacagaha lagu soo rogay ganacsatada.

    Arrinta muujineyso inay dilkaan ka dambeyso Daacish ayaa ah:

    • Birta anteenada taleefanada Shirkadda Golis ay ku leedahay degmada Qandala ayaa waxaa damiyey Kooxda maalmihii la soo dhaafey
    • Kooxda Al-Shabaab oo sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dilka loo geystay ganacsadahaas.

    Sida ilo xogogaal ah oo ka tirsan saraakiisha amniga Puntland sheegeen kooxda Daacish ayaa bil walba magaalada Boosaaso ka hesha dhaqaale gaaraya 72000 dollar.

    Caasimada Online
    Xafiiska Boosaaso
    Caasimada@live.com


  5. Minnesota (Caasimadda Online) – Ilhan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa u muuqata in ay noqon doonto gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka Mareykanka kaddib markii ay ku guuleysatay doorashada horudhaca ahayd ee xisbiga Dimuqraadiga  ee kursiga shanaad ee Minnesota talaadadii.

    Ilhaan Cumar oo ay da’deedu tahay 36 ayaa ah Soomaali Mareykanka ku soo gashay qaqaxootinimo iyada oo da’yar, waxa ay ka adkaatay lix musharax si ay u buuxiso booska uu hadda ugu jiro xisbiga Jamhuuriga Keith Ellison.

    Ellison waxa uu go’aansaday in uu u tartamo xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota halkii uu ku soo laaban lahaa Congress-ka; waxa uu la kulmay eedeemo la xiriira tacadiyo maxali ah maalmihii ugu dambeeyey ee ol’olihiisa.

    Ilhaan Cumar waxa ay u muuqataa in ay hadda iyada cid aan ahayn ku soo bixi doonin kursigaas bisha November doorashada dhici doonta.

    Waxa ay ku biiri doontaa Rashida Tlaib oo noqotay gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka.

    1534307691.tRavC6acZ23wrQ0O.jpeg

    Tlaib waxa ay doorashooyinka horudhaca ah ku guuleysatay toddobaadkii hore si ay u bedesho Jogn Conyers oo Jamhuuri ah kaas oo fadeexado lagu helay kaddibna is casilay.

    Congress-ka waxa ay hadda leeyihiin laba xildhibaan oo Muslim ah – labada oo uu ka mid yahay Ellison waa rag.

    Ilhaan Cumar waa gabadhii ugu horreeysay oo Soomaali American ah oo loo doorto kursiga xildhibaannimo ee gobolla Minnesota ama kursi dhan oo loo tartamo oo Mareykan ah.

    Dhanka kale, Maxamuud Nuur, oo isna ah Muwaadin Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay Kursigii Ilhan Cumar baneysay ee [60B district], ee Gollaha Sharci-dejinta gobolka Minnesota.

    Sidoo kale, Hodan Xasan, oo ah Gabar Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay kursiga [62A district] ee Gollaha Sharci dejinta Minneapolis, waxaana saddexda qof ay noqdeen kuwa guushooda aad u farxad gelisay jaaliyadda Soomaaliyeed.

    Caasimada Online
    Xafiiska Minnesota
    Caasimada@live.com


  6. Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu cunaqabatayn kusoo rogi doono badeecooyinka elektronica ah ee Maraykanka.

    “Haddii ay heystaan iPhone, waxaa dhanka kale yaala Sansung” ayuu yiri Erdigan oo ka hadlaya shirkadda Apple ee Maraykanka iyo tan tartanka uu kala dhaxeeyo ee Kuuriyada Koonfureed.

    Erdogan ayaa waxa uu sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkaynayaan dhaqaalaha dalkaas, isaga oo intaas ku daray in aysan u jabi doonin wax uu ku tilmaamay ‘hagardaamooyinka cadawga’.

    Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa cunaqabatayntii Maraykanka uu kusoo rogey Turkiga ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Waxa kale oo uu Maraykanka ku eedeeyay in ay adduunyada ka waddaan tartan ganacsi oo aan xaq iyo xalaal ahayn.

    Tallaabadan uu Erdigan qaaday ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii lacagta Liiraha ee dalkaas ay hoos u dhacday boqolkiiba 34%, waxaana ka dhashay in qiimaha badeecooyinka oo dhan ay sare u kacaan.

    Bangiga dhexe ee Turkiga ayaa ballanqaaday in uu kaabayo lacagta Liiraha,Wasiirka Maaliyada Turkiga oo ah wiil  uu soddog  u yahay Erdogan ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ee soo socota inuu u xaqiijiyo illaa boqol maalgeliyaal caalami ah in dowladu ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii qiimaha Liiraha  uusan hoos ugu dhici  lahayn.

    Caasimada Online
    Xafiiska Ankara
    Caasimada@live.com


  7. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay Muqdisho Casharaf ugu sameeyay Wafdigii Dowlada Eritrea.

    Casho sharaftaan ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho waxaana loogu sameeyay wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Dibada Eritrea Cismaan.

    Xafdladaasi waxaa ka soo qeeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed, Wasiiro Gudoomiyaal iyo xubno kale.

    Gudoomiye Yariisoow oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muqdisho ay caan ku tahay soo dhoweeynta Madaxda ka socoto Wadamada Caalamka.

    “Magaalada Muqdisho waxa ay astaan u tahay dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaiyeed. Dhammaanteen waxaan xasuusannahay sida ay ugu soo hiran jireen Madaxda Afrika iyo guud ahaan caalamka, maantana waxaa muuqata ifafaallo ku saabsan in maqaamkaasi uu u soo laabanayo caasimadda.” Ayuu Yiri Eng Yariisoow

    Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Maxamed Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen .

    5.jpg?resize=1000%2C6671-3.jpg?resize=1000%2C561 4.jpg?resize=1000%2C561 3-2.jpg?resize=1000%2C561 2-4.jpg?resize=1000%2C667

    Xasan Maxamed Samatar Cowke

    Puntland Post Muqdisho

     

    The post Duqa Muqdisho oo Casho sharaf u sameeyay Wafdigii Eritrea appeared first on Puntland Post.


  8. During Hassan Sheikh Mahmoud administration Somalia ranked among the world’s most corrupt countries. Hassan sheikh M started with the corrupt process of bribing Somali MPs during the federal election by cash handout. The former Governor of the Central Bank of Somalia Ms. Yusra Abrar also resigned from her position after less than two months on the job citing that the Central Bank of Somalia was not allowed to function free of interference from the President’s office. Likewise, a U. N. report on Somalia released in July 2014, stated that eighty per cent (80%) of the withdrawals from the country’s Central Bank was used for private purposes. Prolonged absence on foreign visits and the waste of resources on airfares and hotels. While civil servants and members of the Somalia armed forces in the four years of his presidency were paid less than two years’ worth.

    Insecurity was also a major issue; the instability at time greatly restricts business. Corrupt government officials tolerated illegal activities in return for bribes. Dysfunctional institutions facilitate an environment of lawlessness, and the absence of any form of regulatory framework hinders prospects of economic competitiveness. Business is based on patronage networks, and tight monopolies dominate the market. Somalia’s Provisional Constitution criminalizes several forms of corruption (including abuse of office, embezzlement and bribery); however, implementation these were not on Hassan Sheikh agenda they were is non-existent. The governing elite is continuously being involved in allegations of embezzlement of public funds from the already meagre Somalian coffers. Finally, it reached a point that bribery was commonplace in all sectors, and procurement contracts frequently involve corruption and close family and friends of Hassan Sheikh.

    Hassan Sheikh Administration were incapable of protecting property rights. The construction boom the country is currently witnessing has further fuelled conflict as title deeds are either unavailable or forged). Forced evictions by both private and public actors, coupled with the absence of land deeds and corruption was common during Hassan Sheikhs Presidency. Land owned by the government were given to private individuals and some was sold another major problem for the government of Hassan Sheikh Mahmoud. And get up to 30,000 plots were sold illegally by his Administration. Since 2012, public land has been privatised without any transparency. This includes lands owned by ministries, local government, the custodial corps, government hotels, and schools. Some notable places are Hotel SYL, Hotel Uruba Hotel.

    Businesses were likely to face extensive corruption in the customs sector. Bribery was common when clearing goods through the Mogadishu port. Generally, the diversion of revenue from ports is very common; for instance, revenue from the Mogadishu port totalled more than USD 5.5 million per month during 2013 (to put this in perspective, the Somali central bank in 2014 received an average of USD 4.6 million per month)

    Public procurement in Somalia holds high corruption risks for business. The majority of public tenders are treated as confidential. “Secret contracting,” where officials or family members close to the Hassan Sheikh would get the deals in complete absence of transparency and oversight, it was a common practice

    By: Abdullahi Mohamed Hurie
    Abdullahi.hurie12@gmail.com


  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo 8-dii Febraayo waxa uu la kulmay mucaaradad aad u culus oo uga timid dhinac badan oo kala dano ah.

    Hase ahaatee, waxaa ugu xoogan mucaaradnimada uu ilaa iyo hadda la soo taaga yahay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa murashixiintii uu madaxweyne Farmaajo kaga adkaaday doorashadii 2017.

    Mucaaradnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa gaartay heer uu khal khal amni galiyo magaalada Muqdisho taas oo keentay in dowladdu weerarto hawgii uu daganaa kaddina soo xirto.

    Hadda oo uu socdaallo uu ku sheegay booqashooyinka jaaliyadaha dibedda waxa uu inta badan duraa dowladda isaga oo waliba si gaar ah u bartilmaameedsada Farmaajo oo aan ka hadal xukumadda ama waaxaha kale ee dowladda.

    Hadaba, halkee ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur kala qaaday Madaxweyne Farmaajo?

    Su’aashan kore ah mid si weyn uga dhex guuxda maskaxda dadka daneena siyaasadda Soomaaliya iyo waliba shacabka guud ahaan balse xog hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa uga jawaabi doonnaa.

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga saaray liiska golaha wasiirada kaddib markii uu ku soo daray R/W Kheyre

    Kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ra’iisul Wasaare u doortay Xassan Cali Kheyre 23-kii Febaaro 2017, Kheyre waxa uu bilaabay qorshihii uu ku sii dhisi lahaa golihiisa wasiirada.

    R/W Kheyre markii ugu horreeysay ee uu isku aadiyo xubnihiisa golaha wasiirada (His first Draft) waxaa ka soo muuqday Cabdiramaan Cabdishakuur oo uu ka dhigay wasiirka arrimaha gudaha.

    R/W Kheyre waxa uu ku wargaliyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur in uu u magacaabay wasaaraddaas taas oo uu soo dhaweeyey balse waxa uu u sheegay in magacaabistaas Farmaajo ka aqbali doonin.

    Hase ahaatee, waxaa dhacday arintii uu ka baqayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaana laga reebay liiskii dambe ee rasmiga ahaa iyada oo laga doortay Yusuf Garaad Cumar oo noqday wasiirka arrimaha dibadda.

    Xogtan hoose  waxa ay Caasimadda ka heshay shaqsi ka tirsanaa dhallinyarada baraha bulshada kala shaqeeya siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aynaan sababo jira awgeed u xusi karin magaciisa.

    Wixii intaa ka dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu galka kala baxay seeftiisa isaga oo u soo ban baxay mucaaradda madaxweyne Farmaajo oo kaliya.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Egreyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alexander Rondos ayaa bogaadiyey tallaabooyinka Dowladda Soomaaliya ay u qaadday dhanka dib u soo kabashada iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

    Rondos ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u jehaystaan dhanka horumarka, gacanna ay ka geystaan sidii ay dadkooda mustaqbal wanaagsan ugu abuuri lahaayee.

    “Soomaaliya waa ay socotaa, tallaabooyinkanna waa caddeymo ka dhan ah kuwa shakiga gelinaya horumarka Soomaaliya.  Waxaan idiin rajaynayaa horumar loo dhan yahay iyo mustaqbal ifaya.”

    Hadalka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan waddamada Geeska Afrika ayaa daba socda hadallo iyo dhambaallo beesha caalamku ay ku bogaadisay horumarka ka socda Soomaaliya, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, iyadoona ay sii kobceyso kalsoonida Beesha Caalamku ay ku qabto Dowladda Soomaaliya.

    Horey waxaa u soo saaray dhambaallo bogaadin iyo kalsooni xambaarsan, Hay’adda Lacagta iyo Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka maraykanka iyo Qaramada Midoobey.

    rondos.jpg

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  11. Baraawe (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa bilooyinkii dambe bilaabay inay qorshooyin cusub u keenaan halkii laga keeni lahaa lacagaha ay siiyaan Maleeshiyada u dagaalanto.

    Al-Shabaab ayaa lasoo sheegayaa inay hadda lacago Kumanaan kun oo Dollar ku amreen inay bixiyaan qaar ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed.

    Deegaanka Marya Gubaay iyo Shan Tuulo oo hoos tagto ayaa lagu amray Beelaha dagan inay bixiyaan lacago kumanaan Dollar ah oo mushaar ahaan loo siin doono Ciidamada Al-Shabaab.

    Beelaha halkaas dago ayaa lagu amray inay beel kasta bixiso lacag gaareyso 30 kun oo Dollar si loo caawiyo weerarada iyo dagaalka ay ku jiraan Ururka Al-Shabaab kuwaas oo lagu laayo shacabka Soomaaliyeed.

    Kulan xasaasi ah oo Al-Shabaab iyo odayaal kasoo jeedo beelahaas ku dhex maray Deegaan u dhow Degmada Baraawe ayaa looga wada hadlay qaabkii lacagahaas loo bixin lahaa iyo waxa lagu qaban doono.

    Al-Shabaab ayaa odayaashaas ugu hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto haddii ay Beelahooda ka keeni waayaan lacagaha la dul dhigay oo ah Isbaaro dadban.

    Saraakiisha Al-Shabaab ee kulankaas ka jeediyey khudbadaha ayaa tilmaamay in lacagahaas mushaar ahaan loogu siin doono ciidamo cusub oo ay Al-Shabaab usoo tababartay sidii ay ula dagaalami lahaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

    Ururka Al-Shabaab ayaa awood weyn ku leh Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana weli maamulka Koonfur Galbeed u suurta geli la’ inuu ku shaqeeyo Baraawe oo Caasimad u ah maadaama ay tahay meel go’doonsan oo ay Al-Shabaab kor ka ilaashadaan.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Sharif Xasan Sheekh Aadan, oo magaalada Baydhabo ka bilaabay lole uu ka kasbanayo odayaasha beelaha kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, ayaa waxaa arrintaasi gacan weyn ku siiyay xildhibaano ka mid ah baarlamaanka federaalka oo magaalada Muqdisho ka qaatay diyaarad gaar ah oo uu usoo diray Shariif Xasan.

    Sharif Xasan iyo odayaasha dhaqanka ayaa aad u kala fogaa mudooyinkii u danbeeyay oo ay ku dhaliilayeen maamulkiisa mid fadhiid ah loona baahan yahay isbadal cusub, iskana hor wareejiyaan Shariifka, waxayna arrintaani muujineysaa u dikar garowga Sharif Xasan ee doorashada madaxweyne ee Koonfur Galbeed.

    Warku wuxuu intaa ku darayaa in Sharif Xasan lacago u qeybshay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka mid ka mid ah beelaha Digil & Mirifle si loogu soo xero galigyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed maadama uu markale yahay musharax u taagan qabashada xilkaasi.

    Odayaasha lacagaha loo qeybshay ayaa loo adeegsaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaasi oo laga wacay magaalada Muqdisho si ay u kala fur furan Odayaashasi oo qaarkood diiday in ay la kulmaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay dhaliilsan yahiin qaabka maamulka Koonfur Galbeed ku hoggaaminayo iyaga oo Warbaahinta horey ugu sheegay in loo baahan yahay isbadal Hoggaanka Maamulka ah madaama Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed dhawaan la filaayo in any ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

    Xildhibaanada Magaalada Baydhabo tagay si ay u kala fur furan Odayaasha dhaqanka,  Koonfur Galbeed uguna soo xera galiyaan Sharif Xasan, waxaa kami ah Xildhibaan Aadan Ibrahim Dhaayow,  Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarrow,  Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow, Xildhibaan Isaaq Cali Subag iyo xildhibaano kale oo aad u taageersan Shariif Xasan.

    Waxaa xoogeysanayay isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Sharif Xasan kaasoo ololahooda laga dareemayo magaalooyinkna Muqdisho, Nairobi iyo Baydhabo, iyadoo doorashada madaxweyne ee Koonfur Galbeed la filaayo in ay qabsoonto bisha 11-aad ee sanadkaan.

    Caasimada Online
    Xafiiska Baydhabo
    Caasimada@live.com