Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Jig-Jiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaali Galbeed Muftafe Cumar Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uga hadlay waxa uu ka aaminsan yahay halgankii dhulkaas Soomaaliyeed loo galay.

    Soomaali Galbeed oo ah dhul uu guumeystihii Ingiriiska u gacan galiyey Itoobiya ayey Soomaalida u gashay dagaal badan oo ay isaga rideysay heeriyada guumeystaha madaw.

    Dhinaca kale dowladihii Soomaaliya ka hanaqaaday guumeysigii kaddib ayaa iyana dadaal ku bixiyey sidii ay ku xorreyn lahaayeen dhulka Soomaaliyeed ee ku jira gacanta guumeystaha

    Waxaa xusid mudan dagaalkii 1977 ee ay Soomaaliya ku qabsatay gebi’ahaanba dhulka Soomaali Galbeed kahor inta aan xoog looga soo saarin kaddib markii wadmo badan oo uu Ruushka hoggaaminayo dagaalka soo galeen.

    Markii ay dowladdii Soomaaliya bur burtay, waxaa halkiisii ka sii socday dadaalka ay Soomaalida ugu jirtay xorreyta dhulkaas, waxaana waday xoogag hubeysan sida ONLF oo halganka ilaa iyo hadda wadda.

    Hadaba, isaga oo ka hadlaya halganaddii la soo galay iyo wali gaar ahaan dagaalkii 1977, madaxweyne Musrafe waxa uu yiri-

    “Dhamaan halgamadii Soomaali galbeed waxay ahaayeen guumaysi-diid xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena.”

    Muftafe Cumar, madaxweynaha Soomaali Galbeed waxa uu u bedelay Cabdi Maxamuud Cumar oo 10-kii sano ee u dambeeysay hoggaaminayey deegaankaas.

    Madaxweyne Mustafe waxa uu wax ka badal ku sameeyey dastuurka isaga oo soo celiyey calankii hore ee deegaanka kaas oo ay ka muuqato astaanta shanta Soomaaliyeed ee ah XIDDIGTA soo koobeysa.

    1. Dhamaan halgamadii soomaali galbeed waxay ahaayeen guumaysi-diid xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena.

    — Mustafa Omer (@Cagjaromer) September 16, 2018

    2. Shuhadadii ku dhimatay halganka & difaaca dalkooda & dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah. Iyagu way ka soo baxeen waajibaadkii ku aadanaa xilliyadii ay noolaayeen. Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood.

    — Mustafa Omer (@Cagjaromer) September 16, 2018


  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Si Soomaaliya looga  xaqiijiyo dhanka xasiloonnida waa in la maal-geliyo helitaanka Teknoolojiyad casri ah,  si aanu u dhicin marnaan xagga amniga ah, sidaasi waxaa sheegay Simon Mulongo oo ah ku-xigeenka u qeybsanaha guddoomiyaha midowga Afrika.

    Arrintan waxaa uu ka sheegay xilli uu ka hadlay siminaar labo maalin ahaa oo looga hadlayey sida Teknoolojiyadda ay qeyb uga qaadan karto sugidda amniga.

    “AMISOM waxaa ay shaqeysaa xilliyo dhib badan, waxaa ayna ku shaqeysaa bey’ad aad u horumarsan” sidaasi waxaa yiri Mulongo, isaga oo intaasi raaciyey in loo baahanyahay waddooyin lagu helo afkaar cusub, oo horumarsan.

    Simon Mulongo waxaa uu carabta ku adkeeyey inay muhiim tahay in la helo qaab lagu sugi karo ammaanka ciidamada AMISOM xilliyada ay ka baxayaan xeryada iyo goobaha ay deggan yihiin.

    Simon waxaa uu sidoo kale qabaa in Teknoolojiyadda ay muhiim u tahay ladagaalanka argigixiso, gaar ahaan xilliga kala-guurka.

    Ciidamada AMISOM ayaa la doonayaa inay amniga si tartiib ah ugu wareejiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay horay u saareen 1,000 askari.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  3. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhulka buuraaleyda Galgala ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in qeybo kamid ah buuraha ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

    Maleeshiyaadka ayaa lasoo sheegayaa in dhaqdhaqaaqooda uu yahay mid ay ku sal balaarsanayaan, waxaana soo baxaaya warar sheegaya inay kasoo siqeeb dhufeysyadii ay horay ugu sugnaayen.

    Dhufeysyo hor leh ayaa la xaqiijiyay inay ka sameysteen buuraha, iyadoo xiliyada habbeenkii rasaas ku fura ciidamada maamulka ee ku sugan jiida dagaalka.

    Dhufeysyada qaar ayaa la sheegay inay ka dhisteen qeybaha sare ee buuraha, halka qaarna ay ka dhisteen goobo aan sidaa uga sii fogeyn halka ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Puntland.

    Dhaqdhaqaaqyada Daacishta Somalia ayaa kusoo beegmaya xili maamulka Puntland uu isku diyaarinayo doorasho Madaxweyne waxaana aad looga cabsi qabaa in qalqal amni ay geystaan maleeshiyaadka.

    Geesta kale, maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Daacishta Somalia oo ay ku qaadan fariisimaha ay ku leeyihiin buuraha, kahor inta aanu dhicin doorashada.

    Caasimada Online
    Xafiiska Garoowe
    Caasimada@live.com


  4. Afgooye (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysay digniin adag u kala diray Musharaxiinta u tartameysa xilka Hogaamiyenimo ee maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

    Ku-simaha Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka beeraha maamulka KG Maxamed Xasan Fiqi, ayaa sheegay in maamulka uu ka digayo in musharaxiinta ay awood iyo qalqal siyaasadeed ka dhex geystan gudaha magaalad.

    Ku-simaha waxa uu tilmaamay inay qaadi doonaan talaabo waliba oo ay ku xakameyn doonaan musharaxiinta waa haddii ay isku dayaan in qalqal amni ay ka dhexsameeyan gudaha magaalada.

    Wax uu sheegay in musharaxiinta ay xor u yihiin inay kasoo dagan Garoonka Shaati Gaduud, isla markaana ay ka dhoofi karan, balse aan laga aqbali doonin inay qalqal amni ka sameeyan deegaanada maamulka.

    Waxa uu intaa ku daray in musharaxiinta ay siinayan xoriyad ilaa iyo xad ku filan, isagoo sheegay inay awood u yeelan doonaan in gudaha magaalada ay ku qabsadaan shir iyo ololo balse aysan ka aqbali doonin in amniga la qalqal galiyo, sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale, ku-simaha ayaa musharaxiinta uga digay in ciidamadooda ay dhibaateeyan dadka shacabka, isla markaana laga doonayo inay qeybtooda ka ilaaliyan amniga maadaama lagu guda jiro xili doorasho.

    Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Baydhabo gaaray tiro musharaxiin ah kuwaa oo durba bilaabay ololahooda.

    Caasimada Online
    Xafiiska Afgooye
    Caasimada@live.com


  5. Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia iyo Jabahadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa kulan ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo ay ku yeesheen wada-hadallo qodob muhiim ah ay isku afgarteen, sida ay sheegeen mas’uuliyiin sare.

    Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar, oo waftiga dowladda Ethiopia matalayey ayaa sheegay inuu kulan magaalada Asmara kula qaatay hoggaamiyeyaasha ururka ONLF.

    Dhinaca ONLF waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha ururka Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo mas’uuliyiinta kale ee ururkaasi, iyadoo heshiiska labada dhinac ay gaareen xuu yahay qaabka wada-hadalka rasmiga ah uu u dhacayo, iyo in madaxda ONLF ay dib ug noqdaan dalkooda.

    Mustafa Cumar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxada ONLF ay ka wada haldeen taarikhda halgankii dheera iyo ku guriyo noqoshada.

    Maanta waxaan booqasho rasmi ah ku tagney Magaalada Asmara ee Dalka Eriteria, Waxaanu kula kulanay Madaxda ugu sare ee Ururkana JWXO ONLF, waxaan ka Wada hadalney Taariikhda Halgankii dheeraa & ku guriyo noqoshada Dalka gaar ahaan Deegaanka Soomaali Galbeed.

    Alle ayaa Mahad leh pic.twitter.com/c5laQXYAez

    — Mustafa Omer (@Cagjaromer) September 18, 2018

    Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dowladda Itoobiya ay cafis u fidisay uraradii mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeday isla markaasna waxay ka saartay liiska argagixisada.

    Dowladda Itoobiya waxay wafddi isku dhaf ah u dirtay magaalada Asmara si ay ururada wadahadalo nabadeed ula yeeshaan, waxaana kamid ah ururka ONLF oo muddo dagaal kula jiray dowladda Itoobiya.

    DnZLIw1WsAAa4SV-1.jpgDnZoUvNXcAE_R1W.jpgDnZOcRfW4AAydlf.jpgDnZoUvHXoAAFhFp.jpgDnZOc6HXcAE3XsO.jpg

     


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa dhaliilo kala duwan ka muujinaya amni darada ka jirta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

    Xildhibaanada ayaa dowlada Somalia ku eedeeyay inay ka gaabineyso amni kusoo dabaalida magaalada Muqdisho, sida ay hadalka u dhigeen.

    Wasiiru dowlihii hore ee Maaliyadda Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa kamid ahaa mudanayaasha dhaliilaha amni usoo jeediyay dowlada Somalia, waxa uuna tilmaamay in lagu fashilmay amniga.

    Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in amnidarada dalka ka jirta ay sabab u tahay hubka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka helan dowladda.

    Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waanu la socnaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa saanad Millateri u gudbiya Al-Shabaab,amnigana mahagaagaayo,dowladdan markii ay timid waxaa naga geeriyooday in ka badan 400,000”

    Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu tilmaamay inay garanayaan shaqsiyaadka sida gaarka ah Hubka dowlada ula wadaaga Al-Shabaab, hase yeeshee waxa uu ku celcelshay in amniga Somalia, gaar ahaan kan Muqdisho uu kasii liidan doono inta uu hadda yahay, sida uu hadalka u dhigay.

    Dowlada Somalia ayuu sheegay inay ka doonayaan in banaanka ay soo dhigaan shaqsiyaadka Hubka Qaranka la wadaaga Al-Shabaab, isagoo cod dheer ku sheegay inaysan ka ganban doonin xaqiiqda.

    Sidoo kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dowlada ay kula xisaabtami doonaan askari waliba oo sababsada daryeel la’aan iyo saanad xumi kasoo foodsaarta dhanka dowlada, isagoo ka digay in la dhaliilsado qeyla dhaanta Xildhibaanada.

    Haddalka Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa u muuqanaya mid ay xildhibaanada uga faa’iideysanayaan makaroofanka maadaama kuwa hadlay ay u badan yihiin mucaradka.

    Caasimada Online

    Xafiiska Muqdisho

    Caasimada@live.com


  7. Qoraal ka soo baxay koox musharrixiin ah oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ee sannadka 2019 ayaa looga hadlay,magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ka yimaada,xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland.

    Kooxdan musharrixiinta ah oo ku bahoobay magaca Puntland Focus Group,ayaa qoraalkooda ku xusay talooyin ku saabsan,magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,waxaana ay soo jeediyeen in wada-tashi ballaaran laga yeesho xubnaha noqonaya guddigaasi.

    Musharrixiinta la baxay Puntland Focus Group,waxay ku wargeliyeen dhammaan qeybaha ay khusayso,in xubnaha loo magacaabayo guddiga xallinta khilaafaadka ay ku yimaadaan,hab ku salaysan caddaalad iyo sinnaan ah,islamarkaana ka madax-bannaan yihiin siyaasad iyo daneysi-kooxeed,si loo helo kalsooni ku wajahan xulista xildhibaannada cusub ee Puntland.

    Sidoo kale kooxda aya soo jeedisay, in xubnaha guddigaasi ay noqdaan dad bulshada magac iyo sharaf ku dhex leh,oo lagu qanci karo go’aannadooda ku aaddan,kala saarista shakhsiyaadka ku loollamaya,helista kuraasta xildhibaannimo ee Baarlamanka cusub.

    Hadalka kooxdan ayaa ku soo beegmay,xilli aan weli la magacaabin guddiga xallinta khilaafaadka ee xulista xildhibaannada cusub ee Puntland. Guddigaas oo shaqadoodu tahay,soo saarista shakhsiga saxda ah ee mudan kuraasta lagu murmo.

    Musharrixiinta qoraalkan soo saaray oo gaaraya ilaa 11 musharrax ayaa kala ah;Cabdi Faarax Saciid(Juxaa),
    Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale),Cali Xaaji Warsame,Faarax Cali Shire,Jamiila Saciid Muuse,Xaaji Maxamed Yaasin Ismaaciil,Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa),Khalif Ciise Mudan,Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne), Saciid Cabdullahi Deni iyo Maxamed Salaad Cali (Qoryooley).

    PUNTLAND POST

    Cabdiraxmaan Ciise Cumar

    The post Puntland: Musharrixiin ka digay in wax la maroorsado appeared first on Puntland Post.


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaanada golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, ayaa maanta sii waday dooda Amniga Muqdihso iyo wax ka qabashadeeda, waxa uuna kulanka maanta ahaa kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad.

    Xildhibaanada baarlamaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay doodooda xili ay khudbado ka jeedinayeen xarunta, waxa ayna intooda badan dhaliil u jeediyeen dowlada Somalia.

    Xarunta ayaa waxaa khudbadaha ka jeediyay 13 Mudane, waxaana baaqi ah 14 mudane oo aan wali jeedin khudbadaha kuwaa oo jeedin doona maalinta berito ah.

    Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo kamid ahaa Xildhibaanada meesha ka hadlay ayaa sheegay in amarada Shabaab si caadi ah maalin iyo habeenba uga dhaqan galaan Muqdisho.

    Xildhibaan Cabdixakiin, waxa uu tusaale usoo qaatay amarradii lagu xiray Garoomada qaar ee Salaxa loo yaqiinay, kuwaasoo amarro ka soo baxay Shabaab lagu xiray, iyadoo dowladda Somaliya aaney waxba iska weydiin arintaas.

    Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Garoommadii kubbadda cagta lagu ciyaari jirey waa la xirey Shabaab ayaa sidaas amray, xildhibaannada haddaanay masuuliyaddooda qaadan karin ha isaga tagaan xilka oo dadka yaan la sirin, wax qorshe badbaado ah haddii aanan loo haynin shacabkan daaley yaan la dibin daabyeenin”.

    Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin oo sii hadlay, ayaa Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre u soo jeediyay in isaga iyo Xukuumadiisaba ay dalka isaga tagaan, Sababta ayuu ku sheegay in sugida amniga lagu fashilmay.

    Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Aniga waxaan codsanayaa si cad oo gambad lahayn Raysul-wasaaraha iyo xukuumaddiisa waddankan ha isaga tagaan wax waa qaban waayeene” .

    Xildhibaan Cabdixakiin, waxa uu cadeeyay in Xukuumada Somalia ay ku hingowday amniga sidaa aawgeed ayuu soo jeediyay inay isaga tagan dalka Kheyre iyo Wasiiradiisa.

    Sidoo kale, Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ku eedeeyay dowladda Somaliya iney caburin ku heyso xoriyada ra’yiga, Waxa uu sheegay inaan jirin cid ka hadli karta dal daloolada dowladda oo aan ka eheyn Baarlamaanka oo xasaanadooda looga baqanayo.

    Caasimada Online

    Xafiiska Muqdisho

    Caasimada@live.com


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa daboolka ka qaaday in Xildhibaanada baarlamaanka ay yihiin kuwo aan kala aqoon fiicnaanta iyo xumaanta.

    Xildhibaan Xiddig oo ka hadlaayay kulanka baarlamaanka ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu xiligan yahay mid ka wanaagsan xiliyadii hore, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in horay ay usoo arkeen Wasiiro iyo Xildhibaano la dilaayo.

    Xildhibaan Xiddig, waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho ay soo martay xili Wasiir iyo Xildhibaan aysan socon Karin wadooyinka, balse iminka ay heystaan amni ku filan markii loo eego dowladihii hore.

    Nuqul kamid ah hadalkiisa aya ahaa “Amniga maanta waa ka fiican yahay kii hore ee dadka yaan la qalqal galin waxaa jirtay xilli xildhibaanada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana la dilayay”

    Waxa uu intaa raaciyay “Amniga magaalada Muqdisho hadda waa mid la isku halayn karo, oo meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa, Xildhibaanada maaha inay qalqal u abuuran shacabka waxaanu orankaraa inaad kasii daran tihiin kuwa aad dhaliileysan”.

    Xildhibaan Xiddig, waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada qaar ay yihiin kuwo u hadlaaya “Iska hadal” waxa uuna ku tilmaamay inay kasii liitan kuwa qalqalka amni ka dhexwada dalka.

    Xiddig isaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in hadii ay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha yihiin kuwo xun ay ka sii xun yihiin Xildhibaanadii doortay.

    “Haddii aad ku faataxeysateen inay xun yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaa ogaatan inaad kasii xun tihiin waayo adinkaa xumaanta ku doortay”

    Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Xiddig ayaa Xildhibaanada baarlamaanka ku sifeeyay inay yihiin kuwo qalqal iyo dhibaato ku haya dalka, waxa uuna ka digay in hadal lagu niyad jabiyo dowlada.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Soomaaliya ayaa soo saartay camal ku saabsan garoomada DIyaaradaha Soomaaliya xilli ay cirka kusii shareereyso khilaafka u dhaxeeyo Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

    Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ah Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duuliska Hawada ayaa amar kusoo saaray inaysan diyaarad kasoo dagi karin Garoomada Soomaaliya iyadoo aan dowladda Dhexe laga heysan fasax.

    Wasiirka ayaa sheegay in garoomada kala duwan ee Soomaaliya ay kaliya kasoo dagi karto diyaaradda fasax ka heysato Dowladda Dhexe haddi kale la celin doono.

    “Diyaaradii ogolaansho ka heysata Dowladda Soomaaliya kaliya ayaa garoomada Soomaaliya ku degi karta diyaaradii aan ka heysan oo aan shuruudihii loo baahnaa soo buxun kama degi karto.

    Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadayo xilli uu go’ay xiriirkii u dhaxeeyey Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada isla markaasna amara dowladda uusan ka shaqeyn meelaha ay ka taliyeen Maamul Goboleedyada iyo Al-Shabaab.

    Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan lasoo wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya waxaana xafiiskaas laga furay Magaalada Muqdisho.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  11. Doha (Caasimada Online) – Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

    Sida ay qortay SONNA, Heshiiska Koowaad uu saxiixay Amiirka Qatar ayaa ku saabsan Adeega Duulimaadka waxaana Wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Qatar ay Magaalada Doha ku galeen 18/3/2015.

    Halka Heshiiska Labaad uu yahay Iskaashi dhinaca Caafimaadka oo Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay isku afgarteen 14/5/2018.

    Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa hore u ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta.

    Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay qorsheyneyso fulinta Mashruucyo ay ku kaceyso lacag dhan 2 boqol oo milyan oo dollar oo Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.

    Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee taga magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe, dhismaha Aqalka Madaxtooyada, Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xarunta dowlad hoose.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  12. Cayaar_Gobolka_Banaadir-1.jpg?resize=816Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan wadatashi ah oo looga hadlayay mudeynta tartanta Finalka ee Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir kula yeeshay xarunta Dawladda Hoose bahda Cayaaraha heer Gobol iyo heer Qaran.

    Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in habeenka Isniinta ah ee 24-ka bishan la qabto dhammaadka tartanka dhexmari doona degmooyinka Shibis iyo Waaberi oo iyagu isugu soo haray dhammaadka cayaarta.

    Duqa Muqdisho ayaa sheegay qabsoomidda xili habeen ah tartanka cayaaraha Gobolka Banaadir ay muujinayso nabadda iyo dib u soo kabashada Caasimadda.

    Sidoo kale, Eng. Yarisow ayaa sheegtay in tartankan si wanaagsan uu ku bilowday ayna rajeynayaan inuu ku soo dhammaado si xamaasad leh, maadaama ay labada degmo ee isugu soo haray ay kamid tahay degmada Waaberi oo horey koobka u qaaday sanadkii hore.

    Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Xoghayaha Gobolka Banaadir.

    Cayaar_Gobolka_Banaadir-2.jpg?resize=816 Cayaar_Gobolka_Banaadir-3.jpg?resize=816 Cayaar_Gobolka_Banaadir-4.jpg?resize=816

    PUNTLAND POST

    The post Xiliga ay dhacayso Cayaarta kama dambeysta ee Degmooyinka G/Banaadir oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.


  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ayaa kulankoodii Maanta mar kale uga hadlay arrimaha ِِِِِِِِAmniga kadib markii Shalay doodo oo dheereed awgeed la isku mari waayey.

    Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay  guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal isaga oo sheegay in Loo Baahan yahay in aan La Buunbuunin dhibaatooyinka sida: in shacabku ay u Calaad doontaan Al-shabaab  iyo sidoo Kale dhibaatooyinka Jira.

    Xildhibaanada ayaa ahaa kuwa uu warkooda aad u kala kulul yahay waxaana la arkayey kuwa taageersan siyaasadda dowladda balse Amniga u arkayo inuu yahay mid guud oo qof kasta laga rabo inuu kaalintiisa ka qaato.

    Xildhibaanada hadalada kulul meesha ka jeediyey waxaa kamid aheyd Xildhibaanad Sareedo oo madaxweynaha usoo jeedisay inuu Amniga wax ka qabto iyo inay isaga tagto Xildhibaanimada.

    Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa waxa ay sheegtay  in ay muhiim tahay in qof walba meesha uu doono uu maro, hadii ay dhici weysana ay Xubinimadii xildhibaanimo ay isaga tageyso.

    “Mudane Madaxweyne waxaa waajib ah in halka aan doono xurnimo ku mari karo, xabsiga aan ku jirnana aan ka baxno, hadii la waayana taasi bedelkeeda aan isaga tago xildhibaannimada Baarlamaan.

    Inta badan Xildhibaanada khudbadaha jeediyey ayaa u badnaa kuwa dowladda usoo jeedinayo eedeyn iyo in laga jiiftay Amniga Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com

  14. Golaha Shacabka ayaa kulankoodii maanta mar kale uga hadlay arrimaha amniga, ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay  guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal isaga oo sheegay in Loo Baahan yahay in aan La Buunbuunin dhibaatooyinka sida: in shacabku ay u Calaad doontaan Al-shabaab  iyo sidoo Kale dhibaatooyinka Jira.

    Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa xildhibaannada hadlay waxaa uu yiri “860 KM oo horay looga Qabsaday Al-shabaab hadda  60 KM oo ka Mid ah ayey dowladda gacanka ku heysaa,  800-na Al-shabaab ayaa Maamula, Waxaana Lagu waayay Markii Lala Wareegayay Goobahaas Dad boqollaal Ka Badan.

    Xildhibaan C/rashiid Maxamed (Xidig) dhankiisa waxaa uu sheegay “Waxaa jirtay xilli xildhibaannada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana ay dhimanayeen”,  isaga oo intaa raaciyey  “Amniga magaalada hadda waa mid la isku halayn karo, oo  meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa”, isaga oo ku soo gabagabeeyey “waxaan ku baaqaa in shaqooyinka ay qaban karaan dhallinyarada Soomaaliyeed loo ogolaado, lana joojiyo shaqaalaha ajnabiga ah”.

    Daahir Amiin Jeesow oo isana hadlayey waxaa uu yiri “Amniga dalku wuu fiicanyahay mana jirto xaalad qatar ah. Amniga qalalaad badan ayaa ka  jira laakin si gaar ah ayaan uga hadleynaa,  Qof walba oo xildhibaan ah waxa uu doonayaa in uu helo dantiisa gaarka ah, nin walba oo mucaarad ah waxa uu rabaa xil.

    Xildhibaan Zakariye Xasan Maxamed isna waxaa uu sheegay “Shakhsiga hadii uu sharciga ka awood bato,  waxaa ka dhashay burbur sida dhacday dowladdii kacaanka.  Sarkaal ciidan darajada lagama qaadi karo ilaa xukun maxkamdeed oo ugu yar 5 sano.

    Xildhibaan Zakariye oo sii-hadlaya “waa in aan u yeernaa ra’isul wasaaraha, oo aan wax ka weydiinnaa xaaladda amniga ee dalka iyo ballanqaadkiisii amniga.

    Xildhibaan Cali Xoosh: Xaqiiq marka laga hadlo amniga waxa uu u baahan yahay in talo wanaagsan laga bixiyo,  inta warbaahinta la marsiin lahaa dhiiri-gelinta Al-shabaab

    Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ColRuush: Waxaan ka hadlayaa marxaladda hadda taaganahay iyo habka xukuumaddan u maareeysay amniga waa mid fashilmay,  qarash badana wey ku bixisay, dhaliil weyn ayaa ka muuqda dhanka amniga, qarashka maanta baxay waxa uu ka badan yahay qarashkii ku baxay dagaalkii 77.

    Ruush wuxuu intaas ku daray “ Waan qabaa in golaha looga yeeray wasiirka koowaad si amniga wax looga weydiiyo, isaga ha soo wato wasiirrada iyo taliyeyaasha la shaqeeya. Talo waxaan ku soo jeedinaa in istaraatiijiyadda amniga wax laga badalo, AMISOM dalka uma rabto horumar iyo amni, waayo halka askari ee AMISOM bishii waxa uu qaataa 1.200

    Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ColRuush waxuu hadlakiisa ku soo gabgabeeyey “ Hadda ciidan baa la qoraayaa tiradooda iyo badnaanshaha waxba laguma jeedo ee haloo qoro qaab sharci ah iyo cadaalad ku jirto

    Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamud Taaw oo isna hadley” Haddaan galo barnaamijkan waa jiraan dhaliilo badan iyo wax la qabtay, laakiin mudane guddoomiye marka lagu dhawaaqayo xaaladaha howlgallo waa in ay hirgalaan laakiin haddaan la hirgalin cadowga isagaa tiisa hirgglinaaya

    Xildhibaan Axmed waxaa uu khilaafka maamul goboleedyada ka yiri  “Khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe waxa uu horseedayaa amni darro iyo in uu ka faa’ideysto cadowga isjiid jiidkaas inta lagu mashquulsanyahay.

    Waxaa uu su’aal ka keenay Istaafka ciidaka “ Mudane Guddoomiye waxaa jira dhibaato aan qabno oo ah, in Xildhibaanada golaha shacabka aan Loo ogoleyn Istaaf gaaraya 4 , hadana dadka noo diidaya waxaa ay wataan gaadiid aan xabadda karin iyo ciidamo fara badan”

    Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed waxaa ay soo jeedisay in dadkii amniga ku shaqada lahaa goobta la keenno “Waxaa muhiim ah in Loo yeero dadka ehelka u ah howlaha amniga dalka, Isla markaana ay ka shaqeeyaan waxyaabaha dib noo dhigaya, madaxdana ay Kala taliyaan istiraatiijiyada, Waa In La joojiyaa bixinta garaadaha La siinayo Dadka Aan u qalmin.

    Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed: Mudane Guddoomiye xilka waan isaga tagayaa ama meeshii aan rabo aan ka soo cunteeyo,  afar mitir kuma jireyno, aan ka baxno xeryaha ciidamada, oo aan aadno gobolada dalka

    Xildhibaan Cali Axmed Jangali : Qof dhagarta maleegaya Lama ogaan karo, Sababtoo ah waxaan Tusaale u soo qaadan karaa Qaraxii Hotelka Central, Haddii nala weydiin lahaa waxay tahayna ma qaadan karin go’aanka ah waa argagaxiso gabadhaas, waana la ogaa dhibka ay gaystay.

    Maalintii Ansixinta Xukuumada Hadda Jirta, Waxaan Soo Jeediyay in Xildhibaan Kasta uu akhristo qorshaha Xukuumada Cusub, Laakiin waxaa iga diiday Xildhibaanada qaar, hadana waad aragtaan Waxayaabaha Jira oo Aad dooda Ka qabtaan.

    Xildhibaan Siciid Xuseen Ciid, oo ah wasiirka beeraha xukuumadda Kheyre : Dalkeena waa barwaaqo Khayraad ayaa Ka buuxa ee waxaa La rabaa in 2030 aan Ka baxno baahida Jira oo dhan walba Leh.

    Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed ayaa ku dheeraaday amniga  isaga oo yiri“Hadii aad tahay mas’uul  ku  jira  ciidan dhexdiis iyo gaari aan Xabad Karin, Ogaada waxa La dhibaataynaayo waa shacabka aad metashaan oo bixiya canshuurta, dowladana aan ka helin adeegyadii ay u baahnaayeen.

    Dhanka xuriyadda hadalka wuxuu yiri “ Xuriyadda Hadalka iyo ra’yi cabiridda, Soomaaliya waxaa La isku Adeegsadaa Ciidanka amniga qaranka, oo Loogu talagalay difaaca qaranka.

    Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo Al-shabaab ka hadlay “Degmooyinka Muqdisho, Garoommadii kubadda cagta ee lagu ciyaari jiray, waxaa ay u xiran yihiin amarka Al-shabaab, ee uma  xirna  amar ka soo baxay wasaaradda amniga ama arrimaha gudaha. Fadlan Yaana Shacabka Been loo sheegin, ee Dalka Halaga Fikiro.

    Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed waxaa uu ugu dambeyntii soo-jeediyey “waxaan Codsanayaa  inay xilka Banneeyaan Xukuumada Ra’isul wasaare Khayre.

    Ugu dambeyntii, waxaa hadlay Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene isaga oo sheegay“ Dooddii Xildhibaanada ay ka yeesheen amniga dalka Waxaa si weyn u soo dhoweeyay Shacabka Soomaaliyeed, oo muddo aamusnaa, Waxeyna umuuqataa in Xildhibaannadu ay hurdada Ka tooseen

    Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu matalaadda ka dhahay “ Xildhibaanku Shacabku ayuu Metalaa, waxaana idiin sheegayaa in Xildhibaannadu Shaqsi ay doorteen aaney dalkooda Ka doorbidin

    Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu fashil ku tilmaamay xukuumadda Kheyre isaga oo yiri “Waxaan idiin sheegayaa xukuumada Khayre waa guul daraysatay ee hadallada uu u sheegayo shacabka degmooyinka Ka  yimid Baarlamaanka ha u sheego halkan ayaa Looga baahan Yahay

    Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu madaxweyne Farmaajo ku yiri “Mudane madaxweyne hadalladii aad baarlamaanka ka hor sheegtay waa duuban yihiin ee madaxweyne la imaaw isbedel dhab ah.


  15. Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

    Sida ay qortay SONNA, Heshiiska Koowaad uu saxiixay Amiirka Qatar ayaa ku saabsan Adeega Duulimaadka waxaana Wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Qatar ay Magaalada Doha ku galeen 18/3/2015.

    Halka Heshiiska Labaad uu yahay Iskaashi dhinaca Caafimaadka oo Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay isku afgarteen 14/5/2018.

    Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa hore u ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta.

    Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay qorsheyneyso fulinta Mashruucyo ay ku kaceyso lacag dhan 2 boqol oo milyan oo dollar oo Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.

    Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee taga magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe, dhismaha Aqalka Madaxtooyada, Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xarunta dowlad hoose.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  16. MOGADISHU (Caasimada Online) — Heavy fighting broke out between Somali army forces from Jubaland and Al Shabaab near Baladhawo town in south of Somalia’s Gedo region.

    Somalia’s Jubaland military says the army forces launched an attack on Al-Shabaab fighters in Gedweyne area near the town.

    Jamal Hassan Farei, a senior commander of Jubaland forces confirmed at least 16 people — 11 Al Shabaab and 5 soldiers had been killed in the fighting.

    “We have lost five soldiers and seven others sustained injuries during the fighting. We killed 11 Al-Shabab fighters and seized weapons,” Farei said.

    He says the operation was carried out following tip-off as the group’s fighters were on their way to carry out an attack on Jubaland army camp in the region.

    There was no immediate comment from Al-Shabaab over the military claims.

    The group frequently launches deadly attacks in the towns bordering Kenya, targeting Jubaland forces and Kenyan troops.

    Caasimada Online
    Mogadishu News Desk
    Caasimada@live.com


  17. Golaha Shacabka ayaa kulankoodii maanta mar kale uga hadlay arrimaha amniga, ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay  guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal isaga oo sheegay in Loo Baahan yahay in aan La Buunbuunin dhibaatooyinka sida: in shacabku ay u Calaad doontaan Al-shabaab  iyo sidoo Kale dhibaatooyinka Jira.

    Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa xildhibaannada hadlay waxaa uu yiri “860 KM oo horay looga Qabsaday Al-shabaab hadda  60 KM oo ka Mid ah ayey dowladda gacanka ku heysaa,  800-na Al-shabaab ayaa Maamula, Waxaana Lagu waayay Markii Lala Wareegayay Goobahaas Dad boqollaal Ka Badan.

    Xildhibaan C/rashiid Maxamed (Xidig) dhankiisa waxaa uu sheegay “Waxaa jirtay xilli xildhibaannada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana ay dhimanayeen”,  isaga oo intaa raaciyey  “Amniga magaalada hadda waa mid la isku halayn karo, oo  meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa”, isaga oo ku soo gabagabeeyey “waxaan ku baaqaa in shaqooyinka ay qaban karaan dhallinyarada Soomaaliyeed loo ogolaado, lana joojiyo shaqaalaha ajnabiga ah”.

    Daahir Amiin Jeesow oo isana hadlayey waxaa uu yiri “Amniga dalku wuu fiicanyahay mana jirto xaalad qatar ah. Amniga qalalaad badan ayaa ka  jira laakin si gaar ah ayaan uga hadleynaa,  Qof walba oo xildhibaan ah waxa uu doonayaa in uu helo dantiisa gaarka ah, nin walba oo mucaarad ah waxa uu rabaa xil.

    Xildhibaan Zakariye Xasan isna waxaa uu sheegay “Shakhsiga hadii uu sharciga ka awood bato,  waxaa ka dhashay burbur sida dhacday dowladdii kacaanka.  Sarkaal ciidan darajada lagama qaadi karo ilaa xukun maxkamdeed oo ugu yar 5 sano.

    Xildhibaan Zakariye oo sii-hadlaya “waa in aan u yeernaa ra’isul wasaaraha, oo aan wax ka weydiinnaa xaaladda amniga ee dalka iyo ballanqaadkiisii amniga.

    Xildhibaan Cali Xoosh: Xaqiiq marka laga hadlo amniga waxa uu u baahan yahay in talo wanaagsan laga bixiyo,  inta warbaahinta la marsiin lahaa dhiiri-gelinta Al-shabaab

    Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ColRuush: Waxaan ka hadlayaa marxaladda hadda taaganahay iyo habka xukuumaddan u maareeysay amniga waa mid fashilmay,  qarash badana wey ku bixisay, dhaliil weyn ayaa ka muuqda dhanka amniga, qarashka maanta baxay waxa uu ka badan yahay qarashkii ku baxay dagaalkii 77.

    Ruush wuxuu intaas ku daray “ Waan qabaa in golaha looga yeeray wasiirka koowaad si amniga wax looga weydiiyo, isaga ha soo wato wasiirrada iyo taliyeyaasha la shaqeeya. Talo waxaan ku soo jeedinaa in istaraatiijiyadda amniga wax laga badalo, AMISOM dalka uma rabto horumar iyo amni, waayo halka askari ee AMISOM bishii waxa uu qaataa 1.200

    Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ColRuush waxuu hadlakiisa ku soo gabgabeeyey “ Hadda ciidan baa la qoraayaa tiradooda iyo badnaanshaha waxba laguma jeedo ee haloo qoro qaab sharci ah iyo cadaalad ku jirto

    Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamud Taaw oo isna hadley” Haddaan galo barnaamijkan waa jiraan dhaliilo badan iyo wax la qabtay, laakiin mudane guddoomiye marka lagu dhawaaqayo xaaladaha howlgallo waa in ay hirgalaan laakiin haddaan la hirgalin cadowga isagaa tiisa hirgglinaaya

    Xildhibaan Axmed waxaa uu khilaafka maamul goboleedyada ka yiri  “Khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe waxa uu horseedayaa amni darro iyo in uu ka faa’ideysto cadowga isjiid jiidkaas inta lagu mashquulsanyahay.

    Waxaa uu su’aal ka keenay Istaafka ciidaka “ Mudane Guddoomiye waxaa jira dhibaato aan qabno oo ah, in Xildhibaanada golaha shacabka aan Loo ogoleyn Istaaf gaaraya 4 , hadana dadka noo diidaya waxaa ay wataan gaadiid aan xabadda karin iyo ciidamo fara badan”

    Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed waxaa ay soo jeedisay in dadkii amniga ku shaqada lahaa goobta la keenno “Waxaa muhiim ah in Loo yeero dadka ehelka u ah howlaha amniga dalka, Isla markaana ay ka shaqeeyaan waxyaabaha dib noo dhigaya, madaxdana ay Kala taliyaan istiraatiijiyada, Waa In La joojiyaa bixinta garaadaha La siinayo Dadka Aan u qalmin.

    Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed: Mudane Guddoomiye xilka waan isaga tagayaa ama meeshii aan rabo aan ka soo cunteeyo,  afar mitir kuma jireyno, aan ka baxno xeryaha ciidamada, oo aan aadno gobolada dalka

    Xildhibaan Cali Axmed Jangali : Qof dhagarta maleegaya Lama ogaan karo, Sababtoo ah waxaan Tusaale u soo qaadan karaa Qaraxii Hotelka Central, Haddii nala weydiin lahaa waxay tahayna ma qaadan karin go’aanka ah waa argagaxiso gabadhaas, waana la ogaa dhibka ay gaystay.

    Maalintii Ansixinta Xukuumada Hadda Jirta, Waxaan Soo Jeediyay in Xildhibaan Kasta uu akhristo qorshaha Xukuumada Cusub, Laakiin waxaa iga diiday Xildhibaanada qaar, hadana waad aragtaan Waxayaabaha Jira oo Aad dooda Ka qabtaan.

    Xildhibaan Siciid Xuseen Ciid, oo ah wasiirka beeraha xukuumadda Kheyre : Dalkeena waa barwaaqo Khayraad ayaa Ka buuxa ee waxaa La rabaa in 2030 aan Ka baxno baahida Jira oo dhan walba Leh.

    Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed ayaa ku dheeraaday amniga  isaga oo yiri“Hadii aad tahay mas’uul  ku  jira  ciidan dhexdiis iyo gaari aan Xabad Karin, Ogaada waxa La dhibaataynaayo waa shacabka aad metashaan oo bixiya canshuurta, dowladana aan ka helin adeegyadii ay u baahnaayeen.

    Dhanka xuriyadda hadalka wuxuu yiri “ Xuriyadda Hadalka iyo ra’yi cabiridda, Soomaaliya waxaa La isku Adeegsadaa Ciidanka amniga qaranka, oo Loogu talagalay difaaca qaranka.

    Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo Al-shabaab ka hadlay “Degmooyinka Muqdisho, Garoommadii kubadda cagta ee lagu ciyaari jiray, waxaa ay u xiran yihiin amarka Al-shabaab, ee uma  xirna  amar ka soo baxay wasaaradda amniga ama arrimaha gudaha. Fadlan Yaana Shacabka Been loo sheegin, ee Dalka Halaga Fikiro.

    Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed waxaa uu ugu dambeyntii soo-jeediyey “waxaan Codsanayaa  inay xilka Banneeyaan Xukuumada Ra’isul wasaare Khayre.

    Ugu dambeyntii, waxaa hadlay Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene isaga oo sheegay“ Dooddii Xildhibaanada ay ka yeesheen amniga dalka Waxaa si weyn u soo dhoweeyay Shacabka Soomaaliyeed, oo muddo aamusnaa, Waxeyna umuuqataa in Xildhibaannadu ay hurdada Ka tooseen

    Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu matalaadda ka dhahay “ Xildhibaanku Shacabku ayuu Metalaa, waxaana idiin sheegayaa in Xildhibaannadu Shaqsi ay doorteen aaney dalkooda Ka doorbidin

    Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu fashil ku tilmaamay xukuumadda Kheyre isaga oo yiri “Waxaan idiin sheegayaa xukuumada Khayre waa guul daraysatay ee hadallada uu u sheegayo shacabka degmooyinka Ka  yimid Baarlamaanka ha u sheego halkan ayaa Looga baahan Yahay

    Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu madaxweyne Farmaajo ku yiri “Mudane madaxweyne hadalladii aad baarlamaanka ka hor sheegtay waa duuban yihiin ee madaxweyne la imaaw isbedel dhab ah.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  18. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s five regional leaders accused central government of interfering regional issues, amid on-going political rifts.

    The central government was urged to stop to use Somali army forces and regional soldiers from Galmudug state over the latest political tension, said in a statement obtained by Caasimada Online.

    The allegation comes after Somalia’s member states broke ties with the federal government on Sept. 8, plunging the country into a political crisis.

    The country has struggled with civil war for decades, and AMISOM has been active there since 2007.

    The country’s regional leaders chose to boycott a National Security Council meeting scheduled for Sept. 17 and 18.

    In an apparent response to regional leaders, Somali PM Hassan Ali Khaire has rejected suggestions that Mogadishu isn’t safe for Somali leaders to meet.

    However, Somali PM has also refused calls for “third-party” mediation as requested by the regional leaders.

    UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia.

    Caasimada Online
    Mogadishu News Desk
    Caasimada@live.com


  19. Ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in maanta barqadii uu xaaskiisa ku gowracay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

    Ninkaan ayaa la sheegay in markii uu mindida ku gowracay xaaskiisa oo u haysay 8 canug uu jar jaray jirkeeda.

    Ibraahim Shaleyste oo ah guddoomiyaha Garasbaaley ayaa u sheegay Goobjoog, in ninkan markii lasoo qabanayey ay la dagaallamayeen dadka deegaanka.

    Waxa uu sheegay guddoomiyaha in hadda ninkaasi lagu hayo saldhiggan Galbeed, islamarkaana la baarayo.

    Lama oga waxa kallifay in sidan uu u dilo xaaskiisa, iyadoo xaaladda caafimaad ee ninkan warar kala duwan laga sheegayo, iyadoo dadka qaarna ay sheegayaan in mar madaxa looga jiray.

    Halkaan hoose ka dhageyso:

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Guddoomiyaha-Garasbaaley.mp3

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  20. Rag hubeysan ayaa waxa ay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen qof shacab ah.

    Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in ragga wax diley ayka baxsadeen goobta falkaasi uu ka dhacay.

    Dilka kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamada ammaanka ee magaalada B/weyne kuwaasi oo howlgallo ballaaran wada.

    Lama oga sababta ka dambeysa dilkan qofkan, balse saraakiisha ammaanka ee howlgallada wada ayaa sheegay in dib faah faahin ka bixin doonaan.

    Ammaanka magaalada B/weyne ayaa maalmahan dambe ahaa mid aad usoo hagaagayey.

    Halkaan hoose ka dhageyso:

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wariye-Maxamed-Ibraahim.mp3

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  21. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay gobolada Karkaar iyo Sanaag ee Puntland.

    Madaxweyne Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxaana ku soo dhaweeyey maamulka gobolka, kan degmada , masuuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, isimo, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dadweynaha magaalada.

    Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu Qardho gaaray kormeeray Cisbitaalka weyn ee magaalada oo uu ku socdo dhisme la dhagax dhigay sanadkii lasoo dhaafay ee 2017, wuxuuna u balan qaaday qalabeyn.

    Madaxweyne Gaas ayaa inta uuna gaarin Qardho waxa uu ku ha kaday gaari xamuul ah oo ku dhacay wadada u dhexaysa deegaanka Dalsan iyo degmada Dangorayo, oo la xaqiijiyey in aanay wax khasaaro nafeed ah ka dhalan.

    Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaamniya ayaa berri safar ku tegi doona degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo uu xariga kaga jari doono Jaamacada Maakhir oo sanadihii ugu dambeeyay uu dhismaheedu socday, waxaana shalay magaaladaas gaaray wadfi hor-dhac u ahaa safarka Madaxweyne Gaas

    Magaalada Badhan ayaa Madaxweyne Gaas waxaa ugu dambeysay 2013, markii uu ahaa masharaxa Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

    Madaxweyne Gaas ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay Puntland oo taga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.1-2.jpg?resize=600%2C400&ssl=1
    2-1.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    3.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    4.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    5.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    6.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    7.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    8.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    9.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

     

    11.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    12.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    13.jpg?resize=600%2C400&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Puntland oo safar ugu ambabaxay Badhan appeared first on Puntland Post.