Wuxuu shaaciyay waxyaabaha uu qaban doono haddii loo doorto madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana uu sheegay inuu xooga saari doono iskuulada wax lagu barto iyo goobaha diinta lagu faafiyo.
Fursadda koowaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha koofur Galbeed ayaa ah Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Shariif Xasan, oo sababi kara in labada dhinac “Shariif Xasan iyo Musharaxa DF taageersan tahay” aysan heli fursaddaha codadka xildhibaanada.
Waxay taasi siin kartaa Fursad uu ku heli karo codadka ugu badan, maadaama Shariif Xasan uusan heysan taageero badan, Xildhibaanadana ay dhaqaalo qaadan karaan kadibna dooran karaan Musharax ay talo ku yeelan karaan go’aanadiisa.
Fursadda labaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa ah inuu kasoo jeedo Beesha Mirifle gaar ahaan Leysaan, Xildhibaanada Leysaan ayaa horey u taageersanaa Shariif Xasan oo Abti ay u yihiin, maadaama ay yaraayeen musharixiinta beeshaasi kasoo jeedo oo codadkooda ay siin karaan.
Maadaama hadda ay heystaan nin kasoo jeedo Leysaan oo taageero badan heysta, waxay taasi keeni kartaa in xildhibaanadii horey ugu codeyn jiray Shariif Xasan inay codkooda siiyaan Muktaar Roobow, waxaana ay heystaan tiro xildhibaano ah.
Arinta seddexaad ee keeni karta in Roobow madaxweyne noqdo ayaa ah, inuu horey u balan qaaday in Goobta dhibaatada ugu badan ay ka jirto Koofur Galbeed oo ah Shabeelaha Hoose inuu wax badan ka qaban doono isbaarooyinka qabiileed ee yaala Shabeelaha Hoose iyo Al Shabaab.
Balanqaadkaasi ayaa u sahli kara iyo xildhibaanada ugu badan ee Digil inay taageeraan oo codkooda ay siiyaan, maadaama uu lasoo shaqeeyay Al Shabaab, uuna yaqaano xogo badan iyo hanaanka loola dagaalamo, maadaama Al Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan Shabeelaha Hoose.
Wuxuu sidoo kale heli karaa taageerada beelaha kala duwan ee Koofur Galbeed oo doonaya in deegaanadooda ay noqdaan goobo nabdoon, waxaana xildhibaanada qaar ay u balanqaadeen taageero badan.
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo kordhay labo dhacdo oo mid kamid ah walaac badan ku abuuray dhalinyarada iyo dadka Garka iska jari jiray.
Askarta cusub ee lagu daadiyay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo ay la socdaan dad dhar ah ayaa bilaabay inay timaha ka jaraan dhalinyarada sida xun tinta u jarta oo aad ugu badnaa magaalada Muqdisho.
Askartaan ayaa sidoo kale u diga dadka gerka iska xiira ee Shaarbaha deysta, waxaana dad badan ay isweydiinayaan dadka amarka siiyay dhalinyarada sidaasi sameyneysa iyo ujeedada laga leeyahay.
Dhalinyarada ayaa inta badan lagu qabtaa Bakaaraha iyo degmada Waaberi, halkaasi gaadiidka ugu badan ee dadweynaha ay adeegsadaan, waxaana ciidamada ay amraan in dhalinyarada sida xun timaha u jarta ay kasoo dagaan gaadiidka.
Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaya dadka iska dhigaya inay lugaha la’yihiin, kuwaasi oo dadweynaha tuugsanaya, waxaana la arkay kuwo mararka qaar ka cararaya maqribadii goobta ay joogeen.
Dhacdooyinkaan ayaa ku badan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hadda muuqata in isgoyska Km4 iyo meelo kale lagu arkayo dad sidaasi ku dawarsanaya, waxaana qaarkood ay kuu sheegayaan inay shaqo la’aanta ku sababtay inay sidaasi sameeyaan.
Dad badan oo ila soo xidhiidhay ayaa igu dhiirigaliyey qoraallada aan u bixiyey Odhaah-siyaasadeedka Maanta in aan ku soo daabaco mareegta WardheerNews, si uu qoraalka u gaadho dad badan. Waanan qaatay.
Abiy Axmed, RW Itoboya, oo awoodda dalka ugu sarreysa si fudud ku helay waxa uu ilaa hadda ina tusay in uu noqon karo “IS-BADAL KEENE.” ama waxa afka qalaad lagu yidhaa ‘REFORMER,”
Intuu RW Abiy talada la wareegay waxyaabo aad loogu qushuuco ayuu ina tusay: awooddii TPLF oo la dhimay, maxaabis la siidaayey, kooxihii hubaysnaa (OLF, GINBOT 7, TPDM, ONLF) oo soo galay waddanka, collaadii Eriteriya oo la soo afjaray, tirada wasiirrada dawladda dhexe oo la dhimay (28 laga dhigay 20), iyo Cabdi M. Cumar dawladdiisii oo noqotay ta kaliya ee Abiy afgambiyey. Cabdi Muxumed Cumar dhib xad-dhaaf ah ayuu dadkiisa ku hayay, waxuuna noqday “Loma ooyaan” dambiyo uu geystay iyo kuwo aanu geysan intaba lagu soo oogay. Dhibta uu Soomaali u geystay ayaan marnaba la hilmaami karin. Waxaan ka daalacan kartaan caddaynta ay diyaarisay Hay’adda Human Right Watch.
Dood macquul ah waa laga keeni karaa sababta Deeganka Soomaalida oo kaliya afgambigu uga dhacay. Waxaanse innaba doodi ka taagnayn in tacadigii iyo xadgudubka ka jiray Deeganak Soomaalida uu ahaa wax aan adduunka lagu arag.
Dawladdan cusub ee uu soo dhisay bishan Okotober horraanteedii iyo badhtamaheedii tallaabooyin aad loogu qushuuco ayuu qaadday. Boosas muhiimad leh ayuu u qoondeeyay haweenka Itoobiya. Marwo Sahle-Work Zewde, 68 jir kana soo jeedda qowmiyadda Amxaarada ayuu Madaxweyne ka dhigay (Waa markii ugu horreysay ee haweeney ka noqota madaxweyne dalka Itoobiya oo ku caan baxay nidaam iyo mamul xumo.
Intaa waxa dheer in golaha wasiirrada kala badh(50%) uu u magacaabay haween; wasaarado muhiim ah sida Difaaca (Aisha Mohameed – Canfar) iyo Mufria Kamal (Nabadaynta iyo Sirdonoka – Koonfur) iyo qaar kale. Gole ka kooban 20 wasiir iyo 55 Wasiru-Dawlo iyo Wasiir-xigeeno ayuu RW Abiy soo dhammaystiray.
Waxaa aad la isla dhexmarey saami qaybsigan iyo waxa Soomaali ka soo gaadhey. Sida la isku raacay, Soomaali qaybta ay ka heshay saami qaybsigan wax lagu qanci karo ma aha. Waxa, haddaba, isweydiin mudan waxa uu RW Abiy u arki la’yahay Soomaalida isla markaana aanu sharfin?
Taariikhdu markay ahayd 1921kii, waxa Ingiriisku ka adkaaday, isagoo kaashanaya Soomaali askar ah, Daraawiishtiii iyo Hoggaankii halganka gobinimadoonka waday. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu u qaxay gobolka Caruusi. Markii uu Dhaxal Suge Xayle Selaase maqlay in Sayidkii jabay isla markaana Duumo ku cuntay miyiga Caruusi, fariin ayuu diray: “Sayidow kaalay oo aan heshiino, Gobolkan Harargeena oo ah kan ugu qiimo badan ee dalkan boqortooyada waxaan kaaga dhigi Ras, ama Amir.”
Fariintan ka hor waxaa Ras ka ahaa gobolka Hararge Ras Mokenen oo ahaa Xayle Selaase Aabihiis. Fiiro xurmada Xayle uu siiyey Sayidka, laakiinse uu Sayidku ka diiday! Sharfta ayuu ka raacay Sayid Maxamed Cabdile Xasan
Sidoo kale taariikhdu markay ahayd 1947kii, waxa uu Xayle Selaasie ka qayb galay heshiiskii soo afjaray Dagaalkii Adduunka ee Labaad (WWII) oo ka dhacay magaalada Paris ee Faransiska. Boqor Xayla Selaasie waxa uu sii kaxaystay Afar oday. Sheeikh Al-Ahzara oo Soomaali ahaa ayaa afartaas oday ka mid ahaa. Waxa Boqorku rabay in uu adduunka tuso in Itoobiya ay tahay dal dadkiisuu qowmiyado kala duwan yihihiin.
Soomaali badani waxay qabaan in aanu R/W Abiy Soomaalida cisaynin. Soomaali hal wasiir kama badsan karto miyaa? Meles iyo Xalyle Mariamba hal wasiir ayey u oggolaayeen Soomaalida. Sidoo kale, Mengistuna hal wasiir ayuu siinjiray. Boqor Xayle Sellase qudhiisuna intaa ayuun buu u oggolaa Soomaalida.
R/W Abiy waxaad moodaa in ay Soomaalidu xaashida Qoomiyaduhu ugu qoranyihiin halka ugu hooseysa kaga jirto. Markii uu Mareykanka yimid, inta badan hadalladiisa magaca Soomaali ku ma jirin. Intuu illoobo ayaa gadaal looga sheegi jiray. Tan kale, markii uu ka hadlay Jabhadaha soo xerooday ee nabadda qaatay, ONLF wuu ka tagay ama maanu xasuusan. Isla markaas waxaad moodaa in uu sheegay magacda jabhado aan laba aqoon sida tan la yidhii dhinaca Tigreega ayey ka dagaalantaa.
Qoraa la odhan jiray Ralph Ellison oo ahaa nin u dhashay Mareykanka Modow (African American) ayaa buug qoray la yidhaa “The Invisible Man,” ama “Ninka aan La Ariki Karin.” Waxa uu buuggu tibaaxayaa sida ay u adag tahay in qofka madow la arko ama la sharfi karo inkasta uu sameeyo wax alla waxii laga rabay.
Sidoo kale, Soomaalida Itobiya ku hoos jirtaa, waxa kasta oy samayso, R/W Abiy kari waa in uu arko. Waxa uu kari waayey in Soomaalidu dhulka ugu baaxad weyn leedahay arko; waxa uu arki kari waayey in tacadiga ugu badani soo gaadhay Soomaali; waxa uu iska indhasaabay in Soomaalidu tahay qowmiyadda saddexaad ee ugu tirade badan; waxa laga dhaadhicin kari waayey ama maskaxdiisu sawiri kari wayday in ONLF kawada cimri dheertahay OLF, Ginbot 7 iyo Jabhadda Tigrey ee dhawaan billoowday in ay ka hortimaad TPLF. Waxa uu iska indha saabay in khayraadka ugu badan (petroleum iyo natural gas) ay ku jiraan dhulka Soomaalida.
Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana, R/W Abiyna diid in uu arko Soomaali. Waxaad moddaa in sidii Meles oo kale qabo. Sayid Khaliifa oo ahaa Suudaani Suxufi ah ayaa Mele waydiiyey su’aal ah “maxaad Soomaalida ugu yareysay Saami qabsiga dawladdaada iyagaaba soo kifaaxee.” Meles waxa uu ku jawaabay “Soomaalidu waa xoolo dhaqato oo maamulka ma taqaan.’ Xilligiaasi waxay ahayd 1991kii. 2018ka, tolow maxay wax isku badali waayeen? Maxaa Soomali loo arki la’yahay ooy u noqdeen sidii Ralph Ellison ku tilmaamay Mareykanka Modow, oo ah “The Invisible Man,’ ama “Ninka aan La’arki karin?”
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab ka bixiyey khudbad uu xalay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u jeediyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan.
Madaxweynaha oo arbacadii u safray magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Sudan ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ku dhaliilay siyaasiyiinta danleyda ah ee uu ku tilmaamay in ay dib u dhac u keenayaan dalka.
Madaxweyanaha oo u kala qaaday qeybo kala duwan siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa ugu muhiimsanaa laba: 1 – Kuwo siyaasadda u soo gala in ay dhaqaale ka sameeyaan oo haddii ay xilka waayaan adeegsadaa xasaasiyad qabiil iyo kuwo ku faanaya in ay ajnabi wataan oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dalka dullinimo u horseedaya.
Xildhibaan Fiqi oo u muuqday mid ka jawaabaya hadaladdii Madaxweynaha ayaa bartiisa Faceboob soo dhigay qoraalkan hoose:
Fiqi:- Waqti iyo hanti ugu yaraan wax badan u fadhin lahaa dalkeena iyo dadkeena ayuu madaxweynuhu ku bixinayaa socdaalkiisa u danbeeyey ee dalka Koofurta Sudan, ujeedaduna sida la sheegayo waa in kooxaha talada dalka Koofurta Suudaan isku haya lagu heshiisiiyo, arrin xun maahan gobol ahaan.
“Balse in madaxweynuhu halkaas ka soo diro fariimo xanaf leh oo muujinaya inuusan heshiis la ahayn siyaasiyiinta iyo maamulada dalkiisa ka jira, iyo ujeedada safarkiisu ma ahan wax isqabanaya , waana arrin tilamaan cad ka bixinaysa fahamka hogaanka dalkeenu halka uu joogo iyo in mas’uuliyaddii ka saarnayd isku haynta dadka iyo ka shaqaynta dib u heshiisiintooda in ay uga muhiimsanaatay socdaallo umado kale ku heshiinayaan iyo ficillo sii kala fogaynaya dadkooda oo ay qaadayaan.
Madaxweynaha waxaa la gudboon in xaaladda dalku uu ku sugan yahay uu qiimeeyo, sacabka dad hool lagu soo aruurshay, sawirada dacaayada ah oo lacago lagu baxsho daabacadooda iyo post-yada facebook-ga ee ammaanta iyo marin habaabinta u badan aysan ahayn kuwo ka turjumaya waxa dalka ka jira ee dhabta ah.”
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waxa uu ka mid yahay xildhibaanadii la dhacsanaa Madaxeyne Farmaajo oo siiyey codkooda doorashadii bilowgii sanadkii 2017 balse markii dambe ku biiray kooxaha mucaaradsan dowladda.
Sidoo kale, Fiqi waxa uu qeyb ka noqday xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka oo ay ku mideysan yihiin Daljir, Dhaamujadiid iyo kudladda Horusocod.
Khudbad dheer oo uu ka jeediyay kulanka, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha amniga iyo siyaasadiisa ku aadan waxqabadkiisa hadii uu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
In kastoo oouu ka hadlay dhinaca Amniga, ayaa khudbadiisa waxa uu ku dabaqay hadba dadka kulanka uu la qaadanayay, waxaana uu sheegay in Goobo Diinta iyo Culuumta kale ee Maadiga lagu barto uu ka hirgelin doono deegaanada Koonfur Galbeed.
“Waxaan balan qaadayaa in Koonfur Galbeed ay noqoto meel cilmiga loo soo doonto, runtii waxaan badin doonaa oo aan hirgelin doonaa Jaamacado farabadan iyo Goobo kale oo Culuumta maadiga lagu barto” ayuu yiri Mukhtaar Rooboow.
Mukhtaar Rooboow ayaa ka mid ah musharixinta tobanka ku dhow ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxana maalmahaan uu wadaa kulamo uu ku soo jiidanayo bulshada Magaalada Baydhabo.
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimoee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara.
The World Health Organization (WHO) is stepping up measures to contain cholera outbreak in Somalia amid decline in the number of cases and deaths in the past month.
Somali journalists have appealed to the government for efforts to end impunity and violence against media workers after the murder of three colleagues in 2018.
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) oo kormeeray xarumaha Maxakamadda Ciidammada Qalabka Sida, Maxkamadaha heer Gobol ee darajada koowaad iyo Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay mira dhal noqdeen tallaabooyinka wada jirka ah ee loo qaaday xal-u-helista murannada dhulka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in hirgelinta xafiisyada adeegyada ee degmooyinka ay u fududeeyeen bulshada in ay si sharciyeysan ula kala wareegeen hantida maguurtada ah, isagoona ka digay dukimiintiyada ku saabsan arrinkan ee ay soo saaraan xafiisyada gaarka loo leeyahay (Nootaayo). Isla markaana caddaaladda la horkeeni doonno cid walba oo lagu helo dukimiinti aan sharci ahayn.
“Waxaan ka hirgelinnay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir xafiisyada bixinta adeegyada bulshada, taas oo aan uga golleenahay in muwaadin kasta uu helo dukumiintiga uu doonayo oo sharciyadeysan, dhawraayana mulkiiyaddiisa iyo xaqa uu leeyahay, taas oo horey ay uga jirtay dhibaato weyn iyo muranno joogta ah.”
Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Guddoonka Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida in xal waaro loo helo fara gelinta aan sharciga ahayn ee ciidanka qaar ay ku sameeyaan murannada dhulka iyo muhiimadda ay leedahay in sharciga la hor keeno cid kasta oo ku tagri fasha awoodda dawladnimo.
“Marar badan ayaa waxaa dhacay falal la xiriira askar isugu gacan qaadday dhul iyo hanti ay ahayd in ay si sharciga wafaaqsan dacwadahooda u soo gudbiyaan Maxkamaddaha, taas waa mid aan la qaadan karin oo aan meel uga soo wada jeesan doonno. Sidoo kale waxaa naga go’an dib u soo celinta hantida guud cid kasta oo haysata, maadama ay tahay hanti loogu tala galay u adeegidda bulshada.”
Guddoonka Maxkadda Gobolka Banaadir ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka dadaalka ay ku bixinayaa xal-u-helista tabashooyinka iyo murannada la xiriira hantida maguurtada ah iyo sidii loo taabbo gelin lahaa hannaan cadaalad oo ay helaan bulshada Gobolku.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac, iyagoo kormeer ku sameeyey xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maxkamaduhu.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay hub laga daabulayay Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo loo waday gobolka Shabeelaha Hoose, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen.
Hubkaan ayaa sida xogta aan ku heleyno waxaa uu ku wajahnaa mid kamid ah beelaha ku dagaalamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana waday gudoomiyaha degmadaasi ee maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax (Kaladire) oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda degmada Wanlaweyn, kana tirsan maamulka HirShabeelle, ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowladda ay ka hortageen in hubkaasi u gacan galaa mid kamid ah maleeshiyaadka ku dagaalama degmadaasi.
Xildhibaanka ayaa sheegay in hubkaasi uu gacan ka geysan lahaa hurinta colaad beeleedyada maalmahaan ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Wuxuu guddoomiyaha degmada ku eedeeyay inuu ka dambeeyo colaada u dhaxeyso labo maleeshiyaad oo wada daga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose.
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa u hanjabay mucaaradka dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin madax hore iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya.
Yariisow oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya anaan laga aqbali doonin in ay xag xagtaan Dowladda sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in Mucaaradka looga baahanyahay in aysan ahaan kaliya Mucaarad buunbuuninaya amni daradda dalka, ee looga baahanyahay in ay ahaaaan mucaarad taladooda ku darsada dowladda si loo saxo meelaha wax ka qaldanyihiin.
“Siyaasigii khas wade ah hala soo safto kooxda argagixisada ah ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daraddo in ay dalka ka jirto” ayuu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoo).
Waxa uu ugu dambeyntiina sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aynan dhag jalaq u siin hadalada mucaaradka iskana kaashadeyn sidii ay amniga kala shaqeen lahaayeen Ciidamada amaanka.
Hadalka Yariisow ayaa dad badan u arkaan inuu ka adkeysanayo xilkiisa, kuna qancinayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Yariisow ayaa marar badan ku hadlay hadallo u muuqda inaysan isaga kasoo bixin, balse loo soo dhiibay.
Yariisow ayaa xilka loo dhiibay kadib markii meesha laga saaray guddoomiye Thaabit, oo diiday inuu noqdo qof loo meeriyo sida uu u shaqeynayo. Si kastaba, Yariisow ayaa xilkaasi qaatay, isaga oo diyaar u ah inuu noqdo guddoomiye magac u yaal ah oo ku shaqeeya maskaxda Xasan Cali Kheyre.
Si kastaba, hadalkiisii ugu dambeeyey ayaa u horseedi kara dhibaato siyaasadeed iyo in looga yeero xarunta baarlamanka.
Guddiga doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahanyahay musharrixiinta u tartamaya xalka madaxweynaha.
Shuruudaha guddigu soo saaray oo ka kooban sagaal qodob ayaa waxaa kamid ah in shakhsiga u tartamaya xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed uusan lahayn xaas ajnebi ah iyo in uusan gelin dembiyo culus oo maxkamdi xukuntay.
Sidoo kale shuruudaha waxaa ku xusan in qofka musharrax ah uusan wax xil ah hore u hayn iyo in uu ogolaado una hoggaansamo hab-raaca guddiga doorashada KFG,islamarkaana bixiyo lacagta curaarta ah oo dhan$20 kun oo Dollar musharraxa ragga ah halka musharraxa haweenka ah laga rabo $10 kun oo Dollar.
Dhinaca kale guddigu wuxuu soo bandhigay jadwalka doorashada madaxweynaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Washington DC (Caasimada Online) – Amiirka dhaxalsuga ah ee dalka Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, ayaa waxa uu Mareykanka u sheegay in qoraaga la dilay Jamaal Khaashuqji uu u arkayay inuu ahaa Islaami halis ah.
Khaashuqji, oo ahaa muwaadin Sucuudiga u dhashay kana shaqeynayay warbaahinta Mareykanka, ayaa waxaa si weyn loogu yaqaanay inuu dhaliilo maamulayaasha dalkiisa.
Maxamed bin Salmaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu arrintaasi taleefoonka ugu sheegay Aqalka Cad kaddib markii Khaashuqji la waayay taas oo ka horraysay inta uusan Sucuudigu qiran inuu ninkaasi dilay.
Maydkiisa ayaanan weli gacan lagu hayn, hasayeeshee Turkiga, Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya ayaa dhammaantood waxa ay isku raaceen in lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishii Oktoobar.
Wicitaanka taleefanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa 9-kii bishii Oktoobar, todobaad kaddib markii la waayay Khaashuqji.
Sababta uu hadalkaasi u sheegay ayaa lagu sheegay in ay tahay ilaalinta Xulufadda Mareykanka iyo Sacuudiga.
Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay jireen culeesyo kaga imaanayay dhanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana musharixiinta qaar ay taageero ka helayaan dhanka dowladda.
Shariif Xasan, wuxuu si cad u sheegay inuu ku kalsoon yahay xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed, uuna ku rajo weyn yahay in markale xildhibaanada u dhibaan hogaaminta Koofur Galbeed.
Xildhibaanada Koofur Galbeed ayuu u diray fariin ah in looga baahan yahay inay badbaadiyaan Koofur Galbeed, isaga oo sheegay inuu ka doonayo in markale isaga ay dib usoo doortaan.
Wuxuu sheegay in intii uu hayay xilka madaxweynaha Koofur Galbeed inuu wax badan u qabtay shacabka deegaanada Koofur Galbeed, uuna ka shaqeyn jiray danta shacabka Koofur Galbeed.
Shariif Xasan ayaa qarka u saaran in uusan kusoo laaban kursiga Madaxtinimadda Koonfur Galbeed, ka dib markii Magaalada Baydhabo ay tageen Siyaasiyiin taageero ka helaya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwo Shacabku taageersan yihiin.
17 Bishaan ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana dhamaan musharixiinta loo ogolaaday inay tartami karaan, kadib markii kulamo kala duwan ay qaateen xubnaha Guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed.
Guddigii isimada Puntland ee loo xil saaray xallinta dhacdadii uu ku dhintay suldaan Xassan Cali Jibriil ayaa maanta shaaciyay in si rasmi ah loo xalliyay arrintaasi.
Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag oo ay soo qayb galeen cuqaal,waxgarad,isimo,culimaa’uddiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa go’aanka looga dhawaaqay.
Guddigu waxay sheegeen in beesha Aadan Saciid ee East Sanaag Clan ay dil iyo diya’ba ka cafiyeen Maxamuud Cismaan Sugulle oo ah ninka uu gacantiisa ku dhintay Suldaankii beesha Aadan Siciid suldaan Xassan Cali Jibriil.
The federal government has launched a campaign to "communicate" the benefits of immigration and push back against what the minister in charge of the file calls "anti-immigrant, anti-refugee rhetoric."
Excessive protein consumption, a Toronto registered dietitian said, could hinder you from a balanced diet and increase risk for chronic illnesses like kidney disease.
Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa war qoraal ah kasoo saaray doorashada 15 maalin kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo.
Qoraalka ayuu ku sheegay in doorashadaasi ay ka filayaan inay u dhacdo si xor ah oo xalaal ah, islamarkaana aysan ku jirin faragelin siyaasadeed oo lagu sameeyo doorashada Koofur Galbeed.
Wuxuu Qoraalka ku sheegay in loo baahan yahay in dhamaan musharixiinta ay helaan fursad loo siman yahay oo ay doorashada kaga qeyb gali karaan, islamarkaana aan lala kala safan musharixiinta qaar.
Seddex arin ayuu sheegay in loo baahan yahay inaysan ka dhicin doorashada Koofur Galbeed ka dhaceyso 17 Bishan, kuwaasi oo kala ah:-
Xad Gudub Dhaqaalo: Wuxuu ka digay in doorashada Koofur Galbeed lagu sameeyo xad gudub dhaqaalo, islamarkaana musharixiinta qaar lagu taageero dhaqaalo ay ku heli karaan codadka xildhibaanada.
Arintaan waxaa horey walaac kaga muujiyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tagay magaalada Baydhabo, kuwaasi oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad dhaqaalo badan lagu bixinayo si ay halkaasi kaga soo baxaan.
Cadaadis: Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay in cadaadis la saaro musharixiinta tartameyso si aysan u helin codadka xildhibaanada, waxaana taasi horey kaga digay musharixiinta qaar.
Rabshado: Ugu dambeyn Nicholas Haysom ayaa ka digay in doorashada Koofur Galbeed ay ka dhacaan rabshado horseedi kara natiijo xumo, waxaana walaacaasi uu xoogeystay waxii ka dambeeyay markii Shariif Xasan uu ciidamo badan geeyay madaxtooyada uuna badalay ciidamadii hore.
Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, laakiin musharax walbaa wuxuu wataa ciidamo ku beel ah oo u gaar ah, taasi oo horseedi karta in rabshado ay dhacaan.
Waxaa magaalada Baydhabo ka socdo diyaar garowgii u dambeeyay oo ay sameynayan musharixiinta Koofur Galbeed.
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Jubba ee uu ku weeraray madaxda maamul goboleedyada.
C/raxmaan Cabdi Shakuur, ayaa si adag kaga jawaabay hadalkaasi, kadib wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxaana uu daandaansi ku tilmaamay hadalkii madaxweynaha uu ku weeraray madaxda maamulada.
Wuxuu sheegay in ujeedada uu u tagay magaalada Jubba iyo khudbadda xanafta leh aysan is laheyn, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in dhawaan madaxweynaha uu soo saaray qoraal uu maamulada ugu dhawaanayo, balse hadda uu sii fogeeyay.
“Khudbad daan daansi iyo dagaal uu ka muuqdo , Madaxweynaha asigaa dhowr maalin ka hor sheegay inuu gogol u fidiyay madaxda maamul goboleedyad oo ku baaqayo in shir la isugu yimaado wixii tabasho ah uu garawsan yahay, sida dad badan tuhunsan yahay martiqaadkiisa iyo fariinta xalay uu dirayay wey kala fog yihiin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale xusay in hadalka Madaxweynaha uusan aheyn mid ku haboon Xaalada ay Soomaaliya Maanta ku jirto.
“Waxaa rabaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha kulankii ugu dambeeyay ee Brussels ka dhacay Beesha caalamka ayaa isugu yeertay isaga iyo Madaxda Maamul goboleedyad,a wax laga hadlayo waa arrimo Soomaaliya ku saabsan, looma yeerin Madaxweynaha keligiis, ayagana waa loo yeeray wuu ogyahay Madaxweynaha waaqica horyaala in dalkaan ku jiro marxalad dib u heshiisiin, marka aniga hadalka Madaxweynaha ilama ahan mid nabad iyo dib u heshiisiin oo isu soo dhowaansho raadinaya”ayuu yiri”ayuu yiri markale Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
Miisaaniyadda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya u ansixisay sanadka 2019-ka waa US$ 340,060149, ilaa 94 milyan oo dolar ayaa ku siyaaday miisaaniyadda wixii ka dambeeyey doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee February 8, 2017.
In kasta oo ay muhiim tahay halka laga keenayo dakhliga miisaaniyadda hadana inta badan waxaa la fiiriyaa Shaqaalaha iyo mushaarkooda, lacagta loo qoondeeyey horumarka dalka iyo dadka, waana labada meel ee uu aad uga liito maamulka hadda jira.
Shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah oo ka kooban heerarka A, B, C iyo D, waxaa ay qeyb muhiim ah ka yihiin miisaaniyadaha dowladda Soomaaliya, waxaa la yaab leh in shaqaalaha joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay tiro ahaan gaarayaan 5,526 oo ah tirada uu ka tagay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud 2016-kii.
Xukuumadda nabad iyo nolol 2badii sano oo ay joogtay kuma kordhin shaqaalaha rayidka ah xataa hal qof, waxaa ay qoratay oo keliya shaqaalo KMG ah, oo ku nool gunno ay ka helaan meelaha ay u shaqeeyaan, kuwaas oo qeybo badan oo ka mid ah lagu dhibo, mana laha meel ay u dacwoodaan, mar haddii aysan aheyn shaqaale joogta ah.
2012-kii, Markii uu xafiiska yimid madaxweyne Xasan Sheekh waxaa aad u yaraa shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya, miisaaniyaddii ugu horeysay ee baarlamaan ansixiyo buburkii kadib waxaa ansixisay dowladda Xasan Sheekh, Miisaaniyadda oo gaareysay 114,355,852 wuxuu shaqaalaha rayidka gaarsiiyey ilaa 3060, oo 2901 ka mid ah ay yihiin shaqaalaha qoran oo rasmi ah, sidaas ayaana sanad walba loogu daray shaqaale cusub ilaa ay gaareen 2016-kii 5,526, tiradaas oo weli sideedii ah.
Shaqaalahaas aan tiradooda soo sheegnay ilaa iyo hadda waa sidoodii iyaga oo kala leh heerarkan Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, waxaana muuqata in maamulka Farmaajo uu ku guuldareystay qorashada shaqaaleysiinta.
Qeybo ka mid ah tiradaas yar ee u diiwaan-geshan shaqaalaha joogtada ah xataa ma helin xuquuqdoodii muddo 9 bil ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Xaqiiq kale oo aan la inkiri karin ayaa ah in mashruuca ay gunnada ku qaataan shaqaalaha KMG ah ee ay qoratay dowladda Farmaajo laga bixiyo barnaamijka Recurrent Costs and Reform Financing Project, kaas oo ah mashruuc uu bangiga adduunka ogolaaday markii ugu horeysay xiligii dowladdii Xasan Sheekh July 1 ilaa December 31, 2014, waxay aheyd sidoo kale markii ugu horeysay ee bangiga adduunka iyo IMF-ta la shaqeeyaan dowlad Soomaaliyeed, horumarkii la smaeeyey wixii xilligaas ka dambeeyey ayaa keentay in arbacadii ay labada dhinac kala saxiixdaan $80 Million.
ilaa hadda xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa ay jawaab u la’dahay sababta ay u qoran la’dahay shaqaale cusub iyo sababta ay shaqaalaha KMG ah uga biilaan mashruuc loogu talo-galay in lagu shaqaaleeyo khubarada, dadka awood siinta ku shaqada leh, kuwaas oo ay aheyd in dowladda Soomaaliya qaabab kale uga faa’ideysato!!
The AU has awarded medals to a contingent of troops from the Burundi National Defense Force (BNDF), in recognition of their contribution in furthering the mandate of the mission in Somalia.
Xog: Arrimo dhowr ah oo u horseedi kara ROOBOW in loo doorto madaxweyne
in News - Wararka
Posted
Baydhabo (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa heysta dhowr Fursadood oo uu ku noqon karo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, kadib doorashada 17 Bishaan ka dhaceyso magaalada Baydhabo.
Wuxuu shaaciyay waxyaabaha uu qaban doono haddii loo doorto madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana uu sheegay inuu xooga saari doono iskuulada wax lagu barto iyo goobaha diinta lagu faafiyo.
Fursadda koowaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha koofur Galbeed ayaa ah Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Shariif Xasan, oo sababi kara in labada dhinac “Shariif Xasan iyo Musharaxa DF taageersan tahay” aysan heli fursaddaha codadka xildhibaanada.
Waxay taasi siin kartaa Fursad uu ku heli karo codadka ugu badan, maadaama Shariif Xasan uusan heysan taageero badan, Xildhibaanadana ay dhaqaalo qaadan karaan kadibna dooran karaan Musharax ay talo ku yeelan karaan go’aanadiisa.
Fursadda labaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa ah inuu kasoo jeedo Beesha Mirifle gaar ahaan Leysaan, Xildhibaanada Leysaan ayaa horey u taageersanaa Shariif Xasan oo Abti ay u yihiin, maadaama ay yaraayeen musharixiinta beeshaasi kasoo jeedo oo codadkooda ay siin karaan.
Maadaama hadda ay heystaan nin kasoo jeedo Leysaan oo taageero badan heysta, waxay taasi keeni kartaa in xildhibaanadii horey ugu codeyn jiray Shariif Xasan inay codkooda siiyaan Muktaar Roobow, waxaana ay heystaan tiro xildhibaano ah.
Arinta seddexaad ee keeni karta in Roobow madaxweyne noqdo ayaa ah, inuu horey u balan qaaday in Goobta dhibaatada ugu badan ay ka jirto Koofur Galbeed oo ah Shabeelaha Hoose inuu wax badan ka qaban doono isbaarooyinka qabiileed ee yaala Shabeelaha Hoose iyo Al Shabaab.
Balanqaadkaasi ayaa u sahli kara iyo xildhibaanada ugu badan ee Digil inay taageeraan oo codkooda ay siiyaan, maadaama uu lasoo shaqeeyay Al Shabaab, uuna yaqaano xogo badan iyo hanaanka loola dagaalamo, maadaama Al Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan Shabeelaha Hoose.
Wuxuu sidoo kale heli karaa taageerada beelaha kala duwan ee Koofur Galbeed oo doonaya in deegaanadooda ay noqdaan goobo nabdoon, waxaana xildhibaanada qaar ay u balanqaadeen taageero badan.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com